Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,856
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeisa (HOL) — Somali singer Haboon Nuura received a hero's welcome in Hargeisa after Somali authorities barred her from performing in Mogadishu over a controversial song that was perceived as critical of the capital. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — A coalition of Somali opposition parties and civil society groups has accused President Hassan Sheikh Mohamud of constitutional overreach and economic mismanagement, calling his administration’s policies a threat to the country’s stability. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal Militari oo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Cirka ee Mareykanka (US AFRICOM) ayaa goordhow laga fuliyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Daacish ee Buuralayda Calmiskaad, gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland. Howlgalka oo ahaa mid aad loo qorsheeyay waxaa lagu xoojinayay howgallada isdaba joogga ah ee geesiyaasha daraawiishta Puntland ay ku ciribtirayaan argagixisada Daacish, wali waxaa socda tirakoobka khasaaraha gaaray cadowga ISIS. Qiimeyn kadib faahfaahin dhameystiran ayaa laga soo saari doonaa howlgalkaan, maadaama uu weli socdo howgalkaan oo ah mid qorsheysan, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saaxiibada Mareykanka waxaa ka go’an xoojinta iskaashiga howgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah. Taliska AFRICOM ayaa horey u sheegay in 1-dii Febraayo 2025, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Daacish. Howlgalkaas waxaa lagu dilay 14 xubnood oo Daacish ah, oo uu ku jiray horjooge sare oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maleninine, kaas oo masuul ka ahaa qorista xubnaha iyo aruurinta dhaqaalaha kooxda. Sidoo kale, Puntland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ka qayb qaatay duqeymaha cirka ee lagu bartilmaameedsaday Daacish, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar sheegtay in door muuqda ay ku leedahay howlgalka Puntland looga xoreynayo Daacish. Dowladda Federaalka oo hadda shaacisay duqeynta caawa ka socota Calmiskaad ayaa balan qaaday faahfaahin dhameystiran kadib markii uu soo idlaado howlgalkaan, sidoo kale Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa looga bartay shaacinta xogta kama dambeysta ah ee howlgallada ay fuliyaan.
  4. President Deni seeks to rectify setbacks caused by Puntland’s excessive concessions to the federal government at the expense of its constituents. Garowe (PP News Desk) — Last year, the President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni stated that the proposed currency for Puntland does not signify withdrawal from the Union. His nuanced remarks left no doubt that he does not share the disappointment over how the new federal member states and even the secessionist administration of Somaliland have reaped the benefits of the federal system more than Puntland has. Unlike his Interior Minister, Abdi Farah Said Juha, who advocates for a confederal system proposed by some Mogadishu elites several years ago — based on South-North power-sharing to woo back secessionists — President Deni opted for an approach to rectify a system weakened by excessive Puntland concessions to Mogadishu. In 2023, President Deni stated that Puntland would only return to the National Consultative Council if the Somaliland administration participates in deliberations in Mogadishu without claiming to have seceded from Somalia. This stance preceded the 2024 maritime Memorandum of Understanding that the Somaliland administration signed with Ethiopia in January 2024 in violation of the sovereignty of the Federal Republic of Somalia. Term extension: President Hassan Sheikh Mohamud might benefit from the political deadlock over the electoral models. Puntland rejected the federal representation of Somaliland, which refuses to acknowledge Somalia’s sovereignty and continues to pursue secessionist policies. In 2021, Somaliland forcibly displaced Somali citizens in Laascaanood, and in 2023, it shelled Laascaanood for nearly seven months under the pretext of being a sovereign state. Mahdi Guled, a federal MP from Hargeisa, has a history of selling his loyalty to an incumbent government bent on violating the federal constitution. The 2023 conflict in Laascaanood has had geopolitical consequences in the Horn of Africa. Puntland regained control of territories that fall under its federal jurisdiction. Puntland’s position on the future nominal representation of Somaliland in federal institutions remains one of the major stumbling blocks to holding indirect or one-person, one-vote elections in Somalia in 2026 or beyond. Abdi Farah Said ‘Juha’ (un) knowingly advocates a confederal system based on South-North talks. In 2012, Puntland State agreed to the current arrangement, whereby Somaliland MPs and Senators could be selected in Mogadishu. This compromise turned out to be a political bonanza for political elites who view Mogadishu as their stronghold. MPs and Senators from secessionist constituencies have consistently supported violations of the federal constitution by successive incumbent federal governments. They backed the attempted term extension for the previous federal government (2017–2022) and supported the controversial constitutional amendments of 2024. Last year, Mahdi Guled, a federal MP representing a Hargeisa constituency and a former Deputy Prime Minister, claimed that “one person, one vote can take place in Buuhoodle.” His remarks astonished observers. “Why cannot a similar one-person, one-vote federal election not take place in Burco or Hargeisa?” The ongoing political deadlock may provide an opportunity for a term extension for President Hassan Sheikh Mohamud if Puntland does not support the customary indirect elections should the electoral model proposed by Villa Somalia for 2026 falter. Puntland State, made up of six regions, feels politically disadvantaged by an alliance between unionist Mogadishu and secessionist Hargeisa political leaders, who have since fallen out following the maritime MoU that former Somaliland President Muse Bihi Abdi illegally signed with Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Pushes Back Against Mogadishu and Hargeisa Alliances appeared first on Puntland Post.
  5. Duqeymo kala duwan ayaa sida dowladda Puntland xaqiijisay galabta ilaa Caawa ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, gaar ahaanna goobaha Argagixisada ISIS kaga dhuumanayaan buurahaasi. Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraatiga Carbeed ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw degaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa la gubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid, iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana Argagixisada Daacish. Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in duqeyntii galabta oo ay fulisay dowladda Imaaraatiga Carbeed lagu gubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid, iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana Argagixisada ISIS waxaana Puntland tallaabadaasi uga mahadcelisay dowladda UAE. “Dowladda Puntland oo kaashanaysa Saaxibada Imaaraadka ayaa galabta fulisay duqeymo lagu beegsaday Boholaha Xankookib oo u dhaw deegaanka Dhasaan ee Buuralayda Cal-miskaad, waxaa lagubay kaydkii hubka Argagixisada iyo gaadiid iyadoo lagu dilay halkaasi xubnihii ku sugnaa ee ka tirsana Argagixisada Daacish” ayuu yiri Taliska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland. Dhinaca kale, duqeymo culus oo ay fulisay dowladda Mareykanka ayaa caawa laga fuliyay godad ku yaalla togga Curaar iyo Dara-madow oo ay difaacyo adag ku lee yihiin Argagixisada ISIS inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin khasaaraha gaaray dagaallamayaasha Daacish. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka hadashay duqeymo culus oo galabta ilaa Caawa ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  6. Washington (Caasimada Online) – Joojinta madaxweyne Donald Trump uu ku sameeyey gargaarka dibadda ee Mareykanka, ayaa saameyn xooggan ku yeeshay Soomaaliya, ayada oo la hakiyey lacagtii Washington ay ku bixin jirtay ciidamada Danab, iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish. Saacado un kadib markii uu xilka la wareegay bishii hore, Trump wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo hakad gelinaya barnaamijyada gargaarka dibadda muddo 90 maalmood ah. Wuxuu ku dooday in “gargaarka dibadda iyo hay’adaha la xiriira aysan waafaqsanayn danaha Mareykanka” isla markaana ay “wax u dhimayaan xasilloonida caalamka.” Si kastaba ha ahaatee, afar mas’uul oo hore iyo kuwo hadda xil haya – kuwaas oo codsaday in magacyadooda la qariyo cabsi ay ka qabaan aargoosi xagga dowladda ah – ayaa sheegay in barnaamijyadan la hakiyay si gaar ah loogu talagalay in looga hortago khataraha amniga qaranka, joojintooduna ay halis gelin karto Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah. Aqalka Cad kama jawaabin codsi loogu diray faallo ka bixinta arrintan. Saameynta hakadka gargaarka amniga Mareykanka wuxuu sannadkii bixiyaa ku dhawaad $10 bilyan gargaar amni oo dibadda ah. In ka badan kala bar miisaaniyaddaasi waxay aadaa Israa’iil, Masar, iyo Ukraine – saddexdan waddan ayaana laga dhaafay xanibaadda kharashaadka. Dhanka kale, waddamada kale ee xulafada la ah Mareykanka ee ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe – kuwaas oo hela gargaar aad uga yar – waxay la kulmeen hakad ballaaran oo saameeyay barnaamijyadooda amniga. Mid ka mid ah barnaamijyada si gaar ah looga walaacsan yahay waa barnaamijka Kaalmada Ka-hortagga Argagixisada (Anti-Terrorism Assistance), oo Mareykanku ku bixiyay $264 milyan sannadkii 2023 si sare loogu qaado awoodda xulafadiisa ay uga falceliyaan khataraha xagjirka. Barnaamijyo kale ayaa diiradda saaraya la-dagaallanka dambiyada caalamiga ah, ka hortagga ka ganacsiga mukhaadaraadka, iyo xoojinta hay’adaha sharci fulinta ee maxalliga ah. Qaar badan oo ka mid ah barnaamijyadan hadda waa la hakiyay. “Tani ma aha ‘Show-ga The Apprentice.’ Lama oran karo xulafada: waad la bixi kartaan,” ayuu qoray sarkaal hore oo dhanka amniga ah. “Wax kasta oo aan siino – laga bilaabo tababar iyo qalab ilaa talo guud – waa gargaar dibadeed, waxaana ay xulafadayadu ku tiirsan yihiin si ay u fuliyaan howlaha Mareykanku ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan si ‘Mareykanka ammaan u noqdo!’” Soomaaliya oo saameyn gaar ah dareentay Soomaaliya, oo Mareykanku taageero siiyo si ay ula dagaallanto Al-Shabaab – kooxda xiriirka la leh Al-Qaeda – ayaa si gaar ah saameyn ugu yeelatay hakadka dhaqaalaha, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Mareykanka. Joojinta dhaqaalaha ayaa halis dhanka amniga ah u keentay boqolaal askari oo Mareykan ah oo ku sugan halkaas. Qandaraaslayaal qaabilsan dhismaha iyo dayactirka xeryaha ciidanka gaarka ah ee Danab – oo uu Mareykanku tababaray – ayaa si lama filaan ah uga tagay, taasoo keentay in askarta Mareykanka ay dadaal geliyaan si ay u buuxiyaan kaalintooda, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka. Ku dhawaad 400 oo askari oo ka qalin jabiyay tababarka Danab ayaa looga tagay bannaanka saldhig Mareykan ah, iyagoo aan helin raashin, shidaal ama koronto. Qandaraasle kale oo qaabilsanaa daad-gureynta dhaawacyada askarta Soomaaliyeed wuxuu hayay shaqaale ku sugnaa goob dagaal oo fog xilliga la soo saaray amarka joojinta shaqada, sida uu sheegay sarkaalkan difaaca Mareykanka. Lama oga in dib u celinta shaqaalahaasi ama howlaha kale ee daad-gureynta la bixin doono. Shaybaarrada Soomaaliya oo hakad galay Xayiraadda dhaqaalaha waxay sidoo kale saameysay shaybaarrada Mareykanku taageero ee ku yaalla Muqdisho iyo Garoowe, kuwaas oo baara rasaasta, DNA-da, bambooyinka iyo cadeymo kale. Lt. Col. Maxamed Maxamuud Axmed, oo ah madaxa laanta baarista dambiyada ee booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in shaybaarka Muqdisho uu bixin jiray faro-bixino iyo xog kale oo lagu gudbiyo Interpol iyo FBI. “Sannadkii hore, shaybaarku wuxuu la tacaalay illaa 120 kiis oo argagixiso,” ayuu yiri Axmed. “Laakiin howlihii oo dhan hal bil gudaheed ayay istaageen. Tababarayaasheena way tageen, shatiyada IT-gana waa dhacay.” Khabiir dhanka amniga ah oo si qoto dheer uga shaqeeyay Soomaaliya wuxuu arrinta si cad u sheegay: “Haddii dhaqaalaha Mareykanka gabi ahaanba istaago, dagaalkan [lagu hayo Al-Shabaab] si degdeg ah ayuu u dhammaanayaa,” ayuu yiri. Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay sannado badan weerarro dhimasho leh ka gaysteen Kenya, oo ah xulafo weyn oo Mareykanka ah. Sannadkii 2020, dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray saldhig milatari oo ku yaalla Jasiiradda Manda Bay, halkaas oo ay ku dileen saddex Mareykan ah. Sannadkii 2013, weerar ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi wuxuu socday maalmo, halkaas oo boqolaal qof lagu dilay; sannadkii 2019, weerar kale oo lagu qaaday hoteel heer sare ah oo Nairobi ku yaalla wuxuu sababay dhimashada 21 qof. Waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo Daacish ay ka dhigatay saldhig hawleed iyo mid dhaqaale, ciidamada maxalliga ah ayaa ku jira dagaal culus oo lagu doonayo in lagaga saaro kooxdaasi, balse weli ma helin taageero xagga reer galbeedka ah. Warbixin bishan ka soo baxday guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee baaraya Daacish iyo Al-Qaeda ayaa lagu sheegay in khatarta kooxahani ay weli tahay mid xooggan, isla markaana ay sii xoojinayaan diiradooda Afrika. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay sameysaneyso xiriir “ku meel gaar ah ama fursad raadis ah” oo ay la yeelatay Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro la beegsanaya marin-biyoodka caalamiga ah.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga Carabiya ayaa maanta qisaastay nin Soomaali ah oo ka mid ah 45 maxaabiis Soomaali ah oo lagu helay inay dalka Sacuudiga galinayeen mukhaadaraad ama daroogo. Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa VOA u xaqiijiyey in maxbuuskaas maanta la qisaasay oo la dilay, safiirka ayaa sheegay in layaab uu ku noqday go’aanka lagu toogtay mid kamid ah maxaabiistii Soomaaliyeed. Xasan Xuseen Yuusuf oo adeer u ah ninoa maanta Sacuudiga lagu toogtay ayaa sheegay in wiilkooda uu lasoo xiriiray isagoo u sheegay in la qisaasayo oo tiirka ii ku xiran yahay, isagoo codsaday in lasoo cafiyo, hooyadiisna lagu salaamo. Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga badbaadiyo dilka ay ku xukuman yihiin, maadaama maanta la toogtay mid ayaga ka mid ah. Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof ayaa xilliyo kala duwan lagu qabtay Sacuudiga, iyagoo lagu eedeeyay inay dalkaas soo geliyeen maandooriye. Ehellada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan oo qaarkood tahriib ku galay Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas. Sanadkii 2024, Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 qof, taas oo muujineysa in boqortooyadu ay sii waddo fulinta xukunnada dilka ah ee la xiriira dambiyada maandooriyaha iyo kuwa kale. Maxaabiista Soomaalida ah ee weli ku xiran Sacuudiga ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay u soo gurmato si loo khafiifiyo xukunnada dilka ah ee lagu riday, maadaama lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu doonayo in lagu caawiyo muwaadiniinta ku xiran xabsiyada Sacuudiga, iyadoo la rajeynayo in dadaalladaasi ay sii socdaan si loo badbaadiyo nolosha maxaabiistan.
  8. Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge. Ugu horreyn Taliyaha ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha sida ay u socdaan howgallada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ka socda Hirshabeelle, kuwaas oo lagu soo af-jarayo haraadiga Khawaarijta. “Rabbi ha idin ku guulleeyo dadaalka iyo kaalinta naf-hurnimada ee dalka kaga xorreyneysaan cadowga khawaarijta.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii guusha kaddib dagaal adag oo lala galay argagixiso caalami ah. Source: goobjoog.com
  9. MOGADISHU, Somalia – The Trump administration’s abrupt suspension of US foreign aid programs has sparked alarm among security experts and defense officials, who warn that the move could weaken counterterrorism efforts in Somalia, particularly against militant groups such as al-Shabab and the Islamic State (IS). Last month, the White House issued an executive order pausing all foreign aid programs for 90 days, citing concerns that the “foreign aid industry and bureaucracy are not aligned with American interests” and “serve to destabilize world peace.” However, several current and former US officials, speaking anonymously, argue that the suspension is counterproductive, jeopardizing security partnerships and endangering American personnel stationed abroad. The US spends nearly $10 billion annually on foreign security assistance. While major allies such as Israel, Egypt, and Ukraine were exempted from the freeze, numerous security programs across Africa and the Middle East have been brought to a standstill. Among them is the Anti-Terrorism Assistance program, which had a $264 million budget in 2023 to strengthen the counterterrorism capabilities of partner nations. “This is not The Apprentice. You can’t just tell your partners: ‘You’re fired,'” a former US security official said. “Everything we provide—training, equipment, and operational support—is foreign assistance, and many of these nations rely on it to sustain operations that directly protect U.S. interests.” Impact on counterterrorism in Somalia One of the hardest-hit regions is Somalia, where the US has played a critical role in the fight against al-Shabab, an al-Qaeda-linked insurgent group responsible for numerous deadly attacks. The funding freeze has led to immediate operational disruptions for Danab, U.S.-trained Somali special forces crucial to counterterrorism missions. A US defense official revealed that private contractors responsible for building and maintaining Danab bases withdrew abruptly, forcing American troops to take over logistical duties. Additionally, nearly 400 newly graduated Danab soldiers were left stranded outside an American military base without provisions for food, fuel, or electricity. Further complicating the situation, medical evacuation (medevac) services for injured Somali soldiers were halted mid-operation. “Personnel were in a remote combat zone when the stop-work order was issued,” said the defense official. “It remains unclear whether they will be reimbursed for the return flight or any future medevacs.” Somalia’s forensic capabilities have also suffered. U.S.-supported crime laboratories in Mogadishu and Garowe—which analyze bomb fragments, DNA, and ballistic evidence—have been forced to shut down due to funding cuts. Lt. Col. Mohamed Mohamud Ahmed, head of Somalia’s police forensics unit, said the closures have disrupted intelligence-sharing with Interpol and the FBI. “Our mentors have left, and our IT licenses have expired,” Ahmed stated. “Last year, we worked on about 120 terrorism cases. Now, everything has collapsed within a month.” Expanding security vacuum in Africa Beyond Somalia, security experts warn that the aid freeze could worsen instability across Africa. A United Nations report this month highlighted that al-Shabab, IS, and other extremist groups remain highly active across the continent, exploiting weak state security structures. Al-Shabab has carried out high-profile attacks in Kenya, including the deadly 2013 Westgate Mall siege, which killed over 60 people, and the 2019 attack on Nairobi’s DusitD2 Hotel, which left 21 dead. In northern Somalia, IS fighters have established an operational and financial hub, raising fears of a broader regional insurgency. Local forces battling the group have struggled to secure external military assistance, making them increasingly vulnerable to militant advances. “If all U.S. funding stops indefinitely, this war [against al-Shabab] will end very fast—and not in our favor,” warned a security expert with extensive experience in Somalia. Global security ramifications The White House has not provided a clear timeline for the conclusion of the aid review. However, critics argue that the freeze has strained relationships with key security partners. With U.S.-backed initiatives stalling, adversaries such as Russia and China may seek to expand their influence in regions traditionally aligned with Washington. A recent UN report also highlighted increasing ties between al-Shabab and Yemen’s Houthi rebels, who have targeted global shipping lanes. Analysts suggest that weakening Somalia’s security forces could inadvertently strengthen these groups, complicating US efforts to contain transnational terrorist threats. As uncertainty looms over the fate of US foreign assistance, military officials and security experts caution that the long-term consequences could be severe. “Terrorist organizations exploit power vacuums,” a senior counterterrorism analyst said. “The U.S. risks undoing years of progress in counterterrorism operations, which could come back to haunt us.”
  10. Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaanadda Haboon Nuura, oo maalmo ka hor Muqdisho looga hor istaagay inay qabsato bandhig faneed, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Haboon ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa si diirran ugu soo dhaweeyay fanaaniin iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Fannaanadda oo la hadashay warbaahinta gudaha kadib imaatinkeeda Hargeysa ayaa sheegtay inay ogoshahay wax walba oo ay ku weyday qaranimada Somaliland, sida ay hadalka u dhigtay. Fannaanaddan ayaa horey uga mid ahayd koox fanaaniin ah oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo xilligii ay Soomaaliya ka difaaceysay badda Itoobiya qaaday hees ay nacayb ugu muujinayeen reer Muqdisho. Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xilligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya. Haboon ayaa la sheegay in loo soo bandhigay inay raalli-gelin ka bixiso kadibna ay qabsan karto bandhig-faneedkii u dhignaa, balse fannaanadda ayaa diiday, waxayna go’aansatay inay iskaga soo laabato Hargeysa oo markii hore ay kasoo duushay. Reer Muqdisho iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ayaa dhibsaday heestii ay qeybta ka ahayd ee lagu karbaashay xilli ummadda Soomaaliyeed ay dalka ka difaacanayeen cadowga Itoobiya. Hoos ka daawo muuqaalka
  11. All in all, Russia’s Gulf of Aden-Red Sea naval base plans depend first and foremost on whether Sudan implements their long-delayed agreement, absent which the next variable is whether the US keeps its base in Djibouti or transfers its forces from there to Somaliland upon recognizing the latter. The Horn of Africa figured prominently on Russia’s diplomatic agenda last week after two high-profile engagements with Djibouti and Somaliland. The first concerned the National Assembly Speaker’s visit to Moscow to meet with his Russian counterpart while the second hosted a delegation led by the Chairman of the Russian Trade Association in Africa who agreed to expand agricultural, logistical, and industrial cooperation. Both developments might have a military dimension to them. Russia has long sought to revive its Soviet-era naval presence in the Gulf of Aden-Red Sea (GARS) region, ultimately settling on building a base in Sudan, but the implementation of these plans has repeatedly been delayed due to that country’s civil war and Western pressure. That’s why Russia might be looking for alternatives in Djibouti or Somaliland in case Sudan’s latest signal of intent once again amounts to nothing. Even if things work out, however, then one of them could still host complementary facilities. It was explained here in November 2023 “How Russia Could Mediate A Series Of Deals Between Djibouti, Ethiopia, & South Sudan”, which might result in obtaining a naval base in Djibouti in exchange for stakes in joint South Sudanese mining companies, discounted agricultural exports, and a regional oil pipeline. Djibouti might finally be interested in this if Trump implements “Project 2025’s” proposal (page 186) to recognize Somaliland “as a hedge against the US’ deteriorating position in Djibouti” vis-a-vis China. Djibouti could prospectively replace or even likely overcompensate for its lost revenue from renting the US a naval base there if the US transfers its forces to Somaliland by taking Russia (and by extent Ethiopia and South Sudan) up on this plan. Russia could even hypothetically assume control of the US’ (by then former) Djiboutian naval base just like it assumed control of the US’ former airbase in Niger last May. A seamless transition would be in Djibouti’s immediate financial interests and lay the basis for other deals. On the other hand, the US might stay put in Djibouti, in which case Russia would naturally prioritize Somaliland as a possible alternative to Sudan instead. Although it has cordial relations with Somalia, which lays claim to Somaliland, the Somalian President slammed Russia twice in late January 2024 while speaking at a major international conference in Italy. This context might partially explain why Russia has no qualms about offending Somalia by dispatching its trade and investment delegation to Somaliland. Russia might be looking to lay the basis for a deal whereby formal recognition could be extended to Somaliland together with scaling their recently agreed investments in exchange for a naval base. To be clear, the aforesaid scenario is educated conjecture since no credible reports have been published at the time of writing to suggest that their representatives actually discussed this during the delegation’s visit, but it can’t be ruled out given the strategic context in which their trip took place. All in all, Russia’s GARS naval base plans depend first and foremost on whether Sudan implements their long-delayed agreement, absent which the next variable is whether the US keeps its base in Djibouti or transfers its forces from there to Somaliland upon recognizing the latter. As can be seen, Russia is reacting to regional developments instead of trying to shape them, which its policymakers assessed to be the most pragmatic approach towards this dynamism given the limits of their country’s influence. Korybko. substack Qaran News
  12. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐮𝐫𝐤𝐢𝐠𝐚 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 & 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland & Soomaaliya Danjire 𝐀𝐥𝐩𝐞𝐫 𝐀𝐤𝐭𝐚ş iyo wefti uu hoggaaminayay, iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh labada dhinac, kuwaas oo la xidhiidha xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Turkiga. Ugu horrayn, Danjiraha Turkigu waxa uu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Doorashashoyinkii Madaxtooyada, isaga oo qiray bisaylka hannaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay Somaliland iyo sida ilbaxnimada leh ee ay reer Somaliland ula kala wareegeen xilka Qaranka, arrintaasi oo uu Danjiruhu ku tilmaamay mid dhif iyo naadir ku ah mandaqadda Geeska Afrika, Shacabka reer Somaliland ee adkaysiga badana ay mutaysteen in lagu hambalyeeyo guusha ay gaadheen. Kulankan waxa diiradda lagu saaray arrimo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen nabadeynta, iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xirfadaha, ka wada shaqaynta arrimaha bini’aadannimada. Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Turkiga u sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u danaynayso in Dawladda Turkigu ay la yeelato Somaliland xidhiidh toos ah, wanaagsan oo dhinacyo badan leh. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  13. Somaliland ayaa markii ugu horeysay xeer u sameynaysa takoorka iyo hayb sooca bulshada. Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in xeerkan curintiisa iyo hogaamintiisaba ay leedahay Wasaaradda Cadaaladdu. Hadaba wariyaha VOAda, Khadar Maxamed Cakule ayaa arintan ka wareystay Wasiir Yoonis Axmed Yoonis isagoo ugu horeyn waydiiyey ujeedada guud ee xeerka. 5e3b5dd1-2a08-4942-859a-08dd4a843460_16k Qaran News
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa hambalyeysay musharraxa ku guuleystay tartanka hoggaanka fulinta Midowga Afrika, kaasoo loo doortay Maxamuud Cali Yuusuf, kaasi oo ka adkaaday Raila Odinga oo ay wadatay Kenya. “Aniga oo ku hadlaya magaca Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Dawladda iyo Shacabka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti, oo aan ku hambalyeynayno guusha taariikhiga ah ee ay ku hanteen Hoggaanka Fulinta ee Ururka Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray madaxweynaha Somaliland. Odinga ayaa si weyn u taageeri jiray ololaha aqoonsi raadinta Somaliland, oo muddo ka badan 30 sano ku doodaysay inay tahay “dal ka madax-bannaan Jamhuuriyadda Soomaaliya,” inkasta oo caalamku u aqoonsan yahay sidii maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya. Musharraxan ayaa horey meelo fagaaro ah uga taageeray qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, isaga oo ugu baaqay Golaha Fulinta Midowga Afrika inay u aqoonsadaan Somaliland dal madax-bannaan. Madaxweynaha Somaliland, oo u muuqda mid indhaha ka lalinaya weji-gabaxa kasoo gaaray tartankan—maadaama ninka la doortay la ogyahay halka uu ka taagan yahay qadiyadda Somaliland—ayaa guushan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo markhaati u ah saameynta sii kordheysa ee Jabuuti ku leedahay qaaradda Afrika. “Guushan taariikhiga ahi waxa ay markhaati u tahay saamaynta diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa ee ay Djibouti ku leedahay guud ahaanba Qaaradda Afrika, iyo sida ay Djibouti uga go’an tahay horumarinta iskaashiga Qaaradda. Dawladda Djibouti waa dal u heellan hagaajinta danaha ka dhexeeya waddamada iyo shucuubta Qaaradda Afrika,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale, waxa uu qoraalkiisa ku daray: “Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka dhexeeya xidhiidh walaaltinimo iyo xidhiidh taariikhi ah. Waxaanan ku kalsoonnahay in hoggaaminta dalka Jabuuti uu Midowga Afrika u horseedi doono horumar la mahadiyo, xagga nabadgelyada, xagga dhaqaalaha iyo xagga bulshadaba.” “Mar labaad, waxa aan Dawladda iyo Shacabka Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ku hambalyeynayaa guushan taariikhiga ah. Waxa aan Jabuuti u rejaynaynaa inay ku guulaysato gudashada xilkan muhiimka ah ee loo doortay,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland.
  15. Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Siisi ayaa dhawaan ka horyimid qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaas oo uu ku doonayo in dadka reer Falastiin ee Gaza loo raro dalal ay ku jirto Masar. Al-Sisisi ayaa la sheegaya inuu wado dadaallo diblomaasiyadeed oo hoose, xilli uu wajahayo mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee xukunkiisa. Masar ayaa rajo weyn laga qabaa inay hormuud ka noqoto qorshe weyn oo dib loogu dhisayo Gaza, taas oo u oggolaanaysa inay ka fogaato barakicinta ballaaran ee Falastiiniyiinta iyo inay kor u qaadaan dhaqaalaha dalkooda. Al-Siisi ayaa sida muuqata doortay waddo ka duwan tii Boqorka Urdun, Cabdalla II oo dhawaan Trump kula kulmay Aqalka Cad. Halkaas, Cabdalla wuxuu adeegsaday hadal jilicsan, isagoo ballan-qaaday inuu u oggolaan doono carruurta reer Gaza ee buka inay Urdun yimaadaan, balse si adag u diiday fikradda dib-u-dejinta qaxootiga reer Gaza. Inkasta oo Trump uu ku adkeystay in Masar ay qaabili doonto dadka barakacay ee reer Gaza, haddana dalkaas Carbeed ayaa meel adag ka istaagay qorshahan. Trump ayaa ku andacoonaya inuu Masar wax badan u qabto ayna ogolaan doonto ugu dambeyntii, wallow ay taasi hadda muuqan. Madaxweynaha Masar, Al-Siisi oo ah xulufo muhiim u ah Mareykanka ayaa sheegay in barakicinta “dadka Falastiiniyiinta ah ee dhulkooda ay tahay caddaalad darro aanan marnaba oggolaan karin”. Sidoo kale wuxuu baaqay shirweyne Carbeed oo lagu qaban doono Qaahira 27-ka Febraayo, si looga wada hadlo aragti beddesha tan Trump oo dhammaystiran oo ku aaddan Gaza. Sii socoshada kala fogaanshaha labada dhinac ayaa la rumeysan yahay inay iska hor keeni karto Masar iyo Mareykanka oo xulufo muhiim ah, maadaama uu Trump ku adkeysanayo qorshahaan oo sida la fahamsan yahay ujeedooyin qarsoon ku ladhan yihiin. Si kastaba, tan iyo bilowgii dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bishii Oktoobar 2023, Masar ayaa kow ka ah dalalka Carbeed ee sida isdaba joog ah uga digeyay qorshooyin lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza iyo Daanta Galbeed ee xuduudahooda.
  16. Garowe (HOL) – The United States has condemned last week’s ISIS attack on Puntland security forces in the Al-Miskaat mountains in the Bari region, where counterterrorism operations are ongoing. Source: Hiiraan Online
  17. The President of the Republic of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdillahi Irro, has expressed his gratitude for the continuous support of the United Arab Emirates (UAE) towards Somaliland. He emphasized his commitment to strengthening bilateral cooperation, particularly in economic development and various sectors of progress between the two nations. President Irro made these remarks during an interview with the UAE-based WAM news agency, while attending the World Governments Summit 2025 in Dubai. He praised the UAE’s investment role, especially DP World, which has played a significant part in improving Somaliland’s infrastructure, transforming Berbera Port into a strategic trade hub that connects Somaliland with neighboring countries. The President described DP World’s investment in Berbera Port as extending beyond port development, highlighting the establishment of the Berbera Free Zone and the Berbera Trade Corridor connecting Ethiopia. These projects have boosted economic ties between Somaliland and Ethiopia, a country with a population of nearly 134 million people. This has also made Berbera a key regional trade center, enhancing cross-border transportation. Regarding hospitals in Berbera and Burco funded by the UAE, the President affirmed that these medical facilities would significantly improve healthcare services in Somaliland. Additionally, President Irro highlighted Somaliland’s livestock potential, stating that if properly invested, Somaliland could supply meat to Gulf countries and the wider region. Somaliland’s livestock population is estimated at between 40 to 50 million, and nearly 4 million animals are exported to Saudi Arabia during the Hajj season each year. Qaran News
  18. Bartamaha mashquulka badan ee Qaahira, maqaayadaha qaxwaha waxaa cammiray dad reer Qasa ah oo ka soo cararay dagaalka ba’an ee Israa’iil iyo Xamaas. Inkastoo ay badbaadeen, haddana welwel badan ayey ka qabaan ehelkooda ku haray halkaas xaaladdooda. Maalmihii u dambeeyay, saraakiisha sirdoonka Masar ayaa la kulmayay hoggaamiyeyaasha Xamaas si ay u xoojiyaan xabbad-joojinta liiqliiqanaysa. Malaayiin Masaari ah oo si joogto ah ula socda wararka dagaalka Qasa ayaa horeyba u dareemayay in dalkoodu si toos ah ugu lug yeeshay xiisadda. Hadda, qorshaha lama filaanka ah ee Madaxweyne Trump ee xilliga dagaal-ka-dib – kaas oo soo jeedinaya in laba milyan oo Falastiini ah lagu barakiciyo “dhul yar” oo Masar iyo Urdun ah, si Mareykanka u la wareego dhulka Qasa – ayaa cabsi geliyay shacabka Masar. Masaari badan oo u soo baxay salaadda Jimcaha ayaa sheegay in fikradda Trump u baahan tahay in si hoos loo eego oo qorshe laga yeesho. “Waxaan dagaalka ka soo wareejiaynaa dhulkooda una soo wareejinaynaa dhulkeenna!” ayuu yidhi Abdo, oo ah injineer madani ah. “Ciidanka Israa’iil iyo muqaawamada Falastiiniyiinta waa colaad waarta, mana jiro nabad ka dhaxeysa. Haddii la fuliyo qorshahan, waxay Israa’iil helaysaa marmarsiiyo ay dhulkeenna uga soo weerarto Falastiiniyiinta iyagoo ku andacoonaya is-difaacid.” Qaar kale waxay xuseen in barakicinta joogtada ah ee reer Qasa ay la macno noqon doonto in la burburiyo dadaallada ay Falastiiniyiintu ugu jiraan dowladnimo. Waxay sidoo kale sheegeen in tani ay dhalin doonto xagjirnimo iyo xasillooni-darro ka dhacda gudaha Masar. Si uu fariin tan la mid ah u gaadhsiiyo caalamka, Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ayaa waday dadaallo diblomaasiyadeed oo hoose. Wuxuu wajahayaa mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee xukunkiisa, taas oo laga yaabo inay dib u hagaajiso xidhiidhka uu la leeyahay saaxiibkiisa muhiimka ah ee reer Galbeedka. Masar waxay Israa’iil ku handaday in ay ka laaban karto heshiiskii nabadeed ee 1979-kii, kaas oo muddo dheer loo arkayay tiirka xasilloonida iyo saameynta Mareykanka ee Bariga Dhexe. Tan iyo markii Washington ay gadhwadeen ka noqotay heshiiskaas, waxay Masar u aragtay Mareykanka saaxiib dhow. Masar waxa ay si joogto ah u ahayd mid ka mid ah dalalka ugu badan ee hela gargaarka militari ee Mareykanka, kaas oo qeyb ka ahaa heshiiskaas. Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in ay rabto in ay la shaqeyso Madaxweyne Trump si loo gaaro heshiis cadaalad ah oo xalliya arrinta Falastiiniyiinta. Dibadda masaajidka ku yaalla Qaahira, dadka salaadda ka soo baxay ayaa si hoose u tilmaamaya sida Masar ay tahay inay uga fogaato ku celcelinta khaladaadkii taariikhiga ahaa. Masar ayaa hore u sheegtay in ay martigelisay in ka badan 100,000 oo reer Qasa ah. Waxaana jira welwel ah in haddii ay dad kale qaabilaan, ay taasi keeni karto in Hamas – oo ah farac ka mid ah Ikhwaanul Muslimiin oo Masar laga mamnuucay – uu ku xoogaysto gudaha dalka, taasoo abuuri karta qalalaase siyaasadeed iyo amni. Ugu dambeyn, waxaa jira taageero weyn oo loo hayo mowqifka adag ee Masar iyo in ay ka hortimaaddo cadaadiska Mareykanka. “Noloshu marba marka ka dambeysa way nagu adkaaneysaa, maadaama qaxootiga hadda aan hayno ay badan yihiin. Ka waran haddii kuwa kale aan martigelinno!” ayuu yidhi mulkiile dukaameed, kaasoo diiday in magaciisa la xuso. “Falastiiniyiintu waa inay dhulkooda ku noolaadaan, annagana dhulkeenna hana loo daayo. Mareykanka waxba noogama baahna. Sisi iyo dowladda waan la jirnaa, diyaar baan u nahay in aan la kulanno cawaaqib kasta oo ka dhalan karta go’aankan!” Bbcsomali Qaran News
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Raila Odinga oo ah musharraxii shalay looga adkaaday xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa usoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Raila oo warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu dib ugu laabanayo dalkiisa Kenya, islamarkaana uu qabsanayo shaqadiisa. Inkasta oo Odinga uusan faahfaahin ka bixin shaqada uu qabanayo kadib guul-darradii qaraarayd, haddana waxaa la ogyahay in ninkaan uu mucaarad ku ahaa madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo isagu dadaal badan geliyay sidii uu ugu mashquulin lahaa xilkaan balse ku guul-darraystay. “Qorshahaygu waa in aan dalkayga dib ugu laabto si aan wax badan u qabto,” ayuu yiri Raila Odinga, oo ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo waxyaabaha uu qaban doono. Waxa uu intaas kusii daray “Waxba kama shalleynayo. Aad ayaan u faraxsanahay haddii aysan taas idinku filneyna, weli diyaar baan u ahay inaan u qabto adeeg walba oo ay qaaraddan u baahan tahay, miisaan walba ha lahaatee”. Odinga oo diiwaanka ra’iisul wasaaraha Kenya ku galay buuq uu geliyay dowladdii madaxweynihii saddexaad ee dalkaas, Mwai Kibaki, ayaa haatan la fahamsan yahay inuu eeganayo sidii uu culeys xooggan u saari lahaa Ruto. Si kastaba ha ahaatee, Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, ayaa Sabtidii shalay loo doortay inuu hoggaamiyo Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika. Diblomaasiyiin yar ayaa leh waayo-aragnimo la mid ah tan Maxamuud. Maxamuud ayaa helay taageeradii loo baahnaa ee laba-meelood laba ka mid ah codadka hoggaamiyeyaasha gobolka oo ku shiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, taasoo u suuragelisay inuu qabto xilka wakiilka ka ah qaaradda ay ku nool yihiin 1.5 bilyan oo Afrikaan ah. Diblomaasiga 59-jirka ah ayaa loo arkayay mid fursado yar leh marka la barbardhigo siyaasiga rug-caddaaga ah ee Kenya, Raila Odinga, wallow ay falanqeeyayaashu ku amaaneen ololihiisii xasilloonaa ee uu ku doonayay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat, oo u dhashay Chad, si uu hoggaanka ugu qabto ururka Midowga Afrika.
  20. Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay burburka goob dahabka laga godo oo ku taalla dalka Mali ee galbeedka Afrika, sida laga soo xigtay booliska. Dhibaneyaasha qaarkood ayaa la sheegay inay ku xayiranyihiin burburka hoostiisa, kuwaas oo la sheegay inay ku jirto haweenay ilmo yar wadataahi. Goobaha dahabka laga qado ee dalalka galbeedka Afrika waxaa si joogto ah uga dhaca shilal nolosha tobanaan qof galaafta, waxaana dhacdooyinka noocaas ah sabab u ah xirfadda qodeyaasha oo hoosaysa iyo gododkaas oo aan ahayn ku habboon faagashada Dahabka. Source: goobjoog.com
  21. Guddoomiyaha Midowga Afrika waa hogaamiyaha siyaasadeed ee ururka, waxaana dooranaya madaxda waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika (AU) inta lagu guda jiro shir sanadeedka ururka. Xilkaani waa mid iska beddela sanado kasta, waxaana qaban kara mid ka mid ah madaxda waddamada xubnaha ka ah AU. Doorkiisa ugu weyn waa in uu matalo Midowga Afrika, hogaamiyo shirarka madaxda, iyo in uu dhiirrigeliyo mabaadi’da iyo siyaasadaha ururka. Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (Chairperson of the African Union Commission) waa madaxa fulinta ee Guddiga Midowga Afrika, kaasoo ah hay’adda maamusha hawlaha maalinlaha ah ee ururka. Waxaa lagu doortaa muddo afar sano ah, waxaana xilka haya qof si gaar ah ugu shaqeeya Midowga Afrika, halkii uu noqon lahaa madaxweyne waddan ka tirsan ururka. Shaqadiisu waxay ku saabsan tahay hirgelinta siyaasadaha iyo go’aamada ay gaaraan madaxda Afrika, hoggaaminta howlaha guddiga, iyo matalaadda Midowga Afrika ee arrimaha caalamiga ah. Sidaas darteed, Guddoomiyaha Midowga Afrika waa hoggaamiye siyaasi ah oo si ku-meel-gaar ah u hoggaamiya ururka, halka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika uu yahay maamulaha joogtada ah ee fulinta go’aannada ururka. Doorashadii shalay ee 2025, waxaa Guddoomiyaha Midowga Afrika loo doortay Madaxweynaha Mauritania, Mohamed Ould Ghazouani, kaasoo xilkan qaban doona muddo hal sano ah. Doorashadiisa waxay timid xilli ay Afrika la daalaa-dhaceyso caqabado amni, siyaasadeed, iyo dhaqaale. Dhanka kale, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka soo jeeda Djibouti, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Isagu wuxuu xilkan kala wareegayaa Moussa Faki Mahamat, oo Chad ka soo jeeday kuna jiray xilka tan iyo 2017. Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu horey u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Djibouti muddo dheer, waxaana la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dib-u-habaynta Midowga Afrika iyo horumarinta xiriirka dibadda ee qaaradda. Source: goobjoog.com
  22. Dowladda Mareykanka oo bayaan kooban soo saartay ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Talaadadii hore kooxda ISIS ku qaadday ciidamada difaaca Puntland ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ka wada buuraha Cal-miskaad. Dhambaal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayay si adag ugu cambaareysay weerarkii Argagixiso ee dagaallamayaasha ISISI todobaadkii hore ku qaadeen ciidamada difaaca Puntland kaasi oo si ba’an loogu jebiyay Argagixisada Daacish islamarkaana looga dilay in ka badan 100 dagaallame. “Waxaan Cambaareynaynaa weerarkii Argagixisada Daacish ku qaaday Ciidamada difaaca Puntland 11-kii bishaan Feb February” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku faafisay barta (X) ee hore loogu magacaabi jiray Twitter. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale dhambaal tacsi ah u dirtay dhammaan qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen askartii geesiyaasha ahaa ee ciidamada Puntland kuwaasi oo ku shahiiday weerarkii Argagixisada ISIS lagu jebiyay todobaadkii hore ee 11 Feb. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhammaan qoysaskii ay ka baxeen askartii geesiyaasha ahaa ee ciidanka difaaca Puntland ee ku naf waayey weerarkaasi” ayaa lagu yiri dhambaalka tacsida ah ee ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Mareykanka: Waxaan u tacsiyeynaynaa Askartii geesiyaasha ahaa ee Puntland kaga dhintay Weerarkii Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda NISA oo dhowaan uun tababar soo dhammeystay gaysay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan aagga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamadan oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa iska xaadiriyay jiidda hore ee dagaalka, waxayna soo qaateen tababar gaar ah oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyaga oo si rasmi ah ugu biiray howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo dhiig cusub ku shubi doono dagaalka ay haatan gaareen deegaanno u dhexeeya degmooyinka Buuloburde iyo Jalalaqsi, halkaas oo ay haatan ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada NISA ay aad u qalabeysan yihiin, isla markaana ay wataan gaadiidka dagaalka, iyaga oo fariisimo cusub ka sameystay aagga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan. Ujeedka ugu wayn ee ciidamadan loo geeyay halkaasi ayaa ah in ay door muhiim ah ka qaataan howlgalada la doonayo in lagu ciribtiro Al-Shabaabka kasoo gudbay deegaannada dhaca Jiinka Wabiga, kuna soo qul-qulayo gobolka Hiiraan oo hoostaga maamul goboleedka HirShabelle. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ciidamada u sagootiyay ayaa tilmaamay inay wax weyn ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada, maadaama ay heleen tababarro adag oo xirfado sare leh oo ay siisay dowladda Turkiga. Si kastaba, Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo hoos u dhacay bilihii lasoo dhaafay ayaa haatan dowladda Soomaaliya ku waddaa dardar-gelin xooggan si mar kale dagaal culus loogu qaado kooxdaas, iyadoo howlgaladu ka socdaan jihooyin dhowr ah.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli kasii daraya khilaafka culus ee ka dhex-qarxay Hanti-dhowraha Qaranka, Axmed Ciise Guutaale iyo heerarka kala duwan ee Maxkamadaha dalka, kadib markii ay isku qabteen arrimo hoose oo la xiriira maamulka. Hanti-dhowraha ayaa maanta laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir, kadib mkarkii ay shalay u yeertay Maxkamadda, iyada oo u jeedisay eedeymo culus oo oo waa wayn. Waxaa kamid ah eedeymahaasi fulin la’aanta iyo is hortaag go’aan Maxkamadeed iyo inuu is hortaag ku sameeyay bixinta kharashadka socod-siinta howlaha Maxkamadaha iyo diiwan-gelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen. “Haddaba Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa ay fareysaa Axmed Ciise Guutaale, kuna eedeysan qod. 254, 257 iyo 267 XCS, inuu hor yimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir maalinta Axadda ah oo ay taarkiihdu tahay 16/02/2025, saacadduna ay taay 10:00 subaxnimo, si wax looga waydiiyo uguna jawaabo eedaha uu kusoo eedeeyay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka. Axmed Ciise Guutaale oo isna qoraal kale soo saaray ayaa soo jawaabay, wuxuuna eedeymo u jeediyay Maxkamadda, wuxuuna tilmaamay in ay ku kacday ku takrifal awoodeed, maamul xumo iyo hoggaansanaan la’aanta sharciga, ayna sameysay dayacaad shaqo. Hadda ayada oo ay sidaas tahay ayaa waxaa saaka laga sugayaa Maxkamadda Gobolka Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, si uu isaga difaaco eeeymaha waa wayn ee loo haysto. Zakariye Nuur oo aqoonyahan ku xeeldheer arrimaha sharciga, sidoo kalena ka tirsan bahda garsoorka ayaa shaaca ka qaaday in Guutaale uu ku ciyaarayo dab, marka loo eego sida uu dhigay doodiisa ka dhanka ah Maxkamadda oo shalay saacado kooban u qabatay. Aqoonyahanka ayaa kula taliyay Hanti-dhowraha inuu tego Maxkamadda uuna is difaaco, si aysan uga sii darin arrintan, maadaama ay tahay arrin sharci ah, loona yeeri karo. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeysitan:- Hantidhowroow dabbaad ku cayaaraysaa Hantidhowre ma og tahay saamaynta sharci ee ka dhalan karta amarka u yeeritaanka maxkamadeed haddii aadan u hogaansamin? Ma akhrisay Qod. 21(4) ee Xeerka Xafiiskaagu ku dhisan yahay oo si cad u tilmaamaya in aad xilkaada ku waynaysid xukun maxkamadeed intii uu doonaba hala ekaadee. Ka waran haddii maxkamaddu kugu xukunto 1 maalin ama wax ka badan? Haddii aad rafcaan ka qaadatana ay tahay in aad xabsi gashid. Ma ogtahay muddada habraaca rafcaanku qaadan karo? Ma ogtahay muddada cabashada maxkamadda sare qaadan karto? Haddii aadan rafcaan qaadan soo ma ogid in aad tahay dembiile baxsad ah oo xukun maxkamadeed ku dhacay? Mudane hantidhowre ma arragtay Qod. 22 ee Sharciga Hantidhowrka? Ma ogtahay in xubnaha xilka kaa qaadi karo ay ka mid yihiin 2 garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dalka? Waxaan ku gula talinayaa in aad hortagtid maxkamadda isna difaacdid, amarka maxkamaddana aad u hogaansantid. Sidaas oo kale aad raali gelin ka bixisid wixii gef ah ee kaa dhacay si garsoorku kuu cafiyo
  25. Beeraleyda qaadka Kenya ayaa joojisay Dhoofinta Jaadkii ay keeni jireen Soomaaliya ka dib markii ay dowladda dalkaasi ay ku dhawaaqday qiimo cusub oo lagu iibinayo dalaggaas maan-dooriyaha ah. Wararka ayaa sheegaya in Suuqa Qaadka ee Soomaaliya laga dareemayo hoos u dhac weyn kadib markii Beeraleyda ay hadda dalbadaan 3 Dollar halkii Kiilo ee Qaadka iyo ugu yaraan 1550 Doollar halkii jawaan oo Miirow ah, sida ay qortay shabakadda Kenya Times. Beeraleyda qaadka Kenya ayaa dalbaday in qeymaha halkii kiilo laga dhigo $3, balse lacag ganacsatada Soomaalida ayaa arrintaas si weyn uga biya diiday, taas oo keentay ismari-waa ugu dambeyn keenay in la joojiyo dhoofintii Jaadka. Guddoomiyaha ururka beeraleyda qaadka Kenya Rasta Karuiru ayaa dowladda dalkaas ka codsaday inay qaato tillaabo lagu fara-gelinayo qeymaya Jaad oo uu sheegay inay si weyn ugu dulmanyihiin, islamarkaana sidaas aysan waxba ku sii wadi karin. Dhanka kale Wasiirka beeraha Kenya Mutahi Kagwe ayaa ku dhawaaqay qiimaha cusub ee ay dowladdu jaan-goysay in lagu iibiyo Miirawga loo dhoofiyo Soomaaliya. Bayaan uu soo saaray, Kagwe wuxuu ku sheegay in qiimaha qaadka ka dib u eegis ay sameeyeen Guddiga arrintaas loo xilsaaray la go’aamiyay in halkii kiilo oo qaadka la iibiyo Ksh 1300 oo lacagta Kenya ah, halka horay ay u ahaan jirtay Ksh 700. Qeymahan cusub ayaa ka dhigan in halkii kiilo oo qaad ahi uu Kenya uga imaanaya lacag ku dhow $6 dollar, taas oo canshurihii iyo dhammaan habraacyadii dhoofintu ay ka baxsanyihiin. Source: goobjoog.com