-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xiisad dagaal oo xooggan ayaa saaka oo Sabti ah ka aloosan jiidda Buqdharkayn ee galbeedka gobolka Sool, halkaasi oo shalay dagaal culus ku dhexmaray Ciidamada SSC-khaatumo iyo kuwa Somaliland. Gurmadyo ciidan oo aan kala joogsi lahayn ayaa tan iyo fiidnimadii xalay ku biiray ciidamada labada dhinac ee shalay ku dagallamay welina isku horfadhiya jiidda Buqdharkayn, kuwaasi oo kala taabacsan Somaliland iyo SSC-khaatumo. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalkii shalay Buqdharkayn ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 50 ruux oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 80 qof inkastoo SSC-khaatumo iyo Somaliland midna aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha dagaalkaasi. Balse, SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa mid kasta kan kale ku eedeeyay in uu weerarka soo qaaday, haddana ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay sheeegashada labada dhinac. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo saaka ka aloosan jiidda Buqdharkayn oo ay shalay ku dagaallameen Somaliland iyo SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamo tiro badan oo ka tirsan Militariga Itoobiya, kuwaasi oo ku wajahan qaar kamid ah Gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa soo gaaray Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Feerfeer, sida laga soo xigtay Warbaahinta Amhara News. Ciidamadan Itoobiya oo ku gaashaaman gaadiid fara badan iyo Hubka culus ayaa la filayaa in la geeyo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si ay uga qeyb qaataan guluf dagaal oo ka dhan ah dagaallamayaasha Al-shabaab, kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay weeraro rogaal celin ah ku soo qaaday degaanada Shabeellaha Dhexe. Dhawaan, diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa sidoo kale duqeymo culus oo lagu beegsaday Al-shabaab waxay ka fuliyeen degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe kaddib Codsi uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo Ciidamo tiro badan ku soo daabushay gudaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farriin u diray dhallinyarada u dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, isagoo u sameeyey balan-qaadyo waaweyn. Madaxweynaha ayaa cod dheer ugu baaqay dhalinyarada ku jirta kooxaha Khawaarijta ah, inay isku soo dhiibaan dowladda, isagoo cafis u fidiyey qof kasta oo isisoo dhiiba. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhalinyaradaas ka balan qaaday in aan la bahdi doonin oo ay nolol qurux badan heli doonaan, hadii si nabad ah ay uga soo baxaan argagixisada. “Maalintan bisha ramadaan ah ee Jumcada ah fadligeeda waxaan rabaa in aan cafis u fidiyo wiilasha Khawaarijtu qaladay, la idinma bahdilayo ee kasoo baxa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka faafiya fariimaha taageeraya kooxaha Khawaarijta ah, “Barobagaandada maalmahan socota Khawaarijtaa iska leh, nasiib darro kuwa farriintooda qaada ayay heleen oo meelkasta u geeya oo Soomaali iyo Ajaanib ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan ‘Dad badan oo Soomaali kamid ah oo nabada, horumarka iyo iftiinka loo baxayo ka cabsanay “Allaha soo hanuuniyo ayaan leenahay.” Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisadu. “Maanta oo jumca ah Wiilal Soomaaliyeed ayaa qoraxda kulul oo abaarta ah ku dhiig baxaya oo cadowga hortaaggan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada, Salaadda Jimcaha kadib, halkaas oo uu kula tukaday masuuliyiinta Dowladda. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo hal arrin ka dalbaday Shabaab, Ramadaanka awgiis appeared first on Caasimada Online.
-
Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadashay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Buqdharkayn. “Maleeshiyaad hubaysan oo ku ab-tirsada kooxaha la baxay Khaatumo ayaa weerar kusoo qaaday dad shacab ah oo baraagahooda ka dhaansanaya deegaanka Buqdharkayn, iyagoo u socday dhaca xoolaha nool. Dadka deegaanka ayaa si adag iskaga difaacay duullaanka gaadmada ah ee kooxaha hubaysani kusoo Qaadeen Dadka Shacabka Ah, iyagoo La gaadhsiiyay jab wayn. Xukuumadda Somaliland waxay u sheegaysaa dawladaha gobolka iyo Beesha Caalamka in kooxaha hubaysan ee la baxay Khaatumo ay halis ku yihiin amniga mandaqadda, isla markaana aanay dawladda Somaliland u dul-qaadan doonin duullaanada gaadmada ee Ay soo qaadayaan. Annaga oo ka xun in Firdhiye uu bisha barakaysan ee Ramadan u arko dhiig uu daadiyo guul siyaasadeed, isla markaana colaad kaga dhex abuuro dadka walaalaha ah. Somaliland waxay diyaar u tahay nabad-ku-wada-noolaanshaha mandaqadda. Bashiir Cabdi Cabdilaahi. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka ayaa maanta dagaal culus Al-Shabaab kula galay deegaanka Boos-hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waa deegaan hoos taga degmada Aadan-yabaal. Dowladda Soomaaliya oo caawa war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Boos-hareeri ayaa sheegtay in halkaas ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta, weerarka waxaa soo qaaday kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha ciidamada degaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ka dhacay degaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe.” Warkaan waxaa lagu sheegay in ciidanku ay sii hayeen xogta kooxda soo weerareysa, isla markaana laga dilay ugu yaraan 20 maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal sare oo dagaalka hoggaaminaayey. “Ciidamada XDS oo si feejigan uga hortagay weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan degaanka, ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay cadowga, waxaana halkaas lagu ciribtiray ku dhawaad 20 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada,” ayaa lagu yiri Warka Dowladda. Caasimada Online waxay ogaatay in halkaas khasaare culus uu ka dhacay oo soo gaaray labada dhinac, kooxda Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay gudaha u galaan deegaanka Boos-Hareeri. Sidoo kale, waxaa dagaalka ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta HirShabeelle, ciidamada dadka deegaanka ayaa sidoo kale kaalintooda ka qaatay dagaalkii maanta. Dowladda Soomaaliya waxay caawa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay dagaalkii maanta khawaarijta uga furteen oo gacanta u dhigeen gaadiid, iyo saanad ciidan oo Shabaab lahaa. “Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoreyneyso dhulka ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, iyada oo Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cadawga nabadda iyo horumarka diidan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo SNTV lagu baahiyey. Xildhibaanada Beelaha Abgaal ayaa ku biiray dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana socda abaabul xoog leh, in kastoo kooxda Al-Shabaab ay qabsatay dhul balaaran, welina ay wado weerarro toos ah, maalmaha soo socda waxaa lagu rajo weyn yahay in kooxda la jebiyo oo laga xoreeyo gobolkaas. The post DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay dagaal ka dhacay Boos-Hareeri appeared first on Caasimada Online.
-
Dawlada Deegaanka Soomalida Ethiopia ayaa maanta sii daysay maxaabiis Ay Ku Qabteen Deegaanka Dacawalay Ee Hawdka Ethiopia. Maxaabiista Maanta Laga Siidaayay Magaalada jigjiga Ayaa Ah Amba Qaadka nabada Iyo Dhaqan Galinta Xabad Joojin dhamaystiran. Maxaabiista jigjiga Laga siidaayay Oo Tiradoodu dhan tahay 12 Maxbuus oo ah shacabkii laga Af-Duubay deegaanka Dacawaley Ayaa laba ka mid ahi dhaawac ahayeen. Siidaynta Maxaabiista Soo Afjarida Colaada Iyo Dhalinta Nabada Ka dhaqan Gasha Magaalada Dacawalay ee Hawdka Ethiopia ayaa waxa Ku Guulaystay Oo dhaliyay Gudoomiyaha Guud ee Gudida Arab Caaqil Cabdiraxmaan Jiif Caaqil Maxamuud Aadan. Wajigii 2aad ee nabada Dacawalay ayaa La gudo galay Waxa Nabadaasi Dhaliyay Oo Dhiig dambe oo Daata Diiday Gudida Guud ee Beelaha Arab. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay digniinta amni ee kasoo baxday Mareykanka. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta amni ahaan mareyso meel fiican, isla markaana aysan jirin cabsi ama khatar kusoo fool leh, isagoo gaashaanka u daruuray digniinaha wakiilada reer Galbeedka ee uu fadhigoodu yahay Xalane. “Dalka xilli uu ka fiican yahay maleh, dariiqyada ayaa lagu afuraya. Ajnabi horumarkeenna neceb ayaa faafinaya farriimo u adeegaya Al-Shabaab. Ma jirto khatar, ma jirto meel ay Al-Shabaab naga qabsatay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay sameeyaan isku tashi, si loo gaari lahaa isku filnaasho, iyo in dalkeenna Soomaaliya uu ka maarmo shisheeye. “Soomaaliyeey aan iskutasho. Ajnabi horumarkeenna neceb ayaa faafinaya farriimo u adeegaya Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hakinta duulimaadyada ay sameeyeen qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, isagoo meesha ka saaray in ay jirto cabsi amni oo keentay in duulimaadyadaas la joojiyo. “Dalkaan iyadoo qaraxyada iyo dilalka ka dhacayaan ayaa joognay, caalamkana diyaaradaha waa nooga imaanayeen, oo waa socdeen. Maanta waa maxay khatarta dhacday oo diyaaradaha cirka maraya soo daadanayaan,” ayuu yiri madaxweynaha. Maxay yihiin digniinaha uu beeniyay madaxweynaha? Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi wabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho. Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho. Inkasta oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka, haddana waxaa loo aaneyna farriimaha amni ee ay faafinayaan wakiilada Xalane ku sugan. Waa sidee xaaladda amni ee garoonka Muqdisho? Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Idaacadda VOA ayaa sheegtay in wax khatar ah aysan dalka ka jirin, isla markaana ay helaan xogta ammaanka dalka iyadoo dhameystiran. “Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyadaas ay ka baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah,” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal. Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiiyey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in digniintaas ay la kulmeen. “Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn,” ayey tiri Wasiir Fardowso. Waxay intaas kusii dartay “Marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansalee, laakiin ugu dambeyntii waa ay naga aqbaleen.” Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee wakiillada caalamiga ah ee Xalane ku sugan ay soo saaraan digniino amni oo la xiriira caasimadda Muqdisho, iyagoo mararka qaar sheega goobo ay bartilmaameedsan karaan kooxda Al-Shabaab – kuwaas oo badanaa aan xaqiiqo noqon. The post Madaxweyne Xasan oo si adag uga jawaabay digniintii dowladda Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Ciidanka Mareykanka waxay u muuqdaan inay sii joogi doonaan gobolka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo ay diyaarinayaan inay kordhiyaan dadaalkooda dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka. Waxa uu ka hadlay welwelka laga qabo in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Puntland maalmaha soo socda. Imaaraadka Carabta iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo ah taliska ciidamada Mareykanka ee gobolka Afrika, ayaa Puntland ka taageeray duqeymaha cirka ee ka dhanka ah dagaalyahanada Daacish, kuwaas oo ka qayb qaatay burburinta godadka iyo meelo qarsoodi ah oo kooxda Daacish ay ku leedahay buuraha Cal-Miskaad. Toddobaadyadii ugu dambeeyay, ciidamada Mareykanka waxay ku dhawaaqeen dhimashada 16 dagaalyahan oo uu ku jiro Axmed Maeleninine, oo uu sheegay mas’uuliyiin Mareykan ah in uu ahaa “qof ka shaqeynayay soo xulista, maalgelinta, iyo hoggaaminta hawlgallada dibadda, mas’uul ka ahaa soo dirista dagaalyahanada jihaadiga ah ee Mareykanka iyo Yurub.” Mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa VOA u sheegay in Washington ay diyaar u tahay inay bixiso caawimaad dheeri ah. Puntland ayaa ballan qaaday inay laba laabi doonto dadaallada. “Waaxda Difaaca waxay sii wadi doontaa taageerada dadaallada wada-shaqeynteenna ee lagu hakinayo, waxyeellada, iyo ka guuleysashada ururrada argagixisada ee Geeska Afrika,” ayuu yiri. Fallanqeeyayaasha ayaa sheegay in cadaadiska “joogtada ah” ee ciidamada Soomaaliya, oo ay weheliso caawimada Mareykanka iyo Imaaraadka, uu u muuqdo inuu bilaabay inuu wax ka qabto xaaladda. “Calaamadaha ayaa muujinaya in ciidamada Puntland ay horumar dhab ah ka sameynayaan la dagaallanka Daacish, gaar ahaan meelaha ay ku dhuumanayaan ee Soomaaliya,” ayaa yiri sarkaal hore oo reer Galbeed ah oo ka hadlay horumarka socda, codsaday in aan la shaacin magaciisa. Hadalka sarkaalka Pentagon-ka ee ku saabsan in ay sii wadi doonaan taageerada ciidanka Puntland ee la-dagaalamaya Daacish ayaa imanaya, xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Mareykanka uu hakiyey maal-gelintii ciidanka Danab. Guutada Danab, oo ah unug khaas ah oo ka tirsan CXDS, ayaa lagu aas-aasay tababar iyo taageero uu bixiyay Mareykanka si loola dagaallamo argagixisada loona xasiliyo dalka. Hase yeeshee, Wasiir Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iiman Cige ayaa ka digay in joojinta degdegga ah ee maalgelinta Mareykanka ay si weyn u wiiqday miisaaniyadda dowladda. “Culayska ugu weyn ee dowladda heysta xilligan waa luminta maalgelintii Mareykanka uu horey ugu qoondayn jiray ciidamada Danab,” ayuu yiri wasiirka. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhimista maalgelinta ay sidoo kale saameyn ku yeelatay barnaamijyada gargaarka iyo horumarinta, taasoo sii xoojisay caqabadaha dhaqaale ee dalka. Sida lagu sheegay qiimeyn ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda, Soomaaliya waxa ay lumisay qiyaastii $1.5 bilyan oo gargaar sannadle ah, taasoo kordhisay cadaadiska dhaqaale ee dowladda. Ma cadda haddii taageerada Mareykanka uu sheegay in uu sii wadayo ee Puntland ay ku kooban tahay oo kaliya duqeymaha, iyo haddii ay qeyb ka tahay kalmo maaliyadeed. The post Mareykanka oo sheegay in uu tageerayo Puntland kadib markii uu jaray kaalmadii DF appeared first on Caasimada Online.
-
Warmurtiyeedka shirkii beelaha East Burco Clan ee galabta Burco ka furmay iyo qodobada ka soo baxay. ⸻ Qodobada War-murtiyeedka Beesha East Burco Clan waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisa uga mahadcelinaysaa go’aanka qaramaynta Ciidamada Madaniga ah. Beesha East Burco Clan waxay si buuxda u soo dhoweysay qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, iyada oo u aragta talaabo muhiim u ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka. Guddida Guud ee Beesha East Burco Clan iyo Salaadiintu waxay magacaabayaan Guddiga Farsamo oo ka shaqayn doona hannaanka qaramaynta Ciidamada Madaniga ah. Guddiga Farsamada wuxuu Xukuumadda kala shaqayn doonaa habsami u socodka iyo hirgelinta qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, iyadoo la is waafajinayo baahida amniga iyo qaab-dhismeedka cusub ee qaramaynta. ⸻ Shirku wuxuu ku dhammaaday jawi deggan, midnimo iyo wadajir ay ka muuqato. Allaa Mahad Leh. #Somaliland Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo salaadda Jimcaha kula tukaday masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Xasan Sheekh ayaa marka hore dul istaagay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodu aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisada, sida uu hadalka u dhigay. “Nabadda maanta yar ee aan ku naaloonayno, dadka Soomaaliyeed qiimo aad u badan ayey u bixiyeen. Wiilal qaali ah ayaan ku weynay inta yar ee maanta aan ku naaloonayno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Waxa uu intaas ku sii daray: “Hadda saacadahan waxaa xabad ridaya askar Soomaaliyeed oo u taagan jiidda hore, oo kuleyl iyo qorax taagan. Waxay mudan yihiin in loo gurmado, la amaano, la garab istaago, wanaagga ay sameeyeenna la sheego oo aan laga been sheegin.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyeeyey guulaha ay furimaha dagaalka ka soo hooyeen ciidanka qaranka ee qaybihiisa kala duwan, isagoo u duceeyey geesiyaasha dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu faray shacabka in ay garab istaagaan ciidamada qaranka, si goobaha yar ee ay kooxaha argagixisadu ku dhuumanayaan looga sifeeyo. “Dalka anaga ayaa iska leh, waa dalkeenna. Dadkuna waa dadkeenii, dowladduna waa dowladdeenii. Dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, waxaan leenahay: Aan isku tashanno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. The post Xasan Sheekh oo farriin culus kasoo dhex diray Masjidka Madaxtooyada appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — A senior adviser to Somalia's president has sharply criticized the leadership of Hirshabelle state, accusing its top officials of failing to take decisive action in the fight against Al-Shabaab while also faulting the federal government for neglecting the security and humanitarian crisis in the Gedo region. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Salaadda Jimcaha kula tukaday masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka. Kadib salaadda, wuxuu ka hadlay xaaladda amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay guulaha ay Ciidamada Qaranka ka gaareen howlgalada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka iyo dowladda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay faafinayaan argagixisada. Wuxuu sidoo kale sheegay in Muqdisho ay mareyso heerkii ugu wanaagsanaa ee dhanka amniga ah, balse wuxuu xusay in aysan la aqbali karin hakadka ku yimid duulimaadyada shirkadaha caalamiga ah maalmihii lasoo dhaafay. Arrintan ayuu ku tilmaamay mid u baahan xal degdeg ah si loo fududeeyo isku socodka gudaha iyo dibadda ee shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu beeniyay jiritaanka Qatar amni wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed midnimo iyo In ay taageeraan Ciidanka. Diyaaradaha Turkish Airlines, Masar iyo kuwa kale ayaa joojiyay duulimaadkii Garoonka Muqdisho ka dibna markii Safaarada Mareykanka ay soo saartay digniin amni. Source: goobjoog.com
-
For decades, Somalia has been heavily reliant on international aid, particularly from USAID and other donor institutions. While this assistance has been crucial for humanitarian relief, infrastructure development, and institutional rebuilding, it has fostered a dangerous dependency that stifles Somalia’s potential for economic and political self-determination. Source: Hiiraan Online
-
Qaadashadiisa waxay iga dhigeysaa inaan dareemo ammaan.” Verónica Velásquez, oo ah soo galooti aan haysan wax warqad ah kana timid Filibiin kuna nool Los Angeles, waxay had iyo jeer ku sidataa boorsadeeda kaar cas oo yar. Mararka qaarkood waxaa loogu yeeraa “kaarka-ogaanshahaaga-xuquuqda”, wuxuu xusuusin u yahay sida Verónica iyo kuwa kale xuquuqdooda dastuuriga ah iyo waxa ay tahay inay sameeyaan marka ay la macaamilayaan mas’uuliyiinta Socdaalka iyo Dhaqangelinta Kastamka (ICE) ee Maraykanka. Waxaa kaarkaan hindistay xarun ka shaqeysa arrimaha sharciga iyo socdaalka oo la yiraahdo ILRC ku dhawaad labaatan sano ka hor waxaana hadda lagu heli karaa 19 luqadood. Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Donald Trump uu xafiiska la wareegay 20-kii Janaayo isla markaana uu ballanqaaday inuu fulinayo “masaafurintii ugu weyneyd ee taariikhda”, baahida kaarkaan ayaa cirka isku shareertay. “Tan iyo doorashadii madaxweynaha 5tii Noofambar, waxa naloo soo gudbiyay codsiyo ah sagaal milyan oo kaarar ah, in ka badan wadarta guud ee 17-kii sano ee la soo dhaafay,” xaruunta ILRC ayaa sidaasi sheegtay. Xuquuqda iyo tilmaamaha” Qof kasta oo ku nool Maraykanka, iyadoon loo eegayn xaaladdiisa socdaal, waxa uu leeyahay xuquuqo uu dammaanad qaaday dastuurka waddanku. Kaararka cas ee ILRC-da waxay bixinayaan tusaalayaal sida dadka halista ugu jira masaafurinta ay u wajihi karaan xaaladaha nolosha dhabta ah, sida marka wakiilada ICE ay yimaadaan gurigooda. Kaarku waxa uu ku talinayaa in la isticmaalo wax ka beddelka shanaad – taas oo ka ilaalinaysa shakhsiyaadka in lagu qasbo in ay naftooda dembi u gaystaan iyo in ay diidaan in ay ka jawaabaan su’aal kasta oo kaga timaadda mas’uuliyiinta socdaalka. Waxa kale oo kaarku ka caawinayaa dadka in qofku aanu u ogolaan qolyahay socdaalk gurigiisa haddii aanu wadan warqad maxkamadeed oo uu garsoore ku saxiixanyahay. Xigashada Sawirka,Handout Qoraalka sawirka,Kaarka cas iyo boggiisa tilmaamaha bixinaya Midabku wuxuu tixraac u yahay kaararka cas ee ay garsoorayaashu u isticmaalaan ciyaaraha kubbadda cagta si ay ciyaartoy uga saaraan garoonka marka uu khalad galo. ILRC oo fadhigeedu yahay California waxay sheegtay in ay fikradda la timid 2007dii, ka dib weeraro isdaba joog ahaa oo lagu bartilmaameedsaday shaqaale sharci darro ah oo “argagax geliyey bulshada”. Ururku wuxuu kaararka u qaybiyaa ururada aan macaash doonka ahayn iyo ganacsiyada si ay ugu qaybiyaan dugsiyada, kaniisadaha, xaruumaha caafimaadka ama bangiyada, iyo qareenada la shaqeeya muhaajiriinta iyo magangalyo-doonka. Qof kastaa wuu daabaca karaa isaga oo muujinaya qoraallada ku xardhan ee tilmaamaha bixinaya. Kaarka mid ka mid ah dhinacyadiisa ama labadiisa boq waxaa ku qoran luuqadda Ingiriiska halka bogga kalane uu qofku ku qoron karo luuqaddiisa gaarka u ah. Waxaa lagu daabici karaa Isbaanish, Boortaqiis, Carabi, Creole, Ruush, Yukreeniyaan, Fiyatnaamiis, Shiinees iyo kuwo kale, taasoo muujineysa kala duwanaanshaha dadka soogalootiga ah ee Mareykanka. Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Waa nin ay xireen ciidamada laanta socdaalka Mareykanka Sida ay sheegtay xaruunta cilmi-baarista ee Pew, 11 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah ayaa ku sugnaa gudaha Mareykanka sanadkii 2022-ka. Tiradaas waxay ka dhigeysaa 23% dhammaan muhaajiriinta Maraykanka iyo 3.3% dadka guud ee dalkaas. Qiyaastii afar milyan ayaa asal ahaan ka soo jeeda Mexico, sidoo kale ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa u dhashay saddexda dal ee loogu yeero Saddex-xagalka Waqooyi ee Bartamaha Ameerika (El Salvador, Honduras iyo Guatemala). Sidoo kale waxaa jira soo galooti ka soo jeeda bulshooyinka Aasiya, Afrika iyo meelo kale, waxaana dadka u dhaqdhaqaaqa muhaajiriinta ay sheegayaan in xaqa lagu qeexay kaarka cas uu noqon karo faraqa u dhexeeya sii joogitaanka dalka ama in la eryo. “Waxay tahay aalad fudud, laakiin saameyn weyn ayey yeelan kartaa,” ayaa tiri Dalia Zetina, oo ka socota Dream Project Center ee jaamacadda Coastline ee Newport Beach, California. “Wuxuu sidoo kale caawiyaa qofka haysta inuu dareemo ammaan marka uu ka baxayo guriga ama uu u socdo shaqada,” ayay tiri iyada oo la hadlaysay BBC Mundo. “Waxaa dhici karta inaad isku dhex yaacdi haddii wakiil ku istaajiyo. Marka waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso waa inaad qaadato kaarka oo aad akhrido, ama si toos ah u siiso,” ayay tiri. Xarunta ay ka shaqeyso ayaa bulshada u qaybisay 700 kaar oo ay ku qoranyihiin af-Spanish, af-Tagalog, iyo iyo af-Vietnamese. ‘Ka fogow kaarka xiritaanka’ Xigashada Sawirka,Reuters Qoraalka sawirka,Dadka soo galootiga ah ayaa dareemaya cabsi xooggan tan Saraakiisha maamulka Trump ayaa si weyn u dhaleeceeyay hay’adaha NGO-yada iyo ururo iskaa wax u qabso ah oo sheegay in ay caawinayaan dadka soogalootiga ah ee aan haysan deganaansho sharci ah si ay u ” uga hortagaan” wakiilada ICE. “Waxay ugu yeeraan ololahaan ‘ogow xuquuqdaada,’ waxey ugu yeerayaan ‘sida looga fogaado in la xiro,” ayuu yiri Tom Homan, oo ah taliyaha xuduudaha ee Trump oo mas’uul ka ah howlaha masaafurinta. Waxa uu u sheegay Fox News: “Ma jiraan wax naga hor istaagaya in aan tarxiilino soogalootiga dambiilayaasha ah, waxaanu qaban doonaa shaqada.” Musaafurinta soogalootiga waxay ahayd mid ka mid ah balamihii ugu waaweynaa ee Trump xilligii ol’olaha doorashada, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, weerarada guryaha iyo goobaha shaqada ayaa ku soo badanayay Mareykanka. Maamulka cusub ayaa adeegsada baraha bulshada si uu ugu baahiyo waxqabadkiisa. Aqalka Cad, Waaxda Amniga Gudaha iyo ICE ayaa maalin walba daabaca sawirro dad la xiray, oo mararka qaarkood-na soo bandhiga dad la saarayo diyaarad, iyagoo ka katiinadeysan gacmaha iyo lugaha. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in falalkan ay dani ugu jirto ammaanka qaranka, ayna dib u celinayaan “dambiilayaasha”. Si kastaba ha ahaatee, tirooyinka ay heshay NBC News ayaa muujinaya in in ka badan 40% dadka la xiray aysan lahayn wax dambi ah. Waxay ogaadeen in 4,422 qof oo ay ICE xirtay labadii toddobaad ee ugu horreeyay Febraayo, 1,800 ka mid ah aan wax xukun ah lagu ridin amba aan lagu soo eedeyn fal-dambiyeed . Cabsida ay ka qabaan dadka muhaajiriinta ah in la qabqabto ayaa ku baahday Mareykanka, hase-yeshee kaarkan cas ayaa la rumeysanyahay in xaaladda uu wax ka badeli karo. Bbcsomali Qaran News
-
Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhammeystiraya xayiraad cusub oo lagu soo rogayo safarka dadka ka imanaya dalal gaar ah, taasi oo ka ballaaran tii uu madaxweynuhu soo rogay muddo xileedkiisa koowaad, sida ay New York Times u sheegeen laba mas’uul oo arrintan xog ogaal u ah. Qoraal qabyo ah oo dhex wareegaya waaxyaha xukuumadda ayaa soo jeedinaya in la sameeyo liis “gaduud” ah oo ay ku jiraan dalal uu muwaadiniintooda Trump ka mamnuuci karo in ay Mareykanka soo galaan, sida ay sheegeen saraakiishan oo codsaday in aan la magacaabin. Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay in liiska cas ee la soo jeediyay uu inta badan ka kooban yahay waddamadii horey xayiraadaha Trump uga jiray. Xilligaas, dalalkaasi waxa ahaayeen Cuba, Iran, Libya, Waqooyiga Kuuriya, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya, Venezuela iyo Yemen. Qabyo qoraalkaan ayaa sidoo kale si hordhac ah u soo jeedinaya in Afghanistan lagu daro dalalka muwaadiniintooda si buuxda looga mamnuuci doono inay Mareykanka soo galaan, sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta. Shawn VanDiver, oo ah madaxa hay’ad samafal oo gacan ka siisa dib u dejinta muwaadiniinta Afghanistan ee la shaqeeyay ciidamada Mareykanka intii lagu jiray dagaalkii dalkaas, ayaa sheegay in uu ka war helay in dadka reer Afghanistan si buuxda looga mamnuuci doono in ay soo galaan Mareykanka. Subaxnimadii Arbacada, hay’addiisa ayaa soo saartay bayaan degdeg ah oo cinwaankiisu ahaa “Xayiraadda Socdaalka Afghanistan oo soo socota,” kaas oo loogu baaqay dadka Afghanistan ee haysta fiisayaasha saxda ah isla markaana haatan ka maqan Mareykanka in ay si degdeg ah dib ugu soo laabtaan. Galabkii Arbacada, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale werisay in Afghanistan loo soo jeedinayo xayiraad dhammaystiran. Soo jeedinta mamnuucidda waxa ay kaloo xambaarsan tahay liis “oranje” ah oo ay ku jiraan dalal laga xaddidi doono gelitaanka, balse aan si buuxda looga mamnuuci doonin. Tusaale ahaan, kaliya noocyo go’an oo fiisayaal ah ayaa la siin karaa—sida kuwa dad taajiriin ah oo u socdaalaya ganacsi ahaan, halka socdaalayaasha iyo muhaajiriinta laga xayiri karo—waxaana laga yaabaa in muddada fiisaha la gaabiyo. Codsadayaasha fiisaha waxa la khasbi doonaa in ay si shaqsi ah u wareystaan saraakiisha. Dalalka ku jira qaybta saddexaad ee loo bixiyay “jaalle” ayaa la siin doonaa 60 maalmood si ay u saxaan khaladaad la tuhunsan yahay, haddii kale waxaa lagu dari doonaa mid ka mid ah labada liis ee kale, sida ay sheegeen saraakiisha. Arrimaha laga yaabo in ay sababaan xayiraadaha waxaa ka mid ah in waddankaasi uusan Mareykanka la wadaagin xogta dadka u socdaalaya, in aanay jirin hannaan ammaan oo ku filan oo loo marayo bixinta baasaboorrada, ama in ay dad ka socda dalalka la mamnuucay si fudud u siinayaan dhalasho si ay uga gudbaan xayiraadaha socdaalka. Wali lama caddeyn in dadka horey u haystay fiisayaasha ay ka badbaadi doonaan mamnuucidda, ama in fiisayaashooda la laali doono. Dad badan oo reer Afghanistan ah ayaa loo ansixiyay in ay Mareykanka ku soo galaan iyagoo qaxooti ah ama iyagoo haysta fiisayaasha gaarka ah ee la siiyo dadka la shaqeeyay Mareykanka xilligii dagaalka. Sidoo kale lama caddeyn in dadka haysta Green Card, oo ah kuwa loo oggolaaday deganaanshaha rasmiga ah, ay saameyn doonaan xayiraadahani. Ku dhawaad 200,000 oo reer Afghanistan ah oo ku sugan dalkooda hooyo iyo 51,000 oo kale oo dibadda jooga, kuwaas oo kala bar ku sugan Pakistan, ayaa hadda ku jira hanaanka rasmiga ah ee loogu talagalay in lagu geeyo Mareykanka, halka kumannaan kalena ay diyaarsan yihiin oo ay xitaa haystaan hoy, sida uu sheegay Mr. VanDiver, oo ah sarkaal hore oo ciidan iyo madaxda AfghanEvac, oo ah hay’ad samafal. “Tani waa bulshada ugu la xisaabtanka badan ee la baaray abid,” ayuu yiri intii lagu jiray wareysi uu bixiyey Khamiistii. “Waa wax la yaab leh heerka ay dadkani u marayaan.” Wuxuu intaas ku daray in dad badan oo ka tirsan askartii hore ee Mareykanka, kuwaas oo horey ugu codeeyay Trump, ay haatan aad uga caroodeen wararka la xiriira xayiraadda socdaalka. “Waxay leeyihiin, ‘Tani ma ahayn wixii aan u codeeyay,’” ayuu yiri. “Heshiisku wuxuu ahaa in la keeno xulufadii dagaalka ee nala shaqeysay. Hadda waxay u muuqataa khiyaano.” Mid ka mid ah wareegtooyinka badan ee uu Trump saxiixay maalintii uu xilka la wareegay, wuxuu amray Waaxda Arrimaha Dibadda in ay soo ogaato dalalka “xogtooda baaritaan iyo hubin ay aad u liidato si loogu soo rogo xayiraad buuxda ama mid qayb ah oo lagu mamnuucayo muwaadiniintooda.” Trump wuxuu Waaxda Arrimaha Dibadda siiyay 60 maalmood si ay u dhammeystirto warbixin ay u diri doonto Aqalka Cad, taasoo la filayo inay diyaar noqoto labo toddobaad gudahood. Waxa uu sidoo kale faray Waaxyaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka in ay ka shaqeeyaan mashruucan. Xafiiska saxaafadda ee Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay raacayaan wareegtada madaxweynaha islamarkaana ay ka go’an tahay “ilaalinta ammaanka qaranka iyo badbaadada muwaadiniinta Mareykanka iyada oo loo marayo hannaanka ugu adag ee fiisaha lagu bixiyo,” balse si gaar ah uma aysan faallayn arrimaha go’aannada gudaha. Waaxda Arrimaha Dibadda, gaar ahaan xafiiska la tacaala arrimaha socdaalka, ayaa loo xil-saaray diyaarinta qoraalka hore, balse liisaska saddexda qeybood ee kala duwan wali ma jiraan kuwo la xaqiijiyay, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah arrintan. Muddadii ololihiisa doorashada ee December 2015, Mr. Trump wuxuu si cad u dalbaday “mamnuucista buuxa ee Muslimiinta soo galaya Mareykanka ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalku ay ka ogaanayaan waxa saxda ah ee socda.” Kadib markuu xilka la wareegay Janaayo 2017, wuxuu Trump soo saaray xayiraad socdaal oo uu si tartiib tartiib ah u balaarinayay, taas oo markii hore diiradda saartay waddamada Muslimiinta u badan, balse markii dambe ay saameysay dalal sabool ah iyo kuwo Afrika ah. Markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Joe Biden Janaayo 2021, wuxuu baabi’iyay xayiraadihii Trump, isagoo dib ugu noqday hannaan lagu qiimeeyo shaqsi ahaan dadka ka imanaya dalalkaas. Wareegtadiisa, Biden wuxuu ku tilmaamay mamnuucidii Trump “mid khaldan,” isagoo xusay in ay ahayd mid “fadeexad ku ah sharafta Mareykanka.” Waxaa la filayaa in xayiraadaha cusub ee socdaalka ay sii xoojin doonaan muranka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha socdaalka Mareykanka. The post Trump oo Soomaaliya ku daraya liiska dalal la filayo in… appeared first on Caasimada Online.
-
Federal prosecutors have detailed how Aimee Bock, the former executive director of Feeding Our Future, allegedly misappropriated $1.9 million in federal food-aid funds meant to feed children during the COVID-19 pandemic. The revelations came as the prosecution neared the conclusion of its case against Bock and her co-defendant, Salim Said, the former co-owner of Safari Restaurant. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s Council of Ministers, led by Deputy Prime Minister Salah Jama, reaffirmed a resolution on Thursday aimed at intensifying efforts to combat misinformation and disrupt networks that provide direct or indirect support to terrorist groups. The move is part of the government’s broader strategy to bolster national security and counter extremist narratives. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan ay magacaabi doonto ergay u howlgala sii amba-qaadidda qorshaha badbaadinta ee dalka Suudaan. Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan, isagoo qiray in dalkaasi uu ka mid yahay dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama, ayuu yiri, “Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.” “Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn, sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhawaan aan magacaabno ergay dhexdhexaadin doona labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha. Soomaaliya ayaa hore u wargelisay madaxda dalalka Jaamacadda Carabta in ay ka soo horjeeddo faro-gelinta lagu hayo Suudaan, oo haatan uu ka socdo dagaal burburiyay kaabayaashii ugu muhiimsanaa ee dalkaasi. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dooneyso in Suudaan ay mid ahaato, isla markaana ay ka heshiiso khilaafka sababay gacan-ka-hadalka ee burburka geliyay dalkaas. Wuxuu dhinacyada isku haya dalkaas ugu baaqay in ay wada-hadlaan si ay u dhammeeyaan xiisadda, iyadoo laga fogaanayo faro-gelin dibadda ah. The post DF oo diyaarinaysa ergay gaar ah oo dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya… appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in Maamulka Somaliland uu Maanta oo Jimce ah Weerar ku soo qaaday Ciidamada Difaaca SSC ee Fadhigoodu yahay Jiidda Buqdharkayn ee Gobolka Sool. “Buqdharkayn Saacaddu markay ahayd Abaaro 10:00-kii subaxnimo, ayna tahay bil-ramadaan wuxuu Maamulka gooni-goosata ah ee Somaliland weerar iyo duulaan kusoo qaadeen fadhiisimooyinka Ciidamadda difaaca Maamulka SSC-khaatumo” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-khaatumo. “Waxaa bogaadin mudan sida geesinimadda iyo naf-hurka leh ee Ciidamada dhiiranayaasha Maamulkeena ay mar walba u beeninayaan damac walba oo qar iska tuurnimo ah oo ka yimaada gooni goosatada. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan Bulshada SSC-KH inay Ilaashadaan dhulkooda, Garab iyo taageerana la bar-bar joogaan Ciidankooda” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Maamulka SSC-khaatumo ayaa sidoo kale ku wargeliyay Beesha Caalamka in Somaliland tahay midda diiddan Nabadda iyo Xasiloonida “Waxaan Beesha caalamka iyo Ummada Soomaaliyeedba u sheegaynaa in Maamulka gooni goosatada Soomaaliland u yahay mid ka dheer xasillooonida kana caagan nabadda geeska.” Dhinaca kale, Maamulka Somaliland weli kama hadal eedeynta uga timid deriskooda Khaatumo oo ku saabsan in ay Weerar ku soo qaadeen Ciidamada SSC ee fadhiya Jiidda Buqdharkayn iyadoo aysan jirin cid si madax-bannaan u xaqiijisay Khasaaraha Dagaalka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-khaatumo oo Somaliland ku eedeeyay in ay Weerar ku soo qaaday Ciidamadooda fadhiya Jiidda Buqdharkayn appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn ka fulisay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay Itoobiya ay duqeymaha fuliyeen, ayna ma warqabtay dowladda. Wasiirku wuxuu tilmaamay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaannada Al-Shabaab, inkasta oo uusan faah-faahin khasaaraha ka dhashay. Mar uu la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu caddeeyay in duqeymuhu ay ahaayeen kuwo ay dowladda federaalka la socotay, islamarkaana aan la fulin karin weerarro noocan ah iyada oo aan dowladda la ogeysiin. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin heshiis amni, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wada-shaqeynta labada dal ee dhinaca amniga. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howl-galka cusub ee AUSSOM. Si kastaba ha ahaatee, horey looma arag ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgal ka fulinaya Shabeellaha Dhexe, waana tallaabo loo qaaday iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagaxisada ee labada dhinac. The post Itoobiya oo duqeyn ka fulisay gudaha Soomaaliya iyo DF oo war ka soo saartay appeared first on Caasimada Online.
-
ENDING DEPENDENCE on foreign donors would not only lead to prosperity but also to “self-respect for our nation”. Thus argued Nana Akufo-Addo, then the president of Ghana, when he launched his “Ghana beyond aid” policy in 2017. Source: Hiiraan Online
