Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (HOL) - Al-Shabaab has claimed responsibility for killing at least ten people in separate attacks in two Mogadishu districts on Wednesday night. The militant insurgency group said the attacks targeted drug dealers, youth gangs, and bandits. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland. Waxaa magaalada laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay oo maamulka iyo shacabku ay ugu jiraan soo dhoweynta madaxweyne Xasan Shiikh oo tagaya halkaas, tan iyo markii la doortay 15-kii May 2022-kii. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxaa uu la kulmi doonaa madaxweyne Axmed Madoobe iyo bulshada iyo waxgaradka reer Jubbaland, isaga oo kala hadli doona arrimo dhoer. Safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa sidoo kale ku qotoma sidii loo xalin lahaa tabashada maamulka gobolka Gedo ee ku aadan Jubbland, waxaana uu goobjoog naqon doonaa shirka lagu xaninayo khilaafka. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa dhinaca kale uu booqan doonaa taliska xoogga dalka qeybta 43-aad, isaga oo kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo lagu wado in laga bilaabo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali- waraabe ayaa sheegay in rabshadihii ka taagnaa magaalada Laascaanood ay isku beddeleen dagaal si fiican loo qorsheeyey oo ka dhan ah jiritaanka Qaranka Somaliland, isagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo difaaci lahaa qaranka Somaliland, waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu Twitter-kiisa ku faafiyey oo u dhignaa sidan; “Rabshadaha Laascaanood ka taagnaa ee ka dhashay sidii axmaqnimada ahayd ee uu Muuse Biixi u waajahay mudaharaadyadii salmiga ahaa ee dadka rayidka ahi dhigayeen waxa ay isku beddeleen dagaalka si fiican loo qorsheeyey oo kagaga soo horjeedo jiritaanka Somaliland, kaas oo ay soo qaadayaan xulafadii iyo isbahaysiyadii Digtaytarkii Maxamed Siyaad Barre. Waa waqtigii aan u midoobi lahayn sidii Somaliland looga badbaadin lahaa, loogana difaaci lahaa kooxaha isbahaystay,” ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe. Source
  4. Xukuumadda Puntland ayaa maanta shirkadda isgaarsiinta SOMTEL ka joojisay qodaalka xarigga Fiber Optic-ga. Wareegto ka soo baxday wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shirkadda SOMTEL looga joojiyay qodaalka Fiber-ka. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda SOMTEL qaarkood ay jareen xarriga Fiber-ka shirkadda Golis. Waxa uu sheegay in sababtaas darteed Somtel looga joojiyay in ay sameeyaan qodaalka Fiber-ka waxaana uu amray in baaris lagu sameeyo. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo qodaalka Fiber Optic-ga ka joojisay shirkadda SOMTEL appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan faraha kasii baxaya, waxaana sii kordhaya dilalka ay shacabka u geysanayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dilal siyaabo kala duwan uga dhaceen caasimada, gaar ahaan agagaarka Zoobe iyo isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Haddaba Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho? Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee SONSA Cismaan Macalin Muxuyadiin (Shaatax) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay amniga caasimada, waxaana uu cambaareeyay dhibaatada ay geysanayaan ciidamada dowladda. Ugu horreyn Shaatax ayaa tacsi u diray ehellada dadkii kala duwan ee dhowaan lagu dilay magaalada Muqdisho, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dilalkan ay yiiin kuwa lasoo qorsheeyay, isla-markaana ay ka dambeeyaan dad suurad xumeynayo amniga dalka. “Runtii waxyaabaha dhacaayo ma’aha shilal iska dhacaayo ee waxay u muuqdaan kuwa qorsheysan oo laga dambeeyo,” ayuu yiri gudoomiye Shaatax. Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa laba arrimood uu sababeeyay dilalkaan, wuxuuna sheegay in uu jiro isla xisaabtan la’aan iyo aqoon darro heysato askarta. “Ururada bulshada rayidka ah waxa ay u arkaan dhibaatooyinka ka dhacaya dalka, gaar ahaan magaallo madaxda inay sabab u tahay isla xisaabtan la’aan ka jirta dowladda dhexdeeda iyo ciidamada amniga oo oo aan laheyn aqoon ku filan,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda federaalka inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkan, ayna kasbadaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta dowladda inay la yimaadaan siyaasad kasban karta kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan dowladnimada, taas oo horseedi karta inuu dhaco isbeddal bulsho oo dhab ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiye Shaatax. The post Daawo: Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  6. Musharaxa xisbiga talada haya ee Bola Tinubu ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada lagu muransan yahay ee ka dhacday Dalka Nigeria. 70-jirka rug cadaaga ah ayaa helay 36% codadkii la dhiibtay, sida ay muujinayso natiijada rasmiga ah. Ninka la tartamayay ee Atiku Abubakar ayaa helay 29%, halka Peter Obi oo ka tirsan xisbiga Labour-ka uu helay 25%. Axsaabta kale ayaa goor sii horeysay ku gacan seyray doorashada oo ay ku tilmaameen mid been abuur ah, waxayna dalbadeen in dib loogu noqdo doorashada. Mr Tinubu waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu qanisan Nigeria, wuxuuna ololihiisa ku saleeyay dib u dhiska magaalada ugu weyn ee Lagos oo uu mar ka ahaa guddoomiye. PUNTLAND POST The post Bola Tinubu oo la sheegay in uu ku guulaystay doorashada madaxtinimada Nigeria appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay saameeyn ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah. Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug. “Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare. “Howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare,” ayuu yiri. Waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka “Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan”. Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo ka hadashay amiga Muqdisho ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna howlanaa amni darro. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay digniin u dirtay ciidamada dowladda ee dilalka ka geysta caasimada, maadaama ay kordheen dhibaatooyinka ay u geysanayaan shacabka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana iska kaashanayaa dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka. The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka maanta ayaa kala ah: 1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga 2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha 3. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkaan shaqoodu tahay mid si hamsami leh u socota, iyaga oo meel mariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo horay uga soo gudbay golaha wasiirrada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Dilalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Weerarka koowaad oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo rag ah, kadib markii ay rasaas ku fureen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsaday. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale tiro kale oo shacab ah oo ku shaaxayey goobta maqaaxida ah ay ku dhaawacmen falkaasi. Sidoo kale koox kale oo hubeysnaa ayaa xaafadda Godey ee degmada Heliwaa xalay ku dilay laba nin, taas oo tirada dilaka xalay dhacay ka dhigeysa illaa todobo qof. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay rag ka tirsan ciyaal weerada iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa. Habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, waxayna sheegeen inay iibanayeen maandooriye. Waxaa sidoo kale ka horreeyay dil kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab. Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso ciyaal weerarada & ragga ka ganacsada maandooriyaha. The post Daawo: Al-Shabaab oo xalay dilalkii ugu badnaa ka fulisay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Xeer ilaalinta qaranka ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xukunka Wariye Abdalle Axmed Muumin, kaas oo dhowaan lagu siidaayay damaanad, kadib xukunkii maxkamadda gobolka Banaadir, Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inaan sifo sharci ah aan loo marin fasaxiisa, waxaana loogu baaqay cid waliba oo daneynaysa kiiska in ay u soo marto sifo sharci sida lagu xusay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Musharaxa xisbiga talada haya ee Nigeria, Bola Tinubu, ayaa loo doortay madaxweynaha dalka ugu dadka badan Afrika saacadihii hore maatan oo Arbac ah kadib doorasho Sabtidii iyo Axaddii dhacday oo ay la loollameen xisbiyada mucaaradka ah, kaas oo waayay aqlabiyad uu kusoo baxo, wallow ay dhaliilayaan doorashada dhacday. Gudoomiyihii hore ee gobolka Lagos, ayaa hoggaamin doona wadan la halgamaya maleeshiyada Boko Haram ee dhinaca waqooyi bari, weerarrada hubaysan ee shuftada, dil, afduub, colaada u dhaxaysa xoolo dhaqatada iyo beeralayda, lacag la’aan, shidaal iyo tamar yari, iyo musuqmaasuqa oo madaxweynihii Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka (INEC) ayaa sheegay in Tinubu uu helay 8.79 milyan oo cod, isagoo ka hormaray musharaxa mucaaradka ugu weyn ee Atiku Abubakar oo helay 6.98 milyan oo cod, halka Peter Obi, oo taageero ka helayay codbixiyayaasha da’da yar, uu helay 6.1 milyan oo cod. Sharciga doorashada Nigeria ayaa sheegaya in musharraxa ku guuleysan kara doorasha ay tahay inuu helo codad ka badan kuwa la tartameya, waase haddii uu helo 25% codadka ugu yaraan saddex-meelood laba meel 36-da gobol iyo caasimadda federaalka ee Abuja, taasoo uu suurta gashay Tinubu. Xisbiyada mucaaradka dalkaas ayaa ka horyimid natiijada lagu dhawaaqay, isaga oo ugu baaqeen guddoomiyaha guddiga doorashada Mahmood Yakubu, inuu iscasilo, waxaana ay sheegeen in doorashada aysan u dhicin si sax ah, sida ay hadalka u dhigeen, shacabka ayaa u dhagtaagaya waxa xigi doona. GoobjoogNews Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Abuja)-Musharaxa xisbiga talada haya ee Nigeria, Bola Tinubu, ayaa loo doortay madaxweynaha dalka ugu dadka badan Afrika saacadihii hore maatan oo Arbac ah kadib doorasho Sabtidii iyo Axaddii dhacday oo ay la loollameen xisbiyada mucaaradka ah. Tinubu, gudoomiyihii hore ee gobolka Lagos, ayaa hoggaamin doona wadan la halgamaya maleeshiyada Boko Haram ee dhinaca waqooyi bari, weerarrada hubaysan ee shuftada, dil, afduub, colaada u dhaxaysa xoolo dhaqatada iyo beeralayda, lacag la’aan, shidaal iyo tamar yari, iyo musuqmaasuqa ay mucucaaradku sheegeen in xisbiga Buhari uu ku fashilmay la dagaallankiisa. Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka (INEC) ayaa sheegay in Tinubu uu helay 8.79 milyan oo cod, isagoo ka hormaray musharaxa mucaaradka ugu weyn ee Atiku Abubakar oo helay 6.98 milyan oo cod, halka Peter Obi, oo taageero ka helayay codbixiyayaasha da’da yar, uu helay 6.1 milyan oo cod. Sharciga doorashada Nigeria ayaa sheegaya in musharraxa ku guuleysan kara doorasha ay tahay inuu helo codad ka badan kuwa la tartameya, waase haddii uu helo 25% codadka ugu yaraan saddex-meelood laba meel 36-da gobol iyo caasimadda federaalka ee Abuja, taasoo uu suurta gashay Tinubu. Xisbiyada mucaaradka ayaa ka horyimid natiijada lagu dhawaaqay, isaga oo ugu baaqeen guddoomiyaha guddiga doorashada Mahmood Yakubu, inuu iscasilo. Source
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbaland. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhow Villa Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay safarka madaxweynaha, isaga oo ka ambabixi doono magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi. Sidoo kale waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan waddada ka timaada garoonka illaa qasriga madaxtooyada Jubbaland. Ujeedka safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa la xiriira xalinta xiisadda gobolka Gedo iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo in madaxtooyada Jubbaland uu kula shiro Axmed Madoobe ayaa kala hadli doono labadaas qodob, si xal loogu helo xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii. Wejiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa wada-hadallada, si looga bilaabyo deegaanada maamulka Jubbaland. Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay. Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug. The post XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan KISMAAYO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  14. Dowladda Mareynka ayaa ku dhawaaqday in lacag ay dul dhigtay madaxiiisa Afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, kaas oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab. Abaalmarintaan lacageed ayaa la sheegay in ay gaarayso 5 Million oo Dollar, oo qeyb ka ah Barnaamijka abaal marinta Cadaaladda ee Waaxda arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in Cali Dheere uu ku lug lahaa weerarro lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan iyo kuwa dhashay dalka Mareykanka sida lagu sheegay qeyb kamid ah bayaanka, Cali oo ah Afhayeenka Kooxda ayaa inta badan kasoo muuqda baraha bulshada ay isticmaalaan Al-shabaab, waa shaqsi inta badan la arko oo soo muuqda isaga oo hadlaya. Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Mareykanka ay dul dhigto lacaga abaal marin ah horjoogayaasha sare ee Kooxda Al-shabaab, waxaana talaabadaani ay kusoo beegmeysa iyadoo inta badan gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah Al-shabaab oo looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ay horay uga talin jirtay kooxda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. U.S. forces are training Somali troops, part of an urgent fight against al-Shabab, a subsidiary of Al Qaeda. This month, NBC News’ Courtney Kube had exclusive access with the U.S. military and spoke with leaders behind the operation. Somali troops face incredible danger in their fight against al-Shabab, with hundreds killed or wounded since last fall. Adding to the threat: a devastating drought and the terror group’s use of retaliation tactics. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) - The United States has donated 61 tons of weapons and ammunition to the Somali National Army (SNA) in support of their fight against al-Shabaab in Galmadug and Jubaland States. The equipment arrived off two U.S. Air Force C-17 aircraft at Mogadishu's Aden Adde International Airport. Source: Hiiraan Online
  17. Mogadishu (HOL) - A young man named Mahdi Diiriye Adan, who worked as a bajaj taxi driver, was reportedly shot and killed by Somali government soldiers on Tuesday. Eyewitnesses say that the soldiers fired on Adan while they were guarding a government official travelling on Zoobe Road in Mogadishu in a bulletproof vehicle. Source: Hiiraan Online
  18. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa ka hadlay sida uu u arko xalka Magaalada Laascaanood iyo cidda ka wada hadli karta dhibaatada halkaas ka dhacday. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo la weydiiyey inuu Garaadada reer Sool la qabto go’aamadii ay soo saareen ee ahaa in ay Sool hoos tagto Somalia, waxa uu ku jawaabay “Arrintu marba heer ayey joogtaa, waxa aad ku hadlayaa aniga oo ah Afhayeenkii Baarlamaanka Somaliland in aan dhibkii dhacay, dhib kale lagu darin, oo ciidankii dhib ka geystay ka baxaan deegaanka, ka dibna wada hadal la galo, markaas ka dibna uu go’aanku noqdo wixii Labada qolo ku heshiiyaan, oo aanay noqon karin qoloba waxay doonayso in aanay ku jujuubi karin aragtidooda. Anigu waxaan ahay Guddoomiyaha Barlamaanka Somaliland, laakiin dilkan dhacay ee saameynta igu leh, waxaan kaga jawaabayaa Sida ugu haboon ee aan u arko. Waxa aan aamisanahay In ay arrintan ka wada hadleen Garaadada reer Sool 33 Guddida ah ee dadka Deegaanka samaysteen iyo Dawladda Somaliland” Waxa uu hadalkan Guddoomiyaha Wakiilladu ka sheegay maruu u warramayey Weriye Cabdirisaaq Catoosh Source
  19. Dawlada Maraykanka ayaa kor u qaaday walaaca ay ka qabto, halista amni ee ka dhalan karta isticmaalka barnaamijka TikTok, iyada oo ku amartay dhammaan shaqaaalaha dawladda ee heer federaal inay telefoonada dawladda ka masaxaan TikTok. Tallaabo tan la mid ah waxaa qaaday, dawlado badan oo reer galbeedka ah, kuwaas oo ka cabsi qaba in barnaamijkan loo isticmaalo dhinaca basaasidda. Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa Isniintii sheegay inay shaqaalaha dawladdu ay haystaan 30 maalmood oo ay telefoonada dawladdu leedahay kaga masaxaan TikTok. Congresska Maraykanka, Aqalka Cad, Ciidammada Maraykanka iyo in ka badan kala badh gobollada Maraykanka ayaa hore u mamnuucay adeegsiga TikTok, iyaga oo ka walaacsan in shirkadda iska leh ee ByteDance, inay u ogolaanayso dawladda Shiinaha, inay heli karaan macluumaadka gaar ah ee dadka isticmaala TikTok, sida waxyaabaha ay booqdeen iyo meelaha ay tageen, ama in shabakaddan loo adeegsado faafinta wararka been abuurka ah. Shiinaha ayaa ku macneeyey tallaabada uu qaaday Maraykanku inay muujinayso, sida aanay isugu kalsoonayn iyo weliba sida ay ugu takrifalayaan awoodda dawladda. Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo shirkadaha waaweyn ee dhinaca tiknoolojiyaddu ay ka soo guurayaan dalka Shiinaha, kaas oo soo saaray shuruuc adag oo lagu xaddidayo arrimaha shakhsiga ah iyo habka ay shirkaduhu u kaydinayaan macluumaadka isticmaalayaasha. Hay’adda FBI iyo Guddida Isgaadhsiinta ee Maraykanka ayaa labaduba ka digay in shirkadda ByteDance ay u nugushahay inay macluumaadka shakhsiga ah ee isticmaalayaasha TikTok inay la wadaagto xukuumadda Shiinaha. Sharci laga soo saaray dalka Shiinaha sannadkii 2017 ayaa ku khasbaya, in shirkaduhu ay dawladda la wadaagaan macluumaad kasta oo shakhsi ah, haddii looga baahdo arrimo la xidhiidha dhinaca amniga qaranka. Illaa haatan lama hayo caddaymo muujinaya in TikTok ay dawladda Shiinaha la wadaagtay xogo gaar ah, hase ahaatee waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo arrintaas, maadaama ay sii kordhayaan dadka isticmaala. Walaacan ayaa soo shaac-baxay ka dib markii ay shirkadda TikTok ay sheegtay inay shaqada ka eriday bishii December, afar shaqaale ah oo furay ama eegay macluumaadka shakhsiga ah ee laba saxafi oo ka kala tirsan Buzzfeed News iyo The Financial Times, iyaga oo xilligaas baadhayey, inay tixraacaan halka ay ka heleen warbixino sir ah oo ku saabsan shirkaddan oo la dusiyey. Agaasimaha TikTok Shou Zi Chew ayaa la filayaa inuu dhowaan hortago golaha congresska si arrimahan wax looga waydiiyo. Source
  20. Beledweyne (HOL) - At least ten al-Shabab militants, including senior leaders, were reportedly killed in a joint operation carried out by Somali intelligence forces and international partners in the Burweyn area, located 23 km northwest of Jalalaqsi district in the Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  21. Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal marin lacageed oo gaadheysa 5 Milyan oo doollar oo ay duldhigtay Afhayeenka guud ee kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere. Barnaamijka abaal marinta Cadaaladda ee Waaxda arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in afhayeenka guud ee kooxda Al-shabaab Cali Dheere inuu ku lug lahaa qorsheynta weeraro argagixisada ay ka fulisay gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Afhayeen Cali Dheere ayaa ka mid ah horjoogayaasha sar sare ee Ururka Al-shabaab ee waji ahaan inta badan kasoo muuqda Warbaahinta kooxda ay leedahay, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo hore la sheegay in lagu dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gudaha Soomaaliya, hayeeshee wararkaasi markii dambe ay beenoobeen. Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda Mareykanka ay dul dhigto lacaga abaal marin ah horjoogayaasha sare ee Kooxda Al-shabaab, waxaana tallaabadaani ay kusoo beegmeysa iyadoo inta badan gobolada dalka ay ka socdaan dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo inta badan looga saaray deegaano iyo degmooyin badan oo ay hore uga talin jirtay kooxda. Source
  22. A teenager who killed a student he had never met before in a fight has been jailed for manslaughter. Source: Hiiraan Online
  23. Food security experts say life remains “extremely critical” for more than 6 million hungry people in Somalia’s historic drought, but they no longer project famine for the worst-hit population of nearly a quarter-million people between April and June Source: Hiiraan Online
  24. Washington (Caasimada Online) – Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa ku kulmay magaadal Washington DC, si ay uga wada-hadlaan ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarka iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. Dalalkan ayaa taageero u muujiyey sida Soomaaliya ay diiradda u saareyso ka-hortagga argagixisada iyo tayeynta awoodaha dowladda. Waxay sidoo kale ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab, iyo isu-diyaarinta ciidamada ATMIS oo la filayo in la dhimayo. Waxay isku raaceen in la xoojiyo isku xirka kaalmada amni ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay xaqiijinta gargaar xasilin oo la gaarsiiyo deegaanda laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. Waxay ballan qaadeen in ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto in ay buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu awood ugu yeesho in uu si buuxda u qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya. Dalalkan ayaa waxay dhiirigeliyaan, oo ay taageeraan geeddi-socodka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya (NCC) ee horumarinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo in la ballaariyo doorarka iyo mas’uuliyadda heerarka dawladeed ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhammaystirka dastuurka. Lixdan dal ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabad-joojinta, qaboojiyaan xiisadda, ogolaadaan gargaarka bani’addannimo, islamarkaana ay yeeshaan wada-hadallo nabadeed. Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen xasaradaha bani’aadannimo ee weli ka jira Soomaaliya, oo ka dhashay abaartii ugu xumeyd ee abid ku dhufata Soomaaliya. Waxay soo dhaweeyeen taageerada jilayaasha caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato jahawareerka cimilada ee mustaqbalka. Dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa isku raacay inay sii wadaan inay ka shaqeeyaan dhinacyadan, islamarkaana ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bil ee soo socota gudahood, si ay usii wadaan wada-hadallada, islamarkaana dib ugu eegaan horumarkii la sameeyey. The post Lix dal oo kulan ka dhacay Washington kasoo saaray go’aan ku saabsan Somalia appeared first on Caasimada Online.
  25. Mogadishu (HOL) - The US Department of State's Rewards for Justice program has announced a reward of up to $5 million for information that leads to the identification or location of Ali Mohamed Rage, a senior leader of the terrorist organization al-Shabaab. Rage, also known as Ali Dheere, has been al-Shabaab's chief spokesperson since May 2009 and has been involved in planning attacks in Kenya and Somalia. Source: Hiiraan Online