-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiiru-dowlaha Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya, Xildhibaan Axmed Diiriye, iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay shir weyne iyo bandhig ku saabsan Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada oo ka dhacay Magaalada Barcelona 27-2da Febraayo, 2023. Wasiir-dowlaha ayaa intii shirku socday la kulmay masuulyiin kala duwan oo ka socda Dawladdo iyo ururo caalami ah. Masuuliyiinta uu kulamada gaarka la yeeshay Wasiirku waxa ka mid ah madaxda Ururka Isgaarsiinta aduunka (International Telalecumnication Union) oo ay ka wada hadleen sidii loo dardargalin lahaa heshiis wax-qabad oo hore u dhexmaray Dawladda Soomaaliya iyo Ururka, oo aanay waxba ka fulin ilaa hada. Waxaana la isku afgartay in si dhakhso ah loo bilaabo hirgalinta heshiiskaas. Sidoo kale wasiirku wuxu kulan doceed la yeeshay Wasiirka isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada wadanka South Africa. Labada masuul ayaa isku af-gartay in ay iska kaashadaan arrimo dhawr ah oo la xidhiidha Tiknolojiyada, iyadoo dhawaan labada dawladood kala sexaaxan doonaan heshiis rasmi ah. Ugu damabyn, Wasiirka ayaa ka qaybgalay kulan dhex maray Wasiiradda shirka ka soo qayb galay iyo madaxda Ururka Isgaarsiinta aduunka, halkaas oo uu ka jeediyay warbixin ku saabsan xaalada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saddexda dal ee deriska la ah Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay soo diraan ciidamo taageeraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas shaacisay madaxtooyada Soomaaliya. Xuseen Sheekh Cali, oo ah La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyey VOA, ku sheegay in Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ay ciidamo dheeraad ah kusoo dari doonaan ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS. Waxa uu sheegay in ciidanka cusub aysan qeyb ka noqon doonin ATMIS. “Qorshahooda waa inay Soomaaliya ku yimaadaan sideed toddobaad gudahood,” ayuu yiri. Xuseen Sheekh Cali waa uu diiday inuu shaaciyo tirada ciidamada imanaya, sababo la xiriira “hadafka howlgalka.” “Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya,” ayuu yiri “Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.” Hoggaamiyayaasha saddexda dal ayaa 1-dii Febraaya ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. War-murtiyeed kasoo baxay kulankaas ayey ku sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho. “Ololahan waqtiga xasaasiga ah wuxuu ka hortagi doonaan in canaasiirta kooxda ay ku faafaan gobolka,’ ayaa lagu yiri war-murtiyeedka. Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaalalda lagu wiiqayo loogana adkaanayo” Al-Shabaab.” “Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri. Bryden ayaa ka digay in guusha wejiga labaad ee duulaanka ay ku xirnaan doonto laba arrin oo muhiim ah. “Kan koowaad waa qorsheyn,” ayuu yiri “Howlgallada ka hortagga argagixisada waa inay noqdeen kuwa ay sirdoonka hoggaamiyaan oo leh ujeedooyin cad, sida burburinta saldhigyada la yaqaan ee Al-Shabaab iyo dilka hoggaamiyayaasha sare.” Arirnta labaad ayuu ku sheegay in la helo ciidamo xaqiijiya oo gacanta ku haya deegaanada laga qabsado kooxda, ayuu yiri. “Howlgalladii ugu dambeeyey ee dowladda ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee gobollada dhexe, waxay muujiyeen maqnaanshaha ciidamada awood u leh inay sii hayaan deegaanada,” ayuu yir Bryden. The post DEG DEG: Saddex dal oo Soomaaliya usoo diraya ciidamo ka madax-banaan ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, xiriirka dhowna la leh Al-Qaacida aayaa mas’uul ka aheed weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho sanadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayay mas’uuliyiinta dowladda, ciidamada ammaanka iyo dadka rayidka ah. Mid ka mid ah weerarradoodii ugu dhimashada badnaa ayaa ahaa Qarixii bishii Oktoobar 2017, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen boqolaal kale. Weerarka ayaa lagu qaaday Isgooyska mashquulka badan ee bartamaha magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay burbur baahsan oo gaaray Hotelada iyo ganacasigii ka ag dhawaa goobta qaraxu ka dhacay. Al-Shabaab ayaa sidoo kale qaaday weeraro badan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayna u adeegsadaan gaadiid walxaha qarxa lagu rakibay. Bishii Janaayo 2021, kooxda ayaa fulisay qarax baabuur oo ka dhacay bar koontarool oo mashquul badan oo ku taala Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale. Bishii Disembar 2019, kooxdu waxay qarax baabuur la beegsatay waddo mashquul badan oo ku taal Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Wasaarada waxbarashada somalia, halkaas oo ay ku dishay ugu yaraan 90 qof in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen. Weerarradan kaliya ma geysan waxyeello jireed iyo burbur laakiin waxay sidoo kale dadka ku abuureen dareen cabsi iyo ammaan darro. Laga soo bilaabo 1991 dagaalkii dalka looga saaray dowladii kacaank 21 oktober, Muqdisho waxaa ragaadiyay dagaallo sokeeye, argagixisanimo, faqri iyo kaabayaal dhaqaale oo aan ku filneyn, taasoo keentay in dadka deggan ay nolosha ku adkaato. Caqabadaha ugu waaweyn ee hada magaalada ka jira waxaa ka mid ah burburka wadooyinka tasoo kaliftay in aan la kala xadeeyn dariiqa lugta iyo wadada gaariyaashu isticmali karaan. Caasimada kama jirto wadooyin gaar ah oo loo qoondeeyay Daweynaha, Baaskiilada , qorsheynta isu socodka gaadiidka, iyo waddooyin la calaamadeeyay iyadoo la raacayo nidaamka iyo shuruucda u degsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ilaalinayaana boolish loo taba baray hirgalinta sharciyada wadoyinka. Arintan ayaa noqotay mid halis weyn ku ah amaanka shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana ay dhaawacday bilicda caasimada Soomaaliya, iyadoo magaalada inta badan loo arko mid argagax badan sababo la xariirka kala soocnaan la,anta gaadika iyo bulshada lamiga isticmaylaysa. La’aanta jidad loo qoondeeyay, jidad u calaamadeysan marintaanka dadweynaha , Mooto Bajaajta dhalinyaradu shaqada ka dhigato iyo ciriiriga waddooyinka ayaa u sahlay argagixisadu in ay fuliyaan weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, taasoo qalalaaso, cabsi iyo jahawareer ku abuuray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer muqdisho. Argagaxisada ayaa inta badan gaadiidka u adeegsata sida hub iskuna dhex qariyaan cariiriga iyagoo ka faa,iidaysanaya isku dhexyaaca gaadika, waxaana ka dhasha khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadibna waxaa u sahla,anaanta argagixisadu ineey ka baxsadaan goobta weerarka kadib, taas oo ka dhigaysa mid adag in hay’adaha Amnigu aqoonsadaan danbiilaha oo qabtaan si loosoo hortaago waaxda cadaalada. Weerarada al-Shabaab kaliya maaha inay khatar ku yihiin badbaadada nololeed ee muwaadiniinta waxeey abuurtaa burbur hantiyeed, dhaawaca kaabayaashii dhaqaalaha iyo khasaaro nafeed, taasoo keentay in dadka ay dareemaan cabsi iyo amni darro. Cabsida joogtada ah ee argagixisadu waxay u horseedi kartaa muwaadinka walaac, walbahaar, iyo dhaawac, kuwaas oo saameyn waqti dheer ku yeelan kara caafimaadka maskaxda iyo ladnaanta bulshada. Hadaba si looga hortago khatarta argagixisada, dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxda gobolka benaadir waa in ay muhiimad gaar ah siisaa horumarinta nidaamka gaadiidka oo habeysan oo ay ku jiraan waddooyin gaar ah iyo jidad u calaamadaysan Isticmaalka shacabka lugaynaya iyo gaadiidka. Isku dhexyaaca gaadiidka ayaa adkeynaya in la garto gaariga ay argagixisadu adeegsaneyso dadka caadiga ah, taasoo badanaa keeni karta in ciidamada ammaanka ay si qaldan u beegsadaan dadka aan waxba galabsan. Tilaabooyinkaas waxay dhaawici kartaa sumcadda hay’adaha amniga, waxayna abuuri kartaa khilaaf u dhexeeya dowladda iyo shacabka. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in dowladdu ay fuliso siyaasadaha mudnaanta siinaya badbaadada iyo badqabka dadka rayidka ah iyadoo sidoo kale tixgelinaysa baahida loo qabo tallaabooyin wax ku ool ah sida dib u hagaajinta wadooyinka iyo fulinta sharciga isticmaalka wadada. Intaa waxaa dheer, waxaa muhiim ah in ciidamada ammaanku ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si loo dhiso kalsoonida iyo taageerada iyo in la hubiyo in ficilada laamaha amnigu ay noqdaan kuwo sharciga waafaqsan oo u adeega danaha dadweynaha. Waxaa muhiim ah in Gobolka benadir dowlada Somalia ay wax ka qabtaan caqabadahaas oo ay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa bulsho amni iyo nabad kunool. Dhanka kale laamiyada iyo waddooyinka calaamadeysan kaliya ma kordhinayaan badbaadada iyo ammaanka dadka laakiin sidoo kale waxay wanaajiyaan tayada guud iyo bilicda Magaalada. Dadka lugeynaya ayaa si xor ah u socon kara iyaga oo aan ka baqeynin in baabuurtu jiiraan, waxaana darawalada baabuurta iyo kuwa Bajaajta oo maalin walba la kulma khataro isugu jira toogasho iyo dhimasho in ay si habsami leh u dhex maraan magaalada, taas oo yareyneysa ciriiriga waddooyinka iyo socodka gaadiidka. Gabagabadii, La,aanta Waddooyin cayiman iyo Waddooyin calaamadeysan oo laga hirgaliy Muqdisho ayaa ka dhigtay in magaalada ay u nuglaato weerarrada Argagixiso, taasoo qalalaaso, cabsi iyo jahawareer ku abuuray shacabka. Si loo gaaro himilooyinka amniga caasimadda, mowqifka Madaxweynaha ee ciribtirka alshabaab waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado halka ay salka ku hayso dhibaatada, lana qaado tallaabooyinka ku habboon , taasoo lagu gaari karo in la raaco wadadii lagu heli lahaa nabad iyo amni waara oo ay helaan shacabka Muqdisho. Tallaabooyinkan oo la qaado waxaan aminsanahay, dowladdu waxay abuuri kartaa Muqdisho ammaan badan oo mudnaanta koowaad siinaysa bad-qabka shacabkeeda. Qoraaga Axmed C/laahi Maxamed oo loo yaqaan Axmed Kaobole, waa khabiir ku takhasusay cilmiga siyaasadda, isagoo si gaar ah diiradda u saaray amniga iyo maareynta dhibaatooyinka. Waxa uu shahaado ka qaatay jaamacadda difaaca Sweden ee ku taal magaalada Stockholm ee dalka Sweden. The post Dib u qaabaynta wadooyinka waxa ay muhiim u tahay amniga magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno ayaa ka soo baxaya hoobiyaal maanta kusoo dhacay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo khasaare xooggan dhaliyey. Hoobiyaasha ayaa kusoo dhacay xaafado ku yaalla degmooyinka Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir, waxaana ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay xaqiijiyeen dadka xaafadda iyo goobaha caafimaadka. Hoobiyaasha ayaa la xaqiijiyay in laba ka mid ah ay ku dhaceen guri tacsi ay taalay oo ku yaala degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay iney ku dhinteen laba qof oo ku sugnaa guriga, ayna ku dhaawacmeen 8 qof oo kale. Sida ay sheegeen dadka xaafadda, dadka ku dhaawacmay hoobiyeyaasha waxaa la sheegay iney u badnayeen haween oo ay ku jirtay gabar Xaamilo aheyd, kuwaas oo la geeyay xarumaha Caafimaadka magaalada Muqdisho. Sidoo kale, mid ka mid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay guri dad shacab ah degan yihiin oo ku yaalla Isgoyska Jubba, waxaana halkaas ka dhashay khasaare dhaawac, inkasta oo weli aan la hayn tirada rasmiga ah. Waxaa sidoo kale jira hoobiyeyaal kale oo iyagana ku dhacay xaafado ku yaalla agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, hase yeeshee lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraallo ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta ku sheegatay weerarka. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen xarunta booliska gobolka Banaadir, xilli ay ku sugnaayeen saraakiil sare, sida ay hadalka u dhigeen. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqanaya mid faraha kasii baxaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho ay ka dhaceen falal kala duwan oo isugu jiray dilal qorsheysan, iska hor imaadyo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo madaafiicda maanta. The post Khasaare xooggan oo ka dhashay weerarkii hoobiye ee lagu soo qaaday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (Caasimada Online) – According to reliable sources, Somaliland President Muse Bihi Abdi has suspended military commander Nuh Tani after recent setbacks in the ongoing conflict in the Sool region. The suspension followed significant defeats, including the loss of Tukaraq and Gambadhe Commands and the evacuation of Somaliland’s defenses in LasAnod, the capital of the Sool region, after almost a month of fighting with local forces. The conflict in LasAnod, which began on February 6, has resulted in many casualties, with over 120 people, mostly civilians, reportedly killed and more than 600 others injured. Responsibility for failures President Muse Bihi has temporarily handed over the General Command of the Somaliland Forces to Major General Faisal Abdi Butaan, who is currently leading the ongoing conflict in the region. Butaan reportedly convinced President Bihi that Tani was responsible for the failures in the conflict, leading to his suspension. Somaliland believed it would easily defeat local forces and capture LasAnod. However, a month later, the conflict continues, and local forces remain in control of the city. Somaliland reputation damaged The conflict has damaged Somaliland’s reputation, with the military being accused of targeting civilian areas. On Tuesday, at least one person was killed, and several others were injured in a mortar attack on the main hospital in LasAnod, during an upsurge of violence. Dr. Ahmed Abdi, a doctor at the hospital, confirmed that four shells hit the hospital, causing critical injuries to some of the eight wounded people. The attack destroyed two of the hospital’s three ambulances, exacerbating a dire situation. Background on the conflict in Somaliland LasAnod has been the site of ongoing violence between the security forces of Somaliland and clan militia that wish to be part of Somalia. Somaliland, which broke away from Somalia three decades ago, seeks international recognition as an independent country. However, its claims to Las-Anod are disputed by the neighboring Somali state of Puntland. The conflict has displaced over 185,000 people, with tens of thousands fleeing to Ethiopia. Calls for peaceful resolution The international community has condemned the killing of civilians and issued statements calling for a peaceful resolution to the conflict. On Tuesday, representatives from Qatar, Somalia, Turkey, the United Arab Emirates, the United Kingdom, and the United States of America convened in Washington, D.C. They issued a statement calling on all parties to adhere to the ceasefire, de-escalate, allow unhindered humanitarian access, and engage in constructive and peaceful dialogue to the ongoing conflict in and around LasAnod. The post Somaliland President suspends military commander appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xaalad adag ay heysato qoysaskii ka barakacay dagaallada weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo ku dhaqan duleedka magaaladaaasi. Xaaladda dadkan oo ay haysato hoy la’aan iyo cunto xumo ayaa haddane la kulmay dhibaato kale oo hor leh, kadib markii la musuq-maasuqay gargaarkii loogu talagalay. Dr. Fowsiyo Daahir oo ka warrantay xaaladda dadkaasi ayaa shaaca ka qaaday in raashinkii loo geeyay la kala boobay, isla-markaana meesha la’isku laayay, kadib dagaal ka dhacay. “Raashinkii waxa ay noqotay in intii dadka meel la’isugu keenay la diiwaan-geliyay oo howshu inta ay dadka ku badatay wax la diiiwaan-geliyay iyo wax wax qaatay la kala garan waayay oo mashruuc noqotay oo meeshii la’isku laayey kadib buuq ka dhashay” ayey tiri. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in qoysaska qaar ay qaateen raashin badan, halka kuwa kelana ay la’yihiin wax ay haatan dabka saartaan. “Dadka qaarkood way ku cesh-ceshadeen raashinka, qaarna aysan dha-dhaminba oo wallaahi dabka waxa ku shitaan ay la’yihiin,” ayey sii raacisay Dr. Fowsiyo Daahir. Dhinaca kale waxa ay eedda dusha ka saartay guddiga loo sameeyay dadkaas ee loo dhiibay gargaarka, waxayna sheegtay inay gabeen mas’uuliyaddii ka saarneyd dadkooda. “Meesha aan guddi an fiicneyn loo dhiibay ayey meeshii isku dhex qasantay dadkii deegaanka iyo kuwii soo barakacay ayaa la kala garan waayey,” ayey marki tiri Fowsiyo. Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, wuxuuna dagaalka uu galay maalintii 25-aad, walow maanta deganaasho laga dareemayo magaaladaas oo uu bubur xoogan soo gaaray. The post Dhibaato kale oo loo gaystay qoysaskii ka barakacay magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Representatives from the UAE, US, UK, Qatar, Somalia and Turkey met on Tuesday and expressed concern at the conflict brewing in Somalia’s northern breakaway region of Somaliland, Washington said. At least 34 people were killed and 40 wounded in clashes between soldiers and anti-government fighters in the town of Laascaanood earlier this month. “The partners expressed concern about the ongoing conflict … and called on all parties to adhere to the ceasefire, de-escalate, allow unhindered humanitarian access and engage in constructive and peaceful dialogue.” the US State Department said. Somalia’s national security adviser Hussein Sheikh-Ali tweeted to say the Washington gathering was “a very productive meeting.” -ADVERTISEMENT- Ads by The region’s government said on Twitter that armed men attacked army bases and state offices in Laascaanood early on February 6. It accused unnamed “traditional leaders” of recruiting the attackers and said it had thwarted the assault, just the latest clashes between the administration and groups that reject its authority. Its government has faced particular opposition in Laascaanood and surrounding areas, where some clan leaders are seeking to rejoin federal Somalia and have accused the Somaliland authorities of failing to tackle insecurity. Somaliland broke away from Somalia in 1991 but has not gained widespread international recognition for its independence. The clashes in Laascaanood, the administrative centre of Sool region, came a day after a committee of local leaders, religious scholars and civil society groups said they did not recognise the Somaliland administration. The group said it represented the interests of people in the regions of Sool, Sanaag, and Cayn (SSC). “We have decided that the Federal Republic of Somalia will administer the regions until federalisation of Somali territory is completed,” the committee said. Ahmed Elmi Karaash, vice president of the neighbouring semi-autonomous region of Puntland, said his region supported the committee’s resolutions. Puntland has also claimed the town for itself in the past. The statement came as the US also stepped up military assistance to Mogadishu to fight Al Shabab. Sixty-one tons of weapons and ammunition arrived Tuesday in the Somali capital, as the country sees success in battling what the US calls “the largest and most deadly Al Qaida network in the world.” Somali forces have recaptured dozens of communities held by Al Shabab in a major offensive launched in August. The participants of the international meeting expressed concern about the ongoing humanitarian crisis in Somalia caused by the worst drought on record. While food security experts recently said that six million people are at risk from the drought, they no longer expect the country to face famine. The latest assessment released Tuesday by the UN and partner organisations notes “very high mortality rates” in the worst-affected populations which include people who have fled to Mogadishu and the south-western city of Baidoa. The new food security assessment says nearly 500,000 children in Somalia are likely to be severely malnourished this year. The extent of the disaster depends, however, on the extent of rain in the coming weeks and the ability of the international community to mobilise aid. Representatives of the six countries agreed to meet again within three months. Source The National News Qaran News
-
Liquid Intelligent Technologies (https://www.Liquid.Tech/), a business of Cassava Technologies, announced a new collaboration to deliver internet access to 20 million underserved people in Africa by the end of 2025, with Microsoft Corp. (Nasdaq “MSFT” @microsoft). Working together through Microsoft’s Airband initiative, the new collaboration will initially target regions that include but are not limited to the Democratic Republic of Congo, Tanzania, and Zambia. Additionally, the partnership will allow for increased proliferation of high-speed connectivity to the farthest parts of Nigeria, Kenya and South Africa. Working together, the companies will empower individuals and businesses in some of the United Nations’ least developed countries to help bridge the digital divide and assist in transitioning more African countries into the digital economy. “Access to high-speed connectivity is no longer a luxury, it is a necessity. With a fibre backbone of over 100,000 km across the continent, Liquid is uniquely positioned to bring high-speed connectivity to the remotest of communities. Our vision is to create a digitally connected future that leaves no African behind, and this is just one more investment from us to realise the vision,” said Nic Rudnick, Group Deputy Chairman of Liquid Intelligent Technologies. The effort will be discussed during a panel discussion at the Fifth United Nations Conference on the Least Developed Countries (LDC5). According to the International Telecommunication Union, roughly 2.7 billion people globally remain unconnected because it’s either unavailable or they can’t afford it. Rural areas around the world are especially disadvantaged, as traditional telecom infrastructure fails to go the final mile in low-density regions. “Internet access is a fundamental right, enabling economic opportunity and development. This new collaboration with Liquid Intelligent Technologies builds upon our existing collaboration to catalyse economic growth and development in Africa, enabling us to accelerate our efforts to extend high-speed internet to a quarter of a billion people by the end of 2025, including 100 million in Africa.” said Vickie Robinson, General Manager of Microsoft’s Airband Initiative. “We know strategic partnerships are key to advancing access to connectivity and digital equity, especially in the world’s most critical markets.” Microsoft’s Airband Initiative partners with a wide-ranging ecosystem of organisations to design, implement and support programs that deliver unique connectivity solutions designed for local communities and their challenges. This includes working with broadband providers, local ISPs, energy partners, international organisations and local governments to deliver internet access in unserved or underserved communities worldwide. While the accelerated adoption of digital technologies on the continent has increased exponentially, it has also exacerbated the digital divide in Africa, as none of these technologies can be optimally used unless Africans have access to high-speed connectivity. These efforts by Microsoft and Liquid will play a critical role in helping to secure the future of Africans on the continent, thus paving the way for a true, digitally inclusive economy. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa xaqiijinaysa in Taliyaha Ciidamada Militariga Somaliland lagu sameeyay shaqo joojin, galabnimadii Axadda ee toddobaadkan. Taliye Nuux Taani ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii Ciidamada Somaliland ayguulo ka keeni waayeen dagaalka ka socda gobolka Sool, ayaga oo soo banneeyey Talisyadii Tukaraq iyo Gambadhe. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale maalintaas banneeyay dhammaan difaacyadii dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo muddo ku dhow bil uu ka socda dagaal u dhaxeeya Somaliland iyo dadka deegaanka. Dagaalka Laascaanood ayaa waxaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen in ka badan 120 qof, oo badankood ah shacab, halka in ka badan 600 oo kale ay ku dhaawacmeen. Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweyne Muuse Biixi ayaa si ku meel gaar ah Taliska guud ee Ciidamada Somaliland ugu dhiibay S/Guuto Faysal Cabdi Bootaan oo hadda hoggaaminaya dagaalka. Faysal Bootaan ayaa Muuse Biixi ka dhaadhiciyay in fashilka dagaalka uu mas’uul ka yahay Nuux Taani, taas oo keentay in isaga si KMG loogu dhiibo hoggaanka dagaalka, sida aan xogta ku helnay. Somaliland ayaa rumeysneyd in si fudud ugu guuleysan karto dagaalka kuna qabsan karto magaalada Laascaanood, oo aysan dadka deegaanka is-hortaagi karin, hase yeeshee bil kadib waxaa weli magaalada ka socda dagaalka, ayada oo laga saari la’yahay ciidamada deegaanka. Somaliland ayaa sidoo kale dagaalka ka dhaxashay sumcad xumo, ayada oo marar badan lagu eedeeyey inay beegsaneyso goobaha shacabka, waxaana ugu dambeysay Talaadadii oo lagu eedeeyey inay weerartay isbitaalka magaalada Laascaanood, kuna dishay dad shacab ah. Arrintan ayaa horseeday cambaareyn caalami ah oo ka timid beesha caalamka, oo marar badan soo saartay qoraallo lagu cambaareynayo dilalka shacabka. The post XOG: Taliyaha ciidamada SOMALILAND oo shaqada laga joojiyey + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Dhowraha cusub ee Qaranka Avv. Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur. Kulanka Hanti-dhowraha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh hawlaha baarista ee uu masuulka ka yahay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo horumarinta hannaanka baarista Hanti-dhowrka Guud kaas oo qeyb ka ah hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka. Kulanka ay yeesheen Hanti-dhowraha Guud iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka wadashaqeynta ee ka dhexeeya Xafiiska Hanti-dhowrka Guud iyo Wasaaradda Maaliyadda iyo horumarinta nidaamyada muhiimka ah dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda Dalka. “Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka waxa ka go’an in uu si dhaw u la shaqayo dhammaan Hey’adda muhiimka ah ee Dowladda si loo xoojiyo daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka” ayuu yiri Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale xilli uu ka hadlayay kulanka isaga iyo wasiirka dhexmaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda fedederaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobadlaha ee Golaha Wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah. Sidoo kale waxaa shirkan goobjoog ahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ugu horreyntii shirka kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh. Intaasi kadib madaxweynaha Soomaaliya oo la wareegay guddoonka shirka ayaa la wadaagay Golaha Wasiirada Jubbaland warbixin ku aadan safarkiisa Kismaayo iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale Golaha uga warbixiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo wejiga labaad howlgalka ka bilaabanaya gobollada Jubbooyinka. Dhankooda qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada ayaa shirka kusoo bandhigay waxqabadkooda, kadib warbixino ay la wadaageen madaxweynaha dowladda dhexe. Waxaa sidoo kale la filayaa madaxweynuhu inta uu joogo Kismaayo inuu kulmo odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi. Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa dadaal gelin doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah wafidgiisa. Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi. Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Maxaa kasoo kordhay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaand kaasi oo lagaga arrinsaday bilaabista b dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada la wadaagay qorsheyaasha dowladda Federaalka ee dardar galinta wejiga labaad ee howgalka dib u xoraynta dalka oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Jubaland iyo Koonfur-galbeed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow uu bilaaban doono wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shaab. Kulankan waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka koowaad iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee dowlad-goboleedka Jubaland, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana uu kusoo aadayaa xilli maalintii labaad madaxweynaha uu ku sugan yahay Kismaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa maanta iyo shalay deggan marka loo eego maalmihii la soo dhaafay ee dagaaladu halkaas ka socdeen. Nolosha caadiga ah ayaan weli ku soo laaban magaalada dadkuna intooda badan wey ka maqan yihiin gudaha magaalada balse wax dagaal ahi kama dhicin illaa shalay. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta war cusub kasoo saaray khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi, kaas oo qaatay 24 maalmood oo xiriir ah. Maayarka magaalada Laascaanood Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil oo ka hadlay khasaaraha guud ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada iyo dhaawac uu haatan sii kordhay. Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil ayaa xaqiijiyay in dhimashada ay haatan mareyso illaa 210 qof, kuwaas oo u badan dad shacab ah, sidoo kalena ay dhaawacmeen 680 ruux oo kale. Waxa kale oo uu xusay in dagaallada weli ka socda halkaas ay ku barakaceen illaa 200 oo kun oo qoys, kuna noolaa magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dagaalladan ay ku burbureen illaa 755 guri oo ay lahaayeen dad shacab ah , kadib markii lagu garaacay duqeyn xoogan. Duqa magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay in xad-gudub xoogan ay Somaliland ka geysatay magaalada, isla-markaana ay madaafiic ku burburisay xarumaha muhiimka ah ee adeegyada bulshada iyo sidoo kale guryaha shacabka ee isaga barakacay halkaasi. Dhanka kale dagaalka ayaa weli socda, waxaana is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee dagaalamay, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka taagan Laascaanood. Inta uu socday dagaalka ayaa ciidamada Somalilalnd waxaa laga qabsaday dhul ballaaran, waxayna dib uga baxeen aagagii ay horay uga dagaalamayeen ee Laascaanood & Tukaraq. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Laascaanood, maadaama aysan labada dhinac aysan weli sameyn wax tanaasul ah. Si kastaba, waxaa isa soo tarata baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. The post Tirada dhimashada dagaalka Laascaanood oo gaartay 210 appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and Alshabab terrorists vow to divide Somaliland into warring clans The Somali regime and the Alshabab terrorist group may have different ideologies and objectives, but they share a common goal—the complete destruction of Somaliland at any cost. Despite their bitter enmity, they both agree that bringing Somaliland into the fold as their top priority. However, if reunification between Somaliland as a single entity and Somalia proves impossible, Somalia and Alshabab aim to sow discord among Somaliland’s clans. And this is the epicentre of the Lasanod conflict. This paradox highlights the complex nature of Somali unity, where the pursuit of unity has led to disunity and conflict. The conflict in Lasanod is far more complicated than it appears at first glance, as it involves numerous actors. In 2007, Somaliland took control of the city from Puntland forces, and since then, both Somalia and Puntland have allegedly targeted and killed several officials who supported Somaliland’s bid for statehood while blaming Somaliland for the assassinations. However, it seems counterintuitive for Somaliland to assassinate officials who support its cause. Adding to the complexity, members of Sool clans have also carried out targeted killings against prominent members of rival clans in Lasanod, akin to the lawlessness in Somalia’s capital. Recently, President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia declared that “The people of Lasanod have the right to decide their future.” However, this statement has a double-edged implication. Is the President overlooking something? It is hypocritical when the President acknowledges the self-determination of one region in Somaliland while working against the rest of Somaliland. Mr. President, what is beneficial for the people of Lasanod is also favourable for the rest of Somaliland. Why doesn’t the President acknowledge the desires of the Somaliland people for self-determination and an independent state? While shedding crocodile tears for Somali unity, Mr. Mohamud and his predecessors actively worked to undermine Somaliland’s economic and political stability. They knocked every door that Somaliland approached; they reneged on agreements they had previously signed with Somaliland; and no sooner did Mr. Mohamud resume office, the second time, than he pointed his daggers towards Somaliland again. Despite controlling only a few blocks in Mogadishu, Mr. Mohamud is determined to disintegrate Somaliland into warring clans and factions— turning it into another country riddled with terrorism. Although the presence of organized Alshabab fighters in Lasanod may not be evident, Alshabab-trained individuals actively participate in the conflict in the city. Their main goal is to detach Sool, Sanag, and Cayn (SCC) region from Somaliland. Regrettably, the International community seems to be disregarding this issue. The International community is making efforts to resolve the conflict in Lasanod. However, one of the reasons that Somaliland has managed to maintain relative peace is by keeping foreign interventions at bay. This is a lesson learned from Somalia’s turbulent, where competing foreign actors played a role in tearing the country apart. Thus, organizations such as IGAD which demand Somaliland’s exit from Lasanod are essentially paving the way for lawlessness and a possible Alshabab takeover, especially in the absence of Somaliland security forces. It is important to note that Somaliland security forces are the only barrier between the Alshabab terrorist group and the US military base in Djibouti. Hence, the United States and other International forces stationed in Djibouti must recognize that Somaliland is the bulwark against Alshabab. Any weaknesses in Somaliland’s security forces could attract suicide bombers to Djibouti, resulting in preventable tragedies. Furthermore, if Somaliland’s security forces withdraw and Al-Shabaab takes control of Lasanod, the Somali region of Ethiopia adjacent to Somaliland would face a persistent threat of destabilization from Al-Shabaab terrorists. Often, the international community lacks a comprehensive grasp of the region’s geopolitics and presumes to direct the course of events. However, when things unexpectedly go awry, a plan for mass departure ensues, leaving Somaliland, Djibouti and Ethiopia to fend for themselves. In the event that the Somaliland security forces withdraw from Lasanod, the local clan militias would inevitably engage in violent conflicts for control of the city, resulting in greater loss of life and destruction than the city has ever seen. Soon after, Alshabab will either force the local militia to join its ranks or simply wipe them out. Then, what would be the most rational course of action? To prevent Alshabab from encroaching on Somaliland, the global community must urge the leaders of Somaliland to adjust their approach to the Lasanod conflict while simultaneously bolstering Somaliland’s security forces. Previously, the Khatumo (SSC) militia engaged in a violent conflict with Somaliland security forces in an attempt to dislodge them from Lasanod. The conflict ultimately ended with a peace agreement that involved the integration of the SSC militia into the Somaliland security forces, as well as efforts to promote economic and power sharing to address the grievances of marginalized Sool clan clans. However, Mr. Bihi himself has obstructed efforts to honour these agreements, making it clear that conflict would likely erupt again. The ongoing violence in the region is partially the result of the ineffective leadership of Somaliland and their clan hegemony doctrine. The conflict in Lasanod will only worsen and could result in a confrontation between Somalia, Puntland, Alshabab, and local militias on one side, and Somaliland on the other, as long as Somalia and its Puntland region are allowed to destabilize Somaliland. The current Somali President, Hassan Sheikh Mohamud, and the Puntland leader, Said Abdullahi Dani, should not use the local inhabitants of Lasanod as cannon fodder for political gain. The recent outbreak of violence in Lasanod is unquestionably a multi-faceted conflict. On one side, the Somali government, Puntland, SSC militias, and Alshabab members all agree that Somaliland must reunite with Somalia by any means necessary. On the other hand, the Somaliland government and its supporters believe that replacing Somaliland’s colonial borders with clan boundaries will result in the downfall of Somaliland, transforming it into another failed state plagued by terrorism. Faysal Haji Diriye faysaldiriye@yahoo.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
210 qof ayaa ku nafwaayay colaada Laascaanood, 680 kalena, way ku dhaawacmeen, sida maayirka magaaladu uu warbaahinta u sheegay, waxa kale oo uu ku baaqay in magaalada laga fogeeyo ciidanka Somaliland iyo xoogaga kaleba. Maayarka Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka, isaga oo sheegay in boqolaal qof ku dhinteen, isla markaana ay kumanaan qof ku barakeceen. “Waxa ku dhintay dad shacab ah oo gaadhaya 210, waxa dhaawacmay 680 qof, waxa barakacay 200,000 oo qof , waxa burburay 715 guri, waxa xidhmay 16000 oo ganacsi, waxa la jaray biyihii, waxa la weeraray xaruntii laydhka” Ayuu yidhi Cabdiraxiin. Waxa uu sheegay in ay dhibaato soo gaadhay xafiisyada xukuumada, iyo cisbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo kamid ahi burbureen. Mayaarka oo ku hadlayay afka golaha deegaanka, ayaa soo jeediyay 3 qof oo uu sheegay in ay ka gola deegaan ahaan u arkaan in lagu nabadayn karo magaalada Laascaanood. “Waxaanu soo jeedinaynaa in ciidamada Somaliland laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, in shacabka hubaysan laga saaro magaalada gudaheeda, in gargaar bini’adamnimo lasoo gaadhsiiyo dadkii dhibaatadaasi saamaysay” ayuu yidhi maayar Cabdiraxiin. Source
-
3 nin oo Soomaali ah oo aan haysan wax dukumenti ah ayaa lagu qabtay dalka Zambia maalintii salaasada ee la soo dhaafay (Feb. 28). Warbaahinta dalkaasi ayaa waxaa ay shalay oo Arbaca ahayd qoreen in Raggaasi ay qabteen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Hay’adda socdaalka ee degmada Isoka ee Gobalka Muchinga ee dalkaasi, una dhow Xuduudka ay Zambia la wadaagto dalalka Tanzania iyo Malawi. Ragga Soomaalida waxaa lala qabtay Muwaadin Ethiopian iyo Dareewal Zambian 43 jir ah. Ciidanka waaxda Socdaalka Zambia ee jooga Barta Kontorool Mwaiseni Checkpoint ayaa qabtay Shanta qof, kadib markii si hoose loogu sheegay in laba Soomaali ah iyo Nin Ethiopian ah lagu soo dhex qariyey Gaadhi Volvo ah oo Shixnad Alwaax ah siday, kana diiwaan gashan dalka Zambia. Baadhitaan Guud oo lagu sameeyey Gaadhigaasi isjiidka ahaa ayaa laga soo dhex qabtay Ragga Soomaalida iyo Ninka Ethiopianka, waxaana iyaga iyo Dareewalkii lagu xidhay Saldhiga Boliska ee Isoka Police Station ee dalkaasi. Toddobaadkii hore ayaa waxaa isla barta Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee Degmadda Isoka ee dalka Zambia lagu qabtay 3 soomaali ah iyo Nin Kenyan asalkiisa Soomaali ah, waxaana lagu xukumay Ganaax Lacageed oo min 7,000 ee Lacagta Kwacha money ee laga isticmaalo dalkaasi. Source
-
Maayirka degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa maanta warbixin rasmi ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood. Maayirka oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Laascaanood ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ay ku dhinteen 210 qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen 680 ruux islamarkaana ay ku bara-kaceen dad gaaraya 200,000 kun. Mudane Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan 715 guri ay ku burburiyeen dagaalka halka ay ku xirmeen 16,000 oo kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada Laascaanood. Duqa Laascaanood ayaa sidoo kale soo jeediyay in dhammaan ciidamada Somaliland laga saaro Laascaanood iyo degaannada hoosyimaada lana geeyo degmada Caynaba waxaana uu codsaday in gargaar banii’aadanimo la soo gaarsiiyo magaalada. Hoos ka daawo muuqaalka Maayirka. PUNTLAND POST The post Warbixin rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Subaxnimadii hore ee saaka waxaa uu dab xooggani ka kacay mid ka mid ah suuqyada khudaarta ee magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Qeybaha kala duwan ee laamaha amniga ee maagalada iyo kuwa dabdamiska ayaa ku guulaystay xakamaynta dabkaasi. Lama oga waxa kiciyay dabkan sida wayn looga dareemay qeyba badan oo kamid ah magaalada. Sidoo kale waxaanan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaasi, balse waxaa jira burbur hantiyeed oo ku basbeelay dabka. Source
