Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baraawe (Caasimada Online) – Xiisaddan ayaa ka dhalatay, ka dib markii Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha Degmada, Liibaan Abuukar Cismaan (Baafo), kaas oo ay ku eedeeyeen wada shaqayn la’aan. Wararka ayaa sheegaya in mooshinka ay saxiixeen saddex meelood, laba meel oo ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka, oo ka kooban toddobo iyo labaatan xubnood. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in mooshinkaasi loo gudbiyay, laguna wareejiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan. Wasiirka oo 20-kii bishan gaaray degmada Baraawe ayaa tan iyo xilligaasi ku sugan degmadaasi, isagoona xal u raadinaya xiisadda siyaasadeed ee degmadaasi ka soo korortay. Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay inaanu wax wada shaqayn ahi la lahayn Labadiisa ku-xigeen, ee kala ah Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane iyo Sahra Abuukar Cali, isla-markaana uu xafiis ka dhigtay, kuna shaqeeyo hoygiisa. Xiisaddan ayaa cirka isu shareertay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiye Liibaan uu u hanjabay xubnaha ka soo horjeeda. Xubnaha mucaaradsan Maamulka Gudoomiye Baafo ayaa dalbanaya in cod loo qaado, haddii uu xafiiska sii joogayo iyo haddii kaleba. Baafo ayaa xilka loo doortay 10-kii bishii November ee sanadkii 2021, ka dib doorasho ka dhacday degmadaasi. The post Xog ku saabsan xiisad ka taagan degmada Baraawe appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay. Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Yuusuf ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaariijta. Ra’iisul Wasaarah ayaa sidoo kale waxa uu si weyn u bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Danjire Yuusuf ayaa dhankiisa ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan, wuxuuna tilmaamay sida deg-dega ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda federaalka Soomaaliya. Baaqa dowladda oo uu shalay jeediyay Xamza ayaa waxa uu ku saabsana arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey akooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka ay muddada dhibaateynayeen argagixisadu. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo shalay shir guddoomiyey kulanka isku-duwayaasha mashaariicda kala duwan, ayaa waxa uu faray in sanadkan looga fadhiyo in ay hir-galiyaan mashaariico intii hore ka badan. Mudane Xamza iyo xukuumaddiisa ayaa muddooyinii dambe xooga saarayay xasillinta deegaannadii laga xoreeyay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar iyo weliba adeegyadii aas-aasiga ahaa, si dadkaasi loo tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay. The post OIC oo noqday ururkii ugu horreeyay ee ajiiba baaqii deg-dega ahaa Xamza + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Just a few short years ago Al-Shabaab seemed undefeatable. An all-powerful, pervasive menace that unrelentingly loomed large over the entire Somali landscape and psyche. According to records by Armed Conflict, Location and Event Data Project Source: Hiiraan Online
  4. The presence of the Puntland-based Golis telecom mobile money platform in Laascaanood facilitates the dominant position of the Somali shilling as a currency favoured by traders in Laascaanood. Laascaanood (PP News Desk ) — Two years ago the Rift Valley Institute published a report on Laascaanood. Entitled Lasanod: City at the Margins, the report, funded by UK Aid, argued without evidence that “Sool clan and East Sanaag Clan residents of the [disputed] area neither identify with Somaliland nor Puntland. Instead, they see themselves as citizens of Somalia and support the Federal Government”. What the report glossed over is that Puntland State of Somalia federally represents constituencies inhabited by the two clans in question. It is difficult to underestimate the impact sketchy details on the dynamics in the disputed territories could have on policy-making and distribution of development aid. What the report brought to light, however, is how currencies used in Laascaanood reflect where the loyalty of Laascaanood people lies as far as the union is concerned. “The Somali shilling and US dollar are accepted for daily transactions, while the Somaliland shilling is used to pay civil servants who typically exchange their salaries into Somali shillings and US dollars” the report writes. In Laascaanood the Somali shilling is the legal tender accepted by traders. The presence of the Puntland-based Golis telecom mobile money platform in Laascaanood facilitates the dominant position of the Somali shilling as a currency favoured by traders. The Somaliland Administration did not manage to enforce compulsory use of the Somaliland Shilling as the sole legal tender in Laascaanood. Economic ties with the South, where the Somaliland shilling is not a legal tender, and Laascaanood’s proximity to Nugaal and Mudug regions equally make the Somali shilling the more important currency in the district relative to the Somaliland shilling. © Puntland Post, 2023 The post A British-funded Report Heralds Laascaanood Conflict appeared first on Puntland Post.
  5. New York/Geneva, 27 February 2023 – As governments meet in Geneva to raise funds for the ongoing humanitarian crisis in Yemen, UNFPA, the United Nations sexual and reproductive health agency, urgently reminds the world of the catastrophic impact eight years of war has had on women and girls. With 12.6 million women in need of lifesaving reproductive health and protection services, UNFPA is appealing for US$70 million to sustain these programmes for women and girls. The war has decimated the national health system in Yemen, with buildings and equipment destroyed and health workers left unpaid. Yemen has one of the highest maternal death rates in the region, with less than half of births being assisted by skilled medical personnel and only one in five of the health facilities that remain providing maternal and child health services. UNFPA is the sole provider of essential life-saving reproductive health medicines in the country and plays a leading role in delivering women’s reproductive health and protection services. But 93 health facilities will be forced to close if UNFPA’s fundraising targets are not met. “The war in Yemen has left utter devastation in its wake, with stark consequences for women and girls,” said UNFPA Executive Director Dr. Natalia Kanem. “UNFPA’s priority is to safeguard and restore access to the life-saving reproductive health and protection services women and girls so desperately need.” Women and girls in Yemen also face high rates of gender-based violence and nearly two thirds of girls in Yemen are married before age 18. Yet services to support survivors are extremely limited or completely absent. UNFPA provides critical protection services for women and girls, with an emphasis on prevention and response to different forms of violence. Yemen’s crisis for women and girls in numbers One woman dies in childbirth every two hours in Yemen from causes that are usually preventable. 5.5 million women and girls of childbearing age need reproductive health services. 1.5 million pregnant and breastfeeding women are acutely malnourished. 7.1 million women require urgent access to gender-based violence services. Three quarters of the 4.5 million displaced people in Yemen are women and children, most of whom have been displaced multiple times. The devastating cost of inaction Lack of funding in 2023 will force UNFPA to scale back lifesaving services further with grave consequences. Thousands of women could lose access to reproductive health care and more than a million women could lose access to gender-based violence services and mental health care. “The health, safety and dignity of Yemeni women and girls hang in the balance. We need to act now to save lives, provide the essential support so urgently needed and offer a chance at a better future,” continued Dr. Kanem. UNFPA in Yemen In 2022, UNFPA reached over 2.7 million women and girls with reproductive health and protection services. An additional 400,000 newly displaced people received life-saving emergency relief through the rapid response mechanism that UNFPA leads in partnership with UNICEF and WFP. The rapid response mechanism provides a package of life-saving assistance for new displaced people on the move. Qaran News
  6. Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland khasaare dhowr waji ayay kala soo laabatay dagaalka ay ku gashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cudud ka xoog badan intii la filayay, iyada oo ay muuqato waxay midnimadooda u goysay dagaal socday in ka badan 20 cisho oo ay la galeen maamul soddan jir ah. Marwalba waa adag tahay in laga adkaado kacdoon shacab wax tabanaya oo kadibna caadifad u gudbay. Sabtidii waxaa dhacay dagaalkii ugu xoogana, uguna khasaaraha badna, kaasi oo ay Somaliland ku lumisay deegaano muhiim ah. Warbixintan waxaa kusoo koobeyna dhowr waxyaabood oo Somaliland ay lumisay mudadii uu socday dagaalka Laascaanood. 1. Deegaano ka baxay gacantooda: In aad lumiso magaalada Laascaanood adiga oo xukumaya Somaliland waa jab weyn. Intii uu dagaalkan socday Somaliland goobo badan oo muhiim ah ayay ciidan ahaan dib uga gurteen, waxaana qiimaha la goyn karin ku fadhisa Laascaanood oo dhowr iyo toban sano uu ka talinayay maamulka Somaliland. Dhanka Tukaraq dib u gurasho ayaa laga soo sheegaya, gudaha Laascaanood-na sarkaalkoodii ugu muhiimsana Mahad Cambaashe ayaa doraad cagta la mariyay. 2. Adduunka oo xasuuq u haysta Somaliland: Waxaa durtaba ku billaabatay Somaliland dacwo la xiriirta inay xasuuq iyo gabood-fal ka geysteen Laascaanood. Dunida waxay diiwaan-gelinaysa maanta tirada shacabka uu maamulka Muuse Biixi ku dilay magaalada Laascaanood. Tani waxay dhalin doonta saameyn taban oo la xiriirta gargaarkii iyo garab istaagii la siin jiray Somaliland oo laga fiirsan doono iyo suurtagalnimada in madaxdooda qaar la saaro cuna-qabateyn socdaal, mid maaliyadeed iyo maxkamadeyn mustaqbalka ah. 3. Cinwaankii gooni-u-goosadka oo dhaawacmay: Somaliland markii ay rabto in dunida u sharaxdo sababta ay u dooneyso inay ka go’do Soomaaliya waxay sheegan jirtay in dowladii Soomaaliya xasuuqday, balse maanta waxaa iyagana miiska adduunka ku sugaya xasuuqa Laascaanood. Hadda waa inay ka fikiraan si kale oo ay u iibin karaan mashruuca gooni-u-goosadka oo aan aheyn cabashada xasuuqa. 4. Dhimasho ciidan oo laga maarmi karay: Askar badan ayaa Somaliland kaga dhimatay dagaalka Laascaanood, iyagu dadka ay dileen kuma faani karaan oo dacwo xasuuq shacab ah ayaa loo haysta durba. Laakiin Muuse Biixi waxaa hortaalla dood gudaha ah, taas oo sheegaysa maxay ku dhinteen askarta Somaliland ee Laascaanood, iyada oo ay badi dadka wax-galka ah aaminsan yihiin in dagaalkaas laga maarmi karay. 5. Qabyaaladii oo suuq heshay iyo xalkii oo fogaaday: Dagaalka Laascaanood wuxuu dhinaca kale kor u qaaday qabyaaladii deegaanada Somaliland, dadku aad ayay u kala fogaadeen. Maamul walba oo dhisan uma fiicna jiritaankiisa in qabyaaladu hadaf ka noqoto bulshada dhexdeeda, waana arrin aan la sahashan karin waxa ka dhalan doona mustaqbalka dhow. Sidoo kale waxaa muuqata in xalka Laascaanood uu sii fogaaday, waxaana sabab looga dhigay sida uu maamulka hoggaamiye Muuse Biixi u wajahay arrintaan. Arrimahan oo isugu jira deegaano uu maamulka lumiyay, xasuuq la isku haysto, niyad-jabka beesha caalamka, dhaawaca soo gaaray cinwaankii ictiraafka iyo kala dhimashada bulshada ayaa kamid ah kamid ah khasaaraha Somaliland ay kasoo qaaday dagaalka Laascaanood. The post Dagaalka Laascaanood oo Somaliland u horseeday shan khasaare oo waaweyn appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Israsaaseyn xoog leh ayaa caawa ka dhacday isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, dadka dhaawacmay waxaa ku jira mas’uuliyiin. Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay israsaaseyntaas, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid uu ku jiro, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid. Israsaaseynta sababtay khasaarahaan ayaa dhex-martay ciidan Nabad Sugid ah oo isgoyska Siinaay ku sugan iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleebaan Fargax oo dhaawac ah. Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay inay arkeen meydadka afar qof oo yaalla isgoyska Siinaay, inkastoo dadka nala hadlay aysan kala aqoonsan dadka dhintay shacab ama ciidan waxa ay yihiin, maadaama goobta lagu kala cararay. Ma jirto cid shaacisay waxa uu ka dhashay khilaafka sababay in xabad la isla dhaco oo khasaaraha intaas la eg la isku geysto, waxaana xusid mudan in ciidanka isgoyskaas jooga ay maalin ka hor la dagaaleen ciidan kale oo ka tirsan militeriga. Xaaladda isgoyska Siinaay ka jirta ayaa caawa ah mid kacsan, waxaana aaggaas isaga cararay dadkii shacabka ah ee goobaha ganacsiga ku lahaa, maadaama suuq weyn uu ku yaallo isgoyska Siinaay. Isgoyska Siinaay ayaa kala bara ugu yaraan seddax degmo oo kala ah Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana ciidan ka tirsan NISA u taalla bar control oo adag, taas oo gaadiidka waaweyn aysan ka soo gudbi karin. Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku dhex dagaalama magaalada Muqdisho, taas oo dhaleeceyn weyn ay marar badan kala kulantay dowladda Soomaaliya, inta badan isku dhacyadaan waxaa keena in masuuliyiinta qaar ay si awood ah ku dhaafaan baraha hubinta ee ciidamadu ay ku sugan yihiin. The post Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia fight against Al-Shabab and Islamist terrorism has become the most active front in the United States’ global war on terror, which has been waged since the September 11, 2001, attacks. In recent years, the US military has worked with Somalia’s army to counter Al-Shabab, an Al Qaeda affiliate considered the deadliest terrorist group in the region. While the campaign has had some success, the struggle remains arduous and has been marked by tragedy and setbacks. On a recent trip to a remote training base in central Somalia, it was clear that the counterterrorism campaign has exacted a toll on the country’s military forces. On graduation day for 346 recruits trained by the State Department and advised by US Special Operations forces, many new commandos were set to fill in the ranks of two battalions that a recent Al-Shabab attack had decimated. The attack resulted in more than 100 Somali soldiers dying or being injured, underscoring the daily dangers that the country’s military personnel face. Somalia’s struggle against terrorism The fight against terrorism in Somalia is not new. Over thirty years ago, US military personnel were deployed to Somalia to ensure that the capital, Mogadishu, and outlying areas in the famine belt were safe enough to deliver aid. At that time, fighting among factions in the country had interrupted aid deliveries. The US withdrew from Somalia after the “Black Hawk Down” incident of 1993 when Somali militia fighters killed 18 American service members in a fierce battle later depicted in books and Hollywood movies. Nearly two decades later, the US was forced to return to Somalia to combat the rise of Al-Shabab, a terrorist group that had emerged in the region. In 2014, the US began its fight against the group with a handful of military advisors. Over time, the number of US troops involved in the campaign grew to 700. However, former President Donald J. Trump withdrew most of the soldiers just before leaving office in 2021. President Joe Biden later redeployed 450 troops last year to advise Somali soldiers fighting the Al-Shabab insurgency. In addition to its military involvement, the US has conducted a drone war against Al-Shabab. Although drone strikes have decreased in other hotspots, such as Yemen, Libya, and Pakistan’s tribal areas, Somalia remains a center for US counterterrorism drone activity. In the past year, the US carried out around 20 airstrikes in Somalia, nearly all of which were in collective self-defense of Somali forces. A visit to Somalia I recently had the opportunity to embed with US Special Operations forces in Somalia, gaining a firsthand look at the counterterrorism efforts underway in the country. The visit provided a glimpse into a counterterrorism world where a few Americans, typically far from the front lines, advise and assist Somali troops engaged in a daily battle against an imposing foe. On the ground, a wide range of American, Somali, and other African military, diplomatic, and aid officials expressed cautious optimism about the Somali government’s dedication to the fight against terrorism. However, they expressed lingering doubts over the government’s ability to hold the ground it had retaken. The recent attack in Galmudug state, which left over 100 Somali soldiers dead or injured, has prompted Somali officials to ask for more American firepower. They have also renewed their appeal to Washington for more drone strikes and looser rules on when such strikes can be carried out. However, the Biden administration has been reluctant to deepen its military commitment to the country. Somalia’s counterterrorism strategy The Somali military has been fighting Al-Shabab for several months, with several powerful local clan militias joining the fight against the terrorist group that has wreaked havoc across the Horn of Africa. The government has been resupplying these militias with ammunition and other aid. Somalia elected a new president, Hassan Sheikh Mohamud, in May 2021, who previously held office between 2012 and 2017. Since resuming the presidency, Mohamud has embarked on an all-out offensive against Al-Shabab to constrain their territorial expansion and dry up their financial resources. According to intelligence officials, the militant group boasts a sizable force of between 7,000 to 12,000 fighters and generates an annual income of approximately $120 million, garnered partly through the imposition of taxes and extortion of civilians. The full-scale offensive against Al-Shabab began after President Biden redeployed American trainers to Somalia. The forces only advise and assist Somali soldiers and do not conduct unilateral counterterrorism operations like the one carried out last month by members of the Navy’s SEAL Team 6, which killed a senior Islamic State financier in northern Somalia. Despite the military’s success in recapturing multiple towns and villages, officials exercise prudence in charting a course for the future. Al-Shabab’s brutal retaliatory assaults, which have resulted in the retaking of certain regions, have created a back-and-forth struggle for dominance. The group orchestrated a catastrophic attack in October, unleashing twin car bombings that killed 121 individuals and left approximately 300 more injured in Mogadishu, a city inhabited by about two million people. It was the deadliest terrorist attack in Somalia in five years. The post Somalia: US military returns to combat Al-Shabab militants appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Murashixiintii u tartameysay kursiga HOP086 oo horay loogu diiday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo bulshada ay kula wadaagayaan in Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyeen dawacd ka dhan ah doorashadii kursigaas. Si kastaba, waxay sheegeen in maxkamadda ay ka qaban waysay dacwaddii ay diyaariyeen qareennadii ay u qabsadeen inay difaacaan kiiska is hortaag ay sheegeen in lagu sameeyay in tartan furan loo galo kursigaas. Musharaxiinta war-saxaafadeedkaan soo saaray oo shan xubnood gaaraya ayaa sheegay in Xoghaynta Maxkamaddu ay cudur-daar uga dhigeen qabasho la’aanta dacwadda, maqnaashaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo ku simihiisa, ayagoo qareennada u sheegay inay berri soo noqdaan si hoggaanka sare ee Maxkamadda looga helo ogolaanshaha qabashada dacwadda. “Tallaabadan ayaa waxay keenaysaa in waqtigii uu sharciga noo ogolaa inaan dacwadda ku gudbinno uu dhaco kaasoo ku eg 10-ka barqannimo ee barri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28ka Febraayo 2023,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta. Qodobka 4-aad ee qaraarka buuxinta kuraasta bannaan ee kasoo baxay guddiga joogtada ah ayaa dhigaya in go’aannada la xiriira doorashooyinka kuraas buuxinta ee uu gaaro guddiga doorashada kuraasta bannaan in racfaan looga qaadan karo Maxkamadda Sare Musharaxiintaan cabashada qaba ayaa sidoo kale sheegay in maanta “si sharciga baal marsan xilka xildhibaannimada loogu dhaariyay murashixii kursiga loo xiray” sida ay hadalka u dhigeen, iyadoo ay habraacyada doorashada dadban dhigayaan inaan la siin karin shahaadada, lana dhaarin karin, inta laga hubinayo in kursiga laga soo gudbiyo dacwad iyo in kale muddo 3 cisho ah oo ka bilaabanaysa saacadda iyo maalinta doorashada la qabtay. “Murashixiintu waxay halkaan ka caddeynayaan in lagula dhaqmay hab aan waafaqsanayn shuruucda dalka, xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xeerarka garsoorka dalka, iyagoo markii hore loo diiday inay ka qeybgalaan tartanka doorashada, maanta ay Maxkamaddii Sare ee dalka ay u ekaatay mid ka meermeereysanaysa qabasha dacwadda oo ah xaq dastuuri ah,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta. Shanta musharax ee bayaankaan cabashada ah soo saartay ayaa kala ah : Khaalid Muxumed Maxamuud (Gaabane) Dr. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis Maxamuud Cabdiraxmaan Macallin Dr. Cabdicasiis Maxamed Cabdullaahi (Mataan) Cabdinuur Maxamed Axmed Kursigaan oo noqday kii ugu muranka iyo dagaalka badnaa kuraasta baarlamaanka 11-aad ayaa maalmo ka hor waxaa loo doortay Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo ay doorteen 98 xubnood oo ergo ah. The post Maxkamadda sare oo loo gudbiyey dacwadda kursiga HOP#086 iyo go’aankeeda appeared first on Caasimada Online.
  10. Doolow (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor-imaad maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, iska hor-imaadka maanta ka dhacay halkaasi ayaa waxa uu salka ku haya laba kiis oo ka kala dhacay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow. Iska hor-imaadkan oo yimid kadib markii maleeshiyaad beeleed ka war heleen in mid kamid ah labada kiis la rabo in loo wareejiyo magaalada Muqdisho. Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay inay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo halkaasi ku sugna, sida ay sheegeen dad goobjoog ah. Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkan uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, illaa haddana waxaa la xaqiijiyay in shaqaaqadan uu ku dhintay Taliyihii Amniga Garoonka Doolow Maxamed Xuseen Cabdullaahi (Ganey). Taliyaha NISA ee Gedo oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan iyo qof kale, isaga oo sheegay in uu jiro dhaawac gaaraya illaa 10 qof oo isugu jira askar iyo shacab uu ka dhashay iska hor-imaadka maanta. “Ciidamada Gorgor ayaa diyaar u timid, kuwaasi oo dib looga celinayay gobolka si ay safarkooda usii wataan, ninka maxbuuska ahna ciidankaas ayaa hayay. Dad is abaabulay oo shacab ah ayaa yidhi ninkii baa la qaadaya oo garoonka laga dhoofinaya aan is hortaagno oo yaan la qaadin, sidaas ayuu ku dhacay dagaalka aad maqasheen,” ayuu yiri Jeneraal Jamaal Xasan. “Aniga dhaawac (askar Itoobiyaan ah) ooo goobta jooga waan huba, dhimasho laba ayaa huba iyo dhaawac dhinacyadii dagaalamay, iyo weliba dad shacab ah oo xabadihii la isku ridayay ay ku haleeleen meelo kala duwan.” Waxaa magaalada Doolow ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo markii hore halkaasi u tagay si uu u dhagaysto maxkamadaha labada kiis. Ninkan ay xiisaddu ka dhalatay ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalka baaritaanka waday markii uu dhimanayey la-tuhunsane rayid ah oo loo heystay kiiska Taliyihii ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Aweys oo 18-kii bishaan magaalada Beled-Xaawo qarax lagu dilay. Waxaa la sheegay inay socdeen dadaal la doonayey in sarkaalkaas loogu soo wareejiyo Muqdisho isla maanta, hase yeeshee ay maleeshiyaad soo weerareen garoonka, kadib markii ay ka war heleen arrintaas. Maleeshiyaadka ayaa ka soo horjeeda in sarkaalka loo soo wareejiyo Muqdisho, waxaana la sheegay inay rabaan in maxkamadeyntiisa ka dhacdo Doolow, islamarkaana loogu xukumo dil toogasho ah. Xaaladda guud ee magaalada Doolow ayaa hadda degan, inkasta oo lasoo warinayo in xiisadda ay ka taagan tahay garoonka diyaaradaha ee degmada oo ay weli isku horfadhiyaan labada dhinac ee dagaalamay. The post Sarkaal sare oo ku dhintay iska hor-imaadkii Doolow iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  11. Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulamo gaar ah la yeeshay howlwadeennada kala duwan ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo dhawaan uu hoggaankiisa la wareegay. Hantidhawraha Guud ayaa intii ay kulamadu socdeen waxaa uu hawlwadeennada la wadaagay aragttidiisa maamul iyo sida ay uga go’antahay dhaqangalinta siyaasadaha anshaxa iyo shaqada ee Xafiiska u deggan. Guutaale ayaa sidoo kale hawlwadeennada kula dardaarmay inay xil gooni ah iska saaraan ilaalinta waqtiga iyo wax-soosaarka shaqo iyo qiyamka ku dhisan wada-shaqaynta iyo halabuurka, si looga mirodhaliyo yoolasha hormarinta ee ku qeexan istaraatiijiyadda Xafiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay oo isaga iyo wafdigiisa ay soo gaareen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Yousef ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Al-shabab, Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka Soomaaliyeed. Dhankiisa, Yousef Muhammad Aldobea oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida degdegga ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ku aaddanaa arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey Alshabaab, kuwaas oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dowladda Soomaaliya ay taageero caalami ah u raadinayso dagaalka dowladda federalka ay kula jirto dagaalamayaasha Al-shabaab oo inta badan laga saaray deegaanno dhaca dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo dhowaan la filayo wajiga labaad ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoostaga, kaasi oo maamulka uu sheegay in uusan qeyb ka aheyd. “Waxaan cadaynaynaa in aan dowladda Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland. Eedeynta Somaliland ay maanta markale Puntlnad kula xiriiray dagaalka socda ayaa waxa uu maamulka ku sheegay “in aysan ka duwaneyn kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo.” Puntland ayaa waxay Somaliland ugu baaqday in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo deegaanada gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay. “Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa dadka deegaanka oo u dagaalamaya naftooda, sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab raba in ay ku meel mariyaan mashruucooda gooni-goosadka ah.” Dagaalka ka socda Laascaanood ayay waxa uu maamulka Puntland ku macneeyay dagaal gardarro ah oo keenay xasuuq shacab, Barakac baahsan iyo burbur baaxad leh oo aan horay noociisa loo arag. “Dagaalkaani waa kacdoon shacab oo ka dhashay dilal qorshaysan, caburin iyo xad-gudubyo baahsan oo loo gaysanayey dadka Gobolka Sool 15-kii sano ee ugu dambeeyey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland. Maamulka ayaa ugu dambeyntiina garab istaag u muujiyey Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, oo ay sheegeen inay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitoonkooda iyo maskiirkooda bulsho iyaga oo nabad ah oo aan xabad dhafoorka looga hayn. The post Puntland oo war kasoo saartay sheegashadii Somaliland iyo dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  14. Maamulka Puntland ayaa mar kale iska fogeeyay inuu qayb ka yahay dagaalka maalintii 22-aad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Puntland ayaa hadalkan uga jawaabtay eedayn maanta kasoo baxday Somaliland, kuwaas oo sheegay inay ciidamada Puntland saakay weerareen saldhigyada ciidanka Somaliland ee Sool. “Puntland Mowqifkeedii hore waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo,” ayay tiri Puntland. Waxay Puntland sheegtay in dagaalku uu u dhaxeeyo dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo ciidamada Somaliland oo ay sheegtay inay qori caaraddiis iyo Khasab ku meel marinayaan gooni-goosadkooda. Puntland waxay markale Somaliland ugu baaqayday in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool, si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka barakacay. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Wariye Cabdalla Muumin. Cabdalle Muumin oo ah xoghayaha ururka Suxufiyiinta SJS ayaa la sheegay in uu xiran yahay kiis dacwadeed ay kusoo oogtay wasaaradda warfaafinta, ayada oo kal hore lasii daayay, haddana maalmo ka hor laga soo xiray hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho. Xildhibaanadan oo tiradoodu dhan tahay 26 Mudane ayaa ku dooday in Cabdalla Muumin si sharci darro ah loogu xad-gudbay xoriyadiisa, iyaga oo dalbaday in si deg deg ah dib loogu soo celiyo xoriyadiisa. Xildhibaanada Golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta 26 Mudane, ayada oo ajandaha kulankii maanta lagu daray mooshinkan ka dhanka ah xariga Cabdalla Muumin. Intaas kadib mooshinka ayaa u gudbay guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta Golaha Shacabka, kaasi oo ka dhigaya qaraar kasoo baxay golaha, wuxuuna guddiga baari sheegay mooshinka. Xildhibaan Jeesow oo kamid ah xildhibaanada Mooshinkaan ku saxiixan ayaa waxa uu sheegay in sharci darrada loo maray xariga Cabdalla Muumin ay dhaawac ku tahay dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaankeeda. “Sharci darada loo maray xariga dambe ee Cabdalla Muumin waxay dhaawac ku tahay dowladnimada, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ha iska ilaaliyaan dadka fashilinaayo dowladda ay madaxda ka yihiin,” ayuu yiri. Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa laba maalmood kahor ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin. Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya. Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Magacyada Xildhibaanada saxiixay mooshinkan, ayaa waxay kala yihiin; 1. Xilldhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid 2. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow 3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin 4. Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan 5. Xildhibaan Nasra Saalax Cabdi 6. Xildhibaan Duniya Cismaan Yuusuf 7. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif 8. Xildhibaan Maxamed Muxumed 9. Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamuud Daqare 10. Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir 11. Xildhibaan Cali Xasan 12. Xildhibaan Nasra Mahdi Caraale 13. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Ismaaciil 14. Xildhibaan Dr Saciid Maxamed Cali 15. Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed 16. Xildhibaan Aadan Maxamed 17. Xildhibaan Maxamed Cali Cumar 18. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar 19. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimu 20. Xildhibaan Faarah Cabdi Diini 21. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar. 22. Xildhibaan Sahuur Xaaji Culusow 23. Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble 24. Xildhibaan Cabdisamad Macalin Xasan 25. Xildhibaan Maxamed Shekh Nuur 26. Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise The post Kiiska Cabdalla Muumin oo gaaray Golaha Shacabka – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
  16. Essa Kayd Mohamud: “Somaliland is a buffer zone for Ethiopia.” Mogadishu (PP Editorial ) — The Laascaanood conflict continues to acquire geopolitical dimensions. The Somaliland Administration Foreign Minister Essa Kayd Mohamoud told the Reporter, an Addis Ababa-based newspaper, that “Somaliland is a buffer zone for Ethiopia”. Essa Kayd reminded Ethiopia of its economic disadvantage. “It is an ongoing matter. Ethiopia being a landlocked country, we have a lot of interest in making sure that the two countries benefit from the Berbera port” Kayd said. After the state collapse in Somalia the national infrastructures, such as seaports, have become a political and economic leverage for sub-national entities. In this situation post-1991 Somalia’s autonomous administrations see an advantage to deal with a fully sovereign country like Ethiopia to the utmost disadvantage of Somalia. Ethiopia, the seat of the African Union, might be tempted to unwittingly promote the violation of the sovereignty of Somalia if it joins the scramble for Somali seaports. Weak state capacity in Somalia does not entitle Ethiopia to fail to strike a balance in dealing with a secession-seeking sub-national entity and its neighbourly relations with the Federal Government of Somalia. “Recently, we came to talk to the Minister of Foreign Affairs (MoFA) less than a month ago, and prior to that, there were also other meetings, and we are on the same page in terms of making sure that we take care of each other and that the insurgents, elements, or terrorists do not come through here. So, we are buffer zone for Ethiopia” Essay Kayd Mohamoud. There is something odd about characterising the relations between Ethiopia and Somaliland Administration, an entity claiming to have seceded from Somalia, in buffer zone terms. Seyoum Mesfin, the former Ethiopia Foreign Minister, conceived the buffer zones strategy against Somalia in a 2018 essay published in Daedalus . “In fact, the government of Somalia is unable to credibly guarantee to Ethiopia that these territories will not be used to threaten Ethiopia, so Ethiopia often is blamed for interference… A second strategy revolves around creating and maintaining buffer zones. Ethiopia and Kenya sustain buffer zones inside Somalia, effectively denying Al Shabaab and other extremist groups the capacity to launch attacks inside Ethiopia and Kenya” argued Mesfin. This buffer zone strategy has nor materialised. TPLF hegemony in Ethiopia came to an end in 2018. The claim made by Mohamoud that Somaliland “is a buffer zone for Ethiopia”, is nostalgic about the 2013 EPRDF policy proclaimed by the former Ethiopian Prime Minister. “Somaliland is a friend and a key strategic ally for Ethiopia. We will spare no expense to defend and protect Somaliland. We are ready to extend an arm of support to our Somaliland brothers every time they are in need of one,” Prime Minister Hailemariam Desalegn told the Parliamentarians Tigrai Online quoted Hailemariam Desalegn as saying. In November 2020, Desalegn wrote an article for Foreign Policy in which he criticised the TPLF leadership for not being serious about peace in Ethiopia. “If the TPLF leadership is guaranteed the impunity it desires through an internationally brokered deal, the cause for justice and sustainable peace will be severely harmed. Above all, it creates a precedent for other groupings within the Ethiopian federation to learn the wrong lesson: that violence pays off” argued Desalegn. The Somaliland as buffer zone for Ethiopia narrative is not a good news to the ears of the Ethiopian leadership grappling with the impact of a civil year that lasted almost for two years. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland is not a “buffer zone” for Ethiopia appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii maanta dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo ka dhacay deegaanka Diyaaradda oo 20 KM dhanka bari uga beegan magaaladaasi. Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii maanta ay qeyb ka ahaayeen maamulka Puntland iyo kooxo uu ku sheegay argagixiso. Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay dharbaaxo kulul ku dhufteen ciidamadii weerarka ku soo qaaday, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda bariga Laascaanood. “Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool” ayuu yiri wasiir Caateeye. “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta maamulka Puntland-Soomaaliya.” Beesha caalamka iyo dalalka deriska ayay sidoo kale xukuumadda Somaliland ku wargelisay in dowlad-goboleedka Puntland uu gacan siinayo kooxo ay ku sheegeen inay yihiin argagixiso. “Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika”. Dagaalka saaka ayaa yimid kadib markii ciidamada Somaliland ay faarujiyeen saldhigyo dhowr ah oo ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood iyo aaggaga Tukaraq, islamarkaana ay fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Diyaaradda. Si kastaba, Xaaladda Laascaanood ayaa faraha kasii baxaysa, waxaana dagaalka uu galay todobadkii afaraad, kaasi oo sababay dhimashada dad ka badan 150 qof iyo dhaawaca 500 oo kale. The post Somaliland oo shaacisay dhinac kale oo qeyb ka ahaa dagaalkii maanta appeared first on Caasimada Online.
  18. Maanta waxaa si isku mid ah magaalooyinka Muqdisho iyo caasimadaha dowlad goboleedyada ka furmay Imtixaanka 3000 ee macalin oo ay qaadaynayso wasasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare, kaas oo uu si rasmi ah u daah furay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay 8000 oo macalimiin, kuwaas oo ka socday magaalooyin kale duwan oo dalka ah marka laga reebo deegaannada maamullad Puntland iyo Somaliland, waxaa xusid mudan in Imtixaankii maanta ay kasoo muuqatay Hooyo Umul la ah oo ubadkeedu dhallanaa 8 cisho oo qura. Xamdi Maxamed Xusseen marnaba in ay tahay hooyo ku jirta maalmaha adag ee dhalmada kadib kama reebin sidii ay ku gaari laheyd hadafkeedii ahaa in ay noqoto macalimad tacliinta ku ababisa ubadka Soomaaliyeed, xilli sidoo kale madashada Imtixaanka uu ku sugnaa Seygeeda Maxamed Cabdi Cali oo qeyb ka ahaa. Hoyadaan ayaa maanta qeyb ka noqotay imtixaan ay galayaan 8000 oo macalimiin ah, kuwaas oo laga doonayo in ay kasoo gudbaan 3000 oo kaliya ay qorsheysay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare, mas’uuliyiinta ka socday dowladda ayaa bogaadiyay Hooyo Xamdi Maxamed Xusseen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre and Education Minister Farah Sheikh Abdulkhadir unveiled on Monday the examination through which the Ministry would recruit 3,800 new teachers for public schools. Source: Hiiraan Online
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daah furay Imtixaanka shaqaaleysiinta 3000(Saddex kun) oo Macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka oo ay kamid tahay dhismaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macallimiin ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo Saddex Milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho, laakiin aan halin fursado waxbarasho iyo adeegyada dowliga ah ee dhanka tacliinta, xilli sidoo kale ay jiraan deegaanno dowladdu dhowaan la wareegtay oo u baahan adeegyada waxbarasho iyo barbaarinta macalin. Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda Imtixaanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka. Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo ka kala dhacaya 22 goobood oo ku yaal 11 magaalo oo dalka ah ayaa waxaa u fariistay 8 kun macallin, laakiin waxaana darajada Imtixaankooda kusoo bixi doona 3000 oo macalimiin oo inta wasaaraddu ay qorsheysay. Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed. Wuxuuna faray Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda intaba in ay iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi, oo uu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan in jiilka Soomaaliyeed ay mustaqbalka helaan tacliin dowladeed, maadama ay jiraan ubad badan oo tanta iyo duruufa u diiday aadista iskuullada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Garoowe, 27, 02, 2023: Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa Dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab raba in ay ku meel mariyaan mashruucooda gooni-goosadka ah. Dagaalkaani waa kacdoon shacab oo ka dhashay dilal qorshaysan, caburin iyo xad-gudubyo baahsan oo loo gaysanayey dadka Gobolka Sool 15-kii sano ee ugu dambeeyey. Waa dagaal gardarro ah oo keenay xasuuq shacab, Barakac baahsan iyo burbur baaxad leh oo aan horay noociisa loo arag. Waxaan cadaynaynaa in aan Dowladda Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, Mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo. Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimadooda dhaqanku iyaga oo xor ah, nabad ah oo aan xabad dhafoorka looga hayn waxa ay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitaankooda iyo masiirkooda Bulsho. Waxaan markale Somaliland ugu baaqaynaa in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Degaanada Gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay. DHAMMAAD The post War-saxaafadeed: Puntland oo beenisay in ay qayb ka tahay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  22. Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xiisad xoogan ay ka taagan tahay magaalada Doolow, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Xiisaddan ayaa ka dhalatay kadib markii iska horimaad dhiig ku daatay uu ka dhacay halkaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoog ah. Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu daba socdo laba kiis oo ka kala dhacay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo magaalada Doolow. Bishan 18-keedii ayaa magaalada Beled Xaawo qarax lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Aweys, kaasi oo dilkiisa loo soo qabtay saddex qof oo iskugu jira laba sarkaal iyo qof shacab ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, iska hor-imaadkan ayaa yimid kadib maleeshiyaad beeleed ka war heleen in kiiska dilkan la rabo in loo wareejiyo magaalada Muqdisho. Waxaa magaalada Doolow ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo markii hore halkaasi u tagay si uu u dhagaysto maxkamadaha labada kiis. Sarkaalka baaritaanka waday markii uu dhimanayey la-tuhunsaha rayidka ah oo lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cosoble ayaa maanta maxkamadayntiisu ka dhacday magaalada Doolow. Waxaa la sheegay inay socdeen dadaal la doonayey in sarkaalkaas loogu soo wareejiyo Muqdisho maanta, hase yeeshee ay maleeshiyaad soo weerareen garoonka sida ay sheegeen goobjoogayaal. Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inay ka soo horjeedaan in sarkaalka loo soo wareejiyo Muqdisho. Iska horimaadkan waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, waxaana ku dhaawacmay dhowr qof oo kale. Ilaa hadda ma cadda xaaladda, waxaana garoonka magaalada ku go’doonsan guddoomiyaha maxkamadda sare Gaashaanle Sare Shuute iyo saraakiisha maxkamadda ciidamada. The post DEG DEG: Xiisad xooggan oo ka taagan Doolow iyo Shuute oo ku go’doonsan appeared first on Caasimada Online.