-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faahfaahin ku saabsan QARAX ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan dowlada. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, isla-markaana uu si gaar ah uga dhacay busteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla xaafadda Aargada ee degmada Wadajir. Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa Minashiibiyada oo lacago canshuuro ah ka qaada goobtaasi, gaar ahaan baabuurta dadweynaha ee isaga kala goosha Xaafada Kaawa Godey iyo Bakaaraha. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay illaa siddeed uu ruux oo shacab ah, isla-markaana ay ku jiraan dumar ku sugnaa goobta xilliga uu qaraxa dhacayay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Somalia oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda Aargada oo uu qaraxu ka dhacay. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Qaraxaan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa culeys xoogan soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Faahfaahin ku saabsan QARAX ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. -
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyee, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Kulan Dag Dag ah iskugu Yeeray shirka Qamiis la ah ee hoggaamada iyo fadhiyada madaxa banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Kulankaasi dag dag ah ayaa ujeedkiisu aheyd sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha amni-daro ee Ku soo korartay Caasimada iyo sidii wax looga badalilahaa hanaanka shaqo ee Ciidanka ee ku sugan Muqdisho. Taliya ayaa Sheegay in uu Magacabayo Gudi ka shaqeynayo Kormeerida Baraha hubinta gaadiidka, kuwaasi oo wacyi galin Buuxda sameeynayo ciidamadaasi maadama loobahanyahay in wax lagabadalo Habdhaqanka Ciidamada. Ugu danbeyn, Taliyaha ayaa ku amray taliyeyaasha xasilinayo Caasimada iyadoo laga dulayo cabashooyinka Shacabka Soomaaliyeed, iskulana xisaabtamayo dhacdooyinka soo laa laabtay. All reactions: 632632 Source: goobjoog.com
-
Muuqaal: Afhayeenka Xukuumadda Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabanayso dilalka wadayaasha Mooto Bajaajta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dilalka Bajaajleyda oo maalmihii dambe aad u kordhay. Shirkaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno looga hortagayo dhibaatada ay la kulmaan darawalada Bajaajta. Sidoo kale wuxuu goluhu faray saraakiisha laamaha ammaanka in ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo dilalkaas, si loo xisaabtamo askarta geysaneysa. Dilalka Bajaajleyda ayaa dhaliyay caro xoogan, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan dhowr darawal loogu dilay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa ka dhashay dibad-baxyo xoogan oo ay dhigeen Bajaajleyda, ayaga oo xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimadda, si cabashadooda usoo bandhigaan. Dhinaca kale Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG, kadib markiii la horgeeyay Guddigan oo ka kooban illaa 5 xubnood ayaa waxaa soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, ayada oo goluhu ansixiyay. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada. Waxaa kale oo ee goluhu meel -mariyay laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Golaha Wasiirada oo go’aan culus kasoo saaray dilalka Bajaajleyda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka SSoomaaliya , Mudane Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si ay uga soo baaran dagaan sida ugu dhow ee loo soo dhameystiri karo Dastuurka qabyio qiraalka ah. Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta, kulana ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dhibka lagu hayo Bajaajleyaasha. Todobaadkaan sii dhamaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr kiis, kaas oo waxyeelo kasoo gaartay wadayaal Mooto Bajaajle, oo dil iyo dhaawac ay u geysyeen askar ka tirsan ciidanka diowladda, xilli maamulka gobolka uu sheegay cadaaladda la horkeenayo dadkii ka dambeeyay falalkaas oo la xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo kale oo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii gaari xamuul ah uu jiiray mooto Bajaaj ay la socdeen saddex dhalinyaro ah oo mararay agagaarka Tarabuunka. Gaariga xamuulka ah oo ad u rarnaa ayaa lagu soo warramayaa inuu dusha ka maray mootada, waxaana ka dhashay shilkan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Waxaa goobtay ku dhintay mid kamid ah wiilasha saarnaa mootada, halka labada kale ay dhaawacyo halis ah soo gaareen, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Marxuumka dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Caadil, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada isticaala Aaladda TikTok-ga, ayada oo la aqoonsan meydkiisa, kadib markii uu si xun u jiiray gaariga oo ka maray qaybaha sare, sida ay sheegeen dadka goobjooga ahaa. Sidoo kale waxaa xilligaas uu marxuumka ka yimdi meel goob oo uu kula soo damaashaaday saaxibadiisa, balse isaga oo kusii jeeday xaafadda uu geeriyooday. Dhanka kale Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo war kasoo saaray dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen wadihii gaariga oo goobta ka baxsaday, kadibna lagu xiray saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir. “Degmada Hodon, waaxda Octobar agagaarka Isbitaalka Digfeer ayaa abaare 12:10 habeen barkii, Eedeysanahan oo Wade ka ahaa gaariga xamuulka ah ee idiin muqda ayaa jiiray kana cararay muwaadiniin saarnaa Mooto Bajaaj oo goobta marayay,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay talisja qaybta Booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu uuu intaasi ku saray in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabada ku haboon. “Shilka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Hodan ayaa gargaar u fidiyay dhibanayaashii shilku dhibku gaaray, Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa baadi goob ka dib gacanta kusoo soo dhigay nikaan. Wuxuuna wajihi doonaa Cadaalada” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir. The post Daawo: Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta ciidamo cusub kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS ee ka socdo gudaha Soomaaliya. Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Uganda, waxayna ku biiriyaan ciidamada Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya. Illaa 144 sarkaal ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen saraakiil sare sare oo ka tirsan ATMIS. Sidoo kale saraakiishan ayaa ku biiri doono 16 sarkaal oo kale oo horay u yimid Soomaaliya, waxayna ka hoos shaqeyn doonaa qeybta Booliska ATMIS. Saraakiishan ayaa si gaar ah ula shaqeyn doono ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay taageero shaqo iyo tayayn u siiyaan dhiggooda Soomaaliya. Taliye ku xigeenka ciidanka cusub ee FPU-da, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (ASP) Julian Asaasira oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidamadan ay soo qaateen tababar heer sare ah, isla-markaana ay diyaar garoobeen in ay garab istaagaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee dhigooda ah. “Si fiican ayaanu u tababarnay waxaan soo marnay tababarka qasabka ah ee ka hor inta aan la dirin lix bilood, kaas oo aan helnay xirfado nagu filan oo noo suurtageliya in aan si hufan u gudano waajibaadkeena,” ayuu yiri Julian Asaasira. Ciidamadan ayaa noqonaya cutubkii 11-aad ee ay Boooliska Uganda u soo daad-gureeyaan Soomaaliya, si ay u taageeraan howlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika. Waxay sidoo kale ay bedelayaan cutubkii tobanaad oo dhawaan soo gabagabeeyay shaqadooda Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kumanaan askari oo Afrikaan ah, kuwaas oo isugu jiro Boolis iyo Milatari, waxayna dowladda ka caawiyaan nabad-gelyada. Si kastaba, keenista ciidamadan ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray. #image_title #image_title #image_title #image_title The post Sawirro: Maxay yihiin ciidanka ay Diyaaradda Ethiopian Airlines kasoo dajisay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulamo ka wada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland, waxaana wararku ay sheegayaan in madaxweynuhu uu kulan gaar ah la qaatay Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Kulamada ayaa waxaa la sheegay in inta badan looga haday xaaladda deegaannada Jubbaland, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa arrinta gobolka Gedo, Wasiirka Arrimaha maamulka Maxamed Ibraahim Oogle ayaa sheegay in laga wada hadlay dwajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha laga hadlaayo ay ugu waaweyn yihiin xaaladda gobolka Gedo iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dowladdu sheegtay in dhowaan laga bilaabayo deegaannada Jubbaland, kumalada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay sii socon doonaan inta uu ku sugan yahay Jubbalanad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in xalay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag lagu dilay gudaha magaaladaasi Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaani jiray Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed, kaas oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku dhufteen dhowr xabadood, iyaga oo ka toogtay qaybaha sare ee jirka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Xildhibaanka ayaa waxa marka hore soo gaaray dhaawac, balse waxaa saaka uu ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiiyay, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka. Sidoo kale kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaan haatan baaritaano wada ciidamo ammaanka ee maamulka Puntland. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilka xildhibaankaasi iyo howlgallada xigay intaba. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socona qaban-qaabada aaska xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed oo weerar toogasho ay xalay ku dileen rag hubeysan. Boosaaso ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay halkaasi ka fuliyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Puntland ayaa dagaal kula jirta labadaan kooxood oo ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan maamulkaasi. The post Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed oo lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (HOL) - Somaliland military spokesman Brigadier General Abdi Abdillahi Hassan Abdi Dheere claimed victory over SSC-Khatumo forces on Tuesday after intense fighting on the outskirts of Las Anod. According to the spokesman, Somaliland was fighting against Puntland forces, terrorists, and local people. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimadda DDS ayaa sheegaya in dab ka kacay suuq ku yaalla halkaas. Goob-joogayaal ku sugan magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in saaka dab xooggan ka kacay suuqa Khudaarta ee magaalada. Dadweynaha iyo mas’uuliyiinta DDS oo adeegsanaya dab demiska magaalada ayaa weli ku hawllan in la demiyo suuqa. Khasaare iyo burbur hantiyeed ayaa sida la soo werinayo ka dhashay dabka saaka ka kacay Suuqa Khudaarka ee Jigjiga. PUNTLAND POST The post Dab xooggan oo ka kacay suuqa Khudaarta magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (HOL) - Noordin Haji, the Director of Public Prosecutions (DPP) in Kenya, was elected as the new President of the East African Association of Parliamentarians (EAAP) during the 10th annual general meeting in Kampala, Uganda, on Tuesday. Haji will take over from Sylvester Anthony Mwakitalu, Tanzania's DPP, who has led the association since 2019. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale war cusub kasoo saartay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur xoogan. Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si kulul uga hadlay xiisadda Laascaanood, maadaama ay xaaladdu faraha kasii baxday, kadib dagaallo qaatay saddex todobaad oo xiriir ah. Mid kamid ah golaha oo lagu magacaabo Adam Smith ayaa tilmaamay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda Laascaanood, maadaama uu khasaare soo gaaray dadka rayidka ah. Adam Smith ayaa sidoo kale sheegay in ay ka walaacsan yihiin sii socoshada dagaaalka oo maalmo badan qaatay, wuxuuna ku baaqay in marka hore xabad joojin la sameeyo. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in loo gurmado, lana caawiyo qoysaska ku barakcay colaadaasi iyo kuwa ay waxyeelada kasoo gaartay intaba. Mareykanka ayaa horay uga hadlay xiisadda Laascaanood oo uu dhiig badan ku daatay, wuxuuna sidoo kale xiriir la sameeyay madaxweyne Biixi oo uu kala hadlay arrinta Laascaanood, balse ilaa iyo hadda ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaaday Somalilamnd. Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana dagaalka uu galay maalintii 25-aad oo xiriir ah, kaas oo ay barbar socoto duqeyn xoogan oo lagu garaacayo magaaladaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Laascaanood, maadaama aysan labada dhinac aysan weli sameyn wax tanaasul ah. Si kastaba, waxaa isa soo tarata baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. The post Mareykanka oo war cusub kasoo saaray DAGAALKA magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamo kala duwan oo gurmad u ah xoogagga Daraawiishta SSC ayaa sida la xaqiijinayo ku biiray dagaalka Laascaanood. Gaadiidka dagaalka gurmadka SSC ayaa saacadihii la soo dhaafay ku gurmayay jiidda dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dhinaca kale Ciidamada Somaliland ee ku urursan Gooja-cadde iyo nawaaxigiisa ayaa laga soo sheegaya dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal. Ciidamada Somaliland oo lagu jebiyay dagaal ka socday Laascaanood in ka badan 20 cisho ayaa hadda isu diyaarinaya weerar ka xooggan kuwii hore. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee gurmadyo ciidan oo ku biiray xoogaga SSC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shan milyan oo doollar u ballan qaaday cidii keenta xog cadeynaysa ama goobta uu ku sugan yahay Cali Maxamed Raage oo loo yaqaano Cali Dheere. Cali Dheere, waxa uu ahaa madaxa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May 2009-kii, waana hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka. Madaxweyen Xasan ayaa taageero heer gobol ah u raadinaya sidii dowladdiisu ay kaga adkaan lahayd Shabaab. Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa lagala wareegay deegaanno, inkastoo meelaha qaar ay ku qaadeen weerarro rogaal-celin ah. Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage ayaa goor sii horreysay uga digay maleeshiyo beeleedyada in ay ciidanka dowladda federaalka garab siiyaan. Waa kuma Cali Dheere? Magaciisu waa Cali Maxamuud Raage, oo aad loogu yaqaanno (Cali Dheere) waa afhayeenka ururka Al-Shabaab. Inkastoo xilliga uu dhashay aan si dhab ah loo ogeyn, haddana waxaa la tilmaamaa inuu ku dhashay agagaarka deegaanka Gal-hareeri oo u dhow magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud sida ay sheegeen khuburo aan la hadalnay. Waxaa dadka falanqeeya arrimaha Al-Shabaab ay sheegaan in aanu ku badneyn tagista furimaha dagaalka maadama uu yahay afhayen qaabilsan arrimo ay ka mid yihiin shaacinta weerarada iyo howgallada ay Shabaabku gaystaan, fariimaha ciiddaha iyo wixii la mid ah. Saddex dagaal oo uu galay Cali Dheere kahor Al-Shabaab Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu ka mid ahaa dhalinyaradii ururkii Al-itixaad ee Soomaaliya ka aas-aasmay wixii ka dambeyay markii ay dhacday dowladdii miltariga ahayd, ee Allaha u naxariistee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre. Sida ay sheegeen khuburo kala duwan oo aan la hadalnay ururkii Al-itixaad oo xilligaasi uu dhaliyardiisii qayb ka ahaa Cali Dheere, ayaa dagaallo la galay ciidamo uu hoggaaminayay Allaha unaxariistee Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid, kaas oo sanadkii 1991-dii, ka dhacay meel u dhow magaalada Kismaayo. Sidoo kale sanadkii 1992-dii dagaal u dhaxeeyay Al-itixaad iyo Jabhadii SSDF, oo ka dhacay Puntland ayuu door ku lahaa, halka 1996-diina uu ku jiray dagaal ururkaasi kula galay dowladda Itoobiya, deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya Shaqooyinkii Cali Dheere Al-itixaadkii markii lagu jabiyay dagaalladii waxaa inta badan raggii bud-dhigga u ahaa ay intooda badan ku soo laabteen magaalada Muqdisho, dadkaas ayuuna ka mid ahaa Cali Dheere sida uu sheegay aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis oo taariikhda ka dhiga King’s College ee dalka Ingiriiska. “Itixaad raggii soo jabay waxaa la isku soo aruursaday Muqdisho, waxayna kala noqdeen ganacsato iyo macalimiin, isagoo ah ganacsade ayuu haddana ka mid ahaa macallimiintii hay’addii Al-xarameyn”, ayuu yiri aqoonyahan Ingiriis. Hay’addas waxaa markii dambe xiray dwoladda Mareykanka xilligii ay dhaceen qaraxyadii lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa 11-kii bishii September sanadkii 2001-dii. Sidaas awgeed, markii uu kasoo gudbay dagaalladii uu ka qeyb galay xilligii uu ka tirsanaa ururkii Al-Itixaad, waxa uu billaabay in uu ku shaqeysto labo xirfadood oo kala ah: Ganacsi iyo Macallinnimo. Cali Dheere wuxuu ka mid ahaa dadkii qaybta weyn ka qaatay aas-aaskii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee xaruumaha ku lahaa degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo xilligaa qaban jiray howlo la xiriira kiisaska ka dhex dhaca bulshada. Xogta ayaa sheeegaysa in xilligaasi Cali Dheere uu sidoo kale ka mid ahaa ganacsatadii suuqa daawada ee Bakaaraha isaga oo marka uu shaqdiisa suuqa ka rawaxo caadiyan tagi jiray Maxkamadaha si uu gacan uga gaysto howlaha Maxkamadda. Waxaa la sheegaa sidoo kale in Masaajid ku yaalla xaafadda gubta ee magaalada Muqdisho uu ka aqrin jiray kitaabo ku saabsan siirada Rasuulka N.N.K.H. Nin ina adeerkiis ah ayuuna caawin jiray oo gacan-yare u ahaa sanadihii 2004-tii ilaa 2006-dii. Bilowgii Shabaab oo ahaa garab ka mid ahaa Maxkamadihii Islaamiga ayaa afheen u magacaabay waxaana la aaminsanyahay in waxyaabaha uu caanka ku noqday ay ka mid yihiin dhiiranaanta iyo shaacinta mar walba howgallada iyo weerarada Al-Shabaab ay fuliyaan. Wuxuu la hadlaa warbaahinta taageerta Al-Shabaab, waana ninka sheega weerarda iyo qaraxyada ay Shabaabku gaystaan. Aqoonyahan Maxamed Xaaji Ingiriis ayaa sheegay in ninkaan dhiirnaantiisa ay sabab u tahay ka soo qayb qaadashadii dagaalladii iyo ururadii Islaamiga ahaa ee dalka soo maray. Liiska argagixisada Bishii Ogoosto ee sanadkii 2021-kii war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Mareykanka, gaarahaanna xafiiska xoghayaha arrimaha dibadda ee dalkaasi, ayaa rag uu ka mid yahay afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ku daray liiska argagixisada. “Waxaa la yaableh in muddo dheer oo uu ahaa afhayeenka Shabaab aan lagu darin liiska argagaxisada oo sanadkii 2021-kii lagu daray, “ ayuu yiri aqoonyahan Ingiriis. War-saxaafadeedkaas ayaa lagu cadeeyay in Cali Dheere iyo ragga kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay qayb ka ahaayeen weeraro ururkoodu maleegay oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya. Hadal uu dhawaan jeediyay Dhawaan mar uu hadal jeediyay waxaa uu ka hadlay dagaallada hadda socda ee ka dhanka ah ururkiisa, wuxuuna ku hanjabay in ay beegsan doonaan xaruumaha dowladda. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, oo hadalkaasi afhayeenka Shabaab ka falcelinayay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka shacabka ah ay diyaar yihiin in ay iska difaacaan Al-Shabaab. Isha: BBC The post Xog: Labadii shaqo ee Cali Dheere uu qaban jiray kahor inta aanu ku biirin Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qori saban ah iyo mid dhashiike ah in la isku garaaco bartamaha Isgoyska shacabka badan ee Siinaay ee magaalada Muqdisho laguma qeexi karo isku dhac ciidan ee waa u bareerida xasuuq shacab ayay leeyihiin dadweynaha. Geerida ku dhawaad sideeda ruux ayaa halkaas laga soo wariyay. Weli waxaa taagan dooda ah dhiig baxa Muqdisho yaa masuul ka ah. Doraad laba dhalinyaro ah ayaa lagu dilay xaafada Taleex ee degmada Hodan. Shalay wiil bajaajle ah ayaa lagu toogtay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay toogteen ciidan dowladeed oo galbinayay qof madax ah. Magaalada sidan u dhiig-baxeysa ayaa bixisa canshuurta ugu badan ee ay ku shaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Muqdisho shacab ahaan weli ma bareerin, tacadiyadu waa sii socdaa. Waxgaradkii iyo aqoon-yahankii indhaha ayay ka eeganayaan dhibaatada, qaarna dano aan badneyn oo ay dowladda ku qabaan ayaa ka indha tiray dhiig-baxa caasimada. Duqa magaalada Muqdisho ayaa farriin nuxur beel ah oo dadka sii rejo tirtay waxa uu kaga jawaabay dhacdadii habeen hore ee isgoyska Siinaay ee shacabka lagu laayay. Iyada oo dilalka iyo dhibaatooyinka ka socda magaalada Muqdisho ay xoogeysteen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaa dibad-bax dhigay dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta. Inkasta oo mudaharaadkooda caro ku yimid, haddana sadex arrimood ayay siyaabo kala duwan usoo hadal qaadeen intii uu banaanbaxa socday. Mid waa sababta ay canshuurta u bixiyaan haddii aanay nabad ku mari karin waddooyinka magaalada Muqdisho. Midna waa sababta loo dili la’yahay kuwa dila bajaajlayaasha. Midda saddexaadna waxay aheyd weydiin la xiriirta dalka ma ka tagtaan mise inaga ayaa hubka qaadana oo is-difaacna. The post Xaalka magaalada Muqdisho oo faraha kasii baxaya appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (Xinhua) -- It was a day marked with joy and contentment for 58-year-old Sheikh Hassan Mohamed Gedi who took rhythmic steps onto the graduation podium to receive his degree certificate, something he had strived for over the past 34 good years through a relentless pursuit of undergraduate studies. Source: Hiiraan Online
-
Qatar to host six-party meeting on Somalia in coming months
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Parties at the Washington meeting have agreed to reconvene in Doha “within the next three months for ongoing discussions and to take stock of progress.” Source: Hiiraan Online
