Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. JOHANNESBURG, SOUTH AFRICA — As a school kid in Mogadishu, Farhia Mohamed Kheyre spoke in an unusual way. When her teachers asked questions in class, Kheyre would answer in a newsreader’s voice, she told VOA, bursting into laughter at the recollection. Source: Hiiraan Online
  2. MOGADISHU, Somalia (AP) — The United States is increasing its military assistance to Somalia as the country sees success in battling what the U.S. calls “the largest and most deadly al-Qaida network in the world.” Source: Hiiraan Online
  3. LOSITETI, Kenya — The wind picked up, and Jill Biden was suddenly enveloped in a cloud of red dirt, the kind that’s impossible to get out of your clothes, the kind that looks like rusty blood when it’s wet. That is, if it would ever rain here. Source: Hiiraan Online
  4. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash oo dhaawacyadadagaalka laascaanood caawa ku booqday Isbitaalka Somcare Garoowe . Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa soo saaray qormo kooban oo ciwaan uu kaga dhigay “Qof kasto oo Soomaali ah, ma ahan muwaadin dalkaan u dhashay.” Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ka soo jeeda deegaanada Somaliland, hadalkiisaan ayaa daba socda hindise sharciyeedka ‘Aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha’ oo xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyeen. Xildhibaan Haaruun ayaa qaba in qof kasta oo Soomaali ah uusan aheyn muwaadin, isagoo sababeynaya doodiisa, waxaa xusid mudan in xildhibaankaan uu ka soo jeedo Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya. “Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwangalinta dadwaynaha, waxaa wali dhiman xeerka jinsiyadda oo isna aad muhiim ugu ah dalkaan Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in aan qof kasta oo Soomaali ah uusan ahayn muwaadin dalkaan u dhashay, Soomaali waa la wada yahay dalkaan-se waa la kala leeyahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Haaruun. Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan sii ahaan karin dan-guud oo Soomaali oo dhan ka wada dhaxeysa, maadaama qadiyadda Soomaaliweyn aysan hadda suurtagal aheyn. Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ku doodaya in dadka Soomaaliyeed ee ku maqan wadamada deriska la ah Soomaaliya aan loo aqoonsaneyn dad la gumeysto oo xoog lagu heysto. “Qadiyada shanta Soomaaliyeed xiligan maaha mid nool oo suurtogal ah, Soomaalida ku nool dalalka dariska nala ah, uma aqoonsanin kuwo gumaysi ku hoos jira ee waxaan u aqoonsanahay muwaadiniin wadamadooda ku nool oo wax la leh,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed. Maxamed Haaruun oo ku fadhiya kursiga HOP208 ayaa ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi oo maamulka Somaliland uu 30 sano ka hor ku dhawaaqay in laga jaray Soomaaliya oo dal madax-banaan ay yihiin. The post Xildhibaan ka tirsan BF oo si yaab leh u qeexay qofka Soomaali noqonaya appeared first on Caasimada Online.
  6. Women and girls carry a disproportionate burden of crisis and conflict. The destruction of the maternal health ward in Las'anod General Hospital is a tragic example. We must do more to protect the health and rights of women and girls in times of conflict. #WomenInCrisis #LasAnod pic.twitter.com/FBFyrt6Jsp — UNFPASomalia (@UNFPA_SOMALIA) March 1, 2023 Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Mareynkanka ayaa Talaadadii hub iyo saanad ciidan ku wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo loogu tala-galay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab. Deeqdan dhanka millateri ee Mareykanka ayaa ka koobneyda lixdan iyo kow tan oo AK-47 ah, qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo rasaas. Waxaa magaalada Muqdisho kasoo dejiyay laba diyaaradood oo ah nooca C-17 ee ciidamada Cirka Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Tim Trinkle oo hubka iyo saanada ciidan ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxa uu shaaciyay in deeqdan ay ka dhigan mudnaanta sare ee iskaashiga Mareykanka iyo Soomaaliya. “Aad ayaa ugu han-weynahay in aan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo sahcabka Soomaaliyeed ku garab istaagno dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Saanadan waxaa la siin doona ciidamada Danab oo kamid ah xoogagga geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,” ayuu yiri Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trinkle. Hubka iyo agabka kale ee millateri ee Mareykanka uu soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa ah mid calaamadeysan oo la diiwaan-geliyay, iyada oo la raacayo siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliye ee maareynta hubka iyo rasaata. Arrintan ayaa looga dan leeyahay in lagu xisaabtamo, islamarkaana lagu xakameeyo hubka ku dhex jira ciidamada iyo hubka kale ee lagu qabto furimaha dagaalka, maadaama ay jiraan tuhuno ku qotoma qaabka uu hubka u gaaro kooxda dagaalka lagula jira. Sidoo kale, Golaha Amaanka ee QM ayaa la siiyay ogeysiis gaar ah oo la xiriira arrintaan, iyada oo lasii marayo xafiiska iskaashiga amniga ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaasi oo korjoogteyn ku leh sugida hubka. Deeqdan millateri ee Mareykanka uu ku wareejiyay dowladda federaalka ayaa waxaa loogu tala-galay dardar-gelinta howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo socda qeybo badan oo dalka ah. Horraantii sanadkan ayay aheyd markii uu sidan oo kale Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u soo gaarsiiyay hub ay ugu tala-galeen isla ciidanka Danab, oo iyagu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda dalka. The post Mareykanka oo xog cusub ka bixiyay hub iyo saanad ciidan oo uu kasoo dejiyay Xamar appeared first on Caasimada Online.
  8. Fashilka Xukuumadda Biixi ee Dagaalka Laascaanood Muddo dheer oo ay ka socdeen magaalada laascaanood dilal aan weli la aqoonsan cidda ka danbaysay oo lagu galaaftay badi haldoorkii reer Laascaanood ayaa ugu danbayn sababay kacdoon dhiig badani ku daatay. Labaatabkii diseembar ee sa adkii tagay gadood ay dadka reer Laascaanood ka sameeyeen magaalada laascaanood ayay xukuumadda biixi kaga jawaabtay rasaas aan loo meel dayin taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad labaatan qof kuna dhaawacmeen in ka badan boqol qof. Muddo bil ah oo shir u socday isimada dhaqanka reer Laascaanood xukuumadda biixi waxay ku guuldaraysatay inay wada hadal la furto si xal looga gaadho tabashada dadka deegaanku ka qabaan Somaliland. 6dii feebarweri 2023, markii uu soo dhamaaday shirkii garaadada beesha Sool clan islamarkaana ay ku dhawaaqeen go’aamo lid ku ah Somaliland xukuumadda Biixi waxay kaga jawaabtay dagaal galaaftay dhimashada dad ka badan 150, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo qof, kuna barakaceen ku dhawaad Boqol iyo shan iyo sideetan oo qof in ka badani. Xukuumadda biixi ayaa dagaalka laascaanood ku sheegtay inuu yahay dagaal ay kula jirto argagixiso taas oo afka oodda ka saartay irid walba oo xal lagu raadin lahaana soo xidhay. Guddoomiyaha baarlamaanka oo laascaanood u jooga siduu u dejin lahaa xaalka laascaanood ayaa madaxweyne biixi ku eedeeyay inuu soo xidhay jid walba oo ay nabadi ku iman lahayd, isaga oo intaana sii raaciyay in dadka reer Laascaanood xukuumadda Somaliland u gaysatay xasuuq nacayb ah. “Waxaa la isticmaalay awood xad dhaafa oo ay ka muuqato nacayb, tallaabo kasta oo nabadeed oo aanu qaadnay ama xadhig kasta oo aanu soo xidhnay inay ka socon waayeen dhinaca madaxweynaha (Muuse Biixi).” Gebogabadii, xukuumadda biixi waxa ay duqaysay intii uu socday dagaalka laascaanood goobaha muhiimka ah, sida caafimaadka, biyaha, laydhka iyo goobaha muhiimka u ah bulshada. W/Q: Samiir Muuse Cismaan Qaran News
  9. Hadalka Garaad Mukhtaar ka soo yeedhay Mar-labad wuxuu daaha ka rogaya qorshaha dhabta ah ee Garaadada Midigta Fog. Hadalka ka soo yeedhay Mar labad Garaad Mukhtaar Garaad Cali, ee ah in qorshahooda Laascaanood ku xigaa yahay Ceerigaabo, waa mid muujinaya qorsheyaal soo socda oo ka duwan kii Laascaanood ka taagnaa ee bulshada Gobolkaasi abuurtay ee dad badan oo reer Somaliland ahina ku garab istaageen, balse hadalka garaad mukhtaar waxa uu abuuray shaki ah in uu jiro in colaad dheer oo Gobollada iyo dadka oodwadaagta ah lagu dhex abuuro, fidno cusubna lagu fidiyo Gobollo kale. Hadalkan waa mid dhaawac weyn ku ah rabitaankii shacabka reer laascaanood, wuxuna muujinayana qorsheyaal qarsoon oo u adeegaya kicin iyo isku dir dadka Walaalaha ah ee sida nabadda ah ugu wada nool gobalka Sanaag. Dadka reer laascaanood waaxan u rajaynaya Nabad iyo Barwaaqo waarta idamka alle Xoghayaha Cadaaladda xisbiga waddani yoonis axmed yoonis. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaa caasimada. Dilalka ay geysanayaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho, taasi oo ay ugu dambeysay dil uu shalay askari ka tirsan dowladda uu ka geystay Isgoyska Jubba, kaasi oo uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj. Generaal Sulub iyo guddoomiye Madaale ayaa sheegay in cadaallada la horgeyn doono askartii dilalka u geystay wadayaasha Mooto Bajaajta, ee caasimada dalka sida bareerka ah ugu dilay shacabka. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu shaaciyay inay wadaan qorshe wax looga qabanayo arrintaan, islamarkaana ay isbadal weyn ku sameyn doonaan ciidamada ka howl-galayaa gudaha magaalada Muqdisho. “Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxa uu intaas ku daray in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay wax ka bedeleen qaabkii ay ciidamada uga hawlgalayaan goobahaasi, islamarkaana ay barrahaasi u kordhiyeen saraakiil waaya-arag ah, si ay u korjoogteeyaan buu yiri ciidanka jooga goobahaasi ee amniga sugaya. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa isaguna sheegay in aan loo dulqaadan karin cabashada shacabka ee taagan maalin kasta, wuxuuna uga digay ciidamada dowladda dilalka noocaan ah. “Ciidanka waxaan leeyahay haku deg-degin inaad wax dishaan, uma dulqaadan karno cabshada shacab ee maalin kasta taagan, kuwii dhibka geystay maxkamad ayaa soo saari doonaa.” Shalay ayey aheyd markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya uu darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Goobta uu dilkan ka dhacay ayaa waxa ka dhacay banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mootada, oo ka gadoodsana dilka loo gyestay darawal kamid ah. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada. The post Taliska booliska iyo maamulka gobolka oo tallaabo qaaday kadib dilalkii carada dhaliyey appeared first on Caasimada Online.
  11. HELSINKI, Finland (Caasimada Online) – Finland’s parliament has taken a significant step toward joining the North Atlantic Treaty Organization (NATO) with a resounding approval of its accession on Wednesday. Hungary’s ruling party has also announced its support for the move to be ratified. The legislation was passed by a vote of 184 to seven, affirming Finland’s acceptance of the terms of the NATO treaty. Though Finland will need ratification from all 30 of NATO’s member states, the approval puts it on track to join the alliance before neighboring Sweden. Finnish lawmakers have been pushing for the legislation to be passed before the country’s general elections on April 2 to avoid political uncertainty. However, passing the bill does not guarantee Finland’s automatic entry into NATO. The government’s chancellor of justice, Tuomas Poysti, has explained that the president can wait for a maximum of three months to sign the bill once it is approved by parliament. President Sauli Niinisto has indicated his intention to sign the law “as soon as Parliament approves it” but added that he is open to practical considerations that could delay the process. Turkey has also announced that it will resume negotiations with Finland and Sweden on March 9. Sweden had dropped out of the talks after a row over protests in Stockholm, including burning the Koran in front of Turkey’s embassy. Both Finland and Sweden abandoned their longstanding policies of military non-alignment. They applied to join NATO last May in response to Moscow’s invasion of Ukraine. What’s next for Finland’s NATO accession? Even if Finland secures the required ratifications, its NATO membership could be challenged by neighboring Russia, which has already expressed its opposition to the move. Finland has a 1,300-kilometer (800-mile) border with Russia and a history of neutrality during the Cold War. However, the 2022 Russian invasion of Ukraine has changed the security landscape in Northern Europe, prompting Finland to reconsider its defense posture. In recent years, Finland has increased military cooperation with NATO, participated in joint exercises, and hosted military drills. Sweden, also preparing for possible NATO membership, has supported Finland’s accession. The Finnish government sees NATO membership to secure its defense and strengthen its position in Europe. Joining NATO would also give Finland access to the alliance’s collective defense system, intelligence sharing, and defense-planning capabilities. Finland: A history of neutrality Finland’s long history of neutrality and non-alignment dates back to the Cold War. During that period, Finland pursued an “active neutrality” policy. It did not align with any military alliances, such as NATO or the Warsaw Pact. Following the collapse of the Soviet Union, Finland’s security policy shifted towards a more cooperative approach with the West. In 1994, Finland joined the Partnership for Peace program, which allowed it to participate in NATO-led peacekeeping operations and military exercises. In recent years, Finland has become increasingly concerned about Russia’s military activities in the Baltic Sea region, particularly after the invasion of Ukraine in 2022. The country has increased defense spending, modernized its armed forces, and deepened military cooperation with NATO and other Western countries. In May 2022, Finland and Sweden applied to join NATO, marking a significant shift in their security policy. However, joining the alliance is a complex and politically sensitive process that requires ratification from all 30 NATO member states. The question of whether or not Finland will join NATO remains a subject of debate and speculation. Some experts believe it would be in Finland’s best interests to remain outside the alliance. In contrast, others argue that NATO membership is necessary to guarantee the country’s security and stability in the long run. The parliamentary approval of Finland’s accession to NATO is a significant step towards resolving this debate and shaping the country’s future security policy. The post Finland takes a major step toward NATO membership appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay cabsi xoogan ay lasoo daristay kooxaha magaalada Muqdisho ku iibiya maandooriyaha iyo ciyaal-weerada oo iyagu dil iyo dhac ka geysta magaalada. Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii kooxda Al-Shabaab ay beesgi ku billowday kooxahaan oo muddooyinkii dambe dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Kooxda Al-Shabaab ayaa afartii habeen ee lasoo dhaafay sheegtay inay duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho ku dishay rag ay sheegeen inay ka ganacsanayeen daroogada noocyadeeda kala duwan, oo uu ku jiray mid kamid ah ganacsatada ugu waaweyn ee dhalinta Muqdisho ka gadi jirtay daroogada. Dilalka ugu badan ayaa dhacay saacadihii lasoo dhaafay, waxayna kooxda Al-Shabaab sheegatay in kooxo ciyaal weero ah ay ku soo afjartay degmooyin ay ugu horeeyaan Yaaqshiid iyo Heliwaa, ugu yaraan 7 qof oo Shabaab ay ku sheegeen ciyaal weero iyo cabtoy ayaa la dilay xalay. Ragga la dilay ayaa qaarkood waxay kooxdu ku beegsatay goobaha ay ku iibinayeen maandooriyaha, taasi oo keentay in cabsi darteed loo xiro goobo ku yaalla magaalada oo qaarkood lagu iibin jiray maandooriyaha, halka kuwa qaarna la sheegay inay sameysteen ilaalo hubeysan. Dhinaca kale, waxaa soo baxaysa in waalidiinta dhalay qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxaha ciyaal-weerada ay haatan bilaabeen inay goobaha dhaqan-celinta geeyaan caruurtooda, halka qaar kalena la sheegay inay kala qaxeen xaafadihii lagu yaqaanay. Dhawaan ayay aheyd markii uu Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu ku dhawaaqay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan. Waxa uu sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay. Laba habeen ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ah oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, halka ugu yaraan laba kale lagu dhaawacay halkaas, waxayna kooxdu sheegtay in dhalinyaradaasi ay iibanayeen maandooriye. Waxaa kasi horreeyay dil kale oo ay Al-Shabaabka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab. Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya xilli ay kooxaha ciyaal-weerada markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhibaato xoog leh ku hayay shacabka ku nool magaalada Muqdisho. The post Cabsi weyn oo lasoo daristay kooxaha Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Shan ka mid ah musharaxiintii u tartameysay kursiga HOP086 oo horay Fahad Yaasiin loogu diiday ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku eedeynayaa xafiisyada xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ee dalka, kadib markii ay soca weysay dacwad ka dhan ah doorashadii kursigaas. Musharaxiintaan ayaa sheegay in la xiray qareenkii ay qabsadeen, kaas oo ugu dambeyntii u cadeeyey in culeyska la saaray dartiis uu uga harayo kiiskaan, sidoo kale waxay sheegeen in amniga qareenkaas ay ka welwelayaan. Musharaxiinta ku saxiixan bayaankaan waxay hoggaanka maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha qaranka ku eedeeyeen inay hor istaageen xuquuqdoodii dastuuriga aheyd, isla markaana ay meesha u joogaan raali gelinta ragga haya talada dalka. Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta oo dhameystiran: Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo cid walba oo ay khuseyso arrimaha maalmahan ka taagnaa kursiga HOP086 la wadaagaynaa in qareenkii aan qabsannay shalay subaxii loo kaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, iyadoo uusan jirin amar maxkamadeed. Qareenka oo aroortii hore u tagay Maxkamadda, si uu u xareeyo dacwadda aan u wakiilannay ayay ciidamo ka tirsan Asluubta si khasab ah ugala baxeen gudaha Maxkamadda, waxayna Xeer Ilaalintu sii daysay kadib dhawr saacadood oo su’aalo la waydiinayay. Qareenku isaga oo tixgalinaya duruufaha ku xeeran kiiskan wuxuu noo caddeeyay in sababo isaga u gaar ah awgood uu kaga laabanayo difaacidda kiiskan, uuna dib noogu soo celiyay wakaaladdii uu naga qaaday. Waxaan ka warhaynaa guuxa ka dhexjira Ururka Qareennada Soomaaliyeed ilaa shalay ee la xiriira kiiskan, innagoo ku boorrinayna inay difaacaan xadgudubka loo gaystay saaxiibkooda. Waxay noola muuqataa in Maxkamaddii Sare iyo Xeer Ilaalintiiba ay noqdeen hay’ado aan u madax bannaanayn hawlaha garsoor ee loo igmaday, ayna ku shaqeynayaan rabitaanka iyo siyaasadaha kooxda haysa talada dalka, waxayna si bareer ah is hortaag ugu sameeyeen xuquuqaheenna dastuuriga ah. Waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo noo muujisay garab istaag, annaga oo ka dalbanayna hay’adaha amniga inay masuuliyad gaar ah iska saaraan badqabka qareenka oo aan walwal ka qabno. Khaalid Muxumed Maxamuud (Gaabane) Dr. Cabdicasiis Maxamed Cabdullaahi (Mataan) Dr. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdulcasiis Maxamuud Cabdiraxmaan Macallin Cabdinuur Maxamed Axmed The post DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah qareenka matalaya musharaxiintii kursiga HOP086 appeared first on Caasimada Online.
  14. President Hassan Sheikh Mohamud’s government obliges people of Laascaanood to adhere to the unilateral ceasefire announces by Somaliland administration whose forces are shelling the administrative capital of Sool. Mogadishu (Commentary) — The joint statement signed by Qatar, Somalia, Türkiye, the United Arab Emirates, the United Kingdom, and the United States of America ends with a planned meeting to be held in Qatar “within the next three months for ongoing discussions and to take stock of progress.” It exposes the role of the Federal Government in the Laascaanood Conflict. The Federal Government of Somalia came out in support of the 6/2/2023 Laascaanood Declaration, but the joint statement alludes to a ceasefire announced unilaterally by Somaliland whose forces are shelling Laascaanood. Other signatories of the joint statement can have a position on the ceasefire (unfair and biased though it is), but the Federal Government Somalia presenting two opposing views on the conflict brings dishonour to the highest office of Somalia. The joint statement downplays the plight of the politically marginalised Somali constituencies such as Banaadiri and Jareer, who are not numerically minorities, but citizens whose status in post-1999 Somalia was diabolically determined in the 2000 Djibouti-sponsored reconciliation conference for Somalis. Britain and USA, two countries that commit resources to state-building initiatives in Somalia, have opted for a strategy that strengthens the roles of Qatar and UAE, two rival Gulf Cooperation Council members. UAE, through its parastatal DP World, backs its Somali partners who can help the oil-rich country to take control of Somali seaports. Qatar, a key backer of the former federal government, has been given a role in the new scramble for resources of Somalia. What does Türkiye benefit from the new reconfiguration of the Somali geopolitical jigsaw? Three NATO members that signed the joint statement on Somalia have hidden agendas to weaken the sovereignty of Somalia by accentuating political and economic inequities. The priorities of the signatories and the national interest of Somalia are irreconcilable. Human rights is a phrase donors tweet to project moral superiority. No wonder many countries in the global south did not go along with the policies of the USA and UK to sanction Russia for invading Ukraine. Thirty years ago, America was a benevolent intervener in Somalia. Its engagement with Somalia in 2023 smacks of a divide and rule tactics that the war-weary country can hardly cope with. The post Enhanced Gulf Countries’ Role in Somalia Politics Portends Instability appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in Alshabaab laga saaro deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada Jubbooyinka, Baay iyo Bokool oo deegaanno badan ay kaga sugan yihiin. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Kismaayo waxa uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Taliska Boliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkii galabta dilay darawalka Mooto Bajaajta uusan ka tirsaneyn booliska, isla markaana uu baxsaday. Taliska ayaa shaaciyey in baaris hordhac ah lagu ogaaday in ninka dilka geystay iyo mid la socday oo ciidanka aan ka tirsaneyn ay wateen qori AK47 ah. “Galabta abaara 04:00pm Dableey Hubeysan oo ka koobnaa labo nin oo Mid kamid ah watay Qoriga AK47 ayaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka Mooto Bajaajta ku dilay agagaarka Isgoyska Jubba ee degmada Shangaani,” ayaa lagu yiri qoraalka. Booliska gobolka ayaa sidoo kale cadeeyey in raggii dilkaas geystay ay goobta isaga carareen, isla markaana uu socdo dabagal la doonayo in lagu soo qabto. “Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaana ogaaday in eedeysanaha falka geystay iyo midka la socday labadu aysan askar dowladeed aheyn, ragga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo, dhawaan ayaana bulshada la wadaagi doonaa waxa kasoo kordha,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska. Dilka galabta loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo saacadii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho. Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana shalay iyo maanta qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka. Intii uusan dilkaasi dhicin galabta, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaa caasimadda Muqdisho. “Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu maanta yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isisoo tarayey hadalheynta iyo tuhunka la xariira cidda ka dambeysa dilka joogtada noqday ee loo geysto wadayaasha mooto Bajaaj-ta, banaanbaxyo ka dhashay dilkii ugu dambeeyey ee galabta isgoyska Jubba ka dhacay ayuu dhigay shacab careysan. The post Booliska oo iska fogeeyey ninkii galabta Muqdisho ku dilay darawalka ee baxsaday appeared first on Caasimada Online.
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Jubbaland. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo. Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi ka billaabi doona qorshaha Jubbaland heshiis ah, xilli ay muddooyinkii dambe uu maamulkaasi ka taagna xiisadda xoogan oo la xiriirta gobolka Gedo. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Kismaayo uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u kuur-gali doona xaaladda deegaannada Jubbaland, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya dardar-gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaannad ay kaga sugan yihiin maamulkaasi. Xasan Sheekh ayaa dadaal badan gelin doona sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah wafidgiisa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi. Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Sawirro: XASAN oo qorshe culus ka billaabaya Jubaland kadib heshiiskii Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kismaayo u tagay dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab looga saarayo deegaannada Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool. Sidoo kale, waxaa la sheegay in Madaxweyne xasan inta uu ku sugan yahay Kismaayo uu ka shaqeynayo xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  19. Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj. Askarigii dilka gaystay ayaa sida goobjoogayaal sheegeen ku baxsaday mootadii uu waday darawalkii uu dilay. Dilka kaddib qaar ka mid ah darawallada Mooto Bajaajta ayaa dhigay bannaan-bax ay uga soo horjeedaan dilalka wadayaasha Bajaajta oo joogta ka noqday magaalada Miqdisho. Bannaan-baxyaasha ayaa sheegay haddii dowladda wax ka qaban waydo dilalkooda in ay hub iibsan doonaan, isla markaana ay is difaaci doonaan. Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho aad ugu soo batay dilalka loo gaysanayo darawallada Mooto Bajaajta, waxaana shalay ay aheyd markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay agagaarka laami yaraha Soobe ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dilka wadayaasha Mooto Bajaajta oo joogto ka noqday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland oo ka hadlay dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ay wadaan xulufo ay sheegeen inay la fikir yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in markii hore kacdoonka reer Laascaanood ee isku badalay gacan ka hadalka uu ku yimid hoggaan xumada Muuse Biixi ee Somaliland. Faysal ayaa dagaalka socda ku tilmaamay mid looga soo horjooda jiritaanka Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah in ka badan 30 sanno. “Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad Barre,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga Ucid ayaa ku baaqay in reer Somaliland ay u midoobaan sidii Somaliland looga bad-baadin lahaa wax uu ugu yeeray “wuxuush qaranka dumineysa”. “Waa in aan u midownaa sidii Somaliland uga badbaadin lahayn wuxuushta isa soo baahaystay ee duulaanka ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.” Somaliland ayaa hore dhowr jeer dagaalka Laascaanood ka socda ugu eedeysay dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin dowladda federaalka, maamulka Puntland iyo kooxo ay ku sheegtay argagixiso. Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa dhankooda beeniyay sheegashooyinka Somaliland, iyaga oo sheegay in shacabka reer Sool oo kaliya ay dagaalka ku jiraan Somaliland. Xiisadda Somaliland iyo dadka ree SSC ayaa kasii dartay kadib markii Isimida SSC ay caddeeyeen inay kasoo horjeedeen kala goynta Soomaaliya iyo mashruuca Somaliland ee gooni isu-taagga, islamarkaana ay sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka. The post Mucaaradka Somaliland oo sheegay in dagaalka Laascaanood ‘ay wadaan xulufadii’ Siyaad Barre appeared first on Caasimada Online.
  21. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The United States has stepped up its military aid to Somalia as the country experiences progress in its fight against what the US calls “the largest and most deadly al-Qaida network in the world.” In a statement, the US announced that 61 tons of weapons and ammunition had arrived in Mogadishu as part of its support for the Somalia-led military campaign against al-Shabab extremists. The campaign has recaptured dozens of communities since August. It has been dubbed a “total war” by Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud. Who is Al-Shabab in Somalia? Al-Shabab is an Islamist extremist group that seeks to establish a fundamentalist Islamic state in Somalia. The group has been active in the country since 2006. It has been responsible for numerous terrorist attacks, including the 2013 Westgate shopping mall attack in Nairobi, Kenya, which killed 67 people. Al-Shabab has also been involved in piracy and smuggling weapons and people across the Horn of Africa. Somalia has been in conflict for decades, with various factions vying for control of the country. Successful military campaign against al-Shabab Local communities and militias initiated the current military offensive against al-Shabab, pushed to the brink by the extremist group’s taxation policies, and exacerbated by the country’s worst drought on record. The Somali government quickly lent its support to the campaign, which has seen the neighboring countries of Ethiopia, Kenya, and Djibouti agreeing to a joint “search and destroy” mission against al-Shabab. US provides support to Somalia-led campaign The US has an estimated 450 military personnel in Somalia after President Joe Biden reversed his predecessor Donald Trump’s decision to withdraw US forces. The US supports the Somali forces and a multinational African Union force with drone strikes, intelligence, and training. In a joint statement with other leading security partners, Qatar, Turkey, the United Arab Emirates, and Britain, the US expressed its commitment to support Somalia’s efforts to manage weapons and ammunition, which could lead to the lifting of the United Nations Security “Partners agreed on the importance of ensuring timely delivery of stabilization assistance to newly liberated areas. They committed to support Somalia’s efforts to meet the benchmarks on weapons and ammunition management to enable the UN Security Council to fully lift the arms controls on the Federal Government of Somalia,” the countries have said in a statement. Efforts to shed Somalia’s history as a failed state Somalia has been recovering from decades of conflict. The federal government is eager to attract investment and shed the country’s history as a failed state. Under President Hassan Sheikh Mohamud, the government is cracking down on al-Shabab’s financial network and encouraging religious authorities to reject the extremist group’s propaganda. The government has also enlisted a former deputy al-Shabab leader as the country’s current minister for religious affairs. The increased support for the Somalia-led military campaign comes as the African Union force is set to withdraw from the country and hand over security responsibilities to Somalia by the end of 2024. The US and its partners’ increased assistance will help bolster Somalia’s efforts to defeat al-Shabab and create a stable and secure environment for the country’s future development. The post Somalia: United States steps up military assistance appeared first on Caasimada Online.
  22. Taliayaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmad Firin ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay amniga, shirka ayaa waxaa ku wehlinayay Taliye ku-xigeenka Cusman Cabdulaahi Maxamed (kanif) iyo saraakiisha qeybta Booliiska gobolka Banaadir, taliyaha ayaa amarro kale duwan siiyay qeybaha ciidanka. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga caasimadda, oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah oo ay qeyb ka ahaayeen ciidan ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska iyo Nabad Sugidda, waxaana aad loo gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinkaan kusoo laablaabtay caasimadda. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sulub ayaa dhamaan sarakiisha laba ciidan ku Amrey in aya tallaabo Ka qaadaan dadka ku lugta leh dilalka ka dhaca magaalada oo mararka qaar ay geystaan shakhsiyaad ku labisan dareeska ciidan, taas oo keentay in shacabku ay walaac ka muujiyaan kalsoonida ciidanka ammaanka ee magaalada. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda ah ee Muqdisho 48-kii saac ee tagtay ay ka dhaceen falal kale duwan oo ay qaarkood ku lug lahaayeen ciidanka Booliiska sida dhacdadii ka dhacay Isgoyska Siinaay iyo sidoo kale dil ka dhacay Isgoyska Soobe, oo askari uu toogtay wade Mooto Bajaajle midna uu dhaawacay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaalada Muqdisho. Dilkan oo ka dhacay Isgoyska Jubba oo ka tirsan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegaya in askarta dilka u geysatay ay kaxeysteen Mootadii uu watay marxuumka. Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa hadda ka socda banaanbax xooggan oo ay dhigayaan qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mootada, oo ka gadoodsan dilka oo gyestay darawal kamid ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhigaya banaanbaxa oo careysan ay sheegay in aysan ka tageynin goobta illaa la keeno askariga dilka geystay. Dilka maanta ayaa imanaya, iyada oo shalay un uu askari illaalo u ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu agagaarka Laamiyaraha Zoobe ku dilay wiil dhallinyaro ah, oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada. Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Booliska ayaa inta badan sheega inay waxa ka qabanayaan dilalka soo noq-noqday ee ciidamada dowladda ka geysanayaan magalaada Muqdisho, haddana ma muuqato wax iska badalay arrintaan oo noqotay mid maalinle ah oo la nool yihiin dadka caasimada. The post DEG DEG: Ciidamada DF oo dil kale ka geystay Muqdisho iyo xaalad kacsan oo taagan appeared first on Caasimada Online.
  24. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin kale duwan iyo kuwa ka socday Beesha Caalamka iyo saaxiibada daneeya Soomaaliya Shirka oo , ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda, iyadoo xilligaan dalka ay ka jiraan Abaaro xoogan dadka ayku adag tahay in ar keydsadaan Roobka. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna. , Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Al-shabaab oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi, xilli ay ciidanka dowladda kala kulmeen dagaallo looga saaray deegaanno badan. Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya. Shirka oo ay ka soo qeyb-galeen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Waxa uu sheegay in xukuumadda ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna. Sidoo kale waxa uu xusay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay burburiyeen illo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda biyaha iyo tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasaaradda beeraha dhirta iyo waraabka, wasaaradaha heer dowlad gobaleed, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Ujeedka shirka Muqdisho uga furmay Soomaaliya iyo beesha caalamka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.