Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho guri iyo goob ganacsi oo aan la canshuurin ma jiraan, haddana guri iyo goob ganacsi oo bad-qaba ma lahan. Shirqoolka, dilalka tooska ah iyo afduubka gabdhaha yar yar ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay. Dhaca xilliga habeenkii ah wuxuu waqti dheer ahaa taxane soo jireen ah. Magaalada waxaa ka dilaacay burcad wajiyo badan. Maalin walba daawasho aan la jecleysanin ayaa la daawanaya ilmada waalid caruurtoodii la dilay. Ilintooda waxaa ku lamaansan cadaalad ayaa rabna iyo dowladda wax ha noo qabato, laakiin cid u jawaabeysa majirto. Masuuliyad darro weyn ayaa ka jirta magaalada ugu dadka iyo dhaqaalaha badan Soomaaliya. Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan. Xamar waxaa ku dilaya Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda, Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcadan la baxday ciyaal-weero. Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda inuu si weyn ugu fashilmay wax ka qabashada adeegyada aas-aasiga ah ee caasimada sida; bilicda, amniga, kaalmada caafimaadka, midda waxbarashada, shaqo abuurka iyo inuu shacbiyad u sameeyo dowladda. Duqa magaalada Muqdisho ayaa u muuqda inuu dhinac iskaga riixay ka jawaabida baroorta iyo ilinta joogtada ah ee dadka reer Muqdisho. Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud su’aasha ugu weyn ee ay shacabka jawaabteeda ka sugayaan waa cidda qaadeysa masuuliyada guul-darada dhinac walba ee ka muuqata magaalada Muqdisho. Hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga weli ma muujin wax ka qabasho u dhiganta dhibaatada taagan. Dadka caasimada degan weli waxay bixinayaan canshuur aan laheyn difaac iyo adeeg dowladeed midna. Lamana yaqaano inta ay sii socon karto canshuur bilaa adeeg ah, haddii aanay dowladda la imaan isbedel muuqda waqtiyada soo aadan. The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Xamar oo qarka u saaran ‘kala dhimasho’ appeared first on Caasimada Online.
  2. Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen eedeysane dhaawac u geystay wade mooto Bajaaj xilli uu marayay agagaarka laami yaraha Soobe ee magaalada Muqdisho. “Ciidanka booliska Soomaalyeed ayaa gacanta ku haya eedeysanaha, waxaana ku socota baaris, waxaa dhawaan la horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh si uu cadaaladda u wajaho” ayuu yiri Sadiiq Aadan. Qoraal ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in maanta abaare 10:30 barqanimo, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waaxda Jeneral Daa’uud, agagaarka laami yaraha Soobe lagu dhaawacay Cabdishakuur Cabdullaahi Cabdi oo wade ka ahaa mooto Bajaaj M9C 398, wiilkaan oo 23 Jir ah ayaa la sheegay inuu deganaa degmada Warta nabadda, waxaana gargaar caafimaad u fidiyey ciidanka booliska Soomaaliyeed. Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa marar badan dilal u geystay bajaajleyaasha Muqdisho, taas oo sababtay in bajaajleyaashu dhowr jeer oo maanta ka mid tahay sameeyeen bannaan bax ay falalkaas uga soo horjeedaan. PUNTLAD POST The post Booliska Soomaaliya oo ka hadlay bajaajle lagu dhaawacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  3. Dhamaan Deyrarka iyo Dhulka Banaan Ee Bada 200 Mitir u Jira Ee Magaalada Berbera Ayaa Loo Aqoon Saday In Dhul Dan Guud Ah . Waxaan Dhamaan Deyrarkaa Lagu Qoray dumin mudo 10 Cisho Waa Loo Qabtay inay Dumiyaan , Shirkadaha Ugu Waa Weyn Ee Ilaa Imika Duminta Lagu Qoray Waxaa Ugu Waa Weyn Shirkadaha Oomar Goobta Haamaha Ka Dhisaneyso. Shirkada SO Deyrka Viper Opt Hotel Xildhibaan Dable Wado Dhamaan Deyrarka Bada BBC Dhamaan Deyrarka Ku Yaala Nobiyada Berbera , Suxufi Sidiiq Carab Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka geysteen laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal wade Mooto Bajaajle. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, waxaana toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wadada marayay, kadibna iska dhaqaaqay. Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu ku dhowaaday gaariga ay saarnaayeen ciidamada, kadibna ay rasaas isaga reebeen, taas oo sababtay geeridiisa. Allaha u naxariistee marxuum Mahad ayaa la daala dhacayay nolosha reerkiisa, wuxuuna deegaan aaa ku noolaa degmada Dharkenley, sida ay innoo sheegeen dad yaqaanay. Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana dilka wiilkan dhalinyarada ah ka dhashay caro dadweyne. Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay Zoobe, illaa KM4 kuwaas oo dibad-bax cabasho ah dhigay, ayagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda. Dibaxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi dhaliyay carada dadweynaha. Dilalka loo geysto wadeyaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii dambe, mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda, inkastoo dhowr askari la geeyay Maxkamadda Ciidamada. The post Ciidamo ka tirsan DF oo Bajaajle ku dilay Muqdisho iyo caro ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  5. Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 23-aad oo xiriir ah ayaa haatan sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo dhanka galbeedka magaalada Laascaanood, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalka Laascaanood ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay ku soo biireen taliyeyaal ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho, sidoo kalena dagaalka ay qayb yihiin ka yihiin kooxo nabadiid ah iyo argagixiso. Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul ay ku dhufatay ciidanka huwanta oo ay tilmaamtay inay weerar kusoo qaadeen fariisama ciidamadooda ee ku yaalla galbeedka. “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland. Halkan joose ka aqriso:- Waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan. Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood. The post Taliyeyaal ‘ka baxay MUQDISHO oo ku biiray’ dagaalka LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
  6. Dagaalka Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa galay maalinkiisi 23aad oo xidhiidh ah, waxaana saaka mar kale dib u qarxay dagaal xooggan. Dad Goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya inay saaka ku waaberiisteen daryanka madaafiicda laabada dhinac ay isku adeegsanayaan. Dhan kale xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalka ka socda laascaanood waxa ay tidhi sida tan:- WAR-SAXAAFADEED waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan. Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood. Source
  7. Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa heshiis cusub ka gaadhay muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma, ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midawga Yurub. Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu yahay mid ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain. Heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo waajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub. Source
  8. Xogo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Taliyaha Ciidamada Somaliland shaqa joojin lagu sameeyay Galabnimadii Axadda ee Todobaadkan. Taliye Nuux Taani ayaa shaqada laga joojiyay kadib markii Ciidamada Somaliland oo ku jabay furimaha dagaalka ay soo banneeyeen Talisyadii Tukaraq iyo Gambadhe. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale maalintaas banneeyay dhammaan difaacyadii dhinaca magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si ku meel gaar ah Taliska guud ee Ciidamada Somaliland ugu dhiibay S/Guuto Faysal Cabdi Bootaan oo hadda hoggaaminaya dagaalka. Faysal Bootaan ayaa Muuse Biixi ka dhaadhiciyay in fashilka dagaalka uu mas’uul ka yahay Nuux Taani taas oo keentay in isaga si KMG loogu dhiibo hoggaanka dagaalka. PUNTLAND POST The post Xog: Taliyaha Ciidamada Somaliland oo si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  9. Clan militia forces attacked an airport in Dolow district, killing four and injuring three. Major Abdullahi Mohamed Osoble, who led a terror-related investigation, was the target. The military court had planned to move Osoble's case to Mogadishu, but the attackers attempted to kill him. The investigation was related to the assassination of Mohamed Aweys, commander of the Somali armed forces' 28th battalion. Clan militia forces attacked an airport in Dolow district, killing four and injuring three. Major Abdullahi Mohamed Osoble, who led a terror-related investigation, was the target. The military court had planned to move Osoble's case to Mogadishu, but the attackers attempted to kill him. The investigation was related to the assassination of Mohamed Aweys, commander of the Somali armed forces' 28th battalion. Source: Hiiraan Online
  10. Wasiirka arrimaha debedda ee dalka Masar ayaa la kulmay madaxweynaha Suuriya Bashaar al-Asad iyo wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga, ka dib markii uu booqasho ku tegey Suuriya iyo Turkiga, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horraysay ee diblomaasi sare oo dalkaas ahi uu ku tago muddo toban sanno ah. Bashaar al-Asad ayaa fursad taageero ah ka helay dalalka Carabta, tan iyo markii uu dhulgariirku ka dhacay dalkiisa Suuriya iyo dalka Turkiga bishan, taasoo gacan ka geysatay inuu yaraado go’doonkii diblomaasiyadeed ee dalka Suuriya lagu soo rogay, ka dib markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen dalkaas sannadkii 2011. Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee safarkani inay tahay, hawlaha bini’aadanimada iyo in garab istaag loo muujiyo shacabka Suuriya. Wasiirka arrimaha debedda ee Masar ayaa u sheegay telefiishan laga leeyahay dalka Masar, in sidoo kale uu safarkani bidhaaminayo, rabitaanka in dib loo hagaajiyo xidhiidhka labada dal. Masar ayaa ugu deeqday shacabka Suuriya ee waxyeelladu ka soo gaadhay dhulgariirka, illaa 1,500 oo ton oo gargaar ah, taas oo ay si buuxda uga wada shaqaynayaan xukuumadda Suuriya. Ururka Jaamacadda Carabta ayaa hakiyey xubinimadii Suuriya, sannadkii 2011 ka dib markii ay xukuumadda dalkaasi gacan adag kala hortagtay debedbaxayaashii, sidoo kale dalalka Carabta ee gacan saarka la leh Maraykanka ayaa iyaguna taageeray mucaaradka dalkaas. Source
  11. Qaramada Midoobay ayaa ururisay lacag gaadhaysa illaa $1.2 bilyan oo loogu tala galay gargaarka bini’aadanimo ee dalka Yemen, laakiin lacagtan ayaa aad uga hoosaysa bartilmaameedkii hore ee Qaramada Midoobay ee ahaa $4.3 bilyan si wax looga qabto xaaladaha aadka u daran ee ka jira dalkaas. Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay Geneva ayaa wuxuu ballan qaaday in Maraykanku uu bixin doono $444 milyan oo taageero bini’aadanimo ah oo uu siinayo dalka Yemen, isaga oo ugu baaqay deeqbixiyayaasha kale inay gacan u fidiyaan dalkaas. Bilinken ayaa sheegay in dhaqaale yaridii ku timi dalka Yemen sannadkii hore inay ku qasabtay hay’adaha Qaramada Midoobay inay yareeyaan shaqooyinkii ay dalkaas ka wadeen. Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu ugu deeqay dalka Yemen illaa $5.4 bilyan oo doollar tan iyo markii ay colaaduhu ka billaameen. Tan iyo sannadkii 2014 waxaa dalka Yemen uu la daalaa dhacayaa dagaalo sokeeye iyo weliba kuwo ay ku hirdamayaan dawladaha gobolka, taas oo u horseedday inay burburaan kaabayaashii dhaqaalaha ee dalkaasi. Source
  12. Dowladda dhexe ee dalka Canada ayaa sheegtay inay xidhi doonto xadka aan tooska ahayn ee ay soo maraan magan-galyo doonka kasoo galaya Canada dhanka Maraykanka. Arrintaan waxay kusoo aadaysaa iyadoo dowlad-gobalkeedka Quebec ay dowladda dhexe ee dalka Canada ka codsatay in la xidho wadada lagu magacaabo Roxham Road oo sannadihii tagay kumanaan soo galooti ah kasoo galeen Canada. Source
  13. Nin asalkiisu ka soo jeeda Israel laakin haysta dhaslahada Mareykanka ayaa lagu toogtay daanta galbeed ee la haysto ee Qudus, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha halkaa ka taagan. Ninkaan ayaa lagu toogtay weerar lagu qaaday gawaari marysay waddo weyn oo u dhow magaalada Jericho, waxaana lasoo warinayaa in ay jiraan weerarro aan goosi ku saleysan. Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in uu si buuxda ay Israel mas’uul uga tahay waxa uu ugu yeeray “falalka argagixisanimo ee ay fuliyaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deegaamaysiga ka wada daanta galbeed. Israa’iiliyiinta degan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ayaa gubay dhismayaal falastiiniyiintu leeyihiin, iyagoo halkaas ku dilay hal nin oo Falastiini ah. Rabshadaha ayaa daba socday toogasho lagu dilay laba qof oo Israa’iiliyiin ah oo ku dhintay tuulo u dhow magaalada Nablus oo todobaadkii tagay ay weerarro ka dheceen. Dadka deegaanka ayaa ku doodaya in askarta Israa’iil ay ka caawiyeen dadka deegaanka in ay fuliyaan weerarka aargoosiga ah, kuwaas oo lagula kacayo dadka reer Falastiin ee dhulkooda la heysto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo deegaanka Tukaraq oo ay ka socdaan dagaallo cul culus. Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan oo warbaahinta kula hadlay jiida hore ee dagaalka ayaa marka hore ka hadlay sababihii ay uga baxeen difaacyadii ay dhowaan soo banneeyeen ee ku yaalla Tukaraq iyo Laascaanood, waxaana uu tilmaamay inay aheyd arrin farsamo iyo xeelad milatari oo ay dageen, sida uu hadalka u dhigay. “Waxay u qaateen shalay markii aan farsamo xeelad dagaal uga baxnay Tukaraq in ciidamadii qaranku iska guureen hadda dagaalka waxa uu marayaa deegaanka Diyaaradda,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan. Sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay markale dib ugu laaban doonaan oo ay qabsan doonaan Laascaanood, si markale loogu soo celiyo gacanta Somaliland. “Waxaa ballan ah inaan difaacno Laascaanood oo ay sidii ay ahaan jirtay ahaato oo ay kusoo noqoto qaranimadii gacanta Somaliland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Bootaan ayaa markale ku celiyay in Laascaanood ay kula dagaalamayaan argagixiso iyo ciidamada Puntland oo is garabsanaya, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidanka qaranka, Laascaanood waxaa kula dagaalamayo ma’aha cid kale waa argagixiso iyo ciidankii Puntland oo is garabsanaayo,” ayuu markale yiri Abaanduuluhu. Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintii 22-aad, kaas oo haatan ka socda bariga magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Si kastaba, Khasaaraha ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxaana dhimashada ay kor u dhaaftay 150 qof, halka dhaawacana uu marayo 600 oo kale. The post Milatariga Somaliland oo ku hanjabay inay dib u qabsan doonaan Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  15. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa uu hadlay shaqaaqo ka dhacay isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, taas oo dhilasay dhimasho iyo dhaawac dad Rayid ah, waxaana uu sheegay in askarkii falkaas ka dambeysay gacanta lagu soo dhhagay cadaaladdana la horkeeni doono. Guddoomiyaha oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska, Nabadsugida iyo Guddoomiyeyaal Degmo ayaa sheegay in baaris ay ku socoto dhacdadii Isgoyska Siinaay, Asigoona Tacsi u diray ehelada dadkii halkaasi ku dhintay, kuwa dhaawaca ahna eebe ugu baryay caafimaad helaan. “Dhacdooyinka nuucaan ah, waa nagu bateen loomana dulqaadan karo, Qof iska Bari ah oo waxba galabsan inuu xabad ku dhinto waa nasiib darro, waliba adiga oo raba inaad naf badbaadiso inaad naf kale gooso runtii waa nasiib darro, waxaan ka wadahalay aniga iyo hey’adaha amniga in dadkii dadkaas wax u geystay in habkii sharciga ahaa la marsiiyo” ayuu yiri. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in askarta looga baahan yahay in ay joojiyaan xabadda ay sida fudud u ridaan, taas oo inta badan dhalisa khasaare soo gaarta dadka shacabka, isaga oo nasiib xuma ku tilmaaamay in askari loo idmaday inuu badbaadiyo naf qof shacab ah oo aan waxba galabsan, isagu sabab u noqdo dilkiisa sida uu hadalka u dhigay. “Dhacdooyinka nuucaan ah in ay naga yaraadaan ayaaan rajeynaynaa, Askarta goobaha joogtana xabadda ay sida fudud u ridaayaan iyaga oo aan u aabo yeelaynin, waxaad halkaas u joogtaa oo Qobowga iyo Qoraxda ay kuugu dhacaysaa waa in aad qof badbaadiso, adigoo raba inaad naf badbaadiso naf kale ha goynin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Madaale. Shaqaadii ka dhacay Isgoyska Siinaay ayaa waxaa ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah, taas oo ay ugu darneed wiil iyo gabar saarnaa Mooto Bajaaj uu ku qarxay qori aan loogu talo gali magaalada dhexedeeda in lagu isticmaalo, iyadoo la aqoosan waayay labaad ruux, dhacdooyinkaan ayaa in badanmuddooyinkaan kusoo laablaabtay magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga SSC ayaa saakay markale dib uga qarxay duleedka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ciidanku isku horfadhiyeen oo lagu dagaalamyay labadii maalin ee lasoo dhaafay, kaas oo ahaa midkii ugu cuslaa tan iyo markii uu bilowday. Dhinacyada ayaa saacadihii ugu dambeeyay warbaahinta isku mariyay hadallo dhiillo xambaarsan, waxaana dagaalka uu imaanayaa iyadoo ciidanka Somaliland ay isaga baxeen fariinno dhowr ah oo ay ku la haayeen duleeda magaalada, xilli la warinayo in dagaalka saakay uu ka qarxay meel aan ka fogeyn saldhigga Goojacadde. Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in ciimada Milatariga Somaliland ay soo qaadeen sida ay sheegayaan wararku, kuwaas oo doonaya in ay dib u qabsadaan goobo shalay lagala wareegay, waxaana sii kordhaya khasaaraha dadka Rayidka, maadaama goobaha lagu dagaalamayo ay yihiin dhulka Miyiga ah ee duleedka Laascaanood. Magaalada Laascaanood ayaa sedexdii maalin ee ugu dambeysay waxaa dagaalka ka socda uu ahaa midkii ugu adkaa ee dhex mara dhinacyad, waxaana jirta in Ciidanka Somaliland ay isaga baxeen xeryo dhowr ah oo ay horay u joogeen sida Guulwade iyo Saldhigga Tukaraq oo ay ku sheegeen in looga baxay xeelad dhanka dagaalka ah. Saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Laascaanood ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Puntland, xilli dadka deegaanku aysan xaqiijin arrintaas, dagaalka magaalada ayaa hadda ka fogaaday magaalada, waxaana dhinacyado ay isku hayaan Saldhigga Goojacadde, oo taliska gobolka ee Milatariga Somaliland. Dagaalka magaalada Laascaanood oo ku dhow muddo bil ah ayaa ka bilowday shacab ka carooday dilal ka dhacay magaalada xilli bannaanbaxoodii Rasaas ay ugu badaleen ciidan Somaliland oo gacanta ku haayay, dagaalka ayaa sidoo kale geystay burbur xooggan oo soo gaaray magaalada, oo ay adeegsadeen ciidanka Milatariga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta musiibooyinka Qaran Mudane Mahamoud Moallim Abdulle ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya danjire Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, xilli guddoomiyaha uu booqasho ku tagay xarunta saafaradda dowladda Qatar ay ku leedahay Muqdisho. Kulankan oo ka dhacay xarunta safaaarada dowladda Qatar ee muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha dhanka abaaraha ee ka jira Soomaaliya iyo doorka dowladda Qatar ee sidii ay kaalinteeda uga qaadan laheyd la tacaalida arrimaha abaaraha ku dhftay dalka oo saameeyay. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah loogu gorfeeyay Gargaarka iyo Mashaariicda Hormarineed ee dalka ay ka wado Qatar iyo sidii loo laba jibaari lahaa, garab istaaga shacabka Soomaaliyeed, oo xilligaan la daala dhaca abaar ku dhutay,taas oo saameysay dadka iyo duunyada intaba gobollada Koonfurta Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya oo isku mid ay u saameysay. Sidoo kale Hey’adda Sodma ayaa dowladda Qatar iyo Safiirka ka dalbatay in ay ka Caawiyaan Hay’adda Hormarinta Xarunta Gurmadka Deg-deg ah iyo xarumaha ka shaqeeya Xaaladaha guud ee Gurmadka Deg dega ah ee dalka ka jira, una noqon lahaayeen mid la jaan qaada Xarumaha Gurmadka Deg-Deg ah ee Geeska Africa. Hey,adda Maareybta Musiibooyinka ayaa Dowladda Qatar iyo Hey’addaheeda ka shaqeeyo arrimaha binaadanimada ayaa mudo dheer ka shaqeynayay gudaha dalkeena ayagoo dadaal badan geliyay la tacaalida arrimaha abaaraha, sidoo kale fuliyay mashaariic horumarineed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Mogadishu (HOL) - Illegal arms smuggling between Somalia and Yemen and investigations into the finances of terrorist group Al-Shabaab were the focus of two recent meetings held by the United Nations Security Council on Monday. The council's sanctions committee on Somalia, led by Ishikane Kimihiro of Japan, also addressed recommendations contained in the panel's final report for 2022, sent letters to various member states, and received correspondence from Somalia regarding charcoal. Source: Hiiraan Online
  19. Las Anod (HOL) - Somaliland's Minister of Information, Saleeban Yusuf Ali Koore, a close friend of President Muse Bihi Abdi, has accused Somaliland's Speaker of the House of Representatives, Abdirisaaq Khalif Ahmed, of providing financial support to the SSC-Khatumo forces fighting against the Somaliland army. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay booqday isgoyska Siinaay oo ay ku wada dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka ayaa qaaday tallaabo la xiriirta shaqaaqadii halkaasi ka dhacday oo sababtay dhimasho iyo dhaawac. Israsaaseynta sababtay khasaarahan ayaa dhex-martay ciidan Nabad Sugid ah oo Siinaay ku sugan iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleebaan Fargax oo dhaawac ah. Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka taciyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas oo isugu jiro askar iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la aqbali karin in maalin kasto ay dagaalamaan ciidamada dowladda, isla-markaana ay ku dhintaan shacabkii ay ilaalinayeen amnigooda. “Runtii way nagu bateen dhacdooyinka noocaan ah loomana dul-qaadan karo, waana nasiin darro. Marka insha allah dib ayaan isugu laaban doonaan,” ayuu yiri Duqa Muqdisho. Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka, laguna wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. “Dhacdadii xanbuunka badneyd ee meeshaan ka dhacday kulli ciidankii halkan joogay ama Boolis ahaa ama hay’adihii kale ee amniga xabsigaa la wada geeyay baaritaan ayaana lagu jiraa CID iyo Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu wareejiyay,” ayuu sii raaciyay Madaale. Ina la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid. Isgoyska Siinaay ayaa kala bara ugu yaraan seddax degmo oo kala ah Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana ciidan ka tirsan NISA u taalla bar-control oo adag, taas oo gaadiidka waaweyn aysan ka soo gudbi karin. Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku dhex dagaalama magaalada Muqdisho, taas oo dhaleeceyn weyn ay marar badan kala kulantay dowladda Soomaaliya, inta badan isku dhacyadaan waxaa keena in masuuliyiinta qaar ay si awood ah ku dhaafaan baraha hubinta ee ciidamadu ay ku sugan yihiin. The post Daawo: Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo qaaday kadib dagaalkii SIINAAY appeared first on Caasimada Online.
  21. MOSCOW (Reuters) - The Kremlin gave a lukewarm response to a Chinese plan to end the war in Ukraine, calling for a study of nuances of the proposal that urges both sides to agree to a gradual de-escalation and warns against the use of nuclear weapons. Source: Hiiraan Online
  22. A youth group working with people predominantly from ethnic minority backgrounds in Lawrence Hill, Easton and St Pauls is working to encourage sustainable travel and increase participation in the dialogue around climate change. The environmental movement has often been criticised for being dominated by those from white, middle class backgrounds and the sector has previously been found to be the second least diverse in the UK. Source: Hiiraan Online
  23. Ciidamada Somaliland ayaa sida wararku saaka mar kale jihooyin kala duwan weerar kaga soo qaaday Daraawiishta SSC. Xoogagga difaaca shacabka ee SSC ayaa hawlgal culus kaga jawaabay weerarkaas islamarkaana ciidamada Somaliland ku khasbay in ay dib ugu yaacaan Gooja-cadde. Ciidamada Somaliland ee laga qabsaday Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool ayaa hadda ku urursan Taliska Gooj-cadde halkaas oo ay marba weerar ka soo qaadayaan. Daraawiishta SSC ayaa dhankooda ku sugan buuraha ku hareeraysan Gooja-cadde oo ay difaac kaga jiraan. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaallada Laascaanood appeared first on Puntland Post.