Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daahfuray imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Imtixaanka waxaa ka qaybgalaya 8000 oo macallin, oo ku galaya imtixaanaadka 22 goobood oo ku kala yaala 11 magaalo oo ka tirsan Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macallimiin ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ahmiyadda koowaad siineyso sidii canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed dib loogu celin lahaa, si fursad waxbarasho loo siiyo saddex milyan oo carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo gaaray da’dii waxbarasho. Wasaaradda Waxbarashada oo hormuud u ahayd qabsoomidda Imtixaanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey dadaalkooda, gaar ahaan dib-u-eegista hannaanka waxbarashada dalka. Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee degan goobihii waxbarashada dalka guud ahaan in ay banneeyaan, si loogu adeeggo ubadka Soomaaliyeed. Wuxuuna faray Hay’adaha amniga iyo wasaaradda waxbarashada in ay iska kaashaadaan soo celinta goobahaasi. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo daahfuray Imtixaanka shaqaaleysiinta saddex kun oo macallin appeared first on Puntland Post.
  2. Ugu yaraan 59 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa ku dhintay tobonaan kale ayaa laga cabsi qabaa in la la’ayahay kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay badda kacsan ee koonfurta Talyaaniga. Doontay ayaa degtay xilli ay isku dayaysay inay gaarto meel u dhow magaalada Crotone maalintii Axadda. Tahriibayaal u kala dhashay dalalka Afghanistan, Pakistan, Soomaaliya iyo Iran ayaa la socday doonta. Saraakiisha Talyaaniga ayaa sheegay in ilmo yar uu ka mid ahaa dadka dhintay. Wasiirka arrimaha gudaha Matteo Piantedosi, oo goobta booqday ayaa sheegay in ilaa 30 qof laga yaabo in wali la la’yahay. Meydadka ayaa laga soo saaray xeebta meel loo tamashle tago oo u dhow xeebta gobolka Calabria. Doontan ayaa la sheegay in ay degtay kadib markii uu ku dhacay dhagxaan xili cimiladu ay aad u adkeyd, waxaana halkaasi ka dhacay howlgal lagu baadigoobayay bad iyo berriba. Badbaadayaasha ayaa la arkayaa iyagoo bustayaal ku hoos jira, oo ay caawinayaan shaqaalaha bisha Cas. Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in 80 qof la helay iyagoo nool, kuwaas oo ay ku jiraan qaar ay u suurtagashay in ay gaaraan xeebta ka dib markii ay ka degeen doonta. Ilaa hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee dadka la socday doonidaasi oo maalmo ka hor ka soo shiraacatay dalka Turkiga. Shaqaalaha gurmadka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in doontu ay sidday in ka badan 200 oo qof, taasoo ka dhigan in in ka badan 60 qof aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen Source
  3. Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidamo kasoo duulay maamulka Puntland ay weerar kusoo qaadeen millateriga Somaliland ee gobolka Sool. Qoraal uu Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, uu ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayuu ku sheegay in Somaliland lasoo weeraray. “Somaliland waxay caalamka ogaysiinaysa in ciidamo ka yimid maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ay soo weerareen ciidamadayada maanta, ma jirto wax kale oo aanu samayno, oo aan ahayn in aanu is difaacno, dadkayagana aanu ilaalino” ayuu yidhi Caateeye. Waxa uu sheegay in ay cambaaraynayaan weerarka “Aad ayaanu u cambaaraynaynaa talaabadan daan daansiga ah, waxaananu u taaganahay difaaca madaxbannaanidayada”. Source
  4. Dagaalka Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu wuxuu noqon karaa mid Aag siyaasaddeed oo cusub ku fura xukuumadda, oo ah dhinaca guddaha, madaama oo uu taageero badan ka haysto qaar badan oo ka mid ah Xildhibaannada Golahaas iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani. Maxa ka dhalan kara dagaalkan siyaasaddeed.  In Xukuumaddu isku daydo, iyada oo Xildhibaannada Muxaafidka ah adeegsanaysa in Mooshin laga keeno  In Mucaaradku difaacaan, gadhaana heer iyagu ku hanjabaan ama keenaan Mooshinka Maamus ka xayuubin Madaxweynaha ah.  In Mucaaradku taageero weyn la garab istaagaan, taas oo keeni karta in ay gaadho heer ay isu soo baxyo ku baaqaan, madaama oo ay u arkaan Masuul muhiim ah oo Xisbigaasi ka tirsan Jago muhiim u ahna u jooga Mucaaradka.  In Khilaafkii Siyaasaddeed ee Somaliland ka taagnaa uu sii cakirno.  In Xalka Laascanood sii fogaado Waxaa Qoray:-Saleban Saxansaxo Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tabaran ee Duufaan ayaa xalay howlgal culus ka sameeyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan. Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa ciidamada waxa ay ku beegsadeen guryo ku yaalla degmadaas oo bartilmaameed ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan lagu soo qabtay dhalinyaro ka tirsan ciyaal weero, oo lagu eedeeyay inay dhibaato ka wadeen Kaaraan oo kamid ah meelaha ugu daran. Inta uu howlgalka socday waxaa sidoo kale ciidamadu ay baaritaano ka sameeyeen waddooyinka qaar ee degmadaasi, si loo hubiyo gaadiidka iyo dadka socotada ah. Ujeedka howlgalkan ayaa NISA waxa ay ku sheegtay inay ku dagaalameyso kooxaha ciyaal weerada oo markale kusoo laba kacleeyay xaafadaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa saraakiisha howlgalka sameysay ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda, ayna beegsan doonaan burcadda iyo ciyaal weerada. Tallaabada ay qaaday NISA ayaa sidoo kale jawaab u ah cabashada iyo qaylo dhaanta haaatan kasoo yeereyso shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir. Howlgalladan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah Booliska Soomaaliya oo Muqdisho ka wada howlgallo culus, kuwaas oo lagu soo qabtay burcaddii ugu badneyd iyo ciyaal weero. Si kastaba, xaaladda ka taagan Muqdisho ayaa ah mid adag oo saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha, waxaana arrintan kusoo biiray Al-Shabaab oo haatan caasimada ka billowday weeraro ay ku beegsananeyso ciyaal weerada & raga ka ganacsada maandooriya. The post Daawo: NISA oo howlgal culus ka fulisay degmada Kaaraan + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  6. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolkaasi kaas oo kusii fidayo meelo horleh oo ka baxsan magaaladaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu haatan ka socdo deegaanka lagu magacaabo Diyaaradda, kaas oo 20 KM dhanka bari uga beegan Laascaanood. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay qaadeen ciidamada deegaanka, kuwaas oo weeraray fariisin ay ciidamada Somaliland ee kasoo baxay Tukaraq ka sameysteen halkaas waxaana hogaaminaya Mahad Cambaashe oo kamid ah milariga Somaliland. Dagaalka ayaa waxaa labada dhinac ay isku weydaarsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, ayada oo daryanka hubka iyo madaafiicda laga maqlayo qaybo ka mid ah Sool. Dhinaca kale wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo war kasoo saaray dagaalka ayaa shaaca ka qaaday in kooxo uu ugu yeeray nabad diid iyo ciidamada Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamadooda, balse ay iska difaaceen. “Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka ee jooga jiidda hore ku sugan ee Gobolka Sool” ayuu yiri wasiir Caateeye. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamada weerarka soo qaaday lagu dhuftay dharbaaxa kulul, isla-markaana khasaare lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda bariga Laascaanood. “Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta Maamulka Puntland-Soomaaliya” ayuu makale yiri wasiirka gaashaandhigga. Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay” Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika”. Xaaladda Laascaanood ayaa faraha kasii baxaysa, waxaana dagaalka uu galay todobad 4-aad, kaas oo sababay dhimashada dad ka badan 150 qof iyo dhaawaca 500 oo kale. The post Dagaalka Laascaanood oo xoogeystay iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  7. Xoogag aad u hubaysan oo ka tirsan Daraawiishta SSC ayaa hadda dhanka Dhoodida ee Qurac dheer kaga dhiftay Ciidamada Somaliland. Dagaalka ka bilowday dhinaca Dhoodida ayaa sida la sheegayo go’doon sii geliyay Taliska Ciidamada Somaliland ee Gooja-cadde. Xogaha ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Ciidamada Somaliland laga qabsaday gaadiid dagaal oo kala duwan. Dagaalka labada dhinac oo aad u culus ayaa marba marka ka danbaysa ku sii fidaya jihooyin ka baxsan furimihii hore. Dhinaca kale weli faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas socda. PUNTLAND POST The post Dagaalka ka socda duleedka Laascaanood oo jihooyin horleh ku fiday appeared first on Puntland Post.
  8. Cadale (Caasimada Online) – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus ka soo saartay fuustooyin ku soo caariyay xeebta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga HirShabelle. Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay soo gaartay xogta haamankaasi, isla-markaana aan la aqoon waxa ku jira, taas oo walaac ku abuurtay dadka deegaanka oo ka shakiyay inay haamankaasi ku dhex jiraan waxyaabo kiimiko ah iyo sidoo kale sun. “Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada dowladda federaalka Soomaaliya waxaa soo gaaray xogta in fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira laga helay degmada Cadale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ay ku howlan tahay in khubaro loo diro xeebta degmada Cadale, si looga sal gaaro waxa ku jira fuustooyinkaasi soo caariyay. “Sidaas aawgeed Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada waxa ay sida ugu dhaqsaha badan qorsheyneysaa in ay koox khubaro u saarto arrintan.” ayay sii raacisay. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay la xiriirtay maamulka degmada, isla-markaana ay ka wada-hadleen in la xiro aagga ay yaalaan haamanka si loo ilaaliyo ilaaliyo baqabka caafimaad bushada ku dhaqan Cadale. Ugu dambeyn wasaaradda ayaa farriin u culus u dirtay dadka deegaanka, waxayna ugu baaqday inay ka fogaadaan haamankaas, inta laga hubinayo waxyaalaha ku dhex jira. “Waxaa dadka deegaanka la farayaa in ay ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jiro si loo ilaaliyo baqabka caafimaad ee bushada degan Cadale,”. Si kastaba, ma aha markii ugu horreyso ee xeebaha Soomaaliya lagu arko haaman soo caariyay, kuwaas oo halis ku ah bulshada, waxaana loo aaneeya dayaca biyaha Somalia. The post DF Soomaaliya oo digniin culus kasoo saartay arrin ka taagan CADALE appeared first on Caasimada Online.
  9. Somaliland unilaterally declared independence from Somalia in 1991. Despite meeting the criteria for statehood, it has not yet achieved de jure recognition. Making Somaliland a puzzling and fascinating case is that its successes, in post-civil-war peace and state-building were achieved without external involvement in the political process. Political, and social leaders in Somaliland have achieved on their own what the combined capacity and economic means of the international community has failed to achieve in Afghanistan, Iraq, Bosnia and Herzegovina and Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Cape Town - As extortionists continue to terrorise the Gugulethu area, a 26-year-old Somali shopkeeper was shot and killed on Friday at NY 132. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka hadlay daah-furka imtixaanka laga qaadayo Macallimiinta cusub ee ay qaadaneyso wasaaradda waxbarashada ayaa soo saaray amar culus oo saameynayo in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka. Ra’iisul wasaaraha ayaa ka socday qoysaska degan goobaha danta guud ee waxbarashada ee ku yaalla Muqdisho iyo gobollada inay ka guuraan dhulalkaasi, si loogu adeego ardayda. “Deegaanada la dagan yahay ee asalkooda ay lahaayeen hay’adaha waxbarashadu waxaan codsaneynaa meel kastoo waddanka la joogo caasimada ha ahaato ama dowlad goboleedyada dadka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay banneeyaan oo ay fursad siiyaan ubadka Soomaaliyeed” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Somalia. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay aad u xanuun badan tahay in qoyas dan yar oo aan heysan guryo kale laga saaro dhulkii ay daganaayeen muddada dheer, bale waxa uu shaaciyay in baahi ay keentay, isla-markaana wax lagu baran ubadka Soomaaliyeed. “In qoysas daganaa muddo deegaan dhul iyo guryo kale aan waxba toona laheyn in laga bixiyaa way xanuun badan tahay, laakiin waxaa ka sii xanuun badan kii loogu talagalay inuu wax barto inuu bannaanka ku ciyaaraayo” ayuu hadalka sii raaciyay ra’iisu wasaaruhu. Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay imtixaanka maanta dalka ka billowday ee laga qaadayo Macallimiinta cusub ee ay shaqaaleysiineyso wasaaradda waxbarashada, kaas oo ay u fariisteen illaaa 8,000 oo Macallin, kuwaas oo imtixaanka ku galayo illaa 11 magaallo. “Waa maalin ay farxad u tahay waxbarashada Soomaaliyeed, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, uguna mahadcelinayaa wasaaradda dagaalka saameysay ee ku aadan dib u eegista hannaanka waxbarashada dalka,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale intaasi ku daray in 3,000 oo Macallin oo la shaqaaleysiiyo in ay wax badan ka beddali doonto waxbarashada ardayda Soomaaliyeed. “Saddex kun oo Macallin inay lagama maarmaan ay tahay si ay wax u bartaan ardayda Soomaaliyeed aad iyo aaad ayay wasaaraddu ugu mahadsan tahay,” ayuu raaciyay. The post Daawo: R/W Xamza oo soo saaray amar saameynaya shacab badan + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - According to eyewitnesses, on Sunday night, armed gunmen entered a small shop at the Fagax intersection in Mogadishu and shot and killed two young men while injuring two others. The shop is rumoured to have been involved in drug trafficking. As of now, no group has claimed responsibility for the attack. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - According to eyewitnesses, on Sunday night, armed gunmen entered a small shop at the Fagax intersection in Mogadishu and shot and killed two young men while injuring two others. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - Officials in the Adale district of the Middle Shabelle Region have discovered sealed metal barrels on Adale Beach that are suspected of containing toxic chemicals. The Ministry of Environment and Climate Change of the Federal Republic of Somalia reported the finding and stated that a team of experts would be sent to inspect the barrels to determine their contents and associated hazards. Source: Hiiraan Online
  15. Las Anod (HOL) - After 20 consecutive days of heavy fighting in Las Anod, intense clashes were reported on Monday morning in the Diyaarada area, located 20 kilometres east of the town. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal qorsheysan oo ay xalay kooxda Al-Shabaab ka fulisay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Fagax, kaas oo sababay dhimasho & dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku hubeysnaa Bistoolado ay weerar ku qaadeen mehrad yar oo ku taalla halkaasi, taas oo ku sugnaayeen dhalinyaro. Sida ay ogaatay Caasimada Online, mehradda la weeraray ayaa waxaa lagu iibin jiray maandooriye, waxaana goobta imaan jiray dhalinyaro aad u isticmaasha maandooriyaha. Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ay fureen ragga howlgalka fuliyay ku dhintay illaa labo dhalinyaro ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen labo kale oo ku sugnaa halkaasi. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in ragga dilka fuliyay ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Waa howlgalkii labaad oo Al-Shabaab ka fulineyo Muqdisho, ayada oo shalay shaacisay in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ay ku dishay mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jira Cabdiqaadir Carab, waxaayna kooxdu ay sheegtay in sidoo kale uu ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan ku u dhawaaqday in howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal weerarada ayka bilaabi doontomagaalada Muqdisho, ayada oo sheegtay inay soo gaartay cabashada shacabka. “Ciidankeena Muqdisho ka howl-gala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka xummaantaas ku lug leh, cid walba oo arrimahaas gurrucan ku leh waxaan leenahay waan kaa war haynaa oo waan kugu soo soconnaa, waxaan kuugu baaqeynaa in aad ka towbad-keentaan xumaanta aad faraha kula jirtaan inta aanan kusoo gaarin,” ayuu yiri Afhayeenka dhinaca howl-gallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab. The post Al-Shabaab oo howlgal qorsheysan ka fulisay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - Brigadier William Kamoiro has taken over from Brigadier Jattani Gula as commander of the Kenyan Defence Forces contingent serving with the African Transition Mission in Somalia (ATMIS). The handover ceremony took place on Friday at the ATMIS Sector II Headquarters in Dhobley, Somalia, which is manned by the Kenyan Defence Forces. Source: Hiiraan Online
  18. Ciidamada Somaliland ayaa saaka weerar saddex jiho ah ku soo qaaday ciidamada Daraawiishta SSC. Xoogagga SSC ayaa iska difaacay weerarka Somaliland waxaana sida la xaqiijinayo hadda socda dagaal culus. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland durba laga riixay aga-gaarka Maraaga oo qiyaastii 20km dhinaca bari ka xiga Laascaanood. Tallabadan ayaa ku soo beegan tahay xilli uu madaxweynaha Somaliland ku wargeliyay Beesha Caalamka in uu xabbad-joojin samaynayo. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Ciidamada Somaliland iyo Daraawiishta SSC appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) - Somali security services conducted a joint operation in Mogadishu's Karan district on Sunday in response to complaints from residents about increasing insecurity. The operation was carried out by officers from NISA, Duufan, and the Somali Police Force, and it targeted youth gangs in the area that are suspected of engaging in robbery and muggings. Source: Hiiraan Online
  20. A least 58 migrants were killed and more than 81 were rescued Sunday when the human smuggling boat they were aboard slammed into the rocks off the coast of southern Italy and "disintegrated" just feet from the shoreline, officials said. Source: Hiiraan Online
  21. DADAAB, Kenya, Feb 27 (Reuters) - When her three-month-old baby fell sick from malnutrition, Dool Abdirahman Ismael left her village in Somalia and walked for three days through swirling dust and scorching heat to the Dadaab Refugee Camp just across the border in Kenya. Source: Hiiraan Online
  22. Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga Daraawiishta SSC ayaa saaka ka bilowday halka loo yaqaan MARAAGA ee duleedka Laascaanood. Ciidamada Somaliland oo shalay laga qabsaday Tukaraq iyo Gambadhe ayaa sida wararku xaqiijinayaan saaka weerar ku soo qaaday Ciidamada SSC ee ku sugan Taliska Maraaga. Dhawaqa hubka culus ee labada dhinac is weydaarsanayaan ayaa laga maqlayaa nawaaxiga dagaalka sida ay sheegayaan dadka degaanka oo aan la xiriirnay. Weli ma cadda khasaara ka dhashay dagaalka labada dhinac oo marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya. The post Dagaal xooggan oo saaka ka socda duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.