Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Pleased to host #Somalia, #UK, #UAE, #Qatar, and #Turkiye for productive talks on advancing shared goals in Somalia. We look forward to continuing close coordination in support of the Somali government and its people. https://t.co/6eepzEbseU — Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) March 1, 2023 Qaran News
  2. Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada. Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda. Dalalka ayaa ugu dambeyn sheegay inay isku raaceen in muddo saddex bil gudaheed ah ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo sii wado wada-hadallada ku aadan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Lix dal oo Washington ku yeeshay Shir ku saabsan Arrima Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  3. Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada. Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda. Dalalka ayaa ugu dambeyn sheegay inay isku raaceen in muddo saddex bil gudaheed ah ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo sii wado wada-hadallada ku aadan Soomaaliya oo xilligaan kasoo kabanaysa dagaallo iyo arrimo kale oo dib u dhigay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Laascaanood (Caasimada Online) – Wakiilada saaxiibada caalamka ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta oo ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood, ayaa dalbaday in dhinacyadu ay joojiyeen colaadda. Wakiilo ka socday shantan dal oo kulan yeeshay ayaa sheegay inay aad uga walaacan xiisadda dagaal ee ka taaga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur magaalada. Waxay ugu baaqeen in labada dhinac ee isku haya halkaasi, ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC inay u hoggaansamaan xabad-joojin, si miiska wada-hadalka loogu xaliyo xiisadda taagan. Sidoo kale waxay wakiilada ka socday Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta ay muujiyeen taageerada dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo kobcinta awoodda dowladnimo. “Waxay ka wada-hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo u diyaar-garowga ka bixintaanka howl-galada Midowga Afrika ee Soomaaliya.” Ugu dambeyntiina dalalka shanta ah ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah iyo gargaar gaarsiinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 24-aad oo xiriir ah ayaa maalmihii dambe sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi. Labada dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood ayaa dhowr jeer loogu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, iyada oo Somaliland ay laftigeedu ku dhawaaqday xabad-joojin, haddana majiro wax ka dhaqan-galay, waxaana sii socda dagaalka. The post Mareykanka iyo afar dal oo war culus kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  5. Dagaalka, sidiisaba, foolxumo ayaa ka soo baxda, xataa hadii uu xaq yahay. Marka uu mid xaqdarro ah yahay, ee dad ehel ah dhex maraayo na, waa kan Laascaanood ka socdee, foolxumooyin ka sii waaweyn baa ka soo baxa. Dagaalkaas joojintiisu Hargeysa ayuu gacanta u gu jiraa, Hargeysa se nimaan talin jirin, talo na qaadan baa u cumaamadan. Hadii aanay sidaas ahayn, dagaalkani ma ba dhaceen. Marka ay sidaas tahay, taariikh baa is qoraysa. Muuse iyo inta la talo ahi daadashada dhiigaas micno darada ah u heelanyihiin, mucaaridku na, nabadda iyo joojinta dhiigga ayay ku dadaalayaan. Qolada dhiig-doonka ahi kuwa nabad doonka ah waxa ay u bixiyeen cadowga gudaha, weli se kuwa dambe kuwa hore magac u ma bixin. Qolada nabad-doonka ahi ilaa hadda laba wax oo waaweyn ayay ku dhaqaaqeen – (1),ololihii Muuse ee ‘Tolaay yaa Isaaqaheey’, waa ka la daadiyeen oo maanta taasi ma jirto. Marka 2aad na, oo runtii ta hore la miisaan ah amma ka ba culus, jihadii dagaalka la doonaayay in la mariyo, oo ah in dadka Reer-Sool ay argagixiso yihiin, maya ayay yidhahdeen. Dadka Reer-sool in aanay argagixiso ahayn, dagaalku na yahay mid sokeeye oo dad ehel ah dhex maraaya, xalkiisu na aanu xabbad ahayn ayay sheegeen. Laba talaabo oo aad muhiim u ah, taariikhda qormaysa na baal dahab ah ka gelaaya weeye. Sidaas oo ay tahay, mar hadii xabbaddii weli socoto, wiilashii masaakiinta ahaa na labada dhinac ba ku dhimanayaan, intaasi ma ku filna. Mucaaridku hadii ay moodaan intaas in waajib ka ga dhacay, waa gefsanyihiin. Waxa loo baahanyahay talaabooyin hor leh iyo dadaal aan ka la joogsi lahayn, maxaa yeelay dhiig-doonayaashii bilaa caqliga ahaa weli dadalkoodii waa wadaan. Mucaaridku waa in ay shirar hor leh qabtaan, oo dhalinyarta iyo waayeelka ba abaabulaan. Waa in la so saaro qorshe nabadeed oo sabab u noqda in dagaalku joogsado. Waa in ay mudaharaaddo ku baaqaan, ciidanka na u sheegaan in ay amar-diiddo sameeyaan, la mid ah tii dhawaan ay Tukaraq ka ga soo baxeen. Aamuska mucaaridka ee maalmahan waxa loo qaadan karaa in ay is dhigteen, hadii ay jirto na waa qalad. waxaa qoray:Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay laba hindise-sharci oo muhiim ah, kuwaasi oo maalmihii dambe uu golaha si weyn uga doodayay. Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka Dhowrista Maal-gashadayaasha iyo Maalgashiga, waxaana sharcigaan u codeeyay 145 xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, mana jirin wax diiday. Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta Dadweynaha, waxaana sharcigaan u codeeyay 146 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, sidoo kale wax diiday ma jirin. Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta dadweynaha. Sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada. Ugu dambeyntii ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta, iyada oo sheegtay in ay ansax-yihiin labadaasi sharci. Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood. Bishii hore ayay aheyd markii guddoonka Golaha Shacabka la sheegay in uu si sharci darro ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka golaha uu xilligaas sheegay in uu ansax-yahay. The post Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  7. iska hor imaad ayaa saaka ka dhacay degaanka farxamudh ee ka tirsan degaanka biyo guure bariga Barbara oo maalmahanba khilaaf ka taagnaa Kaas oo u dhaxeeya bulshada degaanka iyo ganacsade ina aw siciid oo la sheegay in la siiyey dhul ku yaala degaanka farxamudh Bulshada degaanka oo hore warbaahinta ula hadlay ayaa ka digay dhulka khilaafku ka taagan yahay oo ku shegeen dhul daaqis Xigasho :Maslax Saleebaan Side Qaran News
  8. New York (Caasimada Online) – Food security experts have declared the situation in Somalia “extremely critical” for more than 6 million people who remain hungry amidst a historic drought. The UN and partner organizations released the latest assessment, which revealed “very high mortality rates” in the worst-affected populations. The quarter-million people are located in Somalia’s capital, Mogadishu, and the southwestern city of Baidoa. Officials have yet to provide further details regarding the report’s revelations. Although the report no longer projects famine for the worst-hit population between April and June, the assessment only slightly eases warnings of acute food insecurity. The Horn of Africa could face its sixth failed rainy season in a row. Some humanitarian and climate officials warn that trends are worse than the 2011 famine that killed a quarter-million people in Somalia. Crisis in Somalia further compounded Millions of livestock have died in the current crisis, compounded by climate change and insecurity. Somalia is battling thousands of fighters with al-Qaida’s East Africa affiliate, al-Shabab. The UN migration agency reports a record high of 3.8 million people displaced. According to the latest food security assessment, nearly half-a-million children in Somalia are at risk of being severely malnourished this year. The review released in December predicted famine for people displaced to Mogadishu and Baidoa, along with rural communities in the Baidoa and Burhakaba districts. People arrive at a displacement camp on the outskirts of Dollow, Somalia, on Wednesday, Sept. 21, 2022. Somalia is in the midst of the worst drought anyone there can remember. A rare famine declaration could be made within weeks. Climate change and fallout from the war in Ukraine are in part to blame. (AP Photo/Jerome Delay) Slight alleviation of food insecurity in Somalia However, the new assessment provides a slightly better outlook, suggesting that more humanitarian aid and improved forecasts for the rainy season could alleviate food insecurity and acute malnutrition conditions, including better access to water. Nonetheless, the assessment warns that the situation still depends on the rainfall and whether aid can reach the most vulnerable populations. Understanding famine and its consequences Famine refers to an extreme lack of food, a significant death rate resulting from outright starvation or malnutrition, and diseases like cholera. A formal declaration of famine is made when data shows that more than a fifth of households experience extreme food gaps, more than 30% of children are acutely malnourished, and over two people out of 10,000 die daily. Despite the report’s slight optimism, the situation in Somalia remains dire. As such, urgent intervention and support are necessary to prevent a devastating outcome. The UN and humanitarian organizations are providing aid. However, they must receive enough support to reach the most vulnerable populations in Somalia. The post Somalia: Drought ‘extremely critical’, no famine – UN appeared first on Caasimada Online.
  9. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xanta Villa Hargeysa ansixiyay hindise sharciyeedyo, kuwaas oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo horay uga soo gudbay golaha wasiirrada xukuumadda federalka. Kulanka ayaa xildhibaanna ku meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala ah: Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’, kaas oo ay soo gudbisay wasaadda Qorsheynta iyo Maalgashiga. waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin. Mudanayaasha golaha shacabka ayaa sidoo kale akhrinta 3-aad, marsiiyay oo u codeyey hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib-u heshiisiinta, sharciga ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay gabagabadii kulanka. Xildhibaannada ayaa dhinaca kale ajendaha maanta waxaa ku jirtay qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada, wasiirrada arrimaha gudaha iyo qorsheynta oo golaha horyimid ayaa uga mahadceliyay meel marinta sharciyaad oo muhiimad gaar ah u leh dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi ” Qalalaasihii ka dhashay arxan-darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dad rayid oo bannaan-baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal-xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad-barre . Waa in aan u midownaa sidii aan Somaliland uga badbaadin lahayn kuwan isa soo baahaystay….” Qaran News
  11. Nairobi (HOL) - Al-Shabaab has claimed responsibility for killing at least ten people in separate attacks in two Mogadishu districts on Wednesday night. The militant insurgency group said the attacks targeted drug dealers, youth gangs, and bandits. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah dowlad goboleedka Jubbaland. Waxaa magaalada laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay oo maamulka iyo shacabku ay ugu jiraan soo dhoweynta madaxweyne Xasan Shiikh oo tagaya halkaas, tan iyo markii la doortay 15-kii May 2022-kii. Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxaa uu la kulmi doonaa madaxweyne Axmed Madoobe iyo bulshada iyo waxgaradka reer Jubbaland, isaga oo kala hadli doona arrimo dhoer. Safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa sidoo kale ku qotoma sidii loo xalin lahaa tabashada maamulka gobolka Gedo ee ku aadan Jubbland, waxaana uu goobjoog naqon doonaa shirka lagu xaninayo khilaafka. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxaa dhinaca kale uu booqan doonaa taliska xoogga dalka qeybta 43-aad, isaga oo kala hadli doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo lagu wado in laga bilaabo Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali- waraabe ayaa sheegay in rabshadihii ka taagnaa magaalada Laascaanood ay isku beddeleen dagaal si fiican loo qorsheeyey oo ka dhan ah jiritaanka Qaranka Somaliland, isagoo ku baaqay in loo midoobo sidii loo difaaci lahaa qaranka Somaliland, waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu Twitter-kiisa ku faafiyey oo u dhignaa sidan; “Rabshadaha Laascaanood ka taagnaa ee ka dhashay sidii axmaqnimada ahayd ee uu Muuse Biixi u waajahay mudaharaadyadii salmiga ahaa ee dadka rayidka ahi dhigayeen waxa ay isku beddeleen dagaalka si fiican loo qorsheeyey oo kagaga soo horjeedo jiritaanka Somaliland, kaas oo ay soo qaadayaan xulafadii iyo isbahaysiyadii Digtaytarkii Maxamed Siyaad Barre. Waa waqtigii aan u midoobi lahayn sidii Somaliland looga badbaadin lahaa, loogana difaaci lahaa kooxaha isbahaystay,” ayuu yidhi Eng.Faysal Cali Waraabe. Source
  14. Xukuumadda Puntland ayaa maanta shirkadda isgaarsiinta SOMTEL ka joojisay qodaalka xarigga Fiber Optic-ga. Wareegto ka soo baxday wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa shirkadda SOMTEL looga joojiyay qodaalka Fiber-ka. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda SOMTEL qaarkood ay jareen xarriga Fiber-ka shirkadda Golis. Waxa uu sheegay in sababtaas darteed Somtel looga joojiyay in ay sameeyaan qodaalka Fiber-ka waxaana uu amray in baaris lagu sameeyo. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo qodaalka Fiber Optic-ga ka joojisay shirkadda SOMTEL appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan faraha kasii baxaya, waxaana sii kordhaya dilalka ay shacabka u geysanayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale. Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dilal siyaabo kala duwan uga dhaceen caasimada, gaar ahaan agagaarka Zoobe iyo isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Haddaba Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho? Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee SONSA Cismaan Macalin Muxuyadiin (Shaatax) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay amniga caasimada, waxaana uu cambaareeyay dhibaatada ay geysanayaan ciidamada dowladda. Ugu horreyn Shaatax ayaa tacsi u diray ehellada dadkii kala duwan ee dhowaan lagu dilay magaalada Muqdisho, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dilalkan ay yiiin kuwa lasoo qorsheeyay, isla-markaana ay ka dambeeyaan dad suurad xumeynayo amniga dalka. “Runtii waxyaabaha dhacaayo ma’aha shilal iska dhacaayo ee waxay u muuqdaan kuwa qorsheysan oo laga dambeeyo,” ayuu yiri gudoomiye Shaatax. Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa laba arrimood uu sababeeyay dilalkaan, wuxuuna sheegay in uu jiro isla xisaabtan la’aan iyo aqoon darro heysato askarta. “Ururada bulshada rayidka ah waxa ay u arkaan dhibaatooyinka ka dhacaya dalka, gaar ahaan magaallo madaxda inay sabab u tahay isla xisaabtan la’aan ka jirta dowladda dhexdeeda iyo ciidamada amniga oo oo aan laheyn aqoon ku filan,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda federaalka inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkan, ayna kasbadaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed. “Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta dowladda inay la yimaadaan siyaasad kasban karta kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan dowladnimada, taas oo horseedi karta inuu dhaco isbeddal bulsho oo dhab ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiye Shaatax. The post Daawo: Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  16. Musharaxa xisbiga talada haya ee Bola Tinubu ayaa lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada lagu muransan yahay ee ka dhacday Dalka Nigeria. 70-jirka rug cadaaga ah ayaa helay 36% codadkii la dhiibtay, sida ay muujinayso natiijada rasmiga ah. Ninka la tartamayay ee Atiku Abubakar ayaa helay 29%, halka Peter Obi oo ka tirsan xisbiga Labour-ka uu helay 25%. Axsaabta kale ayaa goor sii horeysay ku gacan seyray doorashada oo ay ku tilmaameen mid been abuur ah, waxayna dalbadeen in dib loogu noqdo doorashada. Mr Tinubu waa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu qanisan Nigeria, wuxuuna ololihiisa ku saleeyay dib u dhiska magaalada ugu weyn ee Lagos oo uu mar ka ahaa guddoomiye. PUNTLAND POST The post Bola Tinubu oo la sheegay in uu ku guulaystay doorashada madaxtinimada Nigeria appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay saameeyn ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah. Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug. “Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare. “Howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare,” ayuu yiri. Waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka “Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan”. Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo ka hadashay amiga Muqdisho ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna howlanaa amni darro. Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay digniin u dirtay ciidamada dowladda ee dilalka ka geysta caasimada, maadaama ay kordheen dhibaatooyinka ay u geysanayaan shacabka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka. Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana iska kaashanayaa dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka. The post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  18. Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku leh xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha kulanka maanta ayaa kala ah: 1. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka dhowrista Maalgashadayaasha iyo Maalgashiga 2. Akhrinta 3aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta dadweynaha 3. Qeybinta warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada Xildhibaannada golaha shacabka ayaa muddooyinkaan shaqoodu tahay mid si hamsami leh u socota, iyaga oo meel mariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo horay uga soo gudbay golaha wasiirrada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Dilalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Weerarka koowaad oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo rag ah, kadib markii ay rasaas ku fureen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsaday. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale tiro kale oo shacab ah oo ku shaaxayey goobta maqaaxida ah ay ku dhaawacmen falkaasi. Sidoo kale koox kale oo hubeysnaa ayaa xaafadda Godey ee degmada Heliwaa xalay ku dilay laba nin, taas oo tirada dilaka xalay dhacay ka dhigeysa illaa todobo qof. Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay rag ka tirsan ciyaal weerada iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa. Habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, waxayna sheegeen inay iibanayeen maandooriye. Waxaa sidoo kale ka horreeyay dil kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab. Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso ciyaal weerarada & ragga ka ganacsada maandooriyaha. The post Daawo: Al-Shabaab oo xalay dilalkii ugu badnaa ka fulisay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  20. Xeer ilaalinta qaranka ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xukunka Wariye Abdalle Axmed Muumin, kaas oo dhowaan lagu siidaayay damaanad, kadib xukunkii maxkamadda gobolka Banaadir, Xeer ilaalinta ayaa sheegtay inaan sifo sharci ah aan loo marin fasaxiisa, waxaana loogu baaqay cid waliba oo daneynaysa kiiska in ay u soo marto sifo sharci sida lagu xusay. Goobjoog News Source: goobjoog.com