-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii birmo-geydada ahayd ee ku dhimatay shilalkii ka dhacay Caasimadda ee ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha. Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay ka soo hoyeen xoreynta deegaannada aymuddo ku sugnaayeen Al-shabaab oo laga saaray. Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si guud shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midmino, amni iyo wadajir bulsho in laga wada shaqeeyo, isagoo ummadda Soomaaliyeed u duceeyay, Allaahna uga baryay in colaadda uu ugu beddelo nabad, xilli uu hadlayay Salaadii kadib Jimcaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (HOL) - The Competition Authority of Kenya (CAK) has given the green light for Somalia's Premier Bank to acquire a 62.5% stake in Kenya's First Community Bank. The acquisition was approved by CAK's Acting Director General, Adano Wario, and announced in the Kenya Gazette on March 3. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Soomaali fara badan oo ka shaqeeya xarun ay leedahay shirkadda weyn ee Amazon oo ku taalla degmada Shakopee ee gobolka Minnesota ayaa kahor yimid go’aan ay shirkaddu ku xireyso xaruntaasi. Maamulka shirkadda ayaa sheegay in uusan diidaneen shaqada ay u hayaan dadka Soomaalida ah, balse loo wareejinayo xarun kale, taasi oo ay diideen qaar kamid ah howl-wadeennada ka shaqeeya. Soomaalida ayaa waxay sheegeen in go’aankan uu yahay mid ay shirkaddu uga aargoosanayso shaqaalaha Soomaalida u badan ee Amazon, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan. Qaar kamid ah shaqaalaha diidan in xarun kale ay u wareejiso shirkadda ayaa dood ka dhigtay laba arrin oo kala ah; in ay yihiin dad ku cusub Mareykanka oo aanay heli karin shaqooyin kale iyo howl-wadeennada qaar oo ka fogaanaya deegaankooda. Shaqaalahan ayaa waxay dhigeen banaanbax cabasho ah oo ay uga soo horjeedaan tallaabadan ay qaaday shirkada, iyaga oo sheegay in sababta loo xiray xarunta ay ka shaqeeyaan tahay hab la doonayo in iyaga shaqada looga eryo. Amazon ayaa dhankeeda ku dooday in xafiiska degmada Shakopee ee gobolka Minnesota la xirayo, go’aankaasina aanay ka dhigneen in shaqada laga saarayo shaqaalaha badan ee xafiiskaas laakiin loo wareejinayo xarun kale. Soomaalida ka shaqeysa shirkada Amazon ayaa hore u dhigay banaanbaxyo ay kaga cabanayaan sida ay ula dhaqanto shaqaalaha Soomaalida ah, hase yeeshe go’aankan cusub ayaa lagu macneeyay aargoosi ka dhan ah shaqaalaha, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan. The post Daawo: Xiisad ka dhex taagan Soomaalida iyo shirkadda Amazon appeared first on Caasimada Online.
-
Debating Ideas aims to reflect the values and editorial ethos of the African Arguments book series, publishing engaged, often radical, scholarship, original and activist writing from within the African continent and beyond. It offers debates and engagements, contexts and controversies, and reviews and responses flowing from the African Arguments books. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ku booqday dhaawacyadii iyo Ehelada marxuumiintii ku geeriiyootay dhacdadii ka dhacday 27-kii /Februari/2023 isgooska Siinaay, waxaana dhaawacyadii uu booqday kamid ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Sulaymaan Fargax, kaas oo dhaawac kasoo gaartay rasaasii ciidanku isweydaarsadeen. Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Madaale ayaa booqashadiisa isbitaalka Urdogan waxaa ku wehlinaye Guddigii uu u xilsaaray soo qiimeynta kiiskii ka dhacay Isgooska Siinaay ayaa ugu horeyn Ehelada marxuumiinta ugu tacsayeeyay musiibadii dhacday, isaga oo ku qanciyay in si deg deg ah loo aaso Maydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Isgooska Siinaay oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray talaajo si cadaalad loogu helo marxuumiintaasi. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimaale Madaale ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 14-kamid ah askartii ku qorneed Isgooska Siinaay islamarkaana si deg deg sharciga loo horkeeni, doono, dhacadadaas ayaa noqotay mid siweyn u taabatay shacabka caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta hadal ka jeediyay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii bajaajleyda ahayd ee ay maalmihii pabsoo dhaafay dileen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha. Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay amniga Muqdisho iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay appeared first on Puntland Post.
-
DP World ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku faahfaahisay waxyaabaha uu qaban doono Aaga Cashuuraha ka Caagan ee shalay Berbera laga furay. Akhri qoraalka DP World “Aagga Cashuuraha ka Caagan ee berbera muhiimadiisu waa in uu abuuro deegaan ku habboon ganacsiga si Somaliland usoo jiidato maalgashiga, shaqo abuurna loo sameeyo Dekadda Berbera iyo Aagga Cashuuraha ka Caagani waxay u yihiin Somaliland xudunta isku- dhafan ee badda, ganacsiga iyo saadka ee Geeska Afrika BERBERA, SOMALILAND, 2 MARCH, 2023 – Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland ayaa maanta daah-furay Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera Economic Zone(BEZ), kaas iyo Dekeda oo ka dhigaya Berbera in ay noqoto goob ganacsi oo muhiim u ah Geeska Afrika. Waxa maanta si rasmi ah u furay wejigii kowaad ee Aagga Cashuuraha ka caagan Berbera Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha ahna Madaxa Fulinta ee DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem, taas oo ay ku fureen munaasibad khaas ah oo ay ka soo qayb-galeen dhawr boqol oo qof oo marti ah. oo ka mid ahaayen wakiilo ka socday shirkadaha DP World la wadaaga maalgashiga dekedda iyo Aagga Cashuuraha ka Caagan ee British International Investment (BII), Hay’adda Horumarinta Maaliyadda ee Ingiriiska ee UK’s Development Finance Institution (DFI) iyo Impect investor. Furitaankani waxa uu daba socday daah-furka xarunta cusub ee konteenarada ee Dekedda Berbera ee bishii Juun 2021. yoolka DP World ee Berbera waa sidii loo sameenlahaa xarun ganacsi, iyada oo ka faa’iidaysanaysa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku teedsan tahay mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan caalamka, isla markaana ay gasho dhulka baaxada miyiga leh ee gobolka Geeska oo ay Itoobiya ku jirto. Aaga Cashuuraha ka caagani waxuu 15 Km oo keliya u jiraa Dekedda waxuu sii racsanyahy Jidka Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ee isku xidha Addis Ababa,Itoobiya, kaas oo u baahan marin-badeedyo badan si uu u buuxiyo shuruudihiisa ganacsi. Xaruntan midaysan ee badda, saadka iyo ganacsiga ayaa u adeegi doonta Geeska Afrika, oo ah gobol koraya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof. Waxuu ku salaysan yahay qaabka midha dhalka ah ee Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Jebel Ali Free Zone (Jafza) ee DP World ee ku yaala Dubai. Waxa kale oo jiri doona is-kaashi u dhexeeya labada Aag, iyada oo shirkadaha Dubia ku yaala Berbera iska diwaangelin karaan iyaga oo usii dhex maraya Xafiisyada Jafza, halka shirkadaha Berbera ku yaala ay awood u yeelanayan adeegyada xarumaha wax-soo-saarka ee Aaga Cashuuraha ka caagan ee Jafza . Aagga Cashuuraha ka Caagan waxa loogu talagalay in uu abuuro degaan ku habboon ganacsiga si loo soo jiito maalgashi iyo shaqo abuurna loo sameeyey Somaliland. Waxaa ka mid ah deegaan tartan iyo waxtar leh, oo uu saamaxay xeerka cusub ee Aaagga Cashuuraha ka caagan, shirkadaha Aagga Cashuuraha ka Caagan, dhiirigelinta maaliyadeed iyo kuwa aan maaliyada ahayn, oo ay weheliso xafiis adeeg oo loogu talagalay in uu sameeyo diiwaangelinta iyo ruqsadaha ligaaga bahanyhay , xafiisyo casri ah, bakhaaro alaabta la dhigto, iyo dhulal banaan ood kiraysankarto. DP World ayaa hore heshiis ula gashay IFFCO oo ah shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta si ay u dhisto 300,000 square feet oo lagu farsameenayo Saliida cuntada Aagga Cashuraha ka Caagan dhexdiisa, waxaana hore isu diiwaangeliyey dhawr iyo toban shirkadood oo kale oo ka shaqeeyaba waxyaalo kala duwan. Munaasibada oo uu hadal ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi,ayaa yidhi: “ waxa weeye munaasibad kale oo Sharaf iyo Taarikhi u ah Somaliland iyo dadkeedaba marka laga yimaado furitaanki teerminalka koontaynarada ee Dekedda Berbera, Imikana Aagga Cashuuraha ka Caagan oo loo furay ganacsiga, waxaanu hore u qaadayna talaabo kale oo muhiim ah oo ah himiladeenna ku aaddan xaqiijinta in Berbera noqoto marin-ganacsiyeed midaysan oo heer gobol ah, kaas oo fure u noqon doona koboc dhaqaale, kaas oo lagu gaadhayo kor u kaca isku socodk ganacsiga, maalgashiga shisheeye, iyo shaqo abuurka”. Sultan Ahmed bin Sulayem, Gudoommiyaha ahna madaxa fulinta DP World, ayaa yidhi: “Dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah wuu isbedelayaa, waxaana sii kordhaya baahida loo qabo kaabayaasha ganacsiga, sida aagagga Cashuuraha ka Caagan, si sahlan oo degdeg ah loogu helo isku gooshitaanka caalamiga. tani waxay sababaysa in shirkadaha u soo dhawaadan macaamiishooda, wanaajiyaan saadka waxayna u oggolaanaysaa inay ku fidaan suuqyo cusub. Isku-xidhka Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuurahan ka Caagan ee cusub ayaa tusaale weyn u ah arrintaas, taas oo Berbera ka dhigaysa hab-ganacsiyeed heer caalami ah, hadda iyo mustaqbalkaba”. Liz Lloyd, Madaxa Shirkada British International Investment ayaa intaa ku dartay, “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu qayb ka noqono munaasibadan muhiimka ah ee lagu daah furayo Aagga Cashuraha ka Caagan ee Berbera, kaas oo Somaliland u noqon doona dhaqaale muhiim ah, isla markaana kaalmeeya kobaca gobolka Geeska Afrika. Balaadhinta guud ee dekeddu waxa la filayaa inay kor u qaaddo tayada nolosha iyo baahiyaha nolosha asaasiga in ka badan hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah, kordhinta helitaanka iyo awood-furnaanta badeecadaha iyo inay gacan ka gaystaan in ka badan 53,000 shaqo oo gudaha ah.” Qorshaha guud ee Aagga Cashuuraha ka Caagani wuxuu gaadhsiisanyhay in ka badan 1,200 hektar waxaana la balaadhin doonaa mudo kadib marka baahida loo qabaa korodho. Wajigii kowaad oo imika furan, waxa ay bixinaysaa dhulal loogu adeego dhismaha xarumaha shirkadda, 10,000 mitir oo laba jibbaaran oo bakhaaro kayd ah oo hore loo diyaariyey, iyo dhul diyaar u ah inaa dhisato, kayd barxad furan ah, bakhaar kayd oo la wada isticmaali karo oo ay DP World ku adeegi doonto kaargooyada macaamiisha iyo sidoo kale meel xafiis oo leh adeegyada IT ga oo gees ilaa ka gees ah. Dekadda Berbera waa deked ujeedooyin badan leh oo leh kaabayaal heer caalami ah oo ay ka mid yihiin badeecadaha waaweyn iyo kuwa jabsiga, awood u yeelashada shixnadaha dareeraha ah, iyo teerminaal casri ah oo konteenarada laga soo dejiyo. Waxay leedahay qoto dheer oo ah 17m, kaal 400m ah iyo sadex wiish oo STS ah, kuwaas oo loo adeegsankaro maraakibta konteenarada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya. Waxa kale oo ay awood u leedahay in ay qabato 500,000 oo konteenar unit ah TEUs sannadkii. Teerminalka waxa kale oo ku jira barxad konteerada oo casri ah oo leh sideed wiishashka RTGs, ah iyo xarun xafiisyo adeeg leh. Dekadda Berbera waa udub dhexaadka dhaqaalaha. balaadhinta awgeed waxaa la filayaa in ay ganacsiga fududayso ku dhawaad 27 boqolkiiba GDP-ga Somaliland iyo 75 boqolkiiba ganacsiga gobolka marka la gaadho 2035. Aaga Cashuuraha ka Caagani waxa uu fududayn doonaa ganacsiga Somaliland iyo waliba guud ahaan Geeska Afrika. Tani waxay ka faa’iido u tahay dhinacyo kala duwan oo ka mid yihin dhoofiyayaasha, soo dejiyasha ,xoolaha, alaabada beeraha iyo waxyalaha hore u xumaanaya, marmarada, iyo qalabka dhismaha. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay u muuqata inay sii lumineyso qabaa’ilka Soomaalida. Dadka waxay masuugsan yihiin hanaanka xil bixinta ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Ku dhawaad 50 digreeto oo labada xafiis ee dalka ugu sareysa kasoo baxday tan iyo 15-kii May ayaa ku dhawaad 40 kamid ah loo leexiyay beesha uu madaxweynuhu ku metalo saami-qeybsiga 4.5. Soomaaliya waxaa lagu joogaa heshiis aan qorneyn oo la yiraahdo 4.5. Marka laga tago awoodaha waaweyn oo kala calaamadeysan waxaa jira buuq aan dhamaan oo la xiriira awoodaha dhexe iyo kuwa hoose. Madaxweyne kasta oo yimaada Villa Somalia waxa la eega sida uu beelaha ugu cadaalad falo. Durba madaxweyne Xasan Sheekh dhaliil ayaa dhankaas kaga timida. Beesha Puntland degta miisaankeeda lama hayo, beesha Gedo degtana weli waa gadoodsan tahay, beesha udub dhexaadka u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waxay dhawaan ku shireen miisaankooda magaalada Nairobi waxaana sheegeen inay dhaliil ka qabaan saamigooda dowladda federaalka. Shalay waxaa magaalada Muqdisho ku shiray xildhibaanada labada Aqal ee beesha hoggaamisa maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyaguna dhaliilsan saami-qeybsigooda dowladda federaalka. Madaxtooyada Soomaaliya hadda iskama indho-tiri karto cabashooyinkan muuqda. Ma jiro madaxweyne raadinaya inuu xukunkiisu guuleysto oo iska indho-tiri kara cabashada qabaa’ilka. Haddaba, Maxaa la gudboon madaxweyne Xasan Sheekh marka laga hadlayo marxaladaan?. 1. Inuu dib u habeyn dhanka beelaha ah ku sameeyo magacaabistiisa oo ay cabasho badan ka taagan tahay, si aanay qabaa’il badan uga xarig furan dowladiisa. Isku dheeli-tirnaan beeleed oo xagga awood qeybsiga ah waa muhiim xilligaan, iyada oo la ogyahay sida aan beelaha looga maarmin marxaladaan lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. 2. Shaqsiyaadka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh xilalka umadda ugu dhiibeyso ayaa sidoo kale la isku haysta, kuwaasi oo iyaguna u baahan dib u hubin. Maadaama dadka la magacaabay ay ku jiraan dad la masuugay inay u qalmaan in bulshada hoggaamiyaan, kuwaasi oo ku suntan dhaqan aan fiicnayn. Xitaa qaar dadkaas kamid ah wakiiladda beesha caalamka ayaa la sheegaya in illaa hadda liqi la’yihiin inay wada-shaqeyn la yeeshaan. 3. Madaxweynaha waxaa laga raba inuusan iska indho-tirin cawaaqibka ka dhalan kara in beelaha la lumiyo, sababta oo ah haddii qabiilka aad lumiso xildhibaankiisana waa lumisay, taasina siyaasad ahaan iyo shacbiyad ahaanba wey ku saameyn kartaa. 4. Suurad xumeynta madaxweynaha: Mowduucan haddii aan si dhab ah loo qaadan oo aan laga shaqeyn waxa uu madaxweynaha ku shaanbadeyna inuu yahay nin beeleed, taasina uma fiicna inuu ku sifoobo ama laga aamino. The post Habka xilal qeybinta dowlada Xasan Sheekh iyo afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha hore dagaalka ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay sii xoogeysteen howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ee ka bilawday gobollada dalka gaar ahaan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug laga gaaray guullo muhiim ah laguna qabtay magaalooyin kala duwan. “Sida aad la socotaan dalka guud ahaan waxaa ka socda howl-gallo ballaaran, markii aan halkaan ku kala tageynay deegaanno badan oo aan xor ahayn oo Khawaariijtu dadka Soomaaliyeed ku dhibaateyneysay ayaa xor ah, waxaa la rabaa in la dardar-geliyo howl-gallada,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu shaaciyay in ciidamada federaalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku ballameen fulinta howl-gallo xooggan, si la isugu xiro guud ahaan howl-gallada ka socda dowlad-goboleedyada hoostaga dowladda federaalka. “Saaxiibadiina HirShabelle iyo Galmudug waxa ay qabteen shaqo muhiim ah oo cadawga uga xorreeyeen meelo muhiim ah, sidaas oo kale ayaa la rabaa in guud ahaan dalka looga cirib-tiro Al-Shabaab.” Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada dowladda federaalka iyo Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee deegaannada maamulkaasi. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay toddobaadyadii u dambeeyay uu hakad kooban ku yimid dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, marka laga reebo duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadaan kooxda. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneysay isu-diyaarinta wejiga labaad ee howl-galka, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo cusub oo ay Soomaaliya usoo diri doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS. Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in wejiga labaad ee howl-galka uu awood u yeelan doono in kooxda Al-Shabaab looga saaro “xaafad iyo magaalo kasta” oo hadda ay gacanta ku hayaan. The post Wararkii ugu dambeeyay ee howl-galada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Duqa magaalada Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo dalbaday in dhinacyada isku haya ay ka baxaan gudaha magaalada. Duqa Laascaanood oo beesha caalamka ku wargeliyay tacadiyo uu sheegay in Somaliland ay kula kacday dad aan qeyb ka aheyn dagaalka iyo kuwa gudaha magaalada, ayaa waxa uu dalbaday si ay u dhaqan-gasho xabad joojin labada dhinac ah marka hore ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC laga saaro magaalada Laascaanood. “Ciidamada Somaliland waa in laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, lana geeyo degmada Caynaba si ay u hirgasho xabad-joojintii labada dhinac isla qaateen. Sidoo kale in shacabka hubeysan (ciidanka SSC) ee magaalada gudaheeda ku dhex jira in laga saaro si loo soo celiyo adeegii bulshada, una soo noqdaan dadkii barakacay,” ayuu yiri. Duqa magaalada Laascaanood ayaa ku macneeyay in soo jeedintan ay meesha ka saareyso dagaalka socda ku dhawaad bil, ayna fursad u siineyso dadkii ka barakacay magaalada inay dib ugu soo noqdaan. “Waa in gargaar bini’aadannimo la soo gaarsiiyo dadkii dhibaatadaas saameysay oo ku sugan guud ahaan degmada Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buuhoodle. Kuwii gobolada kale u barakacay sida Puntland u barakacay in lala qabto wixii lala qaban karo.” Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka, halka qaarkood ay dileen, sida uu sheegay. “Somaliland waxay maxaabiis ahaan u kaxeysteen dadkii beeraleyda ahaa ee magaalada ka agdhawa iyo dadkii reer guuraaga ahaa ee xoolo dhaqatada ah iyo wax ma haystadii ka agdhaweyd magaalada, oo leeyihiin waxaa haysana maxaabiis dagaal, mana ahan ee waa dadka sidaas ah.” “Magaalada waxaa ka socda xasuuq bini’aadannimo, cadowtinimo, ciribtir iyo wax aan hore u maqal, waxaas oo dhan waxaa masuuliyadeeda iska leh ciidamada Somaliland iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ee xukunta. Dhibaatada intaas le’eg inay ka dhacday Laascaanood ayaa waxaa u cadeynayna umadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ay khuseyso.” The post Duqa Laascaanood oo beesha caalamka u diray dalab ka dhan ah ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC appeared first on Caasimada Online.
-
The first recipient is Nimo Abdi, a senior at Capital High School in Boise. Abdi, 17, came to the U.S. from Somalia as a small child and has spent the years since navigating a different language and culture. She told the Idaho Statesman that she plans to study microbiology when she attends the College of Idaho in the fall. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo kaashanaya dhigooda ciidanka Booliska dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii Arbacadii darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Ninkan oo loo haysta dilka Allaha unaxariistee Daahir Ibrahim Abshir oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dhalinta ku shaqeysata gaadiidka Moota Bajaajta ayaa baxsaday kadib markii uu dilka geystay, ayada oo markii dambe ciidanka u suurta-gashay inay gacanta kusoo dhigaan. Eedeysanahaan oo markii uu falka geystay u baxsaday gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku guleysteen in gacanta lagu soo dhigo, waxaana sida ugu dhaqsaha badan la hor-geyn doona hay’adaha kale ee garsoorka dalka, ayada oo la marsiin doono cadaalada, sida uu sheegay taliska Booliska. Taliyaha Booliska HirShabelle Xasan Dhicisoow oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ninkan lasoo qabtay ee dilka geystay uu kamid ahaa ciidamada Macaawisleyda, ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Taliye Xasan Dhicisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in eedeysanaha ay markii hore wada socdeen marxuumka uu dilay, oo ay saaxiib ahaayeen, sida uu sheegay. “Wiilka ku dhintay halkan iyaga oo wada socda oo saaxiib ah ayay ahaayeen oo dhibkaas ayaa dhacay. Wiilkii dhintay Allaha u naxariisto kii wax geystay gacanta ku hayna oo waxaa iska kaashanay ciidamada gobolka Banaadir maadama uu gobolka uu wax ku dilay oo uu isku dayay inuu u baxsado gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa nagala qeyb qaatay howl-galka soo qabashada ehelladii uu ka dhashay wiilka dadka dilay oo marka uu dhibka dhacay waxay go’aan ku gaareen inay soo qabtaan meel kasta uu tago, ayaga ayaa noo fududeeyay.” Taliska Booliska ayaa ugu dambeyntiina sheegay “in markasta u taagan yahay in uu si buuxdu u guto waajibkiisa shaqo, si dadka shacabka ee uu soo gaaro dhibkaan oo kale ay cadaalad u heleaan.” Dilkan loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo maalmihii u dambeeyay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho. Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka. Intii uusan dilkaasi dhicin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaan caasimadda Muqdisho. “Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. The post Daawo: Booliska oo soo qabtay ninkii Isgoyska Jubba ku dilay darawalka iyo xog cusub oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Copenhagen (HOL) - A 44-year-old Somali Dane is on trial in a Danish court in Odense for allegedly forcibly circumcising his 12-year-old daughter and subjecting her to physical violence and 'sexual slavery,' as well as taking her and her younger brother, aged 9, to Kenya and Somalia between June 2017 and December 2021. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo markale ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa waxay sheegtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in maamulkooda uu helay xog ku saabsan in ciidamada gaarka ah ee Puntland ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool. “Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaarada gaashaandhigu waxay rabtaa in ay ku wargaliso beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan ciidanka qaranka maalamaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga oo ku qorna luuqada Ingiriiska. War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Somaliland markii ay xogtan sirdoon ay heshay si dhab ah u qaadatay khatartaas, islamarkaana ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo dadka iyo deegaanada Somaliland. “Maamulka Puntland ee Soomaaliya waxa uu doortay in uu cadaawad intaas le’eg ka qaado Somaliland. Waxaan rabnaa in aan cadeyno, si kastaba ha ahaatee, in aynaan ka laba labayn doonin ama isu dhiibin gardarro kasta. Nafteena iyo dadkeenaba waanu difaaci doonaa dhamaanteen.” Somaliland ayaa waxa kale oo ay sheegtay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, iyaga oo u jeediyay beesha caalamka tallaabo ka dhan ah arrintaasi. “Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.” Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in waxba iska bedelin go’aankeedii kal hore ee xabad-joojinta iyo in xiisadda ka taagan Laascaanood lagu xaliyo miisak wada-hadalka. “Somaliland waxa ay weli ku taagan tahay nabad ku wada-noolaashaha iyo wada-shaqeynta dhamaan jaarkayaga, laakiin kama waaban doono inaan difaacno muwaadiniintayada, dhul, iyo madax bannaani marka loo baahdo.” The post Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka iyo qorshe ay wado Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegaya duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Ciidamada Somaliland ee ku sugan Dhuxun iyo Gooja-cadde ayaa halkaas ka wada dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo xooggan. Taliska Muuse Biixi oo maalmo ka hor lagu jebiyay jiidaha dagaalka Laascaanood ayaa mar kale is abaabul wada si uu weerar ugu qaado ciidamada degaanka SSC. Korneyl Muuse Biixi ayaa sida la rumaysan yahay maalmahan ka shaqaynayay dib u abaabulka ciidamadii Somaliland ee ku kala daatay dagaalkii Laascaanood. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo abaabul dagaal ka wada duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
For much of the last 20 years, the autonomous, but unrecognized, Republic of Somaliland has been a bastion of stability in the perennially unstable Horn of Africa. However, fighting between the government of Somaliland and clan based militias in the eastern region of Sool threatens to upend the security and stability Somaliland has long enjoyed. Source: Hiiraan Online
-
The humanitarian crisis in the Horn of Africa caused by the most prolonged and severe drought in recent history is set to deepen further as forecasts predict a sixth consecutive failed rainy season in March-May. Source: Hiiraan Online
-
The Political and Security Committee (PSC) has approved additional support for the Somali National Army (SNA) and for the military component of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Both actions aim at contributing to the handover of security responsibilities from ATMIS to the SNA, by allowing the former to fulfil its mandate while strengthening the capacities of the latter. The EU will add €85 million to the resources already mobilised for ATMIS for 2023 and €25 million for the SNA. For ATMIS, the agreed support will mostly contribute to the troop allowances of the African soldiers deployed. Over the period 1 July 2021 – 31 December 2022, previous support under the EPF amounted to €185 million. For the SNA, it will focus on the provision of non-lethal equipment and on infrastructure works, in close coordination with the European Training Mission in Somalia (EUTM-S). A previous support to the SNA under the EPF had been approved in November 2021 and amount to €20 million. Background The EU is the largest direct contributor to ATMIS for a total amount of €2.4 billion since 2007. The EU is ready to remain closely engaged and fully committed to contributing to the activities of the ATMIS and consolidate the achievements attained so far. In line with the EU’s Integrated Approach to external conflicts and crises, EPF funding for ATMIS is one element of a broader, coordinated and coherent engagement of the EU to support security and peace in Somalia, and in the Horn of Africa at large. It is notably paired with capacity-building support to the SNA, with the aim of allowing a handover of security responsibilities. The EU support to Somalia in this regard is in line with relevant UN Security Council Resolutions and with the Somali Transition Plan. The support for the military component of ATMIS and for the SNA are financed under the Assistance Measure in support of African-led Peace Support Operations worth €600 million under the EPF covering the period 2022-2024. Source: EU The post EU support to Somalia: Council approves further support under the European Peace Facility to the Somali National Army and to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) appeared first on Puntland Post.
