-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Taliska Boliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkii galabta dilay darawalka Mooto Bajaajta uusan ka tirsaneyn booliska, isla markaana uu baxsaday. Taliska ayaa shaaciyey in baaris hordhac ah lagu ogaaday in ninka dilka geystay iyo mid la socday oo ciidanka aan ka tirsaneyn ay wateen qori AK47 ah. “Galabta abaara 04:00pm Dableey Hubeysan oo ka koobnaa labo nin oo Mid kamid ah watay Qoriga AK47 ayaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka Mooto Bajaajta ku dilay agagaarka Isgoyska Jubba ee degmada Shangaani,” ayaa lagu yiri qoraalka. Booliska gobolka ayaa sidoo kale cadeeyey in raggii dilkaas geystay ay goobta isaga carareen, isla markaana uu socdo dabagal la doonayo in lagu soo qabto. “Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaana ogaaday in eedeysanaha falka geystay iyo midka la socday labadu aysan askar dowladeed aheyn, ragga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo, dhawaan ayaana bulshada la wadaagi doonaa waxa kasoo kordha,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska. Dilka galabta loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo saacadii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho. Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana shalay iyo maanta qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka. Intii uusan dilkaasi dhicin galabta, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaa caasimadda Muqdisho. “Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu maanta yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isisoo tarayey hadalheynta iyo tuhunka la xariira cidda ka dambeysa dilka joogtada noqday ee loo geysto wadayaasha mooto Bajaaj-ta, banaanbaxyo ka dhashay dilkii ugu dambeeyey ee galabta isgoyska Jubba ka dhacay ayuu dhigay shacab careysan. The post Booliska oo iska fogeeyey ninkii galabta Muqdisho ku dilay darawalka ee baxsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Jubbaland. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo. Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi ka billaabi doona qorshaha Jubbaland heshiis ah, xilli ay muddooyinkii dambe uu maamulkaasi ka taagna xiisadda xoogan oo la xiriirta gobolka Gedo. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Kismaayo uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u kuur-gali doona xaaladda deegaannada Jubbaland, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya dardar-gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaannad ay kaga sugan yihiin maamulkaasi. Xasan Sheekh ayaa dadaal badan gelin doona sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah wafidgiisa. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi. Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Sawirro: XASAN oo qorshe culus ka billaabaya Jubaland kadib heshiiskii Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta galinkii dambe gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kismaayo u tagay dardargelinta wajiga labaad ee dagaalka Alshabaab looga saarayo deegaannada Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool. Sidoo kale, waxaa la sheegay in Madaxweyne xasan inta uu ku sugan yahay Kismaayo uu ka shaqeynayo xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj. Askarigii dilka gaystay ayaa sida goobjoogayaal sheegeen ku baxsaday mootadii uu waday darawalkii uu dilay. Dilka kaddib qaar ka mid ah darawallada Mooto Bajaajta ayaa dhigay bannaan-bax ay uga soo horjeedaan dilalka wadayaasha Bajaajta oo joogta ka noqday magaalada Miqdisho. Bannaan-baxyaasha ayaa sheegay haddii dowladda wax ka qaban waydo dilalkooda in ay hub iibsan doonaan, isla markaana ay is difaaci doonaan. Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho aad ugu soo batay dilalka loo gaysanayo darawallada Mooto Bajaajta, waxaana shalay ay aheyd markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay agagaarka laami yaraha Soobe ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Dilka wadayaasha Mooto Bajaajta oo joogto ka noqday Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland oo ka hadlay dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ay wadaan xulufo ay sheegeen inay la fikir yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in markii hore kacdoonka reer Laascaanood ee isku badalay gacan ka hadalka uu ku yimid hoggaan xumada Muuse Biixi ee Somaliland. Faysal ayaa dagaalka socda ku tilmaamay mid looga soo horjooda jiritaanka Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah in ka badan 30 sanno. “Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad Barre,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga Ucid ayaa ku baaqay in reer Somaliland ay u midoobaan sidii Somaliland looga bad-baadin lahaa wax uu ugu yeeray “wuxuush qaranka dumineysa”. “Waa in aan u midownaa sidii Somaliland uga badbaadin lahayn wuxuushta isa soo baahaystay ee duulaanka ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.” Somaliland ayaa hore dhowr jeer dagaalka Laascaanood ka socda ugu eedeysay dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin dowladda federaalka, maamulka Puntland iyo kooxo ay ku sheegtay argagixiso. Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa dhankooda beeniyay sheegashooyinka Somaliland, iyaga oo sheegay in shacabka reer Sool oo kaliya ay dagaalka ku jiraan Somaliland. Xiisadda Somaliland iyo dadka ree SSC ayaa kasii dartay kadib markii Isimida SSC ay caddeeyeen inay kasoo horjeedeen kala goynta Soomaaliya iyo mashruuca Somaliland ee gooni isu-taagga, islamarkaana ay sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka. The post Mucaaradka Somaliland oo sheegay in dagaalka Laascaanood ‘ay wadaan xulufadii’ Siyaad Barre appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The United States has stepped up its military aid to Somalia as the country experiences progress in its fight against what the US calls “the largest and most deadly al-Qaida network in the world.” In a statement, the US announced that 61 tons of weapons and ammunition had arrived in Mogadishu as part of its support for the Somalia-led military campaign against al-Shabab extremists. The campaign has recaptured dozens of communities since August. It has been dubbed a “total war” by Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud. Who is Al-Shabab in Somalia? Al-Shabab is an Islamist extremist group that seeks to establish a fundamentalist Islamic state in Somalia. The group has been active in the country since 2006. It has been responsible for numerous terrorist attacks, including the 2013 Westgate shopping mall attack in Nairobi, Kenya, which killed 67 people. Al-Shabab has also been involved in piracy and smuggling weapons and people across the Horn of Africa. Somalia has been in conflict for decades, with various factions vying for control of the country. Successful military campaign against al-Shabab Local communities and militias initiated the current military offensive against al-Shabab, pushed to the brink by the extremist group’s taxation policies, and exacerbated by the country’s worst drought on record. The Somali government quickly lent its support to the campaign, which has seen the neighboring countries of Ethiopia, Kenya, and Djibouti agreeing to a joint “search and destroy” mission against al-Shabab. US provides support to Somalia-led campaign The US has an estimated 450 military personnel in Somalia after President Joe Biden reversed his predecessor Donald Trump’s decision to withdraw US forces. The US supports the Somali forces and a multinational African Union force with drone strikes, intelligence, and training. In a joint statement with other leading security partners, Qatar, Turkey, the United Arab Emirates, and Britain, the US expressed its commitment to support Somalia’s efforts to manage weapons and ammunition, which could lead to the lifting of the United Nations Security “Partners agreed on the importance of ensuring timely delivery of stabilization assistance to newly liberated areas. They committed to support Somalia’s efforts to meet the benchmarks on weapons and ammunition management to enable the UN Security Council to fully lift the arms controls on the Federal Government of Somalia,” the countries have said in a statement. Efforts to shed Somalia’s history as a failed state Somalia has been recovering from decades of conflict. The federal government is eager to attract investment and shed the country’s history as a failed state. Under President Hassan Sheikh Mohamud, the government is cracking down on al-Shabab’s financial network and encouraging religious authorities to reject the extremist group’s propaganda. The government has also enlisted a former deputy al-Shabab leader as the country’s current minister for religious affairs. The increased support for the Somalia-led military campaign comes as the African Union force is set to withdraw from the country and hand over security responsibilities to Somalia by the end of 2024. The US and its partners’ increased assistance will help bolster Somalia’s efforts to defeat al-Shabab and create a stable and secure environment for the country’s future development. The post Somalia: United States steps up military assistance appeared first on Caasimada Online.
-
Taliayaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmad Firin ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay amniga, shirka ayaa waxaa ku wehlinayay Taliye ku-xigeenka Cusman Cabdulaahi Maxamed (kanif) iyo saraakiisha qeybta Booliiska gobolka Banaadir, taliyaha ayaa amarro kale duwan siiyay qeybaha ciidanka. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga caasimadda, oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah oo ay qeyb ka ahaayeen ciidan ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska iyo Nabad Sugidda, waxaana aad loo gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinkaan kusoo laablaabtay caasimadda. Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sulub ayaa dhamaan sarakiisha laba ciidan ku Amrey in aya tallaabo Ka qaadaan dadka ku lugta leh dilalka ka dhaca magaalada oo mararka qaar ay geystaan shakhsiyaad ku labisan dareeska ciidan, taas oo keentay in shacabku ay walaac ka muujiyaan kalsoonida ciidanka ammaanka ee magaalada. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda ah ee Muqdisho 48-kii saac ee tagtay ay ka dhaceen falal kale duwan oo ay qaarkood ku lug lahaayeen ciidanka Booliiska sida dhacdadii ka dhacay Isgoyska Siinaay iyo sidoo kale dil ka dhacay Isgoyska Soobe, oo askari uu toogtay wade Mooto Bajaajle midna uu dhaawacay Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaalada Muqdisho. Dilkan oo ka dhacay Isgoyska Jubba oo ka tirsan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegaya in askarta dilka u geysatay ay kaxeysteen Mootadii uu watay marxuumka. Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa hadda ka socda banaanbax xooggan oo ay dhigayaan qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mootada, oo ka gadoodsan dilka oo gyestay darawal kamid ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhigaya banaanbaxa oo careysan ay sheegay in aysan ka tageynin goobta illaa la keeno askariga dilka geystay. Dilka maanta ayaa imanaya, iyada oo shalay un uu askari illaalo u ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu agagaarka Laamiyaraha Zoobe ku dilay wiil dhallinyaro ah, oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada. Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Booliska ayaa inta badan sheega inay waxa ka qabanayaan dilalka soo noq-noqday ee ciidamada dowladda ka geysanayaan magalaada Muqdisho, haddana ma muuqato wax iska badalay arrintaan oo noqotay mid maalinle ah oo la nool yihiin dadka caasimada. The post DEG DEG: Ciidamada DF oo dil kale ka geystay Muqdisho iyo xaalad kacsan oo taagan appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin kale duwan iyo kuwa ka socday Beesha Caalamka iyo saaxiibada daneeya Soomaaliya Shirka oo , ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya, si looga hortago biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda, iyadoo xilligaan dalka ay ka jiraan Abaaro xoogan dadka ayku adag tahay in ar keydsadaan Roobka. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Xukuumadduna ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna. , Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxaha Al-shabaab oo burburiyey ilo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi, xilli ay ciidanka dowladda kala kulmeen dagaallo looga saaray deegaanno badan. Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Beeraha Dhirta iyo Waraabka, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobaleed, Hay’adaha Deeq-bixiyeyaasha, Urur Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya. Shirka oo ay ka soo qeyb-galeen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya. Shirkan ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto. Waxa uu sheegay in xukuumadda ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna. Sidoo kale waxa uu xusay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay burburiyeen illo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda biyaha iyo tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasaaradda beeraha dhirta iyo waraabka, wasaaradaha heer dowlad gobaleed, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Ujeedka shirka Muqdisho uga furmay Soomaaliya iyo beesha caalamka + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Pleased to host #Somalia, #UK, #UAE, #Qatar, and #Turkiye for productive talks on advancing shared goals in Somalia. We look forward to continuing close coordination in support of the Somali government and its people. https://t.co/6eepzEbseU — Bureau of African Affairs (@AsstSecStateAF) March 1, 2023 Qaran News
-
Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada. Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda. Dalalka ayaa ugu dambeyn sheegay inay isku raaceen in muddo saddex bil gudaheed ah ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo sii wado wada-hadallada ku aadan Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Lix dal oo Washington ku yeeshay Shir ku saabsan Arrima Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Mareykanka ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka, oo ay faafisay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in dalalkan ay taageero u muujiyaan dadaallada ay Soomaaliya kula dagaalameyso argagixisada. Waxay sheegeen inay ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxay sheegeen inay isku raaceen in la mideeyo kaalmada amni ee caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in gargaar xasilin la gaarsiiyo deegaanda laga saaray kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ayaa intaas ku daray in dalalkan ay ka go’an tahay inay taageeraan dadaallada Soomaaliya ee ku aadan buuxinta halbeegyada xakameynta hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu si buuxda ugu qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya. Waxay walaac ka muujiyeen dagaallada muddada bil ku dhow ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ku baaqeen in loo hoggaansamo xabad-joojinta, la ogolaado gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo, islamarkaana wada-hadal lagu dhameeyo xiisadda. Dalalka ayaa ugu dambeyn sheegay inay isku raaceen in muddo saddex bil gudaheed ah ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo sii wado wada-hadallada ku aadan Soomaaliya oo xilligaan kasoo kabanaysa dagaallo iyo arrimo kale oo dib u dhigay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wakiilada saaxiibada caalamka ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta oo ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood, ayaa dalbaday in dhinacyadu ay joojiyeen colaadda. Wakiilo ka socday shantan dal oo kulan yeeshay ayaa sheegay inay aad uga walaacan xiisadda dagaal ee ka taaga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur magaalada. Waxay ugu baaqeen in labada dhinac ee isku haya halkaasi, ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC inay u hoggaansamaan xabad-joojin, si miiska wada-hadalka loogu xaliyo xiisadda taagan. Sidoo kale waxay wakiilada ka socday Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta ay muujiyeen taageerada dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo kobcinta awoodda dowladnimo. “Waxay ka wada-hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo u diyaar-garowga ka bixintaanka howl-galada Midowga Afrika ee Soomaaliya.” Ugu dambeyntiina dalalka shanta ah ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah iyo gargaar gaarsiinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 24-aad oo xiriir ah ayaa maalmihii dambe sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi. Labada dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood ayaa dhowr jeer loogu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, iyada oo Somaliland ay laftigeedu ku dhawaaqday xabad-joojin, haddana majiro wax ka dhaqan-galay, waxaana sii socda dagaalka. The post Mareykanka iyo afar dal oo war culus kasoo saaray dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaalka, sidiisaba, foolxumo ayaa ka soo baxda, xataa hadii uu xaq yahay. Marka uu mid xaqdarro ah yahay, ee dad ehel ah dhex maraayo na, waa kan Laascaanood ka socdee, foolxumooyin ka sii waaweyn baa ka soo baxa. Dagaalkaas joojintiisu Hargeysa ayuu gacanta u gu jiraa, Hargeysa se nimaan talin jirin, talo na qaadan baa u cumaamadan. Hadii aanay sidaas ahayn, dagaalkani ma ba dhaceen. Marka ay sidaas tahay, taariikh baa is qoraysa. Muuse iyo inta la talo ahi daadashada dhiigaas micno darada ah u heelanyihiin, mucaaridku na, nabadda iyo joojinta dhiigga ayay ku dadaalayaan. Qolada dhiig-doonka ahi kuwa nabad doonka ah waxa ay u bixiyeen cadowga gudaha, weli se kuwa dambe kuwa hore magac u ma bixin. Qolada nabad-doonka ahi ilaa hadda laba wax oo waaweyn ayay ku dhaqaaqeen – (1),ololihii Muuse ee ‘Tolaay yaa Isaaqaheey’, waa ka la daadiyeen oo maanta taasi ma jirto. Marka 2aad na, oo runtii ta hore la miisaan ah amma ka ba culus, jihadii dagaalka la doonaayay in la mariyo, oo ah in dadka Reer-Sool ay argagixiso yihiin, maya ayay yidhahdeen. Dadka Reer-sool in aanay argagixiso ahayn, dagaalku na yahay mid sokeeye oo dad ehel ah dhex maraaya, xalkiisu na aanu xabbad ahayn ayay sheegeen. Laba talaabo oo aad muhiim u ah, taariikhda qormaysa na baal dahab ah ka gelaaya weeye. Sidaas oo ay tahay, mar hadii xabbaddii weli socoto, wiilashii masaakiinta ahaa na labada dhinac ba ku dhimanayaan, intaasi ma ku filna. Mucaaridku hadii ay moodaan intaas in waajib ka ga dhacay, waa gefsanyihiin. Waxa loo baahanyahay talaabooyin hor leh iyo dadaal aan ka la joogsi lahayn, maxaa yeelay dhiig-doonayaashii bilaa caqliga ahaa weli dadalkoodii waa wadaan. Mucaaridku waa in ay shirar hor leh qabtaan, oo dhalinyarta iyo waayeelka ba abaabulaan. Waa in la so saaro qorshe nabadeed oo sabab u noqda in dagaalku joogsado. Waa in ay mudaharaaddo ku baaqaan, ciidanka na u sheegaan in ay amar-diiddo sameeyaan, la mid ah tii dhawaan ay Tukaraq ka ga soo baxeen. Aamuska mucaaridka ee maalmahan waxa loo qaadan karaa in ay is dhigteen, hadii ay jirto na waa qalad. waxaa qoray:Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay laba hindise-sharci oo muhiim ah, kuwaasi oo maalmihii dambe uu golaha si weyn uga doodayay. Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka Dhowrista Maal-gashadayaasha iyo Maalgashiga, waxaana sharcigaan u codeeyay 145 xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, mana jirin wax diiday. Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta Dadweynaha, waxaana sharcigaan u codeeyay 146 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, sidoo kale wax diiday ma jirin. Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta dadweynaha. Sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada. Ugu dambeyntii ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta, iyada oo sheegtay in ay ansax-yihiin labadaasi sharci. Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood. Bishii hore ayay aheyd markii guddoonka Golaha Shacabka la sheegay in uu si sharci darro ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka golaha uu xilligaas sheegay in uu ansax-yahay. The post Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay laba sharci oo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
-
iska hor imaad ayaa saaka ka dhacay degaanka farxamudh ee ka tirsan degaanka biyo guure bariga Barbara oo maalmahanba khilaaf ka taagnaa Kaas oo u dhaxeeya bulshada degaanka iyo ganacsade ina aw siciid oo la sheegay in la siiyey dhul ku yaala degaanka farxamudh Bulshada degaanka oo hore warbaahinta ula hadlay ayaa ka digay dhulka khilaafku ka taagan yahay oo ku shegeen dhul daaqis Xigasho :Maslax Saleebaan Side Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Food security experts have declared the situation in Somalia “extremely critical” for more than 6 million people who remain hungry amidst a historic drought. The UN and partner organizations released the latest assessment, which revealed “very high mortality rates” in the worst-affected populations. The quarter-million people are located in Somalia’s capital, Mogadishu, and the southwestern city of Baidoa. Officials have yet to provide further details regarding the report’s revelations. Although the report no longer projects famine for the worst-hit population between April and June, the assessment only slightly eases warnings of acute food insecurity. The Horn of Africa could face its sixth failed rainy season in a row. Some humanitarian and climate officials warn that trends are worse than the 2011 famine that killed a quarter-million people in Somalia. Crisis in Somalia further compounded Millions of livestock have died in the current crisis, compounded by climate change and insecurity. Somalia is battling thousands of fighters with al-Qaida’s East Africa affiliate, al-Shabab. The UN migration agency reports a record high of 3.8 million people displaced. According to the latest food security assessment, nearly half-a-million children in Somalia are at risk of being severely malnourished this year. The review released in December predicted famine for people displaced to Mogadishu and Baidoa, along with rural communities in the Baidoa and Burhakaba districts. People arrive at a displacement camp on the outskirts of Dollow, Somalia, on Wednesday, Sept. 21, 2022. Somalia is in the midst of the worst drought anyone there can remember. A rare famine declaration could be made within weeks. Climate change and fallout from the war in Ukraine are in part to blame. (AP Photo/Jerome Delay) Slight alleviation of food insecurity in Somalia However, the new assessment provides a slightly better outlook, suggesting that more humanitarian aid and improved forecasts for the rainy season could alleviate food insecurity and acute malnutrition conditions, including better access to water. Nonetheless, the assessment warns that the situation still depends on the rainfall and whether aid can reach the most vulnerable populations. Understanding famine and its consequences Famine refers to an extreme lack of food, a significant death rate resulting from outright starvation or malnutrition, and diseases like cholera. A formal declaration of famine is made when data shows that more than a fifth of households experience extreme food gaps, more than 30% of children are acutely malnourished, and over two people out of 10,000 die daily. Despite the report’s slight optimism, the situation in Somalia remains dire. As such, urgent intervention and support are necessary to prevent a devastating outcome. The UN and humanitarian organizations are providing aid. However, they must receive enough support to reach the most vulnerable populations in Somalia. The post Somalia: Drought ‘extremely critical’, no famine – UN appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Ansixiyay Sharciyo Muhiim
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xanta Villa Hargeysa ansixiyay hindise sharciyeedyo, kuwaas oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo horay uga soo gudbay golaha wasiirrada xukuumadda federalka. Kulanka ayaa xildhibaanna ku meel mariyeen hindise sharciyeedyo kala ah: Dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga’, kaas oo ay soo gudbisay wasaadda Qorsheynta iyo Maalgashiga. waxaana sharcigaan u codeeyey 145 Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, wax diidayna ma jirin. Mudanayaasha golaha shacabka ayaa sidoo kale akhrinta 3-aad, marsiiyay oo u codeyey hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangalinta dadweynaha, kaas oo ay soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib-u heshiisiinta, sharciga ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh lagu meel mariyay gabagabadii kulanka. Xildhibaannada ayaa dhinaca kale ajendaha maanta waxaa ku jirtay qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada, wasiirrada arrimaha gudaha iyo qorsheynta oo golaha horyimid ayaa uga mahadceliyay meel marinta sharciyaad oo muhiimad gaar ah u leh dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa yidhi ” Qalalaasihii ka dhashay arxan-darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dad rayid oo bannaan-baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal-xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad-barre . Waa in aan u midownaa sidii aan Somaliland uga badbaadin lahayn kuwan isa soo baahaystay….” Qaran News
