-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa maanta iyo shalay deggan marka loo eego maalmihii la soo dhaafay ee dagaaladu halkaas ka socdeen. Nolosha caadiga ah ayaan weli ku soo laaban magaalada dadkuna intooda badan wey ka maqan yihiin gudaha magaalada balse wax dagaal ahi kama dhicin illaa shalay. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta war cusub kasoo saaray khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi, kaas oo qaatay 24 maalmood oo xiriir ah. Maayarka magaalada Laascaanood Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil oo ka hadlay khasaaraha guud ayaa shaaca ka qaaday in dhimashada iyo dhaawac uu haatan sii kordhay. Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil ayaa xaqiijiyay in dhimashada ay haatan mareyso illaa 210 qof, kuwaas oo u badan dad shacab ah, sidoo kalena ay dhaawacmeen 680 ruux oo kale. Waxa kale oo uu xusay in dagaallada weli ka socda halkaas ay ku barakaceen illaa 200 oo kun oo qoys, kuna noolaa magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dagaalladan ay ku burbureen illaa 755 guri oo ay lahaayeen dad shacab ah , kadib markii lagu garaacay duqeyn xoogan. Duqa magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale sheegay in xad-gudub xoogan ay Somaliland ka geysatay magaalada, isla-markaana ay madaafiic ku burburisay xarumaha muhiimka ah ee adeegyada bulshada iyo sidoo kale guryaha shacabka ee isaga barakacay halkaasi. Dhanka kale dagaalka ayaa weli socda, waxaana is horfadhiya ciidamada labada dhinac ee dagaalamay, taas oo uga sii dareyso xaaladda adag ee ka taagan Laascaanood. Inta uu socday dagaalka ayaa ciidamada Somalilalnd waxaa laga qabsaday dhul ballaaran, waxayna dib uga baxeen aagagii ay horay uga dagaalamayeen ee Laascaanood & Tukaraq. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Laascaanood, maadaama aysan labada dhinac aysan weli sameyn wax tanaasul ah. Si kastaba, waxaa isa soo tarata baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. The post Tirada dhimashada dagaalka Laascaanood oo gaartay 210 appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and Alshabab terrorists vow to divide Somaliland into warring clans The Somali regime and the Alshabab terrorist group may have different ideologies and objectives, but they share a common goal—the complete destruction of Somaliland at any cost. Despite their bitter enmity, they both agree that bringing Somaliland into the fold as their top priority. However, if reunification between Somaliland as a single entity and Somalia proves impossible, Somalia and Alshabab aim to sow discord among Somaliland’s clans. And this is the epicentre of the Lasanod conflict. This paradox highlights the complex nature of Somali unity, where the pursuit of unity has led to disunity and conflict. The conflict in Lasanod is far more complicated than it appears at first glance, as it involves numerous actors. In 2007, Somaliland took control of the city from Puntland forces, and since then, both Somalia and Puntland have allegedly targeted and killed several officials who supported Somaliland’s bid for statehood while blaming Somaliland for the assassinations. However, it seems counterintuitive for Somaliland to assassinate officials who support its cause. Adding to the complexity, members of Sool clans have also carried out targeted killings against prominent members of rival clans in Lasanod, akin to the lawlessness in Somalia’s capital. Recently, President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia declared that “The people of Lasanod have the right to decide their future.” However, this statement has a double-edged implication. Is the President overlooking something? It is hypocritical when the President acknowledges the self-determination of one region in Somaliland while working against the rest of Somaliland. Mr. President, what is beneficial for the people of Lasanod is also favourable for the rest of Somaliland. Why doesn’t the President acknowledge the desires of the Somaliland people for self-determination and an independent state? While shedding crocodile tears for Somali unity, Mr. Mohamud and his predecessors actively worked to undermine Somaliland’s economic and political stability. They knocked every door that Somaliland approached; they reneged on agreements they had previously signed with Somaliland; and no sooner did Mr. Mohamud resume office, the second time, than he pointed his daggers towards Somaliland again. Despite controlling only a few blocks in Mogadishu, Mr. Mohamud is determined to disintegrate Somaliland into warring clans and factions— turning it into another country riddled with terrorism. Although the presence of organized Alshabab fighters in Lasanod may not be evident, Alshabab-trained individuals actively participate in the conflict in the city. Their main goal is to detach Sool, Sanag, and Cayn (SCC) region from Somaliland. Regrettably, the International community seems to be disregarding this issue. The International community is making efforts to resolve the conflict in Lasanod. However, one of the reasons that Somaliland has managed to maintain relative peace is by keeping foreign interventions at bay. This is a lesson learned from Somalia’s turbulent, where competing foreign actors played a role in tearing the country apart. Thus, organizations such as IGAD which demand Somaliland’s exit from Lasanod are essentially paving the way for lawlessness and a possible Alshabab takeover, especially in the absence of Somaliland security forces. It is important to note that Somaliland security forces are the only barrier between the Alshabab terrorist group and the US military base in Djibouti. Hence, the United States and other International forces stationed in Djibouti must recognize that Somaliland is the bulwark against Alshabab. Any weaknesses in Somaliland’s security forces could attract suicide bombers to Djibouti, resulting in preventable tragedies. Furthermore, if Somaliland’s security forces withdraw and Al-Shabaab takes control of Lasanod, the Somali region of Ethiopia adjacent to Somaliland would face a persistent threat of destabilization from Al-Shabaab terrorists. Often, the international community lacks a comprehensive grasp of the region’s geopolitics and presumes to direct the course of events. However, when things unexpectedly go awry, a plan for mass departure ensues, leaving Somaliland, Djibouti and Ethiopia to fend for themselves. In the event that the Somaliland security forces withdraw from Lasanod, the local clan militias would inevitably engage in violent conflicts for control of the city, resulting in greater loss of life and destruction than the city has ever seen. Soon after, Alshabab will either force the local militia to join its ranks or simply wipe them out. Then, what would be the most rational course of action? To prevent Alshabab from encroaching on Somaliland, the global community must urge the leaders of Somaliland to adjust their approach to the Lasanod conflict while simultaneously bolstering Somaliland’s security forces. Previously, the Khatumo (SSC) militia engaged in a violent conflict with Somaliland security forces in an attempt to dislodge them from Lasanod. The conflict ultimately ended with a peace agreement that involved the integration of the SSC militia into the Somaliland security forces, as well as efforts to promote economic and power sharing to address the grievances of marginalized Sool clan clans. However, Mr. Bihi himself has obstructed efforts to honour these agreements, making it clear that conflict would likely erupt again. The ongoing violence in the region is partially the result of the ineffective leadership of Somaliland and their clan hegemony doctrine. The conflict in Lasanod will only worsen and could result in a confrontation between Somalia, Puntland, Alshabab, and local militias on one side, and Somaliland on the other, as long as Somalia and its Puntland region are allowed to destabilize Somaliland. The current Somali President, Hassan Sheikh Mohamud, and the Puntland leader, Said Abdullahi Dani, should not use the local inhabitants of Lasanod as cannon fodder for political gain. The recent outbreak of violence in Lasanod is unquestionably a multi-faceted conflict. On one side, the Somali government, Puntland, SSC militias, and Alshabab members all agree that Somaliland must reunite with Somalia by any means necessary. On the other hand, the Somaliland government and its supporters believe that replacing Somaliland’s colonial borders with clan boundaries will result in the downfall of Somaliland, transforming it into another failed state plagued by terrorism. Faysal Haji Diriye faysaldiriye@yahoo.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
210 qof ayaa ku nafwaayay colaada Laascaanood, 680 kalena, way ku dhaawacmeen, sida maayirka magaaladu uu warbaahinta u sheegay, waxa kale oo uu ku baaqay in magaalada laga fogeeyo ciidanka Somaliland iyo xoogaga kaleba. Maayarka Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka, isaga oo sheegay in boqolaal qof ku dhinteen, isla markaana ay kumanaan qof ku barakeceen. “Waxa ku dhintay dad shacab ah oo gaadhaya 210, waxa dhaawacmay 680 qof, waxa barakacay 200,000 oo qof , waxa burburay 715 guri, waxa xidhmay 16000 oo ganacsi, waxa la jaray biyihii, waxa la weeraray xaruntii laydhka” Ayuu yidhi Cabdiraxiin. Waxa uu sheegay in ay dhibaato soo gaadhay xafiisyada xukuumada, iyo cisbitaalka wayn ee Laascaanood oo qaybo kamid ahi burbureen. Mayaarka oo ku hadlayay afka golaha deegaanka, ayaa soo jeediyay 3 qof oo uu sheegay in ay ka gola deegaan ahaan u arkaan in lagu nabadayn karo magaalada Laascaanood. “Waxaanu soo jeedinaynaa in ciidamada Somaliland laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, in shacabka hubaysan laga saaro magaalada gudaheeda, in gargaar bini’adamnimo lasoo gaadhsiiyo dadkii dhibaatadaasi saamaysay” ayuu yidhi maayar Cabdiraxiin. Source
-
3 nin oo Soomaali ah oo aan haysan wax dukumenti ah ayaa lagu qabtay dalka Zambia maalintii salaasada ee la soo dhaafay (Feb. 28). Warbaahinta dalkaasi ayaa waxaa ay shalay oo Arbaca ahayd qoreen in Raggaasi ay qabteen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Hay’adda socdaalka ee degmada Isoka ee Gobalka Muchinga ee dalkaasi, una dhow Xuduudka ay Zambia la wadaagto dalalka Tanzania iyo Malawi. Ragga Soomaalida waxaa lala qabtay Muwaadin Ethiopian iyo Dareewal Zambian 43 jir ah. Ciidanka waaxda Socdaalka Zambia ee jooga Barta Kontorool Mwaiseni Checkpoint ayaa qabtay Shanta qof, kadib markii si hoose loogu sheegay in laba Soomaali ah iyo Nin Ethiopian ah lagu soo dhex qariyey Gaadhi Volvo ah oo Shixnad Alwaax ah siday, kana diiwaan gashan dalka Zambia. Baadhitaan Guud oo lagu sameeyey Gaadhigaasi isjiidka ahaa ayaa laga soo dhex qabtay Ragga Soomaalida iyo Ninka Ethiopianka, waxaana iyaga iyo Dareewalkii lagu xidhay Saldhiga Boliska ee Isoka Police Station ee dalkaasi. Toddobaadkii hore ayaa waxaa isla barta Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee Degmadda Isoka ee dalka Zambia lagu qabtay 3 soomaali ah iyo Nin Kenyan asalkiisa Soomaali ah, waxaana lagu xukumay Ganaax Lacageed oo min 7,000 ee Lacagta Kwacha money ee laga isticmaalo dalkaasi. Source
-
Maayirka degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa maanta warbixin rasmi ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood. Maayirka oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Laascaanood ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ay ku dhinteen 210 qof oo rayid ah halka ay ku dhaawacmeen 680 ruux islamarkaana ay ku bara-kaceen dad gaaraya 200,000 kun. Mudane Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan 715 guri ay ku burburiyeen dagaalka halka ay ku xirmeen 16,000 oo kamid ah xarumaha ganacsiga magaalada Laascaanood. Duqa Laascaanood ayaa sidoo kale soo jeediyay in dhammaan ciidamada Somaliland laga saaro Laascaanood iyo degaannada hoosyimaada lana geeyo degmada Caynaba waxaana uu codsaday in gargaar banii’aadanimo la soo gaarsiiyo magaalada. Hoos ka daawo muuqaalka Maayirka. PUNTLAND POST The post Warbixin rasmi ah oo laga soo saaray khasaaraha ka dhashay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Subaxnimadii hore ee saaka waxaa uu dab xooggani ka kacay mid ka mid ah suuqyada khudaarta ee magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Qeybaha kala duwan ee laamaha amniga ee maagalada iyo kuwa dabdamiska ayaa ku guulaystay xakamaynta dabkaasi. Lama oga waxa kiciyay dabkan sida wayn looga dareemay qeyba badan oo kamid ah magaalada. Sidoo kale waxaanan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaasi, balse waxaa jira burbur hantiyeed oo ku basbeelay dabka. Source
-
Faahfaahin ku saabsan QARAX ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan dowlada. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, isla-markaana uu si gaar ah uga dhacay busteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla xaafadda Aargada ee degmada Wadajir. Ilo wareedyo lagu kasoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan kuwa Minashiibiyada oo lacago canshuuro ah ka qaada goobtaasi, gaar ahaan baabuurta dadweynaha ee isaga kala goosha Xaafada Kaawa Godey iyo Bakaaraha. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay illaa siddeed uu ruux oo shacab ah, isla-markaana ay ku jiraan dumar ku sugnaa goobta xilliga uu qaraxa dhacayay. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Somalia oo baaritaano kooban ka sameeyay xaafadda Aargada oo uu qaraxu ka dhacay. Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Wadajir iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi. Qaraxaan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii lasoo dhaafay. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa culeys xoogan soo saartay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Faahfaahin ku saabsan QARAX ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. -
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyee, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Kulan Dag Dag ah iskugu Yeeray shirka Qamiis la ah ee hoggaamada iyo fadhiyada madaxa banaan ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Kulankaasi dag dag ah ayaa ujeedkiisu aheyd sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha amni-daro ee Ku soo korartay Caasimada iyo sidii wax looga badalilahaa hanaanka shaqo ee Ciidanka ee ku sugan Muqdisho. Taliya ayaa Sheegay in uu Magacabayo Gudi ka shaqeynayo Kormeerida Baraha hubinta gaadiidka, kuwaasi oo wacyi galin Buuxda sameeynayo ciidamadaasi maadama loobahanyahay in wax lagabadalo Habdhaqanka Ciidamada. Ugu danbeyn, Taliyaha ayaa ku amray taliyeyaasha xasilinayo Caasimada iyadoo laga dulayo cabashooyinka Shacabka Soomaaliyeed, iskulana xisaabtamayo dhacdooyinka soo laa laabtay. All reactions: 632632 Source: goobjoog.com
-
Muuqaal: Afhayeenka Xukuumadda Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabanayso dilalka wadayaasha Mooto Bajaajta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan dilalka Bajaajleyda oo maalmihii dambe aad u kordhay. Shirkaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa laga soo saaray go’aanno looga hortagayo dhibaatada ay la kulmaan darawalada Bajaajta. Sidoo kale wuxuu goluhu faray saraakiisha laamaha ammaanka in ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo dilalkaas, si loo xisaabtamo askarta geysaneysa. Dilalka Bajaajleyda ayaa dhaliyay caro xoogan, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan dhowr darawal loogu dilay magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa ka dhashay dibad-baxyo xoogan oo ay dhigeen Bajaajleyda, ayaga oo xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla caasimadda, si cabashadooda usoo bandhigaan. Dhinaca kale Golaha Wasiirada ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG, kadib markiii la horgeeyay Guddigan oo ka kooban illaa 5 xubnood ayaa waxaa soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya, ayada oo goluhu ansixiyay. Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada. Waxaa kale oo ee goluhu meel -mariyay laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta. #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Golaha Wasiirada oo go’aan culus kasoo saaray dilalka Bajaajleyda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka SSoomaaliya , Mudane Xamse Cabdi Barre soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U eegista iyo Hirgelinta Dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, si ay uga soo baaran dagaan sida ugu dhow ee loo soo dhameystiri karo Dastuurka qabyio qiraalka ah. Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta, kulana ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dhibka lagu hayo Bajaajleyaasha. Todobaadkaan sii dhamaanaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dhowr kiis, kaas oo waxyeelo kasoo gaartay wadayaal Mooto Bajaajle, oo dil iyo dhaawac ay u geysyeen askar ka tirsan ciidanka diowladda, xilli maamulka gobolka uu sheegay cadaaladda la horkeenayo dadkii ka dambeeyay falalkaas oo la xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo kale oo argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii gaari xamuul ah uu jiiray mooto Bajaaj ay la socdeen saddex dhalinyaro ah oo mararay agagaarka Tarabuunka. Gaariga xamuulka ah oo ad u rarnaa ayaa lagu soo warramayaa inuu dusha ka maray mootada, waxaana ka dhashay shilkan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Waxaa goobtay ku dhintay mid kamid ah wiilasha saarnaa mootada, halka labada kale ay dhaawacyo halis ah soo gaareen, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Marxuumka dhintay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Caadil, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada isticaala Aaladda TikTok-ga, ayada oo la aqoonsan meydkiisa, kadib markii uu si xun u jiiray gaariga oo ka maray qaybaha sare, sida ay sheegeen dadka goobjooga ahaa. Sidoo kale waxaa xilligaas uu marxuumka ka yimdi meel goob oo uu kula soo damaashaaday saaxibadiisa, balse isaga oo kusii jeeday xaafadda uu geeriyooday. Dhanka kale Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo war kasoo saaray dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen wadihii gaariga oo goobta ka baxsaday, kadibna lagu xiray saldhigga Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir. “Degmada Hodon, waaxda Octobar agagaarka Isbitaalka Digfeer ayaa abaare 12:10 habeen barkii, Eedeysanahan oo Wade ka ahaa gaariga xamuulka ah ee idiin muqda ayaa jiiray kana cararay muwaadiniin saarnaa Mooto Bajaaj oo goobta marayay,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay talisja qaybta Booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu uuu intaasi ku saray in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabada ku haboon. “Shilka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Hodan ayaa gargaar u fidiyay dhibanayaashii shilku dhibku gaaray, Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa baadi goob ka dib gacanta kusoo soo dhigay nikaan. Wuxuuna wajihi doonaa Cadaalada” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir. The post Daawo: Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta ciidamo cusub kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya howlgalka Midowgga Afrika ee ATMIS ee ka socdo gudaha Soomaaliya. Ciidamadan cusub ayaa ka yimid waddanka Uganda, waxayna ku biiriyaan ciidamada Booliska ATMIS ee haatan ka howlgala gudaha Soomaaliya. Illaa 144 sarkaal ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyeen saraakiil sare sare oo ka tirsan ATMIS. Sidoo kale saraakiishan ayaa ku biiri doono 16 sarkaal oo kale oo horay u yimid Soomaaliya, waxayna ka hoos shaqeyn doonaa qeybta Booliska ATMIS. Saraakiishan ayaa si gaar ah ula shaqeyn doono ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay taageero shaqo iyo tayayn u siiyaan dhiggooda Soomaaliya. Taliye ku xigeenka ciidanka cusub ee FPU-da, Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee Booliska (ASP) Julian Asaasira oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidamadan ay soo qaateen tababar heer sare ah, isla-markaana ay diyaar garoobeen in ay garab istaagaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee dhigooda ah. “Si fiican ayaanu u tababarnay waxaan soo marnay tababarka qasabka ah ee ka hor inta aan la dirin lix bilood, kaas oo aan helnay xirfado nagu filan oo noo suurtageliya in aan si hufan u gudano waajibaadkeena,” ayuu yiri Julian Asaasira. Ciidamadan ayaa noqonaya cutubkii 11-aad ee ay Boooliska Uganda u soo daad-gureeyaan Soomaaliya, si ay u taageeraan howlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika. Waxay sidoo kale ay bedelayaan cutubkii tobanaad oo dhawaan soo gabagabeeyay shaqadooda Soomaaliya ayaa waxaa haatan ku sugan kumanaan askari oo Afrikaan ah, kuwaas oo isugu jiro Boolis iyo Milatari, waxayna dowladda ka caawiyaan nabad-gelyada. Si kastaba, keenista ciidamadan ayaa kusoo aadayso xilli xasaasi ah, isla-markaana dalka uu ka socdo holwgal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo guullo laga gaaray. #image_title #image_title #image_title #image_title The post Sawirro: Maxay yihiin ciidanka ay Diyaaradda Ethiopian Airlines kasoo dajisay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulamo ka wada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland, waxaana wararku ay sheegayaan in madaxweynuhu uu kulan gaar ah la qaatay Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah. Kulamada ayaa waxaa la sheegay in inta badan looga haday xaaladda deegaannada Jubbaland, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa arrinta gobolka Gedo, Wasiirka Arrimaha maamulka Maxamed Ibraahim Oogle ayaa sheegay in laga wada hadlay dwajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha laga hadlaayo ay ugu waaweyn yihiin xaaladda gobolka Gedo iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dowladdu sheegtay in dhowaan laga bilaabayo deegaannada Jubbaland, kumalada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in ay sii socon doonaan inta uu ku sugan yahay Jubbalanad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in xalay xildhibaan ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag lagu dilay gudaha magaaladaasi Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaani jiray Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed, kaas oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay ku dhufteen dhowr xabadood, iyaga oo ka toogtay qaybaha sare ee jirka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Xildhibaanka ayaa waxa marka hore soo gaaray dhaawac, balse waxaa saaka uu ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiiyay, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka. Sidoo kale kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaan haatan baaritaano wada ciidamo ammaanka ee maamulka Puntland. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dilka xildhibaankaasi iyo howlgallada xigay intaba. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana socona qaban-qaabada aaska xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed oo weerar toogasho ay xalay ku dileen rag hubeysan. Boosaaso ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo ay halkaasi ka fuliyaan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Puntland ayaa dagaal kula jirta labadaan kooxood oo ku xoogan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weerarada ay ka geystaan maamulkaasi. The post Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed oo lagu dilay magaalada Boosaaso appeared first on Caasimada Online.
-
Las Anod (HOL) - Somaliland military spokesman Brigadier General Abdi Abdillahi Hassan Abdi Dheere claimed victory over SSC-Khatumo forces on Tuesday after intense fighting on the outskirts of Las Anod. According to the spokesman, Somaliland was fighting against Puntland forces, terrorists, and local people. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimadda DDS ayaa sheegaya in dab ka kacay suuq ku yaalla halkaas. Goob-joogayaal ku sugan magaalada Jigjiga ayaa xaqiijiyay in saaka dab xooggan ka kacay suuqa Khudaarta ee magaalada. Dadweynaha iyo mas’uuliyiinta DDS oo adeegsanaya dab demiska magaalada ayaa weli ku hawllan in la demiyo suuqa. Khasaare iyo burbur hantiyeed ayaa sida la soo werinayo ka dhashay dabka saaka ka kacay Suuqa Khudaarka ee Jigjiga. PUNTLAND POST The post Dab xooggan oo ka kacay suuqa Khudaarta magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (HOL) - Noordin Haji, the Director of Public Prosecutions (DPP) in Kenya, was elected as the new President of the East African Association of Parliamentarians (EAAP) during the 10th annual general meeting in Kampala, Uganda, on Tuesday. Haji will take over from Sylvester Anthony Mwakitalu, Tanzania's DPP, who has led the association since 2019. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale war cusub kasoo saartay dagaalka weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur xoogan. Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si kulul uga hadlay xiisadda Laascaanood, maadaama ay xaaladdu faraha kasii baxday, kadib dagaallo qaatay saddex todobaad oo xiriir ah. Mid kamid ah golaha oo lagu magacaabo Adam Smith ayaa tilmaamay in ay aad uga xun yihiin waxa ka socda Laascaanood, maadaama uu khasaare soo gaaray dadka rayidka ah. Adam Smith ayaa sidoo kale sheegay in ay ka walaacsan yihiin sii socoshada dagaaalka oo maalmo badan qaatay, wuxuuna ku baaqay in marka hore xabad joojin la sameeyo. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in loo gurmado, lana caawiyo qoysaska ku barakcay colaadaasi iyo kuwa ay waxyeelada kasoo gaartay intaba. Mareykanka ayaa horay uga hadlay xiisadda Laascaanood oo uu dhiig badan ku daatay, wuxuuna sidoo kale xiriir la sameeyay madaxweyne Biixi oo uu kala hadlay arrinta Laascaanood, balse ilaa iyo hadda ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaaday Somalilamnd. Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, waxaana dagaalka uu galay maalintii 25-aad oo xiriir ah, kaas oo ay barbar socoto duqeyn xoogan oo lagu garaacayo magaaladaasi. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Laascaanood, maadaama aysan labada dhinac aysan weli sameyn wax tanaasul ah. Si kastaba, waxaa isa soo tarata baaqyada caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. The post Mareykanka oo war cusub kasoo saaray DAGAALKA magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
