-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir oo kaashanaya dhigooda ciidanka Booliska dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii Arbacadii darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho. Ninkan oo loo haysta dilka Allaha unaxariistee Daahir Ibrahim Abshir oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dhalinta ku shaqeysata gaadiidka Moota Bajaajta ayaa baxsaday kadib markii uu dilka geystay, ayada oo markii dambe ciidanka u suurta-gashay inay gacanta kusoo dhigaan. Eedeysanahaan oo markii uu falka geystay u baxsaday gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku guleysteen in gacanta lagu soo dhigo, waxaana sida ugu dhaqsaha badan la hor-geyn doona hay’adaha kale ee garsoorka dalka, ayada oo la marsiin doono cadaalada, sida uu sheegay taliska Booliska. Taliyaha Booliska HirShabelle Xasan Dhicisoow oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ninkan lasoo qabtay ee dilka geystay uu kamid ahaa ciidamada Macaawisleyda, ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Taliye Xasan Dhicisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in eedeysanaha ay markii hore wada socdeen marxuumka uu dilay, oo ay saaxiib ahaayeen, sida uu sheegay. “Wiilka ku dhintay halkan iyaga oo wada socda oo saaxiib ah ayay ahaayeen oo dhibkaas ayaa dhacay. Wiilkii dhintay Allaha u naxariisto kii wax geystay gacanta ku hayna oo waxaa iska kaashanay ciidamada gobolka Banaadir maadama uu gobolka uu wax ku dilay oo uu isku dayay inuu u baxsado gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa nagala qeyb qaatay howl-galka soo qabashada ehelladii uu ka dhashay wiilka dadka dilay oo marka uu dhibka dhacay waxay go’aan ku gaareen inay soo qabtaan meel kasta uu tago, ayaga ayaa noo fududeeyay.” Taliska Booliska ayaa ugu dambeyntiina sheegay “in markasta u taagan yahay in uu si buuxdu u guto waajibkiisa shaqo, si dadka shacabka ee uu soo gaaro dhibkaan oo kale ay cadaalad u heleaan.” Dilkan loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo maalmihii u dambeeyay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho. Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka. Intii uusan dilkaasi dhicin, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaan caasimadda Muqdisho. “Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. The post Daawo: Booliska oo soo qabtay ninkii Isgoyska Jubba ku dilay darawalka iyo xog cusub oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Copenhagen (HOL) - A 44-year-old Somali Dane is on trial in a Danish court in Odense for allegedly forcibly circumcising his 12-year-old daughter and subjecting her to physical violence and 'sexual slavery,' as well as taking her and her younger brother, aged 9, to Kenya and Somalia between June 2017 and December 2021. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo markale ka hadashay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa waxay sheegtay in maamulka Puntland uu qorsheynayo weerar ka dhan ah ciidamada Somaliland. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in maamulkooda uu helay xog ku saabsan in ciidamada gaarka ah ee Puntland ay duulaan kusoo yihiin ciidamadooda ku sugan deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sool. “Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaarada gaashaandhigu waxay rabtaa in ay ku wargaliso beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan ciidanka qaranka maalamaha soo socda,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga oo ku qorna luuqada Ingiriiska. War-saxaafadeedkan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Somaliland markii ay xogtan sirdoon ay heshay si dhab ah u qaadatay khatartaas, islamarkaana ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalinayo dadka iyo deegaanada Somaliland. “Maamulka Puntland ee Soomaaliya waxa uu doortay in uu cadaawad intaas le’eg ka qaado Somaliland. Waxaan rabnaa in aan cadeyno, si kastaba ha ahaatee, in aynaan ka laba labayn doonin ama isu dhiibin gardarro kasta. Nafteena iyo dadkeenaba waanu difaaci doonaa dhamaanteen.” Somaliland ayaa waxa kale oo ay sheegtay haddii uu weerar dhaco in masuuliyadeed qaadan doonaan maamulka Puntland, iyaga oo u jeediyay beesha caalamka tallaabo ka dhan ah arrintaasi. “Waxaan u soo jeedinaynaa beesha caalamka iyo QM inay arrintaas cambaareeyaan gardaro aan cudur daar lahayn, laguna taageerayo xaqa ay Somaliland u leedahay difaaca. Haddii weerar dhaco waxaa masuuliyadeeda qaadi doona maamulka Puntland, lagulana xisaabtamayo falalkooda.” Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in waxba iska bedelin go’aankeedii kal hore ee xabad-joojinta iyo in xiisadda ka taagan Laascaanood lagu xaliyo miisak wada-hadalka. “Somaliland waxa ay weli ku taagan tahay nabad ku wada-noolaashaha iyo wada-shaqeynta dhamaan jaarkayaga, laakiin kama waaban doono inaan difaacno muwaadiniintayada, dhul, iyo madax bannaani marka loo baahdo.” The post Somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalka iyo qorshe ay wado Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Xiisad dagaal iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegaya duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Ciidamada Somaliland ee ku sugan Dhuxun iyo Gooja-cadde ayaa halkaas ka wada dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo xooggan. Taliska Muuse Biixi oo maalmo ka hor lagu jebiyay jiidaha dagaalka Laascaanood ayaa mar kale is abaabul wada si uu weerar ugu qaado ciidamada degaanka SSC. Korneyl Muuse Biixi ayaa sida la rumaysan yahay maalmahan ka shaqaynayay dib u abaabulka ciidamadii Somaliland ee ku kala daatay dagaalkii Laascaanood. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland oo abaabul dagaal ka wada duleedka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
For much of the last 20 years, the autonomous, but unrecognized, Republic of Somaliland has been a bastion of stability in the perennially unstable Horn of Africa. However, fighting between the government of Somaliland and clan based militias in the eastern region of Sool threatens to upend the security and stability Somaliland has long enjoyed. Source: Hiiraan Online
-
The humanitarian crisis in the Horn of Africa caused by the most prolonged and severe drought in recent history is set to deepen further as forecasts predict a sixth consecutive failed rainy season in March-May. Source: Hiiraan Online
-
The Political and Security Committee (PSC) has approved additional support for the Somali National Army (SNA) and for the military component of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS). Both actions aim at contributing to the handover of security responsibilities from ATMIS to the SNA, by allowing the former to fulfil its mandate while strengthening the capacities of the latter. The EU will add €85 million to the resources already mobilised for ATMIS for 2023 and €25 million for the SNA. For ATMIS, the agreed support will mostly contribute to the troop allowances of the African soldiers deployed. Over the period 1 July 2021 – 31 December 2022, previous support under the EPF amounted to €185 million. For the SNA, it will focus on the provision of non-lethal equipment and on infrastructure works, in close coordination with the European Training Mission in Somalia (EUTM-S). A previous support to the SNA under the EPF had been approved in November 2021 and amount to €20 million. Background The EU is the largest direct contributor to ATMIS for a total amount of €2.4 billion since 2007. The EU is ready to remain closely engaged and fully committed to contributing to the activities of the ATMIS and consolidate the achievements attained so far. In line with the EU’s Integrated Approach to external conflicts and crises, EPF funding for ATMIS is one element of a broader, coordinated and coherent engagement of the EU to support security and peace in Somalia, and in the Horn of Africa at large. It is notably paired with capacity-building support to the SNA, with the aim of allowing a handover of security responsibilities. The EU support to Somalia in this regard is in line with relevant UN Security Council Resolutions and with the Somali Transition Plan. The support for the military component of ATMIS and for the SNA are financed under the Assistance Measure in support of African-led Peace Support Operations worth €600 million under the EPF covering the period 2022-2024. Source: EU The post EU support to Somalia: Council approves further support under the European Peace Facility to the Somali National Army and to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) appeared first on Puntland Post.
-
Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, 7 ka mid ah ayaa ku dhintay Madagaskar, halka 7 ay ku dhinteen Mozambique, ka dib markii ay duufaan ku dhufatay deegaanada dalalkaasi . Tirada dadka ay saameysay duufaanta Freddy ayaa gaartay 383,000 -,iyadoo Madagascar ay ku barakaceen 226,000,halka Mozambique la sheegay 163,300 , sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay. In kasta oo xoogga Duufaanta Freddy aysan ahayn sidii la filaayey, haddana,boqollaal kun oo qof ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo. Soo kabashada waxay qaadan doontaa bilo,” Pasqualina Di Sirio, oo ah wakiilka barnaamijka cuntada adduunka ee Madagascar ayaa u sheegay BBC. PUNTLAND POST The post 14 qof oo ku dhintay duufaan ka dhacday Madagaskar iyo Mozambique appeared first on Puntland Post.
-
Doha (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lagu daabcay bogga internet ka ee dawladd Qatar ayay ku sheegtay inay qaban doonto shir ay isugu imaanayaan dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Imaaraatka Carabta iyo Soomaaliya kaas oo looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa Soomaaliya. Shirkan mid hordhac u ahaa oo ka dhacay Washington DC ayaa looga hadlay qorshaha looga doodi doono shirkaan oo la filiyo in uu saddex bil kadib ka qabsoomo magaalada Dooxa. Qodabada diiradda lagu saari doono kulanka ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Haddaba su’aasha dad badan oo Soomaliyeed is-waydiinayaan ayaa ah, maxay tahay danta ay dalalkan ka leeyihiin caawinta Soomaaliya. Haddii aynu dib u milicsano xiriirada kala dhaxeeya dalalkan Soomaaliya: Dawladda Qatar waxay muddo saaxiib kaalmeeya la ahayd dawladda Soomaaliya. Shantii Sano ee la soo dhaafay waxay mashaariic ka fulisay Soomaaliya – waxaa kamid ah waddada isku xirta Muqdisho iyo Balcad. Sidoo kale Qatar waxay Soomaaliya shqaale ahaan uga qaadatay boqolaal dhallinyaro ah, oo qaarkood loo qaatay shaqo ciidannimo. Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa iyana Soomaaliya muddo ka kaalmeyneysay arrimo uu ammaanku ka mid ayahy. Waxay u tababartay Soomaaliya ciidamo ay mushaarkooda bixin jireen, inkasta oo xeradii ay ku lahaayeen Muqdisho ay ka xirtay dawladdii Farmaajo kadib khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhexgalay. Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa iyana ah kuwii ugu horreeyay ee Soomaaliya muddo ka taageerayay dhinaca ciidamada iyo la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale waxay ka mid yihiin waddamada ugu badan ee bixiya deeqaha caalamiga ah ee ay hesho Soomaaliya. Maxay tahay sababta isku dan ka dhigtay dalalkan? Dalalka Khaliijka ayaa ah kuwa lagu yaqaanay khilaaf diblomaasiyadeed oo muddo dhexdoodu ka jiray. Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddo ka mid ah kuwa khilaafkoodu soo jiitamayay. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad wuxuu qabaa in khilaafkii u dhaxeeyay dalalkaas uu sii yaraanayo, kadib booqashooyinkii ay dalalkooda isku soo booqdeen amiirada Qatar iyo Imaaraadka. “In Amiirka Imaaraadka Sheekh Maxamed Bin Zaayid uu booqda Qatar wax la fili karay ma ahayn sanad kahor. Amiirka Qatar wuu ka jaawabay taas oo wuxuu booqday Imaaraadka. Sidoo kale Sacuudiga oo qayb ka ahaa [Khiilfka],” ayuu yiri Cawad oo BBC-da la hadlayey. Arrimaha sidoo kale diiradda lagu saari doono kulankan ayaa waxaa ka mid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya. Waxay sheegeen dowladahaan inay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii ay u gaari lahayd hanaanka caalamiga ah ee maamulka hubka. Sida uu qabo Axmed Ciise Cawad, dawladaha Khaliijka ayaa haatan u arka in ay dano isku mid ah ka leeyihiin Soomaaliya, sidoo kalna ay ajiibeen yeermada dawladda Maraykanka oo ay tixgalin u hayaan. Soomaaliya ayaa dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ku jirtay guluf colaadeed oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaaso oo loogala wareegay deegaano badan oo ku yaalla gobollada dhexe ee dalka. The post Maxay tahay danta ay dalalka ku shiraya magaalada Doha ka leeyihiin Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
-
Qaahira (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo weli ku sugan magaalada Qaahira ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Mudane Dr. Hanafy El Gebaly. Kulanka oo ka dhacay xarunta baarlamaanka magaalada Qaahira ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xirirka dheer ee ka dhaxeeya labada dal iyo baarlamaanadooda. Kulankan oo muhiim u ah labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa la isku af gartay in macaahida Masar ay ka helaan aqoon kororsi xildhibaannada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka si loo dhiso xirfada shaqaalaha. Waxaa sidoo kale kulanka la isla gartay in la dhiso guddi saaxiibtinimo labada baarlamaan ee Soomaliya iyo Masar, iyadoo labada Xog-haye la faray ineey Ka shaqeeyaan dhaqan-gelinta qodobada la isku afgartay. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii dowlada federaalka Soomaaliya gacan looga siin lahaa sugida amniga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa Arbacadii gelinkii dambe gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar. The post Sawirro: Aadan Madoobe iyo Hanafy El Gebaly oo kulan muhiim ah ku yeeshay Qaahira appeared first on Caasimada Online.
-
𝗫𝗢𝗚:- 𝗗𝗵𝘂𝗹 𝗤𝗮𝘆𝗯 𝗨𝘂 𝗟𝗲𝗲𝘆𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗮𝘆𝗻𝗲 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶 𝗢𝗼 𝗗𝗮𝗻𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗟𝗼𝗼 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗕𝗮𝗹𝘀𝗲 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗟𝗮 𝗢𝗴𝗮𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗟𝗮𝗴𝗮 𝗡𝗼𝗾𝗱𝗮𝘆. Dhismeyaasha kaabiga ku haya xeebta magaalada Berbera ee dhawaan dawladu u aqoonsatay dhul dan guud ah, ayaa wasarada hawlaha guud ay ka laabtay, kadib markii uu qayb kamid ah yeeshay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay xiqiijiyeen ila xogogaal ah. Warqadan Wareegda ah oo aan helay, ayaa loo raacay dhulka dan-guud loo aqoonsaday, basle laga noqday, waxana hubsiimo la,aan ku saxeexay Madxwayne Biixi oo aan ka war qabani, sida la sheegay, kadibn masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud ayaa fuliyay iyaga oo war moog ah. Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxtooyada Somaliland ay kaga daba tagtay, kuna amray masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud inay ka laabtaan talaabadaasi ay dhulka danta guud ugu aqoonsadeen dhulka ku yaala xeebta magaalada Berbera ee 200 mitir wax ka yar u jira xeeliga Badda. Masuuliyiinta wasaarada hawlaha guud oo fulinaaya amarkaasi madaxtooyada ka soo baxay, ayaa isuduwihii gobolka Saaxil ee ku dhawaaqay in dhulkaasi yahay dan guud ku wargaliyay inuu si degdeg ah uga laabto arintaas, taas oo uu fuliyay kagana laabta mudo seddex cisho ka yar. Shacabka Somaliland ayaan hore uga war qabin in Madaxwayne Biixi dhulal kala duwan uu ku leeyahay sida ganacsatada, gobollada dalka qaar ka mid ah oo Berbera ku jirto. Wasiirka Hawlaha Guud Mustafe Godane, ayaa maalintii uu xilka wasaaradaasi la wareegaayay looga dardaar weeriyay dadnna ugu duur xuleen, kulana balameen inuu ka fiirsado arimaha dhulka, maadama Madaxwayne Biixi u magacaabay wasaaradii ku shaqada lahaydh arimaha dhulka. X/ Midnimo. Muqaalka Danta guud lagu sheegay https://fb.watch/j0n4WwsZCk/ Warka la noqoshada. https://fb.watch/j0nghby Qaran News
-
Qaran News
-
Bismilaah, waxa ay mahad oo idil ay u sugnaatay allaha leh kownkaan inagana dhigay addoomihiisa, allaha ina faray isugu kaalmeynta Samaha iyo alle ka cabsiga inagana reebay isugu kaalmeynta xumaanta, cadaawadda iyo cadawtinimada. Mahad Alle dabadeed, waxa aan u mahadcelinayaa cidkasta oo faafisa qormadaan, qaadata, codeysa, dhagangelisa ama si kasta oo wanaag ay ku horseedi karto qayb ka noqota. Waxa aan qormadeydaan diiradda ku saarayaa dhibaato damqisay qof kasta oo leh damiir, dadnimo iyo danqasho. Waxa aan qormadeydaan Ciwaan uga dhigay, Muqdisho: Wadne shaqadii gebay oo howgelin u baahan. Si aan faham fiican kaaga siiyo qormadaan, Daqiiqado koban I amaahi dareenkaadda arag, maqal iyo maskaxed, haddii aad qormadaan codeys, qoraal, maqal iyo muuqaal intaba mid uun ay kugu soo gaareyso. Ugu horeyn, iii ogolaaw in aan warbixin kooban kaasiiyo, Wadnaha, qaab dhismeedka iyo shaqadiisa si kooban inkasta oo ay surtagal tahay in aanan kuu siin sidii u warbixin kaaga siin lahaa khabiir sanaddo darsayay ama daaweynayay wadnaha, xanuunadda kudhaca iyo habsami usocodkiisa shaqo. Aan kuu bilaabee, Wadnuhu waa xubin ay leeyihiin inta badan xayawaanaddu hadey ahaan laheyd xamaarato, duurjoog, dabjoog, badkunooleyaal, aadane iyo inta lamidka ahiba, haba kala duwanadaan hababka shaqo, qaab iyo xajmi ee ay la egyihiin wadnayaashooduye. Marka aynu inimaadno aadanaha, waxa uu leeyahay wadne ah xubin kamid ah jirkooda gaar ahaanse xubnaha ugu muhiimsan oo saameyn kuleh sii jiritaanka noloshooda. Wadnahaasi waxa uu ka koobanyahay lakabyo, unugyo gaar ah, qolal, albaabo, tubooyin, fiilooyin iyo xuubab ku dahaaran oo aan ula jeedo Vessels, Valves, Chambers, Layers, Nerves, Muscles iwm. Wadnuhu, waxa uu inoo qabtaa shaqooyin aysan jirteen cid inoo qabata xataa haddi ay lahaan laheyd mushaar kan ugu badan ee la bixiyo, waana waxa ay tahay in aan uga mahadcelino allaha awooddahaas siiyay xubin yar oo la eg xajmiga gacantaadda gumadeeda hore ood isku laabtay”Fist”. Waxa uu wadnuhu inoo qabtaa shaqooyin kala duwan oo ay kamid yihiin: 1. Gaarsiinta dhiigga xubnaha kale ee jirka isaga oo ah, Xarunta laga diro ilbiriqsi kasta ku dhawaad 70ml oo dhiig ah ama daqiiqad kasta 5 ilaa 6 liitar oo dhiig ah, taasi oo ka dhigan maalintii dhiiga wadnaheenu uu tuuro ku dhawaad 7,600 oo liitar oo dhiig ah. 2. Waxa kale uu wadnuhu qabtaa dhiiga kasoo noqda xubnaha jirka ee uu hore ugu tuuray isaga oo gaarsiiya sambabada si loogu soo daro hawadda ama neefta Oksijiinta isla markaana dib ugu soo noqota wadnaha, wadnuhuna uu sidii si lamid ah ugu tuuro halbowlayaasha waa weyn ee jirka si ay ugaarsiiyaan xubnaha jirka loogana faa’iideysto Oksijiinta lagu soo daray dhiiga taas oo ah, tamar ay ku shaqo galaan unugyadda jirkeena. 3. Waxa uu sidoo kale wadnuhu dhiiga uu jirkeena utuuro qayb ka ah, Nafaqooyinka ama manfaca cuntada aynu cuno kasoo baxa taas oo la raacsiiyo qulqulka dhiigga isla markaana wadnuhu ka qayb qaato, gaarsiinta jirka si ay unugyadda jirku uga helaan tammar ay ku shaqo galaan isla markaana sare uqaadda waxsoosaarka shaqooyinkooda kala duwan ee jirka si nolosha iyo muuqeena jireed unoqoto mid sii jirta. 4. Shaqooyinka wadnaha ee jirkeena waxa qayb ka ah, Joogteyna cadaadiska dhiiga ee jirkeena oo saameyn kuleh howlgaladda shaqo ee xubnaha muhiimka ah ee isla jirka iyo guud ahaan caafimaadkeena. Shaqooyinka wadnaheenu waa mid ka sheekeynteedu ay qaadaneyso waqti dheer, waana mid ay tahay in aan alle uga mahadcelino nicmaddas uu inagu maneystay. Wadnuhu, maadaama uu jirkeenu uleeyahay ahmiyad weyn isla markaana uu u yahay xubin ay tahay in aynu dhowro aadna uga welwelno dhibaato kasta oo lasoo darista, ayaa sidaasi si lamid ahina ay Muqdisho u tahay, magaalo ay tahay in aynu ka walwelno dhibkasta oo ay la kulmayaan bulshadeedu gaar ahaanse dhalinyarta oo dhibta ugu badani saameyso. Muqdisho, waa magaaladda caasimadda u ah dalkeena, waa magalaadda ay ku noolyihiin tiiradda ugu badan bulsho Somaaliyeed oo kala reero iyo gobalo kala duwan leh. Waa magaalo madaxda waddan ay dhalinyartiisu ka badantahay 75%, waa magaalo Soomaaliyeed oo xarun u ah hayaddo caalami iyo maxali isugu jira, safaaraddo, askar, madax, wasaaraddo, ganacsato, siyaasiyiin, culimo, nabadoono dhaqan, waxgarad, danyar, dulmane iyo cid kasta oo degaan ku ah dantey doontaba ha ujoogtee. Waa magaalo xeebeed ay fadhiyaan xarumihii ganacsiga, shirikadaha iyo hayadaha hormuudka u ah wasoosaarka, bangiyada, isgaarsiinta, caafimaadka, waxbarashadda, tiknoolojiyadda, aqoonta, farsamadda gacanta iwm. Waa magaalo heysa malaayiin dad ah, oo kala duruufo iyo dano ah, waa magaaladda ay ku noolyihiin dhalinyarta ugu badan waddanka, waa magaaladda kulmisa ganacsade doollarku agtiisa daadsanyahay iyo miskiin aan heysan shilin uu gasiin siisto, gidaaradduna hoy uyihiin. Waa magaalo milkiyadeedu ay gacanta ku hayaan ganacsato aan u diirnaxeyn danta danyarta magaaladda isaga oo mid waliba kusoo daabulo badeeco tayadeedu hooseyso iyo daroogo kasoo gasha Cir, bad iyo dhul intaba taas oo saameysay dadka magaaladda. Waa magaalo qiimaha dhulka, kiradda, cunadda, dawadda, biyaha, korantadda, waxbarashadda iyo waxkastaba ka ganacsigeedu gacanta ugu jiro ganacsato aan dib ugu soo celin faa’iido weyn bulshadda ay ka macaashaan. Waa magaalo ay kusoo qulquleen dhalinyartu si ay waxbarasho, shaqo iyo nolol uga helaan maadaama aysan deegaanada ay ka imaanayaan ka jirin xarumo dabooli kara baahidda ay uga soo hayaameen. Muqdisho waa magaalo ay kusoo barakeen danyar, xoolo wixii ay lahaayeen abaaro, dagaalo iyo gabood fallo ay la kulmeen qasabtay in ay kasoo hayaamaan deegaanadooddii, magaaladana usoo aaday si ay nolol u helaan balse aan weli usuurtagelin isla markaana ay ku dayacan yihiin xarumihii ay daggeen. Nabad galyo, nolol, caafimaad, waxbarasho iyo shaqo intaba kuma heystaan oo waa cidi uma maqna celna uma qodna. Waxa dadkaasi ku dul dhaca isbadalka sanadka ama xiliyada sida qabowga, roobabka, dabeylaha, kuleylka intas oo ay usii dheertahay dhibaatooyin tacadiyo oo lagula kaco sida kufsi, dhac iwm. Muqdisho waa magaalo ay dadku ay ku naawilaan sanadba kan ka dambeeya, nolol iyo rajo wanaagsan balse ay u korarto dhibaato, dhacdo midba mida ka dambeysa ay kasii darantahay oo fajac, madax xanuun, murugo iyo uurkutaalo leh. Muqdisho, waa magaalo dhibka ugu badan uu ku dhaco dhalinyarta haddii ay ahaan laheyd kuwa kujira shaqo, waxbarasho ama labadaba. Waa magaalo ay ka kaceen burcad, tuugo iyo ciyaal weero nolosha uquuru la’ dhalinyarta waddanka. Waa magaaladda habeen iyo maalin kasta la dilo qof, laba iyo kasii badan, waa magaalo u eg furin dagaal oo ay indhahaadu qabanayaan askar iyo gawaari dagaal oo ay aheyd in lagu ilaaliyo amniga muwaadiniinta balse lagu dhibaateynayo isla muwadiniintii. Muqdisho, waa magaalo madaxdeedu ay jeebabka ku guraneyso lacagta dadkeeda isla markaana aysan jirin cid ka xishooneysa ama u damqaneysa dadka ay masuulka uyihiin. Waa magaalo dadkeedu gaar ahaanse dhalinyarteeda gumaad lagu hayo, cid waxka qabatana aysan jirin. Waa magaalo madaxdii masuuliyadeeda qaaday ay iska tamashleynayaan oo aysan xal u heyn dadka ay madaxda uyihiin iyo dhibaatadda heysa. Waa magaalo marka aad dusha ka eegto foolxumeynteeda lagu qaato qandaraasyo, siyaasiyiintuna hormuud iyo raali uga yihiin. Muqdisho, waa wadne ay aheyd in wixii soo mara ay u gudbiso magaalooyinka intooda kale balse aysan muuqan cidii kaalintaas qaadan laheyd. Muqdisho waa sida wadne dhiig soo galay balse aan heyn awooddii uu ku gudbin lahaa una gaarsiin lahaa jirka intiisa kale. Awooddaasi, waxa ay tahay mid isugu jirta maamul dowladeed iyo mid gaar. Muqdisho, waa magaalo hayadaha ama shirikadaha ugu waa weyn ee maalgelined aysan maalgelintoodu gaarsiisneyn goboladda dalka. Waa magaalo xarumaha waxbarasho aysan adeega ay bixiyaan goboladda dalka ugu geynin dhalinyarta iyo bulshadaba. Waa magaalo hooggaankii dowladdu ku fashilmay in la nabadeeyo magaaloyinka iyo degmooyinka kale ee dalka, si adeegyadda shaqo, waxbrasho, caafimaad iyo waxqabad intaba dhalinyarta iyo bulshaduba deegaanadooda ugu helaan culeyskuna uga yaraado magaaladda. Muqdisho waa magaalo, loo soo hayaamay si nolol looga helo marki ay soo dhaafi waayeen waxyabahaha aasaaska nolosha u ah, dadkii gobaladda wadankuna badi magaalada usoo hayaameen. Muqdisho, waa magaalo ay dayaceen madaxda waddunku si weyna loo hagraday. Waa magaalo ay ka xoogsadaan nololna u ah malaayiinka kunool balse ugu biiray culeys amni iyo mid dhaqaale oo ay la kici la’yihiin, madaxduna dadka ku eeganeyso. Muqdisho, waa magaalo dhalinyartu go’aansadeen in ay iska iimaansadaan oo aysan naftooda ku halaagin badaha iyo saxarayasha, reerahooduna aysan gelinin welwel iyo murug maskaxiyeed saameysa noloshooda. Waxa ay go’aansadeen in ay xoogsadaan oo xoogoodda maalaan hadey ahaan laheyd farsamo gacmeed, dhismo ka shaqeyn, kaxeynta gaadiidka kala duwan sida bajaajta, tagaasida, mootoyinka deliveryga, xamuulka, xamaali iyo xoogsi kasta oo ay irsaaqad xalaal ah kula soo baxayaan noloshaadda iyo tan eheladoodana ka maareeyaan. Waxa dhalinyarta sidaasi ku shaqeysaneysa go’aana u gaartay halis ku ah askarta dowladda oo maalin kasta lasoo warinayo dhib ay u geysteen, hadde ogsoonow ilaha ay dowladdu ka hesho dhaqaalaha in ay tahay dhalinyartaasi iyo ganacsiyadda oo laga qaado canshuur bile ah. Bulshada canshuur ayaa laga qaadaa adeeg u qalmana ma helaan, nabadgalyo warked daa, waxase intaas udheer in dowladdii askarteeda ay ka nabadgali la’yihiin. Askarta oo idil dambigu mawada lahan, waase in kamid ah dowladduna indhaheedu ma arkaan shaqsiyaadkaas halista ku ah bulshadda. Muqdisho, baahida bulshadda haddi la tirayo oo ay waxkaqabashadeedu dowladdu leedahay aysana dhinaceeda u dhaqaaqin waxa laga qori karaa buugaag aan tiro laheyn. Maxaa la gudbood bulshadda gaar ahaanse dhalinyaradda oo dhibta ugu badani ku dhacdo? Dhalinyarta Muqdisho, waa kuwa ugu badan bulshadda ee dhibka ugu badani ku dhaco ha noqdaan bajaajley, xoogsato kale, arday iwm intaba. Waxa la gudboon dhalinyartu in ay ka dhiidhiiyaan dhibaatadda ku dhaceysa oo aan waxba layska weydiineynin si joogto ahna usoo noqnoqata. Waa in dhalinyartu sameysaa Shaqo joojin maalmo cayiman hadey ahaan laheyd kuwa kaxeeya gaadiidka xamuulka, bajaajta, tagaasiyadda, gawaaridda dadweynaha iwm. Waa in dhalinyarta waxbarshadda la siiyo maalmo fasax oo xurumaha waxbarshadda ah sida dugsiyadda iyo jaamacaddaha si dareenkooda ay usoo bandhigaan. Dhibka gaara dhalinyarta, waa mid ay dareento bulshadda inteeda kale, gaar ahaanse eheladda iyo waalidinta dhalinta maalin kasta la dhibaateeyo. Doodad ah muqdisho xalkeedu waxa uu ku jiraa bulshadda oo baraarugta waa been ay tahay in la beeniyo, lana tilmaamo in bulshadu tahay dhalinyarta. Dhibka gaara dhalinyartuna uu yahay mid xanuujinaya eheladda iyo waalidiintooda. Dhalinta waxa lagu leynayaa waa rasaas iyo daroogo, si taas xal loogu helana waa in dowladda lagu canaanto gaabiskeeda shaqo iyo dayaca kaalinteeda ee ilaalinta badqabka muwaadiniinta ay u dhaartay ilaalinta karaamadda, cirdiga iyo sharaftooda. Xooga dhalinyaradda oo lamideeyo ayaa xal loogu heli karaa dhibaatooyinka heysta dhalinyaradda, cidkasta oo sameysa abaabul iyo baraarujin dareenka dhalinyarta ee katashiga aayaha nabadgalyo iyo nololeed ee mustaqbalkooda waa mid ay tahay in lagu bogaadiyo, lana dhiirigeliyo. Mqormo iyo qoraalo laguma soo koobi karo, dhibaatada bulshadda waxase ay tahay in shaqsi kasta kaalintiisa uu qaato si wacyiga dhalinyarta loo soo jeediyo isla markaana xal dhab ah loogu helo dhibaatadda ku dhaceysa, midba mida kasii dambeysana ka xanuun badantahay. Allaha nabad iyo hoggaan wanaagsan dalka iyo dadka hasiiyo. Midnimadda iyo wadajirka dhalinyarta allaha haleeshiiyo, hormarka iyo iskaashiga eebbe ha ina waafajiyo dhalinyaro. Fariintaan, waad qaadan kartaa waad faafin kartaa, waadna codeyn kartaa, waxna waad ku dari kartaa adiga oo macnaheeda adkeynaya isla markaaana aan nuxurkeeda hoos udhigeynin. Wabilaahi Towfiiq. W/Q: Abdihakim Sheikh Abdullaahi AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Muqdisho: Wadne shaqadii gebay oo howlgelin u baahan appeared first on Caasimada Online.
-
Cadawga guduhu waa mucaaridka waxaanay ka soo jeedaa Nabi Muuse, se muxaafidka xaqiiqda iska indho tiraya xagay ka soo jeedaan haybta Sheekh isaxaaq hortii? “ Xildhibaan Siciid Cudhay . Qaran News
