-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda fedferaalka Itoobiya ayaa faragelisay dagaalka uu dhiigga badan ku daatay ee weli ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay wafdi usoo dirtay arrinta magaalada Laascaanood, si ay u waan waan uga dhex bilaabaan labada dhinac. Sida ay ogaatay Caasimada Online, wadigan Itoobiyaanka ah ayaa ku hormaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay wadahadallo gaar ah kula soo yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaga oo kala hadlay dagaalka weli ka socda Laascanood. Labada dhinac ayaa isku afgartay in la dhaqan-geliyo xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland iyo ciidanka milatariga laga fogeeya aagga Laascaanood, taas oo uu aqbalay madaxweyne Muuse Biixi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Intaas kadib wafdiga ka socda xukuumadda Addis Ababa ayaa gaaray magaalada Garoowe oo ay haatan ku sugan yihiin waxgaradka SSC, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Wafdiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ismida kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxayna kala hadleen xal u helidda arrinta Laascaanood, sida aan xogta ku helnay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in odayaasha dhaqanka ee SSC ee la kulmay saraakiisha Itoobiyaanka ah ay la wadeegeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta Laascaanood, ayaga oo beeniyay in Somaliland ay hirgelisay xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday. Waxa sidoo kale labada dhinac ay ku ballameen in lasii wado dadaallada lagu raadinayo nabadda, dhankoodana ay adkeeyaan, sidii loo hirgelin lahaa xabad joojinta. Dagaalka Laascaanood ayaa noqday arrin weyn oo taagan, waxaana horay isku-day u saameysay dowladda Jabuuti, balse ma jirto wax kasoo naasa cadaaday dagaalkeeda. The post Daawo: Itoobiya oo qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka magaalada Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka dhacay suuq ku yaalla isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo baaxad leh. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ka kacay suuq casri ah oo la yiraahdo Karaama Mall oo ku yaalla kasoo horjeedka isbitaalka Banaadir, dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay haamo yiilay qol kamid ah Mall-ka, wuxuuna kusii fiiday goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi. Qaar kamid ah ganacsatada suuqa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dabkan uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse uu dhaliyay khasaare hantiyeed oo xoogleh. Mid kamid ah ganacsatada oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay in ugu yaraan afar goobood ay gubteen, isla-markaana ay ku jirtay carwadii uu ku lahaa halkaasi. “Wixii dhici lahaa way dhaceen qadar alle waayey aniga iyo qolo kale oo daris ila aheyd sidoo kale u baxeen ugu yaraan afar ganacsi ayaa gubatay,” ayuu yiri ganacsaduhu. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aniga koon kama dhex qaadin waa isku dhammaatay carwo ayey aheyd,”. Ganacsade kale oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sharraxay inta uu la egyahay khasaaraha soo gaaray suuqa uu dabka ka kacay oo ay ku yaalleen carwooyin iyo farmashiyaal. “Wax khasaare Nafeed ah ma jiro, laakiin waxaa jiro khasaare hantiyeed meesha waxa ay aheyd goobo ganacsi meel farmashi iyo carwooyin.” ayuu yiri ganacsade kale. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kasoo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada. The post Daawo: Khasaare xoogleh oo ka dhashay dabkii ka kacay isgoyska BANAADIR appeared first on Caasimada Online.
-
Laba ka mid ah diyaaradaha milatariga ee dalka Maraykanka ayaa fadhiistay duleedka Degmada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar. Diyaaradahan oo gaar gaar ah halkaas u tagay Khamiistii iyo Jimcihii ayaa ah nooca qaada xamuulka iyo Ciidamada ee loo yaqaano Hercules C-130. Diyaarada koowaad ayaa Dalka Djibouti ka soo kacday 3-dii, waxayna duleedka Caynaba fadhiisatay Khamiistii markay saacada Bariga Afrika ahayd 4:20. Diyaarada labaad ayaa Caynaba fadhiisatay subaxnimadii Jimcaha 7:43 subaxnimo. Diyaaradahan oo ay leeyihiin ciidamada cirka dawlada Maraykanka ayaa ka oo kicitimay fadhiisinka ciidamada Maraykanka ku leeyihiin dalka Djibouti. Diyaaradahan ciidan oo la rumaysan yahay inay la socdeen saraakiil Maraykanka ah, ayaan la ogayn ujeedada ay halkaasi u tageen, waxase khadadka lagala socdo diyaaradaha isaga kala goosha dunidu muujinayaan in diyaaradahani bakhtiisteen Raadaarka, taasi oo ka dhigan in aad loo ilaalinayay xogta duulimaadyada diyaaradahani ku tageen Magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar. Frank David, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada cirka Maraykanka wakiilna ka ah madax sadhiga ciidamada Maraykankan ee Djibouti ayaa sheegaya in ay yihiin duulimaadkii labaad ee ciidamada cirka Maraykanka ay ku yimaadeen Caynaba mudo ka yar 24-saacadood. Diyaaradahan tagay Magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar ayaa kusoo beegmaya xili xaaladda dagaal ka jiro Magaaladda Laascaanood. Source
-
Ra’iisulwasaaraha Boqortooyada UK Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay hadal aan u waganaagsaneyd dadka magangalyo doonka ee Tahriibka u imaanaya Ingiriiska, waxaana uu xusay in tobaadka soo aadan uu soo bixi doono sharci lagu hakinayo dadka sida joogtada ah usoo gaara ee soo maraya dhanka Badda. Hadalkaan kasoo dowladda ayaa waxaa lagu diidayaa dadka kusoo Tahriibaya Doomaha jilacsan, kuwaas inta badan sababa khasaare soo gaara Tahriibayaasha, iyadoo sharcigaan uu dhigayo dadka kusoo gala Ingriiska Doomahaas aan la siin doonin mangalyo ay ku joogaan sida uu ku dhawaaqay Rishi Sunak. “Tahriibta sharci darada ah maaha mid ku socota cashuur bixiyayaasha Ingiriiska, saxna maaha in kooxaha dambiilayaasha ah loo daayo inay sii wataan ganacsigooda anshax-xumada ah, waxaana iga go’an inaan ka dhabeeyo balan-qaadkaygii ahaa inaan joojinayo doonyaha. “ayuu u sheegay Daily Mail. Bishii Diseembar sanadkii tagay maxkamadda sare waxay xukuntay in qorshaha uusan jebin heshiiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Go’aankaas ayaa la filayaa in uu la kulmo caqabado kale oo dhanka maxkamadaha ah, taasna ay dhaliso inuusan dhaqan galin go’aanka joojinta Tahriibka. 45,756 muhaajiriin ah ayaa ka tallaabay kanaalka Ingiriiska 2022-kii, sida lagu sheegay tirokoob ay dowladdu soo aruurisay dowladda Ingiriiska, waxaana qulqulka Muhaajiriinta ee ka imaanaya dhanka France uu ahaa mid sareeya, kuwaas oo raba in ay ku noolaadaan gudaha Engiriiska, oo ka duwan dalalka ee Reer Yurub. Ra’iisulwasaaraha waxaa la filayaa in uu u safro magaalada Paris si uu uga qeyb galo shir madaxeedka UK iyo France maalinta Jimcaha. Kulanka uu la qaadanayo Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa noqon doona shir madaxeedkii u horeeyay ee UK iyo France tan iyo sanadkii 2018-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamad ku taalla koonfurta dalka Jarmalka ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay haweeney Soomaali ah oo lagu helay in ilmo yar oo ay dhashay ay ku dishay mindi. Dilka ilmahaas oo saddex bilood jiray ayaa ka dhacay gudaha xarun loogu tallo-galay qaxootiga, waxayna aad uga nixisay magaalada oo dhan. Xeradaas waxaa la dejiyaa dadka magangalyo doonka ah. Maxkamad la hor geeyey haweeneyda wiilkeeda dishay, oo magaceeda aan la shaacin, ayaa ku riday xukun xabsi daa’in ah, xerada uu dilkaasi ka dhacay waxay ku taallaa gobolka Bavaria, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda. “Maxkamadda gobolka ee Schweinfurt ayaa haweeneyda ku soo oogtay in ay gabadheeda oo saddex bilood jir ah sideed jeer mindi ku dhufatay bishii Augusto ee la soo dhaafay, iyada oo ku sugnayd hoy qaxooti oo ku yaalla xaafadda Geldersheim ee gobolka Bavaria, oo u dhow Schweinfurt,” ayuu yidhi afhayeenka. Illaa hadda lama cadeyn sababta haweeneydaan Soomaalida ah ku kaliftay inay disho ilmaheeda, wakaaladda wararka ee Jarmalka ee DPA ayaa werisay dhacdadaan. Haweeneyda ilamaheeda dishay oo Soomaaliya ka soo jeeda waxaa da’deeda lagu sheegay 28 jir. Aabaha dhalay ilmaha yar oo goobta aan ka dheereyn ayaa dhowr boqol oo mitir u jiray xilliga la dilayay ilmahiisa, sida lagu shaaciyey warbixin ay qortay wakaaladda DPA. Xukunka lagu riday haweeneydaan ayaa soo maray marxalado kala duwan waxaana kiiskeeda ka dhalatay dood xoog leh, qareenadii difaacayey ayaa dalbaday in la dhimo xukunka xabsiga ah ee lagu riday, halka Xeer Ilaalinta dalka Jarmalka ay codsaday in lagu xukumo sagaal sanno oo xadhig ah, iyadoo loo cuskanayo dil badheedh ah. Ugu dambeyntii qaadiga Maxkamadda ayaa cadeeyey in la raacay dacwadda asalka ah oo haweeneyda lagu helay dembi ah inay ilmaheeda u geysatay dhaawac halis ah oo sababay geeri. Sida laga soo xigtay dhakhtarka maskaxda oo haweeneydaan loo geeyey wuxuu cadeeyey inay caafimaad qabto, balse uu jiray calaamado muujinaya khalkhal shakhsi ah oo heystay haweeneyda. Source
-
Midowga Yurub ayaa meelmariyay in taageero dhaqaale oo dheeri ah la siiyo Soomaaliya, gaar ahaan ciidammada xoogga dalka iyo kuwa howl-galka ATMIS (ex-AMISOM). Taageerada dhaqaale ee dheeriga ah ayaa waxaa looga dan leeyahay in gacan ka geysato wareejinta masuuliyadda amniga ee ATMIS oo lagu wareejinayo ciidanka xoogga dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran iyada oo la xaqiijanayo awooddooda. Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dari doonaa €85 milyan taageeradii hore loogu cayimay ATMIS sannadkaan 2023-ka iyo €25 milyan oo loogu tala-galay ciidanka xoogga dalka. Taageeradana ayaa waxay inta badan gacan ka geysan doontaa helitaanka gunnooyinkii ka maqnaa ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, laga soo billaabo 2021-ka. Dhanka Ciidanka Xoogga dalka waxay diiradda saari doontaa bixinta qalabka militari iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Midowga Yurub ayaa dhawaan u ballan-qaaday dowladda federaalka Soomaaliya in kaalin wayn ka qaadan doono barnaamijka xasilinta deegaannada laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, si hore looga sii socda deegaanadaasi. Tan iyo 2007-dii Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee si toos ah ATMIS ugu taageeray lacag dhan 2.4 bilyan, wuxuuna xilligaan xaqiiyay sida ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada howlaha ATMIS iyo xoojinta guulaha laga gaaray howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Source
-
Xisbiga aqlabiyadda heysta ee madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa helay 57 kursi, halka xisbiga mucaaradka ah ee ka qeyb galay doorashadan u helay 7 kursi. Guddiga dastuuriga dalka Jabuuti, ayaa ansixiyay natiijadi hor-dhaca ahayd ee guddiga doorashada dalka Jabuuti. Maanta oo Axad ah, ayaa waxa xarunta Golaha Shacabka isugu imaan doono mudanayasha cusub ee baarlaamaanka, oo 35% ay haween yihiin dalka oo dhan. Ajandaha maanta ayaa waxa uu yahay dhaarinta xildhibaanada cusub, iyadoo intaas kadib la dooran doono guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay dabley hubeysan ka fulisay xaafadda Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay dad shacab ah, kuwa kalena lagu dhaawacay. Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday maqaayad ku taalla deegaankaas oo ay dad badan ku caweynayeen. Dadka maqaayadda fadhiyay ayaa sidoo kale qayilayay, waxayna isugu jireen odyaal iyo rag dhalinyaro ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in marka hore maqaayadda lagu tuuray bam-gacmeed, waxaana kadib xigay toogasho toos ah oo loo geystay raggii maqaaxida ku sugnaa. Ugu yaraan 5 qof ayaa goobta ku dhintay, halka tiro kale oo kamid ahaa dadka meesha ku sugnaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Kooxda weerarka fulisay oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa goobta isaga baxsaday, kadib toogashadaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dadka badan lagu dilay. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada ammaanka ay haatan wadaan dabagal ay ku hayaan raggii ka dambeeyay falkaas oo weerarka kadib meesha ka cararay. Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay inay beegsaneyso goobaha lagu iibiyo iyo meelaha lagu isticmaalo waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena ay la dagaalameyso ciyaal weerada. The post Faahfaahin ku saabsan toogasho ka dhacday Muqdisho + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta degmada Cabdicasiis uga qeyb galay kulan looga hadlayay dardargalinta barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee howlgallada caasimadda ee Guri Guri. Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya , saraakiisha Amniga Madax kala duwan iyo qeybaha bulshada rayidka iyo qeybaha bulshada degmada Cabdicasiis. Kulankan ayaa sidoo kale diirada lagu saaray arrima kamid yihiin, Ciribtirka Muqaadaraadka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda, kuwa ka gacansada Maandooriyaha iyo howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud. Kulanka ka dacay degmada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen hooy lagu baxnaaninayay ciidamo ka tirsan kuwa dib u xoreynta, kuwaas oo kusoo dhaawacmay dagaalka gobolka Hiiraan, waxaa sidoo kale caasimadda ka dhacay falal amniga lid ku ah oo isdabajoog ahaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dab geystay khasaare xooggan ayaa ka kacay Suuq ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn isbitaalka Kalkaal, waxaana Moll-ka lagu magaacaabaa Karam, dabka ayaa ka bilowday qol kamid ah Suuqa, isaga kadib ku faafay qeybo badan oo kamid ah iyo goobo la daris ahaa suuqa. Guddoomiyaha degamada Hodan Cali Axmedoo markii dabku kacay la hadlay Goobjoog News isaga oo ku sugan goobta ayaa sheegay in lagu guulaystay in dabka markii dambe la damiyo, isaga oo carabka ku dhubtay in ay soo gurmadeen gawaarida Dabdamiska gobolka, kuwa shirka Hormuud iyo shacabka degamada Hodan. Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in aysan jirin khasaare nafeed oo uu geystay Dabka kacay, laakiin ay ku baaba’day hanti ay lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay in Dabku kaco, waxaana soo baxaya warar kale duwan oo ku aadan waxa dhaliyay iyo qaabka. Goobaha ganacsiga ee ku yaalla Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka kaca Dab geysta khasaare Hantiyadeen, waxaana sababtiisa loo aaneeyaa Koronto qaraxday iyo Dab meelaha qaar looga tago, waxaana ka dhasha khasaare soo gaara muwaadiniin Soomaaliyeed oo Hantidooda ku waaya halkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif ayaa mar kale su’aal geliyay in Muuse Biixi uu diyaar u yahay xabbad-joojin iyo wada-hadal, si loo joojiyo colaadda Laascaanood. Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo todobaadkii hore caddeeyay in Muuse Biixi uu diiday dhammaan xal kasta oo lagu keeni lahaa nabadda Laascaanood, ayaa xalay mar kale su’aal geliyay in weli Muuse ka tanaasulay mowqifkiisi colaadda. ” Runtii waxaan qabaa dhib badan baa dhacday, ciddii gaystana weli kursigii bay fadhidaa waa sax, laakiin mar walba in aan la quusan oo nabad laga shaqeeyo anigu ka guddoomiye ahaan wan qabaa, waxaanse su’aal gelinaya in arrintaas ay suura-gal ka tahay dhanka Muuse” ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay. Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray, in maadaama Muuse Biixi uu xal kasta oo nabadeed hore u diiday, iyadoo aan dhibkan weyn iyo colaaddani dhicin, haddana ay weli calaamad su’aal tahay in uu hadda nabad diyaar u yahay. PUNTLAND POST The post Laascaanood: Cabdirisaaq Khaliif oo su’aal geliyay in weli Muuse Biixi diyaar u yahay xal nabadeed appeared first on Puntland Post.
-
Berlin (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla koonfurta dalka Jarmalka ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay haweeney Soomaali ah oo lagu helay in ilmo yar oo ay dhashay ay ku dishay mindi. Dilka ilmahaas oo saddex bilood jir ahaa ayaa ka dhacay gudaha xarun loogu tala galay qaxootiga, waxayna aad uga nixisay magaalada oo idil. Xeradaas waxaa la dejiyaa dadka magangalyo doonka ah. Maxkamad la hor geeyey haweeneyda cunugeeda dishay, oo magaceeda aan la shaacin, ayaa ku riday xukun xabsi daa’in ah, xerada uu dilkaasi ka dhacay waxay ku taallaa gobolka Bavaria, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maxkamadda. “Maxkamadda gobolka ee Schweinfurt ayaa haweeneyda ku soo oogtay in ay gabadheeda oo saddex bilood jir ah sideed jeer mindi ku dhufatay bishii Agoosto ee la soo dhaafay, iyada oo ku sugnayd hoy qaxooti oo ku yaalla xaafadda Geldersheim ee gobolka Bavaria, oo u dhow Schweinfurt,” ayuu yiri afhayeenka. Illaa hadda lama cadeyn sababta haweeneydaan Soomaalida ah ku kaliftay inay disho cunugeeda, wakaaladda wararka ee Jarmalka ee DPA ayaa werisay dhacdadaan. Haweeneyda cunugeeda dishay oo Soomaaliya ka soo jeeda waxaa da’deeda lagu sheegay 28-sano jir. Aabaha dhalay cunuga oo goobta aan ka dheereyn ayaa dhowr boqol oo mitir u jiray xilliga la dilayay ilmagiisa, sida lagu shaaciyey warbixin ay qortay wakaaladda DPA. Xukunka lagu riday haweeneydaan ayaa soo maray marxalado kala duwan waxaana kiiskeeda ka dhalatay dood xoog leh, qareenadii difaacayey ayaa dalbaday in la dhimo xukunka xabsiga ah ee lagu riday, halka Xeer Ilaalinta dalka Jarmalka ay codsaday in lagu xukumo sagaal sano oo xarig ah, iyadoo loo cuskanayo dil bareer ah. Ugu dambeyntii qaadiga Maxkamadda ayaa cadeeyey in la raacay dacwadda asalka ah oo haweeneyda lagu helay dembi ah inay ilmaheeda u geysatay dhaawac halis ah oo sababay geeri. Sida laga soo xigtay dhakhtarka maskaxda oo haweeneydaan loo geeyey wuxuu cadeeyey inay caafimaad qabto, balse uu jiray calaamado muujinaya khalkhal shakhsi ah oo heystay haweeneyda. The post Haweeney Soomaali ah oo dhacdo aad looga naxay ka gaysatay dalka Jarmalka appeared first on Caasimada Online.
-
French president begins four-nation tour of Africa to renew frayed ties, while anti-French sentiment runs high in some former African colonies. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan gaar ah la qaatay sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska Ed Barnett. Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Boqortooyada Ingiriiska ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri laheyd howl-gallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda gobollada dalka. Wasiirka Jaamac ayaa Danjiraha kala hadlay inay dowlaadda Soomaaliyeed ka taageeraan sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka muddada fog saaran, arrinkaas oo laf-dhabar u ah dadaalka loogu jiro Al-shabaab. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad celiyey Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadato dhisidda ciidan hanta guud ahaan amniga dalka. Ugu dambeyn,Sii hayaha Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Mudane Ed Barnett ayaa dhankiisa bogaadiyey howl-gallada ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ee looga saari lahaa Al-Shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si adag uga hadlay xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan isku dhacyada ciidan ee inta badan ka dhaca baraha koontaroolada. Xamza ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta dowladda ay sabab u yihiin isku dhacyada ciidan ee baraha koontaroolada magaalada Muqdisho ka dhaca, kuwaasi oo aanan u hoggaansamin awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan barahaasi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga digay masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha sare ee ciidanka inay ka horyimaadan awaamiirta ciidanka amniga ee ku sugan baraha koontaroolada. “Masuuliyiinta dowladda waxaan leeyahay u ogolaada ciidanka amniga iney waajibkoda gudtaan, hadad masuul tahay mahan inad wax kale tahay, askartu adigey ku ilaalinayaan gurigada iyo ilmahada ayay ilaalinayaan suurta-gal mahan sidee lee istaajin kara inaad dhahdo,” ayuu yiri. “Saraakiisha Millateriga ayagana sidoo kale mahan iney dhahan gaari baroon ah baa ila socda cid i istaajin karta maleh, xukuumadda sharciyo adag ayay kasoo saari doonta arimahas oo fowdo ku ah amniga.” Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in askari kasta oo gabood fal ku sameeya shacabka la marin doono ciqaabta ugu adag ee sharciga, isaga oo xusay in haatan ay xiran yihiin askartii ku lugta laheyd dhibaatooyinkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, islamarkaana la horkeeni doono caddaalada. Amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa muddooyinkii dambe faraha kasii baxayay, ayada oo ay ka dhaceen dilal, dhac iyo iska hor-imaadyo ciidamada dhexdooda ah, kuwaasi oo sababay dhimashada shacab badan. The post Xamza oo xubnaha DF uga digay inay qeyb ka noqdaan arrin ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Over five hundred thousand people in Mandera are facing are in dire need of humanitarian aid as acute food insecurity bites. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Leaders from the world's Least Developed Countries (LDCs), including President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia, have gathered in Doha, Qatar, for the 10th Summit of the LDCs. The conference, which is organized by the United Nations, aims to create a roadmap to help these countries achieve sustainable development goals. Source: Hiiraan Online
-
Kenya slowly sinking in debt, inflation, weakening shilling
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya’s government technocrats are scrounging for options to stem a loading economic crisis that has forced many households to keep tightening their belts, with close to six million people suffering acute food shortage. A poll published this week painted an economy racing towards a cliff. Source: Hiiraan Online -
The duty, the moral and political obligation to tell. Even if you never got on those boats, even if a blade never risked branding you, even if you’ve never felt 14 men burden you between your thighs. If it’s not you who burns your palms under trains, who spends days and nights in the belly of a truck, who prefers prison because it’s safer than a city on fire. TO lose their lives a few miles from a Calabrian coast where your child should have been playing in the sand and not arriving with lungs full of fuel, stranded like a wreck. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU, Somalia — (AP) — The director of a hospital in a disputed city in the Somaliland region says at least 145 people have been killed in more than two months of fighting between anti-government fighters and Somaliland security forces after local elders declared their intention to reunite with Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Isimida SSC ee muddooyinkii dambe ku sugna magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo shalay gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa faah-faahin ka bixiyey kulamadii ay halkaas ku yeesheen. Isimida ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Puntland iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi, kaasi oo looga wada-hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. Kulankan ka dhacay Garoowe ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii uu saameeyay dagaalka socda, oo ay labada dhinac ku sheegeen inuu yahay xasuuq ba’an oo Somaliland ka wado halkaasi. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo qoraal kooban kasoo saaray kulankan ayaa waxa uu yiri “Waxaan kulan la qaatay Isimada dhaqanka SSC oo aan ka wada hadalnay xaalada guud ee deegaanada, si gaar ah xasuuqa baahsan ee Soomaaliland ka wado magaalada Laascaanood.” Wararka ayaa sheegaya in socdaalka ay Isimida SSC ku tageen Garoowe uu qeyb ka yahay abaabul ciidan oo xooggan, kaasi oo ay u wadaan hab beeleed, iyada oo magaalada Laascaanood ay gaareen ciidamo gurmad ah oo ka yimid deegaannada Puntland. Ciidamadaan oo watay gaadiidka dagaalka iyo hub fara badan ayaa waxaa la sheegay inay tegi doonaan furimaha dagaalka ee duleedka magaalada, halkaasi oo ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado Somaliland. Isimida SSC ayaa inta ay joogaan caasimada maamulka Puntland ee Garoowe booqan doona dadkii kusoo dhaawacmay dagaalka Laascaanood ee lagu dabiibayo isbitaallada magaaladaasi. Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer ku eedeysay maamulka Puntland in uu qeyb ka yahay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood, wallow uu maamulka Garoowe waxba kama jiraan ku sheego eedeymahaasi. Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo toddobadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC ayaa waxaa lasoo sheegaya in xaaladda magaalada ay degan tahay. Waxaa furan ganacsiyada qaar ee magaalada, sida; bakhaarada, maqaaxiyaha iyo hotellada, oo iyagu muddooyinkii dambe xirna, sidoo kale waxa furan dhawr kaalimood oo shidaal ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah. Ciidamada ayaa waxay isku hor fadhiyaan dhinaca waqooyiga ee magaalada Laascaanood, oo ka baxsan dhulka deegaanka, mana jirto waan-waan qeyb ka ah in uu qaboobo dagaalka. #image_title The post Xog ku saabsan arrimaha ay isku raaceen isimada SSC iyo madaxda Puntland + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta la kulmay Safiir ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ahna sii hayaha safaarada Ed Barnett. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, iyadoo Wasiirku uu uga warbixiyay Safiirka xaaladda guud ee dalka iyo howlgallada dalka looga ciribtirayo Al-shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda SONNA. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay UK kaalinta ay ka qaadato doorka ku aaddan taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka. Safiir ku-xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ayaa bogaadiyay howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, waxa uuna xusay in Boqortooyada Ingiriiska ay kaalin mug leh ka qaadato taageerada Soomaaliya iyo sidii cunaqabateynta hubka saaran looga qaadi lahaa. PUNTLAND POST The post Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ka wada-hadlay dagaalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Maanta intii dhib dhici kareysay way dhacday in aan qori waxba lagu xalin karin way muuqatey waxay taladeydu tahay in caqligu shaqeeyo . Anigu ka gudoomiye ahaan markasta waxaan qabaa inaan nabada laga quusan si kastoo loo kala fogaaday , laakin waxaan su’aal galinaya tolow madaxweyne Muuse malaga heleyaa maadaba isku dayo badan oo laysku dayay iyadoo xaaladu intan ka qaboobayd uu diiday, iyadoo naca iyo dhibaatada dhacday hadda korodhay , ee mararka qaarkood gaadhay in dadka shacabka goobahoodii shaqada jooga laga qaato la dilo sidii maayirkuba sheegay , baabuurtii magaalada ka baxday inta dad lagala dego la dilo , iyadoo naciina sii kordhay madaxweynihina wuxuu aragtidiisa ka badalay aynaan ogeyn suuro gal tolow ma ka tahay xagiisa ? balse waxaan isleeyahay marwalba inan la quusan oo inta nool loo taliyo ayaan qabaa “ Dhib badan ayaa dhacday , cidii geysatey-na weli kursigii ayay fadhidaa anigu ka gudoomiye ahaan mar walba waxaan qabaa in aan la quusan oo mar walba nabad laga shaqeeyo , balse waxaan su.aal galinayaa arintaas Muuse Biixi ma laga helayaa ….” Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa caawa sidaas yidhi . Qaran News
