Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in galabta uu magaaladaas ka dagay wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda maamulkaasi. Bayle ayaa toos uga dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in wasiir Bayle uu cafis guud u fidiyay madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kadibna uu sidaas galabta uga dagay magaalada Hargeysa, taas oo dad badan lama filaan ku noqotay. Siyaasigan oo maalmahan dameb dibad joog ah ayaa siyaasadda Soomaaliya isaga baxay markii uu isbeddal ka dhacay dalka 15-kii May ee sanadkii hore ee 2022-kii. Dr Bayle oo sidoo kale ah aqoonyahan ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, sida wasiirka maaliyadda, wasiirka arrimaha dibadda, xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo guddoomiyaha guddiga doorashadii uu kusoo baxay Farmaajo. Ninkan siyaasiga ah oo hanti badan ku leh Hargesa ayaa lagu soo warramayaa inuu maray habraac ay Somaliland u dajisay siyaasiyiinta xilalka ka qabta Somalia, kadibna la cafiyay. Si kastaba, ma’aha siyaasigii ugu horreeyay oo xil sare ka qabtay dowladda federaalka oo haddana dib ugu laabta Somaliland, waxaana ka horreeyay Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ra’iisul wasaare ku xigeen kasoo noqday Soomaaliya iyo kuwa kale oo kasii horreeyay. Haddaba sidee baraha bulshada looga falceliyay tallaabada Bayle? “Soo dhowow wasiir aqoonyahan soo shaqaystey dadkiisa iyo dalkiisana soo dhisay” ayuu Ing. Mustafe Xaaji. “Somalia waalaga soo shaqaystaaa Somaliland waa loo soo tabcadaaa si logu raaxaysto janoh” ayey tiri gabar lagu magacaabo Xamda. “Ninkani waa dadka yar ee aqoonta leh ee Somaliland, haddaba haka faa’iidaysato” ayuu isna yiri Sadiiq Maxamuud,. The post DEG DEG: BAYLE oo ka dagay Hargeysa iyo falcelin ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
  2. Baarlamaanka cusub ee dalka Jabuuti, ayaa maanta guddoomiye u doortay Dileyta Maxamed Dileyta. Gudoomiyaha cusub ayaaa xubin ka ah xisbiga ugu aqlabiyadda badan ee baarlamaanka Jabuuti ee Isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka. Golaha Shacabka Jabuuti, ayaa maanta yeeshay kulankii ugu horeeyey ee Kalfadhiga 1-aad ee golaha. Guddoomiye Dileyta, ayaa wuxuu hore u noqday Ra’iisul wasaaraha Jabuuti, inta u dhaxeysay 7-dii bishii Maarso, ee sanadkii 2001-kii, illaa iyo bishii march 31, ee sannaadkii 2013-kii. Source
  3. Somalia on Sunday said the federal government and the Somali people donated over $4.8 million to earthquake victims in Türkiye. Source: Hiiraan Online
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka qayb galay munaasabada Dowladda Turkiga loogu wareejiyay lacag dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadanayaan gurmadka walalaha Turkiga ee uu saameyay dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaasi. Munaasibad ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka oo ay soo agaasimeen guddiga gurmadka walaalaha Turkiga, ayaa Xukuumaddu ku wareejisay lacag dhan $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig-xigay. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa balan qaaday in Gobalka Banaadir ku dari doono inta ka dhiman shanta milyan, taas oo noqon doonta lacagtii ay dowladdu kaga qeyb qaadaneyso gurmadka dhulgariirkii bishii hore ku dhuftay dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, Isagoo markale dowladda iyo walaalaha Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadii dhul gariiradii is xig-xigay ee ka dhacay dalkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Jabuuti (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jabuuti, ayaa guddoomiye cusub maanta u doortay Dileyta Maxamed Dileyta. Dileyta, ayaa wuxuu xubin ka yahay xisbiga ugu aqlabiyadda badan ee baarlamaanka Jabuuti. Dileyta, ayaa wuxuu dhashay bishii Maarso 12, 1958, isagoo ku dhashay gobolka Tadjoura ee dalka Jabuuti. Wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Isku tagga Dadweynaha iyo Horumarka. Guddoomiyaha ayaa madax ka noqonaya Golaha Shacabka Jabuuti, kaasoo maanta yeeshayKalfadhiga 1-aad ee golaha. Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa saaka waxaa ka furmay kulankii ugu horeeyey ee kalfadhiga Golaha Shacabka. Dileyta, ayaa wuxuu kal hore noqday ra’iisul wasaaraha Jabuuti, xili ku began 7-dii bishii Maarso, ee sanadkii 2001-kii, illaa iyo bishii Maarso 31, ee snaadkii 2013-kii. Dhanka waxbarashada, wuxuu wax kusoo bartay magaalooyinka Qaahira iyo Reims, ka dibna Xarunta tababarada xirfadaha, ee dalka Algeria, oo uu qalin jabiyay sanadkii 1981-kii. Markaa kadib, Dileyta, ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay aggaasinka guud ee habmaamuuska madaxtooyada dalka Jabuuti. Waxa uu diblumaasi ka ahaa safaaradda Jabuuti ee dalka Faransiiska bilowgii sannadkii 1990-kii, ka dibna waxa uu safiir ka ahaa dalka Itoobiya sanadkii 1997-kii, isagoo sidoo kale wakiil uga ahaa Jabuuti ururka Midowga Afrika. Waxa uu qeyb ka ahaa wada hadaladii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalkii 1998-2000 ee dalalka Itoobiya iyo Eritrea. Bishii Disember sanadkii 1999-kii, Dileyta, ayaa waxaa loo wakiishay wada xaajood lala yeeshay garab ka mid ah Jabhadda (FRUD), kaasoo uu ka dhashay heshiiskii bishii Febraayo ee sanadkii 2000. Sanadkii 2000, ayaa Dileyta waxaa loo magacaabay danjiraha Jabuuti u fadhiya dalka Uganda. Ra’iisal Wasaare, Barkat Gurad Xamadu, ayaa is casilay bishii Febraayo ee sanadkii 2001-kii. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wuxuu u magacaabay Dileyta inuu noqdo ra’iisal wasaare bishii March 4, 2001-kii. BBC The post Yaa kusoo baxay doorashada guddoonka Baarlamaanka Jabuuti? appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirweyne muhiim ah oo looga arrinsanayo dib u daabicista lacag cusub oo Shillin Somaali ah, wuxuuna shirka ka qabsoomay Villa Somalia. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa ahaa kulankii koowaad ee guddiga heer qaran ee hagista mashruuca dib u daabicista shillin Somaaliga, waxaana laga wada-hadlay sidii loo dardar-galin, isla-markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga. Ugu horreyn waxaa shirkan warnixin guud kusoo bandhigay guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha duddiga oo faahfaahin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii uu guddigu shaqaynayay, iyada oo laga amba-qaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga. Ujeedada ugu weyn ee loo sameynayo dadaalkan ayaa ah in ay wax badan ka beddeli doonto dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee ku sugan gudaha Soomalaiya. Dhankiisa ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, wuxuuna tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu uu wax weyn ka beddali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada heysata Soomaaliya Si kastaba, shirkan oo ah kii ugu horeeyey oo uu guddigu yeesho ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha guddiga, iyada oo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka uga qayb galeen online, ama alaadda fogaan aragga. Soomaaliya ayaa haatan la daala dhaceysa xaaladdo is-biirsadan, hase mashruucan ayaa muhiim u ah dib usoo dhooleynta Shilinka duugoobay ee Lacagta Soomaaliga. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- #image_title #image_title #image_title #image_title #image_title #image_titleThe post Xamza oo bilaabay qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad oo sanadkaan dalkiisu martigalinayo shirka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar oo muddooyinkaan aheyd dowladaha xiriirka la leh. Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo xilligaan wajagaya abaaro. Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Somaaliga, kaasi oo looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga. Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin faahfaahsan ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada. Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee ay guddigu yeelato ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qayb galeen online, shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli ay lacagta Shillinka Soomaaliga oo daabacaad helin tan iyo dowladdii Kacaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada UK ayaa ku dhawaaqday go’aan lama filaan ah oo saameynaya ciidamada Somaliland oo haatan wajahayo xiisad xoogan oo ka dhalatay kacdoonka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Uk ayaa ku dhowaaqday inay hakisay lacagihii ay ku taakuleyn jirtay ciidamada Somaliland, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiis ay Britain ku leedahay magaalada Hargeysa. Warkan qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka dhaqaalaha looga jarayo Somaliland uu dhaqangeli doono 31-ka Bishan March lagu gaaray London. Dowladda Britain ayaa sidoo kale xustay inay qiimeyn ku sameyn doonto maal-gelinta amniga iyo garsoorka, iyadoo la eegayo waxa u qabsoomay Somaliland muddadii la caawinayay. Waxaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay muhiimad gaar ah siin doonto arrimaha bini’aadanimada, ayna taageeradooda u weeci doonto dhankaasi. Dhinaca kae Boqortooyada UK ayaa si adag uga hadashay xaaladda adag ee Laascanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo ku dhex-marayeen Somaliland iyo kuwa deegaanka. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in tallaabooyinka noocaas oo kale ah ay wiiqeyso kalsoonida ay shacabka ku qabaan hoggaanka sare ee maamulka Somaliland. Tallaabada ay qaaday Uk ee saameyneysa ciidamada Somaliland ayaa kusoo aadayo, xilli adag, isla-markaana xukuumadda Hargeysa ay wajaheyso xaalado is-biirsaday. Si kastaba, Somaliland oo caan ku aheyd nabada 30-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa haatan cambaareyn xoogan iyo dhaleeceen kala kulantay caalamka, kadib dagaalka Laascaanood. #image_titleThe post Dowladda UK oo taageerada kala laabatay SOMALILAND kadib dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa markale qaaday tallaabo horleh oo uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee haatan kala dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya oo ay horay isugu qabteen arimaha maamulka iyo dhanka awoodda. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si weyn uga hortimid Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, kaas oo ay ansixintiisa wado dowladda dhexe. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa lagu sheegay in sharcigan uu khilaafsan yahay dastuurka KMG ah, gaar ahaan qodobkiisa 44-aad ee qeexaya qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya. “Waxaa u aragnaa Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ee baalka marsan dastuurka DFS, loogana soo horjeedo nidaamka federaalka ee dalku qaaday, una ekeysiinayay in aan lagu dhaqmeyn, lana tixgelinin shuruucda iyo xeerarka kale ee dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland. Puntland ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda dhexe ay ku xad-gudubtay heshiisyadii horay loo galay ee labada dhinac, isla-markaana ay ku tumaneyso dhammaan shuruucda u taallo dalka. “Waxaan aad uga xunahay in Wasaaradda Kalluumeysiga ee DF ay si joogto ah ugu tumaneyso dhammaan shuruucda dalka iyo heshiisyadii horeya loo galay, waxayna qaaday tallaabooyin is xigxigay oo ku carqaladeyneyso dowladnimada” ayey marke tiri Puntland. Waxaa kale oo ay Puntland intaasi kusii dartay inaysan aqoonsan doomnin kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo khilaafsan dastuurka Puntland iyo kan DFS, sidaa awgeedna ay uga digayso madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in la siyaasadeeyo shuruucda wadanka. Ugu dambeyn Puntland ayaa ku hanjabtay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isugu yeereyso hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta kalluumeysiga, iyada oo heshiisyo gaar ah la saxiixaneyso, sida ay ku caddeysay qoraalka ay maanta soo saartay. Tallaabadaan ayaa uga sii dareysa xiisadda labada dhinac, waana dhaawac kale oo soo gaaray xiriirka dowlad federaalka iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. #image_titleThe post PUNTLAND oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda kala dhexeysa DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  11. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa Guddi u magacaabay xaaladda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Qaran News
  12. Dileyta Mohamed Dileyta ayaa loo doortay afhayeenka baarlamaanka Jabbuuti. Siyaasigan ayaa hore dalkaasi uga soo noqday raysal-wasaare, wuxuuna kasoo jeedaa qowmiyadda Canfarta. Qaran News
  13. Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Dooxa ayaa wahadal la yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad, ayagoo ka wadahadlay arrimo dhowr ah. Labada mas’uul ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka labada waddan iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa. Dhankiisa amiirka daka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya wuxuuna xusay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qayb-galay furitaanka sirweynihii 5-aad ee Qaramada Midoobay, kaas oo looga hadlayo caqabadaha haysta dalalka soo koraya iyo sidii loo caawin lahaa, waxaana shirka furay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamin Bin Xamad. Sidoo kale waxaa mdasha ku sugan madaxa kala duwan oo ka socda dalalka soo koraya, oo aty kamid tahay Soomaaliya Si kastaba madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu hhudbad ka jeediyo shirkam isaga diiradda saari doona waxyaabaha ugu muhiimsan ee mudnaanta u leh dowladdiisa. #image_title #image_title #image_titleThe post Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulankii koowaad ee Guddiga Heer Qaran ee Hagista Mashruuca Dib-U-Daabicista Shillin Somaaliga, kaasi oo looga hadlay sidii loo dardar galin, isla markaana dib u habeyn loogu samayn lahaa Shillin Soomaaliga. Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo xubnaha Guddiga ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaaraha waxyaabihii u qabsoomay intii Guddigu shaqaynayay, iyadoo laga ambaqaadayo siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee dib-u-habeyta dhaqaalaha dalka gaar ahaan soo celinta Shillin Soomaaliga, taasoo wax badan ka beddeli doonta dhaqaalaha dadka dan-yarta ah ee dalkeena. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay xubnaha guddiga shaqada ay qabteen, isagoo tilmaamay in mashruucan dib u daabicidda Shillin Soomaaligu waxwayn ka badali doono dib u habeynta hay’adaha dhaqaale ee dalka, isla markaana haddii mashruucan uu guulaysto uu qayb wayn ka qaadanayo hoos u dhigidda dhaqaale yarida iyo saboolnimada. Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee ay guddigu yeelato ayaa waxa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Guddiga, iyadoo Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Gobolleedyada iyo Baanka Adduunka ay shirka kaga qayb galeen online. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay Mashruuca dib u daabicidda Shilin Soomaaliga appeared first on Puntland Post.
  15. Mogadishu (HOL) - A Somali military court sentenced Ayub Osman Sheikh Aden Isaac to 15 years in prison on Sunday after he was found guilty of being an al-Shabaab member. Source: Hiiraan Online
  16. Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare ee BFS oo gudanaya waajibaadka ku xusan Qodobka 77aad ee Dastuurka KMG ah ayaa ugu yeeray Xarunta Golaha Aqalka Sare wasaaradda Amniga Gudaha XFS iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,si ay u waydiyaan su’aalo la xariira Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare sen. Aaden Cabdinaasir Maxamed iyo xubnaha Guddiga ayaa soo dhoweeyay Masuuliyintan oo uu hoggaaminayay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa. Guddiga Amniga ayaa wax ka waydiiyay Hindise-sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed oo hadda horyaalla Guddiga Amniga iyo Difaaca Golaha Aqalka Sare,Wasaaradda iyo Hay’adda ayaa ka jawaabay dhammaan weydiimihii uu Guddigu hordhigay. Kulanka gebagabadiisa waxaa lagu ballamay wada shaqeyn dheeraad ah oo dhex marta labada dhinac, guddiyada kale duwan ee golaha ayaa muddooyinkii dambe waday su’aalo waydiinta hey’adaha dowladda ee dhanka amniga iyo sidoo kale kuwa arrimaha bulshada sida waxbarashada caafimaadka iyo arrimaha kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Madasha Qaramada Midoobey ee dalalka soo koraya ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar ayaa kulankooda ku lafa-guray aayaha xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ka soo qeyb-galka Madasha Qaramada ee dalalka soo koraya ayaa xusay sida ay Dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka fulinayso Soomaaliya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo kulan gaar ah yeeshay appeared first on Puntland Post.
  18. Dowladda Puntland ayaa si adag uga digtay in sifo aan sharci ahayn lagu meel-mariyo Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya. War-saxaafadeed Sabtidii ka soo baxay wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa Sharcigaas ku tilmaamay mid baalmarsan Dastuurka dalka waxaana dowladda Soomaaliya looga digay meel-marintiisa. ” Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn kuna dhaqmi doonin sharci kasta oo baalmarsan Dastuurka dowlada Puntland iyo kan DFS” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka. Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax xiriir wada-shaqayneed ah oo kala dhexaysa Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo ka hortimid meel-marinta Sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo lagu helay kamid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab. Ayuub Cismaan 24 sanno jiray ku dhashay ee deegaanka Janaale ee Sh/Hoose ayaa Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada, gaar ahaan bambada, sida ay sheegtay maxkamaddu. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Ayuub uu ku soo bartay bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysayna waxay aheyd bambo F1 oo uu ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, balse aan geysan wax khasaare ah, kadibna lasoo qabtay. Sidoo kale ninkan dhalinyarada oo xabsi dheer lagu xukumay ayaa horay isugu soo dhiibay dowladda Soomaaliya isaga oo soo maray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray fikirka kooxda, balse markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta laga fasaxay xarunta oo uu sanad ku jiray. Waxaase uu ninkan markale dib ugu laabtay kooxda Al-Shabaab bishii November 2022-kii, isaga oo mushaar ahaaan u qaadan jiray 30$, sida ay sheegtay xeer ilaalinta. Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiska Ayuub Cismaan Sheekh Aadan, waxaana laga ogolaaday 28-February-2023. Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saartay kiiska Ayuub Cismaan, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale uu ku dalban karo rafcaan, muddo ku siman 30 cisho, haddii uusan ku qanacsaneyy go’aanka Maxkamadda Ciidamada. Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay xukunada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ku jira gacanta dowladda federaalka Soomaaliya. The post Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku ridday nin ka dambeeyay weerarkii… appeared first on Caasimada Online.
  20. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay safaaradda Turkey ee Soomaaliya ku wareejisay lacag deeq ah oo lagu gargaarayo dadkii ku waxyeelobay dhulgariirikii ka dhacay Turkey horaantii Febraury oo ay ku dhinteen in badan 45 kun qof. Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olale ay lacag uga aruurineyso dadweynaha iyo maamuladda dalka si ay u muujiso barbar istaag. Soomaaliya oo la daalaadhacaysa abaar iyo colaado ayaa ka mid noqoneysaa dawladaha la damqaday Turkey ee gargaarka la gaaray ka dib saameyn xoog leh oo ka dhalatay dhul gariirkii ku dhuftay Turkey. Dadka ay wax yeeladu soo gaartay ayaa waxaa ka mid ah arday Soomaaliyeed oo wax ka barangay halkaa. Marka laga tago lacagta ay dowladda aruurisay, waxaa siyaabo kala gooni gooni ah lacag gargaar ah u geeyay safaaradda Turkey ee Soomaaliya iyo xarunta safaaradda Soomaalida ee Turkey shirkado iyo muwaadiniin Soomaaliyeed. Dalka Turkey waxaa ku nool jaaliyada balaaran oo iskugu jira qaxooti, ganacasato, arday iyo dad deegaan ah. Turkey ayay dadka Soomaaliyeed ku xasuustaan gurmadkii uu u fididay Soomaaliya 2011 markii ay abaar ba’an ay ku dhufutay Soomaaliya. Falanqeeyaasha ayaa ku sheegay gargaarka maanta ay dowladda gaarsiineyso Turkey mid barbar istaag ah oo wax badan ka tari kara xoojinta xiriirka labada dal iyo isku xirka ganacsiga muwaanidiinta. Turkey ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo ay ugu horeyso ladagaalanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka xoogga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose ayaa lasoo qabtay, isagoo ku eedeysan u tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, ayaa maxkamadda ciidamada maanta ku xukuntay 15 sano oo xabsi ah. Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya, isagoo soo maray xarunta dhaqan celinta ee loogu talagalay kuwa ka soo haray fikirka Al-shabaab a, Ayuub ayaa dib ugu laabtay Al-shabaab markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta oo la fasaxay kadib. Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale oo u dhow degaanka Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugan Janaale, wax khasaare ahna ma geysan, ciidankii uu weeraray ayaa soo qabtay ninkaan. Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida. Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com