-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo magacaabay guddiyo kasoo talobixin doona soo jeedin ka timid xildhibaanada qaar, sida lagu shaaciyey warqado kasoo kala baxay xafiisyada guddoomiye ku-xigeenada koowaad ee labada gole. Waajibaadka loo magacaabay guddiyadan waa inay ka soo talobixiyaan muddo kororsi hal sano ah oo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha loo sameynayo, taas oo u baahan in wax laga beddelo qodob kamid ah dastuurka KMG ah ee dalka. Ugu horeyn guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa soo magacaawday guddi ka kooban 10 Xildhibaan oo warbixin ama mooshin kasoo diyaarinaya in wax ka beddel lagu sameeyo qodobka dastuuriga ah ee muddo xileedka golayaasha dowladda federaalka. Warqadda ka soo baxday golaha shacabka waxaa lagu caddeeyey in muddo kordhintaan ay soo jeediyeen 97 xildhibaan, isla markaana ay lagama maarmaan noqotay in soo jeedinta xildhibaanadaas guddi loo xil-saaro. Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Cali Shacbaan Ibraahim ayaa soo magacaabay guddi ka kooban 10 Senator oo warbixin kasoo diyaarin doona soo jeedin ama Mooshin ku saabsan wax ka bedal Dastuurka ku meel gaarka ah. Warqadda Aqalka Sare waxaa lagu cadeeyey in 15 Senator ay soo jeediyeen in wax laga bedelo mudo xileedka golayaasha dastuuriga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Shacbaan ayaa qoraalkiisa ku sheegay go’aankaan ay qaateen markii ay eegeen xaaladda amni ee dalka ka jirta iyo sida ay muhiim u tahay in aysan joogsan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab. Magacaabista guddiyadaan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo dhawaan ay in ka badan 100 xildhibaan saxiixeen soo jeedin ah in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka KMG ah ee dalka, gaar ahaan qodobka khuseeya mudada xil-heynta golayaasha dowladda oo hadda ah afar sano, waxayna soo jeediyeen in laga dhigo shan sano. Durbadiiba arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshahaan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Hoos ka eeg warqadaha lagu magacaabay guddiyada labada gole #image_titleThe post Guddoonka BF oo qaaday tallaabo mudo kororsi appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safar shaqo oo uu ku joogo dowlad-goboleedka Jubaland ayaa maanta booqday deegaanka Malleeyleey oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose. Madaxweynaha ayaa u kuur galay xaaladaha nololeed ee bulshada deegaanka isaga oo halkaasi ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay wafdigiisa, madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimadda ay leedahay in deegaannada Jubbaland laga saaro Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Af-madoow ee gobolka Jubada hoose taasi oo masaafo ahaan dhan 120 Kiilo mitir. Madaxweynaha ayaa ka dalbaday ganacsatada, qurbajoogta iyo guud ahaan bulshada ree Jubaland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaan oo kaalin mug leh ka qaadandoonta fududeynta isku socodka ganacsiga iyo dadweynaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dowlad-goboleedka Jubaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa maanta qaabilay dhalinyaro guddi ah oo wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ay iska soo dhex-xuleen. Guddigaan oo ka koobnaa ku dhawaad 10 dhalinyaro ah ayaa wakiil ka ahaa Bajaaj-leyda reer Muqdisho, waxaana kulankii ay la yeesheen masuuliyiintaan u xilsaaran amniga Muqdisho looga hadlay seddax qodob oo kala ah: 1-Banaan-bixii ay iclaamiyeen Bajaajleyda Muqdisho. 2-Dilalka ay ciidamada dowladdu u geystaan wadayaasha mooto Bajaaj-ta ee sida joogtada ah Muqdisho uga dhaca. 3-Iyo Bandowga saaran socodka Mooto Bajaaj-ta markii la gaaro saqda dhexe ee habeenkii. Kulankaan kadib guddiga iyo masuuliyiinta ayaa qabtay shir jaraa’id, waxayna warbaahinta u sheeheen in xal laga gaaray 3-daas qodob ee diiradda lagu saaray shirkii ay isugu yimaadeen maanta oo Jimco ah. Ugu horeyn dhinacyada ayaa isku raacay in la joojiyo banaanbixii ay iclaamiyeen inuu berri oo Sabti ah Muqdisho ka dhacay dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta. Sidoo kale waxaa la isku raacay in la joojiyo oo ciidanka lagu khasbo in aysan geysan dilalka darawalada Mooto Bajaajta, isla markaana deg deg maxkamad loo hor geeyo askarigii dil geysta. Ugu dambeyntiina qodobka 3-aad ee heshiiska looga gaaray kulankii maanta ayaa ahaa Bandowga saaran socodka mooto Bajaaj-ta, markii la gaaro saqda dhexe ee habeenkii, waxaana lagu daray mudo hal saac ah. Mootooyinka magaalada Muqdisho ka shaqeeya ayaa xarooda habeen kasta 12:00 ee saqda dhexe, balse hadda waxaa loo ogolaaday inay gaari karaan 1:00 habeenimo. Qaar ka mid ah wadayaasha mooto Bajaaj-ta ayaa la hadlay warbaahinta waxayna xaqiijiyeen in xal hordhac ah laga gaaray tabashooyinkii ah qabeen, sidoo kale guddoomiye Yabooh ayaa isna sheegay inay is fahmeen maamulka gobolka Banaadir iyo Bajaajleyda Muqdisho. Sidoo kale Guddigii u hadlay Bajaajleyda waxay sheegeen in markii la gaaro bisha Ramadaan laga balan qaaday in loo fasixi doono inay toos u shaqeystaan 24-ka saac, iyadoo inta ka horeysana laga sii shaqeyn doono sidii ay taasi u suurta-geli laheyd. Hoos ka daawo The post Daawo: Bajaajleyda, Booliska iyo Maamulka G/Banaadir oo ka heshiiyey 3 caqabadood appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadii Jimcaha ee maanta wax uga tukaday Masjidka Madaxtooyada Jubaland ee Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay qorshihiisa safarka uu ku joogo Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyey inay ka go’antahay inuu xaliyo xiisadda ka dhaxeysa Kismaayo iyo Garbahaarey, isagoo aad ula dardaarmay bulshada reer Jubbaland. Madaxweynaha oo khudbadaan u jeediyay jamaacada Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanada Jubbaland inay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubbaland. “Marka hore soo dhaweyntiina waan idinkaga mahad celineynaa reer Jubbaland, walaalayaal waa la socotiin xaaladaha dalkeena ka jira, waxaa naga go’an in xaaladahaas aan wax ka bedelno, dadka reer Jubbaland waxaan kula dardaarmayaa inay is aqbalaan oo midoobaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyey inuu tegayo gobolka Gedo, oo dadaal kasta uu ku bixi doono xal u helidda tabashooyinka reer Gedo ay ka tirsanayaan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu hoggaamiyo. “Is aqbala walaalayaal, kuma rabo waxay leedahay kuma rabo, taasna looma baahna, waxaan diyaar u nahay in Jubbaland aan wax kasta la qabano, laakiin in howlaha ay madaxda Jubbaland qaba karaan in aan faraha la galno diyaar uma nihin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Mashruuca gobolka Gedo waan xalineynaa, waan tegaa Gedo, waxaan dhex fariisanaa dadka, tabashada ay qabaan waan dhageysanayaa, waxaana xalineynaa, ogaada in aan heshiino waa muhiim walaalayaal reer Jubbalanow,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya magaalada Kismaayo, waxaana lagu wadaa in magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo uu uga sii gudbo, halkaas oo khilaaf maamul uu ka jiro muddo ku dhow 3 sano. Hoos ka daawo khudbadii Madaxweynaha The post Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay sida uu ka yeelayo arrinta Gedo markii uu tago appeared first on Caasimada Online.
-
Puntland ayaa markale caddeysay in aysan qayb ka ahayn, ciidamadeeduna ku jirin dagaalka ka socda Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka Laascaanood uu u dhaxeeyo oo kali ah dadka deegaanka oo naftooda iyo aayahooda difaacaya iyo Somaliland oo rabta in ay xoog ku haysato, qori caaraddiisna ku hirgeliso mashruuceeda gooni-goosadka ah. Puntland waxay tilmaantay in cidkasta oo kale oo ay Somaliland dagaalka ku eedayso ay tahay marin habaabin iyo marmarsiiyo kale oo ay rabto in ay ku sii waddo xasuuqa dadka shacabka ah. Puntland waxay xustay in dagaalkaas xalkiisu uu yahay, iyadoo ciidamada Sonaliland ka baxaan gobolka, dadka deegaankana loo ogolaado in ay ayaahooda ka tashadaan. Puntland ayaa arrintan ka hadashay, kaddib markii xalay ay Somaliland sheegtay in ciidamo ka tirsan Puntland ay gudaha u galeen magaalada Laascaanood. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in ciidamadeedu ku jiraan dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
LASANOD, Somalia (Caasimada Online) – The ongoing conflict in Las Anod, a disputed town in Somaliland, Somalia, between security forces and clan fighters have claimed over 200 lives in a month, according to authorities. The fighting lasted for 24 days and caused significant damage to infrastructure and homes. The mayor of Las Anod, Abdirahim Ali Ismail, reported that “210 civilians were killed and 680 others were wounded” in the clashes. The violence erupted after elders in the Sool region pledged support for Somalia’s federal government and urged Somaliland authorities to withdraw their soldiers from the area. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized internationally. Las Anod, which straddles a key trade route, is claimed by Somaliland and neighboring Puntland, a semi-autonomous state of northeastern Somalia. The ongoing dispute over the town’s ownership has resulted in multiple violent conflicts in recent years. Damage and displacement The fighting in Las Anod has caused widespread damage to infrastructure, with many homes and businesses destroyed and critical services like electricity and water supply cut off. Ismail states, “715 homes were destroyed and 16,000 businesses closed.” The violence has also resulted in the displacement of over 200,000 families from their homes. One resident described Las Anod as “a war zone,” and many have fled the town. The UN reports that over 185,000 people have been displaced by the violence, with over 60,000 civilians fleeing to Ethiopia’s Somali region. Humanitarian crisis in Somalia The conflict has created a humanitarian crisis, with many people lacking access to necessities like food, water, and healthcare. Medical charity Doctors Without Borders (MSF) reported that one of the hospitals it supports was hit for the fourth time in three weeks, forcing the organization to suspend activities in the pediatrics ward and blood bank. Djoen Besselink, the MSF country representative for Somalia and Somaliland, called the situation “desperate” and highlighted the “tremendous human suffering” caused by the violence. Calls for peace The fighting in Las Anod has alarmed the international community, with several countries, including Qatar, Turkey, the United Arab Emirates, Britain, and the United States, issuing a joint statement urging an end to the violence. The statement called on all parties to adhere to the ceasefire, de-escalate the conflict and allow unhindered humanitarian access. Despite a ceasefire announced by Somaliland authorities on February 10, the conflict has continued, with accusations of attacks on both sides. The ongoing violence has left Somaliland poor and isolated, as its quest for statehood remains unrecognized. The post Somalia: Over 200 civilians killed in LasAnod fighting appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC. Waare ayaa musiibo ku tilmaamay in duqeyn xooggan lagu garaaco magaalada Laascaanood, iyada oo la heli karo xal aan dagaal iyo madaafiic aheyn oo labada dhinac isku fahmi karaan. Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in uu Laascaanood ka geystay xad-gudub ka weyn kan ay ka tirsaneysay dowladda millateriga aheyd, kaasi oo ay qiil uga dhigato qadiyadeeda gooni isu-taagga. “Wixii dhibaato dhacay oo dad la qarxiyay, gaajo loo dilay in maanta dagaal sii socda waa musiibo, bani aadanku ilko iyo carab ayaa isku dhaw way is qaniinaan balse waxaa lagu kala hormaray sidee khilaaf loo xaliyaa,” ayuu yiri. Xukuumadda Somaliland iyo Muuse Biixi ayuu usoo jeediyay in ay raadiyaan xal aan xabad ahayn, haddii uu ku adkeystana uu ka dhaxlayo dhibaatooyin daba soconaya adduun iyo aakhiro. “Dadka marka la leeyahay waa indheer-garad waxaa u muuqda waxa soo socda, in colaad xal la moodo waa nasiib darro, haddii caqliga saliimka ah la oddoroso meesha ay wax ku dhammaanayaan waxaa muuqda raad aan wanaagsaneen.” Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo colaadda, islamarkaana ay labada dhinac ee isku haya Laascaanood ay miiska wada-hadalka ku xaliyaan xiisadda taagan. “Waa nasiib darro in colaad xal la moodo innaga oo og wixii lasoo maray,” ayuu yiri Waare. Xaaladda Laascaanood ayaa weli cakiran, ayada oo dagaalka uu socda muddo ku dhaw bil, waxaana isa soo taraya baaqyada maxaliga iyo caalamiga ah ee loo dirayo Somaliland iyo dadka deegaanka, si loo qaboojiyo xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood. The post Waare: Somaliland waxay ku kacday xad-gudub ka weyn kii ay ka tirsaneysay dowladdii militariga appeared first on Caasimada Online.
-
Al-Shabaab, a terrorist group affiliated with Al-Qaeda, has been responsible for numerous attacks in Mogadishu over the years. They've targeted government officials, security forces, and civilians, using vehicles as weapons to carry out hit-and-run attacks. These attacks have caused widespread destruction and chaos, as well as a sense of fear and insecurity among the population. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii birmo-geydada ahayd ee ku dhimatay shilalkii ka dhacay Caasimadda ee ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha. Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey guulaha ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ay ka soo hoyeen xoreynta deegaannada aymuddo ku sugnaayeen Al-shabaab oo laga saaray. Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si guud shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay midmino, amni iyo wadajir bulsho in laga wada shaqeeyo, isagoo ummadda Soomaaliyeed u duceeyay, Allaahna uga baryay in colaadda uu ugu beddelo nabad, xilli uu hadlayay Salaadii kadib Jimcaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (HOL) - The Competition Authority of Kenya (CAK) has given the green light for Somalia's Premier Bank to acquire a 62.5% stake in Kenya's First Community Bank. The acquisition was approved by CAK's Acting Director General, Adano Wario, and announced in the Kenya Gazette on March 3. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Soomaali fara badan oo ka shaqeeya xarun ay leedahay shirkadda weyn ee Amazon oo ku taalla degmada Shakopee ee gobolka Minnesota ayaa kahor yimid go’aan ay shirkaddu ku xireyso xaruntaasi. Maamulka shirkadda ayaa sheegay in uusan diidaneen shaqada ay u hayaan dadka Soomaalida ah, balse loo wareejinayo xarun kale, taasi oo ay diideen qaar kamid ah howl-wadeennada ka shaqeeya. Soomaalida ayaa waxay sheegeen in go’aankan uu yahay mid ay shirkaddu uga aargoosanayso shaqaalaha Soomaalida u badan ee Amazon, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan. Qaar kamid ah shaqaalaha diidan in xarun kale ay u wareejiso shirkadda ayaa dood ka dhigtay laba arrin oo kala ah; in ay yihiin dad ku cusub Mareykanka oo aanay heli karin shaqooyin kale iyo howl-wadeennada qaar oo ka fogaanaya deegaankooda. Shaqaalahan ayaa waxay dhigeen banaanbax cabasho ah oo ay uga soo horjeedaan tallaabadan ay qaaday shirkada, iyaga oo sheegay in sababta loo xiray xarunta ay ka shaqeeyaan tahay hab la doonayo in iyaga shaqada looga eryo. Amazon ayaa dhankeeda ku dooday in xafiiska degmada Shakopee ee gobolka Minnesota la xirayo, go’aankaasina aanay ka dhigneen in shaqada laga saarayo shaqaalaha badan ee xafiiskaas laakiin loo wareejinayo xarun kale. Soomaalida ka shaqeysa shirkada Amazon ayaa hore u dhigay banaanbaxyo ay kaga cabanayaan sida ay ula dhaqanto shaqaalaha Soomaalida ah, hase yeeshe go’aankan cusub ayaa lagu macneeyay aargoosi ka dhan ah shaqaalaha, oo iyagu hore u dalbaday xuquuq badan. The post Daawo: Xiisad ka dhex taagan Soomaalida iyo shirkadda Amazon appeared first on Caasimada Online.
-
Debating Ideas aims to reflect the values and editorial ethos of the African Arguments book series, publishing engaged, often radical, scholarship, original and activist writing from within the African continent and beyond. It offers debates and engagements, contexts and controversies, and reviews and responses flowing from the African Arguments books. Source: Hiiraan Online
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ku booqday dhaawacyadii iyo Ehelada marxuumiintii ku geeriiyootay dhacdadii ka dhacday 27-kii /Februari/2023 isgooska Siinaay, waxaana dhaawacyadii uu booqday kamid ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Sulaymaan Fargax, kaas oo dhaawac kasoo gaartay rasaasii ciidanku isweydaarsadeen. Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Madaale ayaa booqashadiisa isbitaalka Urdogan waxaa ku wehlinaye Guddigii uu u xilsaaray soo qiimeynta kiiskii ka dhacay Isgooska Siinaay ayaa ugu horeyn Ehelada marxuumiinta ugu tacsayeeyay musiibadii dhacday, isaga oo ku qanciyay in si deg deg ah loo aaso Maydadka qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Isgooska Siinaay oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray talaajo si cadaalad loogu helo marxuumiintaasi. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimaale Madaale ayaa sheegay in gacanta lagu haayo 14-kamid ah askartii ku qorneed Isgooska Siinaay islamarkaana si deg deg sharciga loo horkeeni, doono, dhacadadaas ayaa noqotay mid siweyn u taabatay shacabka caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta hadal ka jeediyay Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan amniga caasimadda iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tacsi u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehellada ay ka geeriyoodeen dhallinyaradii bajaajleyda ahayd ee ay maalmihii pabsoo dhaafay dileen qaar ka mid ah askarta dowladda, waxa uuna sheegay in dhammaantood gacanta lagu hayo, lana horkeenayo sharciga. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka, xukuumadduna ay xoogga saareyso ilaalinta anshaxa iyo howl-gudashada Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo goobaha hubinta dadweynaha ee gudaha Caasimadda laga mamnuucay askari isticmaalaya maandooriyeyaasha. Madaxda isticmaasha waddooyinka ay yaalaan baraha Kontoroolada ayuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaruhu in ay si habboon ula dhaqmaan ciidamada, maadaama ay u taagan yihiin sidii ay cadowga ummadda Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay amniga Muqdisho iyo falalkii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay appeared first on Puntland Post.
-
DP World ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku faahfaahisay waxyaabaha uu qaban doono Aaga Cashuuraha ka Caagan ee shalay Berbera laga furay. Akhri qoraalka DP World “Aagga Cashuuraha ka Caagan ee berbera muhiimadiisu waa in uu abuuro deegaan ku habboon ganacsiga si Somaliland usoo jiidato maalgashiga, shaqo abuurna loo sameeyo Dekadda Berbera iyo Aagga Cashuuraha ka Caagani waxay u yihiin Somaliland xudunta isku- dhafan ee badda, ganacsiga iyo saadka ee Geeska Afrika BERBERA, SOMALILAND, 2 MARCH, 2023 – Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland ayaa maanta daah-furay Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera Economic Zone(BEZ), kaas iyo Dekeda oo ka dhigaya Berbera in ay noqoto goob ganacsi oo muhiim u ah Geeska Afrika. Waxa maanta si rasmi ah u furay wejigii kowaad ee Aagga Cashuuraha ka caagan Berbera Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha ahna Madaxa Fulinta ee DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem, taas oo ay ku fureen munaasibad khaas ah oo ay ka soo qayb-galeen dhawr boqol oo qof oo marti ah. oo ka mid ahaayen wakiilo ka socday shirkadaha DP World la wadaaga maalgashiga dekedda iyo Aagga Cashuuraha ka Caagan ee British International Investment (BII), Hay’adda Horumarinta Maaliyadda ee Ingiriiska ee UK’s Development Finance Institution (DFI) iyo Impect investor. Furitaankani waxa uu daba socday daah-furka xarunta cusub ee konteenarada ee Dekedda Berbera ee bishii Juun 2021. yoolka DP World ee Berbera waa sidii loo sameenlahaa xarun ganacsi, iyada oo ka faa’iidaysanaysa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku teedsan tahay mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan caalamka, isla markaana ay gasho dhulka baaxada miyiga leh ee gobolka Geeska oo ay Itoobiya ku jirto. Aaga Cashuuraha ka caagani waxuu 15 Km oo keliya u jiraa Dekedda waxuu sii racsanyahy Jidka Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ee isku xidha Addis Ababa,Itoobiya, kaas oo u baahan marin-badeedyo badan si uu u buuxiyo shuruudihiisa ganacsi. Xaruntan midaysan ee badda, saadka iyo ganacsiga ayaa u adeegi doonta Geeska Afrika, oo ah gobol koraya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof. Waxuu ku salaysan yahay qaabka midha dhalka ah ee Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Jebel Ali Free Zone (Jafza) ee DP World ee ku yaala Dubai. Waxa kale oo jiri doona is-kaashi u dhexeeya labada Aag, iyada oo shirkadaha Dubia ku yaala Berbera iska diwaangelin karaan iyaga oo usii dhex maraya Xafiisyada Jafza, halka shirkadaha Berbera ku yaala ay awood u yeelanayan adeegyada xarumaha wax-soo-saarka ee Aaga Cashuuraha ka caagan ee Jafza . Aagga Cashuuraha ka Caagan waxa loogu talagalay in uu abuuro degaan ku habboon ganacsiga si loo soo jiito maalgashi iyo shaqo abuurna loo sameeyey Somaliland. Waxaa ka mid ah deegaan tartan iyo waxtar leh, oo uu saamaxay xeerka cusub ee Aaagga Cashuuraha ka caagan, shirkadaha Aagga Cashuuraha ka Caagan, dhiirigelinta maaliyadeed iyo kuwa aan maaliyada ahayn, oo ay weheliso xafiis adeeg oo loogu talagalay in uu sameeyo diiwaangelinta iyo ruqsadaha ligaaga bahanyhay , xafiisyo casri ah, bakhaaro alaabta la dhigto, iyo dhulal banaan ood kiraysankarto. DP World ayaa hore heshiis ula gashay IFFCO oo ah shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta si ay u dhisto 300,000 square feet oo lagu farsameenayo Saliida cuntada Aagga Cashuraha ka Caagan dhexdiisa, waxaana hore isu diiwaangeliyey dhawr iyo toban shirkadood oo kale oo ka shaqeeyaba waxyaalo kala duwan. Munaasibada oo uu hadal ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi,ayaa yidhi: “ waxa weeye munaasibad kale oo Sharaf iyo Taarikhi u ah Somaliland iyo dadkeedaba marka laga yimaado furitaanki teerminalka koontaynarada ee Dekedda Berbera, Imikana Aagga Cashuuraha ka Caagan oo loo furay ganacsiga, waxaanu hore u qaadayna talaabo kale oo muhiim ah oo ah himiladeenna ku aaddan xaqiijinta in Berbera noqoto marin-ganacsiyeed midaysan oo heer gobol ah, kaas oo fure u noqon doona koboc dhaqaale, kaas oo lagu gaadhayo kor u kaca isku socodk ganacsiga, maalgashiga shisheeye, iyo shaqo abuurka”. Sultan Ahmed bin Sulayem, Gudoommiyaha ahna madaxa fulinta DP World, ayaa yidhi: “Dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah wuu isbedelayaa, waxaana sii kordhaya baahida loo qabo kaabayaasha ganacsiga, sida aagagga Cashuuraha ka Caagan, si sahlan oo degdeg ah loogu helo isku gooshitaanka caalamiga. tani waxay sababaysa in shirkadaha u soo dhawaadan macaamiishooda, wanaajiyaan saadka waxayna u oggolaanaysaa inay ku fidaan suuqyo cusub. Isku-xidhka Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuurahan ka Caagan ee cusub ayaa tusaale weyn u ah arrintaas, taas oo Berbera ka dhigaysa hab-ganacsiyeed heer caalami ah, hadda iyo mustaqbalkaba”. Liz Lloyd, Madaxa Shirkada British International Investment ayaa intaa ku dartay, “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu qayb ka noqono munaasibadan muhiimka ah ee lagu daah furayo Aagga Cashuraha ka Caagan ee Berbera, kaas oo Somaliland u noqon doona dhaqaale muhiim ah, isla markaana kaalmeeya kobaca gobolka Geeska Afrika. Balaadhinta guud ee dekeddu waxa la filayaa inay kor u qaaddo tayada nolosha iyo baahiyaha nolosha asaasiga in ka badan hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah, kordhinta helitaanka iyo awood-furnaanta badeecadaha iyo inay gacan ka gaystaan in ka badan 53,000 shaqo oo gudaha ah.” Qorshaha guud ee Aagga Cashuuraha ka Caagani wuxuu gaadhsiisanyhay in ka badan 1,200 hektar waxaana la balaadhin doonaa mudo kadib marka baahida loo qabaa korodho. Wajigii kowaad oo imika furan, waxa ay bixinaysaa dhulal loogu adeego dhismaha xarumaha shirkadda, 10,000 mitir oo laba jibbaaran oo bakhaaro kayd ah oo hore loo diyaariyey, iyo dhul diyaar u ah inaa dhisato, kayd barxad furan ah, bakhaar kayd oo la wada isticmaali karo oo ay DP World ku adeegi doonto kaargooyada macaamiisha iyo sidoo kale meel xafiis oo leh adeegyada IT ga oo gees ilaa ka gees ah. Dekadda Berbera waa deked ujeedooyin badan leh oo leh kaabayaal heer caalami ah oo ay ka mid yihiin badeecadaha waaweyn iyo kuwa jabsiga, awood u yeelashada shixnadaha dareeraha ah, iyo teerminaal casri ah oo konteenarada laga soo dejiyo. Waxay leedahay qoto dheer oo ah 17m, kaal 400m ah iyo sadex wiish oo STS ah, kuwaas oo loo adeegsankaro maraakibta konteenarada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya. Waxa kale oo ay awood u leedahay in ay qabato 500,000 oo konteenar unit ah TEUs sannadkii. Teerminalka waxa kale oo ku jira barxad konteerada oo casri ah oo leh sideed wiishashka RTGs, ah iyo xarun xafiisyo adeeg leh. Dekadda Berbera waa udub dhexaadka dhaqaalaha. balaadhinta awgeed waxaa la filayaa in ay ganacsiga fududayso ku dhawaad 27 boqolkiiba GDP-ga Somaliland iyo 75 boqolkiiba ganacsiga gobolka marka la gaadho 2035. Aaga Cashuuraha ka Caagani waxa uu fududayn doonaa ganacsiga Somaliland iyo waliba guud ahaan Geeska Afrika. Tani waxay ka faa’iido u tahay dhinacyo kala duwan oo ka mid yihin dhoofiyayaasha, soo dejiyasha ,xoolaha, alaabada beeraha iyo waxyalaha hore u xumaanaya, marmarada, iyo qalabka dhismaha. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay u muuqata inay sii lumineyso qabaa’ilka Soomaalida. Dadka waxay masuugsan yihiin hanaanka xil bixinta ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Ku dhawaad 50 digreeto oo labada xafiis ee dalka ugu sareysa kasoo baxday tan iyo 15-kii May ayaa ku dhawaad 40 kamid ah loo leexiyay beesha uu madaxweynuhu ku metalo saami-qeybsiga 4.5. Soomaaliya waxaa lagu joogaa heshiis aan qorneyn oo la yiraahdo 4.5. Marka laga tago awoodaha waaweyn oo kala calaamadeysan waxaa jira buuq aan dhamaan oo la xiriira awoodaha dhexe iyo kuwa hoose. Madaxweyne kasta oo yimaada Villa Somalia waxa la eega sida uu beelaha ugu cadaalad falo. Durba madaxweyne Xasan Sheekh dhaliil ayaa dhankaas kaga timida. Beesha Puntland degta miisaankeeda lama hayo, beesha Gedo degtana weli waa gadoodsan tahay, beesha udub dhexaadka u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waxay dhawaan ku shireen miisaankooda magaalada Nairobi waxaana sheegeen inay dhaliil ka qabaan saamigooda dowladda federaalka. Shalay waxaa magaalada Muqdisho ku shiray xildhibaanada labada Aqal ee beesha hoggaamisa maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyaguna dhaliilsan saami-qeybsigooda dowladda federaalka. Madaxtooyada Soomaaliya hadda iskama indho-tiri karto cabashooyinkan muuqda. Ma jiro madaxweyne raadinaya inuu xukunkiisu guuleysto oo iska indho-tiri kara cabashada qabaa’ilka. Haddaba, Maxaa la gudboon madaxweyne Xasan Sheekh marka laga hadlayo marxaladaan?. 1. Inuu dib u habeyn dhanka beelaha ah ku sameeyo magacaabistiisa oo ay cabasho badan ka taagan tahay, si aanay qabaa’il badan uga xarig furan dowladiisa. Isku dheeli-tirnaan beeleed oo xagga awood qeybsiga ah waa muhiim xilligaan, iyada oo la ogyahay sida aan beelaha looga maarmin marxaladaan lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. 2. Shaqsiyaadka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh xilalka umadda ugu dhiibeyso ayaa sidoo kale la isku haysta, kuwaasi oo iyaguna u baahan dib u hubin. Maadaama dadka la magacaabay ay ku jiraan dad la masuugay inay u qalmaan in bulshada hoggaamiyaan, kuwaasi oo ku suntan dhaqan aan fiicnayn. Xitaa qaar dadkaas kamid ah wakiiladda beesha caalamka ayaa la sheegaya in illaa hadda liqi la’yihiin inay wada-shaqeyn la yeeshaan. 3. Madaxweynaha waxaa laga raba inuusan iska indho-tirin cawaaqibka ka dhalan kara in beelaha la lumiyo, sababta oo ah haddii qabiilka aad lumiso xildhibaankiisana waa lumisay, taasina siyaasad ahaan iyo shacbiyad ahaanba wey ku saameyn kartaa. 4. Suurad xumeynta madaxweynaha: Mowduucan haddii aan si dhab ah loo qaadan oo aan laga shaqeyn waxa uu madaxweynaha ku shaanbadeyna inuu yahay nin beeleed, taasina uma fiicna inuu ku sifoobo ama laga aamino. The post Habka xilal qeybinta dowlada Xasan Sheekh iyo afar arrin oo xasaasi ah oo horyaalla Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha hore dagaalka ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay sii xoogeysteen howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada maamulkaasi. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ee ka bilawday gobollada dalka gaar ahaan dowlad-goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug laga gaaray guullo muhiim ah laguna qabtay magaalooyin kala duwan. “Sida aad la socotaan dalka guud ahaan waxaa ka socda howl-gallo ballaaran, markii aan halkaan ku kala tageynay deegaanno badan oo aan xor ahayn oo Khawaariijtu dadka Soomaaliyeed ku dhibaateyneysay ayaa xor ah, waxaa la rabaa in la dardar-geliyo howl-gallada,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu shaaciyay in ciidamada federaalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku ballameen fulinta howl-gallo xooggan, si la isugu xiro guud ahaan howl-gallada ka socda dowlad-goboleedyada hoostaga dowladda federaalka. “Saaxiibadiina HirShabelle iyo Galmudug waxa ay qabteen shaqo muhiim ah oo cadawga uga xorreeyeen meelo muhiim ah, sidaas oo kale ayaa la rabaa in guud ahaan dalka looga cirib-tiro Al-Shabaab.” Ugu dambeyntiina waxa uu ciidamada dowladda federaalka iyo Daraawiishta dowlad-goboleedka Jubbaland kula dardaarmay in ay sii laba jibaaran howl-gallada ka dhan ah Al-Shabaab ee deegaannada maamulkaasi. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay toddobaadyadii u dambeeyay uu hakad kooban ku yimid dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, marka laga reebo duqeymo ay ciidamada Mareykanka la beegsadaan kooxda. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa arrintaan ku macneysay isu-diyaarinta wejiga labaad ee howl-galka, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamo cusub oo ay Soomaaliya usoo diri doonaan dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo aan qeyb ka aheyn ATMIS. Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in wejiga labaad ee howl-galka uu awood u yeelan doono in kooxda Al-Shabaab looga saaro “xaafad iyo magaalo kasta” oo hadda ay gacanta ku hayaan. The post Wararkii ugu dambeeyay ee howl-galada ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Duqa magaalada Laascaanood, Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa markale si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, isaga oo dalbaday in dhinacyada isku haya ay ka baxaan gudaha magaalada. Duqa Laascaanood oo beesha caalamka ku wargeliyay tacadiyo uu sheegay in Somaliland ay kula kacday dad aan qeyb ka aheyn dagaalka iyo kuwa gudaha magaalada, ayaa waxa uu dalbaday si ay u dhaqan-gasho xabad joojin labada dhinac ah marka hore ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC laga saaro magaalada Laascaanood. “Ciidamada Somaliland waa in laga saaro guud ahaan degmada Laascaanood, lana geeyo degmada Caynaba si ay u hirgasho xabad-joojintii labada dhinac isla qaateen. Sidoo kale in shacabka hubeysan (ciidanka SSC) ee magaalada gudaheeda ku dhex jira in laga saaro si loo soo celiyo adeegii bulshada, una soo noqdaan dadkii barakacay,” ayuu yiri. Duqa magaalada Laascaanood ayaa ku macneeyay in soo jeedintan ay meesha ka saareyso dagaalka socda ku dhawaad bil, ayna fursad u siineyso dadkii ka barakacay magaalada inay dib ugu soo noqdaan. “Waa in gargaar bini’aadannimo la soo gaarsiiyo dadkii dhibaatadaas saameysay oo ku sugan guud ahaan degmada Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Buuhoodle. Kuwii gobolada kale u barakacay sida Puntland u barakacay in lala qabto wixii lala qaban karo.” Duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay qafaasheen dad aan qeyb ka aheyn dagaalka, halka qaarkood ay dileen, sida uu sheegay. “Somaliland waxay maxaabiis ahaan u kaxeysteen dadkii beeraleyda ahaa ee magaalada ka agdhawa iyo dadkii reer guuraaga ahaa ee xoolo dhaqatada ah iyo wax ma haystadii ka agdhaweyd magaalada, oo leeyihiin waxaa haysana maxaabiis dagaal, mana ahan ee waa dadka sidaas ah.” “Magaalada waxaa ka socda xasuuq bini’aadannimo, cadowtinimo, ciribtir iyo wax aan hore u maqal, waxaas oo dhan waxaa masuuliyadeeda iska leh ciidamada Somaliland iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ee xukunta. Dhibaatada intaas le’eg inay ka dhacday Laascaanood ayaa waxaa u cadeynayna umadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo ay khuseyso.” The post Duqa Laascaanood oo beesha caalamka u diray dalab ka dhan ah ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC appeared first on Caasimada Online.
-
The first recipient is Nimo Abdi, a senior at Capital High School in Boise. Abdi, 17, came to the U.S. from Somalia as a small child and has spent the years since navigating a different language and culture. She told the Idaho Statesman that she plans to study microbiology when she attends the College of Idaho in the fall. Source: Hiiraan Online
