-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Khadar Guun oo Raaligelin siiyey Xisbiga Waddani
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muusoow’ wadi kari wayday dalkii ee doorasho qabo yaanay kugu dul dumine” Xildhibaan Guun ayaa raali galin siiyay Xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisa oo uu ka raali galiyay in uu wakhtigii shirgudoonka la dooranaayay uu codka siiyay Xisbiga kulmiye. Xildhibaan khadar guun. Qaran News -
Diyaarad wax basaasta oo Marayakanku leeyahay oo Ruushku Burburiyey Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku dhacday mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka, taasoo keentay in diyaarada Mareykanka oo aan cidi wadin ay ku burburto badda madow, sida ay sheegeen ciidamada Mareykanka. Dhacdadan ayaa muujineysa khatarta sii kordheysa ee iska horimaad toos ah oo dhexmara Ruushka iyo Mareykanka taasi oo ku aadan dagaalka Ukraine. Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay si caadi ah u dul haadeysay hawada caalamiga ah markii labo diyaaradood oo Ruushku leeyahay ay isku dayeen in ay qabtaan. Ruushka ayaa sheegay in diyaarada aan duuliyaha lahayn ay soo dhacday ka dib markii ay “dhaqdhaqaaq xoogan sameeysay”, wuxuuna beeniyay in labada diyaaradood ay si toos ah ugu dhaceen. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ay duuleysay iyada oo la damiyay qalabkeed isgaarsiinta. Qalabkan isgaarsiinta ayaa ah mid suuragalinaya in lala socdo dhaqdhaqaaqa diyaaradda. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka nooca Reaper ayaa ah kuwa loogu talagalay dhanka sahanka taasi oo leh ballac dhan 20m (66ft) . Dhacdadan ayaa dhacday abbaare 07:03 xilliga Bartamaha Yurub Talaadadii, sida uu sheegay militariga Mareykanka. “Diyaaradeena MQ-9 ayaa si caadi ah ugu socotay hawada caalamiga ah markii lagu dhuftay diyaarad Ruushku leeyahay, taasoo keentay in ay burburto ,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dhowr jeer ka hor inta aysan isku dhicin diyaaradaha dagaalka ee Su-27 ayaa shidaal ku daadiyay diyaaradda aan duuliyaha lahayn si “aan ka fiirsasho lahayn, qaab aan wanaagsanayn”, ayuu bayaanka intaa ku daray. Mareykanka ayaa u yeeray safiirka Ruushka ee Washington, Anatoly Antonov, iyaga oo cabasha ka muujinaya dhacdadani. Warbaahinta dowladda Ruushka oo soo xiganeysa Antonov ayaa sheegtay in Moscow ay u aragtay dhacdadani diyaaradda mid “daandaansi ah”. Xiisadda badda ka taagan badda madow ayaa sare u kacday tan iyo markii Ruushka uu qabsaday Crimea sanadkii 2014-kii. Tan iyo markii uu Ruushku si buuxda ugu duulay Ukraine, Maraykanka iyo UK waxay kordhiyeen sahminta iyo ilaalinta , inkastoo ay had iyo jeer ka hawlgalaan hawada caalamiga ah. Su’aasha muhiimka ah ayaa ah in dhacdadan Talaadadii ay ahayd isku day Ruushku ku doonayay inuu ku carqaladeeyo diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka iyo shaqadeeda, mise waxay ahayd mid si ula kac ah loo soo riday. Sida laga soo xigtay Maraykanku, waxaa jiray ” falalka khatar ah oo duuliyayaasha Ruushka ay ku kacayeen” taasi oo ah in ay la falgalaan diyaaradaha dalalka xulufada la ah Ukraine. Markaa tani waxay si fudud u noqon kartaa qalad uu sameeyay duuliye Ruush ah oo aad ugu soo dhawaaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn. Laakiin kani waa weerar ula kac ah oo diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ku qaaday diyaarad Maraykan ah, markaas taasi waxay noqonaysaa daandaansi weyn iyo koror la taaban karo. Marka arrintan la eego, weerarka waxaa loo arki doonaa isku day uu Kremlin-ka ku doonayo inuu ku tijaabiyo jawaabta Mareykanka. Xulafada reer galbeedka ayaa aad ugu dadaalay sidii ay uga maagan lahaayeen dagaalka ka socda Ukraine in uu isu rogo dagaal toos ah oo lala galo Ruushka. Laakiin dhacdadan ka dhacday Badda Madow ka dib Maraykanku hadda waa inuu qiimeeyaa jawaabtiisa. Sida ay taliyeyaasha ciidamada Mareykanka uga digeen bayaankooda, tani waxay ahayd fal halis ah oo ” keeni karta xisaab-xumo iyo kororka xiisadda ee aan ku talo-gal ahayn”. Qaran News
-
Weftiga Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha KDQ Md. Muuse Xassan Yuusuf ayaa booqasho rasmi ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markay martiqaad ka haleen dhigooda dalka Kenya IEBC. Weftigu waxa ay la kulmeen Madaxda Komiishanka Doorashooyinka Kenya (IEBC) oo uu hogaaminayo Agaasimaha Fullinta Md. Marjaan Xuseen Marjaan oo ah mas’uulka waqtigan uga sareeya xafiiska, maadaamo oo aan wali la dhamaystirin xulista xubnaha cusub ee Komiishanka Kenya. Kulankan oo ujeedkiisu ahaa sidii ay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL xidhiidh wada-shaqayneed ula yeelan lahaayeen dhiggooda dalka Kenya, iyo siddii KDQ JSL uga koradhsan lahaayeen aqoonta iyo waayo-aragnimadooda fullinta doorashaooyinka, maadaama ay labadan dal mataano ku yihiin qabadhada doorashooyin dimuqraadi ah. Source
-
Madaxa Maamulka Ganacsiga Yaryar ee dowladda Maraykanka Isabella Casillas Guzman, ayaa ku dhawaaqday shakhsiyaadka hoggaaminaya ganacsiyada yar ee sanadka 2023-ka ee 50-ka gobol ee Mareykanka, degmada caasimadda, iyo deegaanka Puerto Rico. Guuleystayaasha ayaa xaflad abaalmarin ah loogu qaban doonaa magaaladan Washington DC, 30-ka April, iyadoo 1-da May-na midkood loo aqoonsan doono ganacsadaha ugu mudan ee sanadkan ee ganacsiyada yaryar ee Mareykanka oo tiradoodu gaadheyso 33 milyan. Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ah milkiilaha makhaayadda Afro Deli ayaa noqday Soomaaligii u horreeyey ee ku guuleysta ganacsadaha sanadka ee gobolka Mennisota waxaana uu ka qeybagli doonaa tartanka guud ee dhacaya bisha May. Source
-
2.5 ton oo Uranium ah oo loo isticmaalo hubka Nukliyeerka oo laga waayey Halkii ay taalay A Libyan representative uses a Geiger counter to measure radiation at the Tajoura nuclear research center… Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka ayaa ogaatay in ku dhowaad 2.5 ton oo Uranium dabiici ah in laga waayey goobihii dalka Liibiya ee lagu ogaa, kuwaas oo aan gacanta ugu jirin dawladda dalkaas ka arrimisa, sida ay masuuliyiinta hay’addani u sheegeen wadamada xubnaha ka ah hay’addan Arbacadi. Warbixintan oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in natiijada ka soo baxday baadhis qorshaysnayd sannadkii hore, hase ahaatee dib loogu dhigay arrimo dhinaca ammaanka ah, in la sameeyey maalintii Salaasada, sida lagu sheegay warbixinta sirta ah, ee uu diyaariyey madaxa hay’adda tamarta nukliyeerka ee caalamiga ah ee IAEA Rafeal Grossi. Baadhayaasha IAEA ayaa ogaaday in 10 foosto oo ay ku jiraan ku dhowaad 2.5 ton oo uranium dabiici ah, oo hore ay u shaacisay dawladda Liibiya, oo goobtaas lagu kaydiyey, in haatan laga waayey meeshii lagu ogaa. sida lagu sheegay warbixintan halka bog ahayd. Hay’adda ayaa samayn doonta baadhitaan dheeraad ah oo ku aaddan xaaladaha keenay in meeshaas laga qaado Uranium-ta, hase ahaatee may sheegin cidda qaadday ama meesha la geeyey. Hay’adda ayaa sheegtay in walxahan la qaatay ee la xidhiidha arrimaha nukliyeerku, inay wataan khatar shucaac ah iyo weliba walaac kale oo la xidhiidha ammaanka hubka nukliyeerka. Sannadkii 2003, waxaa dalka Liibiya uu ku dhawaaqay inuu ka hadhay damaciisii ku aaddanaa hubka nukliyeerka, isaga oo xilligaas horumariyey qalab kobcin kara Uraniumka iyo sidoo kale naqshadaynta macluumaadka bamka nukliyeerka, hase ahaatee horumar kooban ayay ka sameeyeen dhinaca samaysasha hubka nukliyeerka. Liibiya ayaa ku jirtay xaalad ammaan daro ah, tan iyo sannadkii 2011, xilligaas oo xilka lagaga tuuray kacdooni ay dabada ka riixaysay NATO. Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mudane Cabdirisaaq Xuseen Albaani ayaa kulan la qaatay Ergiga gaarka ah ee Dawladda Norway, (MFA Special Envoy) Ambassador Heidi Elburgi iyo Safiirka Kuxigeenka Dawladda Norway ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Haakon Svane. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa weftiga warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo wadamada Jaarka ah. Iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Norway ayay ka wada hadleen labada dhinaca iyo weliba mashaariicda horuumarineed, iyadoo kulankan ay ka soo qaybgashay Hay’adda Saferworld oo uu metelayey Cabdilaahi Ibrahim. Kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo wada shaqayn labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Norway. Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL. Source
-
Dhuusaramareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya inuu burburay heshiiskii nabadeynta ee ay horay dolwlad goboleedka Galmudug u kala dhex-dhigtay beelaha ku dagaalamaya gobolkaasi. Fashilka ayaa yimid, kadib markii ay maanta dilal qorsheysan siyaabo kala duwan uga dhaceen qaybo ka mid ah gobolkaas, taas oo horseedaysa xiisad horleh. Weerarka koowaad oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanka yoocaale oo u dhexeeya degmooyinka Balanballe iyo Xeraale, halkaas oo lagu dilay nin xoolo dhaqato ahaa, halka lagu dhaawacay mid kale. Ninka dhaawaca oo ay xaaladdiisu liidato ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la geeyay isbitaalla degmada Balanballe, si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in falkaasi ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan hab beeleed, kadibna ay baxsadeen. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aaanooyin qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Dhanka kale rag hubeysan ayaa isla maanta gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galhaduud ku dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaas oo lagu magacaabi jiray Cawil dhagruur, wuxuuna kamid ah dadka deegaanka. Taliska Booliska ee degmada Caabudwaaq oo ka hadlay dilkaas ayaa shaaca ka qaaday in ay dad usoo qab qabteen falkaasi, kadib howlgallo ay sameeyeen. Illaa iyo hadda ma jiiro wax hadalah oo kasoo baxay madaxda sare ee maamul goboleedka Galmudug oo ku aadan dilalkaasi. Maalmo kahor ayey aheyd markiii ay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug soo bandhigtay heshiis la kala dhex-dhigay beelahaan, si loo joojiyo colaadda ka taagan deegaanadeeda, waxaase muuqata in weli sii sii socdaan weerarada abaabulan iyo dilalka. The post Heshiiskii nabadeynta ee GALMUDUG oo burburay kadib arrin maanta dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
The US Secretary of State has highlighted the importance of implementing in full the peace agreement between the federal government and Tigrayan forces during lengthy talks with the Ethiopian prime minister. Source: Hiiraan Online
-
The Kenya Meteorological Department has advised Kenyans to plant drought-resistant crops due to expected depressed rains, the privately-owned Kenyans.co.ke website reports. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne Xasan oo Furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, dhismaha ciidanka xoogga ,hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed. Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Magaalada Baydhabo waxaa goordhaweyd ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Baydhabo waxaa lagu lafo-guri doona qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Villa Somalia. Shirkan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Saalax Jaamac iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale. Shirka waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, maqnaashahaas oo la xiriiraa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland oo aan weli xal loo helin. PUNTLAND POST The post Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Baydhabo iyo Puntland oo ka maqan appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhaba ka daah-furay shir u dhexeeyo dowladda federaalka, qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka, sida Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saari doonaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa arrimaha siyaasadda, dastuurka iyo dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Dhinaca kale waxaa shirkaas ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ku gacan seyray waan-waan & fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda caalamka. Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka ka furmay Baydhabo sabab uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiray shirka Baydhaba, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland. Dhankiisa aqoonyahan Cabdimaalik Xuseen oo ka falceliyay shirka magaalada Baydhaba ayaa sheegay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka looga baahan yahay inay is ogolaadaan, kadibna ay isku tanaasulaan, si ay go’aan wadajir ah u gaaraan. “Shirarkan oo kale waa loo baahan yahay in la qabto aalaaba marka waxaa loo baahan yahay in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ay is ogolaadaan, ay isku calool fiyoobaadaan, tanaasulaadna ay isku sameeyaanm,” ayuu yiri Cabdimaalik Xuseen. Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray. The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka BAYDHABA appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa maanta Meelmariyay Hindise Sharciyeedka Dhwrista Xogta, waxaana haa ugu codeeyay dhammaan sanataradii soo xaadiray kulanka. Golaha ayaa hore usoo meel mariyay sharciyo dhowr ah, kuwaas oo kasoo gudbay golaha shacabka, iyadoo sharcigaan loo gudbin doono madaxweynaha dalka si uu saxiiso uu dhaqangal u noqdo sida sharciga ah. Golaha aqalka sare ayaa dhowaan soo xiri doona Kalfadhiga golaha iyaga oo gali doona fasax, waxaana maalmihii dambe golaha ka gudbay shariyo ka yimid golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan labada gole ee Jubaland ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada oo lagaga hadlayo qodobo kala duwan oo dhanka amniga iyo Dastuurka ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu furo shirka Watashiga Qaran, iyadoo dhammaan Martida ay ku sugan yihiin Magaalada Baydhabo marka laga reebo Madaxweynaha Puntland Siciid Abdullahi Deni. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta shir ku leh magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan yihiin doodo waa weyn. Shirkan ayaa waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan Baydhaba, waxaana sidoo kale ka qayb-gali doono hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada HirShabelle, Galmudug, Jubbaland iyo Duqa magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in ka qayb-galka shirkan uu ku gacan seeray hoggaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo uu haatan khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka. Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha maamulka Puntland. Haddaba Maxaa looga baahan yahay inay sameeyaan madaxda ku shireysa BAYDHABA? Aqoonyahan Cabdimaalik Xuseen oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka falceliyay shirka Baydhaba iyo waxybaaha laga filan karo inay kasoo baxaaan shirkaasi. Cabdimaalik Xuseen ayaa shaaciyay in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran looga baahan yahay inay is ogolaadaan, kadibna ay isku tanaasulaan, si ay go’aan wadajir ah u gaaraan. “Shirarkan oo kale waa loo baahan yahay in la qabto aalaaba marka waxaa loo baahan yahay in maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ay is ogolaadaan, ay isku calool fiyoobaadaan, tanaasulaadna ay isku sameeyaanm,” ayuu yiri Cabdimaalik Xuseen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Haddii wax la kala tabanaayo oo ay xurguf dhex taallo maamul goboleedka iyo dowladda federaalka shir kasta oo la’isugu yimaado mira dhali maayo, in go’aamadiisu dhaqan-galaan ayaan rajeyneynaa oo ay isku niyad furnaadaan”. Waxa kale oo uu ka codsaday in madaxda ay diiradda saaraan arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka. “Waxaan u baahanahay in koonfurta laga cirib tiro Khawaarijta oo aan la dhayilsan arrintaas,” ayuu markale wareysigan ku yiri Cabdimaalik Xuseen. Si kastaba, shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay dalka ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray. The post Maxaa looga baahan yahay inay sameeyaan madaxda ku shireysa Baydhaba? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi) oo ka qay-galaya shirka qaran ee waxbarashada ee weli ka socda magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan gudaha caasimadda gaar ahaan halista kooxaha ciyaal weerada ee gobolka Banaadir. Koonfi ayaa shaaciyay in khatarta kooxahan ay gaartay goobaha waxbarashada ee Muqdisho, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen habsami u socodka waxbarashada. “Dhalinyarada ku jira xaaladda aan u bixinay ciyaal weerada oo gobolka degmooyin ka tirsan ka jira waxay saameyn toos ah mid dadban ku leeyihiin dugsiyada waxbarasho ee gobolka Banaadir, gaar ahaan ardayda,” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koonfi). Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qaar kamid ah ardayda ku dhaqan gobolka Banaadir iskuulada dhexdooda laga soo duufsaday, isla-markaana ay si toos ah ugu biireen kooxahaas oo haatan dhibaato ku hayo shacabka. “Tusaale haddii aan kasoo qaadno waxaa jira qaar badan oo ardayda dugsiyada aheyd oo isla dugsiyada dhexdooda laga soo duufsaday oo waxbarashada isaga haray, kadibna kamid noqday kooxahaasi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimihii hay’adda socdaalka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay jiraan arday kale oo isaga haray waxbarashada, kadib cabsi kasoo wajahday inay dhibaato u geystaan kooxaha ciyaal weerada. Maxamed Aadan Koofi ayaa xusay in dhalinyarada ciyaal weerada ay taagan yihiin waddooyinka, taasina ay cabsi ku bartay waalidiinta ardayda ka haray waxbarashada. “Waxaa kaloo jirtay arday waxbarashada isaga hartay oo cabsi aawgeed, waalidkuna u garteen in ay suurtagal aheyn in dugsiyada ay aadaan, sababtoo ah waddooyinka ayey taagan yihiin, dugsiyada inay joogaan ayaa xittaa suuragal ah”. ayuu markale yiri Koofi. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu Muqdisho ka socdo howlgal culus oo lagula dagaalamayo ciyaal weerarada iyo burcadda, kaas oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda, halka dhinac kale ay Al-Shabaab, ayaduna billowday inay beegsato ciyaal weerada iyo ragga ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan caasimada. The post Daawo: Qaar ka mid ah ardayda MUQDISHO oo ku biiray ciyaal weerada appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU — A military court in Somalia has ordered the executions of three al-Shabab militants it said pretended to be a doctor and soldiers to carry out bombings and shootings. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - KSrelief and WHO have announced a partnership to address one of the leading causes of death in Somalia - pneumonia in children under the age of 5. The announcement was made during the 3rd Riyadh International Humanitarian Forum, where Eng. Ahmed Albaiz and Dr. Ahmed Al-Mandhari signed a project contribution agreement. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo shirka Golaha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladd Federalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo magaalada ay soo gaareen Wufuud kale duwan oo dhinacyada ka kala socota. Shirka Wadatashiga Qaran ayaa waxaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka dalka Dhismaha ciidanka xoogga iyo tabariddooda si ay ula wareegaan ammaanka guud, maadaama sanadka soo aadan ay dalka isaga baxayaan ciidanka Nabad ilaalinta howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS loo yaqaano. Madaxda dowladda Federalka ku matalaysa shirka ayaa ku sugan Baydhabo sida,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud,Guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Raiisulwasaare Xamse Cabdi Barre,Ra,iisulwasaare ku-xigeenka dalka Xaalax Axmed Jaamaca iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale. Dhinaca Maamul Goboleedyada ayaa waxaa ku sugan magaalada oo gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen,Koonfur Galbeed oo martigelinaysa Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Jubbalan Axmed Maxamed Islaam Madoobe,Halka Puntland diiday ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Qaranka. Shirka Madasha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda Dowladda Federalka Dowlad Goboleedka iyo Maamulka Gobolka Banaadir waa kii sedrxaad ay isugu yimaadaan dhinacyada iyadoo labadii shirka dhacaya iyo kii ka Horsehay uusan qeyb ka aheyn madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntlqnd Siciid Cabdillaahi Deni oo aan qeyb ka noqon heshiiskii ugu dambeeyay ee dhinacyadu ay ku gaareen Muqdusho .Goobjoog News Source: goobjoog.com
