-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Maandooriyaha iyo dadka ka ganacsan, taasi oo dhibaayo xooggan ku haysa bulshada caasimada iyo xasilloonida dalka. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in hay’addaha amnigu ay gacan adag ku qaban doonaan dadka ka ganacsada Maandooriyaha. “Umadda Soomaaliyeed waxay ogeyd hal cadow oo la yidhaahdo Khawaarij, waxaa kusoo biiray cadaw kale oo ka daran Khawaarijta oo dadka ku dhex jira oo badelaya qof dhiiggiisa iyo noloshiisa, waxaa rabaa in aan idin sheego in aan la dagaalameyno oo waxaa rajeynayna in aan suulino,” ayuu yiri Taliye Sulub. Taliyaha ayaa waxa uga digay dadka ka ganacsada noocyada kala duwan ee maandooriyaha inay ka waantooban, “Ha dhibaateynina waa dadkiina, ka waantooba waxaas. Dadkeena uma baahna dhibaato ka badan Khawaarijta midda ay u geysatay.” Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in saraakiisha dowladda oo qaarkood lagu eedeyo inay qeyb ka yihiin ka ganacsiga waxyaabaha maan-dooriyaha ay ka sifeyn doonaan hay’addaha dowladda, sida uu sheegay. “Kuwa banaanka ka keenaya ee meelaha isku qarinaya waxaa ugu tageyna meelahood oo guud ahaan dalka waxaa ka sameynayna howl-galo lagu ciribtirayo waxaas,” ayuu yiri. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Dadka waxan qashinka ah dhalinta u qaadsiinaya waxaa leenahay ilmuhu waa ilmihiina waa kuwa dhasheen oo kale, oo dadkiina dhinac ka raaca wax xalaal ah raadsada Ilaahay ayaa idin siinaya.” Howl-gallada cusub ee ku dhawaaqay taliyaha ciidanka Booliska ayaa imanaya kadib kulan ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo diiradda lagu saaray la-dagaallanka Muqaadaraadka iyo waxyaabaha Maankadooriya. The post Daawo: DF oo Muqdisho uga dhawaaqday dagaal cusub oo ka dhan ah… appeared first on Caasimada Online.
-
A refugee has been killed at Ifo camp in Garissa county. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo maalamihii dambe ku sugna dalka Kenya ayaa booqday dugsiga ciidanka dhulka ee dalkaasi. Safarka Odowaa ee dalka Kenya ayaa qeyb ka ah qorshe lagu dardar-gelinayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda Kenya ayuu qorshuhu yahay inay Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya kuwa Soomaalida wajiga labaad ee dagaalka socda. Kenya ayaa rabta inay wax ka bedesho qorshaheeda la-dagaalanka Al-Shabaab, ayada oo xilligaan doonaysa in kooxda kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo ka barbar dagaalamaya ciidamada huwanta ee dalka ka wada howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab. Xukuumadda Nairobi ayaa qeyb ka aheyd heshiis ay bishii hore magaalada Muqdisho ku saxiixdeen dalalka safka hore, kaasi oo dhigaya “in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Shabaab.” Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamadii ugu horeeyay toddobaad kahor usoo dirtay Soomaaliya. Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS, kuwaasi oo la filayo inay dhawaan soo gaaran dalka. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda. La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo dhawaan shaaciyay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxa uu yiri “Kaalintooda waa inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howlgalaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Sidaas darteed, waxay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada Soomaaliya. Waa sidaas qorshaha.” Matt Bryden, oo ah khabiir amniga Geeska Afrika ah ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah, ee aan qeybta ka aheyn ATMIS “ay dedejin karaan dadaalalda lagu wiiqayo loogana adkaanayo Al-Shabaab.” “Tan iyo markii dowladda federaalka iyo saaxiibadeeda ay ku dhowaaqeen damacooda, Al-Shabaab waxay u badan tahay inay kala dirtay dagaal-yahannadeeda si ay uga fogaato dagaal militari oo toos ah,” ayuu yiri. The post Muxuu yahay qorshaha uu Odowaa ka wado Kenya? appeared first on Caasimada Online.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhisan laba maamul oo kala tirsan maamul goboleeyada Galmudug iyo Puntland, waxaana hadda ka jira wada-shaqeyn ka dhaxeysa labada dhinac. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, oo ah duqa Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xarunta gobolka Mudug ee u qeybsan labada maamul ay muddooyinkii dambe xasiloon tahay kadib duruufo kala duwan oo ay soo aragtay. Duqa Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in xasiloonida ka jirta Gaalkacyo ay ku timid wada-shaqeyn iyo is dhexgal ay wadaageen labada dhinac ee ka taliya xarunta gobolka Mudug. “Runtii waxa aan uwada shaqeynaa sidii hal magaalo ama hal maamul ah, waxa aan wada tagnaa hal xafiis oo kan kale waan isugu tagnaa, Magaalada Gaalkacyo cashir bay ka qaadatay marxaladdii kala qaybsanaanta,” ayuu yiri. Waxa uu intaas sii raaciyay “Dadka magaalada Gaalkacyo ee Koofurta iyo Waqooyiga waa ay soo arkeen dhibaatada ay leedahay kala qaybsanaanta, taas oo keentay isdhexgalka labada dhinac.” Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay in gacan adag lagu qabto amniga magaalada Gaalkacyo, taasi wax badan ka tartay amniga guud ee magaalada. Labada maamul ayaa sameeyay ciidan isku dhaf ah oo labada dhinac ah, kaasi oo loo xil-saaray wax ka qabashada dilalka, dagaallada iyo falalka amniga liddiga ku ah. The post Duqa Gaalkacyo: Waa ka gudubnay kala qeybsanaantii Galmudug iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
MOGADISHU, Somalia 16 March, 2023 – Somali Journalists Syndicate (SJS), Somali Media Association (SOMA) and Somali Mechanism for Safety of Journalists (SMSJ) decry the continued persecution against SJS Secretary General Abdalle Ahmed Mumin and call for his unconditional release. Source: Hiiraan Online
-
China, Iran, Russia hold joint naval drills in Gulf of Oman
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The navies of China, Iran and Russia are holding a joint maritime exercise starting Wednesday in a move to enhance cooperation as well as to safeguard maritime security and regional peace. Source: Hiiraan Online -
Mas’uuliyiinta dalka Malawi ayaa sheegay in duufaan xoog badan oo dalkaas ku dhufatay inay dishay in ka badan 350 qof, halka ay barakicisay kumanaan qof. Hay’adda maamulka masiibooyinka dabiiciga ah ee dalka Malawi ayaa khamiistii sheegtay in tirada dhimashadu ay marayso illaa 326 qof, kuwaas oo ku dhintay daadadka soo fatahay iyo dhul go’ ka dhacay meelaha qaar. Madaxweynaha dalka Malawi ayaa ku dhawaaqay 14 maalmood oo baroordiiq qaran ah, isaga oo ku baaqay in dalkiisa loo fidiyo gurmad caalami ah. Madaxweynaha dalka Malawi ayaa ku dhawaaqay 14 maalmood oo baroordiiq qaran ah, isaga oo ku baaqay in dalkiisa loo fidiyo gurmad caalami ah. Hay’adda saadaasha cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duufaantani ay bishii February 6-deedii ka soo bilaabantay xeebaha dalka Australia. PUNTLAND POST The post Duufaan xoogan oo dalka Malawi ku dishay 350 qof appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kan Hay’adda Sirdoonka, iyo midka Korontada Qaranka ee uu meelmariyay Baarlamaanka Federaalka ayaa carabka ku dhuftay in dowladiisu tillaab kastoo ay qaadayso ku salayn doonto sharciga iyo qaanuunka, xilli mucaaradka walaac ka muujiyey muddo kororsi sharcidarra ah oo uu baarlamaanka ku hawlan yahay. Shaki kuma jiro in nidaam dowladeed oo shaqaynaaya uu Soomaaliya u yahay lama huraan, balse waxba kuma turna haddii shuruucda loo qaabeyo hab-dhaqan dimuqraadi-diid ah amaseba loo adeegsado in lagu caburiyo cid kastoo ka aragti duwan kooxda talada dalka haysa. Madaxweynihii ugu horeeyay ee laba xilhayn isku maray waxaa laga filayey inuu la yimaad dibuhabayn, si loo helo hab-dhaqan siyaasadeed ka duwan kii ka horeeyay. Waxaase yaab noqotay in la kala diro guddiyadii madaxabannaan ee “Doorashooyinka Qaranka, La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Xuduudaha iyo Federaalka, iwm., iyadoo wax kaloo lagu beddelay la hayn. In hay’addo qaran oo madaxbannaan lalaalo waxay astaan cad u tahay in laga sii fogaanayo doorasho “Qof iyo Cod ah”. Sidoo kale, muddo kordhin uu anfacsado “hogganka fulinta iyo goleyaasha” hadda jira waxuu ka horimaanayaa “Dastuurka Midowga Afrika,” waxuuna dhaawac ku yahay kalsoonidii shacabka siiyay isbahaysigii “badbaado qaran”. Guuxa dadweynaha ee aan la qarin karin ayaa ah in, xildhibaan “xul qabiil” saldanad ku helay uusan badanaa lahayn qiyam asluubeed (moral values) oo uu ku daafaco amaseba gaarhaye uga noqdo geeddi-socodka siyaasadda dimuqraadiga ah ee dalka hiigsanayay. Ka mamnuucida dadweynaha kulamadda “cabashada siyaasadda” xitaa haddii laga yaabo in lagu dhaleeceynayo hoggaanka talada-haysa ma aha dimuqraadiyad. Ummadda badan ayaa hore isugu dayay in “xakamayn siyaasadeed” ku hagaan dareenka shacabka, balse kuma guulaysan. Si meesha looga saaro fowda ku tartanka siyaasadeed ee carqaladeynaya in tirada ugu badan muwaadiniinta codbixin uga qaybgalaan siyaasadda, waxaa lagama maarmaan ah in si dhaqso leh loo dhaqangeliyo shuruucda xisbiyo siyaasadeedka. Dalalka kheyraad dabiici leh ee haddana saboolka ah waxay ka siman yihiin cillado ay ka mid yihiin: dimuqraadiyad aan shaqeynayn, sharciga oo aan la dhowrayn, xuquuqda aadanaha oo lagu xadgudbo, iyo quursiga tala soo jeedinta muwaadiniinta. Si sahlan laguma gaari karo dimuqraadiyadda xisbiyada hoggaamiyaan inta gobollada qaarkood ay saynta uga taagan yihiin qabyatirka Dastuurka. Waxaase lama huraan ah in la bilaabo geeddi-socodka looga dhex xulanayo uruurada is-diiwaangeliyay, xisbiyo muuqaal qaran leh oo dhab ah leh. Taas uunbaa looga hortagi karaa khatarta xisbi qabiileedyo dadka kala qoqoba, iyo kuwo nuxur tira dimuqraadiyadda. Nidaamka dimuqraadiyadda xisbiyadu hoggaamiyaan waxuu ku dhisan yahay in muwaadinku siyaasadda uga qaybgalo doorashada wakiilo ku metela goleyaasha baarlamaanka qaranka amase kuwa degaanka. Doodda leh goleyaasha dastuurka ee “xulashada qabiilka” ku yimid ha looga dambeeyo siyaasadda macquul ma aha inta laga helin doono xisbiyo isku soo uruuriya inta isku argtida siyaasadeed leh. Jihada saxda ah ee dalku ku heli karo bulsho bisil oo u hoggaansan asluub anshaxeed waa in muwaadinka awood loo siiyo inuu dalka gudihiisa iyo dibaddisaba kaga qaybgeli karo doodaha siyaasadda qaranka. Xisbiyada siyaasadda waa halbowlaha isla xisaabtanka dimuqraadiyadda waxayna doodda siyaasadda ku soo biiriyaan aragtiyo ku tartama danta guud ee qaranka. Weliba, waxay gacan ka gaystaan dood wax ku ool ah iyo isu tanaasul The post Xagee ayaa Soomaaliya loo wadaa – Dimuqraadiyad aan xisbiyo siyaasadeed lahayn appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa la kulmay Safiirka Dalka China u fadhiya dalkeena, kulanka ayaana ka dhacay Xarunta Safaaradda China ee Magaalada Moqdisho. Taliyaha ayaa Safaaradda China uga Mahadceliyey Taageerada ay la Garab Taagan yihiin Ciidanka Boliiska Soomaaoiyeed iyo Mashaariicda Tababarka ay ku saaciidaan. Safiirka ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in dowladda China ay sii wadi doonto taageerada ay siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jia kasoo bashada dowlad la,aan muddo ah. Dowladda China ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha ciidan Booliiska ka taageera mashaariicda dhanka hormarineed iyo tabarrada ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland. Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhowr toddobaad kahor ka horyimid maamulka uu ka tirsan yahay ee Somaliland, isaga oo taageeray go’aanada garaadada Laascaanood, oo ah halka uu kasoo jeedo. Madaxweyne Ku xigeenka oo waraysi siiyay warbaahinta, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go’aamadii garaadada ku sugan magaalada Laascaanood. “Waxan aaminsanahay in uu ka talaabay xadkii Somaliland, eedayntu waxay taagantahay in aan isku toosino ama isku dhaliilno xayndaabkeena, ee loogu doortay in uu guddoomiyihii golaha wakiilada noqdo,” ayuu yidhi Saylici. Madaxwwynu ku xigeenku waxa uu sheegay in guddoomiye Khaliif uu taageeray guddida 33-ka ah oo uu sheegay in anay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin. Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay “Waxa uu sameeyay hadalo ku dar dar ah oo ciidanka Somaliland ah, oo uu yidhi ciidamadu rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay gaadhiyo kala hadheen oo ay laayeen, waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda”. Warka maanta kasoo yeeray Saylici ayaa imanaya ayada oo weli aan xal loo helin xiisadda Laascaanood, halkaasi oo odayaasha deegaanka ay dalbanayaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan, markaas un kadibna la furi karo wada-hadal. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay duqayn ka gaysteen magaalada. The post Cabdirisaaq Khaliif oo laga saaray xayndaabka Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa heshiis cusub kala saxiixday, kadib kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Heshiiskan oo ku qotoma dhanka milatariga ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamd Nuur (Jaamac), halka Mareykanka uu u saxiixay Larry André oo ah safiirka Washington u fadhiya magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Heshiiskan ayaa gundhigiisa waxa yahay dhisidda ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Danab, sida uu shaaciyay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. “Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Jaamac. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in muhiimadda koowaad ay tahay in tababar gaar ah lasiiyo ciidamada Xoogga dalka oo haatan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab. Jaamac ayaa sidoo kale xusay in qorshahan uu qayb ka yahay isku filnaansho ciidamada Xoogga dalka, si ay amniga ugala wareegaan ciidamada howlgalka ATMIS. “Ahmiyadda is-afgaradkan waa in tababbar iyo qalabeyn loo sameeyo CXDS ee Danab, si loo gaaro isku filnaansho Ciidamada Qalabka Sida ay kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka” ayuu markale sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu wasiikra uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada iyo garab istaagga ay mar weliba u muujiso dowladda federaalka Soomaaliya “Waxaan Dowladda Mareykanka uga mahad celineynaa taageerada uu mar walba la garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya,” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, isaga oo dhanka hawada ka taageera ciidamada Soomaaliya ee howlgallada ka wada dalka. The post Sawirro: Soomaaliya iyo Mareykanka oo heshiis ku gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
“Waxaan Hambalyeynayaa Abtigay Xildhibaan Khadar guun oo maanta ka goostay Doontii aanu hore u wada fuulay oo ka mid ahaa Xildhibaanada tirada yar ee baaqi ahaa gudaha hoose Doonta ee qar u saaran inay qarqoonto dhawaan. ..Waxaan leeyahay raga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa Geel…” Xildhibaan Mubarak Xeeldheere Qaran News
-
Gudoomiyaha ha’yadda maaraynta musiibooyin Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle yo wafdigiisa ayaa la kulmay safiirka boqortooyada sacuudi carabiya Axmed bin Maxamed Al- muwaladi. Safiirka ayaa balan qaaday inay si dhaw ula shaqeynayaan hay’adda SoDMA ayagoo kaashanaya hay’adahooda sida xarunta King salmaan ee gargaarka deg dega ah . Dhanka kale gudoomiyaha ayaa uga mahadcelshay safiirka iyo dowladiisaba garab istaaga iyo kaalmada bani aadanimo oo ay soomaaliya siinayaan xilligaan adag. Dowladda Sucuudiga ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dowladaha Soomaaliya ka taageera dhanka gargaarka, iyadoo xilligaan Abaar daran ay ka jirto dalka oo dad iyo duunyo saameysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
“Madaxweyne waad wadi kari waydaye yaanay kugu dul dumin ee dalka doorasho ka qabo , hogaamin malihid rakaabkaaguna wuu xunyahay , Geel kiis miidhan baad soo urursatay”. “ Waar dawladii hadii dalkii u tudhi weyday shicibka haloo tudho baan leeyahay, Inamada reerka laga magacaabayna ee bawdyaha isla dhacaya ee baqanayana waxaan leeyahay Muuse waa bili aadan oo Siyaad Barreba laga nool , Nimanyo dadkiina u shaqeeya meesha haku ceeboobine hadii kale xilka iskaga dega “. Xil. Khadar Guun Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa meel-mariyay saddex sharci oo muhiim ah, kuwaas oo horay u soo maray Golaha Shacabka. Senatorada Aqalka Sare ayaa hal-mar wadar ogol ku ansixiyay labada sharci ee kala ah 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 iyo 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐮𝐮𝐦𝐚𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, waxaana ogolaaday 31 Senator oo xaadiray kulanka. Sidoo kale Golaha Aqalka Sare ayaa isla maanta meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, kaas oo ay isna ansixiyeen 30 Senator, sida uu shaaciyay guddoonka. Wasiir Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Axmed Cismaan Diiriye oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Senatorada Golaha Aqalka Sare, kadib ansixintooda Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta. Dhankiisa agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka faceliyay tallaabada Golaha Aqalka Sare, isaga oo uga mahad-naqay meel-marinta 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝, kaas oo maanta la horgeeyay Aqalka Sare. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in sharcigan uu muhiim u yahay guud ahaan adeegga socdaalka dalka. “Sharciga Socdaalka wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay tayeynta adeegga socdaalka dalka, isu socodka waddamada gobolka iyo kuwa caalamka,” ayuu yiri Cabduqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimaha hay’ada Socdaalka & Jinsiyada ee dowladda federaalka Soomaaliya. Golaha Aqalka Sare ayaa toddobaadyadii dambe dardar-gelinayay shuruucda loo gudbiyay, isaga oo goluhu dhawaanansixiyay xubnaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka dalka. Guddigan ayaa waxaa Golaha Aqalka Sare horgeeyay wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, waxaana horay usoo meel-mariyay guddigan xubnaha Golaha Shacabka. The post Aqalka Sare oo deg deg u ansixiyay 3 sharci + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Abdihakim Moallim: “We must keep in mind that article 44 stipulates that any bill must go through three readings before ratification.” Mogadishu (PP News Desk) — Senator Abdihakim Moallim today urged the Upper House Senators to abide by the rules of the House when ratifying bills. “We must keep in mind that article 44 stipulates that any bill must go through three readings before ratification. We ask for Allah to forgive us for passing laws without following those rules this year. Several justifications such as debt forgiveness have been provided for rushing the ratification of bills. The Upper House will go into recess on 20 March. We have three days to read the bills so there is no need to ratify them without reading them three times” said Senator Abdihakim Moallim. The Senator’s call for adherence to Upper House rules comes in the wake of a new bill submitted to the Upper House and the Lower House to extend the terms of office for the presidency and the bicameral legislature. “We have been given the privilege to represent our people. That is why we are different from other citizens. We must uphold the rules” the Senator added. Last week, Mohamed Hassan Haad, an influential traditional leader in Mogadishu, warned against any amendments in the presidential and legislature terms of office. “If President Hassan Sheikh Mohamud ever tries to change his term of office to stay in power longer, Badbaado Qaran is still active. He is now a Villa Somalia occupant because of opposition against the attempted term extension by the former government” said Haad. © Puntland Post, 2023 The post Somali Senator Urges Compliance with the Upper House Rules on Ratifying Bills appeared first on Puntland Post.
-
Markabka Dekeda Berbera Ka qaaday Xoolo oo Ku xayirnaa Dekedaha Sucuudiga ayaa lagu guulaysta in laga Dejiyo Xoolihii Saarnaa…. Markab lagu Magacaabo Terest 1 oo Xoolo Nool oo dhan 1634 geel ah Ka qaaday Dekeda Berbera ee Somaliland oo mudo 7 cisho ku xanibnaa Dekadaha Sucuudiga Isla markaana la Sheegay in laga doonayay waraaqo dhinaca Soomaaliya laga soo qaadanaya ayaa ugu danbayn lagu guulaystay in lag dejiyo caawa iyadoo Xukuumada Somaliland iyo Ganacsatadda Xoolaha ay Ka hawlgaleen sida la xaqiijiyay. Xoolihii Markabka Ka baxay Dekeda Berbera ayaa iyagoo badqaba laga dejiyey Qaran News
