Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. It's fitting that the fourth anniversary of the Christchurch attack is the first International Day to Combat Islamophobia. Let it be a global wake-up call about the dangers of this vile hatred Source: Hiiraan Online
  2. Since violence erupted in Las Anod, Sool region, at the beginning of February, at least 150 people have been killed and hundreds more wounded. It’s estimated that more than 185,000* people have been displaced. Majority of the families live in camps for displaced people in the neighbouring towns of Kalabaydh, Hudun and Taleh. Others have fled further out to Buuhoodle in Togdheer region and Garowe city in Nugal region. The wave of displacement comes against a backdrop of one of the worst droughts the region has experienced. Source: Hiiraan Online
  3. Analysts say China and Russia are bolstering their presence in Africa to tap its rich natural resources, amid grave warnings from UN agencies the world's poorest countries face accumulating crippling debts. Source: Hiiraan Online
  4. Senatorial galahad aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah kulan ku leh xaruntooda Magaalada Muqdusho, iyaga oo ka doodaya Ajandayaal dhowr ah. Ajandaha kulanka ayaa kala ah: 1.Akhrinta Sedexaad ee Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta. 2. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Socdaalka Soomaaliyeed 3. Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed. Galahad aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe meel mariyay Hindise Sharciyeedyo dhowr ah,kuwaas oo kasoo gudbay galaha Shacabka Baarlamaanka Federalka oo gudbay Madaxweynaha oo la saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaacisay inay kasoo horjeedo qorshe ay dowladda federaalka ku doonayso in deymo cusub uga hesho dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah. Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi. “Puntland ma taageerayso hindisaha lagu amaahinayo hay’addaha kala duwan ee magaca Soomaaliya. Hindisahaani waxa uu ka dhigi doonaa in carruurta Soomaaliyeed ay deymo badan ku yeeshaan deyn-bixiyayaasha,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay xilligaan kasoo horjeedan in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasi oo uu tilmaamay in wax uusan kasoo gaarin deegaanadooda. “Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya, noomana yimaadan.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.” Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana dowladda federaalka ay qorshaynayso qaadashada deyn cusub, iyada oo adeegsanaysa nidaamka cusub ee indhaha beesha caalamka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dabayaaqada sanadkii hore shaaciyay in dowladda ay qaadaneyso boqolaal bilyan oo dollar, taasi oo lagu hirgelin doono mashaariic horumarineed sidda isbitaallo iyo iskuulo waaweyn guud ahaan dalka. “Shan bilyan ayaa la tacaaleynay muddo sanado ah in nagala cafiyo. Boqolaal bilyan oo deyn ah ayaa qaadan doonaa ileen dalka in aan dhisno ayaan u baahanahay. Waxaa galineyna deyntaas meel dakhli ka imaanaya oo iskaga gudi karno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. The post Puntland oo si adag uga hor-timid qorshe ay DF rabto inay ku qaadato… appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa digniin cusub kasoo saaray dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay in kooxda ay la sameeyaan nooc kasta oo la-macaamiil ah, islamarkaana ay feejignaan dheeraad ah ka muujiyaan weeraradooda. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in ciqaab adag la marsiin doono cid walba oo lagu helo inay ka tirsan tahay kooxda Al-Shabaab ama garab u noqota. “Dawladda, waxaa ka go’an in si adag loo ciqaabo cidkasta oo Khawaarij iyo Khawaarij kalkaal ah, sidaas awgeed waa in aan dhamaanteen ka feejignaano Dhagartooda kana dheeraano nooc kasta oo xiriirkooda ah, alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala. Hadalka wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa imanaya, xilli saaka xukun dil toogasho ah ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ku fulisay saddex nin oo laba kamid ah lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab iyo Dhakhtarkii dilaaga ahaa Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax). Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore uga digtay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta Al-Shabaab, gaar ahaan la xiriirta dembiyada lacag dhaqida iyo maal-gelinta argagixisada. Dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga guulo wax ku ool ah, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. The post DF oo digniin cusub kasoo saartay dagaalka kooxda Al-Shabaab iyo shaqsiyaadka… appeared first on Caasimada Online.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ka hadlay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shaaciyay sida kaliya ee xukuumaddiisa ay ku aqbali karto waan-waanta ay billaabeen QM iyo dowladda Ethiopia, taasi oo uu sheegay inay tahay in marka hore lagu saleeyo “in Somaliland dhexdeeda dhibaato ka jirto ay caawinayaan,” midaasi oo ka dhan ah rabitaanka SSC ee midnimada Soomaaliya. “Cidda nabadda nagala shaqaynaysa ee dawlad ama urur ah ee wanaaggeena doonaysa ee daacad ka ah waannu la kaashanaynaa oo waannu oggolahay, waase in marka hore laga bilaabo inay Somaliland oo dhexdooda dhibaato ka jirto ay caawinayaan,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddiisa aysan aqbali karin in dagaalka Laascaanood ay qeyb ka noqdaan dhinacyo kale, iyaga oo u abaabulan hab beeleed. “Waxaanan oggolayn in dadka qaarkii ama qayb kamid ah Soomaaliya oo Puntland ay farogelin iyo dagaal lasoo gasho Sool iyagoo hab qabali ah raacaya, taasina sax ma aha.” Madaxweyne Muuse Biixi ayaa intaas kadib sheegay in diyaar u yihiin sidii garaadada loola hadli lahaa, iyada oo loo dhego nuglaanayo meel kasta oo ay ku qanacsan yihiin in lagu wada-hadlo. “Dawladda Itooobiya oo na tidhi aanu wax idinla qabanno waanu oggol nahay laakiin qaabka arrinta lagu gelayaa waa arrin Somaliland dhexdeeda ah, garaaddadana diyaar baanu u nahay inaanu la hadalno, madax-dhaqameedkuna waa iga wakiil wixii ay keenaan ee nabad lagu helayana diyaar baan u ahay.” Shardigan cusub ee madaxweyne Biixi uu ku hor-gudbay wada-hadal ay la galaan Isimida SSC, si xal looga gaaro dagaalka Laascaanood, ayaa u muuqata mid sii dheeraynaysa in labada dhinac ay miiska wada-hadalka isugu yimaadan. The post Muuse Biixi oo sharuud adag ku xiray dhex-dhexaadin QM iyo Ethiopia ee Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  8. Washington (Caasimada Online) – Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay shalay Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka. Waa markii ugu horreysay oo ay si toos ah ay iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine sannad kahor. Wasaaradda difaaca Ruushka ayaase beenisay hadalka Mareykanka, iyada oo safiirka Moscow ee Washington uu sheegay in dalkiisu uu u arkayay hadalka Mareykanka mid daandaansi ah. Laba diyaaradood oo noocoodu yahay Su-27 oo Ruushku leeyahay ayaa fuliyay waxa ay milatariga Maraykanku ku tilmaameen fal-dambiyeed aan ka fiirsasho lahayn oo ay u geysteen diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay, xilli ay ku duuleysay hawada caalamiga ah. Mareykanku waxa uu sheegtay in diyaaradaha dagaalka Ruushku ay shidaalka ku daadiyeen diyaaradda MQ-9 – lagana yaabo in ay isku dayeen inay ka dhigaan mid aan waxb arki karin ama ay waxyeeleeyaan. Mareykanka ayaa si joogto ah gobolka uga sameeya duullimaadyo ilaalo ah, waxaana uu Ukraine ku taageeray balaayiin doolar oo gargaar milatari ah, inkasta oo Mareykanku aanu si toos ah uga qeyb qaadan dagaalka. Militariga Mareykanka ayaa sheegay in 30 ilaa 40 daqiiqo ay ku qaadatay diyaaradaha Ruushka inay burburiyaan diyaaradooda, iyaga oo sheegay inay dhici karto in mid ka mid ah diyaarahada Ruushkana ay waxyeello soo gaartay. Safiirka Ruushka u fadhiya Washington Anatoly Antonov ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka u yeertay, si ay su’aalo uga weyddiiso wixii ka dhacay Badda Madow, sida uu sheegay afhayeenka arrimaha dibadda Ned Price. The post Mareykanka iyo Ruushka oo markale ka dhex tafatay kadib diyaarad laga burburiyey appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay ku-xigeenka danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Mr. Ed Barnett. Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay xaaladaha amniga, siyaasadda, dib u heshiisiinta, adeegyada bulshada iyo dhinacyada kala duwan ee labada dal ay iska kaashan karaan. Wasiirka ayaa ku-xigeenka safiirka uga warbixiyay horumarka laga sameeyay hawl-galada milateri ee ka dhanka ah kooxda Al Shabab, barnaamijyada xasilinta iyo dib u heshiisiinta iyo shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacaya magaalada Baydhabo. Ku-xigeenka danjiraha Britain ee Soomaaliya Mr Ed Barnett ayaa sheegay in UK ay si buuxda u taageersan tahay barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo xasilinta ee dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka go’an tahay inay arkaan Soomaaliya oo dib cagaheeda isu taagta. Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa isla maanta xafiiskiisa kulan sagootin ah kula qaatey Madaxa Xafiiska Horumarinta Barnaamijyada ee Qaramada Midoobay (UNDP) Mr Jocelyn Mason. Wasiirka ayaa wakiilka UNDP uga mahad-celiyay waxqabadkiisi la xiriira taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya intii uu xafiiska joogay. Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale u sharaxay Wakiilka UNDP taageerada ay Soomaaliya ka fileyso hay’adda xilli ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya xoogga saareyso barnaamijyada xasilinta ee goobaha laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabab. Wakiilka UNDP ee Soomaaliya Mr. Mason ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan wada-shaqeyntii kala dhexeysa hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta intii uu dalka joogay, waxaana uu sheegay in hay’adda UNDP ay sii wadeyso taageeradeeda joogtada ah ee Soomaaliya. Hay’adda UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku hawlan mashaariic kala duwan oo dhinaca horumarinta ku saabsan. The post UK oo ku dhowaaqday inay taageereyso 3 barnaamij oo ay waddo DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  10. Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta si rasmi ah uga furmi doono shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka. Waxaa haatan Baydhaba ku sugan Madaxweyne Xasan Shkeeh, ra’iisul wasaare Xamza, ku xigeenkiisa, madaxweynayaasha maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Duqa Muqdisho Wararka ayaa sheegaya in madaxdaas uu ku biiri doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in saacadaha soo socda ee maanta uu gaaro Koonfur Galbeed. Shirka Baydhaba ka furmayo ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, ayada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada, si ay amniga u xoojiyaan inta uu socdo shirka. Dhinaca kale xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka. Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Deni ka dalbaday in shirweynahaasi uu xaadiro, isla-markaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro. Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa diidmadiisa shirka furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland. Si kastaba, shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha maamulka Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan. The post Shirka Golaha Wadatashiga oo maanta ka furmaya Baydhaba xilli ay Puntland.. appeared first on Caasimada Online.
  11. Dagnachew Yitebark said Ethiopia and Puntland “have significant trade and investment potential, which should be expanded by addressing trade challenges while creating a system that maximises mutual benefits”. Garowe (PP News Desk) — Puntland Economic Corridor and Investment Conference held in Garowe between 13 and 15 March showcased investment opportunities in the most economically open federal member state in the Federal Republic of Somalia. Investors and government officials from Ethiopia attended the conference in which participants envisaged a stronger trade between Puntland and Ethiopia particularly Oromia and the Somali State of Ethiopia. Consulate General, H.E. Dagnachew Yitebark said Ethiopia and Puntland “have significant trade and investment potential, which should be expanded by addressing trade challenges while creating a system that maximises mutual benefits”. Ethiopia maintains trade ties with Puntland through exports and imports. Puntland Vice President Ahmed Elmi being briefed on the conference programme. “Ethiopian investors are interested in investment opportunities in Puntland particularly fisheries among other potential opportunities for investment” said a participant from Oromia. There has been a decrease in hides imported from Ethiopia for Somali shoes industry due to policies that limit the hide exports. Goods exported to Ethiopia from Puntland get taxed at the border but Ethiopian exports to Puntland do not get taxed. “Oromia is looking into exporting agricultural produce to Puntland State of Somalia” said an agricultural investor from Addis Ababa. Most vegetables and fruits consumed in Puntland come from southern Somalia. © Puntland Post, 2023 The post Stronger Trade Ties Between Puntland State of Somalia and Ethiopia Envisaged appeared first on Puntland Post.
  12. War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland (Puntland Economic Corridor & Investment Conference) oo maanta ku soo geba-gaboobay magaalada Garoowe Shirkan oo ay ka qayb-galeen in ka badan 40 shirkadood oo isugu jira shirkado Caalami ah iyo kuwa Soomaaliyeed ayaa intii uu socday si weyn loogu lafa guray Fursadaha maalgashi ee kajira Puntland. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cali Maxamed (Xaashaawe) oo xiritaankii shirka Khudbad dheer ka jeediyay ayaa kasoo qaybgalayaasha la wadaagay qodobo badan oo laga faa’iidey shirka mudadii Sadexda maalmood ahayd. “Waxaa shirka timi Gabar maalqabeen ah oo u dhalatay Shiinaha oo diyaar u ah inay maalgashato Beeyada, Beeyadeena oo dhibaato haysato waxaa ganacsatadu ii sheegeen in bakhaarada ay ku xumaato, qaar Hargeysa la geeyey oo magac kale lagu dhejiyey qaarna la ina ga dhacay, marka waxay diyaar u tahay in beeyadeena halkan lagu farsameeyo laguna qoro Made in Puntland,” ayuu yiri Wasiir Xaashaawe. Wasiirka ayaa sheegay in guud ahaan shirku ahaa mid guulaystey natiijo fiicana ay kasoo baxday intii shirku socdey lagana soo saaray qodobo dhaxal gal u ah bulshada reer Puntland. PUNTLAND POST The post War-murtiyeed laga soo saaray Shirweynaha Maalgashiga Puntland oo Garoowe ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay ajendaha shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berri ka furmaya magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Wasiir Daa’uud ayaa dul istaagay qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlayo shirka Baydhaba, kuwaas oo kala ah: 1 – Arrimaha amniga, gaar ahaan dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab, iyadoo la cadeynayo doorka ay dowlad goboleedyadu ku leeyihiin. 2 – Arrimaha maaliyadda dalka, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa nidaamka dhaqaale ee dalka, iyadoo la gorfeyn doono qaabka ay dhinaca dhaqaalaha uga wadashaqeynayaan DF iyo dowlad goboleedyada dalka. 3 – Iyo Arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo laga tashanayo nooca doorasho ee Soomaaliya loo jiheynayo, markii la gaaro sanadka 2026-ka, xiligaas oo muddo xileedka Xasan Sheekh uu ku egyahay. “Soomaaliya waxay ka soo kabaneysaa burbur iyo dowlad la’aan ay muddo ku soo jirtay, tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh shirkaan waa kii 5-aad oo wadatashi ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ajendayaasha shirarka madaxda dalka ay tixane yihiin, taas oo muhiim ka dhigeysa inay isku yimaadaan mar kasta oo xaalado ay soo kordhaan, si wadajir loogu xaliyo, iyadoo la daweynayo kala shakiga iyo kala qoqobka ay Soomaalidu ku soo jirtay mudada dheer. Wasiirka Daa’uud oo la weydiiyey in la xaliyey tabashadii ay Puntland uga baxday shirkii hore ayaa sheegay in weli ay wadatashiyadu socdaan oo madaxdu ay xaq u leeyihiin inay la-tashiyo ka soo yeeshaan waxyaabaha ay go’aanada ka gaari waayaan. Khamiista berri ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhaba uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaranka, halkaas oo maanta ay gaareen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha dalka, ku xigeenkiisa, duqa Muqdisho iyo Madaxweynaha Galmudug, horayna waxaa Baydhaba u joogay madaxweyne Qoor Qoor. Madaxweyne Xasan Sheekh oo galabta Baydhaba gaaray ayaa lagu wadaa in berri gelinka hore uu furo shirka, waxaa halkaas horay ugu sugnaa guddiyo farsamo oo fududeynaya ajendayaasha shirka madaxda. Hoos ka daawo Wasiir Daa’uud Aweys The post Daawo: DF oo shaacisay 3 qodob oo ugu muhiimsan ajendaha shirka Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  14. Mogadishu (HOL) - The local committee of 33 elders of the Sool clan clan has stated that their forces will only agree to a ceasefire proposed by the Somaliland government or enter into direct talks once the Somaliland forces have withdrawn from the region. Aqil Abdirisaaq Mohamed Hassan Fallalug, the spokesperson for the committee, has reported that a ceasefire has not been implemented on the Somaliland side and that the Somaliland army has bombarded the city on several occasions. Fallalug has stated that there is no effective ceasefire in Sool and Las Anod, with daily fighting occurring. Source: Hiiraan Online
  15. NAIROBI, March 15 (Xinhua) -- The climate emergencies including droughts, floods and wildfires that have escalated in the Horn of Africa region are to blame for the forced migration of civilians, the International Organization for Migration (IOM), a specialized UN agency said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  16. Baardheere (Caasimada Online) –Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay dagmadaasi ka billaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka dagmada, kadib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Baardheere. Maamulka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad ku eedeysan in ay ka dambeeyeen weerarkaas, wuxuuna qaraxii shalay dhaliyey khasaare aad u baaxad weyn, sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Baardheere. Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxaas oo lagu dhuftay guriga Martida ee degmada Baardheere, waxaana burburay isbitaalkii degmada iyo guryo badan. Sidoo kale weerar kale oo Al-shabaab ay u adeegsadeen qoriga Hoobiyaha ayaa lagu garaacay degmada qaraxaas kadib, waxaana ka dhashay khasaare ka badan kii uu qaraxu geystay. Guddoomiyaha degmada Baardheere Maxamed-Weli Yuusuf Qorrax oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ka warbixiyey saameynta uu qaraxaasi ku yeeshay dadka reer Baardheere. “Qaraxa kadib waxaan sameynay howlgallo culus, dad badan ayaa la soo qabtay, waxaana ku socda baaritaan, dadkaan eedeysanayaasha ah waa badan yihiin, qofkii aan dembi laheyna waan siidey doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Baardheere. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay Baardheere ay badankood Muqdisho u soo qaadeen, maadaama uu burburay isbitaalkii degmada. Sidoo kale Guddoomiye Qorrax wuxuu sheegay in ninka is qarxiyey uu ka yimid banaanka magaalada, isla markaana la arkay oo goobta uu ku qarxay uu gaaray iyadoo la rasaaseynayo. “Ninkaas wuxuu magaalada ka soo galay wadooyin xaafado badan soo dhexmaray oo dad shacab ah ay degan yihiin, meel fog ayuu ciidanku ka arkay, waa la isku deyey in laga hor-tago oo ciidanku waa dadaalay, balse waxaa u suurta gashay inuu gaaro bartilmaameedkii uu ku qarxi lahaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha degmada Baardheere. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/03/01000000-0aff-0242-8763-08db256138c5_16k.mp3The post Wareysi: Dad loo soo qabtay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Baardheere appeared first on Caasimada Online.
  17. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug lagu soo gaba-gabeeyay shir u dhaxeeyay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada. Shirka oo socday muddo afar maalmood ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha ay ka mid yihiin; xoojinta, dardar-gelinta iyo wada-shaqeynta wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha DFS iyo kuwa dowlad-goboleedyada. Shirkan ayaa waxaa soo xaadiray wasiirka wasaaradda ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Cabdulqaadi Cabdullaahi Warsame (Galmudug), Cabdiwahaab Axmed Cusmaan (Jubbaland), Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Koonfur Galbeed), Faysal Axmed-weli Xasan (HirShabelle) iyo Agaasimaha Siyaasadda iyo Dimuqraadiyeynta maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Cabdi Calasow. Puntland ayaa ka maqneyd shirkaan. War-murtiyeed laga soo saaray shirkaan ayaa waxaa lagu sheegay in wasaaradda Ganacsiga ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay isku raaceen in 30 maalmood gudahood lagu dhiso guddi ka kooban sagaal xubnood oo ka kala imanaya dhinacyada ka qeyb-galay shirkaan. “Guddigaas oo ay shaqadiisu noqon doonto diyaarinta xeer lagu maamulo xallinta khilaafaadka ku saleysan shirkadaha isku magaca ah ee ka diiwaan-gashan maamuladda kala duwan ee dalka, guddigaas oo qorsha howleedkiisa soo dhameystiraya kahor daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta Ganacsiyada Soomaaliya. Qoddobada kasoo baxay shirkaan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah in wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee heer federaal iyo kuwa dowlad-goboleedyada ay diyaariyaan xeer-nidaamiyaasha sharciga shirkadaha iyo hanaanka loo maraayo diiwaan-gelinta ganacsiyada dalka. “Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dib-u-eegis ku sameeyaan sharciga shirkadaha oo horay loo ansixiyay 2019-kii si loogu daro qeybaha muhiimka u ah hanaanka diiwaan-gelinta ganacsiyada dalka.” Sidoo kale waxay isku raaceen in la bilaabo daadejinta hanaanka diiwaan-gelinta ganacsiyada Soomaaliya saddex bilood gudahood, laguna bilaabo dowlad-goboleedka Jubbaland. “In ay ka qeyb qaataan dib-u-eegista iyo horumarinta sharciga shatiyada Qaranka oo ay dhawaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dowladda federaalka kasoo celisay golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya.” Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran: The post War-murtiyeed laga soo saaray shir ay yeesheen DF iyo dowlad-goboleedyada oo appeared first on Caasimada Online.
  18. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Goboleedka Galmudug ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Madaxweynaha (Laftagareen), Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Magaalada Baydhabo uga qeybgalay shirka Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan mas’uu;iyiin kale duwan sida Ra’iisulwasaare Xamase, Yuusuf Xuseen Jimacaale Madaale iyo guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furamayo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, masuuliyiin heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madasha Wadatashiga Qaranka ee Baydhabo ka furmaysa ayaa lagaga arrinsanayaa qaab dhismeedka amniga qaranka, hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxda Heer Dowlad Goboleed ayaa ka arrinsanaya qorsheyaasha muhiimka u ah geeddi socodka dowladnimada iyo horumarka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan soo fara-gelisay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Dadaallada Itoobiya oo socday toban cisho ka badan ayaa waxay horumar ka sameyn waayay labada dhinac ee isku haya magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ku guul-dareystay isku-deygii Itoobiya ee xal loogu raadinayay colaadda ka taagan xarunta gobolka Sool. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dadaallada Itoobiya ay u guul-dareysteen kadib markii labada dhinac ay shuruudo dhowr ah hordhigeen wafdigii ka socday Itoobiya, kuwaasi oo xilligaan ay adag tahay in labada dhinac ay aqbalaan. Isimida SSC oo la kulmay xubnaha ka socday Itoobiya ayaa waxay u sheegeen in miiska wada-hadalka la fariisin karin Somaliland illaa ciidamadeedu ka baxaan gobolka Sool, sida ay ogaatay Caasiamda Online. Madaxda sare ee Somaliland ayaa iyaguna dhankooda ku xiray wada-hadal xal looga gaaro xiisadda dagaal ee taagan ay tahay in marka hore la aqbalo in Laascaanood ay ka tirsan tahay Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya. Shuruudaha ay labada dhinac hordhigeen xubnihii ka socday Itoobiya ayaa xilligaan god kusii riday in waqti dhow xal laga gaaro dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. SSC ayaa la sheegay inay ku gacan seyreen inay ka tanaasulaan qadiyada midnimada oo uu dhiig badan ugu daatay gudaha gobolka, halka Somaliland ay dib u qaadista ciidamadeeda ku xirtay in deegaankaas uu yahay mid Somaliland leedahay oo xalinta qadiyada laga soo qaado mid gudaha Somaliland ah. Si kastaba, Dagaalka Laascaanood ayaa qaatay muddo ka badan hal bil, ayada oo khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dad rayid ah oo an waxba galabsan, waxaana weli duleedka magaalada isku horfadhiya ciidamada labada dhinac. The post Xog: Maxaa kasoo baxay dadaaladdii Ethiopia ee dagaalka Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
  21. MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – A military appeals court in Mogadishu, Somalia, has mandated the execution of three al-Shabab militants found guilty of impersonating a doctor and soldiers to perpetrate bombings and shootings. The executions were carried out on Wednesday, following the court’s decision. According to the court, 38-year-old Mohamed Abdi Nur Jirow, known by the alias “Dr. Fanah,” falsely identified himself as a neurologist. In 2021, Jirow orchestrated bombings at two restaurants in Mogadishu, resulting in the tragic loss of 20 lives. Additionally, the court stated that Jirow was responsible for the deaths of two individuals during an assault on a football stadium on the outskirts of Mogadishu. The court did not provide specific details on when this attack occurred. Jirow also played a role in a suicide bombing in February, which led to the death of one soldier. Impersonations allowed attacks Mumin Hussein Abdullahi, the deputy prosecutor at the military court, confirmed the execution of the three convicts: Mohamed Abdi Nur Jirow (Dr. Fanah), Mohamed Abdulle Abkow (Bimalow), and Sharif Mohamed Barqadle Ayanle (Jeego). The court reported that 36-year-old Bimalow, impersonating a military lieutenant, bombed a Mogadishu restaurant in 2019, killing 11 people. Bimalow was also involved in an attack on Mogadishu’s international airport the following year, which resulted in the death of one soldier. Ayanle, aged 53, had previously served in the Somali army. However, he falsely claimed to hold the rank of captain, a claim the military has vehemently denied. Ayanle executed a bombing at a Mogadishu mall in February, causing the death of 16 people and injuring 38 others. Appeals Court upholds death sentences The appeals court upheld the lower court’s January death sentence for the three men after they reportedly confessed to their crimes. This execution comes on the heels of a similar decision by a military court in Somalia’s Puntland region, which dictated the execution of 13 al-Shabab and Islamic State militants just one week earlier. The same court also mandated the execution of five Somali soldiers for the murder of civilians. The government’s security agencies successfully apprehended the militants after obtaining information about their false representation as army personnel to facilitate al-Shabab attacks. The military court seems to have expedited the executions in light of the government’s recent military offensive against al-Shabab, during which dozens of militants were executed. These executions transpired a mere 24 hours after a suicide attack in southern Somalia claimed the lives of at least five people and injured 11 others, including the Gedo governor, according to police reports. The post Unmasking Al-Shabab: Somali court delivers justice to impostor militants appeared first on Caasimada Online.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kasoo dajisay gargaar mucaawino ah oo gaaraya 800 tan. Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dekada magaalada Muqdisho kala wareegay safiirka dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi deeqdan gargaarka ah. Deeqda Imaaraadka ayaa iskugu jirta qeybaha kala duwan ee raashinka, waxaana loogu tala-galay in la gaarsiiyo dadka abaraha iyo coladaha ay sameeynta ku reebeen, sida ay shaacisay hay’adda SODMA. Sidoo kale waxaa la gaarsiin doona mucaawinadaan oo loogu tala-galay shacabka ku nool deeganadii dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ee maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland. Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka (SODMA)ayaa dowlada iyo Shacabka Imaaraadka kaga mahad-celiyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ballan-qaaday in ay gaarsiin doonaan dadkii u baahnaa ee guud ahaan ku sugan dalka. Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa dhankiisa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka go’an tahay caawinta walalahooda Soomaaliyeed, islamarkaana ay sii wadi doonaan gargaarka bini’aadannimo. Imaaraadka ayaa sidan oo kale bishii August ee sanadkii hore Soomaaliya keenay deeq ka koobnayd 40 konteenar oo ay ku jiraan raashin kala duwan oo loogu tala-galay dadka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen. Deeqdaas ayaa waxaa xilligaasi la wareegay xafiiska ra’iisul wasaaraha kadib markii ay muddo toddoba berri ah ku xayirneyd dekadda Muqdisho, kadib markii la isku qabsaday ciddii maamuli laheyd. Soomaaliya ayaa waxa ka jira abaar daran, iyada oo dad gaaraya hal milyan oo qof ay ku barakaceen, sidoo kale waxay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda. The post Sawirro: Imaaraadka Carabta oo maanta Muqdisho kasoo dejiyay 800 tan oo ah… appeared first on Caasimada Online.