-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dalalka Canada iyo Maraykanka ayaa gaadhey is afgarad ku wajahan la dagaalkanka dadka tahriibeyaasha ah ee labadaa dal isaga gudbi jirey. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa shegay in ay Raysal wasaaraha Canada ka wada hadleen sidii loo joojij lahaa dadka tacbirka ah ee isaga kala tallaaba xuduudaha labadaas kuwaas oo taga marba dalkii ay dantooda ka dhex arkaan. Tan ayaa ka dhigan in guud ahaan halkaas lagu joojinayo qulqulka dadkii Maraykanka ka iman jirey ee tegi jirey waddanka la jaarka ah ee Canada. Xilli ay sannadkii ugu dambeeyey xuduudaha labadas dal isaga tallaabeen dad lagu qiyaaysay 40 kun oo qof. Soomaalida ayaa ka mid ahayd dadkii u kala aag beddelan jirey Canada iyo Maraykanka. Source
-
Booliska magaalada Milano ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen haweenay muddo dheer sanduuq ku qarinaysay hooyadeed oo dhimatay. Dhacdadan oo si weyn u qabsatay baraha bulshada ayaa la sheegay in haweenyadu ay maydka hooyadeed ka qarisay cid walba oo ogaan lahayd iyada oo taa beddelkeedna ku riday sanduuq guriga u yaalley. Gabadhan ayaa la sheegay in ay tan u samaysay si ay u biishato lacagtii hawl gabka ee hooyadeed ay qaadan jirtay taas oo laga jaran lahaa haddii geeridaada la shaaciyo. Dadka jaarka la ah oo laamaha ammaanka war geliyey ayaa sheegay in duqa maykeeda la qariyey oo 90 jir ahayd aanay arag muddo aad u dheer. Taas oo keentay in Boolis ay baadhis ku bilaabay gabadhii ay dhashay. Balse haweenayda maydka qarsatay ayaa Bilayska u sheegtay in ay hooyadeed ku maqantahay meelaha dadka lagu xanneeneeyo. Warkaas isagana la ogaadey in uu been ahaa. Haweenaydan oo aan shaqayn jirin ayaa lacagta hooyadeed qaadanaysay muddo dhawr bilood ah ka hor inta aan laga fashilin qorshihii ay maydkeeda ku qarinaysay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in, in ka badan 3,000 oo Al-Shabaab ah la dilay, islamarkaana 3,700 oo kale la dhaawacay tan iyo markii uu billowday dagalaka ka dhanka ah kooxda bartamihii sanadkii tegay. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga, ku dhawaad 70 tuulo iyo xaafado ayey ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab. Haddii sheegashada dowladda ay sax tahay, waxay ka dhigan tahay in la dilay ku dhowaad 30% ama 50% dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, oo sirdoonka Reer Galbeedka ay ku qiyaasaan 7,000 illaa 10,000. Haddii lagu daro dhaawaca, waxay sheegashada dowladda ka dhigan tahay in la dilay ama la dhaawacay 70% dagaalyahanada Al-Shabaab, marka aan kasoo qabano tirada ugu badan ee lagu qiyaaso kooxda Al-Shabaab, oo ah 10,000 oo maleeshiyo. Dowladda ayaa muddaddii uu dagaalka socday soo bandhigtay qaar ka mid ah Shabaabka la dilay, balse tirada lasoo bandhigay uma badneyn sida tirada ay sheegatay dowladda. Warka kasoo baxa dowladda ayaa imanaya yada oo dhowaan la billaabayo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dowladda ayaa dhanka kale sheegtay in howlgal amni oo xooggan laga billaabayo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, si loo xaqiijiyo ayey tiri, in xubnaha baxsadka ah ee Al-Shabaab aysan waxyeelo u gaysan shacabka caasimadda. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in howlgalkan lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo shacabkeeda inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramaadan. The post DEG DEG: DF oo shaacisay dilka 3,000 oo Shabaab ah iyo dhaawaca 3,700 appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay in hawlgallada ka socda dalka lagu dilay in ka badan 3000 kun oo Shabaab ah. Warbixin ay soo saartay wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalladaas sidoo kale lagu dhaawacay ilaa 3700 oo ka tirsan Al-shabaab. Warbixinta wasaaradda difaaca dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in sidoo kale Al-shabaab laga xoreeyay in ka badan 70 degaan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka. Ciidamada kala duwan ee dowladda oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta ee heer degaan ayaa fuliyay hawlgallada sida ay sheegtay wasaaradda difaaca dalka. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Al-shabaab laga xoreeyay in ka badan 70 degaan appeared first on Puntland Post.
-
Cashar taariikheed: Aqoonsiga Somaliland, Soohdintii Ingiriis, Dagaalka Laascaanood iyo Jabnaanta Doodda Gaagaale! Magaalada Laascaanood iyo deegaamada ku xeeran, waxa ka socda dagaal aad u qadhaadh oo khasaare badan. February 6deedii ilaa 18ka March ee sanadkan (waa todoba usbuuc), waxa dhintay dad kun qof ka badan oo dhinacyada dagaalamaaya iyo shicib ba isugu jira, kumanaan kale ayaa dhaawacmay, tobanaan kun oo shicib ah baana guryahoodii ka qaxay. Hadaba, sababtu maxay tahay? Dadka Somaliland ee xukuumadda taageersan iyo kuwo aan taageersanayn ba waxa ay qabaan, in Laascaanood ilaa xadkii isticmaarku ka tegay gacan ku hayntoodu ay shardi muhiim ah u tahay ‘aqoonsiga’ Somaliland, kaas oo cid ku mashquulsani ba aanay jirin. Xataa 30ka sanno ee Somaliland ay jirto, marnaba la ma dejinin qorshe qoran (recognition strategy), loo maro gaadhista aqoonsiga. Taasi kaftan ma aha ee waa dhab. Hadaba, maxaa ka run ah Laascaanood gacan-ku-haynteedu in ay aqoonsiga shardi muhiim ah u tahay? Eeg, Somaliland sanado badan baanay Laascaanood gacan ku haynin, in ka sii badan na waa ku haysay, aqoonsigii ma soo dhawaaday, mise waa sidii hore uun? Hadii la cadeeyo in Somaliland la aqoonsanaayo bilaa Laascaanood, Somaliland meeshaas faraha ma ka qaadaysaa? Taas caksigeeda, hadii la cadeeyo Laascaanood joogitaankeeda iyo maqnaanteeda toona in aan Somaliland la aqoonsanayn, faraha ma la ga qaadayaa mise waa maya? Si kale haddii loo dhigo, Laascaanood ma sabab cayiman ayay Somaliland u danaynaysaa, mise sabab iyo sabab la’aan ba waa danaynaysaa? Su’aalahaas jawaabtooda inta aynaan u gelin, aan eegno qayb kooban oo aan ka soo qaaday qormo uu sameeyay nin ka mid ah dadka aqoonsiga Somaliland qaladka ka fahamsan, meelaha qaldan na ka baadhaaya. Waa nin la gu magacaabo Ibraahin Xassan Gaagaale, oo qoraal ingiriisi ah ku soo bandhigay doodda ay qabaan dadka Somaliland in badan oo ka mid ah, taas oo ah dood si walba iu jaban. Waa is la doodda ay ku fadhido difaacista dagaalka Laascaanood iyo sii wadista dhiiga sida daadka u qulqulaaya. Gaagaale waxa uu qormadiisa ku soo xidhay intan, waana in ka turjumaysa doodda qormada oo dhan. FG: qoraalku ingiriisi ahaan si aad u wacan ma u qorna, markaa waxa aan ku dadaalay in aan ujeedkiisa ama dulucdiisa fahmo, dabeeto Soomaaliyeeyo, waana tan: • “Colonial borders of Africa are unalterable and all are based on land. So are Somaliland borders. Somaliland territory cannot be divided, its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate cannot be altered or changed and tribal borders cannot be drawn in Somaliland to destroy its sovereignty and its territorial colonial borders. People can leave Somaliland Republic but a span of its territory cannot be taken away. Somaliland achieved independence before Somalia gaining international recognition on June 26, 1960. Somaliland recognition is a right like any other African country based on its own British colonial borders.” • Xuduudihii isticmaar ee Afrika ma aha kuwo la bedeli karo, waxaanay ku salaysanyihiin juquraafi dhul ahaaneed, xuduudaha Somaliland na kuwaas uun bay la mid yihiin. Dhulka Somaliland la ma qaybin karo, soohdimihiisa oo ah kuwii la ga dhaxlay Maxmiyaddii British Somaliland na la ma bedeli karo, soohdimo qabiil ku salaysan na dhexdiisa la ga ma samayn karo, si loo burburiyo madaxbanaanida qaran ahaaneed iyo xurmada dhul ahaaneed ee ku salaysan soohdimihii isticmaarka ee Somaliland. Dadku hadii ay doonayaan waa is ka ga tegi karaan Jamhuuriyadda Somaliland, laakiin masaafo yar oo ka mid ah dhulka la ma qaadan karo. Somaliland waxa ay xornimo heshay ka hor Soomaaliya, waxaanay ku beegnayd 26 June, 1960kii. Aqoonsiga Somaliland waa xuquuq la mid ah midda waddan kasta oo Afrika ahi haysto, taas oo ku salaysan soohdimihii gumaysigii British ka.” Dhamaad. Hadaba, sida qormada ku soo noqnoqotay, meelo kale oo badan na la ga sheego, tiirdhexaadka dooddu waa xuduudkii isticmaar iyo in aan la bedeli karayn, xuduudaha Afrika oo dhami na sidaas yihiin; iyo in aqoonsiga Somaliland uu shardi muhiim ah u yahay. Qoruhu waxa uu qaybaha hore ee qoraalkiisa daliil ahaan u cuskaday, qaraarkii madaxda Midowga Afrika ay 1964kii ku gaadheen in aan soohdimihii isticmaarka ee Afrika waxba la ga bedelin. Shirkaas 1964 oo go’aamadiisa loo yaqaanno Bayaankii Qaahira, waxa ku kulmay 33 hogaamiye oo Afrikaan ahaa, qaraarkaas soohdimaha na waxa shirka keenay Madaxweynihii waagaas ee Tansaaniya oo ahaa Wadaad kiniisadeed oo la odhan jiray Julias Nayreri. Madaxweynaha Tansaaniya in uu qaraarkaas shirka keeno waxa ku riixaayay, oo daaha gadaashiisa ku jiray, Boqorkii Xayle Salaase ee Itoobiya, oo ay beryahaas si daran Soomaalida dhul isugu hayeen. Boqor Xayle ma doonayn in loo arko in uu qaraarkaas danihiisa ku ilaashanaayo, sidaas baanu Nayreeri oo ay saaxiib ahaayeen u gu dhiibtay. Marka soo jeedinta qaraarkaas shirka la keenaayo 1964kii, laba waddan oo Afrikaan ah ayaa iyaku soohdimihii isticmaarka bedelayba. Sinsibaar iyo Tankaniika waa is ku darsameen oo Tansaaniya ayay noqdeen, Somaliland iyo Italiyan Somalia na waa is ku darsameen oo Jamhuuriyadda Soomaalida ayay noqdeen. Hadaba, qaraarkaas oo sumaddiisu ahayd – AHG/Res. 16(I), soo na baxay 21 July, 1964, ma odhan wadamada xuduudihii bedelay ha ka noqdeen, maxaa yeelay soohdin bedelku waa ka horeeyay qaraarkaas OAU da. Sida caadiga ah, xeer walba waxa la gu dabaqaa xaaladaha ka dambeeya goortii uu soo baxay, hadii la doonaayo dhacdooyin xeerka ka horeeyay in uu saamayn ku yeesho na, qaraarka waxa la gu daraa qodob sheegaaya in dhaqangalka qaraarku uu ka soo bilaabmaayo wakhti hore, oo ka horeyay goorta uu soo baxay, qaraarkaas caanka ah ee madaxda Afrikaanku na sidaas ma sheegin. Sidoo kale, qaraarkaasi ma khuseeyo hadiiba laba waddan oo ka la madax banaani ay go’aansanayaan in ay is racaan oo soohdimahooda bedelaan, amaba waddan midaysani uu ka la baxaayo oo soohdimo cusub abuuraayo, sidii Suudaan iyo Koonfur Suudaan oo kale. Sidaas darted, doodda qormadan aan ka hadlaynaa waa jabantahay, maxaa yeelay xuduudaha Afrika ee uu leeyahay la ma bedeli karo, waa la bedelay oo la bedelay marar badan. Sidoo kale, is bedelo kale na waa ku iman karaan, waa se hadii jid sharci ah loo maro. Qaraarkaas OAU da ee 1964kii waxa cuskan kara uun dawlad gobol amma gobollo ka mid ahi ay doonayaan in ay ka baxaan, si aan sharciga waafaqsanayn amaba aan heshiis la gu ahayn. Sababtaas weeye ta hor taagan aqoonsiga Somaliland. Xataa hadiiba la aqoonsanaayo, Khasab ma aha xuduudku in uu noqdo kii 1960kii la tirtiray, oo sharciga caalamiga ah aan manta meelba ka ga jirin, laakiin se taariikh ahaan u jira. Aqoonsi ay Somaliland hesho waxa shardi u ah, in kasta oo dadka qaarkii ay is diidsiiyaan, Muqdisho iyo Hargeysa oo ku heshiiya in ay ka la baxaan. Markaa hadii ay taas is la ogolaadaan, xadku waxa uu noqon karaa meel kasta oo ay is la gartaan, Midowga Afrika iyo caalamka oo dhami na in uu aqbalo wuu ku khasbanyahay. Intaas hadii aynu is la fahamno, waxa aynu is la garan karna dhiigga ku daadanaaya Laascaanood in aanu lama huraan iyo Khasab toona ahayn. Laascaanood in ay Somaliland ka mid ahaato aqoonsiga Somaliland ma soo dhaweynayso, in ay maqnaataa na ma fogaynayso, maxaa yeelay soohdintii Ingiriis ka tegay sharci ahaan ma u jirto, waxaanay taasi la mid tahay in aanay abidkeedba jirin. Soohdintaas waxa tirtiray distoorkii 1961 la ansixiyay oo Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ba ay aqoonsadeen. Doodda ah Reer Somaliland aqlabiyaddoodu in ay distoorkaas diideen, waxba ka ma bedelayso meelmarnimada distoorkaas, maxaa yeelay dadka Somaliland gaarkooda aftida loo ga ma qaadin. Dhegalaay wax maqal! Soon wanaagsan. Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo haatan ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay qorshaha muddo kororsiga la damacsan yahay in loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka iyo sida uu ku dhaqangeli karo intaba. Mahdi Guuleed oo guddoomiye u ah guddiga loo xil-saaray arrintan, gaar ahaan kasoo tala-bixinta wax ka beddalka qodobo kamid ah Dastuurka ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan muddo korosriga dowladda, kaas oo ay in badan ka horyimaadeen siyaasiyiinta dalka. Xildhibaanka ayaa ku dooday in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu wax ka beddalo Dastuurka, gaar ahaan muddo xileedka dowladda. “Wax kasta oo sharci ah oo Dastuur ah oo aan ka hor imaaneyn Shareecada Islaamka iyo Mabaadii’da aas-aasiga ah ee Qaranimadeena Baarlamaanku waa karaa inuu sameeyo iyo inuu joojiyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahdi Maxmed Guuleed (Khadar). Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Baarlamaanka madaxweynuhuu dhalaa la xisaabtamaa, maamuus ka xayuunbin ayuu kusoo oogi karaa, ra’iisul wasaaruhuu la xisaabtamaaa, xukuumadduu dhalaa, la xisaabtamaa, kala noqon karaa kalsoonida,”. Mahdi Guuleed oo u warramay SMS Somali TV ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu dhaqan-geli karo qorshaha muddo kororsiga dowladda, wuxuuna sheegay inay ku xiran tahay kaliya inay ka fariistaan xildhibaanada labada Aqal, si ay uga gaaraan go’aan wadajir ah. “Sida qodobka 36 uu dhigayo saddex meelood, laba inay Dastuurka wax kaga beddali karaan awoodda Dastuurka ayaaba siiyay”. ayuu markale yiri Mahdi Guuleed. Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan iyo buuq siyaasadeed, waxaana si cad uga horyimid, siyaasiyiin caan ah, sida Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo kuwa kale oo badan. Qodobka ugu weyn ee doodda dhaliyay ayaa ah in muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya laga dhigo shan sano, halka markii hore uu ahaa afag sano. Si kastaba, arrintaan waxay abuurtay guux iyo diidmo ay kala horyimaadeen siyaasiyiinta qaar, siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qorshahaan waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo labaduba ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. The post Mahdi Guuleed oo shaaciyay sida uu ku dhaqangeli karo muddo kororsiga DF appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Aqalka dowladda hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar shaqa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Boqortooyada Saudi Arabia, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka magaalada Riyaad, isaga oo halkaas kula qaatay kulamo kale duwan. Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa sidoo kale warbaahinta ka sheegay in sharciga lala tiigansan doono shaqsiyaadka ka macaasha sameenta Documentiyada been abuurka ah ee dowladda hoose Xamar” Waxaan u sheegayaa kuwa Fake ku shaqeysto iyo kuwa isdhahaayo aad meel ku gaartiin, Fake iyo Taswiir meel laguma gaaraayo, waa inaad ka digtoonaatiin” ayuu yiri isaga oo hadlayay. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Ummada Soomaaliyeed in ay ka faaideystaan gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay ka fagoodaan waxkaste oo burin kara Soon-kooda, sidoo kalena ay caawiyaan walaalaha danta yar ee aan heli karin Afurka iyo Suxuurta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baardheere (Caasimada Online) – Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa weli ka taagan degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadib markii ay ku dhufteen daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho, dhaawac iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka. Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu sii kordhay khasaaraha dhimashada ee ka dhashay daadadkaasi, waxaana saacadihii lasoo dhaafay magaaladaas ku geeriyooday illaa lix qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen isku qoys. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaaladda guud ee degmada Baardheere, gaar ahaan toga sameeyay fatahaadda. “Dadka hadda dhintay waa 6 qof oo saddex kamid ah ay isku qoys yihiin iyo saddex kale oo carruur ah illaa iyo haddana dhibaatada way taagan tahay,” ayuu yiri qor kamid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhacdadaan ay tahay markii labaad, isla-markaana todobaadkii hore ay daadadka ku dhinteen illaa 9 qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen. “Waa markii labaad oo uu togan fataho oo dhibaato ay ka dhalato Isbuucii lasoo dhaafay oo qura 9 qof ayaa ku geeriyootay saddex qofna way ku dhaawacmeen,” ayuu sii raaciyay. Dhanka kale waxa uu tilmaamay in weli uu barakac xoogan ka socdo degmada Baardheere, wuxuuna tilmaamay qoysaska barakacay lagu qiyaasayo illaa 2,800 oo qoys. “Dadka ku barakacay fatahaadda uu geystay togan oo musiibada ahaa waxaa lagu qiyaasayaa illaa 2,800 oo qoys, waxaana weli socda burburka,” ayuu markale yiri. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray dowladda federaalka, Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isaga oo ugu baaqay inay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan Baardheere. The post Daawo: Barakac ka socda Baardheere iyo khasaaraha dhimashada oo sii kordhay appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha ciidanka Kumaandooska ee Danab ee xoogga dlka Soomaaliyeed Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo bayaan soo saaray ayaa beeniyay jiritaan in askar ka tirsan Kumaandooska qeyb ka yihiin dagaalka ka dhacaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo xoogagga SSC. War qoraal ah uu taliyaha ciidanka Kumaandooska ee Danab ku baahiyay bartiisa Twitterka ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay ee ah in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Danab iney qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood, isagoo xusay in Maxamed Sulaymaan oo ku dhintay Laascaano kasoo mid noday ciidanka Danab. Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan inuu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021, Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Taliyaha Danab Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare. Taliye Baryare ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Danab u jeedkoodu inuu yahay la dagaalanka kooxaha argagixisada, islamarkaana aysan suurtagal aheyn in laga weeciyo ujeedkaasi oo ay ka mid noqdaan dagaalada salka ku haaya arrimaha qabiilka, hadii taasi ay dhacdana askarigii sameeya uu ku weyn doono xubinimadiisa. “Waxaan doonaynaa inaan hoosta ka xariiqno in ciidammada Danab aanay ka weecan doonin ujeedadaas, sidoo kalana aanay ka qeybqaadan doonin iskudhacyada qabiillada iyo arrimaha qabaa’ilka la xiriiraba.”ayuu markale sii raaciyay hadalkiisa isaga oo ka jawaabayay hadallo ku aadan in Danad ku jiraan dagaalka Laascaanood. Maxamed Sulaymaan wuxuu mar soo noqday taliyaha ururka afaraad ee guutada kumaandooska ah ee Danab, kuwaas oo saldhigoodu yahay xerada ciidamada Ballidoogle ee uu Maraykanku gacanta ku hayo, waxaana uu hadalkaan imaanayaa xilli talisku sheegay in Maxamed isaga tagay shaqada 2021, isaga ku dhintay dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab uu isku soo dhiiban ciidanka dowladda ee kusugan gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Dhuurre Yuusuf Garow oo magaciisa Afgarashadu yahay kooxda dhexdeeda (Hilal) ayaa saaka isku soo dhiibay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo faahfaahiyay sababta ku kaliftay inuu kasoo baxo. Dagaalamayaasha Al-shabaab ayuu Dhuurre u qaabilsanaa jabhada,isagoo sheegay inuu go’aansaday inuu isaga soo baxo kooxda, sida uu ku sheegay wareysi kooban uu siiyay warbaahinta ku hadasha Afka dowladda. Dhuurre Yuusuf GarowIsa ayaa baaq u direy saaxibadiisa kale ee ku jira Al-shabaab in ay isaga Soo baxaan kana faa’iidaystaan cafiska dowladda u fidisay, kaas uu ku dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka da’ayeen Roobab xooggan ayaa waxaa ka dhashay khasaare Nafeed, kadib markii xaafado kamid ah degmada ay kusoo rogmaday daad xooggan, oo ka dhashay Roobka si aad ah kaga da’ay degmada iyo deegaannada ku xeeran. Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiiiyay geerida sedex ruux isku Qoys ah, kuwaas oo ka koobnaa hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhashay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay, Allah unaxariistee marxuumad Hooyo Farxiyo Xaaji Daahir, Gabadheeda Ikraan Cabdi Cali Baarte iyo Wiil yar oo ay dhashay Ikraan. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Roobab Dabeylo watay oo ka da’ay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ay ku ku geeriyoodeen 10 ruux kadib markii xaafadaha magaalada qaarkood ay dadku uga barakaceen biyaha roobka iyo fatahaadda kusoo rogmaday, oosiweyn looga dareemayo saameyntiisa. Magaalada Baardheere ayaa inta badan waxaa xilli Roobaadyada ka dhaca Fatahaado ay waxyeeyo kasoo gaarto dadka shacaka ah ee kusuagan magaalada, Roobka da’aya ayaa qeyb ka ah xilli Gu’ga oo siweyn uga curtay inta badan gobollada dalka, waxaana lasoo warinayaa khasaare uu geystay Roobka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar toos ah oo ay saaka Al-Shabaab ku qaaday xero ciidan oo ku taalla degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ku bilowday qarax ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu ekeeyay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ku taalla halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada huwanta ee ku sugnaa saldhigga la weeraray ay rasaas fureen kadib qaraxyada, waxayna kadib iska hor imaad kooban la galeen ragga weerarka soo qaaday oo mar dambe goobta ka baxsaday. Xerada la weeraray ayaa waxaa maalin kahor tegay ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor oo ka yimid dhanka degmada Ceeldheer, si ay u xoojiyaan ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan degmada Ruun-nirgood. Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo warramayaa inuu soo gaaray ciidamada ku sugnaa saldhigga, walow aan la caddeyn karin, inta uu la’egyahay. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay gudaha u gashay xerarada, islamarkaana ay dishay askar badan, kuwa kalena ay dhaawacday Sidoo kale Al-Shabaab ayaa intaasi kusii dartay in ay gubtay gawaari ay lahaayeen ciidamada dowladda oo yiilay gudaha xerada/ Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda iyo madaxda sare ee maamulka HirShabelle oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa agagaarka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Muddooyinkii u dambeeyay kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso saldhigyada ciidamada dowladda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo inta badan dhaca hal xilli oo ah aroortii hore ee subax. Todobaadkii hore ayey aheyd markii weerar kan lamid ah ee ay Al-Shabaab ku qaaday xero ku taalla duleedka Baardheere, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. The post Al-Shabaab oo weerar ku billowday QARAXYO ku qaaday Ruun-nirgood appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka Qaramada Midoobay iyo dalka Maraykanka ayaa si isku mida uga hor yimi xeer ay dhowaan soo saareen Baarlamaanka dalka Uganda kaas oo lagu ciqaabayey dadka isku jinsiga ah ee wax iska daya. Xeerkan oo ay Baarlamaanku cod aqlabiyada ku ansixiyeen ayaa dhigayey in dil toogasho ah lagu xukumo qof kasta oo ay ku caddaato arrinta dadka isku jinsiga ah ee wax isu raadsada. Hayeeshe waddamada reer Galbeedka oo si weyn arrinkan uga qayliyey ayaa sheegay in Kampala la saari doono cuna qabtayn dhaqaale iyo weliba xayiraado kale haddii ay dhaqan geliso xeerkan. Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku doodaysa in uu sharcigaasi yahay xeer ciqaabeed ka soo hor jeeda xaquuqda Aadanaha. Source
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Saakay dagaalmayaal ka tirrsan Al-shbaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay sheegayaan wararka la helayo. Weerarka oo ku bilowday Qarax loo adeegsaday gaari ayaa waxaa xigay dagaal xooggan oo dhexmaray kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidanka dowladda, dagaalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor dagaal xooggan uu ka dhacay deegaanka Daaru-nicma oo ka fogeyn Ruunnirgood , kadib weerar lagu qaaday. Dagaalka ayaa geystay khasaare soo gala gaaray labada dhinac, waxaana lasoo warinayaa inuu wali socdo dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Gorgor ee Kumaandooska oo kaashanaya kuwa deegaanka, ma jiro wax war oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dowladda ee ku aadan dagaalka soconaya. Ciidanka dowladd iyo kuwa deegaanka Al-shabaab ayaa Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana markaas wixii ka dambeeyay kooxda ay weerro dhowr ah ku qaaday Saldhigyo ciidanka huwanta ah ay ku leeyihiin qeyb kamid ah gobolka oo laga saaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska kumaandooska gaarka ah ee Danab oo ka tirsan milatariga dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay si cad u beeniyay in ay ku lug leeyihiin colaadda Laascaanood. Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska kumaandooska Danab ayaa gebi ahaanba lagu beeniyay in askar ka tirsan Danab ay qayb ka yihiin dagaal beeleedka ka socda Laascaanood. “Waxaan doonaynaa inaan hoosta ka xariiqno in ciidammada Danab aanay ka weecan doonin ujeedadooda, sidoo kalana aanay ka qeybqaadan doonin iskudhacyada qabiillada iyo arrimaha qabaa’ilka la xiriiraba” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo uu soo saaray taliyaha Danab Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare). Qoraalka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in marxuum Maxamed Suleymaan oo ku dhintay dagaalka Laascaanood aanu markaas ka tirsanayn kumaandooska Danab islamarkaana uu sababa isaga u gaar ah shaqada uga tagay sannadkii 2021. ” Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan, uu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021,” ayuu sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Danab oo beeniyay in ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali government, led by President Hassan Sheikh Mohamud, faces considerable challenges in maintaining law and order throughout the nation, as stated in the US State Department's 2022 Somalia Report on Human Rights Practices. According to the report, many regions remain outside government control, with the insurgent group al-Shabaab contesting governmental authority. The government also faces accusations of numerous human rights abuses, including unlawful killings, torture, and arbitrary arrests. Source: Hiiraan Online
-
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sida la xaqiijinayo saaka aroortii weerar ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla degmada Ruun-nirgood ee gobolka shabeellada dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saldhigaas ku dhex maray ciidamada dowladda iyo dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab. Faahfaahin sugan weli lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac oo mudda saacado ah halkaas ka socday. Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-shabaab midna weli kama hadlin khasaaraha dagaalka. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka dhacay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo ay ku faragelineyso dagaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay magaalada Laascaanood u dirtay ergo nabadeed, si ay xal ugu raadiyaan xiisadda dagaal oo u dhexeyso labada dhinac. Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ergada ay dirtay dowladda dhexe ayaa ah odayaal dhaqameedyo kasoo jeeda beelaha Mogadishu Clan iyo Digil iyo Mirifle, kuwaas oo dhex-dhexaadin ka dhex bilaabin doono maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Isimadan oo ka baxay Muqdisho ay haatan gaareen magaalada Garoowe oo ay wadahadal kula yeelan doonaan Isimda dhaqanka SSC. Inta badan wadahadalladan waxaa lagu gorfeyn doonaa sidii loo sameyn lahaa xabad joojin, kadibna loo bilaabi lahaa sidii xal loogu heli lahaa xiisadda Laascaanood. Xogta aan heleyno ayaa sidoo kale sheegeyan in ergadan ay tegi doonto magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, si ay dhankooda kulamo ula soo yeeshaan madaxda sare ee maamulkaasi, ayaga oo kala hadlaya arrimo ku saabsan dagaalka Laascaanood. Waa markii ugu horreysay oo ay tallaabo noocaan ah ay dowladda federaalka u qaado dagaalka Laascaanood oo galay bishii labaad oo xiriir ah, kaas oo sababay dhimashada dad kudhow 400, halka ina ka badan 1000 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badan rayid. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, ayada oo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan aagagii lagu dagaalamay ee duleedyada magaalada Laascaanood. Si kastaba, waxaa horay dadaallo kuwaan lamid ah oo dhex-dhexaadin ah sameeyay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, balse ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray. The post DF oo faragelisay dagaalka magaalada LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s Puntland State President Said Abdullahi Deni was seen as a quiet businessman without controversy. However, since last year, he has been raising dust in the nation’s local politics with decisions that have been objected to by donors, opponents and the federal government. Source: Hiiraan Online
-
ACLED records over 634 political violence events and 2,207 reported fatalities from 1 January to 17 March 2023. Most of the violence centered in southern and central Somalia, where government security forces have been conducting a military operation against al-Shabaab since August 2022. Source: Hiiraan Online
