-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
As Muslims around the world mark the holy month of Ramadan prisoners in Somalia will also be able to join in the celebrations. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadda degmada Baardheere, halkaasi oo ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Baardheere ayaa waxaa ku dhuftay daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho iyo barakac horleh, kadib markii dadka deegaanka deegaankaasi ay soo food-saartay xaalad nololeed oo adag. Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay ka shaqeyn doonaan sdiii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka musiibadan ay saamaysay, sida lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha. Xubnaha guddigan oo xukuumadda ah ayaa waxay kala yihiin; Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha. Waa markii labaad ee fatahaada wabiga Jubba ay saameyn xoogan u geysato dadka ku nool degmada Baardheere iyo deegaanada hoosyimaada, ayada oo todobaadkii hore ay daadadka ku dhinteen illaa 9 qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Xaaladda adag ee ka taagan degmada ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay kumanaan qoys, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku geeriyoodeen illaa lix qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen isku qoys. The post Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo deg deg ah oo la xiriirta xaaladda Baardheere appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta magacaabay laba Agaasime guud. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka ayaa lagu magacaabay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha. Cawil Maxamuud Cali (Kabaweyne) ayaa loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sida ku cad Wareegtadan. Cabdixakiin Axmed Jaamac ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha iyo waraabka dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasimayaal guud appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada deeganadii laga xoreeyay Al-shabaab ayaa maanta gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe . Madaxweynaha oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada. Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah. Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Khawaarijta isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray degmada Aadan Yabaal appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sida la xaqiijinayo amar ku bixiyay in aysan Somaliland soo gelin ergada nabad-raadinta ee ka timid koonfurta Soomaaliya. Somaliland weli kama hadlin sababta ay ku diiday ergada nabad-raadinta colaadda Laascaanood oo sida ergadu sheegtay ka madax-bannaan arrima siyaasadeed. Ergadan oo ka kooban odayaasha dhaqanka beelaha koonfurta Soomaaliya ayaa raadinaya in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda Laascaanood. Odayaasha oo shalay soo gaaray magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in ay u sii gudbaan dhinaca magaalada Laascaanood. PUNTLAND POST The post Somaliland oo diiday ergadii nabad-raadinta colaadda Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Dowlad deegaanka Soomaalida oo muddooyinkii dambe deegaanno badan oo kamid ah ay ka jireen abaaro aad u sameeyay dadka iyo duunyada ayaa waxaa inta badan ka da’ay Roobka xilliga Gu’ga, oo inta badan dhulka ay Soomaalidu degto siweyn looga Roobsaday inta lagu gudajiro maalmaha hore ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Wasiirka Xafiiska Khataraha Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga ah eedee dowlad deegaanka Axmed Yaasiin Shiikh Ibraahim oo la hadlay laanta VOA-da ayaa sheegay in 11-ka gobol ee maamulka uu ka da’ay Roobka Gu’ga, isaga oo sheegay in Roobka da’ay uu yahay Todob, kaas oo inta badan kasoo hormara Gu’ga oo la fisho April. “Degmada Iimeey Galbeed sidoo kale waxaa ka dhacday Fatahaad, khasaaraha ilaa hadda aan heyno waa 70 Neef oo Ari ah, sidoo kale degmada Owbarre Laag weyn( daad) oo soo rogmatay ayaa la tagtay gaari weyn oo Xamuul ah, waxaana ku dhintay ilaa 9 ruux” ayuu yiri Wasiirka Xafiiska Khataraha Maareynta Musiibooyinka Dabiiciga. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Roobabka deegaannada ay ka Da’een ay ka geysteen khasaare iyo sidoo Barac ku yimid dadka, kadib markii meelaha qaar ay kusoo rogmadeen daadad xooggan, isaga oo xusay in deegaan lagu magacaabo Haargaduud oo hoostaga degmada Khalaafe ay kamid tahay goobaha ay waxyeelladu ka dhacday. “Khasaare weyn majiro laakiin waa ay dhaceen dhowr meelood oo kale duwan, degmada Khalaafo oo kale meesha Haarguduud la yiraahdo fatahaadbaa ka dhacday ilaa 40 Qoysbaa ayaa ku barakacayoo oo meelihay deganaayeen ay biyo ugu galeen, degmada Guradhaamoole waxaa ka da’ay Roobab Dabeylo watay, waxaa uu gaarsiiyay ilaa 20 guri uu dumiyay, 16-kale uu dhaawacyo uu gaarsiiyay” ayuu sii raaciyay hadalkiisi xilli uu hadlayay Wasiirka. Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa uu kamid ahaa goobaha siweyn looga dareemay Abaarta baahsan ee dhowaan dhulka Soomaalida wada gaartay, Roobabka xilliga Gu’ga oo curasho bilaabay ayaa ilaa iyo hadda geystay khasaare kale duwan oo ka dhashay fatahaado ay soo rogeen Roobabka oo siweyn u da’ayay maalmahaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Axad safar ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe Madaxweyne Xasan waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Soomaaliya waxaa degmada Aadan Yabaal ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen . Amniga Degmada ayaa aad loo adkeeyay , waxaana ujeedka safarka Madaxwaynaha ee Aadan Yabaal ay tahay dar dar galinta wajiga labaad ee dagaalka ka dhaka ah kooxda Al- Shabaab kaas oo ka socda meelo ka mid ah gobolada dalka. Inta uu ku sugan yahay Madaxwaynaha Soomaaliya degmada Aadan Yabaal waxa uu halkaas kula kulmi doonaa waxgaradka degmada oo ay isla meel dhigi doonaan sida muhiim ay tahay in ciidanka lagu gacan siiyo ciribtirka kooxda Al- Shabaab. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegi doonaa xeryaha ciidamada, si uu dhiirageliyo, una kormeero sida ay tahay xaaladdooda, maadaama ay ku jiraan xaalad dagaal. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug halkaas oo laga saaray kooxda Al- Shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyihii saldhiga galbeed ee magaalada Garoowe oo la dilay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Alle ha u naxariistee, taliyihii saldhiga galbeed ee caasimadda Garoowe laba xiddigle Axmed Cali Shire ayaa nin hubayan toogtay aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah. Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in markiiba ay gacanta ku dhigeen ninkii dilka geystay oo la sheegay in uu isticmaalay maandooriyaha Khamriga. Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan lagu hayo shakhsiga dilka geystay, islamarkaana sharciga la hor-gayn doono. Kooxaha isticmaala maandooriyaha khamriga ayaa ku soo badana magaalada Garoowe, kuwaas oo sababa dhacdooyin amni-darro. PUNTLAND POST The post Taliyihii saldhiga galbeed ee magaalada Garoowe oo la dilay appeared first on Puntland Post. -
Ciidamada Somaliland ayaa goor dhaweyd weerar culus jihooyin kala duwan kaga soo qaaday magaalada Laascaanood. Weerarkaas kadib ayaa waxa bilowday dagaal xooggan oo ka socda saddex jiho kaas oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga Daraawiishta SSC. Dagaalka labada dhinac ayaa sida wararku sheegayaan hadda ka socda jihooyinka Isku-dhoonka, Agoomaha iyo jihada Maraaga. Dagaalka ayaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga hayn khasaaraha ka dhashay. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay jiidaha dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Xilli ay wali taagan tahay cabsida dowladaha reer Galbeedka ee ku aadankii sanad ka hor uu Ruuska ku qaaday dalka Ukrine, ayaa mar kale madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxaa uu ku dhawaaqay in dalkiisa uu galayo heegan dagaal, iyaga oo Hubka hub nukliyeer ah ugu rakibi doono waddanka Belarus. Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabadaasi aanay ku xadgudbi doonin heshiiskii dhimista hubka sida daran wax yu gumaada ee nukliyeerka, isagoo isbarbardhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hubkiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahinta qaranka Ruushka, xilli madaxweynaha uu la hadlayay TV-ga. Hoggaamiyaha Ruushka oo ka jabayay su’aal la weydiiyay ayaa yiri “Arrintaas waa iska caadi, Marka koowaad, Mareykanku muddo tobannaan sanadood ah ayuu sidan oo kale samaynayay. Muddo dheer ayey xeelad dagaal ahaan hubkooda nukliyeerka ugu soo daabulayeen dhulka dalalka ay xulafada yihiin.” Burburkii Midowgii Soofiyeet 1991 ayaa hubka nukliyeerka waxa uu yaallay afar dal oo markaas xor noqday – Ruushka, Ukraine, Belarus iyo Kazakhstan – iyadoo 1996 la soo afjaray dib u soo celinta hubkaasi ee Ruushka, waxaana tallaabadaan ay ka dhigaysaa in markale Ruushka uu bukiisa dib ugu celiyo gudaha Belarus. Tallaabadaan uu qaadayo madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli dhowaan qaar kamid dowladaha Reer Yurub iyo Mareykanka ay sheegeen in ay taageero siinayaan madaxwenaha dalka Ukrine Volodymyr Zelensk, kaas oo dhowr jeer sheegay inuusan dalalka reer Yurub ka helin taageero. Bishii labaad ee sanadkii 2022 ayey aheyd markii Ruushak ay amar ku bixisay in ciidankeeda ay qaadaan tallaabo Milatari oo ka dhan ah Ukraine, waxaana duulaanka oo jirsaday sanad ka dhashay khasaare kale duwan oo soo gaaray labada dhinac, iyadoo duulaankaan uu sabaab u noqday in kumanaan reerv Ukrine ah ay Barakacaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
First the rains in Somalia failed in 2021. Then they failed again and again and again and again. For five wet seasons in a row, Somalis looked anxiously to the skies while their crops withered, their cattle perished and many people died of hunger or disease. A new report, released by un agencies and the Somali government, estimates that there were 43,000 “excess deaths” in the country last year, relative to the typical level. Half of the dead were children under the age of five. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbalabd Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa magacaabay guuddiga gurmadka Fatahaadaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka dhaceen fatahaado saameyn ku yeeshay bulshada ku dhaqan magaalada, kuwaas oo inta badan isaga baxay. Guddiga uu magacaabay madaxweynaha ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 5 xubnood, kuwaas oo kamid ah golaha wasiirrada maamulkaas, waxaana ay shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu heli lahaa magaalada oo ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah oo ka dhalatay Fatahaadaha Roobka. 1. Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka. 2. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada. 3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga. 4. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka. 5. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha. Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxaa gaaray wafadi uu hoggaaminayay guddoomiyaha hey’adda Maareynta Mussiibooyinka Qaran, Cabdulqaadir Macalin Cabdulle, oo halkaas gaarsiiyay laba diyaaradood oo gargaar isugu jira Cunto, Daawo iyo Dhar oo loogu talo galay dadka ka barakacay magaalada Baardheere. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar aan horay loo sii shaacin ku tegay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa madaxweynaha booqashadaan ku wehlinaya wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay ammaanka degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga madaxweynaha waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasiu. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira mid uu ugu guur-galayo xaaladda degmadaas oo in ka badan 15 sano saldhig weyn u aheyd kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmi doono waxgaradka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto talooyinka ay qabaan. Waxaa sidoo kale madaxweynuhu tegi doonaa xeryaha ciidamada, si uu dhiirageliyo, una kormeero sida ay tahay xaaladdooda, maadaama ay ku jiraan xaalad dagaal. Aadan Yabaal ayaa waxaa markii la xoreeyay horay ka booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe. Waa markiisii koowaad ee uu madaxweyne Xasan tagayo Aadan Yabaal kadib markii dagaal looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay howlgallada ka socda HirShabelle. Si kastaba, madaxweynaha ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo laga saaray AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Severe flooding has ravaged Somalia's Bardhere District, causing casualties and displacing thousands of people. The Somali Disaster Management Agency (SODMA) is mobilizing aid efforts to provide relief to the affected region. The country experienced moderate rainfall during the week of March 12, marking an early start to the Gu rainy season, Somalia's primary wet season. Heavy rain has led to widespread flooding, damaged infrastructure, and prompted evacuations. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa daah-furay hirgelinta Adeegga isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo suurtagelinaysa in ay is wici karaan shabakadaha qadadka teleefannada kala duwan ee ka jira gudaha dalka, kaas oo ka furmay magaaladda Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaala, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay leedahay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuurta. “Dadkeenna ma hormarin karno haddii aynan Canshuurta bixin, waxaan u baahannahay inaan ku dadaalno inaan cashuurtii bixino, Level kasta oo aan joogno Company yar ha ahaado, ama qofka ha ahaado, cid kasta oo ay Canshuuri ku waajibtay waxaa laga rabaa in(contribution) waajibka ku ah inuu fuliyo ayaa laga rabaa” ayuu yiri. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sugidda amniga dalka ay laf-dhabar u tahay isgaarsiintu, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in shirkadaha isgaarsiintu ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee lagu xaqiijinaayo amniga dalka” amniga waxaa ugu weyn ee lagu sugo waxaa waaye waa isgaarsiinta” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey Shirkadaha iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka dadaalkii ay ku bixiyeen hirgelinta Adeeggan isku-xirka qadadka kale duwan ee isgaarsiinta, waxaana uu ku bogaadiyay sida ay ugu daneeyeen shacabka Soomaaliyeed, taas oo abuuri karta tartan suuqa furan ah sida uu sheegay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeaal oo maanta lagu qaaday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmadaas. Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryahooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga. Sidoo kale weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay kusoo waabariisteen dhawaqa hoobiyeyaal ku dhacaya Wadajir. Ciidamada ammaanka oo sidoo kale goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib madaafiicda lagu gaaracay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaas iyo sidoo kae howlgallada xigay. Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo, dilal qorsheysan & dhac ay geysanayaan kooxo burcad ah. Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howlgallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo ciyaal weerarada ee ka socda caasimada. Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo horay loogu jabiyay dagaallada tooska ah ee ka socda gobollada dalka ayaa haatan culeyska ugu xoogan soo saartay magaalada Muqdisho. The post Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay degmada Wadajir appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu amba-baxay magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe. Madaxweynaha waxa sida la sheegayo safarkaas ku weheliya wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage. Amniga guud ee degmada Aadan Yabaal ayaa aad loo adkeeyay waxaana halkaas ka socda u diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta ku wehelisa safarkiisa. Madaxweyne Xasan oo ay u tahay markiisii koowaad uu tago Aadan Yabaal tan iyo intii laga qabsaday Shabaab ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wefdi uu hogaaminayo oo saaka safar ugu baxay degmada Aadan Yabaal appeared first on Puntland Post.
