-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxgaradka iyo Ganacsatada magaalada Buuhoodle oo waxba kama jiraan ku tilmaamay war been abuur ah oo laga faafiyay degmadaasi. Waxgaradka iyo Ganacsatada Buuhoodle oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horrayn beeniyay in ay jiraan gaadiid xamuul ah oo lagu dhacay Buuhoodle. Waxa ay sidoo kale beeniyeen in Buuhoodle af-duub ahaan loogu haysto dad Soomaaliyeed oo ka soo jeeda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Warkooda ayaa jawaab u ahaa hadal dhawaan ka soo yeeray odayaal ka hadlay Muqdisho oo sheegay in gaadiid xamuul ah iyo dad looga haysto Buuhoodle. PUNTLAND POST The post Waxgaradka iyo Ganacsatada Buuhoodle oo beeniyay warar laga faafiyay degmadaas appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo Somaliland ka jira, Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray qorshaha ay Somaliland ku dooneyso inay ku soo ceshato gacan ku heyntii magaalada Laascaanood. Afhayeenka u hadlay militeriga Somaliland ayaa cadeeyey in qorshaha Somaliland uu yahay inay awood ku soo ceshadaan gacan ku heynta Laascaanood, isla markaana ay qaadi doonaan weerarro culus oo ka dhan ah xoogagga Laascaanood qabsaday. Guddoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay bogiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay in koox uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay soo weerareen ciidamada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. “Iyada oo lagu jiro bishii Illaahay bilaha ka doortay ee Ramadaan ayey xulufadi G21 maanta ay soo weeratay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waan hambalyeeynayaa guusha ay gaadheen ciidanka qaranku” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiye Feysal Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga UCID wuxuu si buuxda u soo dhaweeyay dagaalka la qorsheeyey in ciidamada Somaliland ay ku qaadaan xoogagga ka dagaalamaya Laascaanood. “Waxaa kale oo aan soo dhaweynayaa istiraatijiya-da cusub ee ciidanku qaatay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha ayaa maalmo ka hor madaxweyne Muuse Biixi ku canaantay in qorshe dagaal ama nabadeed uusan u heyn Laascaanood, wuxuuna cadeeyey inuu taageerayo in awood militeri lagu xaliyo arrinta Somaliland ka soo wajahday Laascaanood. Cabdidheere Cabdullaahi oo ah Afhayeenka militeriga Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay in dagaal buuxa oo ciidanka Somaliland ay ku qaadi doonaan xoogagga dagaalka kula jira, ee qabsaday Laascaanood. The post Waraabe oo caddeeyey mowqifkiisa qorshaha cusub ee dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhagax-dhigay Warshadda Sameynta Burka oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyaan dalka burburkii kaddib. Ra’iisul Wasaaraha oo dhiirri-gelinaya maalgashiga Warshadaha iyo Wax-soosaarka beeraha ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed ee hirgelinaya warshaddan, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay u leedahay kobcinta maalgashiga gudaha, si dalkeennu uu uga baxo cunto yarida iyo gaajada. Xukuumadda DanQaran ayaa qorsheynaysa sannadaha dhow in la sameeyo aag u gaar ah Warshadaha, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan xarumaha dowladda in la banneeyo, si loogu adeeggo dalka. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in cunto yaridu ay tahay dhibaato weyn oo caalamka heysata, sidaas awgeedna ay Xukuumaddu dhiirri-gelinayso maalgashiyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee xagga warshadaha iyo wax soosaarka beeraha. Warshadda Burka oo ay hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed ayaa waxaa ku baxaya dhismaheeda 37 milyan oo dollar, iyada oo si maalinle ah u soo saari doonta 16,000 oo kiish (Loor). PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo Muqdisho ka dhagax-dhigay Warshad samaysa Burka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Howlgalkan ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo qaarkood lasii daayay, halka kuwa kale oo laga shakiyay lagu xiray saldhigga degmada Wadajir. Nasri Axmed Maxamed oo ah taliyaha booliska ee degmadaas ayaa ka warbixiyay baaritaanka ay sameeyeen, wuxuuna ujeedka ku sheegay amni xaqiijin. “Waxaan u soconay waa inaan ka shaqeyno amnigiina iyo bad-qabkiina waxaan u carareyno waa inaan idinka idin shaqeyno,” ayuu yiru Taliye Nasri Axmed. Sidoo kale wuxuu fariin u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyada. “Idinkana waxaan idinka codsaneynaa inaan nala shaqeysaan oo aad booliska ku xirantaan lambarka gaaban aad soo wacdaan” ayuu markale yiri taliyaha saldhigga Wadajir. Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax oo howlgalka qayb ka ahaa ayaa soo jeediyay in laga wada shaqeeyo amniga guud ee degmada. “Wax kasta xun waxaan rabnaa inaan meel uga soo wada jeesano inaan ogaano inaan isku dan-nahay” ayuu isna yiri guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir. Howlgalkan ayaa kusoo aadayo, maalin uun kadib markii tiro hoobiyeyaal ah lagu garaacay xaafadda Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. The post Daawo: Ciidanka NISA iyo booliska oo howlgal culus ka sameeyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare, Mahdi Cumar Mumin (Macallin Mahdi) oo la hadlay warbaahinta ayaa digniin culus u diray saraakiisha ciidamada dowladda ee ka howl-gala magaalada Muqdisho. Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday inay soo badatay marka howlgallada la sameynaayo in dadweyne aan dambi gelin meel la’isugu geeyo, kadib sawirro laga qaado, lana baahiyo. Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in dambi ay tahay in qof aan waxba geysan xoriyadda laga qaado, kadibna warbaahinta la horeeyo, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa batay ayadoo howlgallo la galaayo in dadka meel la’isugu keeno oo xorriyadda laga qaado in media iyo warbaahinta laga sii daayo. Qofka muwaadinka ah in isaga oo dambi lagu haynin inta meel la keeno xorriyadda laga qaado la sawirro waa dambi,” ayuu yiri taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Macallin Mahdi. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhammaan dadka deggan caasimada aysan wada aheyn dambiileyaal, sidaas darteedna loo baahanyahay in la dhowro sharafka muwaadinka. “Dadka Muqdisho deggan qof kastaa dambiile ma’ahan qofkii dambi leh ayaa warbaahinta laga sii deyn karaa, laakiin 500 boqol oo qof in meel la’isugu keeno inta aad duubtaan lasii daayo oo la dhaho waa dambiileyaal arrin wanaagsan ma’ahan,” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray saraakiisha ciidamada ee ku sugan Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay ka waan toobaan arrintaasi oo ah mid aad usoo laa laabatay. “Wax bannaan ma’ahan wax loo baahan yahayna ma’ahan, waana wax laga qurux badan yahay in la’iska dhaafo ayaa la rabaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta badan dadka lagu soo qabto howlgallada habeenkii ka dhaca Muqdisho hal meel la’isugu geeyo, ayada oo goobtaasina looga qaado sawirro kadibna mar dambe lasii daayo sida marar badan ka dhacday magaalada Muqdisho. The post Macallin Mahdi oo ka digay arrin ay sameeyaan ciidanka iyo saraakiisha Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Allaha u naxariistee waxaa goordhow magaalada Kismaayo ku geeriyooday Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo ka tirsanaa baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland. Xildhibaanka ayaa ku xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada, halkaas oo lagu baxnaaninayay, isaga oo ugu dambeyn saakay ku geeriyooday Isbitaalka Kismaayo. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya iyo oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka bilaabay qeybo kamid gobolka Shabeellaha dhexe, kadib booqadii madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku tagay gobolka. Ciidanka ayaa howlgallada si gaar ah uga fulinaya tuulooyin hoosta deegaan Ruunnirgood oo dhowaan uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka huwanta ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab. Al-shabaab ayaa deegaankaan kusoo qaaday weerar ku bilowday qaraxyo, kaas oo uu xigay dagaal xooggan oo dhexmaray labada dhinac, dowladda ayaa sheegtay in dagaalkaas lagu jabiyay Shabaabkii soo weeraray. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in ciidanka deegaanka looga baahan yahay in ay ciidanka horkacaan oo ay garab istaagaan. Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan iyadoo dhowaan la filayo in ciidanka dowladda ay qaadaan howlgallo ay kula wareegayaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa wuxuu kulan la qaatay Odayaasha, culumada iyo macalimiinta Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Ujeedka kulan yaa ahaa sidii wax looga qaban lahaa cabasho muddooyinkii dambe kasoo yeereysay bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan oo la xiriirta amni darrida iyo sidoo kale Ciyaal weerado dhibka ku haya degmada,guddoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay si amniga loo sugo in wadashaqeyn la yeesho, taas oo keeni karta in laga guuleysto amni xumida iyo sidoo kale Ciyaal Weerada sida uu hadalka u dhigay. ‘Degmada Kaaraan waa degmada ugu dilka badan, waa degmada ugu dhaca badan, waa degmada ugu baaba’san, waa degmada ugu mugdiga badan waaye, waxaana yeelaayo dadkeeda ayaan diyaar aheyn, dadkeeda haddii ay diyaar yihin diyaar ayaan nahay inaan la shaqeyno, Hurdada ka kaca, waxaan leenahay hurdada ka kaca oo soo jeesta ayaan leenahay, kii la qalabto waxaa daba ordaayo Oday, Oday daba ordi karo malahana” ayuu yiri GGB. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhanka kale soo hadal qaaday in degamada Dharkeenleey iyo qeybo ka mid ah degmada Wadajir lagu guuleystay in laga sifeeyo dhibaatooyinka Ciyaal Weerada, waxaana dhanka kale ka dhawaajiyay in ay la dagaalamayaan waxyaabaha Maanka dooriya oo dhibaato ku haya caasimadda Muqdisho. “Taliyaha Saldhigga cusub iyo guddoomiyaha degmada Kaaraan ayaa waxaa laga rabaa in ay qorshe la yimaadaan kama tabar darno nimankii ka guuleystay Dharkeenley iyo Wadajir, waa iney la yimadaan go’aan iyo talo, cabaad waxba tari maayo, Waxaan rabnaa Daroogada magaalada qurunsatay iyo meelaha kalaabyada ah, cidda ku dhex jirtaan ka bax, waan soo jeednaa shaqo kale ma qabanayno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay guddoomiyaha. Hadalka kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa uukusoo aadayaa xilli degmada Kaaraan ay muddooyinkii dambe ciidanku ay ka wadeen howgallo isdabajoog ah, kuwaas oo lagula dagaalamayo Ciyaalka Weerada iyo Maandooriyaha oo dhibaato ku haayo caasimadda iyadoo qeybo kamid ah lagu farsameeyo, waxaana uu carabka ku dhuftay in isku si ay ula dagaalamayaan labadooda si loo xasiliyo ammaanka caasimadda dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Odayaasha dhaqanka Koonfurta Soomaaliya ee ka yimid magaalada Muqdisho ayaa maanta booqday jiidda dagaalka Laascaanood. Odayaasha oo ay weheliyaan isimada dhaqanka SSC-khaatumo ayaa kormeer ku sameeyay furimaha dagaalka ee ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka. Ujeedka kormeerka ayaa sida la sheegayo la xiriiray in ay indhahooda ku arkaan goobaha dagaalka iyo masaafada ay isu jiraan labada ciidan ee dagaallamaya. Odayaasha ayaa kormeerkooda kadib u sii gudbay gudaha magaalada Laascaanood si ay soo arkaan baaxadda khasaaraha gaaray magaalada gaar ahaan goobaha Somaliland duqaynaysay. Odayaasha ka yimid Koonfurta Soomaaliya oo raadinaya in nabad lagu dhameeyo colaadda Laascaanood ayaa diidma kala kulmay dhinaca Somaliland halkas oo ay rabeen in ay gudbaan. PUNTLAND POST The post Odayaashii ka yimid Muqdisho oo booqday furimaha dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo qaar kamid ah ku xigeenadiisa ayaa xalay shir gaar ah uga qayb-galay degmada Kaaraan, kaas oo looga hadlayey xaaladda amniga. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa maamulka Kaaraan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi, ayada oo inta badan laga hadlay dhibaatada Kaaraan. Mid kamid ah odayaasha deegaanka oo ka hadlay madasha ayaa ka dhawaajiyay inay wajahayaan xaaladdii ugu xumeyd ee dhanka amniga, wuxuuna farriin toos ah u diray Madaale oo kulanka fadhiyay, isaga oo ka codsaday inuu la dagaalo ciyaal weerada. “Ninka shalay qoray wax ku dhici jiray maanta laba Maqar ayuu iska soo qaadanayaa ayaa waxa uu ku leeyahay ciyaal weero ayaan ahay waxaan rabnaa marka guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho waxaan ka codsaneynaa in magacaan ciyaal weerada ee dadkii lagu laayay in uu wax ka qabtom” ayuu yiri mid kamid shacabka. Dhankiisa duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kaaraan ay tahay degmada ugu dilalka badan ee gobolka Banaadir, isla-markaana ay ku sugan yihiin kooxo biurcad iyo ciyaal weero oo si isku mid ah u dhibaateeyada dadka shacabka ah. “Degmada Kaaraan waa degmada ugu dilka badan waa degmada ugu dhaca badan waa degmada ugu baaba’san waa degmada ugu mugdiga badan waayaym” ayuu yiri Madaale. Sidoo kale waxaa uu sababta ay ku timid arrintaan ku sheegay wada shaqeynta la’aanta ka dhex jirta shacabka degmada Kaaraan iyo saraakiisha laamaha amniga. “Waxaa yeelaayo dadkeeda ayaana diyaar aheyn, dadkeeda haddii ay diyaar yihiin waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno,” ayuu markale yiri duqa Muqdiso. Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dhibaatada kooxaha ciyaal weerada ay ku hayaan Muqdisho, isaga oo sheegay inay mar kasta soo daba kacaan odayaal iyo waalidiinta qaar, isaga oo taasi ka digay, wuxuuna sheegay in dadkaasi iyaguna ay la dagaalami doonaan “Ciyaal gaangiistarada burcadda ah haddii lasoo qabto odeyga daba jooga iyaga ayuu lamid yahay hooyada daba joogtana iyaga ayay lamid tahay” ayuu ku daray guddoomiyuhu. Kaaraan ayaa kamid ah degmooyinka dhaca waqooyiga Muqdisho, waxaana haatan wajaheysaa xaaladdii ugu darneyd ee amniga, taas oo dib u dhigtay degmadaasi. The post Duqa Muqdisho oo shaaciyay degmada ugu dilalka badan gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.
-
For three hours cinematographer Matt Davis and I have been sitting in a hot shipping container which serves as a military official's office in Mogadishu airport. Being here is not optional – we've been told we are not allowed to leave. Three and a half hours earlier we had wrapped up an interview with Somalia's drought envoy, Abdirahman Abdishakur, a senior official who was key to our story about the current hunger crisis. Source: Hiiraan Online
-
Taliska Muuse Biixi ayaa markii u horraysay si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal qorshaysan oo ku jihaysan Laascaanood. Af-hayeenka Ciidamada Somaliland S/Guuto Cabdi Dheer oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dagaal qorshaysan oo millatari ku qaadi doonaan Laascaanood si ay dib ugu qabsadaan. “Somaliland intii ay ka dulqaadanaysay waa ka dulqaadatay. Hadda annagu warqad yar oo la xar xariiqay soo dhigi mayno website-yada. Laakiin dagaal qorshaysan oo millatari ayaan qaadi doonaa” ayuu yiri Cabdi Dheere. Hadalkaas ayuu sheegay saacado kadib markii Somaliland lagu jebiyay weerar ay saddex jiho kaga qaaday Laascaanood islamarkaana dib looga qabsaday saldhigoodii Dhuyuc-xuunsho. Waxa xusid mudan mudda 49 cisho ah oo uu socdo dagaalka in Ciidamada Somaliland lagu ururiyay Taliska Gooja-cadde iyo nawaaxigiisa oo dhan masaafo ka yar 10km. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ku dhawaaqday in ay dagaal qorshaysan ku qaadayso Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muj Cali Guray oo soo dhaweeyey go.aankii Afhayeenka Ciidanka Milateriga S/land ku dhawaaqey ” Caawa ayaa ugu horeysa oo Ciidanka Qaranka af aan garan karo ku hadlay. DIFAAC AAN QASDI LAHAYN MICNO MICNO LA’AAN BAA LA YIDHI (defense without aim is meaning less). Allay lehe waxa ka dhigan difaaca uu muddada dheer Ciidanka Qaranku (CQ) Goojecadde iska hawaaray ee tiraba shan goor lagu soo weeraray. Hadii xabbadjoojin iyo in ciidamada la kala durkiyo lagu heshiin waayay xukuumadduna diiday in CQ ay dib uga soo saarto Goojecade go’aanka maanta ay qaateen waa sax weliba marka aynu og nahay ciidamada ka soo gudbaya xadka Somaliya (Puntland) oo aan marna la aqbali karin in ay CQ kula dagaalamaan gudaha Somaliland. Afhayeen u hadlay CQ ayaa cadeeyay in wixii maanta ka dambeeya ay iyagu la wareegi doonaan gacanta sare ee dagaalka oo dhinacoodu la wareegi doono weerarka difaacii Goojecadena ka bixi doonaan. Sida afhayeenku hadalkiisa u dhigay weerarada CQ ay si gaar ah ugu wajahnaan doonaan ciidamada Puntland ee sida isdabajoog ah ugu soo qulqulayay Gobolka Sool ee Somaliland “ Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa markii u horeysay si lama filaan ah uga hadlay saameynta Imaaraadka Carabta ee dalka ee dib usoo laabatay, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Cali Cosoble oo qormo culus kasoo saaray arrintaan ayaa marka hore shaki-galiyay ogolaanshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee dhaq-dhaqaaqa xawliga ah ee Imaaraadka uu ka bilaabay dalka, isaga oo dhawaan gadiid dagaal oo badan ka dejistay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Soomaaliya ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliya-na waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa,” ayuu madaxweynihii hore ee HirShabelle ku yiri qormadaan. Hoos ka aqriso qormada Cali Cosoble oo dhameystiran: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kii aan aqiinay ee ay Soomaali dooratay ma arko, qof u eg balse aan aheyn Xasan Sheekh Maxamud-kii runta ahaa ayaa hadda dhex fadhiya Villa Somalia. Xasan Sheekh Maxamuud kaan aqiinay wuxuu ahaa Xasan waddani ah, Xasan nabadoon ah, Xasan beelaha Soomaaliyeed u caddaalad fala, Xasan ka foojigan danaha shisheeyaha, Xasan aan oggoleyn in kheyraadka dalka la boobo, Xasan eysan ka suurta gelin inuu dalka bohol ku rido, Xasan dhageysta talooyinka xildhibaannada iyo wax walba ee laga fisho madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaya. Madaxweynahaan dooranay ee Xasan Sheekh Maxamuud ahaa waa na laga xaday, waxaana lagu sameeyay waxa la yiraahdo “cloning” oo ah koobi lagu sameeyo dadka, xoolaha, dhirta iyo xasharaadka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliya-na waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa. Inteysan Soomaaliya ku dhicin bohol aan dib looga soo saari karin oo aysan talo gacmaheena ka bixin, Soomaaliyey aan Imaaraadka ka doonno madaxweynaheenii originaalka ahaa, koobigoodana u celino. Ogaada koobiga ayaa raba inuu bixiyo kalluunka, shidaalka, dekedaha iyo kheyraadka dalka oo dhan, laakin kan originalka ah waxaa ma oggola, lagumana soo hadal qaadi karo. “Koobi original ma noqdo.” Haddaad maanta igu tala diidaan maalin ay xeero iyo fandhal kala dhaceen ayaad ii markhaati furi doontaan. W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble Madaxweynihii hore ee HirShabelle The post ‘Madaxweyne Xasan Sheekh ma fadhiyo Villa Soamlia ee waxaa lagu hayaa Imaaraadka’ appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online)- Saraakiisha hogaamisa ciidanka militeriga Somaliland ayaa sheegay in ay dagaal culus ku qaadayaan xoogagga kula dagaalamaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo ku guuleystay inay maamulka magaaladaas ka faro-maroojiyaan Somaliland. Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Dheere oo ah Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Somaliland dulqaadkii ka dhamaaday oo weerar culus ay ku qaadi doonaan xoogagga kasoo horjeeda ee SSC. “Somaliland intii ay dulqaadanaysay way dulqaadatay, anagu warqad yar oo la xar-xariiqay soo dhigi mayno websteyada, balse dagaal qorshaysan oo millateri ayaan qaadi doonaa, wax badan ayaan gacmaha laabanaynay, hadda dagaal ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Cabdidheere Afhayeenka Militeriga Somaliland. Sarkaalkaan ayaa sheegay in wixii dagaal dhacay aysan ciidanka Somaliland qaadin hal weerar oo ayaga un lasoo weerarayey, balse hadda wuxuu sheegay in aysan gacmaha laaba doonin oo weerarro culus ay qaadi doonaan. Afhayeenka ayaa digniin u diray ciidamo beeleedyo uu sheegay inay kasoo gurmadeen dhanka Puntland, kuwaas oo sida uu sheegay Laascaanood ku sugan. Sidoo kale Afhayeenka ciidanka Somaliland wuxuu sheegay in reer Laascaanood ay la heshii doonaan dadka deegaanka, balse ay dagaal la gali doonaan ciidamada deegaanada kale ka yimid ee ka dagaalamaya Laascaanood. Sarkaalkaan u hadlay ciidanka Somaliland wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ka dagaalameyso Laascaanood, balse ay awood ciidan uga saari doonaan maalmaha soo socda. Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka ciidanka militeriga Somaliland ayaa ka dhigan markii ugu horaysay oo Somaliland ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay dagaal ku qaadayso ciidamada kala wareegay Laascaanood oo markii hore ay ayaga ku eedey jirtay inay weerar kasta soo qaadaan. The post Somaliland oo iclaamisay dagaal hor leh – Maxaa ka cusub xiisada Laascaanood? appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ay u tageen dadaallo ku aadan sidii loo dhexdhexaadin lahaa Somaliland iyo SSC. Odayaashan oo kasoo jeeda beelaha Mogadishu Clan iyo Digil iyo Mirifle ayaa waxaa hoggaaminaya Ugaas Maxamud Cali Ugaas oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya. Ugu horreyn odayaasha ayaa booqday jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan goobahaya ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka. Ujeedka ayaa ahaa in ay indhahooda kusoo arkaan masaafada ay isku jiraan labada dhinac, una qiimeeyaan xaaladda ka jirta halkaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ergadan nabadeed ee ka baxday Muqdisho ay gudaha usii geli doonaan Laascaanood, si ay u kormeeraan magaaladaas oo bubur uu soo gaaray. Sidoo kale waxay wadahadallo la yeelan doonaan Isimda dhaqanka SSC, ayada oo diirada lagu saarayo sidii loo sameyn lahaa xabad joojin, kadibna loo bilaabi lahaa wadahadal. Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay labada dhinac ay ku dagaalameen duleedka Laascaanood, kaas oo sababay khasaare horleh. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, ayada oo weli ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan aagagii lagu dagaalamay ee duleedyada magaalada Laascaanood. Si kastaba, waxaa horay dadaallo kuwaan lamid ah oo dhex-dhexaadin ah sameeyay dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya, balse ma jirto wax natiijo ah oo laga gaaray. The post Odayaashii ka tegay Xamar oo booqday jiida hore ee dagaalka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in xeelad dagaal awaadeed uu dalkiisa hub nukliyeer ah ugu rakibi doono waddanka Belarus. Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabadaasi aanay ku xadgudbi doonin heshiiskii dhimista hubka nukliyeerka, isagoo isbarbardhig ahaan u soo qaatay sida Mareykanka uu hubkiisa u keeno Yurub, sida lagu shaaciyay warbaahinta qaranka Ruushka. Moscow maamulka hubkeeda uma wareejin doonto Minsk, ayuu Putin sii raaciyay. Mareykanka ayaa sheegay in uusan rumaysnayn in Ruushku uu isu diyaarinayo isticmaalka hubkaasi nukliyeerka kaddib shaacinta rakibitaankiisa. “Ma hayno sabab aan wax uga badelno istaraatiijiyadda hubkayaga nukliyeerka,” wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay. “Waxaa naga go’an inaan si wadajir ah u difaacno xulafadayada Nato.” Maamulka ka arrimiya waddanka Belarus ayaa xulafo aad u dhaw la ah maamulka Kremlin-ka ka taliya, waxaana ay taageereen duullaankii Ukraine. Madaxweyne Putin ayaa taleefishinka qaranka ee Ruushka Sabtidii u sheegay in hogaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko uu muddo dheer soo hadalqaadayay arrinta ah in xeelad dagaal ahaan hubka nukliyeerka loogu rakibo gudaha dalkiisa. “Arrintaas waa iska caadi,” ayuu yiri. “Marka koobaad, Mareykanku muddo tobannaan sanadood ah ayuu sidan oo kale samaynayay. Muddo dheer ayey xeelad dagaal ahaan hubkooda nukliyeerka ugu soo daabulayeen dhulka dalalka ay xulafada yihiin.” Ruushka ayey u badan tahay inuu 1-da July dhammaystiro dhismaha goobta lagu rakibi doono hubka nukliyeerka ee la dhigi doono Belarus, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Putin. Tiro yar oo hannaanka gantaallada Iskander oo xeelad dagaal ah, kuwaas oo loo adeegsan karo in lagu rido hubka nukliyeerka, ayaa la geeyay waddanka Belarus, ayuu yiri Madaxweyne Putin. Ma uusan caddayn marka hubkaasi la gayn doono Belarus. Gaynta hubkaas-se waxa uu noqonayaa midkii ugu horreeyay tan iyo bartamihii 1990-meeyadii markaas oo Mocsow ay hub nukliyeer ah u yaalleen meel ka baxsan dalkeeda. Burburkii Midowgii Soofiyeet 1991 ayaa hubka nukliyeerka waxa uu yaallay afar dal oo markaas xor noqday – Ruushka, Ukraine, Belarus iyo Kazakhstan – iyadoo 1996 la soo afjaray dib u soo celinta hubkaasi ee Ruushka. Hadalka madaxweyne Putin ayaa imanaya xilli madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu soo cusboonaysiiyay codsigiisii ahaa in xulafadiisa reer Galbeedka ay siiyaan taageero dheeraad ah oo milateri. Horraantii todobaadkii tegay, illaa 18 dal ayaa saxiixay heshiis ay dalkaas uu dagaalka la degay muddo sannad ah ku siinayaan ugu yaraan hal milyan oo aaltalari. Hase yeeshee wareysi uu madaxweyne Zelensky siiyay wargeys ka soo baxa waddanka Japan, ayuu ku sheegay in Ukraine ay suuragal tahay in bariga dalkaasi aanay ka qaadin duullaan rogaal-celis ah illaa ay ka imanayso rasaas dheeraad ah. Isha: BBC The post Madaxweyne PUTIN oo ku dhowawaaqy war xasaasi oo la xiriira hubka Nukliyeerka appeared first on Caasimada Online.
