-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ayaa soo noqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladihii kala danbeeyey ee Ku-meel-gaarka ahaa. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ehelka, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida marxuum Ismaaciil Buubaa. PUNTLAND POST The post Siyaasi Buubaa oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyada oo sheegtay inay gacanta ku hayso amaanka guud ee gobolkaasi. Somaliland oo muddo ku siman laba bil kula dagaalamaysa xarunta gobolka Sool ciidamada SSC ayaa sheegtay ciidamadeeda ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka Sool, xilli ay gacantood ka baxday magaaladii xarunta u aheyd gobolkaasi. “Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayaga” ayuu yidhi Cateeye xilli magaalada Laascaanood ay mudo 2 billood ka badan ka maqantahay gacanta Somaliland,” ayuu Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka. Wasiir Caateeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, sida uu hadalka u dhigay. “Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Caateeye. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu xalay dagaal culus markale ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka. Dagaalka xalay ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalin kahor khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan. Sidoo kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku halkaasi. Dagaalka Laascaanood ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka. The post Somaliland oo sameysay sheegasho cusub xilli uu dagaal culus dhacay xalay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka Turkiga ku yeeriyooday Allaha unaxariiste Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, kuna soo shaqeeyay xaaladdo adag isaga oo qeyb ka ahaa shirar badan oo dib-u-heshiisiin ah. Waxaa kamid ah xilalka sare ee Ismaaciil Hurre Buubaa uu soo qabtay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu soo noqday Wasiirkii Maaliyadda Somaliland, burburkii dowladdii Militariga ahayd, isaga oo kadib kamid noqday xubnihii kasoo muuqday dowladdii Carta iyo middii Kenya lagu soo dhisay ee 2004-tii. Geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay madax iyo siyaasiyiin, iyaga oo Alle uga baryey inuu jannada ka waraabiyo. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii hore ee Dalka ahna Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibbadda Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu ahaa aqoon yahay iyo khabiir door weyn ka soo qaatay u adeeggidda qarankiisa iyo dib-u-dhiska dalka. “Ismaaciil waxa uu door weyn kasoo qaatay xoojinta siyaasadda arrimaha dibbadda iyo dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya, isaga oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kumeel-gaarka ahaa ee soo maray dalkeenna.” Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey in Ismaaciil Hurre Buubaa uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay. The post Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka oo geeriyooday iyo Xasan oo ka hadlay appeared first on Caasimada Online.
-
United by Golf: The Ibrahims' pursuit of the American dream
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Minneapolis (HOL) - Hailing from Culver City, California, the Ibrahim family's journey to the United States began with Rashid Ibrahim's dream of a better life for his loved ones. Fueled by hope, Rashid found solace in golf upon arriving in the US. Source: Hiiraan Online -
Ankara (HOL) - Somalia's former Foreign Affairs Minister, Dr. Ismail Mohamud Hurre Buba, passed away on Wednesday while receiving treatment in Ankara, Turkey. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (HOL) - Somalia's former Foreign Affairs Minister, Dr. Ismail Mohamud Hurre Buba, passed away on Wednesday while receiving treatment in Ankara, Turkey. Source: Hiiraan Online
-
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN; Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, caruurta. waayeelka, waxgaradka, asxaabta iyo Shacbka Soomaalida, gaar ahaanna kuwa ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday goor dhaweyd dalka Turkiga. Marxuumku waxa uu ahaa, siyaasi cabqari ah oo si weyn looga yaqaano Geeska Afrika, aqoonyahan culus oo bare sare ka soo noqday Jaamacadaha dalweynaha Maraykan, halgamaa ka tirsanaa Ururkii dib u xorreynta JSL ee SNM, isla markaana xilal sare ka soo qabtay Xukuumaddii Somaliland ee uu hoggaaminayey Madaxweyne AHU Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo uu ka soo noqday Wasiirkii Maaliyadda xilligaas, sida oo kalena ka soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan Dawladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo uu ka gaadhay Raysal Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda. Marxuumka, waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Jannatul firdowsa geeyo, dambigiisa dhaafo, innagana dhammaanteen innaga wada siiyo, samir iyo iimaan saadaq ah. Aamiin Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - A heartbreaking incident occurred in Kuala Lumpur, Malaysia, when a nine-year-old Somali boy tragically fell from the fifth floor of a condominium complex in the Setapak neighbourhood, a bustling suburb in the northeastern part of Kuala Lumpur, the capital city of Malaysia. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A heartbreaking incident occurred in Kuala Lumpur, Malaysia, when a nine-year-old Somali boy tragically fell from the fifth floor of a condominium complex in the Setapak neighbourhood, a bustling suburb in the northeastern part of Kuala Lumpur, the capital city of Malaysia. Source: Hiiraan Online
-
Alle ha u naxariisto waxa dalka Turkiga ku Geeriyooday Ismaaciil Maxamuud Hurreh Buubaa. Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa tacsi u diray ehelka, Qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo maanta ku geeriyooday magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiya. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan wejiga labaad ee dhawaan bilaaban doona ayaa waxa uu shaaciyay “in kooxda ay ku qasbi doonaan miiska wada-hadalka.” Madaxweynaha ayaa rejo wanaag ka muujiyay in duullaanka cusub ee milateri ee dhawaan ka bilaaban doona dalka looga adkaan doono kooxda Al-Shabaab, kaasi oo wejigiisi hore lagu xoreeyay deegaano horleh. “Laba arrimood ayaa jira in Al-Shabaab looga adkaado, mid waa milateri ahaan, mid kalena waa fikir,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku yiri wareysi uu siiyay wargeyska afka dheer ee Financial Times. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya ee howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay “sidii uu kooxda ugu celin lahaa meel cidhiidhi ah oo aan ka ahayn inay nabada qaataan,” sida uu hadalka u dhigay. “Dagaalka fikradeed wuxuu sii socon doonaa in muddo ah, laakiin, midka militariga, waxaan aaminsanahay inaan kaga adkaan doono iyaga,” ayuu yiri madaxweynaha oo Financial Times wareysi gaar ah ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Al-Shabaab waxay weli dareemayaan inay sii noolaan karto, waxaana sidoo kale rumeysannahay in fursadda wada-hadallada aysan weli qaan-gaarin. Laakiin dhamaadka, tani waxay ku dambayn doontaa wada-hadal.” Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli dhawaan uu dalka ka bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalalka Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti. Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa waxay Al-Shabaab ay lumisay deegaano horleh oo sanado badan ay ka talinayeen, taasi oo lagu qiyaasay saddex meelood meel meelaha ay ka joogaan gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa dhawaan shaacisay in wejigii hore ee dagaalka kooxda Al-Shabaab looga dilay in ka badan 3,000 oo ku jireen horjoogayaal, halka 3,700 oo kalena lagu dhaawacay. Deegaanada lagu xoreeyay isla wejiga koowaad ee dagaalka ayaa waxay dowladda ku sheegtay illaa 70 goobo, kuwaasi oo isugu jiraan deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Sh/Hoose, Galgaduud, Mudug iyo Jubbad Hoose, sida deegaanada Aadan Yabaal, Xarardheere, Ceeldheer, Ruun-Nirguud iyo deegaanno kale oo istaratiij ah. The post Xasan oo shaaciyay arrin uu wejiga labaad ee dagaalka ‘ku qasbi doono’ Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay taageero millatari ka dalbatay dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya, Si loo qaado tallaabada xigta ee ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in saddex waddan oo laftooda la kulmay weerarrada Al-Shabaab, ay ka helidoonaan ciidamo iyo karti dheeraad ah marka loo eego wejigii hore ee howlgalka Alshabaab. Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aaday iyadoo ciidamada dowladda ay sii xoogeysanayeen tan iyo bishii Augusto, kaddib markii ay billaabeen ololihii ugu muhiimsanaa ee ay Soomaalidu hormuudka ka ahayd ee ka dhanka ahaa kooxda al-Shabaab. Ciidamada Dowladda oo garab ka helayay kuwa qabaa’ilada ee deegaanka, ayaa 15 sano kadib ku guulaystay inay Alshabaab ka xoreeyaan degaano ay maamulayeen. Falanqeeyayaasha ayaa isku raacay in howgallada ka dhanka ah Alshabaab ay dib u dhigeen qaar ka mid ah guulihii al-Shabaab ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku khasbay inay lumiyaan dhul badan. Madaxweyne Xasan Sheikh oo wareysi siiyay wargeyska Financial Times, ayaa u sheegay inuu rajaynayo in weerarada ka dhanka ah Alshabaab ay ku khasbi doonaan miiska wada hadalka. Source
-
Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamud Macallin ayaa shirka Arimaha Bini aadannimada kaga qayb galay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland isagoo halkaa ka jeediyay qudbad uu kaga hadlay xaaladda bini aadinimo ee ka jirta Soomaaliya. Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada midoobay ayaa u jeedadiisu ahayd sidii Dalka Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruuri lahaa deeq maaliyadeed si wax looga qabto arimaha bini aadinnimo iyo Barakacayasha ka dhashay fatahaadaha Baarsheere, iyo colaadaha ka jira dalka. Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay wadama deeqda bixiye sida Midawga Yurub, China iyo wadamada Arabta, sidoo kale waxa shirka qayb ka ahaa hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini aadinnimada Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Wasiir dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimiladda Aadam Aw Xirsi, iyo wafuud kale oo ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka hawl gala dalka. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Arimaha Bini aadannimada Geneva appeared first on Puntland Post.
-
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay iyadu gacanta ku hayso amniga gobolka Sool. Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan amaanka gobolka. “Ciidamada Somaliland ee gobolka Sool waxay si buuxda gacanta ugu hayaan amaanka deegaanadaas iyo dhulkayaga” ayuu yidhi Cateeye Caateeye waxa uu inta ku daray in ciidanka Somaliland uu dib u riixay xoogaga kasoo horjeeda, isla markaana ay soo celin doonaan amaanka Laascaanood. “Ciidamadayadu waxay dib u riixeen ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka dhawaana waanu soo celin doonaa nabada Laascaanood” ayuu yidhi Caateeye Source
-
Alle ha u naxariisto Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo ku geeriyooday dalka Turkiga. Waxaa uu soo noqday Raysal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirkii Maaliyadda Somaliland. Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo ay ugu horeeyaan musharraxa madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyaga oo ku hadlaya afka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Hurre Buubaa oo dalka Turkiga ku geeriyooday. Waxa ay marxuumka ku sifeeyeen shakhsi ka mid ahaa haldoorka iyo odayaasha la qadariyo ee reer Somaliland islamarkaana ahaa siyaasi ruug caddaa ah oo muddadii uu xilalkii kala duwan ee uu ka soo qabtay Somaliland iyo Somalia hayay si hufnaan iyo hawl karnimo leh bulshadiisa ugu soo adeegay. Hoggaanka Xisbigu waxay Illaahay uga baryayaan Marxuumka in uu su’aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Source
-
Booliiska Israa’iil ayaa weerar ku qaaday tobannaan qof oo ku cibaadaysanayay Masaajidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus kahor waaberigii maanta oo Arbaca ah, sida ay sheegeen goob joogayaal. Dhacdadan ayaa waxa ay dhalisay mudaaharaadyo ka dhacay guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, waxaana milatariga Israa’iil ay sheegeen in sagaal gantaal lagaga soo ganay Qaza. Rabshadaha ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo magaalada Quddus ayaa sii kordhay sanadkii lasoo dhaafay, waxaana laga walaacsan yahay in xiisaddu ay sii kororto bishan, maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay ku beegan tahay maalmaha ciidda Yuhuudda iyo kuwa Masiixiyiinta. Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in toddobo qof oo Falastiiniyiin ah ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta nooca cinjirka ah kadib markii ay isku dhaceen booliska Israa’iil oo ku sugnaa dhismaha Masjidka Al-Aqsa. Waxa ay intaa ku dartay in ciidamada Israa’iil ay ka hortagayeen dhakhaatiirteeda inay gaaraan masaajidka. “Waxaan ku fadhiyey kursi aan ku akhrisanayay Qur’aanka, waxay nagu soo tuureen bam-gacmeedyo, mid ka mid ah ayay laabta igaga dhuftay,” ayay tidhi iyadoo ooynaysa haweeneyd da’ ah oo la tacaaleysay neefqaadka oo la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters. Ciidamada booliiska Israa’iil ee qabsaday xarunta masaajidka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay ku qasbanaadeen in ay gudaha u galaan masjidka kadib markii sida ay sheegeen kooxo ay ku tilmaameen inay wadday ‘daandaansi’ oo wajiyada soo duubtay iyagoo wata, ulo iyo dhagxaan.ay gudaha ay masaajidka isku soo xidheen. Source
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo mar kale xalay ka dhacay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa deegaanka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhashay weerar ay qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Goojacadde, waxayna kadib iska caabin kala kulmeen ciidanka SSC. Dagaalka ayaa billowday abaare 9:45 P.M. Waqtiga Bariga Afrika, isaga oo socday ku dhawaad 50 daqiiqo oo xiriir ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo inta uu socday la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, ayada oo dhawaqa hubka laga maqlayay meelo fog-fog. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka xalay ku dhex-maray bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga lagu dagaalamay oo ay haatan gaarayaan ciidamo kale gurmad ah. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo maalin kahir khudbad uu jeediyay madaxweynaha Somaliland uu ku sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin heshiis iyo xabad joojin, balse mar kasta lasoo weeraro ciidamadooda, iyaguna ay ku qasban yihiin inay is difaacaan. Dhanka kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay farageliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska balse laguma guuleysan. Si kastab, dgaalka ayaa galay bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan ku qof iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka. The post Dagaal culus oo mar kale ka dhacay LAASCAANOOD appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf. Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, kana taageero dhinacyo badan oo ay ugu horreyso dagaalka kooxaha Khawaarijta ah looga ciribtirayo dalka. Mudane Xamse oo sheegay in ay mahad u hayaan dowladda iyo shacabka Jabuuti ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada waddan. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka cusub ee Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Every Ramadan, Muslims have a goal of deepening their relationship with the Qur'an, spending more time reciting the holy book and pondering its teachings. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay waxqabadka dowladda ee todobaadkii tegay iyo guulaha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab. Ugu horreyn Daa’uud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in meel wanaagsan uu marayo dagaalka dhinacyada kala duwan leh ee lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab. “Dowladda Soomaaliya waxay todobaadkan ku dhawaaqday in guud ahaan la cuuryaamiyay hannaankii maaliyadeed ee Khawaarijta,” ayuu sii raaciyay wasiir Daa’uud Aweys. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgal todobaadkan ka dhacay duleedka Baydhaba lagu dilay 14 ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday ciidanka huwanta. Wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ay sii kordheen tirada xubnaha kasoo goosanaya kooxda ee isku soo sii dhiibayo dowladda federaalka. Daa’uud Aweys ayaa sheegay in xubno badan oo ay ku jiraan saraakiil ay iska soo dhiibeen deegaanada Galmudug, iyo Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah raggaasi:- 1-Cabdi Xasan Xul-Baalle oo kamid ahaa horjoogayaasha Al-Shabaab oo iska soo dhiibay gobolka Shabeelaha Hoose. 2-Bishaar Shardi Maxamed iyo Yuusuf Saleebaan Abuukar (Salaaxu Diin) oo iyaguna isku soo dhiibay ciidanka daraawiishta Galmudug. 3-Horjooge Xuseen Daahir Maalin (Dhagey) oo Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ee Galmudug. 4-Horjooge Calas Axmed Ibraahim Barre ayaa lagu soo qabtay howlgal kale oo ka dhacay Galmudug The post Daawo: DF oo shaacisay magacyada xubnaha isa soo dhiibay ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xalay ka qayb-galay kulan uy ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed la yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa ka hadlay shaqada hortaallo ergeyga cusub ee ku aadan wada-hadallada labada dhinac. Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Cabdikariin Guuleed uga digay in uu qaado tallaabo sii kala fogeyn karta Soomaaliya iyo Somaliland oo haatan muddo dheer kala maqan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ergeyga looga baahan yahay inuu ka dheeraado wax weliba oo kala fogeynaya labada dhinac, si guul looga gaaro dadaallada socda. Sidoo kale wuxuu ballanqaaday in uu ku garabsiinayo waaya-aragnimada uu leeyahay si xal looga gaaro wadahadallada Muqdisho iyo Hargeysa. “Dadkaas afkaartaas kala duwan qaba, fikirka lagula imaanayo, kii kala dhaqaajinaya ee keenaya khilaaf kaas ka dheeraay, wixii isu soo dhaweynayana ku dheganow, ma qabo aniga haddii Soomaali run u wadahasho oo xaqiiqada dhabta ah laga wada hadlo, si niyad furan oo aan naaxi lahayn waxa jira loosoo bandhigo Soomaali way ka heshiineysaa,” ayuu yiri. Guddoomiye Xaashi ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Cabdikariin waa laguugu taageerayaa fikirka fiican aad wado ee aad Soomaali isugu keeneysid”. Waxa kale oo uu kula dardaarmay in uu si dhab ah u wajaho wadahadalka la filayo inuu markale u billowdo dowladda federaalka iyo Somaliland, si miro-dhal looga gaaro. Todobaadkan uun ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed loo magacaabay inuu garwadeen ka noqdo wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isaga oo haatan toos u galay shaqadiisa. Si kastaba, Somaliland ayaa si weyn dhankeeda usoo dhaweysay magacaabista siyaasigan oo horay uga soo shaqeeyay wadahadalka labada dhinac, meel wanaagsana soo gaarsiiyay. The post Cabdi Xaashi oo hal arrin uga digay Cabdikariin GUULEED appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka SSC ayaa saakay dib uga qarxay bariga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu ka socdo dhow meelood oo bariga magaalada ah, waxaana la maqlayaa madaafiic ku dhaceysa qeybo magaalada ah. Dagaalka saakay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo saacadihii ugu dambeysay labada dhinac ay gurmadyo soo kale gaarayeen, iyadoo mid waliba uu guul ka sheegayay dagaalladii dhacay labadii maalin ee lasoo dhaafay, wali si dhab ah loo ma oga khasaaraha guud ee dagaalka, maadaama uu wali uu ka soconayo qeybo ku yaalla bariga. Dhinacyada dagaalamaya ayaa mid waliba waxaa uu mid kale ku eedeynayaa in dagaalka uu isagu kusoo qaaday, waxaana dagaalkaan uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor madaxweynaha Somaliland uu ku dhawaaqay in diyaar u yahay in xabadda la joojiyo oo dagaalka wadahadal lagu badalo, isaga oo sheegay in lasoo weeraray dhankooda. Dagaalka ka socda Laascaanood oo laba bil jirsaday ayaa waxaa uu sababay khasaare baaxad leh oo soo gaaray dadka shacabka ee ku dhaqan magaalada, kuwaas oo intooda badan isaga baxay, kadib markii ciidanka Milatariga Somaliland ay madaafiic aan loo aabo yeelin ay ku garaaceen, geerida dadka rayidka ah ayaa ka badan 250 ruux. Qaramada Midoobey ayaa sheegay dad badan ay ku barakaceen dagaalka Laascaanood, waxaana qiyaastii ugu dambeysay lagu sheegay in ka badan 200’000 ruux ay ka baxeen magaalada, kuwaas oo deegaansanaya goobo ku yaalla Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo xilligaan lagu jiro Roobka Gu’ga oo siweyn u Da’aya. Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ayaa galay bishii labaad mana muuqato ilaa iyo hadda waanwaan laga dhexe wado dhinacyada ishaya, waxaana fashilmay wadahadal ay soo qabanqaabisay dowladda Itoobiya, iyadoo xoogagga deegaanka ay shuruud ku xireen wadahadka Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Las Anod (HOL) - The SSC-Khaatumo, the local governing authority of the Sool region in Somalia, has issued a press release condemning the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) for its alleged misrepresentation and mismanagement of aid delivery in the region. Source: Hiiraan Online
