Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Click here to read more about this Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inuu aaminsan yahay in sirdoon shisheeye uu dilay Fanaanadii weyneed Saado Cali Warsame. Sheekh Caliwajiis ayaa sheegay in isagoo ku sugan dalka Koonfur Afrika ay TV-ga ka daawadeen Saado Cali Warsame oo Sweden uga qeyb gashay xaflad weyn oo loo qabtay taageerada jabhadda ONLF oo dagaal culus kula jirtay Itoobiya. Wuxuu sheegay in Saado ay halkaas ka qaaday hees ay ku karbaasheysay madaxdii Itoobiya horay u soo hoggaamisay iyo kuwii markaas hoggaaminayey, iyadoo huwan calamada Soomaaliya iyo jabhadda ONLF. “Nin markii goobta aan TV-ga ku daawaneynay ila fadhiyey ayaa nagu yiri gabadhaas Saado ah, markii ay ku laabato hadii ay todobaad sii noolaato Itoobiya aqoon uma lihi,” ayuu yiri Sheekh Caliwajiis. Wuxuu sheegay in arrintii ay sidii ninku u sheegay noqotay oo Saado la dilay iyadoo shan maalmood Muqdisho joogta, maalinkii 6-aad, Shiiqa ayaa xogtaan ku shaaciyey wareysi uu siiyey TV-ga Dalsan. “Anigu dalka ayaan ku soo laabtay, waxaan degay Hotel Ambasitoor, ayana waa timid, shan maalmood ayey Muqdisho joogtay, maalintii lixaadna waa la dilay,” ayuu yiri. Sheekh Cali oo dib u xusuusanaya raggii dilay Saado Cali Warsame ayaa sheegay inay wateen gaari Qooqan ah oo rag aad u hubeysan oo BKM-yo wata ay saaran yihiin. “Waxaa lagu dilay jiirada Hotel Ambasitor, ragga dilay waxay wateen gaari Qooqan ah oo ay saaran yihiin seddaxa ama laba qori oo Dabamiishaar ah (BKM) iyo ugu yaraan lix AK47, gaarigeeda ayaa gaariga lagu hor jaray waa la toogtay, ragiina waa iska dhaqaaqeen oo cid daba kacday ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Ugu dambeyntii Sheekh Caliwajiis ayaa yiri, “Aniga shaki iigama jiro in sirdoon shisheeye uu dilay gabadhaas oo Al-Shabaab aysan dilin,” Shiiqa ayaa ka gaabsaday inuu sheego magaca dowladda uu ku tuhmayo inay dishay Saado Cali. Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame ayaa markii la dilay waxay aheyd xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, sanado kadibna waxay dowladda Soomaaliya toogatay rag qirtay inay fuliyeen weerarkii lagu dilay. Hoos ka daawo The post Daawo: Sheekh Caliwajiis oo farta ku fiiqay dowlad shisheeye oo dishay Saado Cali Warsame appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya Aadan Faarax. Hoggaamiyaha xisbiga Barwaaqo waxaa kulankaas ku wehliyey wasiiru dowlaha arrimaha dibada dalka Itoobiya iyo danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mukhtaar Waare. Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee Barwaaqo Aadan Faarax ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe soo gaarsiiyay fariin uu kaga siday Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali ahna Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqo. Masuuliyiintaan ka socotay dowladda Itoobiya ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay sida ay Itoobiya u dooneyso xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya shacabka iyo labada dowladood. Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxumuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Guddoomiyaha Golaha Shacabaka ee BFS ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isagoo warbixin ka siiyay xalada guud ee dalka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnahaas la wadaagay waxyaabihii u qabsoomay Golaha Shacabka iyo shuruucdii uu ansixiyay goluhu mudadii ay joogeen. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay iskaashiga dowladda Itoobiya kala dhaxeeya Soomaliya ee dhanka amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah oo Soomaaliya ay si weyn u dooneyso in la dagaalankooda lagu garabsiiyo. The post Muxuu yahay ujeedka wafdiga uu Abiy usoo diray Muqdisho? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. MA DAL QABIIL AYAA LA RABAA IN LAGA DHEX-DHISO SOMALILAND IYO SOMALIA? Waxaa la sameeyay guddi qabiil oo loo yaqaan G21, gudidaas oo la aaminsanyahay in yoolkoodu ama ujeedadoodu tahay in la abuuro dal iyo dawlad qabiil oo ka kooban: Puntland, Sool iyo Buuhoodle. Si arintaasu u hirgasho, waxay gudida G21 qaadeen dhawr tallaabo oo hordhac u ah abuuridda dal qabiil oo aan ku ool khariidada Caalamka, kuwaas oo kala ah: ⁃ In xiisad laga dhex-abuuro Federaalka Somalia iyo maamulka Puntland si Puntland xidhiidhka ugu goyso Fadaraalka Somalia ⁃ In madaxda dhaqanka ee Beesha Sool clan shir loogu qabto magaalada Jigjiga, shirkaas oo la qabtay badhtamihii December 2022 lagana soo saaray go’aamo diyaarsan oo dagaal laga aloosayo Laascaanood si Sool iyo Buuhoodle looga gooyo Somaliland. ⁃ In Beesha Guud loo diyaariyo ka qaybgalka dagaalka Laascaanood si looga jaro Somaliland kuwaas oo loo bixiyay “HUWAN,” kana kooban: Ciidamada Puntland, ciidamada qabiilka ee ka tirsanaa ciidamada Fadaraalka Somalia, gurmadyada qabiilka oo ka kala yimid: Somalia, Somaliland, Kililka 5aad ee Itoobiya iyo N.F.D Kenya iyo kooxaha argagixisada ah. ⁃ Dabadeedna la abuuro dal iyo dawlad qabiil oo u dhaxaysa Somalia iyo Somaliland Sidaan kor ku xusan, ujeedada laga leeyahay in Maamulka Puntland u jaro xidhiidhka Fadaraalka Somalia, dagaal laga alooso Laascaanood, gurmadyo qabyaaladaysan ee Beesha Guud laga keeno Somalida degan Geeska Afrika iyo argagixisada waxa weeye in dal iyo dawlad qabiil laga dhex-sameeyo Somalia iyo Somaliland iyada oo kooxda G21 ee Beesha Guud u muuqato inay iska dhaadhicisay, beeshoodana ku wacyigelisay inaanay waxba ku lahayn xukuumadaha ka jira Somalia iyo Somaliland una nisbeeyaan reero gaar ah, taas oo runtii aan sal iyo raadtoona lahayn. Siyaasadda kooxda G21 waxaa muuqata inay kala fogeynayaan Somalida ku nool Geeska Afrika, waxaana hormood u ah madaxweynihii hore ee Somalia, Mohamed Adbullahi Farmaajo, oo liqiwaayay guuldaradii ku dhacday markii looga adkaaday doorashadii dimoqaraadiga ahayd ee madaxweynaha ee ka dhacday Somalia Bishii May 2022 oo burburisay qorshoyaal dhagaraysnaa oo uu la galay Itoobiya iyo Eritrea sannadkii 2018, hadana isaga iyo Siyaasiyiinta Beesha Guud ay ula muuqatay inay abuurikaraan dal iyo dawlad qabiil lagu burburinayo Somalia iyo Somaliland taas oo aan marnaba suurtogal ahayn. Somalia kama yeelayso Maamulka Puntland in dhulka Majeerteenia ee Puntland oo xuduudii Talyaaniga ay wadaagaan kana tirsan Somalia laga gooyo Somalia. Somaliland ka yeelimayso garaadada Sool clan in dhulka Sool iyo Buuhoodle oo ka tirsan dhulka Somaliland oo ay wadaagaan xuduudii Ingiriiska laga gooyo Somaliland sababta oo ah ma jiro dal aqbalaya in dhulkiisa la kala gooyo, xuduudiisana lagu xad-gudbo. Xuduudihii gumaysiga ee Afrika lama bedelikaro maadaama ay dalkasta qeexayaan baaxadda dhulkiisa, dadkiisa iyo qaranimadiisa. Sidaas daraadeed, dal iyo dawlad qabiil oo ku salaysan xad qabiil lagama dhex-abuurikaro Somalia iyo Somaliland. Ibrahim Xasan Gaagaale ibrahimgagale@gmail.com Qaran News
  5. Boorame (PP News Desk) — The Somaliland administration Vice President Abdirahman Sayli’i today urged people of Awdal to support Somali forces. “People of Awdal should contribute militias and other supplies to the war effort. We are under attack from forces who oppose our progress” said Sayli’i in Boorame. Sayli’i was sent to his hometown where influential members of the community opposed the war Somaliland administration is waging against Laascaanood. Sayli’i: “People of Awdal should contribute militias and other supplies to the war effort.” His remarks come in the wake of calls by the United States government to the Somaliland administration to withdraw its troops on the outskirts of Laascaanood. The Somaliland administration foreign ministry demanded diplomatic recognition as the only option to end the conflict in Northern Somalia. The Somaliland administration claims to be a sovereign state on the basis of pre-independence borders between the ex-British Somaliland and the ex-Trust Territory of Somaliland under Italian administration. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland Vice President Urges Awdal to Contribute Militias “to the War Effort” appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta ku soo dhigay rag ku eedeeysan burcadnimo, kuwaasi oo dhac ka geysanayay isla degmada gudaheeda. Raggaan oo gaaraya illaa saddex ayaa waxay laba kamid ah ku kala hubeysnayeen toorriyo iyo bistoolado caag ah, halka midka kaena uu wade ka ahaa Mooto Bajaaj ay adeegsanayeen. “Ciidanka Boliiska deegaanka Daarusalaam ayaa gacanta ku soo dhigay seddex kamid ah Burcadda Hubaysan kuwaaas oo dhac ka geysanaayay isla Degmada Dhexdeeda,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir. Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in raggan sharciga la hor geyn doono, lana marin doono wixii ay ka helaan sharciga hortiisa. “Sharciga ayaa la hor geenayaa waxa ayna kamid noqonayaan Burcada hubaysan ee horay Ciidanku Booliska usoo qabteen.” Booliska ayaa isla maanta soo bandhigay laba eedeysane oo kale oo dhac ka geysanayay deegaanka Garasbaaleey, kuwaasi oo gacanta kusoo dhigeen ciidanka Booliska ee deegaankaasi. Labada nin ee lasoo qabtay ayaa waxa uu mid kamid ah ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan GorGor, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir. “Eedeysanaaya ayaa mid kamid ah ku hubeysnaay Bistoolad waxa uuna sheegay in uu ka Tirsan yahay C.X.D, gaar ahaan GorGor, halka midka kale uu yahay wade moota Bajaaj ay adeegsanaayeen.” Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho kaga timid qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mid ah burcaddii dhibaateyn jirtay bulshada. The post Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag hab cajib ah dadka ku dhacayey + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  7. Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu weheliyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle (Jaabiri) ayaa kulan la qaatay wafti xildhibaano ka yimid Baarlamaanka Yurub, kuwaas oo ay ahaayeen Guddiga Difaaca iyo Amniga Baarlamaanka Midowga Yurub. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, waxayna soo dhoweyeen Safarada uu Guddoomiyaha ku tagay dalal ka mid ah Qaaradda Yurub iyo xiriirka saaxibtinimo uu la yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, qaar ka mid ah Baarlamaannada Yurub. Wafdiga oo Muqdisho u yimid in ay ogaadaan xalada guud ee Soomaliya gaar ahaan Amniga iyo howlgalada ka socda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahy BJFS. kulanka Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo Guddiga Difaaca iyo Amniga oo uu hogaaminayay Mudane Xil. Nathalie Loiseau ayaa u kuur galay hubinta Barnaamijyada lagu Caawinayo sugida Amniga iyo difaaca dalka horumarka dhaaqaalaha guud ee Dalka. Waxaa kale oo ay isku raaceen garab istaaga howlgalada amniga iyo ladagaalanka argigixisada. Ugu dambeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Xildhibaanada imaatankooda iyo u kuur gelidooda howlaha iyo mashaariicda midowga Yurub ee Soomaaliya ku bixiso. Guubjoog News Source: goobjoog.com
  8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Faarax, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibada dalka Itoobiya iyo danjiraha dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mukhtaar Waare. Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Mudane Abshir Jaamac Huruuse iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxumuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga talada dalka Itoobiya haaya Mudane Aadan Faarax ayaa Guddoomiyaha waxaa uu soo gaarsiiyay fariin ay ka sideen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed Ali ahna Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqo, iyagoo ka warbixiyay xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya shacabka iyo labada dowladood. Guddoomiyaha ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen dalka, isagoo warbixin ka siiyay xalada guud ee dalka, waxyaabihi u qabsoomay Golaha Shacabka iyo shuruucdi uu ansixiyay Golaha. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay Dowladda Itoobiya iskaashiga kala dhaxeeya Soomaliya ee dhanka amniga iyo la-dagaallanka kooxda khawaarijta. All reactions: 2828 Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga cusub ee arrimaha wada-hadalada Somaliland u qaabilsan dowladda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed. Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo la xiriira wada-hadalada Somaliland iyo waafajijinta hal-ku-dhiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaali Heshiis ah. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Ergayga kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha xukuumadda ee “Soomaali Heshiis ah,” kaas oo uu sheegay inay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada-jirka ummada Soomaaliyeed. Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markii la magacaabay 1-dii bishaan waxa uu kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Mudane Xamza iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulankii ay yeesheen uga wada-hadlay sida loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale ku boorriyay Ergeyga inuu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha xukuumadda ee salka ku haya xal u helidda iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay Ergayga inuu xoogga saaro ka miro dhalinta hadafka dowladda federaalka ee ku qotoma in tabasho kasta oo jirta lagu wajaho wada-hadal iyo isu garaabid. Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas. Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, “si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland,” sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya. The post Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya. Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u fadhin doona dalkeenna. Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxay sheegayaan in degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa imanaya kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir. Jaabir ayaa la sheegay inuu kamid yahay horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab. Maleeshiyaadka kooxda ka tirsan ee weeraray guriga horjooge Jaabir ayaa waxay toos uga amar qaatan Mahad Karataay oo kamid ah hoggaanka sare ee kooxda, kadib khilaaf soo kala dhex-galay, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda. Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay shan xubnood ayaa ku dhintay dagaalkan tooska ah ee degmada Jilib ku dhexmaray kooxda, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray, kaas oo la sheegay inay qaateen isaga oo dhaawac ah maleeshiyaadkii soo weeraray. Dhinaca kale, Dagaal-yahaano daacad u ah horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda Al-Shabaab Salmaan Muhaajir ayaa isku diyaarinaya inay weeraro ku qaadan xabsi ku yaalla gudaha Jilib, oo dhawaan lagu xiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal ajaanib ah, sida ay shaaca ka qaaday warbaahinta dowladda. Warbaahinta dowladda ayaa shalay baahisay inuu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha kooxda oo laba garab kala noqday, kaas oo durbo saameyntiisa laga dareemay deegaanada ay maamusho kooxda, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka. Khilaafka ayaa markii hore sababay in la xiro tobaneeyo ajaaniib ah oo u badan Kenyaan, kuwaas oo ka barbar dagaalamayay kooxda Al-Shabaab, kuna sugnaa deegaanada Jubbaland. Dowladda ayaa sheegtay in horjoogaaal iyo dagaalamayaal ajaaniib ah oo la socday kolonyo gaadiid ah oo marayay deegaanka Kabsuuma ay habeenimadii aheyd Khamiista gaari kala dageen koox kale oo uu watay horjooge lagu magacaabo Maxamed Amiin oo u dhow Mahad Karataay oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda. Maxamed Amiin ayaa ku magacaaban horjoogaha amniyaadka muhaajiriinta, wuxuuna sidoo kale kasoo jeeda magaalada Guriceel, sida warbixinta lagu sheegay. Ragga ajaaniibta ah ee lasoo qabtay ayaa waxaa lagu xiray xabsi ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Hoose, waana kan ay qorsheynayaan inay weeraraan xubnaha taabacsan horjoogihii hore ee ajaanibta kooxda. Si kastaba, Mahad Karataay iyo kooxdiisa ayaa la sheegay inay doonayaan in ay awood dheeraad ah siiyaan horjoogaha cusub ee Ajaanibta Jacfar Suudaan oo kasoo jeeda Sudan, si ay uga taqalusaan garabkii Salmaan Muhaajir. The post Dagaal Al-Shabaab ku dhexmaray Jilib + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Taariikh cusub ayaa maanta laga qoray Villa Somalia, ayada oo Soomaaliya ay si rasmi ah u hilmaamtay xusuusta dagaalkii 77, soona celisay xiriirka Cuba, oo ahaa dalkii u hiiliyey itoobiya, ee horseeday in laga adkaado Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Jabuuti, Canada iyo Cuba ee Sooomaaliya loo soo magacaabay. Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa madaxweynuhu waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, danjiraha cusub ee Canada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah danjiraha dalka Cuba u fadhin doona Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa waxay danjireyaasha la wadaageen farriimo ay ka sideen madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan xiriirka ay la wadaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Xasan Sheekh iyo danjireyaasha Jabuuti, Canada iyo Cuba ayaa si gaar-gaar ah uga wada-hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay dowladda federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu. Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay in soo celinta xiriirka dalka Cuba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa “Soomaali Heshiis la ah Dunida.” Dowladda Cuba ayaa markii ugu horeysay safiir u soo dirsatay Soomaaliya, tan iyo markii ay labada dal xiriirka isku jareen sanadkii 1977-kii, xiligaas oo Soomaaliya ay dagaal culus la gashay Itoobiya. Cuba oo xiriir shan sano jirsaday xiligaas la laheyd Soomaaliya ayaa toos ula safatay dowladda Itoobiya, waxayna safka hore uga jirtay dowladihii Soomaaliya ku jebiyey dagaalkii 1977-kii. Dowlado ay ugu horeeyeen Ruushka iyo Cuba ayey xilligaas xiriirka u jartay Soomaaliya, maadaama ay toos u soo galeen dagaalka, iyaga oo garab-siinayey ciidamadii Itoobiya ugu dambeyntiina ku guuleystay inay Soomaaliya ku jebiyaan dagaalkaas. Saaxiibadii caalamka ee Soomaaliya ayaa tartiib-tartiib u soo noqonaya, waxayna Cuba ku jirtay dowladihii ay dagaalka ku kala tageen Soomaaliya tobanaan sano ka hor. The post Sawirro: Taariikh cusub oo maanta lagu qoray Villa Somalia xilli Xasan Sheekh uu qaabily saddex safiir appeared first on Caasimada Online.
  13. London (HOL) - Coin Street Secondary Housing Cooperative Housing Association (CSS) has appointed Hashi Mohamed, a barrister specializing in planning and environmental law, as its new Chair. This decision comes as CSS aims to introduce innovative thinking and leadership to the organization, focusing on shaping the future of cooperative housing for upcoming generations. Source: Hiiraan Online
  14. Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Dr. Cali Xaaji Maxamed Waxaa uu si kumeel-gaar ah ugu magacaabay Maareeye ku-xigeenka Dekadda Magaalada Muqdisho, sida lagu shaaciyay warqad qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xamse Cabdi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Abdikarim Guled signing a commitment to Union talks with the former Somaliland administration foreign minister Mohamed Abdullahi in Istanbul under the auspices of Türkiye President Recep Tayyip Erdoğan. Mogadishu (PP Editorial) — In a speech to clerics in Hargeysa two days ago President Muse Bihi Abdi of Somaliland administration assumed the role of a judge and a prosecutor to pontificate on the Laascaanood conflict. He accused Laascaanood traditional leaders of waging a war against Somaliland, an entity he considers a sovereign nation state that seceded from Somalia. “If they believe to be represented in the federal institutions, they should have waited for the resumption of Somalia-Somaliland talks” said Bihi. In Somalia-Somaliland talks, the secessionist administration represents anyone who subscribes to the rejectionist ideology that the Republic of Somalia broke up into two countries thirty two years ago. There is only one sovereignty in Somalia, and it is not a contested one as far as the International Law is concerned. The unilateral secession (1991) and unilateral referendum (2001), both conducted when Somalia did not have a recognised government, are the two pillars of the secession argument. Betrayal: The “Freedom of Movement” article in the 2020 agreement provides Somaliland administration with a pretext to forcibly displace Somali citizens and shell districts that do not subscribe to the secession ideology. On several occasions President Hassan Sheikh Mohamud made it clear that “the Union is non-negotiable”. This is the principle on which the terms of engagement for the new envoy for Somalia-Somaliland talks are based. Puntland State of Somalia, which federally represents territories Somaliland claims on the basis of pre-Independence colonial borders, has reservations about the appointment of the new envoy. The Union places obligations on all subnational entities in Somalia to respect the consent of the people, to refrain from actions that violate the rights of citizens. One of the tasks awaiting Abdikarim Guled, the new envoy, is to review some articles in the 2020 preliminary agreement signed in Djibouti by representatives from the Federal Government of Somalia and the Somaliland administration. The previous federal government accepted freedom of movement to be included in the text of the agreement. This concession was a betrayal of Somali citizens’ rights committed by the former government. The sovereignty of Somalia grants Somali citizens freedom of movement in any part of the Federal Republic of Somalia. In 2021 Guled tweeted a tacit support for the secession narrative. In 2021 the secessionist administration used the “freedom of movement” clause to forcibly displace more than 1600 Somali citizens in Laascaanood under the false claim that “they are foreigners.” Without rectifying this error in the agreement, the new envoy will lend support to the secessionist argument that the Federal Government of Somalia in principle accepts the right to secede as reflected in the freedom of movement clause. Failure to address this anomaly in the agreement will further fuel speculations that the new envoy is biased towards Somaliland. Somalia-Somaliland Talks are not about the future of the Union. It will be a waste of time and goodwill if talks between the Federal Government of Somalia and Somaliland administration were to be conducted in violation of rights of Somali citizens not to be forcibly displaced or if the new envoy turns a blind eye to Laascaanood, a district shelled by secessionist forces offended by the right of citizens to assert their political identity based on the territorial and political unity of the Federal Republic of Somalia. © Puntland Post, 2023 The post Somaliland doubles down on the war against the sovereignty of Somalia appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kaasi oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Isku-duwidda Howl-gallada Ciribtirka Khawaarijta.” Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaya inta uu socdo isku dubaridka howl-gallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, xilli uu soo gaba-gaboobay wejiga koowaad ee dagaalka. Ujeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu bilaabo wejiga labaad ee howl-galka dib u xoreynta dalka, kaasi oo ay ka qeyb-gali doonaan ciidamada dalalka dariska ee Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti. Shirkaan oo sadex maalin socon doona ayaa waxaa furey wasiirka gaashaandhigga JFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyada oo ay ka qeyb-galeen wasiirada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru-dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska. Sidoo kale waxaa ka qeyb-galaya wasiirada amniga dowladda goboleedyada oo lagu casuumay, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare. Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho. Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda. Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaam taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Si kastaba, ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka. The post Sawirro: Shir xasaasi ah oo Muqdisho uga furmay DF iyo dalalka safka hore appeared first on Caasimada Online.
  17. Mogadishu (HOL) - Cuba's new non-resident Ambassador to Somalia, Juan Manuel Rodrguez Vázquez, presented his credentials letter to the country's foreign minister, Abshir Omar Jama, in Mogadishu on Monday. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) - The Sool region in Somalia is experiencing a worsening humanitarian crisis due to ongoing conflict, severe drought, and disease outbreaks. The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) reports that between 154,000 and 203,000 people have been displaced since December 2022, with around 100,000 crossing into Ethiopia's Somali Region. Source: Hiiraan Online
  19. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya. Munaasabad ku qabsoomtay Xarunta Madaxtooyada ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u fadhin doona dalkeenna. Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirada Jabuuti, Kanada iyo Kuubba appeared first on Puntland Post.
  20. For Guuleed Ahmed, 35, an innovator from Hargeisa, there are solutions to every problem. His passion for the environment and his community has led to a promising solution that is transforming the way people cook and heat their homes. His innovative business, Lander Prosopis, is producing sustainable and affordable charcoal from an invasive tree species that has been causing havoc to rangelands and farms in the region. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) - Somalia's Auditor General, Ahmed Isse Gutale, has demanded former federal government officials return government-owned vehicles within two weeks. This order follows the discovery by the Office of the National Auditor General that various Federal Government of Somalia (FGS) agencies' vehicles were still in possession of former officials, sparking concerns about the misappropriation of government assets. Source: Hiiraan Online