-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hurinaya colaadda Waqooyiga Soomaaliya ka taagan Muqdisho (Wararka PP) — Madaxweyne Xasan oo dhowaan magacaabay ergeyga wadahadallda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bandhigay qorshe uu kaga dhaadhicinayo beesha caalamka in wadahadallada loo galo Koonfur iyo Waqooyi. Hindisihiisan oo aan ku sargo’nayn dhabta siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu bannaanka soo dhigay in dowladda federaalka Soomaaliyeed ay is bahaysi beeleed ka doorbidday ilaalinta qarannimada Soomaaliya. Xamar oo weli ah magaalo aan wax ka qaban boobkii iyo barakicintii 1991kii waxay mar kale qaadday waddo si ba’an u kala dhantaali karta midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Guddiga 33 ee SSC ayaa hadda ku baraarugay dibindaabyada ay dowladda Xasan Sheekh ku samaysay dadka Laascaanood. “Madaxweyne Xasan Sheekh oo mabda’ is bahaysi beeleed Hargeysa aammisan ayaa doonaya inuu ku doodo in SSC ka mid tahay Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh wax qabta ma leeyahay?“ ayuu yiri nin la taliya guddiga 33 ee SSC. Hoggaanka SSC aya soo dhoweeyay magacaabista Cabdikariim Guuleed, ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo ku dooday in dowladda federaalku ku metesho SSC wadahadallada. Maamulka Puntland ayaa soo gudbiyay diidmo qodobaysan oo ku saasan magacaabista ergeyga. © Puntland Post, 2023 The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku doodaya in SSC ka mid tahay Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) u magacaabay xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Jeneraal Mahad waxa uu hadda ahaa Mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Waa markii labaad ee xilkaan loo magacaabay. Hore dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa doorkan ugu dhiibtay laakiin Xildhibaanimo ayuu ka doorbiday xilligii kala guurka. Haddana Xildhibaanimada ayuu kasoo tegay oo inuu hoggaanka Asluubta kusoo laabto ayuu doorbiday. Magacaabistiisu dadka qaar kedis kuma ahayn kaas oo la hadal hayay labaatankii cisho ee lasoo dhaafay, laakiin dib u magacaabistiisa waxaa ku hareeraysan farriimo siyaasadeed oo deg deg loo xukumi karin. Ninkan waxay isku xisaab hoose iyo xidid yihiin hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Afar fasiraad ayaa loo sameeyay dib u magacaabista Jeneraal Shub, waxaana qaba afar dhinac oo kala duwan, kuwaasi oo kala ah; 1. Kooxda Lafta-gareen: Waxay leeyihiin tani waa caddeynta in aan isqaadanay inaga iyo Xasan Sheekh oo aanay jirin wax halis ah oo ku saabsan sii joogista Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed. Taliye Mahad wuxuu dhawaan tegay magaalada Baydhabo, wuxuuna saxaafadda ka sheegay inuu uyimid difaaca maamulka Lafta-gareen, oo uu sheegay in la rabo in Muqdisho laga dumiyo. Hadalkaas ma seejin xilka Taliyaha Asluubta. Iyada oo aan Lafta-gareen door la siinin, laga talo-gelin, abaal sheegashana looga dhigin uma badna in xilkaan la iska siiyay Taliye Shub. Sidaas darteed dadku waxay leeyihiin doodda kooxda Lafta-gareen waa la aqbali kara. Sidoo kale waxay qabaan inay tani xoojineyso hoggaanka Lafta-gareen. 2. Mucaaradka Lafta-gareen: Kooxdan waxay ku doodayaan in dowladda dhexe ay rabto inay qanciso beesha hoose ee Lafta-gareen, oo Muqdisho awood laga siiyo si ay u sahlanaato bixintiisa. Sidoo kale in Taliye Shub uu xil ka qabto dowladda dhexe waxay hor istaagaysa ayay leeyihiin inuu banaanka usoo istaago in dowladdiisa dagaal kala horyimaado. Qaarna waxay leeyihiin Jeneraal Mahad in Alsuubta lagu soo celiyo, Xildhibaanimada uu qaato wiilkiisa ama Lafta-gareen, kadibna ay soo baneeyaan Koonfur Galbeed ayaa la isla fahamsan yahay. Laakiin kooxda dooddaan qabta waxaa dileysa in dowladda dhexe aanay weli muujin inay damacsan tahay inuu isbeddel deg deg ah ka dhaco Koonfur Galbeed. 3. Dadka ku dhow-dhow Villa Somalia: Kooxdan waxay leeyihiin maadaama la gali rabo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab Xasan Sheekh wuxuu rabaa Koonfur Galbeed mideysan oo daacad ula shaqeysa. Sidaas darteed Taliye Shub iyo Lafta-gareen waxaa lagula heshiiyay in culeyska laga qaado, dowladda lagu soo dhaweeyo, iyaguna ay dagaalka hormuud fiican ka noqdaan. Kooxdan waxay ku dooddayaan inta dagaalka socdo aan isbeddel la aadi karin, laakiin dagaalka kadib uu Xasan Sheekh dib u qaabeyn doono maamullada. Cilaaqaadka Lafta-gareen iyo Xasan Sheekh Maxamuud ma xumeyn waayihii dambe. 4. Dadka dhinacyadan ka baxsan: Waxay iyaguna sheegayaan in Villa Somalia ay haysato wixii ay ka rabtay Koonfur Galbeed, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabelle, oo ah; Ogolaanshaha shidaal qodista, dhameystirka Dastuurka, heshiisyada Kalluunka, Deyn Cafinta iyo da-dajinta shuruucda dalka. Maadaama ay Madaxtooyada Haa ka haysato afartaasi maamul-goboleed, in iyagana lasoo dhaweysto oo xilal loo siiyo dadkay wataan waa lagu qasban yahay si loo qurxiyo wada-shaqeynta iyo dhameystirka geediga ay ku taameyso Villa Somalia. Si kale markii loo dhaho waa dan isweydaarsi ayay leeyihiin dadka iyaguna fallanqeeyay qoddobkaan ee aan danta gaarka ah uga dhex jirin. The post Afar fasiraad oo laga bixiyey in taliye SHUB dib loogu magacaabo xilkiisii hore appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wejiga labaad ee howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si hordhac ah uga billowday gobolka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabelle. Howl-galadan ayaa si gaar ah waxay uga billowdeen deegaano ku yaala Koonfurta magaalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku teedsan hareeraha Wabiga Shabeelle. Howl-galada wejiga labaad ee ka billowday deegaanada dhaca hareeraha Wabiga Shabeelle ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Ciidamada iskaashanaya ayaa lagu soo waramaya in howl-galada ay qaadeen ku burburiyeen 10 doomood oo ay Al-Shabaab u isticmaali jirtay in ciidamadooda ay u soo gudbaan deegaanada dhanka bari ee gobolka Hiiraan oo horay looga saaray kooxda. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidmada iskaashanaya ay si buuxda ula ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhowr ah, kuwaasi oo kala ah Beerxaano, Tarashante, Ceelahele iyo deegaano kale oo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay tagi jireen mararka qaar. Howl-galada dib uga billowday Hiiraan ayaa illaa hadd la kulmin wax iska caabin ah, marka laga reebo qaraxayo hareeraha waddooyinka ku aaseen kooxda oo ay khasaare iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray ciidanka iskaashanaya. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku sugan deegaano dhaca koonfurta Beledweyne iyo galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo mararka qaar ay weerarro ka soo qaadaan. Sidoo kale Al-Shabaab-ka ku sugan galbeedka Beledweyne ayaa la sheegay inay afduub u heystaan dad u badan odayaal dhaqan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle, in kastoo maalmo ka hor ay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay ku sii daayeen heshiis ay la galeen beelahooda. Guddoomiye Cali Jeyte oo hormuud ka ahaa howgalkii kooxda looga xoreeyey bariga gobolka Hiiraan ayaa dhawaan gaaray Beledweyne, isagoo balan-qaaday inuu galbeedka gobolkaas ka bilaabayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. Cali Jeyte oo maalmo ka hor Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa dadka reer Hiiraan uga digay laba khatarood oo mid tahay dhagarta Al-Shabaab iyo fatahaad laga cabsi qabo inuu geysto wabiga Shabeelle. Guud ahaan dalka waxaa ka socda diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo goobaha ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana saraakiisha firfircoon ee dagaalkaas u diyaarsan inay hoggaamiyaan kamid ah guddoomiye Cali Jeyte. Al-Shabaab ayaa hadda ku go’doonsan qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug, maadaama laga xoreeyey Shabeellada Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidankii ugu badnaa isugu geysay furimaha dagaalka iyo gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, ciidankaas ayaa lagu qadaa in maalmaha soo socday ay qaadaan howlgal culus oo saf-balaaran ah. The post Wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka billowday… appeared first on Caasimada Online.
-
An unofficial summary translation of text from Puntland State Government. 1) The appointment of the new envoy for Somalia-Somaliland talks is a red herring intended to divert the eyes of the Somali people and the international community from the conflict and the massacre of the people of Lasanod and to put less the pressure on Muse Bihi, [Somaliland administration President], given crimes he perpetrated. 2) It underestimates and fails to understand the magnitude of the problem Lasanod faces today and the failure [of the Federal Government of Somalia] to fulfill its constitutional duty to protect the people of the Sool Region. 3) It shows that the Federal Government cannot be a mediator in the Lasanod conflict and the contentious issue, since it has a particular opinion about Sool and Sanaag regions being part of Somaliland, as reflected in the text on appointment of the “envoy”. The issue disregards the long-standing concerns of the people of Sool and their decision to declare that they are not a part of Somaliland. It is also a disregards that [the people],Sool and Sanaag Regions are part of Puntland constitutionally and in power-sharing terms. Therefore, we call on the federal government not to take sides or aggravate the complicated situation in Lasanod city and SSC regions. 4) The negative statements made by some senior leaders of the federal government and the unprovoked accusations being made against the leadership of the SSC regions that they are masterminding the problems in Lasanod should not have been voiced; the Federal Government owes [SSC people] an apology. 5) The Puntland State Government calls on the Somaliland government to withdraw its troops from the Sool region so as to restore peace and allow the people of SSC to freely decide their own fate. 6) We call on the Somali people, particularly the people of Puntland, and the international community to redouble their aid and humanitarian efforts to support the people affected by the conflict in Lasanod and surrounding areas of Sool. The post Puntland Statement on the Appointment of Somalia-Somaliland Talks appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (HOL) - At least three Al-Shabaab leaders were killed in infighting among the militant extremists, according to state-owned media reports on Thursday. Additionally, ten other fighters have been detained by the group following heavy fighting in central Somalia between two opposing factions within the group. Source: Hiiraan Online
-
GAZA (Caasimada Online) – Israel launched pre-dawn air strikes on Friday targeting the Palestinian militant group Hamas in the Gaza Strip and Lebanon. The attacks came in response to dozens of rockets fired at Israel from both territories. Tensions have surged between Israel and Palestinians during the Jewish Passover and the Muslim holy month of Ramadan, leading to international calls for restraint. The strikes, which occurred around 4 am (0100 GMT), hit both the Gaza Strip and southern Lebanon, according to an Israeli army statement. This marked the first time Israel confirmed an attack on Lebanese territory since April 2022. Israeli forces targeted “terror infrastructures belonging to the Hamas terrorist organization in southern Lebanon.” AFP journalists heard explosions in both Lebanon’s Tyre region and the Gaza Strip. At least three explosions were heard near Tyre shortly after Friday’s strikes. Abu Ahmad, a nearby Palestinian refugee camp resident, reported hearing explosions and said, “At least two shells fell near the camp.” Clashes at Al-Aqsa Mosque The recent surge in violence follows clashes between Israeli police and Palestinians inside Jerusalem’s Al-Aqsa mosque on Wednesday. The mosque is considered Islam’s third-holiest site. On Thursday, the Israeli army reported that more than 30 rockets were fired from Lebanese territory into Israel, the most significant escalation on the northern border since Israel and Hezbollah fought a 34-day war in 2006. Following the rocket attacks, explosions were heard in the Gaza Strip. The Israeli army confirmed it had targeted two tunnels and “two weapon manufacturing sites” belonging to Hamas “as a response to the security violations of Hamas during the last few days.” Calls for restraint Hours before the air strikes in southern Lebanon, several missiles were fired from Gaza toward Israel. The Israeli army said its air defenses intercepted 25 rockets, while five hit Israeli territory. In response, the army stated it “will not allow the Hamas terrorist organization to operate from within Lebanon and holds the state of Lebanon responsible for every directed fire emanating from its territory.” Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu warned, “Israel’s response, tonight and in the future, will exact a heavy price.” Meanwhile, Hamas condemned the “appalling Israeli aggression” and held Israel “fully responsible for the consequences of such grave aggression.” The Palestinian health ministry reported “partial damage” to the Al-Dorra children’s hospital in Gaza City due to the overnight strikes, labeling the act “unacceptable.” Army spokesman Lt. Colonel Richard Hecht said the Israeli army was aware of the Palestinian allegation and was investigating it. The United Nations Interim Force in Lebanon (UNIFIL), which patrols the area along the Israeli border, called for restraint. “Both sides (Lebanon and Israel) have said they do not want a war,” UNIFIL said in a statement, adding that force leader Major General Aroldo Lazaro was communicating with authorities from the two sides. UNIFIL warned that “the actions over the past day are dangerous and risk a serious escalation.” Hezbollah warns for Israel Lebanese militant Hezbollah warned it would back “all measures” that Palestinian groups might take against Israel after the Al-Aqsa mosque clashes. The group has close ties with Hamas and Islamic Jihad, another Palestinian militant group based in the Gaza Strip. The rocket attacks occurred a day after Hamas leader Ismail Haniyeh arrived in Lebanon for a visit. Haniyeh stated late Thursday that Palestinians would not “sit with their arms crossed” in the face of Israeli “aggression” against Al-Aqsa. Source: News Agencies The post Air strikes launched as Mideast tensions soar appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya oo loo doortay qabashadda Guddoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka dabiiciga ah ee Ururka Midowga Afrika, taas oo ay ku jiraan wadamo dhowr ah oo ku yaalla Qaaradda. Shirka 13-aad ee sanadlaha ah oo ay ku kulmeen 35-ta dal ee xubnaha ka ah ururka African Risk Capacity (ARC) ayaa waxaa looga hadlaa sidii wadamada Africa ee ku jira hey’adaan ay isaga kaashan lahaayeen ka hortagga iyo waxkaqabashada musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhasha Isbedelka Cimilada Adduunka. Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Soomaaliya ku matashay shirka, waxaa sanadkan Gudoonka waddamadda xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Yareeynta Khataraha Musiibooyinka u doorteen Soomaaliya in ay noqoto. Shirkan oo lugu qabtay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Abeba ee dalka Ethiopia ayaa waxaa Hay’adda maareynta musiibooyinka uga qeyb-galay Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Dr Axme Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Waaxda ka digista iyo Yareynta Khataraha Mudane Khatar Sheekh Maxamed Nuur. Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya loo doorto xilka qabashada guddoonka laga soo bilaabo markii ay Soomaaliya sixiixday heshiiska uu ku dhisanyahay ururka ARC bishii Abriil Sanadkii 2021, iyada ay markaas Soomaaliya noqotay wadankii 35aad ee ku soo biira ururkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan DANAB iyo GorGor ayaa saaka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud kala wareegay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ciidamada weerar dhowr jiho ah ku qaadeen magaaladaasi. Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in si nabad-gelyo ah kula wareegeen degmada Galcad, iyada oo Al-Shabaab-kii ku sugna ay ka carareen magaalada. Wararka ayaa intaas kusii daraya in haatan ay ciidamada xoogga dalka ay bilaabeen baaritaanno lagu xaqiijinayo amniga magaalada Galcad ee gobolma Galgaduud. Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay, loona sii gudbi doono deegaanada kale ee gobolkaasi. “Wixii markaan ka dambeeya waxaa loo gudbi doono deegaanada kale ee (Al-Shabaab) ay ka joogaan gobolkaasi iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri General Odowaa Yuusuf Raage. Degmada Galcad ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo la wareegay markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka isaga baxeen, waxaana hadda xaaladda degmada Galcad ay tahay mid degan. Dadkii deganaa degmada Galcad ayaa lagu soo waramaya inay badi isaga baxeen kadib markii ay ku amreen kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda degmada gacanta ku haya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka. Galcad oo kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ciidamada dowladda isaga baxeen horaantii sanadkaan kadib markii ay la wareegeen, markaas uu ka dhacay weerar qaraxyo ku billowday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasi oo uu ku geeriyooday taliyihii ciidanka DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera Xasan Tuure. The post Ciidamada dowladda oo la wareegay GALCAD appeared first on Caasimada Online.
-
DJIBOUTI (Caasimada Online) – In an effort to resume stalled talks, Djibouti President Ismail Omar Guelleh has arranged a meeting between President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud and Somaliland regional leader Muse Bihi Abdi. Guelleh, who has recently advocated for mediation between Somaliland and the Federal Government of Somalia, contacted both leaders. However, a date has yet to be set for the start of the meeting. In June 2022, Djibouti hosted a three-day meeting that brought together former Somalia president Mohamed Abdullahi Farmajo and Bihi. The talks, chaired by President Guelleh and attended by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed, ultimately failed to reach a deal, and relations have since deteriorated. Appointment of special envoy This week, President Hassan Sheikh appointed former Galmadug President Abdikarim Hussein Guled as a special envoy for Somaliland talks. Muse Bihi Abdi has welcomed Guled’s appointment as a positive step forward. Guled was selected for his experience, having previously led delegates engaged in dialogue with Somaliland representatives in the UK, Turkey, and other countries during the first term of Hassan Sheikh as president. Over the past three months, Somaliland troops have clashed with SSC-Khatumo forces, disregarding ceasefire calls from members of the international community. Doctors report that the ongoing violence has resulted in over 200 deaths in LasAnod. Local forces in the Sool, Sanaag, and Cayn regions are pushing for self-governance and demanding separation from Somaliland after 15 years, seeking to establish a separate state as part of greater Somalia. Djibouti’s mediation: A potential solution? While it remains unclear how long it will take to establish order in the contested regions, the anticipated mediation by Djibouti could break the deadlock. The SSC elders have declared they are not part of the breakaway region. As the international community watches with anticipation, the upcoming talks present an opportunity for progress in resolving the longstanding conflict between Somali leaders. The post Djibouti’s president mediates Somali talks renewal appeared first on Caasimada Online.
-
Shil gaari oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa aroornimadii hore ee saaka oo jimce ah ka dhacay jidka laamiga ah gaar ahaan inta u dhexaysa Garoowe iyo Sinujiif. Shilkaas oo ka dhacay dooxada Janteella ayaa sababay geerida laba ruux oo wiil iyo gabar ah halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka Garoowe. Saraakiisha Ilaalada waddooyinka Puntland oo gaaray goobta shilkaas ka dhacay ayaa sheegay in ay weli baaritaan ku hayaan sababta dhalisay shilka. PUNTLAND POST The post Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
PRESS RELEASE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Organizes Workshop on Sovereign Debt Management for Pakistan and Maldives Delegations The workshop is part of ITFC’s broader efforts to support its member countries in their economic development and achieve the United Nations’ Sustainable Development Goals (SDGs) Access Multimedia Content JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, April 6, 2023/ — The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (http://www.ITFC-idb.org) organized a four-day Training Workshop on Sovereign Debt Management from 27 to 30 March 2023 in Jeddah, KSA, which was attended by delegations from the Government of Pakistan and the Government of Maldives. Organized under the ITFC’s Integrated Trade Solutions framework, the workshop aimed to contribute to the sustainability of public debt management in Pakistan and Maldives by providing selected representatives of the Government agencies overseeing public debt with the necessary skillset in managing sovereign debt and foreign financing. The training workshop was executed in collaboration with Fitch Learning, a leading provider of financial education and training, and included sessions on topics such as the principles of public debt management, risk management, and financing strategies. This intervention showcased ITFC’s commitment to supporting member countries, particularly Pakistan and Maldives, in developing national capacity in managing sovereign debt in a sustainable way and achieving sustained economic growth. Commenting on the workshop, ITFC’s COO, Mr. Nazeem Noordali, said, “We are pleased to have organized this workshop for the benefit of officials from the Government of Pakistan and the Government of Maldives. ITFC remains committed to supporting its member countries in building their capacity and enhancing their ability to manage sovereign debt in a sustainable manner.” The workshop is part of ITFC’s broader efforts to support its member countries in their economic development and achieve the United Nations’ Sustainable Development Goals (SDGs). ITFC will continue to work closely with its partners to identify areas where it can provide the necessary support to help achieve these goals. Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka ay degan tahay xaaladda guud ee magaalada. Laascaanood oo maalmihii u dambeeyay ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyonkuwa deegaanka ee SSC, ayaa waxaa saaka laga dareemaya xaalad deganaan ah. Sidoo kale waxaa weli jirta cabsi xooggan oo qabaan dadka deegaanka, maadaama labada dhinac ay weli isku hor-fadhjyaan goobihii lagu dagaalamay ee duleedka magaalada Laascaanood. Wararka ayaa intaas kusii daraya in saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi gaareen gurmadyo kala duwan, kuwaasi oo labada dhinac ah, si uu midba midka kale uu isaga difaaco hadii uu weerar kaga yimaado ama dagaalka uu dib u qarxo. Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa habeen hore ku dagaalamay bariga magaalada Laascaanood, kaasi oo labada dhinac ay ka sheegteen guulo horleh, xilli ay Somaliland qorsheynayso inay qaado tallaabo militari oo ka dhan ah xooggaga kasoo horjeeda. Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in ciidankeedu ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, oo hadda ku sugan yihiin Isimida SSC iyo ciidamo taabasan. Sidoo kale waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay soo fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku halkaasi. Dagaalka Laascaanood ayaa socda bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka. Si kastaba, Marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed, illaa hadda majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada. The post Wararkii ugu dambeeyay xaaladda magaalada Laascaanood kadib dagaallo ka dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf!. Qaybtii 7aad. Sid Tirrin Gam, Hooballow Helnay. Caradoo barwaaqoo Calcalyo xareediyo dhulku Cosob leeyahay dhirtuna Calleemo iyo ubax Caynba Cayniyo Man’ wada Carfaaya Caarada ku wada-le, sida loo Calmado ee fiiro Cayiman daymada loola Cidhifyo raaco, ayuu dhaqankeenan Cuddooni Ana iigu Cugan yahoo Caqligiyo maankiyo Cindiga iigu xardhanyahee Halkee Cashar maraynay ama Qoraal Caraabinaynay?. Waxaynu Cayntaarinaynay………… Hadaba murankuba hayaraadee ma ogtihiin in Dadkeenii Hore ee aynu ka joognaa…………………. Ahaayeen Dad Sooyaalka taariikhdooda Dhitaysan jiray ama kaydsan jiray, iyaga oo ku kaydin jiray qaab murtiyeed ah Suugaan, Ciyaar, Maahmaaho, Halku dhigyo iyo Qoraal! Haa “QORAAL”. Waxa hubaal ah in dad badan ku adkaato sida ay u qaataan se waa bishii Barakaysnayd ee wax walba oo danbi leh oo Been abuur ugu horeeyo laga sooman yahay, sidoo kale wax aan jirin Jaahil baa sheega, Boqortooyadii Hooyoleyda iyo boqortooyooyinkii ka horeeyey ee ay lahaayeen dadkii Hooyoleyda noqday waxa ay leeyihiin Taariikh qoran oo ku qoran Afka, Dhaqanka iyo goobo Xusuus qor ah, oo ay inooga tageen Illaahay mahadi haka gaadhee. Hadaba Boqorkii ugu horeeyey ee Hooyoleyda waxa la odhan JIRAY Boqor HOBAL, hase yeeshee waxa Mudnaan ahayd in Magaca dadku yeedhnaado ama Wac-naado, sidaa aawadeed waxa uu ahaa Boqorkii koowaad ama ugu horeeyey ee Hooyaleyda, Boqor ‘HOOBOLOW//HOBOLOW’, Boqor Hobolow Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo, wuxuu leeyahay Taariikh qoran oo sheegaysa Hooyo-ley reerka uu ka ahaa, Maxaa yeelay Hooyoleyda reeraha noqday waxa ay ahaayeen reero dhawr ah, oo hadana siyaabo kale isku raaci jirtay ama isku xullafaysan jiray, waayo Hooyoleydu waxa ay ahaayeen Xoolo dhaqato Beeroley ah, oo kala Sumado ama Callaamado Reero iyo midabbo ahaa ama Caddaan iyo Madow iyo midabyada u dhexeeya ahaa, Hadana markii Boqortooyada Hooyoleyda la unkumaayey ama dhidibka loo qotominaayey reerihii kala wada duwanaa, waxa ay noqdeen HOOYOLEY Hal Sumad ama sumad qudha ama keliya wada yeeshay, oo ay iskugu xullafo sidkameen, oo wada yeeshay Sumadii Hooyalayda oo kawada dhaxaysa, sidoo kale Dadku wuxuu ahaa Ummad kalawada midab ah Caddaan iyo Madow iyo midabada u dhaxeeya, sidaa awgeed waxa ay Hooyoleydu isku raaceen oo sharci u noqotay reerihii ay ka koobnaayeen in aan Reerna gudihiisa is Guursan karin ama isma Gayaan noqdeen si layskugu Dhiig iyo Midab baxo!, (waana taynu ka dhaxalnay Suurada aynu maanta leenahay!). Hadaba Hooyoley waxay noqdeen Boqortooyadii aduunka ugu wakhtiga dheereed ee soomarta, mudo Todoba Kun oo sanadood laga joogo ayey ahayd xiligii dhidibka loo taagay ama qotomiyey Boqortooyadii Hooyaleyda, inkastoo Boqortooyadii Hooyoleydu ay burburtay ama lagu kala Yaacay ama kala taagey sabab xaga Diinta ah awgeed, mudo waa’ ama xilli hore ah, hadana waxa mucjiso ah in dhaqankii Hooyoleydu noolyahay!, oo weli dhaqankii Hooyo Dihin yahay Illaahay mahadi haka gaadhee. Hadaba Boqorkii ugu horeeyey ee Hooyoleyda wuxuu ahaa Boqor Hobolow, wuxuuna ahaa Boqor Hobolow qofkii ugu horeeyey ee Gabay Hooyo-layey Hooyo-layey ku bilaaba, sida ku Qoraal xusan Sooyaalka taariikhda Hooyoleydu ka qoraal tageen, sidoo kale xikmada Suugaanta Soojireenka ah ee Hooyoleyda waxa ku xusan sida sharafta maamuuska iyo haybada leh ee uu dhaqanka Hooyo Boqor Hobolow ugu xusan yahay, sida caleemo saarkiisii loo cuddeeyey ama dhaqanka loogu xardhay ama daabacay si’aan suulahayn ama ilowshiiyaha ka Caagan ee xusuustiisu u Dihintahay, waayo waata la yidhi ee welina layidhaahdo sida ina uu weli jiro oo joogo iyada oo mudo Todoba Kun oo sanadood kasoo wareegtay “Illeen Dhaqanku waa Duug = Dhaqanku waa Dhaqan raagay oo Sanado aad u badan jiray oo Baalli ah ama facwayn”, Boqor Hobolow dhaqankeenan Duuga ah ayuu ku sumad xardhanyahay sidatan, (ALLA HOBBAY HOBAALIGAYOW SIT TIRRIN GAM, HOOBALLOW HELNEE) oo ah ‘Alla Hooyo iyo Hooyolay-daydiiyey intii Uur lagu Siddilahaa ama wakhtigii Sidkiisu ahaa Buuxsan ama idlaa ama lagaadh oo Gam yidhi oo Hobolow Helnay), Markalena waata dhaqanka lagu yidhaahdo (HOOBBAALAYOW HOOBALLOW HELNAY HILLOWLEH), oo ah’ ‘Hooyoley-daydiiyey Hobolow Kal-gacal-leh ayeynu helnay’. Qoraalka Xusuus qorka Calleemo saarkiisii waxa u qoran (Boqorkii Hooyoleyda ee Ahaa Aftahankii ama Afyaalkii Godalka laga maalay lagana hayo Hooyoleyey Hooyoleyey-dii loo wada kacay ama loo hanqal taagay ama layskugu soo hirtay) waa Taariikh 7 kun oo sano ka hor la qoray, Waana Qoraal ku Xardhan ama ku Qoran Goob ku taala ‘JAMHUURIYADA BARAKAYSAN’ Qoraalka sidaa odhanayaa, Waxaan jirin Jaahil baa sheegee!, Mana aha Taariikh Qurxin ama Suugaamayn u baahan waayo waxa si caaqiiibo leh ama si cudoon oo Baxsan oo wax lamid ahi jirin u kayd dhigay Dadkeenii hore ee Waxgaradka Guurtida ahaa, ileen waatii Horaba loo qiray ee layidhi (Rag ama Dad waa Raggii Hore Hadalna waa intuu Yidhi!). Sikastaba ha ahaatee Taariikhda iyo Sooyaalka Dhaqankeenu ha ahaado KII-Hooyo ama kuwuu ka horeeyey ee aynu lahaan Jirnay maaha Wax qoraal lagu soo koobi karo, waayo waa Taariikh Duug ah oo Guun ah oo Af, Dhaqan iyo Goobo ku xusuus qoran ama ku kaydsan!. Hadaba waxa isweydiin Mudan Taariikhdaa iyo Qoraalada Qadiimiga ah ee aan sheegayaa haday wax jira yihiin maxaan ula wadaagi waayey Ummada?, Runtii waa Su’aal wax ku ool ah ama caaqiiibo leh, Markaa waxa… …………..Lasoco taxanaha. Dad Taariikh Sugan leh baynu nahay Se waynu Soomaal/Soolis – sownay Saynu sida duunyada Anbad dabayl-raacnay!. Fuad Fartaag 07-04-2023 fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
-
Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in degmada Ceeldheer uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa si gaar ah waxa uu xubno ka tirsan kooxda ugu dhex-maray deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Dagaalkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda dagaalka ayaa yimid kadib markii horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa isku fahmi waaywen in la dhameystiro oo la dilo maleeshiyaad kusoo dhaawacmay dagaal ka dhacay deegaano hoostago magaalada Galcad ee gobolkaas. Dagaalkan ayaa waxay kooxda iskaga dishay illaa 3 horjooge, halka sidoo kale lagu dhaawacay 10 kale oo ka tirsanaa kooxda. Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxda ay deegaanka Cowswayne ee degmada Ceeldheer ku xir-xirtay inta badan odayaashii la shaqeyn jiray ee qeybta ka ahaa howlaha degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostago. Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab. Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab. Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen shan xubnood, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray. Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah. The post Al-Shabaab oo dhexdooda ‘ku dagaalamay’ gobolka Galgaduud iyo khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Taliska Muuse Biixi ayaa saaka oo Jimce ah mar kale abaabul weerar ka wada duleedka Laascaanood. Dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland oo isu diyaarinaya weerar horleh ayaa saaka laga dareemaya jiidda Laascaanood. Wararka ayaa tebinaya in ciidamada Somaliland ay saacadaha soo socda qorshaynayaan weerar ka culus kuwii hore. Taliska Korneyl Biixi ayaa Sabtidii hore weerar xooggan ku qaaday Laascaanood si uu dib ugu qabsado inkastoo uu ku fashilmay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meel-marisay sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga, kaasi oo ay si adag uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland, oo iyadu xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka Wasaaradda Kalluumegsiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa saxiixay xeerka bixinta shatiyada, kormeerka, iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah. Sharcigan uu saxiixay wasiirka kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ayaa waxaa qeyb ka ah maraakiibta Soomaaliyeed ee ka howl-gala meel ka baxsan biyaha Soomaaliya. Xeerkan oo ka kooban 6 cutub iyo 27 qodob waxa uu jaangooynayaa habraacyada bixinta ruqsadaha maraakiibta qalaad, maraakiibta lawada leeyahay (joint venture) iyo maraakiibta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale qeexayaa dhammaan shuruudaha la-socdka, dabagalka iyo kormeerka maraakiibta kalluumeysiga, isaga oo faah-faahinaya ujuurooyinka iyo khidmooyinka lacageed ee shatiyada kala duwan iyo ruqsadaha kale ee Kalluumeysi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa 21-kii Bishii Maarso saxiixay sharciga Horumarinta iyo Maareeynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed kadib markii labada Aqal ee Baarlamaanka ay si aqlabiyad leh ku meel mariyeen. Sharcigan ayaa waxaa si adag uga hortimid dowlad-goboleedka Puntland, oo ku tilmaamtay inuu yahay mid sharci darro ah, islamarkaana si toos ah uga hor imanaya Dastuurka dalka. “Haddaan la xurmeyn qodobka Dastuuriga ah ee sida tooska ah u faraya in Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah inay ka wada xaajoodaan kheyraadka dabiiciga ah, waxay halis ku noqoneysa deganaanshaha amni ee dalka, taasi oo horsedi doonta xasilooni daro siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga ee dowlad-goboleedka Puntland. Puntland ayaa diidan gebi ahaanba hanaanka ay dowladda dhexe iskugu soo koobtay shati bixinta Kalluumeysiga iyo guud ahaan Sharciga Kalluumeysiga, oo ay sheegtay in aan laga talo-gelin, islamarkaana aysan waxba ka ogeyn. The post Sharci ay si adag uga hor-timid Puntland oo si rasmi ay u ansixisay dowladda Xasan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa diyaarinaya qabashada kulan dhexmara madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo kan Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sida ay ogaatay Caasimada Online. Shirkan ayaa waxa uu kusoo beegamaya xilli uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha Somaliland, kaasi oo ah shaqsi aysan xasaasiyad ka qabin Somaliland. Cabdikariin Guuleed oo ah shaqsiga uu madaxweyne Xasan u magacaabay arrimaha wada-hadalada Somaliland, ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka Muuse Biixi, taasi oo wadada u xaareysa in labada dhinac ay markale iskugu imaadan miiska wada-hadalka, si loo sii ambaqaado wada-hadallada oo sanado hakad ku jiray. Muddo laba sano ku dhaw isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu Cabdikariin Xuseen Guuleed daadihinayay wada-hadalada Somaliland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Xogaha laga helayo kulanka ayaa intaas kusii daraya in madaxweyne Muuse Biixi uu aqbalay kulanka uu Geelle iskugu keenayo Jabuuti hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland, si dib loogu billaabo wada-hadallada labada dhinac. Dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo bilaabo wada-hadaladii Somaliland, ayada oo xusid mudan tahay in dowladdii hore ee Xasan ay meel fiican soo gaarsiisay wada-xaajoodyadii labada dhinac. Dadaaladda dib loogu bilaabayo wada-hadalada Dowladda federaalka iyo Somaliland ayaa la aaminsan yahay inay kasoo bilaabatay madal dhaqan oo Jabuuti ka dhacday, taas oo isku arkeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. Dhinaca kale, Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Somaliland oo ah siyaasi dhaqan ah, dhinaca kalena loo yaqaano farsamo yaqaan ku fiican wada-hadalada oo markale hormuud looga dhigay wada-hadalada midnimo doonka ah, ayaa kulamo ka billaabay magaalada Muqdisho. Guuleed ayaa la kulmay madaxda iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland, si ay ugu biiriyaan aragtidooda ku aadan wada-hadallada looga dhigay madaxa, isaga oo ka dhawaajiyay in wada-hadalada loo wakiishay ay noqon doonaan kuwa hoos loogu daadago waxa dhabta ah ee jira, islamarkaana laga gungaaro waxa dhabta ah ee tabashadu ku saabsan tahay iyo xalkeeda. Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas. Si kastaba, Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, “si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland,” sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya. The post Xog: Madaxweyne Geelle oo Jabuuti isugu keenaya Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku eedeysay dowlad-goboleedka Puntland in xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay uga faa’iideysaneyso sameynta waxay ugu yeertay “xuduud qabyaaladeed”. Somaliland ayaa waxay sheegtay in damaca maamulka Puntland uu ka leeyahay dagaalka ka socda Laascaanood uu saameyn aan mahdin ku yeellan karo xasilloonida iyo deganaanshiyaha Geeska Afrika, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada. “Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada Laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka. Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore maamulka Puntland ku eedeysay inuu qeyb ka yahay dagaalka Laascaanood, hase yeeshe maamulka ayaa iska fogeeyay eedeynta ay xukuumadda u jeedisay, iyada oo sheegtay “in dagaalka Laascaanood ay qeyb uga noqon karaan oo keliya marka ay ka dalbadaan Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood.” Maamulka Saciid Deni ayaa qaba in dagaalka SSC ay kula jirto Somaliland inay iskaga filan tahay, una baahneyn taageero uga timaada maamulkooda, inkasta oo gudaha maamulkaasi uu ka socdo abaabul beeleed lagu taageerayo xooggaga kasoo horjeeda Somaliland. Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay inay diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabaalo nabad-gelyo, inkasta oo dhawaan ay ku dhawaaqday in dagaal qorsheysan ay ku qaadi doonaan Laascaanood, si ay dib ugu soo celiyaan gacanta xukuumadda. “Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaaran.” Isku soo wada-duubo, Dagaalka Laascaanood ayaa socda in ka badan laba bil, illaa haddana majiro ifafaalo muujineysa in dhinacyada iskugu yimaadan miiska wada-hadalka si loo qaboojiyo xiisada, marka laga soo tago dhawaaqa ku kooban afka baarkiisa ee dhinac walba uu ku sheego inuu diyaar u yahay xal nabadeed. The post Somaliland oo Puntland ku eedeysay ‘qorshe xuduud qabyaaladeed oo halis ah’ appeared first on Caasimada Online.
