Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MALINDI, Kenya (AP) — The ongoing drought in Eastern Africa has been made worse by human-induced climate change, which also made it much likelier to occur in the first place, an international team of climate scientists concluded. Source: Hiiraan Online
  2. Gudaha maanta oo Khamiis ah iyo Arbacadii waxaa dib u dhacay dibaxyo Ololaha doorashada dalkaas uu qaban lahaa Recep Tayyip Erdogan madaxweunaha dakaas ayaa dib u dhac uu ku yimid, waxaana kasoo baxaya warar kale duwan sababta ka dabeysa in la baajiyo mudaraadyada taageerayaasha madaxweynaha. Madaxweyne Erdogan ayaa goor dambe oo maalintii Talaadadii aheyd wuxuu soo gaabiyey wareysi TV, kaasi oo intii uu socday uu sheegay inuu dareemayo calool xanuun, Saacado kadib, Erkan Kandemir oo ah madaxweynaha ku-xigeenka Xisbiga AKP ayaa ku dhowaaqay in Erdogan uu sidoo kale baajiyey barnaamijyadii Khamiista. “Maanta, waxaan ku nasan doona guriga anigoo qaadanaya talada dhaqaatiirteyda,” ayuu Erdogan Arbacadii kusoo qoray barta. Haddii Allah uu ogolaado, waxaan barnaamijkeena sii wadi doonaa berri. Waxaan dhammaan muwaadiniinteena u rajeynayaa caafimaad, nabad iyo damaashaad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Doorashada dhaceysa 14-ka May ayaa ah tii ugu adkeyd ee soo marta Erdogan oo xukunka hayey in ka badan 20 sano, isaga oo ah ra’iisul wasaare ama madaxweyne, xilli sare u kac uu ku yimid qiimaha maciishadda, waxaana dhanka kale xusid mudan in madaxweynah uu ku guuleystay in Turkiga uu u yeelo aragti ka duwan Galbeedka. Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka, isagaoo wajahaya loolan adag oo kaga imanaya hoggaamiyaha mucaaradka ee calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu, kaasi oo matalaya isbaheysi ay ku midoobeen xisbiyada mucaaradka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Who would shoot a 10-part TV series in a city emerging from a 30-year conflict with a cast of teenagers who have never acted before? The answer is Ahmed Farah. Source: Hiiraan Online
  4. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyey isu soo baxyo olole doorasho, oo uu qaban lahaa Arbacadii iyo Khamiista maanta ah, sababo caafimaad dartood, toddobaadyo kahor doorashada madaxweyne iyo tan baarlamaan ee 14-ka May. “Maanta, waxaan ku nasan doona guriga anigoo qaadanaya talada dhaqaatiirteyda,” ayuu Erdogan Arbacadii kusoo qoray barta twitter-ka. “Haddii Allah uu ogolaado, waxaan barnaamijkeena sii wadi doonaa berri. Waxaan dhammaan muwaadiniinteena u rajeynayaa caafimaad, nabad iyo damaashaad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. Erdogan ayaa goor dambe oo maalintii Talaadadii aheyd wuxuu soo gaabiyey wareysi TV, kaasi oo intii uu socday uu sheegay inuu dareemayo calool xanuun. Saacado kadib, Erkan Kandemir oo ah madaxweynaha ku-xigeenka Xisbiga AKP ayaa ku dhowaaqay in Erdogan uu sidoo kale baajiyey barnaamijyadii Khamiista. Waxaa lagu waday inuu xariga ka jiro furitaanka warshadda Nukliyeerka ee Akkuyu ee gobolka Koonfureed ee Mersin. Furitaanka warshadda oo ay dhiseen Ruushka, ayaa lagu waday inay noqoto mid ka mid ah dhacdooyinka ugu weyn ee ololaha doorasho ee madaxweyne Erdogan. Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka, sida ay muujiyeen codadka ra’yiga dadweynaha. Doorashada dhaceysa 14-ka May ayaa ah tii ugu adkeyd ee soo marta Erdogan oo xukunka hayey in ka badan 20 sano, isaga oo ah ra’iisul wasaare ama madaxweyne, xilli sare u kac uu ku yimid qiimaha maciishadda. Erdogan ayaa wajahaya loolan adag oo kaga imanaya hoggaamiyaha mucaaradka ee calmaaniga ah Kemal Kilicdaroglu, kaasi oo matalaya isbaheysi ay ku midoobeen xisbiyada mucaaradka. Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa rajadiisa wiiqay xasarado dhaqaale iyo saameyn xooggan oo ka dhalatay dhul-gariir dalkaas ku dhuftay bishii Febraayo, oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof. AFP, VOA The post Xaalad caafimaad oo lasoo daristay madaxweyne Erdogan appeared first on Caasimada Online.
  5. Hargeisa (HOL) - A prominent Yemeni businessman, Sami Al Haidari, and three of his family members lost their lives in a car accident on the road between Hargeisa and Berbera in Somaliland. Source: Hiiraan Online
  6. Former leader moved out of prison during heavy fighting as other ex-officials escaped during a jailbreak amid the chaos. Source: Hiiraan Online
  7. The bullet hit the woman after coming through the ceiling of her home in Mogadishu, in Somalia after a fight upstairs. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) - Two fishing boats with a combined 240 migrants and refugees aboard arrived in Lampedusa on Wednesday, increasing the total number of people reaching the small island to 821 in 15 separate landings since midnight. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka degan magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inay markii ugu horeysay bilaabeen inay laamaha amniga kala shaqeeyaan xasilinta magaalada. Iyada oo Muqdisho laga dareemayo inay amni ahaan kasoo reynayso sidii hore ayaa dhinacyada aan la xusin ee arrintaan qeybta weyn ka qaatay waxa kamid ah shacabka reer Muqdisho. Dadweynaha ayaa bilaabay inay toos ula wadaagaan laamaha amniga, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida, dadka laga shakiyo, guryaha lagu tuhmo inay Al-Shabaab hubka dhigtaan, xogaha gaadiidka ay kooxdu adeegsato, akhbaarta ganacsatada lacagaha u haya ama siiya kooxda iyo xogo kale, taas oo la sheegay inay wax weyn ka tartay dadaalka ay laamaha amniga ugu jiraan inay caasimadda xasiliyaan. Muddo fog shacabka magaalada Muqdisho waa ku adkeyd inay xog siiyaan laamaha amniga, gaar ahaan cidda sirta ku shaqada leh, sababtana waxaa loo arkayay kalsooni darro ay dadweynaha ka qabeen in xogtooda kusoo laabato kadibna ay dhibaato kala kulmaan kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab. Isbadal ayaa shacabka ku dhacay, xogo joogto ah ayay hadda siiyaan laamaha amniga, waxay aamineen inay xogtooda ku soo noqon doonin oo lagu dhibaateyn doonin. Wuxuu ahaa door weyn oo ka maqna laamaha amniga. Tan iyo markii la helay garabka shacabka wax badan oo isbadal ah ayaa muuqda ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha xukuma amniga magaalada Muqdisho oo noo xaqiijiyay in garabka shacabka uu wax badan ka taray xaalka magaalada. Marwalba oo ay xoogeysato wada-shaqeynta dadweynaha iyo ciidanka dowladda waxaa la aaminsan yahay inay adkaan doonto in Al-Shabaab ay kusii dhex dhuumato magaalada Muqdisho iyo deegaanada kaleba. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sida muuqata tamar badan galineysa amaanka caasimada waxaa looga baahan yahay inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta dhawaan-galka ah ee shacabka iyo laamaha amniga, si loo helo caasimad ka caagan Al-Shabaab. Khasaarihii ay kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa si weyn loo dhimay bilihii u dambeeyay, dhowr arrimood ayaa loo tirinaya sababta isbadalkan. Waxaa maalmahan marba dhinac ka eegi doona sababaha keenay isbadalka amni ee magaalada Muqdisho. The post Shacabka XAMAR oo ‘kasoo baxay godkii cabsida’ iyo kaalintooda isbadalka socda appeared first on Caasimada Online.
  10. Ankara (Caasimada Online) – Turkish President Recep Tayyip Erdogan, 69, unexpectedly canceled his scheduled appearances on Wednesday and Thursday, citing a stomach illness. This development occurs less than three weeks ahead of Turkey’s pivotal election, which many political experts consider the most significant since the fall of the Ottoman Empire. During a heated campaign season, Erdogan revealed on his official Twitter account that he would be resting at home under doctor’s orders. He had initially planned to attend three events in central Anatolian provinces on Wednesday, but Vice President Fuat Oktay stepped in as his replacement. Later, Erkan Kandemir, vice-president of the ruling AKP party, announced that Erdogan would cancel his Thursday plans. The President was expected to inaugurate Turkey’s first nuclear power station, the Russian-built Akkuyu facility, on the southern coast. This event was supposed to be a highlight of Erdogan’s campaign this week. Erdogan’s struggles in Polls As Erdogan strives to reverse a decline in polls and maintain his 20-year election-winning streak, he finds himself in a tight race with secular opposition leader Kemal Kilicdaroglu. The Turkish leader is grappling with a severe economic crisis and the aftermath of a massive February earthquake, which resulted in more than 50,000 fatalities. On Tuesday, Erdogan had to end a live television interview prematurely due to his illness. The interview was already delayed by more than 90 minutes and was interrupted by a commercial break just 10 minutes in. Erdogan leave live TV interview Erdogan returned around 15 minutes later to apologize for the incident, explaining, “Yesterday and today were hard work. That’s why I got a stomach flu.” Though Erdogan underwent gastrointestinal surgery in 2012, he has generally been in good health. After the television incident, numerous politicians, including Turkey’s 74-year-old opposition leader Kilicdaroglu, wished Erdogan a speedy recovery. Nationalist leader Meral Aksener and other prominent members of Kilicdaroglu’s six-party opposition alliance also expressed their support through tweets. The post Erdogan cancels campaign appearances amidst stomach bug appeared first on Caasimada Online.
  11. Tripoli (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraaad ah ayaa waxaa laga helayaa dooni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub, taas oo ku degtay xeebaha dalka Liibiya. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan inay goobtaas ku qaraqmeen ugu yaraan illaa 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka. Masiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda, marinkan halista badan, halkaas oo kumanaan qaxooti ahi ay sannad walba maraan, iyaga oo isku dayaya inay gaadhaan dalalka Yurub. Hay’adda Socdaalka Dunida ee loosoo gaabiyo IOM ayaa sheegtay in masiibadani ay dhacday maalinimadii Salaasada. Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta magaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimadda Tripoli. Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keeneen dhinaca berriga. Illaa hadda xog badan lagama hayo sababta keentay inay doontani degto. Safa Msehli oo ah afhayeen u hadashay IOM ayaa sheegtay in doontani ay degtay waxyar ka dib markii ay xeebaha ka shiraacatay. Sidoo kale waxa ay intaas ku dartay in illaa haatan ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay soo saareen meydka sagaal nin iyo cunug yar. Shanta qof ee la soo badbaadiyey ayaa saddex ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, iyo laba qof oo u kala dhashay Masar iyo Syria, sida ay Safa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP. IOM ayaa sheegtay in sannadkan oo keliya ay badda ku dhinteen illaa 537 muhaajiriin ah, halka la badbaadiyey ama safarkooda tahriibka laga joojiyey in ka badan 4,300 oo muhaajiriin ah kuwaas oo dib looga celiyey badda. The post 55 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Liibiya appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta Ergeyga Arrimaha wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Dowladda Norway Ms. Heidi Johansen. Kulankan oo la sheegay inuu ahaa kulan miro-dhal ayaa waxay uga wad-hadleen labada masuul hanaanka ugu wanaagsan ee xilligaan loo wajihi karo xal u helidda arrimaha Somaliland, xilli la filayo inay dib u furmaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. “Waxaan maanta kullan miro-dhal ah la qaatay Ergeyga Arrimaha wadahadallada iyo dib u heshiisiinta dowladda Norway Ms. Heidi Johansen oo aan ka wadahadalanay hannaanka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo xall u helida Arrimaha Somaliland,” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kasoo saaray kulankaan. Mudane Guuleed ayaa warbixin ka siiyay ergeyga Norway sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardar-gelinta wada-hadallada Somaliland. Sidoo kale waxa uu la wadaagay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga gun-gaarayo arrimaha Somaliland. Ms. Heidi Johansen ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta, iyada oo ballan-qaaday inay gacan ka geysan doonaan ka mira-dhalinta wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Cabdikariin Guuleed oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabay 1-dii bishaan u magacaabay ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markaas taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Guuleed ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada. Si kastaba, dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an in dib loo furo wada-hadallada muddo hakadka ku jiray iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabto Somaliland. The post Norway oo sameysay ballan-qaad culus oo la xiriira wada-hadallada DF iyo Somaliland appeared first on Caasimada Online.
  13. MOGADISHU (Xinhua) -- The UN humanitarian agency said Wednesday it used 112.4 million pooled funds from the Somalia Humanitarian Fund (SHF) to tackle severe drought conditions in 2022. Source: Hiiraan Online
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan roobab xooggan oo la sheegay inay deegaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin toddobaadka u dambeeya ee bisha April. Qoraal kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in roobabkani ay kusoo wajahan yihiin magaalooyinka Qardho, Qandala, Ufayn iyo dhulka buuraleyda Calmiskaad. Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in roobabku kusoo beegan yihiin deegaanada ku teedsan xeebaha badweynta Hindiya iyo Badda Cas ee deegaanada maamulka Puntland. “Wasaaradda garagaarka iyo maaraynta musiibooyinka waxay la wadagaysaa dhamaan shacabka ku dhaqan degaanadda Puntland digniin ku saabsan roobab xoogan oo kuso beegan 24 ilaa 30 April,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowlad-goboleedka Puntland. Waxay uga digeen dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay ka fogaadan meelaha biyo mareenka ah miyi iyo magaalaba, si looga fogaado khatarta ka dhalan karta roobabkaas la filayo maalmaha soo socda.” “Hadaba waxaa bulshada ku dhaqan degaanada Puntland ku wargelinaynaa inay ka digtoonadaan meelaha biyo mareenka ah miyi, magaalo iyo xeebahaba sidoo kale dhamaan dadka degaanada Puntland dagan ayaa laga codsanayaa inay ogaadaan oo ka digtoonaadan khatarta ka dhalan karta roobabkas xooggan oo sii kordhi kara.” Marka laga imaado digniinta kasoo baxday maamulka Puntland, waxaa cabsida ugu weyn laga dareemayaa magaalada Qardho oo sanadihii u dambeeyay ay waxyeelo weyn kasoo gaareen daadad ka dhashay roobaab mahiigan ah oo halkaasi ka da’ay. Qardho ayaa ku taalla meel biyo mareen ah, waxaana labadii sano ee u dambeeyay soo gaaray khasaare kala duwan oo u badan burbur soo gaaray kaabayaashii magaalada, iyada oo dad badani ay ku cayroobeen, kadib markii daadadku ka burburiyeen hantidoodii ay ku tiirsanaayeen. The post PUNTLAND oo soo saartay digniin cusub oo ku wajahan… appeared first on Caasimada Online.
  15. Wasiirka maalgashiga Somaliland Marwo Aamina Cilmi Fariid ayaa madaxweyne Biixi u gudbisay warqadeeda iscasilaada . Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay inuu warqada iscasilaada ka aqbalay Wasiir Aamina Fariid . Marwo Aamina Fariid ayaa xilkan wasiir-nimo iskaga casishey sidii ay u buuxin laheyd kursi Xildhibaan-nimo oo ka banaanatey Golaha wakiilada Somaliland . Qaran News
  16. Malindi (Caasimada Online) – Khasaaraha dhimasho ee beer ku taalla dalka Kenya, halkaasi oo wadaad diimeed kirishtan ah uu xertiisa ku hoggaamiyey inay gaajo u dhintaan, ayaa Arbacadii gaartay 95 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha. Tirada cusub ayaa timid kadib markii booliska ay soo saareen meydadka 17 qof. Tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ayaga oo gaajaysan ayaa hadda gaartay 34 qof. Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa tirada dadka illaa hadda la la’yahay ku sheegtay 213 qof. Paul Makenzi, oo hoggaamiya kaniisadda Good News International Church, ayaa lagu eedeeyey inuu xertiisa ku ururiyey beer ku taalla magaalada Malindi. Waxaa la tuhunsan yahay inuu u sheegay inay cuntada ka soomaan illaa ay ka geeriyoodaan si ay ula kulmaan Nebi Ciise kahor inta aanu ku aasin xabaalayaal teedan dhul uu leeyahay. Waxaa la xiray markii booliska ay weerareen beertiisa horraantii bishan, wuxuuna weli ku jiraa gacanta booliska. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada amniga “ay ballaarin doonaan howlgallada raadinta iyo badbaadinta si ay u badbaadiyaan tirada nololeed ee ugu badan uguna macquulsan.” “Dhulka oo cabirkiisu yahay 320 hektar, qeybna ka ah beerta Shakahola ayaa waxaa hadda lagu calaamyeeyey aag dhibaato oo howlgal uu ka socdo,” ayuu yiri Kindiki mar uu booqday goobta. Wasiirka ayaa sheegay in tani ay noqon doonto marxalad isbeddel oo ku saabsan sida dalka ula tacaalo halisaha xagjirnimada diimeed, islamarkaana ay hadda eegayaan dhacdo tan la mid ah oo la tuhumayo inay ka jirto degaanka Kalifi. Kooxaha goobta qodaya ayaa helaya meydadka si wadareed iyo si kali kali ah loo xabaalay oo ku jira khabuureyaal lagu asteeyey caalamadda kirishtanka. Wasiirka ayaa dhacdadan la xiriiray dhimasho cibaadeed uu hoggaaminayey wadaad Mareykan ah oo lagu magacaabi jiray Jim Jones, kaasi oo 900 oo ka mid ah xertiisa ay sun cabeen isna dileen 1978-kii. Waa dhacdadii ugu dhimashada badneyd ee la xiriirta cibaado diimeed ee laga diiwaan-geliyo Kenya. AP, VOA The post Kenya: 95 qof oo is-dilay ‘si ay ula kulmaan’ Nebi Ciise CS appeared first on Caasimada Online.
  17. Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Wasiirka Arimaha dibada S/land iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaa. Khilaafkan oo aan weli dibada u soo shaac bixin ayaa xogo ay heshay Waraabintu u xaqiijiyeen inuu Wasiirku Agaasimaha ka joojiyey saxeex-yada qaarkood. Waxaa hore Wasiirka Arimaha Dibada khilaaf xoogan uga dhex Qarxay Agaasimii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibada , kaas oo uu saxeexii ka joojiyey , isla markaana uu xafiiskiisii ka xidhay. Khilaafkaas hore ayaa sababey in madaxweyne Biixi Agaasimihii Guud ka bedelo Wasaarada. Dadka faalleeya siyaasadda Somalilland ayaa sheegaya in hadda khilaafkan natiijadiisa loo badinayo in uu galaafto wasiirka. Qaran News
  18. Mogadishu (Caasimada Online) – On Tuesday, a United Nations-supported report disclosed that about 6.6 million individuals in Somalia are grappling with humanitarian crises or severe food insecurity, even with an improvement in rainfall forecasts and a drop in food prices. The Integrated Food Security Phase Classification (IPC), an analysis conducted jointly by UN agencies and other collaborators, revealed that Somalia will experience high levels of acute food insecurity until at least June. Despite the reduced risk of famine during the same timeframe, 39% of the nation’s total population urgently needs humanitarian aid. The IPC report stated, “Since mid-2021, steeply rising food prices have been one of the main drivers of deteriorating acute food insecurity in most Somali regions.” The report underscored the importance of additional coordinated funding to avert a further decline in food security and nutrition conditions. It called for increasing and maintaining high-level, multi-sectoral humanitarian assistance—including food security, nutrition, health, and WASH interventions—through at least June 2023 and potentially through late 2023. Child malnutrition remains a concern The IPC report confirmed the previously estimated total burden of acute malnutrition among children under five. Around 1.8 million Somali children are expected to face acute malnutrition between January and December 2023, with 477,700 projected to experience severe malnutrition. The report emphasized the necessity of enhancing humanitarian access and coverage in regions affected by insecurity and conflict to reach the most vulnerable populations. The report suggested, “Offering timely support to impoverished farmers to capitalize on the ongoing Gu season rainfall is recommended.” Furthermore, it mentioned the need for complementary recovery and developmental assistance to tackle the root causes of acute food insecurity and malnutrition and to rebuild livelihoods. Rainfall forecasts improve According to the IPC report, an updated forecast for the April to June Gu season indicates relatively better seasonal rainfall across most parts of Somalia compared to earlier predictions. However, floods triggered by heavy rainfall and overflowing rivers in March have affected areas like Gedo and other southern Somali regions. These floods have caused casualties, displaced tens of thousands, and destroyed property. The report cautioned that the risk of flooding could escalate if heavy rainfall continues in Somalia and the upper catchments of the Shabelle and Juba rivers in southeastern Ethiopia. The post Rainfall fails to curb Somalia’s food insecurity battle appeared first on Caasimada Online.
  19. “Suldaan Cada-gude iyo taliye Dabagale” Xoghayaha Cadaalada Waddani oo ka digay in ay isku dhacaan Booliska iyo taageerayaasha Suldaa Cadda-gude oo berri lasoo dhawaynaayo. “Suldaan Cada-gude waa hogaamiye dhaqan taageerayyaasha soo dhawaynayaa-na waxay u soo baxayaan soo dhawayn kaliya sidii horeba madaxda dhaqanka loogu soo dhawayn jiray . Somaliland soo dhawayn-ta Suldaan-kuna waxay u baahan-tahay Inaan la Siyaasadayn Iyo In laga Ilaaliyo wax kasta oo keeni-kara xaalad-abuur amni Suldaan-ka Iyo taageerayaasha u soo baxaya soo dhawayn-tiisa waxa ka mas’uula Ciidamada Booliska . Masuuliyada ugu saraysana waxaa iska leh Taliyaha Ciidamada Booliska Mr Dabagale masuuliyada booliska saaranina waa laba qodob oo kala ah 1. In Ciidamada Boolisku aanay saamaynin xaalad-abuur keeni kara isku dhac iyaga iyo dad-waynaha u soo baxaya soo dhawayn-ta Suldaanka. 2. Amniga Suldaanka iyo dadaka u soo baxaya soo Dhawayn-tiisa waxa mas’uul Ka ah oo wixii ka xumaada waxa laga xisaabtamaya dawlada gaar ahaan Ciidamada Booliska oo masuuliyada koowaad-na uu qaadanayo Taliyaha Ciidamada Booliska ee Somaliland Mr Saqadhi (Dabagale Qaran News
  20. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ka qeybta yihiin howgalka ATMIS. Madaxda ayaaa shirkaas uga arrinsanaya hannaanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Dowladda Soomaaliya ee hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuid ayaa shirkaas ku soo bandhigaysa qorshaha ay kula wareegayso amniga dalka iyo qorshaha wajiga labaad ee howlgalka lagula dirirayo Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Muxuu yahay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan sheekh ee Uganda? appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala, halkaas oo uu ka ga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalkeenna (ATMIS), iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shirka ku soo bandhigayso sida ay uga go’an tahay in ay la wareegto amniga dalka dhammaadka sannadka soo socda. Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, kaasi oo lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan. Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey hareeyeen colaado sokeeye, isagoo sheegay in ay wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan, isla markaana ay xuduudaha Suudaan ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isu socodka. Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban:- 1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye 2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin 3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin 4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin 5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin 6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin 7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cyaaraha Xubin 8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin 9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin 10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin 11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin 12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye. Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. H.E. President Hassan Sheikh Mohamud Villa Somalia Mogadishu, Banadir Dear Mr. President: Thank you for the political leadership you provide for the country. As a citizen who is concerned about our fledgling democracy—and the violent coups and conflicts that have spread across Mauritania, Mali, Niger, Burkina Faso, Chad, Central African Republic, Ethiopia, and Sudan–I am concerned this trend is likely to extend to Somalia and make worse its long agonies of failing governance, civil wars, and violent extremism. Excellency, lessons from field experience show that the twenty thousand African forces, and thousands of locally-trained military and police forces, sponsored by foreign powers, have not worked closely with civilian agencies since the formation of the transitional administrations to reduce high civilian casualties, provide justice and fair resolutions of violent conflict, build the capacities of governments and strengthen national security. This underscores 16 years of work to reinforce military and police forces have failed to reduce instability. Excellency, in spite of external assistance for three decades, our people are deeply hurt and split and many of them have lost their trust in one another, though intra-group trust is increasing. This situation dictates that whatever group of friends comes to power, the others will line up in opposition. This is because the opposing group feels alarmed and defenseless by the possibility of a one-party government. This, along with problems caused by foreign powers which add to the many of our unending challenges, shortens the life of the government. To reverse such a situation, effective authority structure reforms are therefore needed to prevent the looming crises from escalating into an all-out armed conflict between the warring communities. CHIEF OF STAFF Excellency, in order to make sure that you will be running a continuous administration (different from accusations against you of “micro-management”), delegating responsibilities at last may be advisable. As a matter of fact, delegating tasks to individuals you trust minimizes your duties and gives you more time to focus on bigger issues, such as security and the offensives underway. In Somalia, this means requiring even more from a chief of staff. It is widely believed that you pay little attention to day-to day operations in your office. It is time to choose and groom your daughter, Jihan Hassan Sheikh Mohamud, as close advisor who handles the most-delicate strategic matters and becomes the chief of staff. Jihan can serve you as extra eyes and ears by pointing out political potholes you may not recognize. Jihan being your daughter, will definitely ensure that you make the most of your limited time and that information arrives at the right point in your decision-making process, and that follow-up happens without you having to check. Excellency, to move forward, it is also important that you form two separate committees: i) a reform task force, and ii) an evaluation board. REFORM TASK FORCE AND EVALUATION BOARD Excellency, since institutional reforms can be so controversial and political, bringing in Qamar Ali Omar, first lady as a chair in the reform task force adds a critical dimension of importance and a focus on achieving objectives. In my opinion, reform task forces benefit from an evaluation board—a mix of former presidents and prime ministers. This group of high-level stakeholders—Abdiqasim Salad Hassan, Sharif Sheikh Ahmed, Mohamed Abdullahi Farmaajo, Ali Mohamed Ghedi, Omar Abdirashid Ali Sharmarke, Abdiweli Mohamed Ali Gas, Abdi Farah Shirdon, Abdiweli Sheikh Ahmed, Hassan Ali Khaire, and Mohamed Hussein Roble—provide strategic direction for the programme, provide governance, and support the chair of the reform task force. This creates a balance of hands-on experience and authorities who are agents of change. You need them in your administration. Find the resolve to take bold action that will lead our nation into the new era of governance. Key reform areas include: REFORM TASK FORCE MANDATE i) A constitutional settlement agreed by all major stakeholders and completed within the remainder of your term in office. ii) Developing an administrative intra and inter-working policy guideline between federal government and the member states. iii) Drawing a policy guideline that would facilitate intra and inter-member state-working relationships. iv) Devolving functions of the federal government and member-states institutions, in order to pave grounds for respective development programs. v) Separating the human resource capital between the federal and member-states governments. vi) Introduce inventories preparations for allocating existing assets and liabilities between the federal government and the member states, as well as other existing public/local authorities. vii) Making an immediate address of the economic inventory process of all the country’s archival records within and overseas. viii) Tabulating the external budget support received from the donors, since 1991. ix) Developing constitutional framework for revenue and levy collection. x) Initiating constitutional framework that sets forth a medium-term plan aligned with the long-term development objectives (2024-2060). Excellency, in order to be able to perform all the aforementioned functions, a reform task force should be equipped with capable staff possessing the appropriate competence and moral standards. The staff should have a sound technical background in different sectors—policy, security, and the economy—they are supposed to operate according to the mandate of the reform task force. Part of their competences will be assessed by the evaluation board. The board are expected to function as guardians and advocates for the sustainability of the overall process. THE IMPORTANCE OF CONTINUITY To accomplish the reform task force’s mission, Excellency, you must ensure the prime minister, Hamza Abdi Barre, and his entire cabinet including Somalia’s intelligence boss, Mahad Mohamed Salad, and the Chief of the Somali National Army, Odowaa Yusuf Rageh continues to remain in office with minimum disruption for the remainder of your term in office. Also, to ensure a national unity, Excellency, there is required massive cooperation and consultation between your administration and the member states. The purpose of this is that ministries, departments, and agencies at the federal and state level wide essential functions continue. Maintaining a continuity of federal and state governments operations helps identify and shrink the gap between existing and desired competencies (knowledge, skills, and attitude), evaluate efficiency and effectiveness of all their activities and further facilitate the planning process. In the past, changing Prime Ministers has caused more damage to the President than it has been worth. THREATS TO THE PRESIDENCY Excellency, the steps above ideally might help the Presidency survive. I say this because of apparent threats, both internal and external, that pose existential challenges to the continuity of government in Somalia. You are well aware that we are in a vastly different world than the one of your previous term in office. Most significantly, African states are once again pawns in a great-power Cold War. Somalia so far has experienced the positioning but not the all-out confrontation of these powers. But as the explosion in Sudan has demonstrated, like Ethiopia before it, know that the risk of such a showdown in Somalia may well be forthcoming within the next year. The hallmark of this great power competition is successive coups and factions supported by different external actors. Somalia is primed for such a catastrophe. In the absence of an explicit policy of Somali neutrality between the great powers, it is impossible to satisfy competing demands. Somali has proven it cannot win by taking sides. Somalia can choose to take no one’s side, but it cannot take everyone’s side. This is a difficult balancing act for any head of state. But it is impossible to achieve if a president is surrounded by individuals allied with different external actors while also pursuing the agenda of personal enrichment at the cost of the welfare of the president. I name here for your benefit the three individuals central to undermining your presidency: Aweis Yusuf Haji, Ali Balad, and Hodan Osman. To enable any to have access to power or financial resources, most specifically the Central Bank of Somalia, may well be, under these global circumstances, political suicide. And even before that, the delay and eventual failure of the debt relief process. Furthermore, it does not help that those around you have perpetually raised questions about your health and weaponized doubts about your fitness to remain in office. As I see it, Excellency, there is the route of stability through neutral, reliable, and stable continuity of government, or the end of Somali Government as we know it and the beginning of a new, dark and unpredictable road for Somalis into the future. Good Luck Mr. President and God Bless Somalia, Abdirazak Fartaag Chief Executive Officer FRC | Fartaag Research & Consulting The post An open letter to the President of Somalia appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Xuseen Wehliye ayaa qaaday tallaabo dhif iyo naadir ah, ninkaan markii ay burburtay dowladii dhexe Soomaaliya waxaa gacantiisa ku jiray Gaari kuwa Xamuulka qaada ah oo dowladu ay laheyd. Wuxuu ka tirsanaa wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka, markii ay dowladdu burbrutay ee dalku uu dagaallo sokeeye cagaha la galay wuxuu iibiyey gaarigii dowladda ee gacantiisa ku jiray. Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay in gaarigii uu ku iibiyey lacag dhan 12,500 oo dollar, maadaama aysan jirin xiligaas dowlad uu ku wareejiyo. Markii uu iibsaday gaarigii wuxuu ka cararay dalka oo dagaallo ay ka socdeen, wuxuuna ka mid noqday Soomaalidii gashay waddanka Ingiriiska. Cabdiraxmaan ayaa 32 sano kadib ku soo noqday Soomaaliya wuxuuna go’aansaday lacagtii uu gaariga dowladda ku iibsaday uu hadda ku soo celiyo dowladda, maadaama ay tahay Hanti-Qaran. Ugu dambeyntii maanta ayuu Cabdirixmaan lacagtii si toos ah ugu shubay Bangiga Dhexe ee dowladda, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Waa dhif in dadkii boobay ama xiligaas si un ay xagooda u martay hantidii dowladda ee dib ugu soo celiyey qaranka, markii dib loo soo dhisay dowladnimada Soomaaliya. Soomaaliya waxaa ka jirtay dowlad xoog leh oo hey’ado dhisan leh aadna u qalabeysan, inta badan hantidii dowladda waa la boobay, mana badna dadka go’aansaday inay dib u soo celiyaan xisaabihii dhinacooda maray, si lamid ah geesinimada uu maanta sameeyey Cabdiraxmaan Wehiye. The post Sawirro: Nin iibsaday gaari ay laheed dowladda Soomaaliya oo maanta mag-dhaw bixiyey appeared first on Caasimada Online.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo galabta ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada. Kulankaas waxaa lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan. Wasiirka Arrimaha Dibada Abshir Haruuse ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey hareeyeen colaado sokeeye. Wasiir Haruuse ayaa sheegay in ay wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan, si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in xuduudaha Suudaan ay ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isku socodka. Xubnaha guddiga ee loo magacaabay soo samata bixinta Soomaalida ku go’doonsan Suudaan ayaa ka kooban 12 oo wasiirka arrimaha dibadda uu hoggaaminayo. Xubnaha guddiga ayaa ka kala ah:- Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xubin Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan. The post Xukuumadda oo guddi 12 xubnood ah u xil-saartay xaalad culus oo soo korortay appeared first on Caasimada Online.