Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. ” Guddida Garxajisey haddii aad leedihiin taladayadii hadal bay ku soo uruurtay warka dadka u cadeeya maanta laga bilaabo hadal aan idinka sugaynaa ma jirto, Muuse maanta wuxuu marayaa inuu Xeerkii doorashooyinka fara galiyo, Gudoomiyahayga cada gude waxaan leeyahay hadalkii shalay aad tidhi waan kugu taageersanahay laakiin hadaalka yuu hadal ka danbayne ficil haka danbeeyo, hadal kale socon maaye, Muuse afgaal iyo mid Muslimba waa lagula hadloo wuu ka dhaga furaystee, lagusii jiri maayo in maalin walba Warbaahinta la taagnaado.” ” Siyaasi Farxaan Cabdi Aw-xirsi. Qaran News
  2. Mogadishu (PP News Desk) — Torrential rains have turned parts of a major thoroughfare, Jidka Soddonka, into small river. Between Bar Ubah and Black Sea Restaurant rain water has reached knee high and forced families near the road to evacuate their properties. Inaugurated in 1979 Jidka Soddonka has had its sewage system clogged by sand since 1991, when the former military regime was overthrown. Some of the water has been diverted via Hawo Tako neighbourhood centre so the water can flow into an area near Hamar Jadid primary school. A video clip of the impact of floods on Bar Ubah and Black Sea Restaurant area in Mogadishu. Hawo Tako neighbourhood is one of the areas adversely affected by seasonal rains in Mogadishu. The area is not too far from Bakaaraha Market. No solution has yet to be found for seasonal floods that cause disruptions in the area. “I call on the Governor and Mayor of Mogadishu to visit here and do something about the situation” said a resident of the area. Business affected are in the Hawlwadaag area of Jidka Soddonka. Hawlwadaag is the smallest of the four districts that Jidka Soddonka passes through along with Hodan, Wardhiigley and Towfiiq. © Puntland Post, 2023 The post Floods Turn Jidka Soddonka into a “Small River” in Mogadishu appeared first on Puntland Post.
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aysan ku kalsoonayn odayaasha dhaqanka ee ka socda koonfurta Soomaaliya oo dhawaan Hargeysa u tegay xal raadinta. “Qiimaheena ma garanayaan qoladaani, waan dhageysanay waxa ay wadaan, qolo Garowe ka soo degtay oo hadana Hargeysa timid kuma kalsoonin ee hana noqdaan ceeb u geysan meyno, laakiin kuma kalsoonin,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Odayaashaas ayaa maalmo ka hor Hargeysa u tegay dhex-dhexaadinta dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood oo kala ah Somaliland iyo SSC. “Kooxdaan waxay wadataa dan gaar ah, Puntland ayey ku hor mareen, in lasoo daayo oo dalka ay soo galaana ma ahayn, looma baahna, arrintaan waxay u taallaa Somaliland, waxaana xilisa doonaa, insha allaah,” ayuu yiri Feysal Waraabe oo BBC la hadlay. Gudoomiye Faysal ayaa ku eedeeyay odayaasha ka baxay koonfurta Soomaaliya inay dhinac yihiin oo aan lagu aamini karin dhex-dhexaadinta la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Laascaanood. “Waa siyaasiyiin odayaal iska dhigaya, hadii ay xal wadaan Garowe ma aysan tageen ee Hargeysa ayey toos u imaan lahaayeen, hanaga noqdaan, karaamada ayagaa iska qaaday markii ay Garowe ka degeene,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Feysal. Cuqaasha Hargeysa ku sugan ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyay, waxaana la sheegay in marar badan ay ka cudur-daarteen inay wareysi bixiyaan, maadaama ay xog uruurin ka dhex wadaan dhinacyada dagaalamaya. Beesha caalamka ayaa taageersan dedaallada dhex-dhexaadinta ah oo ay wadaan odayaasha ka tegay Muqdisho oo sii maray Puntland, tegay Laascaanood, kadibna u gudbay Somaliland. Odayaashaas waxaa hoggaaminaya Ugaaska guud ee beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxaana markii ay tageen si wanaagsan loogu soo dhaweeyey Hargeysa oo weli ay ku sugan yihiin. The post Mucaaradka Somaliland oo diiday qorshaha odayaasha Mogadishu Clan ee Hargeysa tegay appeared first on Caasimada Online.
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Xilli weli dagaallo culus ay ka socdaan dalka Suudaan ayaa waxaa isasoo taraya baaqyada nabad ilaalineed ee loo jeedinayo dhinacyada isku haya dalkaas. Koonfurta Suudaan, UN iyo hadda oo Ethiopia ay kusoo biirtay ayaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia wuxuu door dhex-dhexaadin ah ka ciyaarayaa qalalaasaha ka taagan Suudaan. Isagoo xaqiijinaya ku lug lahaanshaha Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in uu wada-hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay labada Jeneraal ee dagaallamaya, si uu ugu dhiirrigeliyo inay joojiyaan colaadda. Xabbad-joojintii hore ayaa u suurto-gelisay kumannaan qof inay isaga baxaan dalka Sudan, halka dhowr dalna ay isku dayeen inay la baxaan muwaadiniintooda. Muddo kordhin 72 saacadood oo kale ah ayaa daba socota dadaallo diblomaasiyadeed oo adag oo ay sameeyeen dalalka deriska ah, iyo sidoo kale Mareykanka, UK iyo Qaramada Midoobay. Weli waxaa jira warar sheegaya inuu dagaal culus ka socdo magaalada caasimadda ah ee Khartuum. Dhinacyada ku dagaallamaya dalkaasi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad joojin cusub, xilli tii hore ay ku ekayd xalay saqdii dhexe. Dhanka kale, ku dhawaad 80 Soomaali ah oo ka baxsaday colaadda Khartuum ayaa diyaarad lagu geeyay caasimadda South Sudan ee Jubba. Waxaa ardayda uu dagaalku ku qabsaday Suudaan gurmadkaas u fidiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool magaalada Jubba ee dalka Koonfurta Suudaan. The post R/W Abiy Axmed oo qaaday tallaabo culus oo la xariirta dagaalka Sudan appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdsho (Caasimada Online) – Roob aad u culus ayaa maanta ka da’ay magaalada Muqdisho, kaas oo saameyn ku yeeshay qoysaska, guryaha iyo wadooyinka nugul ee magaalada. Degmooyin ay ugu horeyso Wartanabadda ayaa laga soo weriyey khasaare baaxad leh oo ka dhashay roobkii maanta ka da’ay caasimadda Muqdisho. Warbaahinta maxaliga ah ayaa tebisay in ugu yaraan lix xabo oo Mooto Bajaaj ah ay biyuhu qaadeen, kuwaas oo ku dhacay tog-weyn oo biyuhu fariistaan oo ku yaalla degmadaas. “Markii mootooyinka ay biyuhu naga qaadeen, waxaan aadnay saldhigga degmada, cid wax noo qabata waan weynay, maadaama aan nahay canshuur bixiyaashii, waxaan dowladda ka rabnaa inay wax noo qabato,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii la hadashay warbaahinta. Wiilkaas wuxuu sheegay in si dirqi ah uu naftiisa uga badbaadsaday markii ay mootadiisa biyuhu qaadeen, isla markaana uusan helin wax caawin ah markii ay soo wajahday xaaladdaan. Xaafadaha qaar ee isla degmadaas Wartanabadda waxaa laga soo weriyey guryo dumay iyo carruur ay biyuhu qaadeen, inkastoo aysan jirin cid si dhameystiran uga warbixisay dhacdooyinkaas. Roobka maanta ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa aad u biya dhigay magaalada, meelaha qaar waxaa laga quustay in la maro, waxaana ilaa caawa socda qulqulka biyaha ee wadooyinka Muqdisho. Inta badan magaalada uma diyaarsana maareynta biyaha roobka, waxayna xilli roobaad kasta daadadku saameyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka. Dadka ugu daran ee sanad kasta uu roobku Muqdisho ku saameeyo waa qoysaska danyarta ah ee ku nool guryaha cooshadaha ah iyo kuwa qadiimiga ah, inta badana mamulka gobolku iskuma howlo hagaajinta biyo mareenada magaalada. Hoos ka daawo warbixin The post Daawo: Daad ka dhashay Roobkii ka da’ay Muqdisho oo la tegay 6 Mooto Bajaaj appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa maanta ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo la xiriira dagaalka ka socda dalka, gaar ahaan ahaan dhanka caafimaadka ee deegaanada ay how-gallada ka wadaan ciidamada dowladda. Hindiya ayaa Soomaaliya ugu deeqi doonta shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed, ee ku nool goobaha dagaallada xooggan ay ka wadaan ciidamada huwanta, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya kadib kulan uu wasiirka wasaaradda oo ku sugan Hindiya la yeeshay Xoghayaha Guud ee Galbeedka Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda India Dr. Pradeep Rajpurohit. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Qunsulka ahna ku-xigeenka safiirka Cabdifataax Cabdullaahi Nuur iyo La-taliye sare Axmed Aadan Maxamed, iyada oo kulankaas looga hadlay in dowladda Hindiya fududeyso fiisooyinka caafimaadka, gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan. Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku yaalla Magaalada New Delhi, isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka. Wasiirka Caafimaadka ayaa kala hadlay maamulka cisbitaalkaasi in dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka usoo doonta laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga, islamarkaana la siiyo adeegyo hufan. Sidoo kale waxa uu ka codsaday in loo sameeyo bukaannada Soomaalida macaamil gaar ah oo dhinacyada dhaqaalaha ah, iyada oo dowladdana ka dalbaday fududeynta fiisooyinka caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed. Si kastaba, Soomaali badan ayaa caafimaad u aada dalka Hindiya, waxayna arrintaan ka caawin doonta bukaannada Soomaalida ah ee halkaasi adeeg caafimaad u doonta inay ka yareyso culeyso badan oo ay hore u wajahi jireen, haddey tahay helista fiisaha iyo arrimaha kale ee la xiriira safarkooda. The post INDIA oo DF u sameysay ballan-qaad cusub oo la xiriira goobaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidnaka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo dadka qaar (Taliye Shub) ay u yaqaanaan ayaa maanta soo bandhigay n atiijada baaritaan maalmahaan ka socday xabsiga dhexe ee Xamar oo ah xabsiga ugu weyn magaalada Muqdisho. Waxaa dhawaan soo baxay eedeymo sheegayey in maxaabiista loo diido qoraxda inay arkaan oo mararka qaar lacag lagu xujeeyo si banaanka loogu soo bixiyo oo qoraxda loo tuso. Sidoo kale eedeymaha loo jeediyey maamulka Xabsiga waxaa ka mid aheyd in lacag lagu xukeeyo dadka booqashada ugu imaanaya xubnaha ehelkooda ah ee ka xiran. Taliye Mahad oo maanta qabtay xaflad uu ku soo bandhigay natiijada baaritaan uu sheegay in lagu sameeyey eedeymahaas wax aka jira ayaa beeniyey tuhunkaas. “Markii warkaani soo baxay waxaan deg deg u magacaabay guddi uu nin janan ah hoggaaminayo, waxaa la bilaabay baaritaan culus, si bulshada na heysata aan ula wadaagno natiijo sax ah,” ayuu yiri. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay sabab keentay in la faafiyo been abuurkaas, sida uu hadalka u dhigay, taas oo ah in xabsiga laga joojiyey booqashadii dadweynaha. “Natiijada noo soo baxday waxay sheegeysaa in qoraxdaa nalaga gadaa ay been noqotay, raashinkii ayaa la xumeeyey sidoo kale waa been, waxaana soo ogaanay sababta sidaas lo yiri, muhiimadda been abuurkaas loo faafiyey waa booqashadii aan joojinay, si taas loogu fasaxo ayaa naloo jaa’ifeeyey,” ayuu yiri Taliye Mahad. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in subax kasta muddo hal saac ah maxaabiista la keeno banaanka, si ay u qoraxeystaan, “Hal saac ayaan uga dhignay, iyadoo sharcigu u ogolaanayo nus saac,” ayuu yiri. Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa hadda fasaxay arrintii ay cabashadaan ka bilaabatay oo ah booqashada ehellada dadkoodu uga xiran yihiin Xabsiga Dhexe ee Xamar. “Hadda waxaan u ogolaanay booqashadii, Talaado, Arbaco iyo Khamiis waxaa la ogolyahay in ehelladu soo booqdaan maxaabiista laga hayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal mahad Cabdiraxmaan Aadan. Hoos ka daawo The post Daawo: Maxaa ka jira in Taliska Xabsiga Dhexe uu qoraxda ka iibiyo maxaabiista? appeared first on Caasimada Online.
  8. “Amarka Ilaahay Madaxweyne kasta marka uu mudo-xileedka la doortay dhamaado ee loo kordhiyo wakhtiga, waxa dhaca masiibooyin xusuus ku reeba Quluubta Bulshada. 1.Madaxweyne Daahir Rayaale Muddo kordhintiisii waxa dhacay Qaraxyadii Madaxtooyada, UNDP iyo xafiiska Ethiopia ee Hargeisa 29.0ct 2008, waxa dhacdadaa ku baxay haldoor badan oo Reer Somaliland lahaa (AUN) dhamaantoode. 2. Madaxweyne Siilaanyo Markii wakhtiga la doortay dhamaaday ee loo kordhiya Abaaro baahsan ayaa Dalka ka dhacay oo galaaftay Duunyo badan, 2016 iyo 2017 labadaba. 3. Madaxweyne Muuse Biixi Markii loo kordhiyay Dalku dagaal sokeeye, dhiig daata, Qax iyo dhibaatooyin culus ayuu cagaha la galay. Midhaa inaynu Cashar rabaani ah ka barano, ayaa muhiim ah oo ka fogaano in heshiiska Umadda lala galay laga baxo, Madaxweyne kasta oo aynu dooranaana ku ekaado xayndaabka Mudo-xileedkiisa. Bal adba!” WQ. Xildhibaan Axmed Wali oo ka tirsan golaha deegaanka Gabilay. Qaran News
  9. Dahabshiil Group Chief Executive Officer Abdirashid Duale. Image: HANDOUT As the conflict in Sudan rages, the business community is expressing its concern over the escalating situation that is threatening to bring the country’s fragile economy to a halt. One of the key corporates that have been operating in Sudan says the situation will have a far-reaching effect on humanitarian support and the general economy of the country. Money transfer company Dahabshiil which has been instrumental in ensuring the communities affected by the devastating drought in the Horn of Africa gets support from the diaspora through remittances now says the situation in Sudan will affect clients and customers who have been benefitting from their remittance services. We have been very active in Sudan and the rest of Africa, especially during this period when the Horn of Africa has been hard hit by the worst drought in four decades. “Dahabshiil has been engaged in ensuring the diaspora continues to support their families in the Horn through remittances and is doing all it can to help those in Sudan continue to access the same” says Abdirashid Duale, the Chief Executive Officer of Dahabshiil Group. The company said they are distressed and concerned about the situation in Sudan and how it affects everyone including their customers and clients. “It is our hope and that of the rest of the business community operating in Sudan and the rest of the Horn of Africa and the continent as a whole that peace will prevail and the economy which supports the people of Sudan will continue to grow,” said Dahabshiil Group in a statement. A prominent journalist Abdisalam Hereri, who recently fled Sudan to the Somali city of Hargeisa, told the British Broadcasting Corporation that Dahabshiil has been key to supporting students, Sudanese and foreigners who are fleeing from the conflict to access money transfers for transport and food. The UN secretary-general Antonio Guterres has meanwhile warned that the violence between warring parties in Sudan “could engulf the whole region and beyond”. Guterres fears the situation in Sudan will cause a catastrophic conflagration in the country and has asked the warring factions to return to the negotiating table. The Star Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cisman Xaaji Maxamuud Dufle ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay labada Gole ee Baarlamaanka XFS usoo gudbisay sharci ku saabsan nidaaminta daawooyinka aas-aasiga ah ee ganacsi ahaan loo keeno karo gudaha dalka. Senator Dufle ayaa waxa uu sheegay in sharcigan oo lagu xakameynayo daawooyinka ay dhalinyaradu u isticmaasho sida qaldan ee kusoo batay gudaha caasimada, islamarkaana uu wax badan ka tari doono la-dagaalanka madooriyaha ee dowladda ay ka waddo magaalada Muqdisho. “Sidii dowladdii u burburtay majiro sharci xakameynaya arrimaha daawada. Hadda waxaa socda sharci la yidhaahdo sharciga daawada oo soo gudbisay wasaaradda caafimaadka oo yaalla golaha shacabka oo hadda marka laga noqdo fasaxa la guda-galayo oo la rabo in laga doodo oo marka uu Golaha Shacabka kasoo gudbo uu Aqalka Sare imaan doono.” Senator-ka oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta dowladda ayaa xusay in sharcigaan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradda caafimaadka XFS uu ujeedku yahay “in si wada-jir ah looga hortago daawooyinka ganacsiga ,gaar ahaan kuwa loo isticmaalo sida qaldan.” “Wixii la hubin jiray inay faro ka bax noqdeen, oo farmashiyaashii yaallan sidii nac-nacii oo kale. Tramdol-ka wiilka dhalinyarada ah waxa uu kala farmashiyiha iyada oo dhakhtar usoo qorin oo waxyaabaha dhibaatooyinka ah ayay kamid tahay,” ayuu yiri Senator Cismaan Xaaji Dufle. Dufle ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in sharcigaan dhawaan soo bixi doona, uu wax badan ka tari doono daawooyinka sida qaldan loo isticmaalo, taasi oo dhibaato horleh ku haysa caasimada, loona isticmaalo sida maandooriyaha oo kale. “Sidii burburka u dhacay wasaaradda caafimaadka wax hubin ah kuma lahan, ganacsato ayaa iska wadata oo soo dagsaneysa daawooyinkaas oo suuqa Bakaaraha ayay geynayaan oo farmashiyihii ka qaadanayaan, taas waaye dhibaatada meesha ka imaaneyso oo dhalinyaradana ka helayaan.” Hoos ka daawo muuqaalka The post DF oo diyaarisay sharci lagu xakameynayo arrin kusoo badatay Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) - Turkish authorities have arrested a Somali passenger for attacking a cabin crew during a Thursday flight from Istanbul to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay go’aankii ay madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay ku garab istaageen dalkeena, kadib bayaankii kasoo baxay shir-madaxeedkii ka socday magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya taageeradooda joogtada ah illaa inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso, kana gaareyso inay la wareegto masuuliyadda amnigeeda gudaha. “Soomaaliya waxay ka mahadcelinaysaa doorka hiilka iyo nafhurnimada ah ee dalalka ciidamaadoodu ka mid yihiin Hawlgalka ATMIS ay gaysteen dallkeenna ku dhowaad 16-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxay weli Soomaaliya dhameystiraysa howlaha horyaalla collaadii dalka ka dhacday kadib, balse caawimaadiina awgeed taageeradiina joogtada ah ee 15-kii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya dib ayay cagaheeda ugu istaageysa, waxayna haatan go’aansatay inay la wareegto waajibaadkeeda iyo masuuliyada amnigeeda, hase yeeshe waxaa weli codsaneyna taageeradiina joogtada inta ay Soomaaliya si iskeed ah u istaageyso.” Waxa uu ku bogaadiyay dalalkan taageeradooda ay sanadihii u dambeeyay siinayeen Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, isaga oo sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya gaarto hiigsiga ah inay cagaheeda ku istaagto, “Dantiinu waxay aheyd inaad Soomaaliya ka caawisaan sidii ay usoo kaban laheydeen, mudaneyaal hiigsigan ayaa ah mid dhawaan dhici doona, waana tallaabo aan si weyn idinkaga mahad-celinayno.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ka rejo weyn yahay marka loo eego kolkii hore,islamarkaana ay dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan qorshaha ay saaxiibadeeda Afrikaanka ay ku garab taagan yihiin, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka. “Waxaa jeclaan lahaan in aad idin mahad-celinayo anigoo metalaya dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa la laaban doona ka go’naanshaha aan maanta ka muujiseen halkan mudada ka harsan howl-galka. Waxaa xaqiijinaya in kalsoonida noo muujiseen in hoggaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka dhabeyn doonaan sida ugu dhaqsaha badan.” Si kastaba, Shir madaxeedkii dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka qabsoomay Kampala ayaa muhiim u ahaa xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya ayaa waxaa marti-galinayay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, waxaana ka qeyb-galay madax ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda. The post Xasan oo hal arrin ka dalbaday madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka appeared first on Caasimada Online.
  13. Gaadiidka ganacsiga ee iska goosha Deegaannada Somaliland iyo Somalia ee Hore loogu carqaladeeyey Deegaanno ka tirsan Sool iyo Buuhoodle ayaa helay dariiq cusub oo ay maraan ka markii jidgooyooyin loogu galay meelo ay Mari jireen. Gaadiidkan ayaa u wareegay dhinac Gobolka Sanaag, iyaga oo dhinac Puntland ka soo galay deegaannada Sanaag Barri oo ah dhul nabad ah oo aanay saameyn Colaadda Sool ka taagan. Dadka deegaannada Bariga Sanaag ku nool ayaa lagu ammaanaa in ay yihiin dad aan ku dhex milin hirdannada siyaasaddeed ee ka jira deegaannada bariga, iyaga oo inta badan ka shaqeeya horumarka dhulkaas, iyaga oo mashaariicda horumarinta ka hela Puntland, Somaliland iyo Somaliaba. Qaran News
  14. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo booqasho ku jooga Magaalada Addis Ababa ee caasimada Ethiopia ayaa kulan xasaasi ah la qaatay masuuliyiinta sar-sare ee dalkaasi. Kulankaan oo marti-qaadkiisa ay lahaayeen madaxda Itoobiya, ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax, Wasiirka Maaliyadda Axmed Shidde iyo madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar). Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga hadlay soo celinta xiriirkii wanaagsana ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo sida la rumeysan yahay meesha ka baxay tan iyo sanadkii 2019-kii. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxaa uu la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka dalkaasi, kaasi oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howl-galada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Howl-galladan ay qeybta ka yihiin ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan bilaabanaya deegaanada Jubbaland oo horay maamul ahaan ka saluugsanaayeen qaabka howl-galadaas loo bilaabayo, balse Axmed Madoobe iyo Jeneraalka ayaa qoto dheer iskula lafa-guray qorshaha howl-galladaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka Axmed Madoobe ee dalka Itoobiya iyo kulamada uu ka wado Addis Aabab ayaa waxaa qorshaheeda lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo iyadu ka shaqeysay isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ee xilligaan. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen. Madaxda dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhow la ah Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed ayaa doonaya inay dhameeyaan khilaafkaas, waxaana safarkiisan Addis Ababa uu qeyb ka yahay qorshaha Imaaraadka ee lagu soo afjarayo mad-madowgii siyaasadeed ee Itoobiya – Abiy Axmed iyo Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa waxa uu socdaalkiisan noqonaya kii ugu horeeyay ee uu tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay, xilligaasi oo khilaaf xooggan uu soo kala dhex-galay, kaddib isku daygii ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay ku soo qabtaan August ee isla sanadkaasi. Si kastaba, Lama oga in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qanacsan tahay tallaabooyinka Imaaraadka ee isku soo dhaweynta Axmed Madoobe iyo Abiy Axmed, balse waxay u badan tahay inay raali ka tahay, maadaama ay hadda Muqdisho iyo Abu Dubai ay gaareen heshiisyo militari iyo mid amni. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo Addis Ababa ka wada kulamo uu ka dambeeyo Imaaraadka appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku kulmaan dalka Itoobiya. Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmayo Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed. Madaxweynaha Puntland ayaa isna horraanta bisha May ku wajahan Addis Ababa waxaana xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in halkaas ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe. Inkastoo aan weli xog sugan laga helin Ajandaha Kulanka labada dhinac haddana waxa lagu wadaa in kulankaas uu mar kale xoojiyo iskaashiga dhinaca Siyaasadda ee Puntland iyo Jubaland. PUNTLAND POST The post Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhawaan ku kulmaya dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimada dalka dagaalka Maandooriyaha, iyada oo maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya laamaha amaanka uu gudaha caasimada ka sameeyay howl-gallo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooriya. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa shaacisay in dagaalka Maandooriyaha uu wejigiisa labaad ka bilaaban doono Dekedda iyo Garoomada oo ah meesha laga soo dejiyo waxyaabaha maanka dooriya ee ay dalka kasoo galaan. “Qofka isticmaalaya iyo meesha lagu isticmaalo ee lagu gado waa in laga suuliyo meesha saldhiga u ah xumaanta, wejiga labaad waa Dekedda iyo Garoonka iyo xuduudaha ay kasoo galayaan, meelaha qaar waxaa laga keena Shabeellooyinka,” ayey tiri Guddoomiye Saynab Xaabsey. “Shaqada la qabanayo waa kala horeysay, dadka magaalada soo galiya ee ka ganacsada iyo goobaha cayiman oo Muqdisho oo dhan daroogo laguma isticmaalo. Nidaamkaas ayaa suulinayna oo meelihii ay dhalinyarada iyo odayaasha iskugu imaanayeen in aan suulino oo waa ku hoos wadna.” Guddoomiye Saynab ayaa ku dooday in baa’biinta goobaha asal ahaan ay kasoo baxaan waxyaabaha daroogada ah ee lagu gado ay wax ka tareyso isticmaalka daroogada, taasi oo ah wejiga koowaad ee howl-gallada lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee ka socda caasimadda. “Waxaa rajeynaya askarigii suuqa uu kasoo gadanayay ayaa la baa’biina, askarta daroogada isticmaala waa laga xareeyay magaalada. Bilaha soo socda iyo maalmaha soo socda isbaddal fiican ayaa la dareemi doono,” ayey hadalkeeda sii raacisay Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey). Dagaalka Maandooriyaha ka dhanka ah ee ka socda caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, ayada oo toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi. Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye. Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lahaa guddaha caasimadda, waxaana howl-galladan barbar socda kuwa lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya. The post Halka uu ka bilaabanayo wejiga 2-aad ee dagaalka XAMAR ka socda oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
  17. Roobabka mahiiggan ah ayaa xalay miray degaanno ka tirsan Gobolka Nugaal. Roobabka ugu xooggan ayaa la xaqiijinayaa in ay ka da’deen degaannada saaran hawdka oo ay ku jirto degmada Buurtinle. Wararka ayaa sheegaya in roobkii xalay uu daad xooggan ku harqiyay kaymaha geel-qarista ah ee hawdka Buurtinle. Roobka ayaa sidoo kale mawjado daad ah ka sii daayay togga Buurtinle ee ku biya-shuba balliga Gosol. Gobollada Mudug, Sool, Cayn iyo Doollo ayaa dhanka kale laga soo sheegaya roobab kala duwan. PUNTLAND POST The post Roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay hawdka Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay gabtay masuuliyadii ka saarneyd collaada ka taagan Laascaanood, taasi oo qaadatay muddo ka badan saddex bilood. Saciid Deni ayaa waxa uu ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inaysan u dhaqmin kaalintii laga rabay dowlad Soomaaliyeed, islamarkaana iyada oo dhiig uu daadanayo ay rabto inay wada-hadal la furto Somaliland, oo ay u magacowday ergay gaar ah. “Iyada oo uu dhiig da’ayo oo dadkii la-laynayo, hadalkeeda ugu horreeya waxay ahayd sidii dhiigga loo joojin lahaa oo nabadda u sugi lahayd. Inay gardarro garab og uga dhigto Somaliland, oo tiraahdo Somaliland ayaan wada hadal la furaynaa oo ergay u magacaabaynaa, waa arrin gef ah,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni oo si adag uga horyimid tallaabada ay dowladda federaalka u qaaday dhanka wada-hadallada Somaliland, xilli uu dagaal ka socdo Laascaanood. Sidoo kale waxa uu sheegay in SSC aysan ka mid ahayn Somaliland, “qasab iyo xoog laguma maamuli karo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Deni oo garab istaag u muujinaya SSC oo iyadu dagaal kula jirta xukuumadda Somaliland. Deni ayaa magacaabista ergayga arrimaha Somaliland oo horraantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay waqti lumis aan waxba kusoo kordhin doonin xaaladda taagan. Ugu dambeyntiina waxa uu caddeeyay inuu maamulkiisu taageersan yahay mowqifka SSC, ayna qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee kula jiraan Somaliland, haddii buu yiri ay sii socdaan colaaduhu ayna garab weydiistaan Isimida dhaqanka ee SSC. “Diyaar ayaa u nahay in aan ka qeyb qaadano difaaca qaddiyada reer SSC ay ku taagan yihiin,” oo ah tan midnimada Soomaaliyeed, ugana horyimaadeen gooni isu-taagga Somaliland ay ku doodeysay in ka badan 30 sano. Maamul-goboleedka Puntland ayaa hore uga horyimid magacaabista ergey Cabdikariin Guuleed oo horraantii bishaan uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, ayna soo dhaweysay xukuumadda Somaliland, oo ayadu ku tilmaamtay nin waxbadan kala socda wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. The post Saciid DENI oo DF u jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta DAGAALKA Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay sida ay u wajahday colaadda ka aloosan Laascaanood. Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka qabsoontay Garoowe ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gabtay mas’uuliyaddii ka saarnayd arrinta Laascaanood. “Somaliland xoog kuma xukumayso SSC, waqtiga yaan layska lumin- wali si ehelnimo baan idiinla hadlaynaa- Dawladda Faderaalka masuuliyadii ka saarnayd Laascaanood wey gabtay- gardarro garab ayay kusiinaysaa Somaliland” ayuu yiri Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid Ergeyga dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday Arrimaha wada-hadalka Somaliland waxaana uu sheegay in aysan xilligan ku habboonayn arrintaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo dowladda Soomaaliya ku dhaliilay sida ay u wajahday arrinta Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  20. Khartoum (Caasimada Online) – Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa markale isku afgartay inay kordhiyaan heshiiskii hore ee xabbad-joojinta ahaa ee ku ekaa 72-ka saacadood. Ciidanka Militariga ayaa sheegay inay aqbaleen in wakhtiga xabbad-joojinta oo dhacayey fiidnimadii Khamiista, in lagu daro saddex maalmood oo kale, lana gaadhsiiyo illaa Axadda toddobaadka soo socda. Ciidamada RSF ee la dagaalamaya ciidamada dowladda Sudan ayaa iyaguna markii ugu horraysay Khamiistii aqbalay in wakhtiga loo kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta, laguna daro 72 saacadood oo kale oo ka bilaabmaysa maalinta Jimcaha. Isla Khamiistii waxaa markale ay ciidamada Militarigu ay markale ku celiyeen inay dhinacooda wakhtiga u kordhinayaan heshiiska xabbad-joojinta ah. Hase yeeshe waxaa weli lasoo warinaya inay jiraan rabshado ka dhacaya caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo gobolka Darfur, iyada oo dhinacyada ku dagaalamaya ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabad-joojintii dagaalka. Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay xad-gudubyada ka dhanka ah heshiiska xabbad-joojinta, xilli ay si weyn isku soo tarayaan walaaca laga muujinayo dagaalka Sudan. Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaalada ka socda dalka Sudan, halka ay ku barakaceen kumanaan qof, ka dib dagaalladii adkaa ee dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogagga sida gaarka ah u tababaran ee RSF. Si kastaba, Go’aanka cusub ee ka soo baxay labada dhinac ayaa waxaa soo dhoweeyey Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, urur goboleedka IGAD iyo dalalka ka odayaynaya xaaladda Sudan ee kala ah Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Sacuudiga. The post Xabbad-joojinta dagaalka SUDAN oo la kordhiyay iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  21. A Minneapolis man was charged Thursday with arson, accused of starting fires that damaged two of the city's mosques over consecutive days this week, and a warrant has been issued for his arrest. Source: Hiiraan Online
  22. A man found guilty of being part of a gang of pirates who murdered a British tourist 12 years ago has had his conviction quashed by Kenya’s high court. Source: Hiiraan Online
  23. Garowe (HOL) - President of Puntland regional state, Said Abdullahi Deni, accused the federal government of Somalia of neglecting its responsibilities amid the ongoing conflict in Las Anod. Source: Hiiraan Online