Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shir heerkiisu sarreeyo oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo looga hadlaayay dardargalinta howlaha gurmadka Soomaaliya iyo Sidii Gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka ayaa lugu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaa shirkan ka qeyb-galay Ergayaga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallad Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wakiilo ka socday deeq bixiyayaasha, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka ka shaqeeyo, masuuliyiin ka socotay Dowlada Gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gargaarka ee maxaliga ah. Gudoomiye ku-xigeenka Hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in ujeedka shirka yahay yahay sidii loogu codsan lahaa deeq bixiyayaasha in kor u qaadaan deeqaha ay ugu talagaleen bulshada si ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog fog ee dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddooomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Somaliland, Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka hadlay arrimo ergada oday dhaqameedyada ka baxay Muqdisho ee nabadeynta u tegay magaalada Hargeysa. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in odayaashaas ay mareen waddo qaldan, isla-markaana dadaalkooda ay markii hore ka bilaabeen meel ka baxsay Somaliland oo ah Garoowe. “In Ummada is qabataa la dhex-dhexaadiyo waxaa weeye waa mid meesha ku jirta, laakiin nimankan waxaa ka xumaaday waddadii halka ay soo mareen waad ogtihiin Garoowe ayay ka dageen, ma Somaliland-baa?. Laascaanood ayay haddana yimaadeen waad arkeyseen waxay ku hadlayeenm” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Mudane Faysal Cali Waraabe. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in odayaasha aysan aheyn dhex-dhexaad, isla-markaana ay wax ka qaban lahaayeen xaaladaha ka taagan Soomaaliya. “Waxaan u aragnaa annaga in nimankaan aysan wadin sulux, horana waan u iri. Nimanka tooda ayay dhex-dhexaad ka noqon waayeen teena dhex-dhexaad kama noqonayaan.” ayuu raaciyay. Eng. Faysal Cali Waraabe oo sii hadlaya ayaa ugu baaqay odayaasha ka tegay Muqdisho ee haatan ku sugan Hargeysa in ay isaga tegaan Somaliland, kuna laabtaan Muqdisho “Aniga waxaa dhihi lahaa iska noqda Somaliland iyo reer Laascaanood dad walaalaa weeye annaga heshiineynee tiiniibaa baylah ahee tiina hagaajiya” ayuu mar kale yiri Faysal. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ugu baaqay inuu guda-galo doorashada, si xal waara loogu helo xiisadaha ka taagan Somaliland. Si kastaba, odayaasha ka baxay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, waxayna haatan kulamo ka wadaan caasimada Somaliland ee Hargeysa. The post Faysal Cali Waraabe oo dalbaday arrin ka dhan ah odayaashii ka tegay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa as’aasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu as’aasay Xafiiska cusub ee Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada. Avv. Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo hore looga qaaday xilka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada. Sidoo kale Avv. Nuur Ciise Maxamed oo hore u soo noqday Guddoomiye xigeenka iyo sii-hayaha Guddoomiyaha Maxkamdda sare ayaa isna loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa as’aasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu as’aasay Xafiiska cusub ee Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada. Avv. Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo hore looga qaaday xilka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada. Sidoo kale Avv. Nuur Ciise Maxamed oo hore u soo noqday Guddoomiye xigeenka iyo sii-hayaha Guddoomiyaha Maxkamdda sare ayaa isna loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo ay haatan wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka. Xildhibaanka ayaa marka hore xaqiiijiyay jiritaanka mooshinkan, wuxuuna tilmaamay in xittaa ay xildibaanada wada ay isaga si toos ula soo xiriireen, si uu ugu biiro abaabulka. Cabdiraxmaan Cabduqaadir ayaa dhaliilay sida ay wax ku wadaan xildhibaanadaasi iyo guud ahaan baarlamaanka oo uu tilmaamay in uusan xor aheyn, sida uu hadalka u dhigay. “Arrintaa way jirtaa xittaa dhowr xildhibaan oo ila soo xiriiray way jiraan, laakiin mooshin in xildhibaano waqti fasax ah ay mar walbo si oor-kacsi ay usoo diyaariyaan oo aanan fuleyn waxaa u sabab u ah baarlamaanka ayaanan xor aheyn” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan. Sidoo kale waxa uu su’aal ka keenay halka uu ku dambeeyay mooshinkii kan horay ee laga keenay xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka iyo, isaga oo xusay in meel la’iska dhigay, markii la fulin waayay. Waxa kale oo uu xusay in aragti ahaan uu qabo in uusan fuli karin mooshinka hadda laga wada ra’iisul wasaaraha, isaga oo sababta ku sheegay awood la’aanta baarlamaanka. “Mooshinkan mooshin ayaa ka horreeyay mooshinkaas oo la dhaqan-gelin baarlamaankan ila ma’ahan inuu fulin karo in maanta xukuumadda kalsoonida lagala laabto. Wuu caddaa mooshinka waxaa jiray shaqo arrimo baarlamaanka quseeyay iy mooshin ay xildhibaanada wadeen oo ka dhan ah qof kamid ah saddexda guddoon” ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Sidoo kale wuxuu ku daray “Saaxibada waxaan dhihi lahaa maalin walba inaan meel ku dhacno waxaa dhaanta annaga horta inaan dib isku fiirino oo golaheena hagaagsano”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu socdo guux weyn oo ku aadan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaare Xamza, kaas oo ay wadaan diyaarinayaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo hadda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada gudaha magaalada Nairobi. The post Xaggee ayuu ka dambeeyay mooshinkii ka horreeyay midka R/W Xamza? appeared first on Caasimada Online.
  6. Xildhibaan Guruuje iyo xildhibaan Cali Qaran oo isku jawaabay:- Xildhibaan Cali Qaran “Cada Gudde waxaan leeyey Alle ka istiqfaar dalbo reer dhan oo sheikh iyo shariifba leh in aad ehlu naar ku sheegto ma aha af madax dhaqameed. Alle madax dhaqameedka haynoo dhawro waa isha qudha ee Somaliland sodomeeyadaa sano ee ay soo jirtay ay ku dhaaftay qayrkeede, inta xumataliska ahna Alle ayeynu u baryeynaa in uu qalbiyadooda naxliga ka saaro.” Xildhibaan Guruuje ayaa kaga jawaabay hadalkan ” Suldaan lama qardoofiyo caloow qof aanad gaadhayne . Ha qaldamin qiyaas hadalka waa loo qotomiyaaye “. Qaran News
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi. Madaafiicda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ku hoobteen, gudaha magaalada waxaana ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac. Inta la xaqiijiyay ilaaa ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhaawacmay duqeyntan, waxaana sidoo kale jiro dhimasho, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in madaafiicdan uu ka dhashay burbur xoogan oo mar kale soo gaaray guryo ay leeyihiin dad shacab ah oo ku yaalla xarunta gobolka Sool ee Laascaanood. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in cabsi xoogan ay ka taagan tahay halkaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay inuu dib uu qarxo dagaalka ka socda magaalada Laascaanood. Weerarkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda magaaladda, inkastoo ay weli is horfadhiyaan ciidanada dagaalamay ee labada dhinac. Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo. Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta. Si kastaba, waxaa magaalada Laascaanood bishii saddexaad oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. The post Ciidamada Somaliland oo duqeeyay Laascaanood + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL ) -The Somali cabinet has approved the appointment of the Accountant General of the Federal Government and several cooperation agreements with Qatar on Thursday. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta shirkooda todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana guddoomiyay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayadoo inta badan ay goobjoog ahaayeen golaha wasiiradu. Golaha wasiirada ayaa shirkood ku ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo sidoo kale heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar. Ugu horreyn golaha ayaa shirkooda ku meel-mariyay magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas, kadib soo jeedin ka timid wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya. Anas ayaa ah aqoonyahan dhalinyaro ah, isla-markaana khibrad fog u leh dhanka maamulka iyo maaliyadda, kaas oo helay kalsoonida golaha wasiirada oo maanta la horgeeyay. Sidoo kale golaha wasiirada ayaa maanta shirkooda Khamiislaha ah ku ansixiyay heshiis Iskaashi maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar. Heshiiskan oo ah mid muhiim ah ayaa ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga arrimaha caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar. Dhanka kale, wasaaradaha amniga gudaha iyo Glgaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo guullo waa weyn laga gaaray. Golaha ayaa sidoo kalw boggaadiyey guulaha ay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka gaareen goobihii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab. Ugu dambeyn golaha wasiirada ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan. The post Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo iyo Xisaabiyaha Guud + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  10. Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Xisaabiyaha guud ee Dowladda iyo heshiisyo iskaashi oo ay wada gaareen Soomaaliya iyo Qatar. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee magacaabista Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, kaas oo loo magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo leh khibrad dhanka Maamulka iyo Maaliyadda. Golaha ayaa ansixiyey heshiis Iskaashi Maamul wadaag oo ku saabsan dhaqan-gelinta Sharciga Canshuuraha Kastamada Soomaaliya iyo Qatar, Soo jeedin ku saabsan ku biirista aagga ganacsiga xorta ah ee dalalka Carbeed iyo Heshiiska Is-af-garad ee Iskaashiga Arrimaha Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya iyo Qatar. Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa warbixin ka siiyey golaha howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, wuxuuna goluhu boggaadiyey guulaha ay ciidamadu ka gaareen goobihii cadowga laga sifeeyey. Golaha ayaa warbixin la xiriirta xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Suudaan ka dhageystay guddiga gurmadka soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan Suudaan. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Xisaabiyaha guud ee dowladda appeared first on Puntland Post.
  11. Wefti ka kooban Madaxda dawladda deegaannada, Maayirada Diri dhaba iyo Addis ababa iyo weliba guddoonka xisbiga Barwaaaqo, ayaa maanta gaadhey magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigree. Weftigan oo u hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka xisbiga Barwaaqo Aadan Faarax ayaa halkaas u tegay sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaaayeen xaalka gobolkii colaaduhu ka dheceen. Madaxweynaha Tigre Getachow Reda ayaa soo dhoweeyey masuuliyiintan. Kulanka maanta ayaa waxa ciwaan looga dhigay “dadku waa islaayaa dabadeed heshiiyaa” Source
  12. Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maalinkii labaad baajiyay ololihiisa doorashada. Waxaa lagu waday inuu ka qeyb galo in uu ka qeyb galo furitaankii xaruntii ugu horeysay ee quwadda Niyukleerka . Balse waxaa xilli dambe la shaaciyay inuu xafladda uga qeyb gali doono qaab muuqaal fogaan arag ah. Maalintii salaasada ayaa la sheegay in madaxwayne inuu xanuun dareemay mar uu ka qeyb galayay wareysi telefishin. Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay oo warbixin cusub soo saartay ayaa ku eedeysay dowladda Turkiga inay ku xad-gudubtay cunaqabateynta hubka ee saaraan Soomaaliya, waxayna shaacisay inay ku ogaatay baaris ay sameeyeen khubaro ka tirsan QM oo loo xil-saaray arrintaasi. Warbixintan ayay Qaramada Midoobay ku sheegtay in baareyaasheeda ay ku ogaadeen in Turkiga uu Soomaaliya geeyay diyaarado hubeysan oo aysan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor. QM ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradahaasi ay yihiin Drones-ka Bayraktar oo ay farsamaysay shirkad ay leeyihiin qoyska madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in tallaabadan ay muujineyso in Turkiga uu si cad ugu xadgudbay cunnaqabteynta hubka ee Qaramada Midoobay, sida laga soo xigtay guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya ee u kuurgala xaaladda colaadeed ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo go’aankii Golaha Amaanka. Waxa kale oo warbixintaan lagu sheegay in Turkiga uu magaalada Muqdisho soo gaarsiiyay diyaaradaha Bayraktar TB2 December 6, 2021 iyada oo lagu daabulay laba diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah ee Airbus A400M oo ay maamulaan ciidamada cirka Turkiga. Sidoo kale, waxaa Turkiga lagu dhaliilay in xogta iyo dirista diyaaradaha uusan la wadaagin QM, kahor inta aysan ka howlgelin gudaha Soomaaliya, taas oo sii xoojisay eedeymaha culus ee loo jeedinayo Ankara. Dhanka kale, dowladda Turkiga oo jawaab rasmi ah ka bixisay eedeyntan ayaa iska fogeysay warbixinta Qaramada Midoobay, waxayna ku dooday in diyaaradaha ay geeyeen saldhiggooda magaalada Muqdisho uu ujeedkoodu yahay inay ka qeyb qaataan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa eedeyntan sii xoojinaya warar ay baahiyeen warbaahinta gudaha Turkiga oo horay u sheegay in saraakiil Soomaali ah oo tababar ku qaatay dalkaas loo gacan galiyay shan diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, taas oo liddi ku ah jawaabta xukuumadda Ankara oo iyadu sheegtay in diyaaradahaasi loogu talagalay in ay isticmaalaan ciidamada Turkiga ee Soomaaliya, laguna duqeeyo kooxda Shabaab. Turkiga ayaa haatan xiriir wanaagsan laleh dowladda federaalka, waxayna tababar joogto ah siisaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada dalka. The post Turkiga oo ku xad-gudubay cunaqabateynta hubka Somalia appeared first on Caasimada Online.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo horay deegaanadeeda uga mamnuucday laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa haatan ka laabatauy go’aankeedii hore, waxayna soo saartay war cusub, kadib wadahadallo dhex-maray labada dhinac. Qoraal uu soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland, Suleymaan Yuusuf Cali (Koore) ayaa waxaa lagu sheegay in xal rasmi ah laga gaaray khilaafkii uu dhexeeyay Somaliland & BBC. Wasiir Koore ayaa shaaca ka qaaday in arrinta lagu xalliyay shirar ay labada dhinac ku yeesheen xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland, isla-markaana ay qayb ka aheyd wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulkaasi, kadibna lagu gaaray heshii rasmi ah. Sidoo kale Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay qaaday xayiraada ay sanadkii hore 2022-kii ku soo rogtay BBC-da, isla-markaana maanta wixii ka dambeeya ay si rasmi ag uga howl-geli karto deegaanada maamulkaasi. “Sidaas daraadeed waxa aan ku wargelinayaa in aan maanta oo ay taariikhdu tahay 27/04/2023 aan ka qaadnay xayiraadii ka saarneyd ka howlgelida gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Idaacadda BBC-da laanteed afka Soomaaliga,” ayaa lagu yiri qoraalka. Horay Somaliland ayaa BBC-da ugu eedeysay in ay ku xad-gudubtay Qaranimadeeda, ayna hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadeeda, taas oo keentay in ay gebi ahaan mamnuucdo. Waxay sidoo kale Somaliland sheegtay in BBC ay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii jiritaanka ee ka dhexeeyey reer Somaliland iyo BBC-da, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka sare ee BBC-da oo ku aadan warka cusub ee Somaliland iyo dib u fasixida Idaacaddooda. Si kastaba, BBC-da oo ah warbaahin caalami ah ayaa marka ay ka hadleyo arrimaha Somaliland ugu yeerto Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida, taas oo ay muuqato inay dhibsatay xukuumadda Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso Ictiraaf. The post SOMALILAND oo BBC ka qaaday xayiraadii saarneyd appeared first on Caasimada Online.
  15. Hogaamiyaha Ciidamada Sudan ayaa muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay 72 saacadood oo xabad-joojin dheeraad ah,xilli ay sii socdaan dagaalada ay kula jiraan kooxda ka soo horjeeda ee ciidamada gurmadka degdegga ah oo haatan ku sugan duleedka caasimada Khartoum. Tallaabadaan ayaa timid waqti madaxweynayaasha Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Jabuuti ay ka shaqeeyeen hindise ay ka mid yihiin in la kordhiyo xabad joojinta iyo wadahadalka labada ciidan. Qoraal ka soo baxay hoggaamiyaha ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in madaxweyne Burhaan uu IGAD ka ogolaaday xabad-joojin dheeraad ah oo maanta ka bilaabaneysa goobaha la isku heysto sida magaalada caasimadda ah ee Khartuum. Ma jirto wax jawaab ah oo ay ciidanka RSF ka bixiyeen soo jeedinta ka timid urur goboleedka IGAD,waxaana dagaalladii ugu cuslaa ay ka dhaceen Umu-durman oo ah magaalo ku taal cirifka waqooyi ee Khartoum. PUNTLAND POST The post Xabbad-joojin dheeraad ah oo laga hirgelinayo dalka Sudan appeared first on Puntland Post.
  16. Mogadishu (HOL) - The European Union has announced a project worth 4.5 million euros to stabilize areas liberated by Somali government forces from Al-Shabab militants in the regional states of Galmudug, Hirshabelle, South West, and Jubbaland. Source: Hiiraan Online
  17. Beledweyne (Caasimada Online ) – Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable TV ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Hiiraan iyo is qab-qabsiga ka dhashay canshuuraha gobolkaas oo ay isku qabteen guddoomiye Cali Jayte iyo wasaaradda maaliyadda HirShabelle. Sheekh Cismaan Barre oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hiiraan ayaa marka hore weerar afka ah ku qaaday guddoomiye Cali Jayte, wuxuuna shaaciyay in maamulkiisa uu dhibaato ku hayo reer Hiiraan. “Cali Jayte meesha boqortooyo ma’aha waxaan ku sheegay in markii saddexaad ay tahay oo la magacaabay, shacabka reer Hiiraan dhibaatada haysato waa maamul xumo oo maanta ugu weyn waana maamulka ka jira gobolkaasi,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulka HirShabelle. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedka HirShabelle ay beddali karto Cali Jayte, isla-markaana uu u ogolaanayo Dastuurka iyo dowladnimada. “HirShabelle waa State sharci ah oo dhisan inay qofka ay doonaan ku beddalaan inay maamulka hagaajiyaan waajib iyaga saaran waayay oo Dastuuri ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Dhanka kale waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhashay canshuurta gobolka Hiiraan oo ay ku kala qaybsameen xubnaha maamulkka gobolkaasi, kadib markii ay wasaaradda maaliyadda maamulka HirShabelle amartay in si toos ah canshuurta loogu shubo qasnadeeda, si loo mideeyo canshuuraha. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shabellle oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sharci darro tahay in guddoomiye gobol uu farageliyo canshuurta dadweynaha, sida uu ku dooday. “Waa sharci darro in guddoomiye gobol uu canshuur faraha la galo waxaa la rabaa haddii ay dowlad dhisan tahay wasiirka maaliyadda ayaa iska leh iyo shaqaalaha wasaaradda maaliyadda inay qaadaan,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri siyaasiga Sheekh Cismaan Barre. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel sare gaaray khilaafka ka dhashay canshuurta ee u dhexeeyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo saameeyay wada shaqeyntooda. The post Daawo: Sheekh Cismaan Barre oo weerar ku qaaday guddoomiye CALI JAYTE appeared first on Caasimada Online.
  18. “I feel like as a minority, nobody cares about us. We don’t have a voice that will talk for us.” Source: Hiiraan Online
  19. Sudan’s army has expressed willingness to extend a shaky ceasefire for a further 72 hours amid continuing battles with the rival paramilitary Rapid Support Forces (RSF) on the outskirts of the capital Khartoum. Source: Hiiraan Online
  20. Doonni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub ayaa ku degtay xeebaha dalka Liibiya. Wararka ayaa sheegayaan in ay goobtaas ku dhinteen ugu yaraan 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka. Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta magaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimadda Tripoli. Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keeneen dhinaca berriga. PUNTLAND POST The post 55 qof oo ku geeriyooday doon ku degntay xeebaha dalka Liibiya appeared first on Puntland Post.