-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda, halkaasi oo uu ka furmayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS. Madaxweynaha ayaa waxa uu halkaasi kusoo bandhigi doona go’aanka dowladda federaalka ee la wareegista amiga dalka, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya. “Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdaba-joogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo militari ee wajiga labaad ee howl-galka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Al-Shabaab dalka iyo guud ahaan gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Villa Somalia. Madax iyo wakiilo ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia ayaa ka soo qeyb-galaya shirkaan, oo marti-galinayo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. “Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howl-gallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka Villa Somalia. Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, oo loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka. Midowga Afrika ayaa bishii hore ee March dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo doollor oo loogu tala-galay ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaasi oo taageero siiya ciidamadooda militariga ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Kampala, soona bandhigaya qorshaha DF ee… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen degmada Deyniile kusoo qabtay walxaha qarxa iyo ninkii waday, sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed. Howl-galkan oo si gaar ah uga dhacay xaafada War-laliska ee degmada Deyniile ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa hoggaanka baarista dembiyada. Ninkan ay ciidamadu kusoo qabteen walxaha qarxa ayaa xilligaasi ku waday Mooto Bajaaj, waxaana magaciisa lagu sheegay Xasan Nuur Cali, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Booliska. “Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen Hoggaanka Baarista Dembiyada iyo Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir oo iskaashanaya ayaa maanta degmada Deyniile gaar ahaan WAR–LALISKA ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Khawaarij Xasan Nuur Cali oo walxaha qarxa ku waday Mooto Bajaaj Guduud ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska Booliska oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu qirtay inuu rabay waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed oo waxba galabsan, iyada oo ciidamadu halkaasi ku qarxiyeen miinadii uu waday dhagar qabaha la qabtay. Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ayadu aad uga nasataya qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir. The post Booliska Muqdisho oo gacanta kusoo dhigay ‘walxa qarxa iyo ninkii waday’ appeared first on Caasimada Online.
-
Allied insurgency and invasion groups have prepared a plan to disrupt the security of Somaliland and the entire Horn of Africa region. These charges contained in a dossier with evidence have been submitted to the UN Security Council by the government of Somaliland. A France 24 television latest program on the Las Anod crisis aired last week 20 April 2023 made the revelations. In interviews it conducted in the country, it met with the prisoners captured in the war who vouched for humane treatment in captivity. Somaliland Minister of Interior Mohamed Kahin Ahmed noted in the interview, “Alliances of armies from Al-Shabaab, Puntland, and Somalia had planned and are behind the start of the Las Anod war.” Minister Kahin presented evidence that the government of Somaliland shared with the Security Council. “This (Abdi Madobe) is the leader of the al Shabaab group in the Las Anod area”, he pointed at a page. Pages in the dossier depicted evidence of the Somali and Puntland armies engaged in the battles hence fully documented. Minister Kahin accused the allied groups of wanting to create instability and the destruction of Somaliland. An expert from the International Crisis Group (ICG) Nicolas Delaunay observed that they have made many contacts with different sources to confirm that these forces indeed participated in the war in a tribal way. SOURCE: HORN TRIBUNE Qaran News
-
Officials from ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) troop contributing countries are finalising plans for a mid-year drawdown of two thousand troops from the East African country. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis (HOL) - Minnesota Attorney General Keith Ellison has launched a civil investigation into Investment Property Group UT (IPG) over allegations of collecting or attempting to collect illegal utility charges and pursuing baseless evictions at the Greenway Apartments, a predominantly Somali-occupied complex in South Minneapolis. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madax dhaqameedkii ka tegay magaalada Muqdisho ee u socday inay dhex-dhexaadiyaan xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC ayaa kulamo ka bilaabay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Madax dhaqameedkan oo shalay gaaray caasimadda Somaliland, oo si weyn loogu soo dhaweeyay ayaa waxay maanta la kulmeen shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland. “Shir-gudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta xarunta golaha ku soo dhaweeyey ergada dhaqanka ee ka timiday magaaladda Muqdisho, kuwaasi oo guurtida booqasho iyo salaan ugu yimiday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda. Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray ujeedka ay u socdaan madax dhaqameedka ka tegay magaalada Muqdisho, oo ah sidii xal nabadeed loogu soo dabaali lahaa colaadda sii daba-dheeraneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa uga warbixiyey hanaanka ay soo martay nabadaynta Somaliland, doorkii guurtidu ku lahayd iyo sida ay maanta uga go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa magaaladda Laascaanood. Odayaashan dhaqanka ee ka socda Muqdisho oo hore ula kulmay Isimida SSC ayaa sidoo kale waxaa la filaya inay la kulmaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo markii hore diidana imaatinkooda, balse markii dambe ku aqbalay cadaadiska caalamka ay ku saarayaan xiisadda dagaal ee Laascaanood. Odayaashan oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa sidoo kale waxay markii ugu horeysay la kumi doonaan bahda dhaqanka ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xil-saaray inay la hadlaan garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Mucaaradka Somaliland ayaa kal hore meel adag iska taagay waan-waanta ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, taasi oo sida muuqata aysan dhag jalaq u siin xukuumadda Somaliland. The post Madax dhaqameedkii ka tegay Muqdisho oo kulamo ka wada HARGEYSA appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE African Development Bank rolls out new Whistleblowing Policy New policy brings retaliation by contractors, consultants and suppliers under the Bank’s sanctions regime ABIDJAN, Ivory Coast, April 26, 2023/ — The African Development Bank Group (http://www.AfDB.org) has launched a six-month campaign to sensitize its internal and external stakeholders on its new Whistleblowing Policy, approved by the Boards of Directors in January this year. The Whistleblowing Policy 2023 builds on a 2007 policy, which at the time was widely considered as progressive and reflective of the value the Bank Group places on the contribution of whistleblowers to its anti-corruption processes, and its zero tolerance of any retaliation against them. The new policy sets additional standards, by bringing the Bank’s Boards members and elected officials under the disciplinary scope of the policy where they are found to have threatened or participated in retaliation against any internal or external party reporting fraud and corruption in Bank operations, or assisting in audits, investigations and disciplinary processes. Enhancing its ability to protect external whistleblowers, the new policy classifies retaliation by external parties within the context of AfDB-financed operations as Obstructive Practices, which are subject to debarment under the Bank’s sanctions system. The new policy ensures that the Bank will continue to protect natural persons or entities: who make disclosures of fraud or corruption in good faith, who refuse to violate the law by making public disclosures, who challenge national or international illegality, as well as abuse of authority, mismanagement, gross waste, or substantial health or safety threats, who are mistakenly identified as whistleblowers, including AfDB staff and consultants, private citizens, development partners, non-governmental organisations, professional bodies, government officials and officials of other international financial institutions, and employees of vendors and contractors participating in AfDB-financed projects, by making the guarantees of whistleblower rights by employers, a contract condition. The new Whistleblower Policy also ensures due process guarantees by: providing interim relief to persons impacted by retaliation pending the final determination of their grievances, protecting the rights of whistleblowers to seek recourse against decisions made by the Bank, protecting the anonymity of whistleblowers by maintaining confidentiality in its processes, and protecting the rights of whistleblowers to be notified of the status of their submissions. The Bank’s Boards of Directors have further committed to reviewing the new policy in 2028, after five years of implementation, taking into consideration implementation reports and feedback from stakeholders. In 2007, a review of the Bank’s whistleblowing policy by the United States-based Government Accountability Project (GAP) indicated that the African Development Bank was the first multilateral development bank to substantially comply with the whistleblower transparency reforms authored by senators Patrick Leahy (D-Vt.) and Richard Lugar (R-In.) and approved in an October 2005 U.S. appropriations law. GAP described the 2007 policy, as setting “a new standard for protecting staff members and others from retaliation when they report fraud or corruption [and]… guaranteeing employment for vindicated whistleblowers who suffer retaliation.” Whistleblowing Policy 2023 Sensitization Campaign to last six months Speaking at the launch of the Whistleblowing Policy sensitization campaign at the Bank’s headquarters in Abidjan on Tuesday 25 April, Paula Santos-Da Costa, Director of the Office of Integrity and Anti-Corruption, stated: “the campaign will be implemented over a six-month period in the Bank’s headquarters, regional and country offices and in Regional Member Countries.” Santos-Da Costa, the Bank’s designated chief whistleblower protection officer, said the campaign will be carried out through a variety of activities including, installation of information desks, dissemination of information, education and communication materials such as fact sheets and FAQs. The campaign will also engage beneficiary communities hosting Bank-financed projects, civil society organisations, relevant professional bodies, contractors and government officials involved in project implementation. The director further stated that an internal guideline has been developed and issued to “ensure the strategic and efficient implementation of the Whistleblowing Policy 2023”. The African Development Bank Group Whistleblowing Policy 2023 can be downloaded from the Bank’s website in English (https://apo-opa.info/3V7cAi4) and French (https://apo-opa.info/40HgGhY). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan oo uu wehlinayo Danjiraha dowladda JFS ee dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka qoyska ee dowladda Hindiya Mudane Mansukh Mandaviya. Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay arrimo aad muhiim ugu ah labada dal oo ay kamid yihiin, iskaashiga labada dal ee dhinacyada, horumarinta caafimaadka, kor u qaadida kaabayaasha caafimaadka, tababarrada shaqaalaha caafimaadka, tayada daawada iyo isticmaalka qalabka Tignoolojiyada, si loo hormariyo adeegyada caafimaadka ee Bulshadu uga baahan yihiin dowladdooda. Labada masuul ayaa isla gartay in loo baahan yahay in la fududeeyo howalaha safarka,caafimaadka ee ay dadka Soomaaliyeed ku tagaan dalka Hindiya, waxaana kulankaan uu noqon doonaa mid wax ka tara caqabadah ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caafimaad doonka ah. Wasiir Cali xaaji ayaa dhiggiisa Hindiya kala hadlay ugu dambeyn in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo tayadiisa lahubo islamarkaana dhameystiran, waxaana wasiirku intaas ku daray in la rajeynayo in mustaqbalka dhow laga kaaftoomo caafimaadka debadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu u ambabaxo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa magaalada Kampala uga qeyb-galaya shirka ATMIS oo looga hadlayo xaaladda amaan ee Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu furmi doonaa maalinta Khamiista ah oo ku beegan, 27-ka Apil ee 2023-ka, sida kal hore lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Uganda. Shirkan ayaa imanaya ka gadaal markii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dhiggiisa dalka Uganda u ka codsaday inuu martigeliyo shirweynahaas oo ay ka qaybgalayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya. Kulanka ka dhacaya Kampala ayaa Madaxda waxay qiimeyn ku sameyn doonaan guulaha laga gaaray fulinta waajibaadka howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) iyo in dib loo eego qorshaha dhimista howl-galkan, iyada oo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee soo baxay sanadkii hore. Madax iyo wakiilo ka kala socda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia ayaa ka soo qeyb-galaya shirkaan, oo marti-galinayo madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Shirkan mid hordhac u ah ayaa shalay ka furmay Kampala, kaasi oo looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka. Sidoo kale waxaa kulankaas warbixin looga dhageystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Madaxda shirkaas ka qeyb gashay ayaa ka marqaati kacay horumarka ballaaran ee laga sameeyay howl-galadda ka socda dalka, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen wejiga koowaad ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Si kastaba, sida qorshuhu yahay howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dalka ka hayaaman daba-yaqaadda sanadka 2024-ka, markaas oo la filayo in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Taiwan envoy to Somaliland Allen C. Lou at opening ceremony of Taiwanese snack shop in Kampala, Uganda Taiwan Representative to Somaliland Allen C. Lou (羅震華) recently embarked on an East Africa tour to meet with overseas Taiwanese and highlight their achievements. Lou traveled to Kenya and Uganda to exchange views and listen to their suggestions and concerns. Throughout the trip, Luo expressed sincere gratitude on behalf of the Taiwan government to the overseas Taiwanese for their efforts in promoting Taiwan. The Taiwan Representative Office in Somalia has established platforms such as a chamber of commerce and an emergency relief association to strengthen cooperation between Taiwan and the Somaliland private sector and to promote a positive image of Taiwan in East Africa. In Kenya, Luo presented a congratulatory letter to the president of the Taiwanese Emergency Assistance Association in Kenya, Chang Hao-ning (張皓寧) on behalf of the Chair of the Overseas Community Affairs Commission, Hsu Chia-ching (徐佳青). In Uganda, Luo presented an appointment letter for an overseas Taiwanese advisor to the president of the Uganda-Taiwan Chamber of Commerce, Chou Ting-hsuan (周庭選). The representative also attended the opening ceremony of the first Taiwanese snack shop in the capital of Kampala. The shop, aptly named Taiwan-to-Uganda (T2U), works with overseas NGOs and local farmers to promote local agricultural products. Lou praised the Taiwanese in Africa for being excellent goodwill ambassadors. Despite their small numbers, these communities are an extension of Taiwan’s strength, he said, adding that the Somaliland representative office will continue to listen to their suggestions. Taiwan and Somaliland forged closer ties in 2020, mutually setting up representative offices in Taipei and Hargeisa. Because of its geographical location, Somaliland acts as a gateway to Eastern Africa and the rest of the continent and is able to facilitate travel and logistics needs for Taiwanese traveling in the region Taiwan News Qaran News
-
Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxay sheegayaan in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay guri ku dumay qoys deganaa xaafada Barwaaqo ee magaalada Berbera. Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dhacdadan, halka laba kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada oo hadda lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad. Qofka dhintay ayaa la sheegay inay aheyd haweenay da’ah oo Maamadii guriga aheyd, iyada oo dhaawac culusna uu soo gaadhay gabadh kale, halka inan yarna lasoo bad-baadiyay iyada oo ku neef qabatowday bur-burka. “Reer jiifa ayuu gurigu ku dumay, waxa laga soo saaray saddex qof, islaan mayd ah, inan yar oo sirirsan iyo gabadh dhaawac aad u culus qabta,” ayuu yiri mid kamid ah goobjoogayaasha ku sugna guriga dumay oo la hadlay warbaahinta gudaha. “Saddex billood ka hor ayay hablahaasi kasii calaacalayeen guriga hadana saaka qadarka Ilahay ayaa dhacay,” ayuu yiri mid kale oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta, kaasi oo sheegay in guriga uu ahaa mid qadiimi ah, ayna ka walaacsanayeen qoyska deganaa inay dhibaato kasoo gaari karto. Ciidamada dab-damiska gobolka Togdheer oo iyagu gaaray goobta, ayaa u gurmaday qoyska dhibaatadu soo gaadhay iyaga oo gabadha dhimatay marka laga reebo soo badbaadiyay qoyska intii kale. “Alle ha unaxariistee Gabadh ayaa ku Geeriyootay, halka laba qof oo kalena ciidamada Dabdemisku ka soo badbaadiyeen dhisme ku soo dumay qoyskii degenaa. Shilkan ayaa ka dhacay degmada Daaroole gaar ahaan xaafada Barwaaqo. Ciidamada Booliska magaalada Berbera, dawlada hoose Berbera iyo dadweynaha ayaa iyaguna hawlgalkaa gacan weyn ka geystay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ciidamada Dab-damiska Somaliland. Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidamada Dab-damiska “Qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxdayna samir iyo iimaan. Alle haw naxariisto.” Ciidamada Dab-damiska ayaa waxay fariin adag u direen bulshada kala duwan ee reer Somaliland, iyaga oo faray inay ka taxadaraan, islamarkaana dayactiraan dhismayaasha keeni kara halis nafeed, sidoo kale ka feejignaadaan bullaacadaha iyo musqulaha jilicsan ee u nugul inay dumaan. The post Dhacdo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacday Berbera appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniintii ugu horreysay oo laga soo daad-gureeyay dalka Sudan ka soo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Muwaadiniintan oo tiradoodu gaareyso 18 qof ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Muwaadiniinta maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxay dowladdu sheegtay in laga soo daad-gureeyay xadka Sudan uu la leeyahay dalka Koofurta Suudaan gaar ahaan magaalada Buluja. Ku-simaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo qeyb ka ahaa masuuliyiinta garoonka Adan Cadde ku soo dhaweeyay muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in diyaarad qaas ah oo ay leedaha dowladda Kenya looga soo qaaday dalka Koofurta Suudaan. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay weli ku howlan tahay sidii ay dalkooda hooyo looga soo celin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeesheen colaadda ka taagan dalka Sudan. Ku dhawaad 500 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa la filayaa in isla maanta ay kasoo dagaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo daad-gureeyneyso dalka Suudaan oo ay ka dhaqan gashay xabbad joojin aan caga adag ku taagneyn. Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya. Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo. Si kastaba, Dagaalka ayaa xaafadaha shacabka ka dhigay furimo dagaal. Duqeymaha iyo hubka taankiyada ayaa dilay 459 qof, wuxuuna dhaawacay illaa 4,000 oo kale. The post Sawirro: Soomaalidii u horeysay ee laga soo daad-gureeyay SUDAN oo kasoo degay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Haamaha kaydka Shidaalka Berbera ayaa Muddo 30 Sano Iyo dheeraad ah Oo Somaliland Jirtay Xaalad Aanay Soo Marin Hadda Galay. Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera Oo Xaalada Muddo 30sano ah Aanay Gelin Waayadii Udanbeeyay Kusugnaa Taasi Oo ay keentay In gebi ahaanba Laga Wareego Haamahii Kaydka Shidaalka Ee Berbera Ee Dawladu Lahayd Islamarkaasina ay Ganacsatadii Shidaalka Keenijiray ay Uwareegaan Haamaha Cusub Ee Dahabshiil Group. Wararka Ka Imanaya Magaalada Berbera ayaa Tibaaxay In Haamahii Shidaalka Ee Dawladu Lahayd Laga Wareego Oo Ganacsatadii Uwareegtay Haamaha Shidaalka Berbera Kaasi Oo Maalamaha Qaar Haamaha Dawlada Laga Dhaamiyo ilaa 3booyad Halka Maalmaha qaarna Aanay Waxba Laga dhaamin. Haamaha Shidaalka Berbera ayaa wararku Intaasi Kudareen In Loo Xidhay Shirkada ay Dawladu Masuul Katahay Oo Magaceedu Yahay Trafakuura. Xaaladan Soo Foodsaartay Haamaha Shidaalka Berbera ayaa Hoos Udhac dhaqaale Ku Keentay Dakhligii Ay Dawlada Ka Helijirtay Haamaha Waxa Kale Oo Wararku Tibaaxeen In Shaqaalaha haamaha Shidaalka Berbera Bilahii Ina Soo dhaafay Loo Amaahday Musharkii ay Ku Shaqaynayeen Taasi Oo Wararku Intaasi Kudareen In Shaqaale Dhimis Lasamaynayo dhanaca haamaha ah. Qaran News
-
Salaadiintii u socotay dhexdhexaadinta colaada Laascaanood ee Hargaysa soo gaadhay oo la kulmay Guddoomiye Saleebaan. Madaxdhaqameed kasoo kicitimay magaalada Muqdisho, ee u socda in ay ka qayb qaataan xalinta colaada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa saaka tagey xarunta golaha guurtida Somaliland. Madax dhaqameedkan ayaa xafiiskiisa ku booqday guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, kaasi oo la filayo inay ka wada hadlaan arrimaha colaada Laascaanood iyo sidii xal looga gaadhi lahaa soo af-jarida xaaladdaasi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin iyo xog dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaas oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in mooshinkan lagu diyaarinayo magaalada Nairobi oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran. Nabadoon Kacaan oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa shaaca ka qaaday xog ku aadan mooshinkaas, cidda ka dambeysa iyo danaha kale ee laga leeyahay. Kacaan oo u warramay Idaacadda Kulmiye ayaa sheehay in arrintaan ay dhaawac weyn ku tahay dowladnimada, sidoo kalena ay caqabad ku tahay dagaalka adag ee lagula jiro Shabaab. “Arrintaan mooshinka ah ee golaha baarlamaanka uu wado waa dhaawac aad iyo aad u weyn si xukuumadda lugaha loo qabto, si ay dowladnimada u shaqeynin, si ay dowladda uga hakato dagaalka ay kula jirto Khawaarijta,” ayuu yiri Nabadoon Kacaan. Waxaakale oo uu raaciyay “Waxay arrintaan dhaawac ku tahay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed maxaa yeelay dagaal ayuu madaxweynaha u iclaamiyay shacabka Soomaaliyeed”. Dhanka kale Nabadoon Kacaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay in mooshinka ay ka dambeyso Puntland, isla-markaama ay taageero ka heleyso xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, sida uu ku dooday Nabadoonku. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Puntland ay dooneyso inay hesho xilka ra’iisul wasaaraha oo ay horay u weysay, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaa wato Puntland iyo ragga baarlamaanka taabacsan marka arrintaas waxaa weeye ninka iga rid aniga aan fuulee” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Nabadoonka. Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan bani’aadanimada. The post Yaa ka dambeeya mooshinka R/Wasaare Xamza? – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - An 11-month-old Somali girl, Mustalfo Abdirisak Ahmed, recently underwent a minimally invasive Ventricular Septal Defect (VSD) device closure procedure at Medicover Hospitals in Hyderabad, India. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has begun evacuating citizens stranded in Sudan due to ongoing conflict between the Sudanese army and the paramilitary Rapid Support Forces. Eighteen Somali citizens arrived at Mogadishu's Aden Adde Airport on Wednesday after being evacuated from Buluja, near Sudan's border with South Sudan. Source: Hiiraan Online
