Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Britons are feared to have been stranded in Sudan following reports that the country’s armed forces had prevented a number of people from reaching the last rescue flights out of the war-torn country on Saturday. Source: Hiiraan Online
  2. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa halkaas ka wada kulamo siyaasadeed. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xalay kulan gaar ah Addis Ababa kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida DDS Mustafe Muxumed Cumar. Kulanka ayaa ku bilowday Casha sharaf uu Madaxweynaha Dowlad Degaanka Mustafe Cagjar u sameeyay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegtay in Kulanka looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaag Khibradaha kala duwan. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe iyo Mustafe Cagjar oo kulan gaar ah ku yeeshay Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay dhiggiisa is-maamulka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar. Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Mustafe Cagjar casho sharaf ku maamusay Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo in dhowaanahan ku sugnaa caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Labada mas’uul ayaa kulankooda waxa ay uga wada-hadleen saddex arrimood oo kala ah iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay baahisay madaxtooyada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. “Casho Sharafta kadib masuuliyiinta ayaa yeeshay wada hadalo miro dhal ah oo lagaga hadlay iskaashiga labada dhinac ee amniga xuduudaha, dhaqaalaha iyo wadaaga khibradaha Hay’adaha kala duwan” warka qoraalka ah ee kasoo baxay dhanka maamul goboleedka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa horay ula kulmay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga tallada haya ee Barwaaqo Aadan Faarax iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shidde. Dhammaan waxaa kulamadaas looga hadlay soo celinta xiriirkii wanaagsanaa ee Itoobiya iyo maamulka Jubbaland, kaasi oo sida la rumeysan yahay meesha ka baxay tan iyo sanadkii 2019-kii. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka dalkaasi, kaasi oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howl-galada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Sida ay ogaatay Caasimada Online, socdaalka Axmed Madoobe ee dalka Itoobiya iyo kulamada uu ka wado Addis Aabab ayaa waxaa qorshaheeda lahaa dowladda Imaaraadka Carabta, oo iyadu ka shaqeysay isu soo dhawaanshaha Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ee xilligaan. Si kastaba, Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe ku howlaneyd soo celinta xiriirka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxda dalka Itoobiya, xiriirkaas oo xumaaday sanadkii 2019-kii, xiligaas oo Abiy Axmed uu Axmed Madoobe kala saftay Farmaajo oo ay siyaasadda isku hayeen. The post Sawirro: Axmed Madoobe oo saddex arrin kala hadlay madaxweyne CAGJAR appeared first on Caasimada Online.
  4. For the past two decades, many rural homes in Africa have relied on solar home systems to meet their basic power needs, like lighting a few bulbs, charging the family's mobile phones and powering small appliances like radios and televisions. Source: Hiiraan Online
  5. CAIRO (Reuters) - Sudan's warring factions are locked in a conflict that two weeks of fighting shows neither can easily win, raising the spectre of a drawn-out war between an agile paramilitary force and the better-equipped army that could destabilise a fragile region. Source: Hiiraan Online
  6. Mahadaay (Caasimada Online) – Xaalad baqdin ah ayaa la soo sheegaya in ay la soo deristay shacabka ku dhaqan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab lagu arkay deegaano hoos yimaada degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab lagu arkay duleedka degmadaasi, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Webiga Shabelle. Imaanshaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay jawaab u tahay, kadib markii ganacsatada Degmada Mahadaay ay iska diideen dhaqaalihii ay maleeshiyadaasi siin jireen. Iyadoo loo hoggaansamayo awaamiirta ay Dowladda Federaalka ka soo saartay inaanan lala macaamili karin Al-Shabaab, dhaqaalana aan la siin karin ayay ganacdato badan oo dalka sugan bilaabeen in ay joojiyaan lacagihii ay siin jireen maleeshiyadaasi. Sidoo kale dib ugu soo laabashada mintidiinta ee deegaanadaasi ayaa imaanaysa, xilli ay istaageen hawlgaladii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay maleeshiyadaasi kaga sifeynayeen dhulka hawdka ee Degmada Mahadaay. Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadka reer Mahadaay ay xilligan ka baqdin qabaan in maleeshiyada Shabaabka ay soo weeraraan degmada, inkastoo ay degmadaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS. Marka laga soo taggo dagaalka tooska ah ee ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada, dowladda ayaa sidoo kale Shabaabka kala dagaalameysa dhanka dhaqaalaha iyo weliba xagga fekerka. The post Shabaab oo ku soo laabtay duleedka degmada Mahadaay kadib go’aankii ganacsatada appeared first on Caasimada Online.
  7. Homicides are on the rise, pa.rticularly among married couples and their offspring. This op-ed focuses on the issue of homicide and the use of poison as a weapon, which has traditionally been an invisible crime, and the malpractices in medicine that often go unquestioned in Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. “Suldaan hebeloow, u jawaab Suldaan hebel.” Intaasi marka la qoraayo ayay fududahay, marka se ficlan loo samaynaayo, ma sahlana. Madaxtooyo, wasiirro, lacag, telefoono iyo shirar baa ku baxa. Shaqo culus weeye. Madaxweynaha iyo xukuumaddu shaqo adag, oo adag, oo xataa ka sii adag wax kasta oo adag, oo aydaan sinaba u malayn karayn ayay hayaan! Is ku soo wada duub, Somaliland hadii aad maqashaan waa dhaqaaqday, dadkiina aan xogogaalka ahaynoow ha u qaadanina dhaqaaqii hore-u-socodka! Kalmado micnayaal badan leh baa jira. Waxaa Qoray: Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  9. Algiers (HOL) - In a historic moment for Somali football, the U-17 national team, known as the Ocean Stars, made their debut on the prestigious TotalEnergies AFCON U-17 stage, facing off against host nation Algeria. Despite a 2-0 loss to the Desert Foxes, the young Somali side displayed remarkable potential and resilience throughout the match. Source: Hiiraan Online
  10. Algiers (HOL) - In the historic opening match of the TotalEnergies AFCON U-17 tournament, debutants Somalia faced a challenging battle against host nation Algeria. The first half ended with a 1-0 lead for Algeria, but Somalia demonstrated their determination to make an impact on the international stage. Source: Hiiraan Online
  11. Galcad (Caasimada Online) – Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa galabta howlgallo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ugu culus wuxuu galabta ka dhacay degaanka Ceel-Cali-godle oo dhanka waqooyi kaga beegan degaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa cagta mariyay goobo ay gabaad ka dhiganayeen Al-Shabaab, halkaas oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay kooxdu soo dhoobtay dagaalyahano badan. Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in qoysas reer miyi ah ay deegaankaas ka raacdeeyeen, si aan loo helin xogtooda, balse waxaa la sheegay inay maanta carareen, markii ay ka war-heleen in ciidanka dowladda uu ku soo duulay. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii maanta ayaa sheegay inay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-Cali-godle ee gobolka Shabeellada Dhexe. Sidoo kale saraakiisha ciidanka ayaa warbaahinta u sheegay in aysan ka hari doonin kooxdii ka carartay deegaankaas ee Al-Shabaab oo weli ku dhuumaaleysaneysa dhulka howdka ah ee gobolka Shabeellada Dhexe. Todobaadyadaan waxaa gaabis ah duulaanka dowladda ee dagaalka Al-Shabaab, waxayna ciidanka ugu badan hadda kala joogaan Galcad iyo Ceeldheer oo ka tirsan Galgauud. Wixii ka dambeeyey markii kooxda Al-Shabaab ay ciidanka ku weerartay deegaanka Budbud oo lagu dilay askar badan gaadiid badana ay ku gubeen, waxaa hakaday dhaqdhaqaaqii ciidanka, waxayna hadda u muuqataa in kaliya ay is difaacayaan. Ciidanka qaranka oo ka tallaabay gobolka Shabeellada Dhexe, gudahana u galay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud oo waligood ay Shabaab maamulayeen ayaa isku diyaarinaya xoreynta qeybaha ay gobollada ka joogto kooxdu. The post Sawirro: Ciidanka xoogga oo galabta deegaan muhiim ah ka xoreeyey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  12. Allah Ha U Naxariistee Hal Wiil ayaa Ku Geeriyooday Balli ku yaalla Duleedka Koonfureed Ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Digaale. #Hargeisa-Allah ha u Naxariistee Wiil 18 Jir ah laguna magacaabo Maxamed Cali Faarax ayaa ku Dhintay Balli ku yaalla magaalada Hargeysa duleedka koonfureed ee Xaafada Digaale. Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan. Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista. Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta. Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo. Xigasho-Warbaahinta Ciidanka Dab-damiska Somaliland. 990 Gurmadka Degdega ah Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee 17 jirrada ah ayaa caawa la ciyaaraya xulka dalka Algeria ee dhiggooda ah, tartanka Koobka Qaramada Afrika ee ciyaartoyda 17 jirrada ka yar. Dadka Soomaaliyeed ayaa caawa aad u dhowraya natiijada cayaartaan, waxayna dhalinyarada Muqdisho qabaan rajo ah in Soomaaliya ay guul ka gaari doonto ciyaarta caawa. Xulka Qaranka Soomaaliya, waxay caawa la cayaari doonaan kooxda uu dalkeedu marti gelinayo cayaaraha koobka qaaradda Afrika ee Algeria, wuxuuna caawa koobkaasi ka furmayaa caasimadda Al-jaza’ir ee dalka Algeria. Soomaaliya iyo Algeria, weligooda isagama hor imaanin cayaaraha kubadda cagta, xulka Algeria waa markii labaad oo tartankaan ay ka soo qeyb galayaan. Cayaartoyda Soomaaliya waa markii labaad oo tartankaan ay ku soo baxaan, balse waa markii koowaad oo ay ka qeyb galaan finalka cayaaraha koobka qaaradda Afrika. Sanadkii 2018-kii waxay cayaartoyda Soomaaliyeed u gudbeen finalkii koobka cayaartii la qabtay sanadkii 2019-kii, balse xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa xilligaas ka cudur-daartay inay ka qeyb galaan ciyaartaas. Sababta ay Soomaaliya sanadkaas uga hartay cayaartii kama dambeysta aheyd ee koobka qaaradda Afrika waxay xiriirku ku sheegeen dhaqaale la’aan heysay xulka. Soomaaliya ayaa hoggaamineysa koobkii sanadkii hore lagu soo gabagabeeyey dalka Itoobiya oo wacdare ay ka dhigeen, waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay ka qeyb galeyso cayaaro heer caalami ah, burburkii dalka kadib. Cayaartoyda labada qaran ee Soomaaliya iyo Algeria ayaa ku jira diyaar garowgoodii ugu dambeeyey, waxayna ciyaartaan bilaabaneysaa caawa 10:00 am, rajo badan ayey qabaan xulka Soomaaliya. Ciyaar-yahan muhiim ah oo lagu magacaabo Cabdixaafid ayaa lagu reebay dhanka shuruudaha koobka, gaar ahaan dhanka da’da, waxaana reebitaanka ciyaaryahankaas aad uga dooday xulka Soomaaliya oo weli rajo ka qaba in hadii caawa uu ka haro xitaa uu ka qeyb galo ciyaaraha dambe. Xulka 17-jirrada Soomaaliya waxay hadda gudaha u galeen garoonka ay cayaartu ka dhaceyso ee Nelson Mandela Stadium, halkaas oo ay kula ciyaari doonaan dhigooda Algeria daqiiqado kadib ayey bilabaneysaa cayaartaan. The post Xogtii ugu dambeysay ciyaarta caawa dhex-mari doonta 17-jirrada Somalia iyo Algeria appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Wadanka Jabuuti waxaa saameyn weyn ku yeeshay qulqulka dadka ka baxsanaya dagaallada ka qarxay dalka Suudaan, dadkaan oo reer Galbeed u badan ayaa buux dhaafshay garoomada caalamiga ah ee Jabuuti. Dadka gaaraya Jabuuti waxaa laga soo daadgureynayaa caasimadda Sudan ee Khartoum, si loogu gudbiyo dalalkooda. Garoonka diyaaradaha ee Djibouti waxaa si joogto ah maalmahaan u fariisanaya oo soo caga dhiganaya diyaarado badan oo howlgallo daad-gureyn ah ka wada Suudaan. Dadkaan ayaa hadda bilaabay inay u sii amba-baxaan dalalka Midowga Yurub oo intooda badan ay ka soo jeedaan, waxaana laga dhoofinayaa Jabuuti, iyadoo koox walba dalka ay u dhasheen dib loogu celinayo. “Si wanaagsan oo aad aan u jecleystay ayaa la iigu soo dhaweeyey Jabuuti, waxaana jeclahay inaan dib ugu soo laabto dalkaan, markii laga baxo xaaladaan daad-gureynta ah,” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii maanta laga dhoofiyey garoonka magaalada Jabuuti oo dib ugu laabtay wadankiisii. Nin kale oo ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey dagaalka ka socda Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in dadka reer Jabuuti ay xusuus gaar ah ku reebeen, kadib markii ay magan-geliyo iyo soo dhaweyn u fidiyeen. “Waa markii ii ugu horeysay oo aan Jabuuti cagaha soo dhigay, markii laga laga baxo xaaladaan samata-bixinta ah ayaan dib ugu soo laabanayaa dadkaan wanaagga badan,” ayuu yiri ninkaan oo maanta diyaarad loo saaray qaaradiisa Yurub. Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad. Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood, iyadoo dagaalka la isku adeegsanayo duqeymaha, taangiyada iyo madaafiicda uu gilgilay Khartoum iyo magaalooyinka ku dhow ee Bahri iyo Ombdurman. Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF kaasi oo soo bilowday 15-kii bishan April, kaasi oo quus geliyey qorshe ay beesha caalamku taageersaneyd oo dalkaasi uu ugu guurayay hannaan dimuqraadi ah. Dagaalka ayaa sidoo kale dib u soo kiciyay colaadda labaatan sano jirsatay ee gobolka galbeedka dalkaasi ku yaalla ee Darfur halkaasi oo dad badani ay toddobaadkan ku dhinteen. Ciidanka ayaa diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha laheyn ee drones-ka ku beegsanayay xaafadaha ay ciidamada RSF kaga sugan yihiin caasimadda. Dad badan oo ku nool magaalada ayaa ku xayiran dagaal magaaleedka oo keenay raashin yari, shidaal iyo koronto la’aan. Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo aaminsan khasaaraha dhabta ah uu intaasi aad uga badan yahay. The post Dagaalka ka socda Sudan oo saameyn culus ku yeeshay Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Banaan-bayo culus oo lagu taageerayo qorshaha maamulka gobolka Banaadir uu kula dagaalamayo maan-dooriyaha ayaa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho. Banaan-baxaan waxaa dhigay dhalinyarada ku nool gobolka Banaadir, waxayna la hadleen warbaahinta, iyagoo cod dheer ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ku garab taagan yihiin qorshihiisa suulinta daroogada. Dhalinyaradaan ayaa si gaar ah taageero ugu muujisay go’aankii uu qaatay guddoomiye Madaale oo gacantiisa ku uleeyey dhalinyaro isticmaaleysay maan-dooriyaha. “Xumaan wade dooni meyno, maan-dooriye dooni meyno,” ayey ku qeylinayeen dhalinyaradaan oo socdaal ku soo martay qeybo badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii dhalinyaradaan ayaa isugu tagtay fagaaraha Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere, halkaas oo warbaahinta ay kula hadleen. “Waxaan maanta sigu soo baxnay suulinta maandooriyaha iyo silica ka jira magaalada Muqdisho, wado fiican ayuu guddoomiye Madaale noo furay, waxaana rajeynayaan in Muqdisho laga siiliyo xumaan oo dhan,” ayey tiri gabar ka mid ah dhalinyaradii banaanbaxa dhigtay. Waxay dhalintaani duqa Muqdisho ku dhiirageliyeen inuu sii laba jibaaro dagaalka uu kula jiro maan-diiriyaha, “Madaale waan kula shaqeyneynaa, guryaha iyo goobaha lagu qariyana, waan kaala soo saareynaa daroogada,” ayey tiri gabar kale. Sidoo kale dhalinyaradu waxay codsatay in magaalada, gaar ahaan dekedda iyo garoonka laga joojiyo maandooriyaha laga soo dejiyo, “Dhalinteena qaar waxay aamintay in aysan joogi karin Taabuu la’aan ee deg deg waan wax uga qabano arrintaan,” ayuu yiri wiil ka mid ah banaan-baxayaashii galabta. Hoos ka daawo The post Daawo: Banaan-bax culus oo looga soo horjeedo xaalad Muqdisho ka taagan appeared first on Caasimada Online.
  16. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan dalka Morocco ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Carabta. Shirkaan oo ka furmay magaalada Rabaat ee dalka Morocco ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha iyo iskaashiga Hey’addaha dhaqaalaha dalalka Carabta. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa la waddaagay Hey’addaha iyo Dowladdaha ka soo qeybgalay shirkaan arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur ayaa sheegay inuu ku booriyay Wasiiradda Jaamacadda Carabta ee dhiggiisa ah iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda Carabta in ay sii waddaan garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya. “Waxa aan maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Rabat ee Boqortooyada Morocco. Waxa aan sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda dowladaha iyo kuwa hey’adaha maaliyadda Carbeed, waxa aan warbixin ka siiyay arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka. Waxa aan ku booriyay Wasiiradda Maaliyadda Carabta ee dhiggayga ah iyo Hey’addaha kale ee Maaliyadda ee carbeed in ay sii wadaan garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono inta uu shirku socodo Wasiirada dhiggiisa ah iyo Madaxda Hey’adaha Maaliyadda Jaamacadda Carabta ee shir ku sugan. Dowladdo iyo Hey’addo dhaqaale oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ku leh Mallaayiin Doollar oo lacago deymo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Sudan's paramilitary Rapid Support Forces (RSF) shot at a Turkish evacuation plane as it was landing at Wadi Seyidna airport outside Khartoum on Friday, damaging its fuel system, Sudan's army said. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sidoo kalena ah ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada oo soo saaray warbixin dheer ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka. Cabdiraxmaan oo qormo cajiib ah ku daabacay boggiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay shaqada baarlamaanka, arrimaha ammaanka, siyaasadda, dagaalka iyo Laascaanood, wuxuuna saluug weyn iyo dhaliil ka muujiyay hannaanka ay wax uga socdaal waddanka. Ergeyga ayaa warbixintiisa ku muujiyay inuu jiro gaabis weyn oo ay sameynayaan hay’adaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir, balse waxa uu tilmaamay in uu si adag oo kalinimo ah u shaqeynayo madaxweynaha, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hooose ka aqriso:- Waxaan ahay xildhibaan ku jira 6 Whatsapp group ka billawda kan beesha hoose ee Cayr, ku xiji kan Habargidir, Mogadishu Clan, xildhibaannada Galmudug, mid loo bixiyey aayaha Baarlamaanka, kan guud ee Golaha shacabka. Midkoodna hawlihii Golohu lahaa ee sharci dejin, jihayn siyaasad qaran, korjoogtayn laanta fulinta metelaad deegaan, iyo doodaha masiirka dawlad dhiska, la dagaalanka Alshabaab toona loogama hadlo. Golaha Shacabku xubnihiisu waa 275 mudane, lagu so xulay 4.5, laakiin jufo, beel ama qabiil isku ajande ah, ama isku meel wax u wadaahi ma jiro. Xisbiyo ama kutlooyin laga tirsan yahayna ma laha. Xildhibaan kasta madaxiisaa mayrax ugu xiran tahay, waa nin walbow naftaa nabiyow umaddaa. Qaar waxay ka joogtaa maxaaan shaqadaydii uga soo tegey. Markii Golihii la xiray Cumro, Istanbuul iyo Nairobi ayaa loo kala yaacay. Nairobi waxaa maalmo dhow ku sugnaa ku dhowaad 10 wasiir iyo 100 xildhibaan oo danahooda shakhsiga ama qoysaskooda la jooga, kuwaa ayaan ka mid ahay. Maqaayadaha iyo hoteellada Kenya ayaa la isaga soo hor baxaa. Ra’iisul Wasaarihii isna ku dhowaad labo toddobaad ayuu Cumro iyo Ciid ku maqnaa. Allaha ka aqbalo. Madaxweynaha kaligiis ayaa harjad iyo halgan dagaal Al-Shabaab kula jira. Wuxuu u egyahay nin sidii Nabbi Muuse (CS), lagu yiri “Tag oo adiga iyo Ilaahaaga dagaallama halkaan ayaan kugu sugaynaa”. Qof walba in Alshabaab laga soo adkaado ayey sugaysaa. Waa dagaalkii Putin iyo Ukraine oo kale. Maayarkii Muqdisho isagoo dhallinyaro budayn ku jira, ayaa magaaladii mar qura biyo ku soo burqadeen, bullaacadihiina wada butaaceen, Bajaajtiina weli ma bejin. Waxaan arkay ruux masuul ah oo Facebook-giisa ku aammanay bakooradda Maayarka, labo maalin ka dibna isla qofkii ayaa la ii sheegay in uu qolo ajnabi ah kula sheekaysanayey in Maayarku yahay xagjir loona baahan yahay in dalka laga qabto. La yaabbi mayo, sababtoo ah labo wajileynta waxay noqotay meherada keli ah ee maanta siyaasadda ka furan. Ma sahlana in aad siyaasadda ka libin keento haddii aad waydo saaxib runta kuu sheega, dhufaysna kuugu jiraan mucaarad iyo maamul gobolleedyo doonaya in ay ku wiiqaaan, dagaalna kula jirto cadow doonaya in uu ku dilo. Dunida ma jiro dal 30 sano gobannimo la’aan ah, dadkiisuna la noolyihiin argagexiso, colaad, faqri, cudur, waxbarasho la’aan, abaaro, fatahaad, sharci iyo kala danbayn la’aan, dhallintiisiina rajo beel iyo quus darteed, ay qax iyo tahriib hor leh billaabeen. Dagaalka Laascano weli ka socda ee dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo hanti burburka baaxadda leh sababay wuxuu tilmaan ka bixinaya halka ay Soomaali 30 sano ka dib taagan tahay. Somaliland waxaa ku dhacay gaboodfal magac dawladeed loogu geestay, ka dibna gooni isku taag ayey xal u arkeen. Sidoo kale ayaa reer Laascaano gaboodfal u geystay maamulka Somaliland, waxayna doonayaan midnimo Soomaaliyeed. Haddii aan midnimo Soomaaliya lagu qasbi karin Somaliland, sidee Laascaano midnimo Somaliland loogu qasbayaa? Laancaano kuma eka ee beelihii kale way cabanayaan, muddo xileedka Biixina waa dhamaaday, isfaham la’aan ayaa isaga iyo mucaaradka ka dhex taagan, ismadii xalka keeni jirayna waa kuwa leh; “Abidkeeyba meel lagu xintamo waa anigaa xigaye maxaa iga xumaan jiray, haddii rag is xiniin taabto”. Halkaa sawir aan wanaagsanayn iyo saadaal aan wacnayn ayaa ka soo socota. Taa waxaa la mid ah muddo xileedka gabaabsiga ah ee madaxda dawlad Gobolleedyada Federaalka iyo damaca muddo kororsiga ee ay wada qabaan, goodiska, hanjabaadda iyo is abbaabulka ay wadaan siyaasiyiinta diiddan xil kororsiga ee iyaga xukunka kula loollamaya iyo ka dan la’aanta qaybaha kale ee bulshada iyo daalka ka muuqda beeshii caalamka ee booliska ahayd, waxaasoo idil waa daruur mugdi ah oo Soomaaliya dul hoganaysa. Culimada cilmiga bulshada waxay yiraahdaan, “sida ay ummadi u nooshahay waxay ka turjumaysaa aragtida ay nolasha ka qabaan”. Cidna ku eedi mayno waxaan u noolnahay sidii aan mutaysanay. Carabta waxay tiraahda; “shidooy bado si dhabbe u furmo”. Habeenku marka uu ugu mugdiga badan yahay ayuu waagu dillaacaa, siday u indha xuntahay uma Alle la’a, inkastoo Qaanuunka Rabaaniga uu ahaa “Ilaaheey qolo ma beddelo ilaa iyo inta ay iyagu iska beddelaan”. “Qaanuunka Allana isma beddelo ismana doorsho” Isbedel kama horeeyo iyadoon sida aan u fekerayno iyo aragtideena diinta, aduunka iyo dawladnimada isbedelin. The post CC Shakuur oo soo saaray warbixin lid ku ah dowladda appeared first on Caasimada Online.
  19. Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda goobta ayaa Sabtida maanta ah laga maqlaya gudaha magaalada Khartoum ee xarunta dalka Suudaan. Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood. Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF. Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Suudaan appeared first on Puntland Post.
  20. Darawalo dadka ku xujenynaya $40,000 si ay xadka uga taalaabiyaan Qoys ka qaxay dalka Suudaan, ayaa sheegay inay ka mid yihiin kumannaan reer oo ku xayiran xadka Masar, sababo la xiriira darawallada oo dalbanaya $40,000 oo u dhiganta (£31,810), si loogga kireeyo ay soohdinta uga tallaabaan. Dadka ku safraya basaska oo kaliya, heestana ruqsadaha gaarka ah, ayaa ka gudbi kara xadka. Isaga kala tallaabista lugta, ayaa ah mamnuuc. Waxaa jira qoys ka kooban toddobo qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 10 sano jir, ayaa ka baxsaday dagaalladii ka dhacay magaalada caasimadda Khartuum laba maalmood ka hor. Fadi Atabani, ayaa sheegay in qoyskiisa, oo ay ku jirto haweeney 88 jir ah, ay ku xayiran yihiin xadka. “Halkan waxaa kusugan kumannaan dad ah. Ma jirto meel ay degaan. Xubnaha inta badan qoyskani, ayaa waxay heystaan dhalashada Ingiriiska, sidaas darted, Atabani, ayaa waxa uu ka codsanaya maamulka UK gargaar iney u fdiyaan. Qaran News
  21. Khartoum (Caasimada Online) – Dhawaaqa duqeymaha cirka, hubka lidka diyaaradaha iyo madaafiicda ayaa Sabtida maanta ah laga maqlayay gudaha Khartoum, iyadoo qaac madow uu ka kacay qeybo ka mid ah caasimadda Suudaan xilli uu dagaalka dalkaasi ka qarxay galay toddobaadkii saddexaad. Dagaalka u dhaxeeyay ciidamada militariga Suudaan iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa sii socda inkastoo Jimcihii lagu dhawaaqay in la kordhiyo xabbad joojin soconeysa 72 saacadood, iyadoo dagaalka la isku adeegsanayo duqeymaha, taangiyada iyo madaafiicda uu gilgilay Khartoum iyo magaalooyinka ku dhow ee Bahri iyo Ombdurman. Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka iyadoo tobonnaan kun oo kalena ay naftooda kala baxsadeen colaadda u dhexeysa ciidamada dalkaasi iyo xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee RSF kaasi oo soo bilowday 15-kii bishan April, kaasi oo quus geliyey qorshe ay beesha caalamku taageersaneyd oo dalkaasi uu ugu guurayay hannaan dimuqraadi ah. Dagaalka ayaa sidoo kale dib u soo kiciyay colaadda labaatan sano jirsatay ee gobolka galbeedka dalkaasi ku yaalla ee Darfur halkaasi oo dad badani ay toddobaadkan ku dhinteen. Ciidanka ayaa diyaaradaha dagaalka ama kuwa aan duuliyaha laheyn ee drones-ka ku beegsanayay xaafadaha ay ciidamada RSF kaga sugan yihiin caasimadda. Dad badan oo ku nool magaalada ayaa ku xayiran dagaal magaaleedka oo keenay raashin yari, shidaal iyo koronto la’aan. Ugu yaraan 512 qof ayaa ku dhintay, iyadoo ku dhawaad 4,200 oo qofna ay ku dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo aaminsan khasaaraha dhabta ah uu intaasi aad uga badan yahay. Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dad ka badan 75,000 qof ay gudaha dalkaasi ku barakeceen toddobaadkii u horreeyey ee dagaalka oo kali ah. Kaliya 16 boqolkiiba isbitaallada magaalada ayaa si caadi ah u shaqeynaya. Xabbad joojinta u danbeysay oo ay ka shaqeeyeen quwado shisheeye ayaa ku ekkaan lahayd habeenka Axadda. RSF ayaa ciidamada ku eedeysay in ay jebiyeen xabbad joojinta oo ay duqeeyeen fariisimadooda magaalada Omdurman, oo mataan la ah Khartoum ahna halka uu Wabiga Niilka Buluugga ah kula kulmo Niilka Cad, iyo Buurta Awliya. Ciidamada ayaa iyana RSF ku eedeeyey in ay jebiyeen xabbad joojinta. The post Dagaalka SUDAN oo galay todobaadkii saddexaad iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  22. FAA’IIDOOYINKA LAGA DHAXLAY ISUSOOBAXI LAGU SOO DHAWEEYAY Guddoomiyaha Dhaqanka West Burco Clan Waxa qoray Abdifatah Ileeye 1. Waxa dhab loogu quusgooyey West Burco Clan dambe ama reer dambe oo loo samaysto rag magacooda sheegta balse cid kale iskaga shaqaysato. Waxa la muujiyey rabitaanka dadku inuu yahay kan go’aamiya cidda xurmada ku leh dadkeeda ee Madaxtooyadu aanay go’aamin karin. 2. Waxa loo quusgooyey filashadii Muuse ee ahayd dad aad xabbad la dhacdo ama aad xidhxidho ayaa lagu cabsan oo dadku u soo bixi waayi. Waxa dhab loo muujiyay dhiirani si cad loogu diidi karo adyadda goor kasta oo loo baahdo. 3. Waxa si cad loo muujiyay inay dadka reer Somaliland leeyihiin dad damiirkoodu nool yahay, oo aan ninna uga gabban u hiilinta xaqa iyo diididda dulmiga. Dulmiga laga galay reer Laascaanood ayaa mar kale la caddeeyay. Hiil baa loo muujiyay. Farriin cadna waa la diray. 4. Saddexdaa qodobba waxa ay garab iyo gaashaan u yihiin rajo-abuurka in Somaliland ka baaqsato burbur iyo wax qof ku takrifali karo! GOBANIMO! Qaran News
  23. Nin Rakaab ah oo Soomaali ah ayaa khalkhal geliyey Diyaaradda laga leeyahay Turkigu oo ku jirtay hawada, iyada oo ka soo haaday gegida diyaaraddaha ee Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho. Ninkan Rakaabka ahaa oo lagu eedeeyey inuu cabsanaa khamri, ayaa la sheegay inuu weeraray shaqaalaha diyaaradda oo markaa gashay Hawada Dalka Masar, isaga oo ka hor intii aanay shaqaalaha is af dhaafin ay isku dhaceen rakaab saarnaa Diyaaradda. Duuliyihii Diyaaradda ayaa go’aansaday in uu deg deg dib ugu celiyo Diyaaradda dhinaca Turkiga, iyada oo ninkii rabshada sameeyey halkaas lagu xidhay. Somali Rakaab ah oo khalkhal geliyey Diyaarad maraysay Hawada Qaran News
  24. Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirada ah ayaa maanta ciyaaraya kulankoodii ugu horreeyay koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee 17 jirada, iyaga oo wajahaya xulka Algeria. Kulanka ayaa soo dhici doona caawa 10:00 pm ee habeenimo waxaana lagu ciyaari doona Garoonka Nelson Mandela Stadium ee magaalada caasimadda ah ee Aljaris. Xulka qaranka ayaa ciyaari doona la’aanta Cabdixafiid Maxamed oo ku haray baaritaanka tijaabada MRI Scan, waxaana xulka kusoo guuleysteen Bariga iyo Bartamaha Afrika. Ciyaartooyda xulka qaranka ayaa ku jira Groupka ugu adag ee dhimashada marka aad aragto xulalka ku jira sida: Martigeliyeyaasha Aljeria, Sinigal iyo Congo, oo kuwa ugu adag. Goobjoog News Source: goobjoog.com