-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh ayaa sheegay in la dagaalanka maan-dooriyaha ay siinayaan muhiimad ka weyn tan ay siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama sida uu sheegay uu maan-dooriyuhu bulshada uga daran yahay Al-Shabaab. Guddoomiye Yabooh ayaa hadalkaan ka yiri fagaare ku yaalla degmada Yaaqshiid oo lagu soo bandhigay waxyaabaha maanka-dooriya oo ciidanku ay howlgallo ku soo qabteen. Markii uu Yabooh ku dhawaaqay go’aankaan waxaa garab taagnaa duqa Muqdisho oo maalmahaan dagaal adag kula jiray maan-dooriyaha, dadka isticmaala iyo goobaha lagu iibiyo. “Dagaalka aan kula jirno maan-dooriyaha, wuxuu ka muhiimsan yahay kan Khawaarijta 24-ka saac dadkeena disha, sababtoo ah waxaa macquul ah in Shabaab-ka aan la dagaali karno oo ka hor tegi karno, balse daroogadaan bulshada oo qarinayo ee hadda lagu soo shubay caagadahaan biha loo maleeyo,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Wuxuu intaas ku sii daray, “Waxaan Yaaqshiid u nimid culeyska uu nagu hayo maan-dooriyaha, guddoomiyaha gobolka ayaa meel kasta ka sheegay inaan la diriri doono maan-dooriyaha, dadka waxaan isticmaala ayaa sababa amni darada oo dadkeena qaribay.” Wuxuu sheegay in wax kasta uu uga muhiimsan yahay dagaalka uu maamulka gobolka Banaadir kula jiro maandooriyaha iyo dadka isticmaala ama ka ganacsada, isla markaana ay ula dagaalami doonaan si aan horay loo arag. Duqa Muqdisho oo isla goobtaas warbaahinta kula hadlay ayaa yiri, “Anaga daroogo waa noo bartilmaameed iyo dadka cuna ama iibiya, ilmaheena ayaa lagu fasahaadinayaa, cidii nolol ka raadineysa meel kale nolol haka raadsato.” Guddoomiyaha gobolka ayaa ka digay inay sii furaadaan kalaabyada ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo ku goodiyey in hadda kadib ay go’aan culus ka gaari doonaan gurigii lagu dhex arko maandooriye. Hoos ka daawo The post Daawo: Yabooh oo Muqdisho ka iclaamiyey dagaalka ‘wax uga daran Al-Shabaab’ appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gabar lagu magacaabo Manaar Cumar ayaa wareysi ay bixisay ku sheegtay in si gaar ah uu u beegsaday guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, isla markaana uu ka xiray seddax Hotel oo Muqdisho ay ku leedahay. Habeenadii lasoo dhaafay duqa Muqdisho ayaa gudaha u galay dhowr hotel oo ku yaal Liido oo ay ka socdeen sida lasoo bandhigay waxyaabo aan fiicneyn, si gaar ah, waxaa goobahaas lagu isticmaalayey waxyaabaha maanka-dooriya. Guddoomiyaha ayaa laga duubay muuqaal isagoo uleynaya gabdho iyo wiilal, waxayna Manaar ku dooday in Madaale uu ku qaldanaa tallaabadaas, isla markaana uu isku noqday maxkamad iyo fulin, maadaama uu gacantiisa ku uleeyey dadkii joogay meheradeeda. Manaar waxay sheegtay in guddoomiyuhu uu si gaar ah u beegsaday seddax hotel oo Xamar ay ku leedahay, waxayna qiratay in goobahaas lagu iibi jiray Shiishada, balse aan lala geli jirin waxyaabo kale oo maan-dooriye ah, markii laga reebo hal Hotel oo jiif ahaa. “Duqa Muqdisho wuxuu nagu bilaabay la dagaalan ganacsi, sababtoo ah wuxuu awooday inuu nagu amro inaan joojino waxa ay diidan yihiin, mida kale magaalada meel kale lama xirin waxaa la xiray goobaheygii oo kaliya, waana beegsi gaar ah” ayey tiri Manaar Cumar. Sidoo kale gabadhaan ayaa ku dooday in dalka oo dhan laga isticmaalo Shiishada ay iibiso, balse ay jiraan ganacsato ayada ka daran oo iibisa maan-dooriye uu qaadku ugu horeeyo, sida ay hadalka u dhigtay. “Muqdisho 27 meelood oo sideyda oo kale looga ganacsado ayaa ku taalla, amar ka soo baxay maamulkana ma diidneen, waan jooji laheyn waxa la diidayo, guddoomiyuhu waxa uu ku socdo khatar weyn ayey dalka ku tahay, sharciga ha soo maro Madaale,” ayey tiri. Waxay sheegtay in ganacsigeeda uu sharci gaar ah u leeyahay, sida in qof 18 sano ka yar aan Shiishad laga iibin iyo in qof cabsan uusan soo geli karin xarumaheeda, sidoo kale waxyaabo kale sida Qaadka ayey sheegtay inay u diiday in lala soo galo. Manaar oo wareysigaan siisay Idaacadda BBC ayaa sheegtay in gaar loo beegsaday oo ganacsi kale aan la xirin ilaa hadda, sidoo kalena laga xiray Hotel jiif oo Shiishad aan lagu iibi jirin. “3-da Hotel waa la iga xiray mid ka mid ah waa Hotel la seexdo, kuwa kale hadii Shiishad magaaladaan lagu wada iibiyo uu ugu marmarsiyooday, kaas kale sababta uu u xiray ma garan karo, sharci darro ayaa la iiga xiray goobaheygii ganacsiga, iyadoo magaalada kuwii dhinacyada iga xigay ay xitaa ka furan yihiin. Hoos ka dhageyso wareysiga The post Wareysi: Gabar sheegtay in si gaar ah uu ganacsigeeda u beegsaday duqa Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish ee la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay qaraxii lagu hoobtay ee sanadkii 2021-kii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul, ayaa waxaa dilay maamulka Talibanka ee xukuma dalka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah. Duqeyn dhacday bishii Agoosto sanadkii 2021-kii, ayaa waxaa ku dhintay 170 qof oo shacab ah, iyo 13 askari oo Mareykan ah, xilli ay dadku isku dayayeen inay dalka ka baxsadaan, markii ururka Taliban ay la wareegeen talada dalkaasi Afghanistan. Hoggaamiyaha Daacish, ayaa la dilay dhowr toddobaad ka hor, balse muddo ayay qaadatay in la xaqiijiyo dhimashadiisa, sida ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen BBC-da iyo warbaahinta CBS. Wali lama shaacin magaciisa. Saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegay inay ku ogaadeen sirdoonkooda in hogaamiyahaasi uu geeriyooday, inkastoo aysan faah faahin dheeri ah ka bixin, sida ay ku ogaayeen inuu ahaa shaqsigii ka dambeeyay weeraradii qaraxyada ahaa. “Khubarada dowladda ayaa aad u aaminsan in qofkan…uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii lagu qaaday garoonka diyaaradaha,” sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS. Sida lagu sheegay maqaal lagu daabacay wargeyska New York Times, Maraykanka ayaa ka war helay geerida hoggaamiyihii IS horaantii bishan April. Ma cadda in uu bartilmaameed u ahaa Taliban iyo in lagu dilay dagaalka u dhaxeeya IS iyo Taliban, sida uu qoray wargeyska. The post Taalibaan oo dishay hoggaamiye ka tirsanaa Daacish appeared first on Caasimada Online.
-
There are times when people lose touch with reality and thus analyse, assess and interpret matters not as they are in real truth, but as they are imagined. Such times come up when people lose their sense of direction. Directionless and disorientation occur when people are confused about what the time requires, where they stand at present, where they born to or even who really they are. A society mostly becomes disoriented and disorganized particulary when its politicians and public figures suffer from some kind of psychosis; a mental health problem that cann’t understand why something is the way it is, or why it is what it is.The present time is one of those moments in the history of Somalis in which most of Somalis try to defend their rights or interests in denial of others’ rights or interests. Surprisingly, contemporary Somalis are not culturally emulative, not having yet formed a style of learning behavior, but are imitative, assembling their decisions, thoughts, and behaviors that make them who they are from political demagogues whom they are most frequently exposed. In view of above, these days Somalis make their decisions and actions out of deception and delusion. They try to attain deceptively and dilusionally what they couldn’t achieve it intellectually and intimately for they don’t know that deceiving each other and deluding themselves share similar outcomes. Both cause the perception of reality to collapse. A wrong judgment about what to do in, how to defend or resolve Lasanod issue that has been simmering for many years can simply explain how S/land deluded itself and lost control of Lasanod city when Muse Bihi administration allowed anti-S/land armed militias to enter in Lasanod city, assuming that Lasanod’s long standing political problems would be solved peacefully by an immediate pullout of security forces from Lasanod city. Wow! Wasn’t it ‘shoot-yourself-in-the-foot mentality?’ Similarly an attitude to disregard reason and reality in favor of envy and emotions can also explain how SSC-khatumo militias deceived themselves to believe that Lasanod could only be liberated from S/land govermmrnt by use of force. How did the current war in Lasanod begin? The cause of the current armed conflict in Lasanod actually began on December 26 when a local politician, Abdifatah Abdullahi Abdi, was assassinated by unknown attackers, resulting anti-government protests across the city, followed by voilent crackdown on civilian protesters by S/land security forces. Somaliland troops have since been stationed outside the city, a move that actually left the space for the city to remain under the control of a committee of 33 elders and intellectuals of the Sool clan clan, with a defensive force that consists of local armed militias and others from neighbouring Darood clans. Not reponding to or reacting after the consequences of the violent crackdown on civilian protesters by S/land police forces on February 6, 2023, but acting from their long standing tradition to conspire against S/land existence as a separate state, Sool clan elders and elites made a communique requiring S/land government to withdraw its troops to Oog, claiming that Oog is the borderline between Sool clan clan and Isaaq tribes. On February 8, Dhulbahant’s highest Garad, Garad Jama Garad Cali, a fugitive for many years, along with all local elders and intellectuals stated their intention to cut ties with S/land government and reunite with Southern Somalia, assuming that shock and awe is the only response that can succeed. The real war erupted just hours before that statement was to be released, when militias from Sool clan clan and forces from Putland region attacked S/land troops in Goojacadde. Is war really what anyone, any group, or any country can easily start? The fog of war always starts when either one of the adversaries knows or both of them know nothing about the woes of war. The self-styled SSC-khatumo Militias have learned nothing from the civil war in the year 1988. They had neither been displaced nor had their homes destroyed.History teaches us that humans go to war when the consequences of war seem to outweigh the conditions and causes of concessionary options, or they go to war when there is no other mutually agreeable solution to avoid war. Evidently, it is easier to start a war than to stop it; it is easier to wage a war against a country than it is to win. But once warmongers have falled further and further into a quagmire of exhaustion, means of how to take a moment to catch breath and get out of the quagmire will bleed them dry. War is not what anyone, any group or any country can rush into, no matter how they are powerful. War only happens when all else fails, when dialogues fail, when discussions fail and even persuation won’t work. Common sense understands this. In fact, Sool clan elders and intellectuals have instigated the war in Lasanod and encouraged their people to fight not because they love what is behind the war, but because they hate who are in front of them (the Isaaqis). Culturally the responsibility of Somali elders was and still is to promote peace, develop confidence-building measures among societies, observe good faith toward all people, cultivate fraternity and harmony within societies and appeal for cessation of hostility, not because the people they represent are too weak to fight, but because war is a catastrophe in essence. What is the war in Lasanod all about? The war in Lasanod is not a war between freedom fighters and occupation forces. Nor it is a battle between emancipation movement and exploitation system. Nor it is between a system that wants to assimilate community and others that resist to be assimilated. The war in Lasanod city is neihher a battle between rebels and reppressive administration. As they say, haters inspire vice instead of virtue, stir up strife instead of calling for stability, ignite sparks of venegence instead of faith and forgiveness, and instill the love of learning envy and enmity instead of nurturing harmony and hope. Haters always want to ignite in others what must first burnt inside themselves. The war in Lasanod city is all about anti-Somalilanderism, a prejudice, fear, and hatred of S/land natives, particularly Isaaqis, their government, their determination to stand independently as a nation, and rule themselves through the laws and governmental apparatus of their own style, an entitlement of having the right to secede from the failed state that was formerly known “the republic of Somalia.” More importantly, what makes Lasanod war more crucial is SSC-Khatumo’s position to part Lasanod city from S/land sovereign territory; a motive that is meant to divide S/land State Sovereignty into two or more authorities within the single state, of which the only aim behind this is to destroy and dissolve S/land state, with its constituent parts becoming new sovereign states that would further dissolve into lesser parts. The point of contention is that Dulbahante demands that Somali forces should vacate Sool clan land, which many locals in Lasanod consider as “occupied” by Somaliland. But in reaction to that, S/land government rejects that request, and reaffirms that there is no way that that demand or desire can be compromised away because there will be no room for another administration in S/land territory other than the already established one. The current situation in Lasanod. The tension is high and things are very much up in the air as each side is now on its highest alert against the other side’s sudden attack. Only the position each side will take in dealing with the other side or the current situation can determine when to pull the trigger. The current locations of the warring sides. S/land troops are entrenched in the areas such as Goojacadde, Maraaga and locations alongside the main road that connects S/land and Somalia, which is the only passage that is open to logistics supplies for S/land troops. On the other hand, Sool clan militias and other Darood militias are holed up in the city, making their hideout in the homes of the vacated city, with trials to keep their moves from house to house undiscovered. Because both sides are talking past each other, the current situation bears a high risk of further escalation into an all-out war. Each side is still continuing to ammass heavy weapons. Media outlets reported that S/land government has reinforced its troops in Sool region, stationing considerable parts of its army including heavy armoury and tanks in Lasanod. While it is hard to state the exact number of soldiers deployed at strategic locations in and around Goojacadde, it is safe to imagine that soldiers number several thousands. More tanks and technicals (pick-up trucks mounted with heavy machine guns) have been brought to Goojacadde over the past weeks. On the other side, Sool clan armed militias are attempting to increase their defensive power. As the fighting continued over the last months and Sool clan lost many men, neighbouring clans such as East Sanaag Clan, Sawaaq-roon, bunches of Liyu police from Somali Ethiopian and Putland’s regular army are still pouring into Lasanod to assist local fighters. While it is hard to know how many and what type of weapons exactly are in the hands of clan militias, it is reported that through areas south of Lasanod, not controlled by Somaliland, the Darood militias have brought a considerable number of mortars, howitzers and armoured vehicles into the town. The side that has the upper hand in the war. The warring sides cannot control the pain that comes with the fighting but they can control their response and show more courage and strength in the face of fighting. In any armed conflict, military tactics that apparently maximize the art of organizing and employing fighting forces on the battlefield is one way of imagining the side that may have the upper hand. Only by tracking progress can we know which side’s strategy is working well. Of course, identifying the momentum of the battle is fairly a straightforward approach, as movements of the frontlines, and logistical sustainability of forces in the field provide obvious standards by which to measure trends of where does each side stand in the fields of fighting. Predicting ultimate outcomes of the war in Lasamod is still very difficult, but the side that is “ahead” at the current situations is feasible. And only by examining a range of indicators can we determine how to know the fighting strategy that requires improvement. Joint command on the battlefield is crucial in the fields of action. There is no unified command for Sool clan insurgents and their Darood alliances. They are running parallel to one another. Besides this, they are ill-trained and disorganized and undisciplined. The commitment to take commands is the essence of war. The tactics of victory for Sool clan insurgents and their allies fighting S/land government are not to defeat their better equipped foe on the battlefield. They just intend to unequivocally demonstrate their capacity to fight a war of attrition indefinitely and then wait for political support for the mission to collapse on their enemies’ home fronts. To counter this strategy, S/land government took timely diplomatic and military maneauvers. Militarily S/land troops usually take two types of attacks on the militias, hasty and deliberate. First, S/land troops take hasty operations when the allied militias are in a vulnerable positions and could be defeated quickly with available resources. Second, S/land troops execute deliberate attacks when sufficient knowledge of the positions of the allied tribal militias are available to enable the attacking units to ascertain how the militia forces are arrayed on the ground and what they say about their general intent, timings, and capabilities. The big reveal at the end of the these types of attacks answered the questions of who are, in addition to local Sool clan armed militias, the other forces that are actually involved in Lasanod war. At the end of those operations, reports showed that the forces that are fighting in Lasanod include: Alshabab terrorists, who want to open a new frontline in the region, Liyu police forces from Somali Ethiopian region and Putland’s regular army of whom many were captured in the battle fields. What picture did the war in Lasanod give? The war in Lasanod conjured up a strong sense of despair, disappointment, and displacement. The despair. The war in Lasanod has shown the importance of facing reality as it is. There is no hope for Lasanod to become an autonomous state of Somalia. There is no hope for Lasanod to be even part of Putland. When two things correlate with one another it means that the changes in one will cause similar changes in the other. This means that if the boundary between S/land and Putland is touched, leave alone changed, the boundaries between S/land and Ethiopia will also be touched and changed as well. The effect of Africa’s current boundaries being touched will surely raise new waves of unresolvable miseries in the African continent. This confirms that Lasanod is part and parcel of S/land territory. He who argues otherwise is an ignorant who tries to spoil the wonders. The disappointment. Since February, there have been many big miscalculations. The first was SSC’s confidence about quickly prevailing on the ground against the S/land troops. That is, SSC-khatumo’s confidence that in a matter of weeks they would expell S/land troops from Sool region by force has virtually turned out to be impossible. The second miscalculation that SSC-khatumo leadership has made was to believe that the Western world would compel S/land to pull its forces out of Lasanod through unprecedented political pressure. And that assumption has not and will never happen. The displacement. Surely, in addition to many people being displaced, Lasanod has had many shell shocked and traumatized people, because very few would endure the effects of long-term physical and psychological harm to people, young and old alike, and reduction in material and human capital Is there a possibility for a negotiating strategy? Despite many appeals from neighboring countries and Western world to both sides, S/land and SSC dissidents, to stop hostility and come to negotiating table, unfortunately, we are not closer to the war’s end, than we were at the beginning. The problem is that SSC leadership has still more sincere interest for war than it has for peace. Negotiations are a dicussion aiming at reaching an agreement. Negotiations can deliver more of what cannot be achieved militarily. The sensible realizes that in this particular issue what cannot be achieved by dialogue cannot be attained by force. If the two sides come to the negotiating table, negotiations will raise strategic questions such as: Is any settlement short of Lasanod liberation from S/land forces acceptable to SSC so long as Garad Jaamac Garaad Cali and his likes remainin in power? If not, what will be S/land’s position in the end game? Is S/land prepared for the consequences of SSC’s control in Laascaanood? So far neither side is prepared to see Lasanod go out of their control, more likely leaving Lasanod as a war zone where might is the only factor that can determine which side to win the war, with dire consequences for the local population. That again brings up another question regarding the fate of Lasanod. If SSC resistance movement will continue in Lasanod, how S/land will suppress it? Two options are only open for S/land. The mujahids should choose one option only. Either pull the troops out of Lasanod or punish the insurgents. It is do-or-die situation and anything other than choosing one of the two options is a waste of time. The delusion around Lasanod war. It is sad when people cann’t tell what is real from what is imagined. For those who think that Sool clan are fighting for what SNM fought for in 1980s are beating the bush. Why? The war in Lasanod is different from the war that SNM waged against Siyad Barre’s regime. The points that SNM and Siyad Barre bickered were totally different in principle from the views S/land and Sool clan differ now. Siyad Barre did’t realize that Isaaqis have the right to have a say in how they are ruled. To him, Isaaqis were worse than enemies. That is why Siyad Barre and his regime had left no stone unturned in order to wipe Isaaqis out of Somalia. In contrast, S/land realizes that all S/land citizens have equal rights and that there are no people who are more equal than others in S/land country. Sool clan people are S/land citizens and they deserve what all other S/landers deserve. We all know that the incumbent S/land leadership is dull and deserves punishment.What does the current situation in Lasanod tell us about how the war might end?The short answer: While each armed conflict tends to defy history, a clear-cut defeat of either side in this war is unlikely. A more likely scenario is protracted fighting that will finally leave SSC malitias exhausted but unwilling to admit defeat, due to ‘mind forged manacles’. In conclusion, experience teaches us that emotions, especially in times of war, have a tragically long shelf-life. As the war in Lasanod sometimes became more brutal and each side suffered many casualities, all sides should remember and realize that whatever has happened and may happen, in the end, the legacy of relationship, restraint and resilience will prevail without hatred and that the compulsion to rule and govern is an addiction at best, and an incurable disease at worst. By: Jamafalaag jamafalaag@gmail.com Hargeisa, Somaliland. As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
PRESS RELEASE United Nations (UN) Cites African Development Bank as a World Model in Climate-Adaptation Finance During the 76th session of the UN General Assembly held in September 2021, Secretary-General António Guterres lauded the African Development Bank’s leadership on climate adaptation Access Multimedia Content ABIDJAN, Ivory Coast, April 25, 2023/ — As Africa’s foremost development finance institution, the African Development Bank Group (www.AfDB.org) has significantly increased its commitments to climate finance since the 2015 United Nations Climate Change Conference (COP 21) in Paris. Following the expiry of its Second Climate Change Action Plan (https://apo-opa.info/3NbBafO) after COP21, the Bank has launched a more comprehensive and ambitious strategic framework on climate change and green growth. This includes a climate policy (https://apo-opa.info/3ApWx5A) and long-term strategy (https://apo-opa.info/3LEhzUB), covering 2021 to 2030, together with a Third Action Plan for 2021-2025 (https://apo-opa.info/3H94u2z). The Bank committed 9% of its total finance to climate in 2016. Since then, it has put much more wind in its sail, increasing it to 28% in 2017, 32% in 2018, 36% in 2019, 41% in 2021 and 45% in 2022, thus exceeding its initial 40% target over the last two years. In 2020, the Bank allocated 34% of its approvals to the fight against climate change, lower than the previous year, due to its having to redirect its investments in response to the Covid-19 pandemic. More than half of the Bank’s investments committed to adaptation financing Very much aware that climate adaptation is a priority for Africa – home to 9 of the world’s 10 most vulnerable countries to climate change – the Bank increased its contribution to adaptation finance, in line with its goal of achieving parity between climate change adaptation and mitigation by 2020. It reached this 50% target in 2018 and then significantly exceeded it when it allocated 55% of its climate finance to adaptation in 2019, 63% in 2020, and 67% in 2021. In 2022, the share of climate finance allocated to climate finance was 63%. During the 76th session of the UN General Assembly held in September 2021, Secretary-General António Guterres lauded the African Development Bank’s leadership on climate adaptation as an example to follow. “The African Development Bank set the bar in 2019 by allocating half of its climate finance to adaptation. Some donor countries have followed their lead. All must do so,” said Mr. Guterres. The private sector, the engine of climate finance From 22 to 26 May this year, the Bank will hold its 2023 Annual Meetings in the Egyptian resort city of Sharm El Sheikh on the theme, “Mobilizing Private Sector Financing for Climate and Green Growth in Africa.” For the Bank, tackling climate change and fostering a green transition are essential to Africa’s sustainable development. But that requires mobilizing significant funding, which public resources alone cannot provide. Some 3000 people from governments, civil society, think tanks and academia, the private sector, and multilateral development institutions are expected to participate in the dialogue to address the biggest issues in Africa’s development. The event features the 58th Annual Meeting of the African Development Bank and the 49th Meeting of the African Development Fund – the Bank Group’s concessional lending window for its low-income countries. By choosing this theme, the Bank intends to demonstrate that private-sector financing can serve as a catalyst in bridging the gap between finance flows and Africa’s climate and green growth needs. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). Excerpt from the speech by UN Secretary-General António Guterres: English: https://apo-opa.info/3Apq7rX French: https://apo-opa.info/3n3TAV7 SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab ay diideen in carruurtooda ay ka qeyb qaataan dagaalka ay ku jirto kooxda, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah. Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa xog ay ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in horjoogayaasha ay carruurtooda ku noolaayeen gudaha dalka ay ka horyimaadeen in carruurtooda qeyb ka noqdaan dagaalka socda. Sidoo kale waxaa warbixinta warbaahinta dowladda lagu sheegay intii uu socday dagaalka in horjoogayaasha kala ah; Abuu Muslim, Fu’aad Shangolo iyo Xuseen Cali Fiidoow ay dagaalka ka saareen xubno ay dhaleen oo ku noola deegaanada ay gacanta ku hayaan. “Fu’aad Shangolo ayaa markii uu wiil dhalay uu kasoo saaray dagaal culus, waxa uu faray inuu si deg deg ah uu wiilkiisa uga soo baxo dhamaan deegaanada ay Khawaarijta joogaan, ayada oo ujeedkiisu ahaa in mardambe uu dagaal ku dhicin wiilkiisa,” ayaa lagu yiri warbixintaan. Warbixintan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in kooxda ay si qasab ah u askariyeyso carruurta ku nool deegaanada ay weli gacanta ku hayaan, si ay qeyb uga noqdaan dagaalka looga soo horjeedo ee iska kaashanayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, sida lagu sheegay warbixintaan. “Waxaa jira qaar ka mid ah xubnaha horjoogayaasha ee Khawaarijta ah oo carruurtooda iyo reerkooda u soo dira magaalooyinka nabadda ah ee dalka, iyagoo carruurtooda kala soo cararay in ay dagaallada galaan iyo in ay qaadaan fikradaha qaldan oo ay ku shubayaan carruurta Soomaaliyeed inteeda kale.” Warbaahinta dowladda ayaa muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo dhawaan baahisay in horjoogayaasha kooxda ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan. The post DF oo shaacisay ‘arrin ay diideen’ madaxda Al-Shabaab oo kala shaki ka dhex-abuurtay appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday degaanka Jameeco oo u dhow magaalada Buurweyn ee gobolka Hiiraan. Ciidanka ayaa la wareegay deegaankaas oo ay horay u joogtay kooxda Al-Shabaab, saraakiisha hoggaamineysa ciidankii xoreeyey deegaankaas ayaa sheegay inay sii baacsanayaan Shabaab-kii ka firxaday deegaanka Jameeco. Dhinaca kale dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel-lahelay oo koonfur-bari ka xiga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Dagaalka waxaa qaaday ciidanka dib u xoreynta deegaanka, waxayna dagaal culus la galeen kooxda Al-Shabaab oo dagaalkaas looga taag roonaaday, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil ku sugan Hiiraan. Gobolka Hiiraan waxaa maalmahaan ka socday howlgallo culus oo ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku baacsanayeen kooxda Al-Shabaab. Howlgalka ayaa hadda ku baahay koonfurta iyo galbeedka gobolka Hiiraan, waxaana hadda la qorsheynayaa in kooxda laga xoreeyo Buurweyn iyo deegaano kale oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan oo weli ay joogaan Al-Shabaab. Dhinaca kale, xiisad u dhaxeysa laba beelood ayaa ka taagan deegaano hoos taga magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xiisada beelahaas ayaa istaagtay mudadii dagaalka lagula jiray kooxda Al-Shabaab. Ugu yaraan hal qof ayaa la dilay mid kalena waa dhaawac, kadib markii xalay koox hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed ay weerareen qoys reer Miyi ah, waxay halkaas ku dileen hal wiil mid kalena waa dhaawaceen. The post Dagaallo Al-Shabaab looga xoreeyey laba deegaan oo muhiim ah oo ka dhacay Hiiraan appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay digniin sheegaysa in qaar kamid ah gobollada Somaliland ay wajihi karaan khatar kaga timaada halista daadadka roobka, oo saameyn xooggan ku yeelan karta naf iyo maalba. Qoraal kasoo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in deegaanada gobolada Sanaag, Sool iyo Togdheer ay ka di’i doonaan roobab aad u badan, sida ay saadaashu muujinayso. “Saadaasha roobka Gu’ga ee toddobaadka soo socda ka di’i doona Insha-Allaahu dhamaadka bishan aynu ku jirno ee April 2023, roobab aad u badan ayaa ka di’i doona inta badan gobollada Barriga ee Somaliland, sida; Sanaag, Sool iyo Togdheer roobabkaas oo cabirkoodu gaadhayo 50mm — 150mm,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Sidoo kale waxay sheegtay in qeybo ka mid ah gobollada galbeedka ee Awdal, Saaxil iyo Maroodi-Jeex ay ka di’i doonaan roobab fiican oo lagu diirsan doono cabirkiisuna meelaha qaarkood gaadhi doono ugu sarayn 30mm — 50mm. Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxay uga digtay bulshada ku nool gobollada kor ku xusan in ay ka feejignadaan saameynta roobku ku yeelan karo naftooda iyo hantidooda. “”Waa inay ka fogaadan jeex-jeexyada, roobku aad buu u di’i doona ee ha la is ilaaliyo oo xoolaha iyo maatida halaga fogeeyo,” ayaa lagu yiri digniinta ay soo saartay wasaaradda beeraha Somaliland, gaar ahaan waaxdeeda saadaashada hawada. Xafiiska Saadaasha Hawada ayaa si toddobaadle ah u soo saara saadaasha roobka iyo xadiga roobabaka Somaliland da’a, wuxuuna inta badan la wadaaga hay’addaha dowladda, NGO-yada iyo dhamaan bulshada reer Somaliland. The post Somaliland oo soo saartay digniin ku wajahan SOOL iyo laba gobol oo kale appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa amaro cusub dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banadir, kadib kulan xalay ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Kulankan oo ay kasoo qeyb-galeen madaxda kala duwan ee hay’addaha amniga iyo maamullada degmooyinka gobolka ayaa waxa uu guddoomiye Madaale faray saraakiisha ciidanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka inay degaan degmooyinka ay masuulka ka yihiin, si loo xaqiijiyo amniga caasimadda. “Haddii uu guddoomiyaha deganeyn degmadiisa, haddii Taliyaha Saldhigga uusan deganeyn degmada, haddii intii amniga ka shaqeyneysay ay meelo kale jiraan, waxa aan aaminsanahay in meeshaas wax ay ku jiraan. Arrintaas waxa aan rabnaa in laga gudbo oo loo gudbo wada-shaqeyn,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale. Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxaa la’iska rabaa si mideysan oo wada-jir ah in aan u wada shaqeyno, annaga mas’uuliyiin ayaa naga sarreysa oo xisaabtan ayey naga rabaan, annagane waa in aan idinla xisaabtannaa.” Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu masuuliyiinta iyo saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ka codsaday inay sii dardar geliyaan sugidda amniga Muqdisho, isagoo ku bogaadiyey sida ay Ramadaan-kii ugu guuleysteen in bulshada caasimadda ay nabad helaan. Kulankan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka, taliyaasha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska iyo Nabad-sugida. Si kastaba, Muddooyinkii dambe waxaa soo hagaagaya amniga magaalada Muqdisho, oo markii hore ay qaraxyadu uga dhici jireen si aan kala joogsi laheyn, dadkuna aad ugu dhiman jireen. The post MADAALE oo amar culus dul dhigay guddoomiyeyaasha degmooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madax dhaqameedkii kal hore ka tegay magaalada Muqdisho ee u socday inay dhex-dhexaadiyaan xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Madax dhaqameedkan oo muddo ku sugna magaalada Garoowe, islamarkaana kormeer ku tegay magaalada Laascaanood oo ay ka taagan tahay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday inay kasoo degaan madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa. Waxaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyay madax dhaqameedka kala duwan ee Somaliland, iyaga oo kusoo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa, sheegayna inay diyaar u yihiin inay ka qaabilaan dhex-dhexaadintooda iyo arrinta ay u socdaan. “Madax dhaqameedkii mudaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is wareysigayaguna wuu noo dambeeyaa,” ayuu yiri Suldaan Xasan oo kamid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xil-saaran xalinta colaada Laascaanood. “Ergo ayaa tihiin oo anaguna ergo ayaa nahay, oo anagu mudaba waxaa fadhinay Laascaanood, waa Salaadiintii Oog tagtay oo halkana maanta idinku soo dhaweynayna, maadama aan nahay ergadii idinka horeysay, hadalkayagu waa soo dhaweyn walaalnimo.” Ugaas Maxamuud oo horkacaya madax dhaqameedka gaaray Hargeysa oo ka hadlay munaasabadda kooban ee soo dhaweynta aheyd ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta odayaasha dhaqanka Somaliland, “Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u mahad-celinayna oo runtii si karaamo leh noogu soo dhaweeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, intaas kadib hadalka iyo ujeedka socdaalkeena waxay noo ahaan doonta goorteeda iyo goobteeda.” Odayaashan dhaqanka ee ka socda Muqdisho oo hore ula kulmay Isimida SSC ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Hargeysa inay kulamo kala duwan la yeeshaan madaxweynaha Somaliland iyo madax dhaqameedka Somaliland ee iyagu dhankooda ku howlan xal u helista colaadda sii daba-dheeraaneysa ee Laascaanood. Odayaashan oo uu hoggaaminayo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, ayaa sidoo kale waxay markii ugu horeysay la kumi doonaan bahda dhaqanka ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u xil-saaray inay la hadlaan garaadada ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Mucaaradka Somaliland ayaa kal hore meel adag iska taagay waan-waanta ay muddooyinkii dambe wadeen madax dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn dhex-dhexaadin ay garwadeen ka yihiin odayaal ka socda Koonfurta Soomaaliya, taasi oo sida muuqata aysan dhag jalaq u siin xukuumadda Somaliland. “Ugaaskan ka degay Garoowe ee kooxda wata ee Laascaanood yimid in haddana maanta la yidhaahdo Somaliland ayay imanayaan waa nasiib xumo, oo toodii ayaa qasan oo u baahan,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe oo xilligaasi la hadlay warbaahinta. Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ku cel-celisay inay diyaar u tahay xal nabadeed iyo in miiska wada-hadalka lagu xaliyo xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxayna tallaabada maanta u muuqata mid ay u qaaday dhabahaasi. The post Madax dhaqameedkii ka tegay Muqdisho ‘ee u socday dhex-dhexaadinta’ oo gaaray Hargeysa appeared first on Caasimada Online.
-
A Somali student who has managed to flee Khartoum has told the BBC about the kindness of strangers who tried to help him on his journey. Source: Hiiraan Online
-
Qoraalka sawirka,indhaha oo jaalle noqda ma aha calaamadda kali ah, waxaa jira kuwa kale oo badan 24 Abriil 2023 Indhaha oo jaale ah iyo kaadida oo jaale noqota ayaa ka mid ah calaamadaha caadiga ah ee cagaarshowga. Haddii indhuhu nooc daallan noqdaan oo ay caddaan yihiin unugyada dhiigga oo yar awgood, waxaa loo yaqaan ‘patches white’ . Cagaarshowga waa cudur la xiriira beerka. Inta aan wax ka ogaaneyno cudurkan, aan sidoo kale fahanno arrimaha caafimaadka beerka ee kale ee la xiriira, sababaha, dawooyinka iyo daaweynta. Beerku waa xubin muhiim u ah jirkeena. Waa maxay shaqadiisu? Ka ilaalinta jidhka sunta cuntada ku jirta Sunta oo laga saaro jirka Soo saarista borotiinno lagama maarmaan u ah wareegga dhiigga ee jirka Ilaalinta heerarka saxda ah ee kolestaroolka ee jirka Kaydinta milixda iyo biraha Beerkeennu wuxuu qabtaa hawlo badan oo noocaas ah. Noocyada cagaarshowga Cagaarshowgu wuxuu noqon karaa saddex nooc. Cudurkaan wuxuu imaan karaa iyadoo ay ugu wacan tahay tirada unugyada dhiigga oo aan ku filneyn ama burburka xad dhaafka ah ee unugyada dhiigga oo ay sababeen caabuqyada sida duumada. Waxaana loo yaqaan cagaarshowga Hemolytic. Caabuqyada sida cagaarshowga, khamriga xad dhaafka ah, ama daawooyinka cudurada kale (gaar ahaan TB ama qaaxada) waxay dhaawici karaan beerka. Cudurada qaarkood waxay dhaawacaan beerka. Cagaarshowga ay keenaan noocaan waxaa loo yaqaan cagaarshowga hepatotoxic. Cagaarshowga waxa kale oo keeni kara dhagaxa xameetida ama kansar kasta ama barar kasta. Waxa loo yaqaan Obstructive ama cagaarshowga xannibaadda. Maadaama ay jiraan sababo badan oo kala duwan oo cagaarshowga keena, daaweyntiisu waxay sidoo kale ku xiran tahay waxa sababay. Haddii nooc ka mid ah cagaarshowgu si cilmiyaysan loogu daweeyo hal qaab, mararka qaarkood cudurku wuu ka sii dari karaa. Sabata ugu weyn ee beerka xumaada Inta badan waxaynu maqalnaa ereyga beer-xumaaday. Waa maxay sababta ugu weyn ee beerka oo aan shaqayn? Isticmaalka khamriga xad dhaafka ah Caabuqa cagaarshow B Isticmaalka xad dhaafka ah ee daawooyinka qaarkood (gaar ahaan daawooyinka dhirta) Xanuunada habdhiska difaaca ee dadka qaarkood Miisaan badan ama cayil Uurku wuxuu u keeni karaa dhibaato beerka haweenka qaarkood. Mararka qaarkood cudurkani wuxuu noqon karaa mid dilaa ah (Beer xumaaddka daran ee uurka). La’aanta dhiig ku filan beerka oo sii dheeraato oo ay ugu wacan tahay cudurro kale. Sida loo garto Cudurkan Indhaha oo huruud ah, calool xanuun, barar, calool xanuun xiitaa ka dib marka wax yar la cuno, saxaro cad ama madow, si guud. Haddii calooshaadu aanay fiicnaan dhawr maalmood oo isku xigta, waa in lagaa baaraa dhiiga loo yaqaan baaritaanka shaqada beerka. Iskaanka caloosha (USG caloosha) ayaa kaa caawin doonta inaad fahanto cudurka saxda ah. Taas ka dib, haddii loo baahdo, baaritaanno sida hemogram, cagaarshow, PT (Prothrombin time) ayaa la samayn karaa si loo hubiyo in aanu jirin caabuq. Haddii la ogaado in biyaha caloosha ku jiraan, sababta cudurka waxaa lagu ogaan karaa si sax ah iyadoo la baarayo biyahaas ku jira shaybaarka. Xaaladda xididdada dhiigga ee caloosha waxaa lagu arki karaa ‘endoscopy’. Beerka dufanka leh ayaa la arki karaa ka dib baaritaanka caloosha. Dad badan ayaa aragnaa iyaga oo ka baqaya arrintan. Laakiin beerka dufanku waa cudur caadi ah. Cudurkani wuxuu ku badan yahay dadka leh cuntooyin ay ku badan yihiin karbohaydraytyada sida bariiska iyo jimicsi la’aanta. Dadka cabba khamriga badan waxay sidoo kale yeelan karaan cudur beerka dufanka leh. Daawada tani waa in la yareeyo qadarka karbohaydraytyada iyo saliidda cuntada. Waa lagama maarmaan in la sameeyo jimicsi maalinle ah oo la yareeyo isticmaalka khamriga. Waa muhiim in la yareeyo tirada cuntooyinka shiilan. Laakiin maskaxda ku hay caadooyinkaaga, waa inaad diirada saartaa dhimista qadarka karbohaydraytyada. Haddii tan la dayaco, waxaa suurtagal ah in beerka uu shaqeyn waayo oo isu beddelo cudur dabadheeraada. Waa inaan isha ku haynaa cadadka kolestaroolka ee jirkeena. Baaritaanka kolestaroolku waa lama huraan. Waa in aysan jirin wax caloosha ku jira ama calooshu ay mdhan tahay marka la baarayo dhiiggan. Waxaa lagu tijaabiyaa gaajo. Dadka qaba dhiig karka, sonkorowga, cudurada wadnaha iyo xanuunka kelyaha waa inay hubiyaan in heerarkooda kolestaroolka LDL ay ku sii jiraan inta u dhaxaysa 70. Dadka leh heerarka kolestaroolka sare waxay u badan tahay inay ku dhacaan wadna xanuun ama curyaannimo ilbiriqsiyo gudahood. Saameynteedu waa ay jirtaa nolosha. Waqtiyadii ugu dambeeyay, cuduradan waxay bilaabeen inay soo baxaan xitaa da’da yar. Waxay ku badan tahay dadka sigaarka cabba. Daawooyinku waxay hoos u dhigi karaan heerarka kolestaroolka. Hoos u dhigista heerarkan iyada oo loo marayo cunto caafimaad leh iyo jimicsi ayaa faa’iido badan leh. Sidee loo daweeyaa? Inta uu cudurku halis yahay iyo waxa sababay ayaa go’aaminaya jihada daaweyntiisa. Haddii aad qabtid cudur beerka raaga oo uu gaaray heerkii ugu dambeeyay, waxaad haysataa in ka yar afar sano inaad noolaato. Haddii dhibaatadan ay sababtay daroogo ama uur, waa in la joojiyo isla markiiba. Haddii caabuq cagaarshow la dareemo, waa in la daweeyaa. Qof kastaa waa inuu ka taxadaraa in caloosha si sax ah loo nadiifiyo, haddii kale waxaa halis ah inay suntu gaarto maskaxda. Haddii ay biyo badan caloosha ku jiraan, waa in la yareeyaa iyadoo la qaadanayo dawooyin. Diuretics sidoo kale waa dawooyin takhaluso biyaha xad-dhaafka ah ee caloosha. Hadii ay dawooyinkani shaqayn waayaan oo biyaha caloosha ku jiraa ay ku dhibayaan, waxa laga yaabaa in qaliin lagaga saaro. Dhiigga, xididdada dhiigga, albumin ama balaasmaha (FFP) waa in lagu shubaa hadba sida loogu baahdo iyadoo ku xiran xaaladda jirradaada. In beerka aad badalato waa ikhtiyaar haddii beerku aanu si fiican u shaqaynayn. Beeryarada waa laga saari karaa haddii unugyada dhiigga ee beeryarada ay dhaawacmaan bararka awgeed. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa markale maanta ka hadashay muwaadiniinta ku xayiran dalkaasi, ayada oo sheegtay inay dowladda ay soo daabuleyso Soomaalida ku xayiran dalka Sudan oo dagaallo ay ka socdaan. Ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Nuur Diinaari oo shir jaraa’id qabtay ayaa waxa uu sheegay in dadaalka loogu jiro samatabixinta muwaadiniinteenna uu meel wanaagsan marayo, isaga oo shaaciyay in xadka Suudaan iyo Itoobiya maanta laga soo gudbin doono illaa 200 oo muwaadin. Sidoo kale waxa uu si weyn ugu mahad-celiyay diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howl-galayay safaaradaha waddamada deriska, kuwaasi oo uu sheegay inay door muhiim ah ka qaateen howlaha samata-bixinta Soomaalida ku xayiran dalka Sudan. “Aniga oo ku hadlaya magaca wasaaradda waxaa raba in aan u mahadceliyo Diblumaasiyiinteena ka shaqeynayay arrinta gurmadka ee isugu jira safaaradaha Itoobiya, Sudan iyo South Sudan, runtii waa jihaadeen oo waxay qabteen howl aad u muhiim ah,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Diinaari. “Dadka Soomaalida waxay kusoo qulqulayaan xadadka kala duwna, waxaa lasoo gudbiyay illaa 148 muwaadin oo ku sugan hadda Sudan, maanta waxaa la filayaa illaa 200 muwaadin oo Soomaali ah inay soo gudbaan, oo waxay taagan yihiin xadka Al Qadarif ee dalka Sudan, ayna usoo gudbi doonaan xaggan, oo waxaa fududeyn doona diblumaasiyiinteena.” Diinaari ayaa sidoo kale waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda Kenya oo 19 Soomaali ah ka qaadday Khartuum iyo dowladda koofurta Suudaan oo dadka Soomaaliyeed u fasaxday inay xadkooda yimaaddaan una fududeeyaan safarkooda. “Waxaa rajeynayna in dhamaan dadka Soomaalida meel kasta oo ay gaari karaan ay gaaran waxaa meeshaas diyaar ugu ah diblumaasiyiinta kala duwan ee ka howl-galayay safaaradaha Itoobiya, Sudan iyo Koonfurta Sudan oo hadda diyaar u ah.” Ugu dambeyntiina waxa uu hay’adaha kala duwan iyo ganacsatada ugu baaqay in ay dadkooda u gurmadaan oo ay qeyb ka noqdaan sidii muwaadiniinta halkaasi ku xanniban loo samata-bixin lahaa, si ay u helaan tas-hiilaadka ay u baahan yihiin. Hoos ka daawo muuqaalka The post DF oo war cusub kasoo saartay daabulida Soomaalida ku xayiran SUDAN + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Kampala (Caasimada Online) – Waxaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala ka furmay shir muhiim u ah qorshaha dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku xoojinayo wejiga labaad ee dagaalka. Shirkan ayaa waxaa iskugu yimid dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uga arrinsanayeen dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo sidii looga xoreyn lahaa guud ahaan dalkeenna. Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Uganda, kaasi oo lagu wado inay ka qeyb galaan madaxweynayaasha dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howl-galka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuuti, Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkan maanta ka furmay Kampala ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka. Sidoo kale waxaa kulankaan warbixin looga dhageystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa ka marqaati kacay horumarka ballaaran ee laga sameeyay howl-galadda ka socda dalka, kuwaasi oo ay iska kaashanayeen wejiga koowaad ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Wejiga koowaad ee dagaalka iyo kan labaad oo hadda si hordhac ah uga billowday dalka ayaa waxaa lagu xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ay gacanta ku haysay kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay dhiggiisa dalka Uganda uga codsaday inuu martigeliyo shirka looga hadlayo amniga Soomaaliya iyo arrimaha ATMIS, oo ay ka qeyb-galayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan dalkeenna. Horay madaxdaan ayaa ugu kulmay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan dalalka dariska oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore, waxayna soo saareen go’aano ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iclaamiyay dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan taageero ka raadinayo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo adkaado kooxda. The post Shir muhiim u ah ‘qorshaha dagaal ee madaxweyne Xasan’ oo ka furmay Kampala appeared first on Caasimada Online.
-
Minnesota (Caasimada Online) – Once a beloved and prominent figure in the Somali music scene, Abdinur Nihaye Ahmed, known by his stage name “Abdi Dhaanto,” was forced to flee his homeland due to escalating insecurity and threats to his personal safety. With terrorism threats looming and musicians and journalists being targeted by militants in Somalia, Dhaanto made the difficult decision to leave everything behind and embark on a perilous journey to find safety in the United States. His journey to the U.S was not an easy one. It took him three weeks of navigating through treacherous routes, facing numerous hardships and risks along the way. His first leg of the journey was to Mexico, a country known for its challenges and dangers for migrants. The journey began with a harrowing escape from Mogadishu, the capital city of Somalia. Fearing for his life, he had to leave behind his family, friends, and his music career, which he had worked so hard to build. Constant death threats by al-Shabab and attacks left him on the edge. With just a small bag of belongings and his determination to survive, Dhaanto set out on a long and arduous journey, seeking refuge in the United States. “I had to leave Somalia because the situation there was getting worse day by day,” said Abdi Dhaanto in an interview. “There was a growing sense of insecurity, especially after last year’s election. Gang violence and terror attacks were on the rise, and it was becoming increasingly difficult to pursue my passion for music and live a normal life. Death threats became the norm.” Abdi Dhaanto, known for his soulful voice and captivating performances, was a prominent figure in Somalia’s music scene. He had a loyal fan following and was known for his powerful lyrics that often addressed social and political issues. However, as the security situation in Mogadishu deteriorated, he made the difficult decision to leave his homeland in search of safety and better opportunities. “I had to leave everything behind – my family, my friends, and my music – but I had no choice,” Dhaanto said, recounting his journey. “I traveled through several countries, facing various challenges, including language barriers, financial difficulties, and the constant fear of being caught in conflict zones. It was a tough journey, but I was determined to find a better life.” After arriving in Mexico, the 29-year-old singer continued his journey to the United States, where he hopes to find opportunities to develop his music career and share his talent with a wider audience. “The United States has always been known as a land of opportunities,” he said. “I believe that with hard work and determination, I can rebuild my life here and continue pursuing my passion for music.” Abdi Dhaanto’s story is not unique. Many artists and musicians around the world have had to flee their homelands due to insecurity, conflict, and persecution. They often face numerous challenges in their journey to safety and finding a new home where they can continue their creative pursuits. “I am grateful for the opportunity to start a new life in the United States,” Abdi Dhaanto said. “I am determined to work hard and make the most of the opportunities available to me. I hope to connect with the local music scene, collaborate with fellow musicians, and share my Somali heritage through my music.” As Abdi Dhaanto begins his new chapter in the United States, he remains hopeful and optimistic about the future. He is grateful for the support he has received from the Somali diaspora and the international music community, and he is determined to continue using his music to inspire and make a positive impact. TOUGH ODYSSEY Traveling mostly on foot, the singer crossed through several countries in Latin America, including treacherous forests and remote areas. He faced extreme weather conditions, lack of food and water, and the constant fear of falling victim to human traffickers. Despite the challenges, Dhaanto remained resolute in his quest for safety and freedom. Along the way, he encountered hunger and thirsty and faced threats from criminals who preyed on vulnerable migrants. He witnessed the suffering and desperation of fellow travelers who had also fled their homelands in search of safety and a better life. After weeks of grueling travel, he finally arrived in the US, his final destination where he is hoping to rebuild his life and music career and is also seeking asylum. The post From Mogadishu to Minnesota: The Harrowing Journey of a Fleeing Somali Singer appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shatigii kala laabatay dhamaan maqaayadaha iyo hoteellada ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Go’aankan kasoo baxay maamulka gobolka ayaa waxa uu imanaya xilli caasimada laga bilaabay howl-galo lagula dagaalamayo maandooriyaha, kadib markii markii uu maamulka amray in albaabada loo laabo xarumaha ganacsi ee lagu isticmaalo waxyaalaha lidiga ku ah anshaxa. Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hoteellada iyo maqaayadaha lagala laabtay shatigii ganacsi ee ku shaqeynayeen laga diiwaan-galiyay falal isugu jira anshax xumo, dilal iyo dhac dadweyne. “Maamulka gobolka Banaadir waxa uu xiray goobo ganacsi oo lagu isticmaalayay maandooriye oo ay ka socdeen wax ka baxsan anshaxa iyo dhaqankeena suuban, iyada oo goobahaasi la xiray lagala noqday shatiyadii ganacsi ee hore u haysteen,” ayuu yiri Afhayeenka gobolka Banaadir Saalax Dheere. Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in howl-gallada uu horkacayay habeenadii u dambeeyay guddoomiye Madaale ee maamulka gobolka kula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya iyo anshax xumada ay ku yimaadeen cabashooyin badan oo ka yimid bulshada, kuwaasi oo ka cawday xarumaha lagu iibiyo waxyaabahaasi. Guddoomiye Madaale oo isagu hoggaaminayay howl-galadii labadii habeen u dambeeyay ayaa waxa uu ku sheegay in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka u rabaan xasilooni, horumar, bilic iyo dhaqan wanaagsan, sidaas darteed aysan hadda kadib aqbali doonin waxkaste oo wax udhimaayo sharafta Dadkeena, Diinteena iyo Anshaxa Suuban. “Waxaa mas’uuliyad innaga saaran ilaalinta mustaqbalka dhallinteena Soomaaliyeed oo ah xooga ugu weyn uu Dalkeena ku tashanayo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duq Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale. Si kastaba, Howl-galladii u dambeeyay ee uu qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay dadka reer Muqdisho oo guddoomiyaha ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday. The post Maamulka gobolka oo shatigii kala laabtay hoteello iyo maqaayado ku yaal Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Joe Biden ayaa maanta ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo doorashada 2024. Madaxweyne Biden oo da’diisu tahay 80 sano jir ayaa sheegay in uu doonayo in uu dhammeystiro shaqo qabyo ah’ sida uu ku sheegay muuqaal uu soo dhigay Twitter-kiisa. “Jiil kastaa wuxuu leeyahay waqti ay u istaagaan dimuqraadiyadda, si ay ugu istaagaan xorriyaddooda aasaasiga ah, waxaan u maleynayaa inay taasi tahay annaga, waana sababta aan ugu tartamayo inaan mar kale noqdo madaxweynaha Mareykanka. nagu soo biir. Aan dhammeystirno shaqada” ayuu yiri Joe Biden. Biden ayaa aad loo filayaa inuu mar kale xusho Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee noqota madaxweyne ku-xigeen, si ay ugula biirto ticket-ka 2024. PUNTLAND POST The post Joe Biden oo ku dhawaaqay in uu mar kale u tartamayo doorashada 2024 appeared first on Puntland Post.
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay dalabkii uu dhowaan u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo qabanayo shir looga arrinsanayo xaaladda Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay dhiggiisa dalka Uganda u codsaday inuu martigeliyo shirweynahaas oo ay ka qaybgalayaan dhammaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya. War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Uganda, isla-markaana lagu daabacay bogga internet-ka ee ciidamada milatariga ayaa waxaa lagu sheegay inay marti gelinayaan shirkaas oo ka dhacaya Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxa uu furmi doonaa maalinta Khamiista ah oo ku beegan, 27-ka Apil ee 2023-ka, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Uganda. Waxaa sidoo kale dowladda Uganda ay shaaca ka qaaday in haatan uu socdo abaabulka shirkaas, isla-markaana ay wadaan guddi farsamo oo ka socdo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo diyaarinaya ajendaha shirka guud ee ka dhacaya Kampala. Wararka ayaa sheegaya in inta badan shirkan diiradda lagu saarayo, ammaanka, dagaalka Al-Shabaab iyo sidii wajigiisa labaad ay uga qayb qaadan lahaayeen ciidanka howlgalka ATMIS Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya (TCCs) ay qiimeeyaan guulihii u dambeeyay ee laga gaaray howlgallada haatan ka socda koonfurta & bartamaha Soomaaliya. Horay madaxdaan ayaa ugu kulmay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan dalalka dariska oo la’isku yiraahdo waddamada safka hore, waxayna soo saareen go’aano ka dhan ah Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka. Si kastaba, madaxweynaha dowladea Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iclaamiyay dagaalkan ayaa haatan taageero ka raadinayo dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo adkaado Al-Shabaab. The post Museveni oo ka jawaabay dalabkii madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The Banadir regional administration has revoked several business licenses in Mogadishu after anti-drug operations were conducted over two nights in the capital. Mayor of Mogadishu and Banadir Governor, Yusuf Hussein Jim'ale Madale, spearheaded the operations, targeting locations where drugs were allegedly being sold and consumed, including Liido Beach. Source: Hiiraan Online
-
Xoogagga isku haya awoodda dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay xabadjiijon, kadib laba tobodaab oo ay dhacayeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka Milatariga dalkaasi iyo xoogagga Damcu Sariic kasoo horjeeda taliska Milatariga uu hoggaamiye Cabdifitaax Al-Burhaani, kaas oo dagaal kala kulmaya Jenerla Candixamiid Daqalo. Dhinacyada ayaa waxaa ay ku heshiiyeen xabadjoojin 72 saacadood ah sidalaga soo xigtay xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony Blinken, taas oo dhaqan gashay habeenkii xalay, waxaana ay kusoo aadeysaa xilli kumannaan shacab ah ay isaga baxsadeen dagaallada dalkaas, kuwaas oo gaaray xadka Masar iyo Ethiopia. Waa ugu yaraan xabbad-joojintii saddexaad ee lagu dhawaaqo tan iyo markii ay dagaallada sokeeye ka qarxeen bishan balse midna ma aysan dhaqan gelin, Mr Blinken ayaa sheegay in heshiis ay wada gaareen ciidamada milllitariga ah iyo ciidamada gargaarka degdega ah ee RSF ka dib wadahadallo socday muddo 48 saacadood ah. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa isna ka digay rabshadaha ka socda Sudaan in ay sababi karaan iskudhac masiibo ah kaas oo harayn kara gobolka oo dhan iyo meelo kale, waxaana uu dhinacyada ku booriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u tagaan miiska wadahadalka si loo dhameeyo qulquatooyinka jira. Mareykanka ayaa sheegay, inuu eegayo suuragalnimada inuu dib u bilaabo joogitaankiisii diblomaasiyadeed ee Suudan hase yeeshee wuxuu ku tilmaamay xaaladaha halkaas ka jira kuwo aad u adag, waxaana jiray in dalalka Britain, France iyo UK ay hore u daadgureeyeen diblomaasiyiintooda ku suganaa Sudan iyo muwaadiniinta kale. Arrintan ayaa timid ka dib maalmo ay xiisadi ka taagneyd iyadoo xubno ka tirsan RSF lagu soo daad gureeyey dalka oo dhan taasoo ay ciidamada millitariga ah u arkeen in tahay mid halis ah, waxaana arrintaan ay kusoo aadeysaa, xilli uu madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir uu ka baxsaday xubsi lagu xiray. Dagaalka ka dhacaya dalka Sudan ayaa ilaa iyo hadda waxaa lasoo warinayaa in ay ku geeriyoodeen dad ka badan 3500 ruux, halka ay jiraan dhaawacyo ka badan 9000 ruux sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalka Sudan ee u dhaxeeya ciidanka iyo xoogagga kasoo horjeeda ayaa wali soconaya iyadoo usan jirin xal laga gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
