Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya ayaa soo saaray dalab culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro khasaare geysta iyo qaraxyo xoogan ka fuliso gudaha waddankiisa. Ruto oo ka qayb-galay shir Khamiistii ay magaalada Kampla ku yeesheen dalalka ay ciidanka ka joogaan gudaha Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in lasoo afjaro agragaxisada iyo amni darada ka jirta gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya looga baahan yahay inay xoojiyaan wadashaqeyntooda, is-dhaafsiga xogaha sirdoonka iyo iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab iyo ka hortagga guud ahaan khatarta argagaxisada. William Ruto ayaa sidoo kale boggaadiyay shaqada ciidamada ATMIS ee howlgalka Midowga Afrika, wuxuuna sheegay inay guul weyn ka gaareen hadafkooda xaislinta Soomaaliya. “Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa Ciidanka ATMIS guusha ay ka gaareen dagaalka Al-Shabaab iyo howgalka xasilinta Somalia,” ayuu yiri madaxweyne William Ruto. Dhanka kale, madaxweynaha dalka Kenya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay diiradda saaraan sidii dhaqaale ahaan loo taageeri lahaa ATMIS, oo soo wajahday mushaar la’aan kadib markii midowga Yurub uu jartay 60 milyan oo dollar siin jiray sanad weliba, taas oo culeys u keentay howlgalka. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladdiisa ay ka go’an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, si looga adkayo kooxda Al-Shabaab oo halis ku ah labada waddan. “Xasiloonida gobolka ayaa laf-dhabar u ah horumarka xiriirka ganacsiga Kenya iyo Somalia, ayuu mar kale yiri madaxweyne Ruto. Si kastaba, Kenya ayaa kamid ah dalalka qaybta ka ah ATMIS, waxayna ciidamadeeda si gaar ah uga howlgalaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland. The post William Ruto oo saaray dalab ka dhan ah Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sameeyay dhoolatus weyn, xilli uu soo shaac baxay mooshin ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Ra’iisul wasaare Xamza oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa ugu maqnaa gudashada Cumrada, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde. Soo dhaweynta loo sameeyay ra’iisul wasaaraha oo ka duwaneyd kuwii horey loogu sameyn jiray ayaa kusoo aaday, xilli aad loo hadal hayo mooshinka ay ka wadaan xubnaha baarlamaanka, waxaana Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha Wasiirada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Al-Shabaab, isla-markaana Soomaaliya ay ku tallaabsan doonto guulo kale oo waaweyn oo ay kamid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday. Dhanka, kale ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu sii laba jibaaro shaqadiisa, si uu uga hortago abaabulka xilka looga tuurayo, waxaana qorshuhu yahay inuu bilaabo kulamo siyaasadeed oo uu la qaadanayo xubnaha beesha caalamka iyo xildhibaanada qudhooda. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in mooshinka ka dhanka ah Xamza lagu diyaarinayo Nairobi oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran. Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada. The post R/W Xamza oo dhoolatus sameeyay xilli uu socdo mooshin culus + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  3. Kuuriyada Waqooyi ayaa digniin kasoo saartay heshiis ay wadagaleen Mareynkanka iyo Koofur Kuuriya, kaas oo ay ku tilmaanta mid daandaansi ah, Mareykanka ayaa Koonfurta la leh heshiis Milatari tan iyo markii Waqooyigu ku dhiiratay sameysashada hubka waxgumaada ee Nuclear-ka. Kim Yo-jong oo ah haweeney la dhalatay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi aadna u awood badan, ayaa diginin kasoo saartay in heshiiska ay dhawaan gaareen dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed uu horseedi doono “khatar ka badan tii hore u jirtay”ayey sheegtay Yo-jong . Haweenaydaan oo ah qofka labaad ee ugu sareeya awooda dalka marka laga tago walaalkeed Kim Jong un ayaa sheegtay in kahortaga nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi “uu haatan gaarey halkii ugu sarreeyey”, warbaahinta dowladda ayaa sidaasi soo gudbisay oo laga soo xigtay. Maraykanku ayaa waxa uu ogolaaday in la geeyo Koonfurta Kuuriya maraakiibta hubka Nukliyeerka ah, iyadoo maamulka dalkani uu dhankiisa ka jaan goynayo qorshahaha nukliyeerka, si loogga hortago khatarta nukliyeerka ee Waqooyiga, taas oo wada hormarinta hubka lagu tartamo. Heshiiska – oo looggu magac daray Heshiiska Washington – ayaa lagu dhawaaqay toddobaadkan, intii lagu jiray wada hadalladii ay yeesheen Madaxweyne Joe Biden uu kula yeeshay dhiggiisa Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol, ee caasimadda dalka Mareykanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Fedraalka Somaliya Mudane Abshir Omar Huruuuse ayaa khadka foggaan aragga kala hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Wasiirka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga war bixiyey siyaasadda qurba joogta Soomaaliyeed oo markii ugu horraysay laga sharciyey dalka, waxa una tilmaamay in kaalin muuqato ay jaaliyadda soomaaliyeed ka qaateen dib u dhiska waddanka. Wasiir Huruuuse ayaa intaa ku daray in ay qaban doonaan shirweyne qurba joogta isugu imaan doonaan meela kala duwan si ay uga tashadaan kaalinta ah ka qeyb galka hormarka socda sidoo kalana loo fududeeyo in jaaliyadda soomaaliyeed ay ka qeyb qataan maalgashiga dalka. PUNTLAND POST The post Wasiir Huruuse oo warbixin siiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota appeared first on Puntland Post.
  5. Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo ay aaladda Zoomka ku yeesheen guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan iyo safiirka Mareykanka ee xilka kasii dagaya Larry André. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay howlgallada xoreynta ee haatan ka socda deegaanada maamulka HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan. Larry André ayaa marka hore Cali Jayte ku boggaadiyay sida uu maamulka doorka weyn u siiyay la dagaalanka Al-Shabaab, maadaama uu guullo waa weyn laga soo hoyay. Sidoo kale danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya ayaa cambaareeyay dagaal beeleed maalmo kahor ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada 5 qof. Dhankiisa guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo madasha ka hadlay ayaa Mareykanka uga mahadceliyay taageerada milatariga ee uu siiyo Soomaaliya, wxuuna ka dalbaday inuu sii laba jibaaro, isla-markaana uu ka qayb qaato wajiga 22-aad ee dagaalka Al-Shabaab. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale xukuumadda Washington ku amaanay kaalmada isugu jirta hubka, saanada iyo taageerada dhanka cirka ah ee Soomaaliya. Mareykanka ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna taageeradiisa muhiin u tahay gulufka dagaal ee ay haatan wado dowladda Soomaaliya. Bishii Janaayo ee sanadkaan 2023, ayay aheyd markii uu Mareykanka $9 milyan oo doollar oo isugu jira hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale ugu deeqay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, si loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu Maraykanku bishii March dowladda federaalka ku wareejiyay deeqdii labaad oo ka kooban 61 tan oo hub iyo rasaas ah taas oo loogu talagalay ciidanka Danab. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda duulaan toos ah oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka, waxaana laga gaaray guullo waa weyn, kadib markii kooxda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Cali Jayte oo Mareykanka kala hadlay wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  6. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in Turkiga iyo Itoobiya ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan. Dadaaladan ayuu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibbada Turkiga inuu uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Çavuşoğlu ayaa wareysi toos ah oo uu siiyay TRT Haber ku sheegay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Burak Akçapar uu u safri doono Suudaan toddobaadka soo socda si uu xal waara ugu helo dhibaatada ka taagan dalkaas. Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga ay ka daadgureeyeen 1,834 qof, oo ay ku jiraan 249 muwaadiniin ah oo ka kala yimid 19 waddan oo kala duwan, kuwaas oo laga soo daadgureeyay Suudaan oo ay colaado aafeeyeen. “Waxaan la xiriireynaa mid kasta oo ka mid ah muwaadiniinteena doonaya inay soo laabtaan,” ayuu yiri Çavuşoğlu. TUrkiga ayaa khamiistii geeyay shan diyaaradood oo kuwa gaadiidka qaada ah, oo ay ku jiraan laba diyaaradood oo A400M ah, si ay muwaadiniinteeda uga soo daad gureeyaan Suudaan. Horaantii Jimcihii, Wasaaradda Difaaca ayaa ku dhawaaqday in Diyaaradda Turkiga ee C-130 ee daadgureynta ah, oo ku sii jeedday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Wadi Seidna si loo daadgureeyo, ay la kulantay rasaas yar yar. Xabbad-joojin dhaqangashay saqdii dhexe ee Talaadadii ayaa ahayd isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka Suudaan oo qarxay 15-kii Abriil. Ugu yaraan 460 qof ayaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo kalena way ku dhaawacmeen iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF tan iyo markii uu dagaalku billowday.sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Suudaan. Khilaaf ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhex aloosnaa ciidamada iyo kuwa dableyda ah oo ku saabsan dib u habeynta amniga milatariga Source
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre oo maalmihii la soo dhaafay dalka uga maqnaa gudasha Fadliga Cumrada, ayaa maanta dib ugu soo laabtay, iyadoo si diiray loogu soo dhoweeyay Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Golaha Wasiirrada, Masuuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado, waxaana imaatinkiisa uu kusoo aadayaa xilli caasimadda laga dareemayo saameynta Roob ka da’ay oo gooyay inta badan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Haraadiga Khawaarijta firxadka ah, dalkuna ku tallaabsan doono guulo kale oo waaweyn oo ay kamid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Magalaada Muqdisho Iyadadoo sacadihii la soo dhaafay uu ka da’ay Roob Xooggan oo geystay qasaaro iskugu jira dhimasho, Burbur soo gaaray Guryo iyo Gadaadid,Biyaha badan oo ka dhashay Robkaasna ay buux dhaafiyen xaafaddo iyo inta badan Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimada ayaa dowladdu bilowday gargaar loo fidiyay bulshada uu saameeyay Roobka. Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA oo ka duuleysa saameynta ka dhalatay Roobka iyo dadka ku barakacay ayaa waxa ay gurmad balaaran u fidisay xalay dad badan oo guryahooda biyaha ugu galeen kuwaas oo si KMG la iskugu geeyey degmada wartanabada ee Gobolka Banaadir, halkaas oo mas’uuliyiin dowladda iyo maamulku ku kormeereen. Hay’adda SoDMA ayaa xalay gawaari nuuca xamuulka qaada ah oo sida Raashinka qeybhiisa kala duwan iyo Dhar waxa ay gaarsiisay boqolaal dad ah oo sameen Roobkaas ka so gaartay iyadoo gargarkaan ku daabushay xarunta degmada wartanabada si loo sii gaarsiiyo degmooyinka kale ee dhibatada roobkaas ka soo gaartay bulshada ku nool caasimadda uu saameeyay. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiobioyinka Qaranka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ay wehliyaan Raisulwasaare ku xigenka XFS Saalax Axmed Jaamac, Wasiiro,Guddoomiyaha Gobolka Banadir,Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa gargaarkaan gudaha degmada Wartanabada ugu qeybiyey qoysas biyaha ay la tageen guryahooda. Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale kormeeray biya xireeno ku yaala degmooyinka Howlwadaag, Wartanabada Waabari, Wadajir iyadoo dadka danyarta ah lala gaaray Booyado biyaha xafadooda ka bixiya, waxaana maamulka dowladda hoose ay wadaan saqo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Algiers (HOL) - Idriis Abdelwahab Aden, the Sweden-based midfielder of Somalia's U17 squad, has issued a warning to their opponents ahead of their TotalEnergies U17 Africa Cup of Nations (AFCON) debut on Saturday in Algeria. Source: Hiiraan Online
  10. Roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran ayaa khasaare kale duwan u geystay bulshada, waxaana jira in Roobabku ay hakiyeen isku socodka dadka iyo gaadiidka ka howlgala inta badan caasimadda iyo wadooyinka qaar oo biyuhu jareen. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ay welinayaan mas’uuliyiin xukuumadda iyo dowladda hoose ka tirsan ayaa kormeeray degmooyinka qaar, isagoo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay iyo baaxadda uu leeyahay Roobkii ka da’ay caasimadda Muqdisho. “Khasaaraha naloo soo tabiyay ilaa hadda afar qof ayaa ku dhimatay, Warta Siigaale Cunug yar ayaa ku dhacay, laba qof oo Warta Nabadda ku dhintay, laba qof oo Boosaneer uu la dumay iyo laba qof oo Daadku uu qaaday iyo qaar kale oo dhaawac ah” ayuu yiri ayuu yiri guddoomiye Madaale. Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay ku howlan tahay sidii Biyaha looga qaadi lahaa wadooyinka caasimadda, waxaana uu kaga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed garabka ay ka geysanayaan, kuwaas oo soo diray Booyado lagu qaado Biyaha. Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo hadlay ayaa sheegay in umadda Soomaaliyeed ay la qabsadeen xaaladaha Abaaraha iyo Biya baxa Roobabka, waxaana uu sheegay in dowladda ay ku howlan tahay sidii loo hagaajin lahaa goobaha ay biyaha qaadan ee caasimadda. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho saacadihii lasoo dhaaafay Roobab xooggan oo ka da’ay ayaa waxaa ay saameyn weyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo ay socdaan dadaallo uu wado maamulka gobolka, kaas oo biyaha looga qaado wadooyinka go’doonsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo haatan kamid ah Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), xilli uu ka falcelinayay howlgalkii uu dhowaan ka sameeyay agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Prof. Samatar ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo la daagaalanka maandooriyaha, balse waxa uu ka horymid tallaabadii uu qaaday Madaale. Senatorka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay hab dhaqanka guddoomiyaha, gaar ahaan dhalinyaradii uu ku garaacay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla xeebta Liido. “Labo waji ayay arrintu leedahay maadooriyeyaasha, qamriga iyo wixii xaaraan ah in laga qabto waddanka waa mid Soomaali oo dhan ay isku raacsan tahay anigana aan ku raacsanahay, laakiin waxa la’isku hayo habka ay dowladda arrintaan wax uga bedddali lahayd miyaa habkani, mise waa hab kale?” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tallaabada ugu horreyso ay tahay in marka hore digniin la siiyo dadweynaha, kadibna howsha fulinta ay qabtaan hay’adaha ammaanka. “Waxaa kuu muuqda nin guddoomiye gobol sheeganaya oo bud sida, carrruurna ku garaacaya, isagu ma askarigii ciqaabayaybaa?. Howshiisu howshaa ma’aha waxa weeyaan in lasoo saaro wixii xaaraan ah in dadka loo sheego laga nadiifiyo, dadkana fursad la siiyo,” ayuu mar kale ku yiri wareysigaan oo uu Prof. Samatar siiyay Telefishinka Universal. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Waxa ay ila tahay oo i tuseysaa in meesha loo socdaa ay tahay meeshii kaligii taliska”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada uu dadar uga socdo howlgal culus oo ka dhan ah maandooriyaha, kaas oo uu hormuud u yahay gobolka Banaadir. Si kastaba, dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha ee ka socda gudaha caasimadda ayaa maraya meel wanaagsan, waxaana toddobaadkii u dambeysay la arkayay guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaaminaya howl-gal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo Madaale u u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi. Kalaabyada ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasha gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye. The post Prof Samatar oo WEERAR culus ku qaaday Madaale appeared first on Caasimada Online.
  12. Beledweyne (HOL) - US Ambassador to Somalia, Larry André, held a video conference with Hiiraan Governor Ali Jeyte and other prominent Hiraan leaders on Friday, expressing US support for ongoing anti-Al-Shabaab operations in Hirshabelle. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xalay kormeeray xaafadaha ay saameeyeen roobabkii xooganaa ee shalay ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo daadad xoogan watay. Saalax oo u wehliyay duqa Muqdisho ayaa booqday xaafadda Ceelqalow iyo Warta Nabadda oo kamid ah meelaha ay ku dhufteen daadadka, halkaas oo ay ka jirto xaalad adag. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa xusay in roobabka ay khasaare xoogleh geysteen, isla-markaana dhibaatada ugu daran ay wajahayaan qoysaska danyarta ah. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay haatan wado qorshe wax looga qabayo biyaha roobka, isla-markaana la sameyn doono biyo xereen. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in qorshahaas ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan wasaaradda howlgaha guud iyo maamulka gobolka Banaadir oo is wada kaashanaya. “Wasaaradda howlaha guud iyo gobolka Banaadir barnaamijyo wadajir ah oo ay kaga wada shaqeynayaan sidii xal waara loogu helo arrintaan ayay ku howlan yihiin, kaasi waxaa xalka durugsan xilligeeda iyo waayaheeda ayaan ka warrameynaa,” ayuu yiri Saalax Axmed. Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka qorshahaasi fulintiisa ay u raadin doonto lacagaha loo baayahan yahay oo uu ku sheegay malaayiin dollar, walow uusan shaacin tirada rasmiga, “Dowladdu waxa ay u raadineysaa malaayinka dollar ee loo baahan yahay in arrintaa wax looga qabto inay gobolka ka kabto oo ay oo wax kala qabato,” ayuu sii raaciyay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka taagan xaalada ka dhalatay roobabkii ka da’ay caasimada, waxaana xirmay waddooyinka qaar, kadib markii ay biyuhu fariisteen. The post DF oo xalay ku dhawaaqday qorshe wax looga qabanayo xaalad ka taagan Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  14. A report released Thursday shows that the devastating series of droughts that has struck the Horn of Africa since late 2020 would not have occurred without global warming. Source: Hiiraan Online
  15. From the catwalks of Milan and New York to the covers of the largest fashion magazines around the globe, hijab-wearing models are redefining the face of fashion. Source: Hiiraan Online
  16. Addis Abeba – Head of the ruling Prosperity Party, Amhara region branch, Girma Yeshitila, is shot dead, sources confirmed to Addis Standard. Source: Hiiraan Online
  17. President William Ruto has emphasised that terrorism in Somalia and the Horn of Africa must come to an end. Source: Hiiraan Online
  18. DUBAI, United Arab Emirates — A ship came under attack Friday off the coast of Yemen in unclear circumstances, a British military organization said. Source: Hiiraan Online
  19. Magaalooyin dhowr ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv ee Ukraine, ayaa waxaa lagu garaacay mowjado gantaallo ah oo ay fuliyeen ciidamada Ruushka. Magaalada Kyiv, 11 gantaal iyo laba diyaaradood oo weerar ah ayaa lagu soo riday nidaamka difaaca hawada, sida ay saraakiishu sheegeen. Madaxa maamulka militariga ee magaalada Kyiv ayaa sheegay in tani ay tahay weerarkii ugu horeeyay ee gantaalada Ruushka lagu qaado caasimadda muddo 51 maalmood ah. Sidoo kale qaraxyo ayaa ka dhacay magaalooyinka Kremenchuk iyo Poltava, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Interfax. Haweeney iyo ilmo saddex caruur ah ayaa lagu dilay magaalada Dnipro, sida uu sheegay duqa deegaanka,halka la sheegay in shan qof loo qaaday isbitaal. PUNTLAND POST The post Ruushka oo mawjado gantaallo ah ku garaacay dalka Ukraine appeared first on Puntland Post.
  20. Paris: Deaths from hunger are on the rise in Africa because of droughts worsened by climate change and conflict, UN officials and non-governmental organisations said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  21. The fight against al-Shabaab has changed tack since Hassen Sheikh Mohamud became Somalia’s president last year. Source: Hiiraan Online
  22. Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono fowdo haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska. “Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa” ayuu yiri Mr. Trump. Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo. Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay in uu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York. Inkasta oo uu wajahayo dacwado dhowr ah, haddana Trump ayaa codadka ra’yiga si xooggan uga horreeya xubnaha kale ee Jamhuuriga ee tartamaya, si gaar ahna barasaabka gobolka Florida Ron DeSantis oo ah kan ugu soo dhow. PUNTLAND POST The post Donald Trump oo wacad ku maray in uu doorashada 2024 kaga adkaan doono Joe Biden appeared first on Puntland Post.
  23. Ankara (Caasimada Online) – Afar saxafi Kurdish ah ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla dalka Turkiga iyaga oo lagu eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) kaas oo mamnuuc ka ah dalka Turkiga. Beritan Canozer oo u shaqeeya JinNews, saxafi Remzi Akkaya, Abdurrahman Gok oo ah tifatiraha Mesopotamia News Agency iyo saxafi kale oo lagu magcaabo Mehmet Sah Oruc ayaa xabsiga la dhigay Salaasadii ka dib hawlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamada booliska ee dalkaas, kuwaas oo 21 magaalo ka soo qabqabtay illaa 128 qof. Dadka xabsiga la dhigay ayay ku jireen illaa 10 saxafi, garyaqaan u doodayey saxafiyiin Kurdiyiin ah oo xabsiga ku jira, iyo xubno ka tirsan xisbi ay leeyihiin Kurdiyiintu oo ah kan saddexaad ee ugu weyn baarlamaanka dalkaas. Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ayaa amar ku bixisay in la xayiro xisbigaas oo lagu eedeeyey inuu xidhiidh la leeyahay ururka PKK, hase ahaatee xisbiga ayaa eedayntaas beeniyey. Xadhigan ayaa ku soo beegmaya, maalmo ka hor doorashada baarlamaanka iyo madaxtinimada dalkaas oo dhacaysa bisha May 14-keeda, taasoo loo arko inay tahay doorashadii ugu adkayd ee uu galo madaxweyne Erdogan labaatankii sano ee la soo dhaafay. Ilo dhinaca amniga ah oo Turki ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dadkan loo haysto tuhuno la xidhiidha inay ururka PKK ka caawiyeen dhinaca dhaqaalaha, shaqaalaynta iyo fidinka dacaayadaha. Ururkan ayaa Turkigu u arkaa urur argagixiso. Hay’ado kala duwan oo caalami ah oo u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka oo ay ku jiraan Freedom House, International Press Institute iyo PEN International ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkigu inay joojiso cagajuglaynta baahsan iyo handadaada ka dhanka ah saxafiyiinta Kurdida ah, hay’adohooda warbaahineed iyo garyaqaanada difaacaya, isla markaana in fursad sharci la siiyo xisbiga Kurdiyiinta, lana soo bandhigo dhammaan eedaha loo haysto. VOA The post Turkiga oo maxkamad soo taagay 4 Wariye + Sababta appeared first on Caasimada Online.