-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta ciidamo horleh iyo saraakiil ka tirsan ciidanka milatariga Somaliland ay ka goosteen maamulkasi, kuwaas oo si toos ah ugu biiray ciidamada SSC-Khaatumo. Ciidamadan iyo saraakiishooda ayaa hoostagayay ciidanka uu maamulo Mahad Cambaashe oo ku sugan afaafka hore ee jiida dagaalka. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay u baxsadeen dhinaca degaannada hawdka ee gobolka Sool, halkaas oo ay difaac ka galeen, maadaama ay isaga baxeen Somaliland. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan ayaa gaaraya ilaa tobaneeyo askari iyo saraakiishooda, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay gudaha u geli doonaan Laascaanood, oo hadda laga dareemayo qaban qaabo ku aadn soo dhaweyntooda. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan arrinta ciidamadaasi iyo dhaq-dhaqaaqyada ka socda gobolka Sool. Maalmo kahor ayay aheyd markii sidaan oo kale ay usoo goosteen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo wata gaadiidkooda dagaalka, kuwaas oo lagu soo bandhigay Laascaanood. Dhanka kale, Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo horleh oo xoojin ah ay geysay tuulo Samakaab ee gobolka Sool, halkaas oo uu ku sugan yahay Cambaashe. Ujeedka ayaa ah in ciidamadan ay ka hortagaan inay goostaan askar kale, maadaama uu kala shaki xoogan soo kala dhex-galay ciidamada ku sugan halkaasi. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood, Somailand ayaa lumisay dhul ballaaran, madax, ciidamo iyo saraakiishooda, kuwaas oo ku biiray SSC-Khaatumo. The post Saraakiil iyo CIIDAMO kale oo Somaliland uga goostay SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hooyo Calasey Xamuud Cadow oo kamid ah dadka deegaanka ee ku dhaqan tuulada Maxaay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee HirShabelle ayaa ka warbixisay dil maanta wiilkeeda loogu geystay deegaankaas oo ay mudo 7 sano ah ka taagan tahay colaad u dhexeyso 2 maleeshiyo beeleed oo walaalo ah. Hooyadan oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Kulmiye ayaa ka sheekeysay, sida arxan darrada ah ee loo dilay wiilkeeda oo ahaa 40 sanno jir, sida ay sheegtay. Calasey ayaa sidoo kale sheegtay in xilliga la dilayay wiilkeeda uu ka yimid biyo dhaamin, isla-markaana isaga oo biyo uu shubtay cabayay toogasho lagu dilay. “Igaarkeyga waa dhaanshay kadib waa soo fulay Ratiga, haddii uu furay aa la weeraray gurigiisa lagu dilay,” ayay tiri Hooyo Calasey Xamuud Cadow. Waxa kale oo Hooyadaan oo murugeysan ay hadalkeeda sii raacisay “Wiilkeyga biyo uu cabaayay oo uu shubtay intoo cabin ayaa la dilay”. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay taqaano ragga dilay wiilkeeda, isla-markaana ay daris yihiin, sida ay hadalka u dhigtay. “Colaadda asal ayay jirtay nimankan dilka geystay waa kuwaan dariskeenna waayay Xasan Gaab ayaa la yiraahdaa,” ayay mar kale tiri Hooyo Calasey Xamuud Cadow. Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay dowladda federaalka iyo HirShabelle oo ay ka dalbatay inay cadaalad u raadiyaan wiilkeeda, si loo soo qabto raggii ka dambeeyay. Marxuumka ayaa ifka uga tegay carruur iyo xaas, sidoo kale waxa uu gacanta ku hayay hooyadiisa oo da’ah, taas oo si weyn ula muroogootay dilka loo geystay wiilkeeda. The post Daawo: Hooyo Calasey “Wiilkeyga waxaa la dilay isaga oo biyo uu shubtay aan cabin” appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu police arrest woman for alleged murder of stepson
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Police in Mogadishu's Dharkeenley district apprehended a woman on Sunday believed to have murdered her stepson. Source: Hiiraan Online -
Waxa ay noqonaysaa haweenayda keliya ee ku jirta golaha wakiillada Somaliland Baarlamaanka Somaliland, waxaa maanta xaadirtay Aamina Cilmi Fariid oo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee sannadkan soo gasha golahaas, kaddib doorashadii ay dhammaan xildhibaannada soo baxay ragga ahaayeen. Farxad iyo sacab ayaa ay ku qaabbileen maalinteedii koowaad raggii golaha uga soo horreeyeay. Aamina waxa ay buuxinaysaa booskii xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed oo bil ka hor geeriyooday, taas oo ka dhigan in ay ahayd qofkii ku soo xigay xisbi ahaan booskaas. Waxa ay ka sharraxnayd gobolka Awdal, si gaar ah xisbiga UCID. Ku soo biiritaanka Golaha Wakiillada ee Aamina ayaa ka dhigan dhacdo muhiim ah, maaddaama sida ay dad badan oo ay iyadu ka mid tahay qabaan, inay golaha ku soo kordhin doonto aragti cusub, metelaad iyo cod ka maqnaa. Waraysi gaar ah oo ay BBC-da siisay waxa ay ku sheegtay ‘in qorshaheedu ugu weyni yahay metelaadda haween weynaha Somaliland iyo keenidda codkii haweenka golaha’. Waa tuma Xildhibaanad Aamina? Waxa ay ku dhalatay magaalada Burco, halkaas oo ay sida oo kalena ku soo qaadatay waxbarashadeedii hoose, kaddib intii aanay ka shaqo gelin magaalada Berbera, si gaar ah diyaaraddii Somali Airlines. Burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib, Aamina waxa ay ka mid ahayd Soomaalidii tirada ahayd ee nolosha u raadsaday qurbaha iyada oo kolkaas tagtay dalka New Zealand. Waxaana halkaas ay ka sii bilawday waxbarashadeedii sare iyada oo baratay maamulka iyo maaraynta. Waxaana ay xilligaas ku shaqaysay xirfadda macallinnimada iyo sida oo kale heerar kale oo shaqo oo gaadhsiisan maamul. Ingiirksa iyo Imaaradka ayaa sida oo kale ka mid ah dalalka ay ka soo shaqaysay. Intaas kaddib, waxa ay ku soo noqotay Somaliland iyada oo markan ku biirtay ururrada bulshada iyo dhanka samafalka. Doorashadii dhacday sannadkii 2021 bishii May ayay ka mid noqotay musharrixiintii isusoo taagay golahaas. Nasiib darro kuma ay guulaysan, waxaana ay ka mid ahayd xubnihii ku sii xigay tiradii koobnayd ee ka soo baxday xisbigii ay ka sharraxnayd. Doorashadaas ka bacdi, Aamina Cilmi Fariid, waxaa madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasiirka Maalgashiga iyo Wershadaha, iyada oo xilkaas haysay bilihii u danbeeyey ka hor inta aanu bannaanaan boos ka mid ah golihii ay isusoo taagtay. Waxaana ay iska casishay xilkii wasiirnimada ee ay ka haysay xukuumadda, xilli ay u istaagtay ka *****nta himiladeedii ahayd in ay noqoto xubin ka tirsan xubnaha Golaha Sharci Dejinta. Maxay tahay filshadeeda ku aaddan xilkan? Aamina, waxa ay BBC-da u sheegtay in sababta ay xilkii hore ugu timi una dooratay in ay ku biirto golaha sharci dejinta ay u aragto in halkani tahay halkii ay ku gaadhi lahayd hadafyada nolaleed ee ay qabto. ‘Wasiirku waa xil siyaasiya, laakiin halkani waa gole sharci oo u baahan in laga dhiso dawladnimada. Waana halka aan rabo waxyaalihii igu hor istaagay in aan golahan ku soo biiro in aan kaga hor tago si aanay u helin da’yarta iyo haweenka iga danbeeya’ ayay u sheegtay BBC-da Xildhibaan Aamina. Waxaa kale oo ay sheegtay in ay awoodda saari doonto arrinta kootada oo ay u aragto in ay tahay wixii ka hor istaagay golahan in haween tiro ahi ay ku soo biiraan. Tan iyo maalinkii ay soo baxday natiijada kama danbaysta ah ee Golaha Wakiilladu, waxa ay dad badan walaac ka qabeen in dhammaan xildhibaannada 82 ah ee soo baxay ay rag wada yihiin. Maanta se, waxa ay xaalad sacab iyo farxad ah ku soo dhaweeyeen xildhibaan Aamina, taas oo ka dhigan in laga bilaabo maanta tiradu haba yaraatee in Golaha wakiillada Somaliland haween ay ka mid yihiin. ‘Waxaan rejaynayaa in aad noo noqon doonto suldaamad, golahayagan waad ogtahoo wax badan baa iska dhaca waxaan rejaynayaa in dad badan ay kuu habran doonaan oo aad nakala dhex geli doonto’ ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Khaliif oo ka mid xildibaannada golahaas. Baar Siciid, ayaa hore u ahayd golihii kan ka horreeyey oo shaqaynayey muddo 15 sano ah haweeynayda keliya ee ku jirta, mar kale ayay doorkaas iyo booskaas buuxinaysaa Xildhibaan Cilmi Fariid. Safka dhexda, kuraasta taalla, kan koonaha u xiga ayaa noqon doona booska ay golaha ka fadhiisan doonto xildhibaan Aamina Cilmi, waa se gole ay 81-ka kursi ee kale ay ku fadhiyaan rag. Qaran News
-
Presidential Election PERCENTAGE OF VOTES – 1ST ROUND Survey PIAR, 11.05.2023 i K. Kılıçdaroğlu MİLLET 51.3% R. Tayyip Erdoğan CUMHUR 45.3% S. Oğan ATA İttifakı 2.6% M. İnce Memleket 0.8% Qaran News
-
Anadolu Agency More than 64.1M people registered to vote to elect president, parliamentarians for next 5 years Millions of voters started heading to the polls in Türkiye as the country’s presidential and parliamentary elections began Sunday at 8 a.m. local time (0500GMT). More than 64.1 million people are registered to vote, including over 1.76 million who already cast their ballots abroad and 4.9 million first-time voters. A total of 191,885 ballot boxes have been set up for voters in the country. Every voter will be casting two ballots, one for the president and the other for parliamentarians, both of whom will serve five-year terms. Voters will choose between President Recep Tayyip Erdogan, who is seeking reelection, main opposition candidate Kemal Kilicdaroglu, and Sinan Ogan. Muharrem Ince, another presidential contender, withdrew from the race on Thursday. More than 30 political parties and over 150 independent parliamentary candidates will compete in the elections. There are five multiparty blocs in the running: the People’s Alliance, Nation Alliance, Ancestral Alliance, Labor and Freedom Alliance, and Union of Socialist Forces Alliance. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir oo howlgal ka sameeyay degmada Dharkenley ayaa gacanta kusoo dhigay haweeney jirdil xoogan u geystay ilmo uu dhalay Seygeeda. Ciidamada Booliska, qaybta Galbeed ayaa gacanta kusoo dhigay haweeneydan oo ku eedeysan in ay si arxan darro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd oo uu dhalay ninkeeda. Booliska ayaa sheegay in dilka uu sababay jirdil iyo garaacis xoogan oo ay wiilka yar u geysatay haweeneyda oo haatan ku xiran saldhigga degmada Dharkenley. Sidoo kale waxa uu talisku intaasi kusii daray in ciidanka ammaanka ay soo badbaadiyeen gabar wiilka la dhalatay oo iyadana jirkeeda ay ku yaallaan dhaawacyo xoogan. “13/5/2023 Abaara 8:00 fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhiga Dharkeynley, ayaa gacanta ku soo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boliisku ka badbaadiyay gabadhana ay dhaawacyo badan ku yalaan waxayna u aheyd eedo aabo qabo,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliska ee gobolka Banaadir. Taliska qaybta booliska ee gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xusay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. “Eedeysanaha ayaa booliisku gacanta ku hayaa, waxaana la waafajindoonaa Maxkamadda Awooda u leh si cadaalada loo mariyo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka taliska Booliska. Dhinaca kale, booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimada, wuxuuna ka codsaday inay kala shaqeeyaan amniga, ayna usoo gudbiyaan xogta ay hayaan. “Muwaadin hadii aad aragto arimo lid ku ah Amniga caasimada waxaa naga soo waci kartaan numberka gaaban ee 991”. ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka booliska. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyin argagax leh, kuwaas oo ay dad usoo qabqabteen ciidamada ammaanka Soomaaliya. The post Haweeney si arxan darro ah u dishay wiil uu dhalay Seygeeda oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa raxjo laga muujinayaa in xabbad joojin ay qabsoonto Marinka Gaza, si loo soo afjaro dagaalka shanta maalmood ee u dhexeeya ciidanka Israa’iil iyo xoogagga reer Falastiin ee Islamic Jihad (PIJ) ee Gaza, dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Ugu yaraan 33 falastiiniyiin ah ayaa geeriyootay tan iyo talaadadii magalaada Gaza, halkaas oo Israel sidoo kale ay sheegtay in ay duqeysay bartilmaameedyada mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Islaamic Jihad ee ka dagaalanta marinta Gaza oo duqeymo ka wadaan diyaaradaha ciidamada Yuhuudda. Gantaal ay Falastiiniyiintu ku garaaceen Israa’iil ayaa dilay laba qof oo mid Israa’iili yahay iyo mid Falastiini ah oo ka shaqaynayey dalkaas. Dadaallada dhex dhexaadinta ah waxaa garwadeen ka ahaa Masar, taasoo ku boorisay labada dhinac inay u hoggaansamaan heshiiska xabbad joojinta. Washington ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqista xabbad joojinta, waxayna sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay kala shaqeeyeen saaxiibada gobolka si loo gaaro qaraarka, waxaana xaaladdu ay tahay mid adag marka laga ambo qaado in ciidanka Israel lagu eedeeyay dilka haween iyo caruur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dalka Turkiga ayaa maanta waxaa ka dhici doonta codbixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa. Sanaadiiqda cod bixinta waxay furmi doonaan 08.00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17.00. In ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin ee dalka. 60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay dalka ka codeeyaan. Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax. Waxa kale oo mamnuuc ah in la saadaaliyo ama laga faallooda natiijada doorashada ilaa laga gaarayo 18.00 . Source
-
Elon Musk ayaa magacaabay madaxa fulinta ee Twitter-ka, wax ka yar lix bilood ka dib markii uu muran ka dhashay la wareegitaankiisa shirkadda baraha bulshada. Maalqabeenka ayaa sheegay in Linda Yaccarino, madaxii hore ee xayaysiinta ee NBCUniversal, ay dusha kala socon doonto howlaha ganacsiga ee goobtaas oo la daalaa dhacaysay lacag sameyso. Waxa uu sheegay in ay shaqada bilaabi doonto lix toddobaad gudahood. Mr Musk waxa uu sii ahaan doonaa gudoomiyaha iyo madaxa tignoolajiyada. Ms Yaccarino waxa ay waxay ka soo jeedaa qoys Talyaani-Maraykan ah, abbaheed wuxuu ahaan jiray sarkaal booliis ah halka hooyadeedna aysan waligeed jaamacad dhigan. Waxay sidoo kale xiriir ka dhistay warbaahinta cusub sida Apple News, Snapchat iyo YouTube. Claire Atkinson oo la socotay xirfaddeeda Ms Yaccarino muddo ku dhaw labaatan sano ayaa sheegtay in khibrada ay u leedahay xayeysiinta ay caawin karto shirkada Twitter-ka Source
-
ISTANBUL (HOL) - As Turkish citizens head to the polls today, it is clear that this is one of the most fiercely contested elections in recent history. President Recep Tayyip Erdogan and his ruling Justice and Development Party (AK Party) are facing their most significant political challenge yet, with both the presidency and parliament in the balance for a five-year term. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa maanta muwaadiniinta dalka Turkiga ay u dareerayaan soo doorashada madaxweynaha iyo Baarlamaanka, waxaana dhinacyadu ay soo gabagabeeyeen ololahooda doorasha, xilli doorashada sanadkaan ay tahay middii ugu adkeyd oo madaxweyne Erdogan uu ka wajahayo, isbaheysiga uu hoggaaminayo Kemal Kılıçdaroğlu Sanaadiiqda cod bixinta oo furmay waxay furmi doonaan 08: 00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17:00 galabnimo ee isla xilliga dalkaasi, waxaana jira muwaadiniin goor hore tagay goobta si ay codkooda ay u dhiibtaan, in ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin. Muwaadiniinta codadkooda dhiibanaya ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay gaarayaan 60 milyan 697 kun oo ruux, kuwaas oo xaq u eh inay dalka ka codeeyaan, Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharaxiin ah. Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii, waxaana uu sheegay in ay dhisi doonaan dowladda ka madaxbannaan siyaasadda Shuuciga ah ee Ruushka. Ninka siyaasadda Turkiga 1994 to 1998 kasoo bilaabay duqa magaalada Istanbul, ayaa markii sedexaad u tartami doona talada dalka, waxaana uu ku faanay in 20 sano uu talinayay uu wax badan u qabtay dadka iyo dalka intaba waxaana uu sheegay in haddii la doorto uu wax badan ka badeli doono siyaasadaha Turkiga ee arrimaha dibadda. Doorashada Madaxweyne Erdogan uu galayo ayaa sanadkaan ayaa ah mid shacabka Turkiga ay ku tilmaameen tii qarniga, marka laga anbo qaado in dalka Turkiga laga qaadayo ganaaxii la saaray, kadib markii ay dhacday 1923 Boqtooyadii Cusmaaniyiinta oo ay dhisantay Jamhuuriyadda Turkiga oo dhisay Mustafa Kemal Atatürk. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa markale dagaal uu dib uga qarxay magaalada Khartoum iyo magaalooyin kale, xilli maanta la filayo in ay hirgasho xabad joojin ay dhinacyadu ku gaareen wadahadallada magaalada Jidah, dhawaqa rasaasta iyo madaafiic xooggan ayaa laga maqlayaa Caasimad Suudaan iyo magaalooyinka kale oo dhinacyadu isku adeegsanayaan Ciidamada Milatariga Sudan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay duqeeyeen goobo ay degan yihiin dadka shacabka ah halka ciidamada (RSF) ay qabsadeen hanti gaar loo leeyahay, waxaana dagaalku uu kusoo aadayaa xilli maanta lagu waday in dhinacyadu ay ku dhawaaqaan xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha magaalada Khartoum. Dhinacyada dagaallamaya ayaa Khamiistii saxeexay “inay diyaar u yihiin ayna fulin doonaan waxa lagu heshiiyo”, ka dib toddobaad wadahadal ah oo ay dhexdhexaadinayeen Sucuudiga martida loo yahay iyo Maraykanka, xilli ay xaaladda sii hurin karaan dagaallada u dhaxeeya dhinacyada oo markale dib uga qarxay caasimadda dalka. Wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya wakiillada dhinacyada dagaallamaya ayaa maanta dib uga bilaaban doona Jeddah, waxaana dhinacyada ay hore i sheegeen sida ay kaga go’an tahay soo afjaridda dagaallada Sudan, kuwaas oo galaya bishii labaad oo labada dhinac ay ku dagaalamayaan gacan ku heynta awoodda dalka. Magaalada Khartoum ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa deganaa xaaladdeeda, shacabka ayaa u dhag taagayay waxa kasoo bixi kara wadahadallada Jiddah, ka hor inta aan dib u dhagaha shacabku u maqal daryanka hubka ay dhinacyadu isku adeegsanayaan, xilli la duqeeyay goobo dad rayid ah ay degan yihiin gudaha Khartoum. Dhinacyada Sudan ku dagaalamaya ayaa isku haya awoodda dalkaas iyo sidii looga heshiin lahaa isku darka RSF iyo ciidamada Milatariga, waxaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha la isku mari la’yahay in ay dhinacyadu heshiis ka gaaraan soo dhisitaanka dowladda Rayid oo bedesha taliska Milatariga oo muddo dheer ka talinayay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qaybo kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaas oo ay guul ka sheegteen saraakiisha amniga. Howlgalka ayaa yimid, kadib markii bam-gacmeed lagu tuuray bar-koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan, waxaana kadib xigay howlgal ka daba tag ah oo ay sameeyeen ciidamada la weeraray. Saraakiisha laamaha amniga ee gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka ay sameeyeen ay kusoo qabteen ninkii ka dambeeyay tuurista bambada, isla-markaana ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mara ay gacanta ku dhigeen ninka weerarka geystay ay ku soo qabteen laba haween ah oo uu sheegay inay kala shaqeeyeen weerarka, kuwaas oo iyana laga soo qabtay xaafadda Haanta Dheer ee degmada Dayniile. Dhanka kale, saraakiisha amniga ayaa sheegay in weerarkan loo adeegsaday bam-gacmeed uusan geysan wax khasaare ah, wuxuuna dhacay xilli aroor hore ah. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha iyo gaadiidka isaga kala goosha halkaasi. Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho ka socday howlgallo amni xaqiijin ah, waxaana ugu dambeeyay oo ay ciidamo fashiliyeen weerar toos ahaa oo ay Al-Shabaab ay damacsaneyd inay ku qaado Beerta Nabadda, kadib markii la qabtay qaraxyo iyo kooxdii fulin laheyd. Amniga magaalada Muqdisho ayaa si weyn isku beddalay, kadib qorshe cusub oo ay la timid dowladda federaalka, waxaana ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weeraro iyo falal amni darro oo ka dhici lagaa gudaga caasimada Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Shabaab. The post Faah-faahinta nin weerar ka geystay Muqdisho ‘oo gacanta lagu soo dhigay’ appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's Prime Minister, Hamza Abdi Barre, has taken a step towards addressing the country's endemic public property disputes by establishing an 8-member committee. This group is tasked with the arduous mission of reclaiming public assets, including those of state institutions and companies, from private individuals. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor Qoor) oo wareegto cusub soo saaray ayaa magacaabay wasiiro cusub oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi. Qoor Qoor ayaa soo saaray liiska lix xubnood oo cusub, kuwaas oo isugu jiro wasiiro, wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowleyaal, sida lagu caddeeyay wareegtada. Xubnaha laga magacaabay ayaa kala ah: 1-C/qaadir Shire Warsame wasiirka wasaaradda tamarka iyo biyaha, 2-Cabdirisaaq Cali Jaamac wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada 3-Liibaan Cabdi Maxamed wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada 4-C/kariin Macallin Axmed wasiiru dowlaha wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka 5-wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare 6-Maxamed Axmed Maxamed wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale waxaa wareegtadan lagu faray hay’adaha kale ee Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub ee xalay uu magacaabay madaxweyne Qoor Qoor. “Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug inay la shaqeeyaan wasiirada cusub, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo,” ayaa lagu yiri degreetada. Waxaa kale lasii raaciyay qoraalka “Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa markuu saxiixo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug”. Magacaabistan ayaa kusoo aadeyso, xilli haatan madaxweynaha Galmudug uu socdaal ku marayo deegaano ka tirsan gobollada dhexe oo uu kasocda howlgal ka dhan ah Shabaab. Si kastaba, marar badan madaxweyne Qoor Qoor ayaa isbeddal ku sameeyay golihiisa wasiirada, isaga oo sabab uga dhigay in la helo wasiiro karti leh oo shaqeyn kara. The post QOOR QOOR oo magacaabay wasiiro cusub + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
