Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A suspected Al-Shabaab militant attack left two police officers injured early Friday morning. The convoy, carrying 25 police officers, was traveling from Nairobi to Mandera when the ambush occurred at approximately 4am at Isaqora area, about 10 kilometers south of Rhamu town along the Rhamu-Elwak highway. Source: Hiiraan Online
  2. Around 200,000 people have been displaced due to flash flooding in central Somalia, a regional official told AFP on Saturday, as the Shabelle River burst its banks and submerged roads. Source: Hiiraan Online
  3. Istanbul (Caasimada Online) – Dalka Turkiga ayaa maanta waxaa ka dhaceysa codbixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa. Sanaadiiqda cod bixinta waxay furmi doonaan 08.00 wakhtiga Turkiga waxayna xidhmi doonaan 17.00. In ka badan 191,000 oo sanaadiiqada cod bixinta ayaa laga dhigi doonaa ilaa 1,094 degmooyin ee dalka. 60 milyan 697 kun oo codbixiyayaal ah ayaa xaq u leh inay dalka ka codeeyaan. Tirada musharixiinta u taagan doorashada madaxweynaha ayaa ah 4 musharax, tirada xisbiyadu waa 24, halka xildhibaanada madaxa banaan ay yihiin 151 musharax. Waxa kale oo mamnuuc ah in la saadaaliyo ama laga faallooda natiijada doorashada ilaa laga gaarayo 18.00 . Doorashadan ayaa ah midda ugu muhimsan taariikhdooda casriga ah, waxayna go’aan ka gaarayaan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay. Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii. ISHA BBC The post Doorashadii ugu adkeyd oo maanta ka dhaceysa Turkey appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabista uu shalay sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ee guddiga soo-celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka ayaa durba wajahaysa mucaaradad xooggan. Guddigan cusub oo heer wasiir ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, sidoo kale waxaa ku jira guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa loo xil-saaray tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto, qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay iyo kasoo tala-bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada. Waxay guddigan warbixin dhameystiran oo geeddi socodka soo celinta hantida qaranka u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha, sida lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre. Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo kamid ah dadka sida weyn u dhaliilsan magacaabista uu sameeyay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa uu su’aallo ka keenay hanaanka loo soo xulay iyo shaqada loo igmaday. “Inta aan waxkale la isla gaarin magaca guddiga ayaaba qurxin u baahan, dhirirkiisa iyo macnayaashiisa wada qaloocan intaba,” ayuu Cali Yare ku yiri qoraal uu soo saaray oo uu si weyn ugu weeraray magacaabista ra’iisul wasaaraha. Waxyaabaha kale ee guddigan uu ku dhaliilay ayuu ku sheegay in aysan kasoo muuqan laamihii saxda ahaa ee mudna sida; xeer ilaalinta qaranka, hanti-dhowarka iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran: Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu magacaabay guddi la garan waayay ujeedada laga leeyahay iyo magaciisaba. Waxyaabo yaab iyo waxyaabo iswaydiin leh labaduba waa ku jiraan magacaabistaan. 1. Inta aan waxkale la isla gaarin magaca guddiga ayaaba qurxin u baahan, dhirirkiisa iyo macnayaashiisa wada qaloocan intaba. Haddii caawa la waydiiyo RW Xamse inuu korka ka sheego magaca guddigii uu magacowday waa hubaal in aanu sheegi karin, magaca oo (7) macnaboo la isku xariiriyay oo kala duwan ka kooban daraadiis – magaca guddiga waa (Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta Talo-Bixinta, Nidaaminta, Hantida Qaranka) Cajiib!! Hadiiba ay dhacdo inaad magaca fahamto, haddana su’aalahaan jawaabahooda ayaa baadigoob kaa sugaya. Maxaa xilligaan ku soo beegay magacaabistan? Maxaa loo xushay dadkaan wada cajiibka ah? Aaway wasaaraddii arrimaha gudaha? Maxay tahay ujeedada ka danbeysay in madaxtooyadu xoogto booskii Wasaaradda WAG? Maxaa xeer ilaalinta qaranka looga reebay? Hanti-dhowaruhu muxuu galabsaday? Aaway Taliyihii Booliska Maadaama dhulalkii ciidanka la dagganyahay aaway Taliyihiina Ciidanka Xoogga dalka ? Dhulka la tirakoobayo ma Muqdisho kali ah-baa mise waa dhulkii Jamhuuriyadda? Haddii sida muuqata ay Muqdisho kali ay tahay, sabab Muqdisho kali ah? Maadaama magaca “soo celinta” la isticmaalay dhulka la soo celinayo ma ku jiraan dhulalkii horay loo boobay oo saraha dhaadheer laga dhistay sida xaafadda (ILAAHAA JOOGA) ee jaayga garoonka oo haddii shirkadaha dalka laga xaraasho dakhli xooggan laga heli karo, Madaxweynaha ay barta madoow kaga tirmi karto? Ma ku jiraan dhulalkii dowladda ee dowladdaan hadda joogta ay bixisay, sida dhulkii ciidanka asluubta, warshadihii dalka sida warshaddii caanaha, Warshaddii Burka, warshaddii Baastada, xeryihii ciidamada, garoomadii kubadda, jardiinooyinkii nasiinada, kaalimihii shidaalka, dhulalkii bangiga, boosteejooyinkii gaadiidka, dhulkii dimayo mirito (Liido), dugsigii farsamada gacan Boli teckniko (kaalimaha shidaalka waxaa bixiyay Madaxweyne Shariif Sh Ahmed). Inta aan waxkale la gaarin sidee hadda loo joojin karaa guddiyada iskugu jira xildhibaannada, wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee sheeganaya in Madaxweynuhu soo wakiishay oo beecinaya xeryihii ciidanka? Hadda bartilmaameedka loo socda waa: 1. Dhulkii Kaluunka ee jaayga ku dhaggan 2. Xeraddii ciidanka Oodweyne 3. Guulwadayaasha 4. Daaqa qaranka 5. Siinka dheer 6. Dhulkii xanaanada digaagga 7. Xeradii cuuryaamiinta DARDAARAN: Inta arrimahaani kala cadaanayaan Shacaboow difaaciinna adkeysta, oo yaan mar labaad dhulalka aad daggantihiin la idinka kacsan oo aanay ku nacfin dad idinla mid ah. Cali Yare Cali The post Magacaabistii uu sameeyay Xamza oo durba wajahaysa mucaaradad xooggan appeared first on Caasimada Online.
  5. Top 10 Most powerful African Passports 2022 1: Seychelles Seychelles passport is Visa Free to 152 Countries/places. 2: Botswana Botswana’s passport is Visa Free to 86 Countries/places. 3: Namibia Namibia’s passport is Visa Free to 78 Countries/places. 4:Lesotho Lesotho’s Passport is Visa Free to 77 Countries/places. 5:Malawi Malawi’s Passport is Visa Free to 73 Countries/Places. 6:Kenya & Tanzania Both Kenya’s and Tanzania’s passport are Visa Free to 72 Countries/Places. 7:Tunisia & Zambia Both Tunisia’s & Zambia’s passports are Visa Free to 71 Countries/Places. 8:The Gambia The Gambia’s Passport is Visa Free to 68 Countries/Places. 9:Uganda Uganda’s passport is Visa Free to 67 Countries/Places. 10:Cape Verde Cape Verde’s Passport is Visa Free to 66 Countries/places. Qaran News
  6. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa mar kale xalay ka hadlay arrimaha doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland. Madaxweyne Deni ayaa ku baaqay in aad loo ilaaliyo amniga doorashada qof iyo cod oo lagu wado in ay degaannada Puntland ka qabsoonto 25-ka bishaan May 2023. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in loo caqli celinayo siyaasiyiin uu ku tilmaamay in ay diiddan yihiin hirgelinta doorashooyinkan. “Kuwa diiddan aragti dimuqoraaddiyadda iyo dowlad dhiskana waa in aan u caqli celino oo u dhimrino oo niraahno war dalku waa dalkiini” ayuu yiri Siciid Deni. Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad la xiriirtay ololaha doorashooyinka dowladaha hoose oo urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo ku baaqay in aad loo ilaaliyo Amniga doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  7. Askar iyo saraakiil ka goostay ciidanka uu hoggaamiyo Mahad Cambaashe ayaa u baxsaday dhinaca degaannada hawdka Gobolka Sool. Ilaa tobaneeyo askar iyo saraakiil ciidan ka kooban oo ka baxsaday ciidanka Mahad Cambaashe ayaa la sheegaya in ay hadda ku sugan yihiin dhulka hawdka ah ee Gobolka Sool. Kooxda goostay ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda u gudbaan dhanka magaalada Laascaanood si ay ugu biiraan SSC-Khaatumo. Waa markii labaad oo maalmo gudahood askar iyo saraakiil ka baxsadaan ciidanka Cambaashe oo weli taageersan Somaliland. PUNTLAND POST The post Askar iyo saraakiil kale oo ka baxsaday Ciidanka Mahad Cambaashe appeared first on Puntland Post.
  8. Taliska Muuse Biixi ayaa saacadihii u danbeeyay ciidan xoojin ah ku daabulay degaanka Tuulo Samakaab ee Gobolka Sool. Ciidankaas oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu xoojiyay saldhig ay halkaas ku lee yihiin ciidamo ka tirsan Somaliland oo ay weheliyaan askar ka amar qaata Mahad Cambaashe. Kala shaki xooggan ayaa sida la sheegayo ka dhex jira ciidamada Somaliland iyo askarta Mahad Cambaashe ee ku wada sugan Tuulo Samakaab. Ciidanka Somaliland ee fadhiya Tuulo Samakaab ayaa la rumaysan yahay in ay ilaalo ka hayaan askarta Mahad Cambaashe iyo gaadiidkooda oo laga cabsi qabo in ay goostaan. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Somaliland wajahayso culays kaga imaanaya xoogag ka tirsan SSC-Khaatumo oo dhanka koonfurta kaga siqaya degaannada dhaca galbeedka Sool. PUNTLAND POST The post Taliska Muuse Biixi oo ciidan xoojin ah ku daabulay Tuulo Samakaab appeared first on Puntland Post.
  9. Pandemic-era migration restrictions were lifted without a fresh spike in border crossings. Thousands of migrants now find themselves in a holding pattern. Source: Hiiraan Online
  10. Taliska Booliska dowladda Puntland ayaa Sabtidii maanta digniin adag u jeediyay cid kasta isku dayda in ay carqalad amni ku samayso qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod ee degaannada Puntland. Taliyaha Booliska S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo hadal kooban ka sii daayay warbaahinta ayaa ku hanjabay in tallaabo ciidan laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay carqalad geliso qabsoomidda doorashooyinka dowladaha hoose ee ku salaysan qof iyo cod. ” Waxa noo qorshaysan oo aanan cidna ka qarsan doonin in aan weerarro guryahooda oo soo qabanno, maxkamadna keeno cidda siyaasi ha ahaato, ganacsato ha ahaato, isimo dhaqan ha ahaato; ciddii rabta in ay qas wax ku joojiso, oo abaabusha maleeshiyaad, oo weerarta goobaha doorashooyinka” ayuu yiri S/Guuto Muumin. Taliyaha Booliska Puntland ayaa sidoo kale dhammaan shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan laamaha Ammaanka islamarkaana ku wargeliyaan xog kasta oo la xiriirta arrimaha Amniga gaar ahaan wixi looga shakiyo in uu carqalad ku yahay nabadgelyada. Halkan ka daawo Muuqaalka Taliyaha PUNTLAND POST The post Taliye Muumin: Guryahooda ayaan ku weeraraynaa cid kasta oo isku dayda in ay xoog ku joojiso doorashada qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Deni ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe waxa uu si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Xasan Abgaal ayaa waxa uu sheegay in aan la isku hayn doorashada goleyaasha deegaanka, balse ay tahay waxa la isku hayo qorshaha madaxweyne Deni ku damacsan yahay muddo kororsi, xilli ay bilooyin ka harsan yihiin muddo xileedkiisa. “Cid doorasho isku haysa majirto ee waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Saciid Deni ee muddo kororsiga, waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Dastuur furista ah,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal. Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in miiska wada-hadalka la keeno Saciid Deni, taasi oo ugu baaqay beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka Puntland, si xal masiiri ah looga gaaro labada qoddob ee la isku hayo. Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland ayaa waxa kale oo uu nasiib darro ku timaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Saciid Deni ee dagaalka Laascaanood, kaasi oo uu ku sheegay inay difaacayaan Laascaanood oo in ka badan saddex bilood ay ku dagaalsan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. “Waa nasiib darro in nin siyaasi ah oo u jeeda in waxa uu wato uu wax ku gaaro in warar aan jirin uu sheego, madaxweyne Deni dagaalka Laascaanood waa la ogyahay meesha uu ka taagna oo wuxuu diiday dowladnimadii Puntland lagu dagaal galo, inuu ku faano dad shacab ah o qabaa’il ah uu ku faano waa nasiib darro.” Xasan Abgaal ayaa waxa kale oo uu madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay dayaca ciidanka maamulka Puntland, kuwaasi oo muddooyinkii dambe mushaar la’aan u xirtay bara-kontarool oo ku yaalla Garoowe iyo Gaalkacyo. Ugu dambeyntiina waxa uu shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, ayaa waxa uu tilmaamay mid ku saleysan dano shaqsiyadeed oo isku hayaan madaxdaasi, oo uusan aheyn khilaaf ku qotoma arrimo masiiri ah, xilli ay dhawaan hadallo kulul ay hawada isku mariyeen. Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland ayaa kasii dareysa kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni uu dardar-galiyay damiciisa wax ka beddelka Dastuurka, kaasi oo ay meel-mariyeen Golihiisa Wasaaradda. Si kastaba, Qorshaha Deni ayaa waxaa si adag uga horyimid mucaaradka maamulkaasi, oo ku tilmaamay mid uu ka leeyahay dano shaqsi ah iyo muddo kororsi uu rabo inuu kusii fadhiyo xilka u sareeya Puntland. The post Xiisadda Puntland oo kasii dareysa iyo Xasan Abgaal oo dalab u direy caalamka appeared first on Caasimada Online.
  12. Axmed Gacayte Yuusuf , inuu ahaa Fanaan iyo Mulaxan aad loo yaqaanay ka sakow , wuxuu ahaa nin geesi ah oo aan wadnihiisu galowda aqoonin . Waaggii ay is hayeen Dawladdii Kacaankii Maxamed Siyaad iyo shacbigu , wuxuu ka mid ahaa dadkii sidda tooska ah uga soo horjeestay dawladaas . kasoo horjeesigaasna muu qarsan jirin hasa yeeshee isagoo Hargaya jooga ayuu cadaysan jirey . Dhacdooyinka Axmed Gacayte laggu xasuusan doono ee mucjisadda ahna waxaa ka mid ahaa :- Sanaddii 1984 waxaa dhacay dilkii Maxamed Mooge Liibaan , sidoo kale , waxaa isna la dilay Maxamed Xaashi Lixle , muddo yar ka dibna snm waxay soo gashay buuraha golis , ka dibna Bandoo ayaa laggu soo rogay magaalooyinka waawayn. Iyadoo xaalku meel xun marayo , Ciidamadii snm si adag uga dagaalamayaan buuraha sheekh ,ayaa maalin maalmaha ka midda Axmed gacayte laggu soo dhaweeyey Mikirifoonka Tiyaatarka Hargaysa , oo barnaamijkii Kedis loogu soo xidhay ardaydii dugsiyadda . Amintu waa barqo , goobta waxaa ku sugan , Taliyihii Qaybta 26 aad , Gen Gaani , ku xigeenkiisii Cismaan Fitiig , Booliskii,Nabadsugid ,Badhasaabkii iyo madaxdii oo dhan . Axmed Gacayte isagoo sidii laggu yaqaanay Bakoorad raas-bi raasa iyo macawis ayuu mikirifoonka halabsaday , waxaanu qaaday dadka qalbiyadooda ruxday , madaxdii goobta fadhidayna ka nixisay , heestaasi waa tee ? Waxay dani keentay iyo , Kalgacal baa ila durkoo , Dad iyo duunyaba ka go’ay, waxbaa deris ila noqdee . Dugaagaan weheshadaa , Dulmeerayaa kaymahoo , halkaad iga daydaydiyo , halkaan degey kala durkee . Ilaah baa deeq baxshee , dulmiga caashaqa ka daa Doorashada caashaqa ka daa . Intaasi markay afkiisa kasoo baxday , ee la wada yaabay , dhagaha oo dhamina xagiisa usoo jeesteen , ayuu hadana ku xigsiiyey . Danayste anoon ahayn , ma daalaan abid ahaa , dalkiisa u heelanoo , xishood laggu dayriyee . bal sheeg danbigaa wax qaba , dib u raac sheekada dadkoo , halkaad iga daydaydiyo , halkaan degey kala durkee . Ilaah baa deeq baxsehe , dulmiga caashaqa ka daa , doorashada caashaqa ka daa . Intaasna markuu yidhi , ujeedadiina la wada fahmay , ee ninkii calool jiliicsanaa dubaaxiyey , ninkii calool adkaana dibinta qaniinay ayuu ujeedadii heesta sidan usoo af-meeray . Anoon dooda iyo deeq , Dagaal la iga badinahayn , dareenkaygaad ogtoo , jacayl baan la doodayaa . Janooy halis daaqayoo , Dabkaana adaa shidaye , halkaad iga daydaydiyo , halkaan tagay kala durkee . ilaah baa deeq baxshee , dulmiga caashaqa ka daa . doorashada caashaqa ka daa . Ugu danbayn , Axmed Gacayte heestan ayuu sababsaday ,naftiisana ku waayay . Qaran News
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku saxiixay mashruuc cusub oo ku saabsan adeega la-talinta farsamada iyo abuuridda khariidadda muuqaalka digital-ka ah ee caasimadda. Gudoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhanka howlaha guud Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa maanta magaalada Nairobi kusoo xiray kulan socday muddo afar cisho ah oo looga hadlayay mashruucan, oo ka kooban shan qoddob oo kala ah; Sawirida magaalada dhanka Satellite-ka Aasaaska barta xakamaynta dhulka (GCP) Soo saarka khariidadda magaalada Muqdisho (Topographic Mapping) Horumarinta nidaamka (GIS Web) Tababarka shaqaalaha dowlada hoose Kulankaan kadib ayaa maamulka gobolka Banaadir iyo howl-wadeenada mashruucan fulinaya kala saxiixdeen howlaha shaqo oo ay ka qabanayaan magaalada Muqdisho. Saxiixa heshiiska lagu fulinayo mashruucan cusub ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa aggaasimayaal ka tirsan dowladda hoose ee Xamar iyo wakiilo ka socday dowladda Japan. Maamulka gobolka ayaa muddooyinkii dambe dardar-gelinayay shaqada ay u igman yihiin, gaar ahaan horumarinta bilicda gobolka Banaadir, dib udhiska waddooyinka iyo hoos u daadajinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada. Sidoo kale waxa toddoba sano kadib magaalada Muqdisho si rasmi ah looga daah-furay dib usoo nooleynta mashruucii “Dalkaaga ku dhiso hal dollar”, kaasi oo afartii bishaan uu markale ku dhawaaqay guddoomiye Madaale. Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa hadda ka socda naleynta caasimadda, oo lagu bilaabay wadada dheer ee Makka Al-Mukaramma, iyada oo maamulka gobolku u qorsheeyay barnaamijkan lacag dhan $2,500,000. The post Muxuu yahay mashruuca ay DF ku saxiixday Nairobi? appeared first on Caasimada Online.
  14. JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, May 13, 2023/ — The Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) (www.ICIEC.IsDB.org), the Shariah-compliant multilateral insurer and member of the Islamic Development Bank (IsDB) Group, signed a memorandum of understanding (MoU) with the Arab Contractors (AC). The MoU was signed by Mr. Oussama Kaissi, CEO of ICIEC, and Mr. Sayed Abd ElKhalek, Board Member of the AC, under the aegis of the IsDB Group Private Sector Forum themed ‘Partnerships to Fend Off Crises’ at the 30th Annual Meetings of ICIEC held in conjunction with the 48th Annual Meetings of the Board of Governors of the IsDB on 10-13 May 2023 at the Ritz-Carlton Hotel in Jeddah, Saudi Arabia. The MoU aims to provide a general framework to facilitate co-operation between ICIEC and the Arab Contractors in promoting green, resilient and sustainable infrastructure. It will also focus on multi-modal transport, social infrastructure, urban development and water sanitation; agriculture and rural development as well as ICT and digitalization in Egypt and other ICIEC Member States. Distributed by APO Group on behalf of Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC). SOURCE Islamic Corporation for the Insurance of Investment and Export Credit (ICIEC) Qaran News
  15. Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi uu hugaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macalim ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle. Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay wafdigaan heer federaal garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafdigaan ayaa waxay kulan la qaateen madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo halkaasi maalmo kahor u tegay xaaladda bini’aadanimo ee kasoo cusboonaatay fatahaada Wabiga Shabeelle. Madaxweynaha iyo wafdigaan ay waxay ka wada-hadleen xaalada cakiran ee ka jirta magaalada Beledweyne iyo sidii ay dowladda gargaar deg deg ah u gaarsiin laheyd kumanaanka ka barakacay guryahoodii. Guddoomiye Maxamuud Macalim iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intaas ksdib u kuur-galay xaaladda qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle. Guddoomiyaha oo ay wehliyaan Wasiiro, Maamulka Degmada Baladweyne Saraakil ciidan ayaa sidoo kale waxay socod ku mareen buundada Nuur Xawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada oo biyaha qaadeen iyo goobaha dadka u barakaceen. Socdaalka wafdigaan heer federaal ee Beledweyne ayaa imanaya xilli uu barakac horleh ka billowday xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, uuna madaxweynaha HirShabeelle uu dowladda federaalka ugu baaqay inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne. Si kastaba, Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqdan qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi oo saameyn ballaaran ku yeelatay nolosha dadka deegaanka iyo guud ahaan dhismaha magaaladaas aadka u weyn. The post Sawirro: Wafdi heer federaal ah oo gaaray Beledweyne iyo ‘waxa ay kusoo arkeen’ appeared first on Caasimada Online.
  16. Türkiye may take steps toward making a constitutional amendment to change the 50%+1 vote requirement in presidential polls after Sunday's elections, President Recep Tayyip Erdoğan said Friday. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay canshuur kordhinta ay dhawaan sameysay dowladda federaalka, taasi oo uu ka dhashay buuq badan. Madaxweynaha oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa sharaxaad ka bixiyay canshuurta ay dowladda ku kordhisay qaar ka mid ah badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo ee laga soo dajiyo Dekadda magaalada Muqdisho. Waxa uu sheegay inay suurta-gal aheyn inay isku canshuur noqdaan badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka, sidaas darteedna ay dowladda qaaday tallaabada canshuur kordhinta ah ee ganacsatada qaar ay cabasho ka muujiyeen. “Telefoon iPhone ah oo kun iyo jajaba dollar jooga iyo Niiclaha inay isku mid noqdaan sax ma tahay? maanta waaye waxa aan ka hadlayno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo sharaxaad ka bixinaya sababta keentay tallaabada dowladda ay qaaday. “Qof in uu ka gil-gishto shilin saa’id ah bixi, Ninna uu naftiisa keeno oo yiraahdo waa kanaa waa dhimanaa oo dhinto, dhaawacma, cuuryaama, agoon ka tago, Hooyo gablantay ka tago, macquul ma’ahan, waxyaabaha uu caqliga diidayo ayey ka mid tahay laakiin la’iskama yeelayo.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in lacagta laga qaado ganacsatada ay waajib ku tahay, halka ay dowladda tahay inay ilaaliso amaanadeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Dalkaan ugu yaraan dowladdaan waa in ay la baxdaa qarashaadkeeda, hormarin ayaan u baahanahay ee hanala kaalmeeyo waa wax la dhageysan karo, laakiin hanala biilo wax la dhageysan karo maahan.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Maanta xoolaheena iyo xooggeena dowladnimo nooga horeyso, dowladda dhaqaale la’aan ma shaqeyn karto, Soomaaliyoow dadnimadaada iyo damiirkaaga ku laabo.” Ugu dambeyntiina waxa uu ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsatadu qeybta ka yihiin inay bixiyaan canshuurta dowladda, isaga oo ballan-qaaday in dowladduna ay sida u haboon u maamuli doonto dhaqaalahaas. Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay dhawaan dowladda ay kordhisay canshuurta badeecadaha qaarkood ee laga soo dejiyo Dekedda magaalada Muqdisho, islamarkaana ay cabasho xooggan ka muujiyeen qaar kamid ganacantsada, taasi oo markii dambe keentay in wasaaradda maaliyadda ay dib u eegis ku sameyso cashuurtaas. The post Xasan oo sharaxaad ka bixiyay tallaabo ay qaaday DF oo buuq dhalisay appeared first on Caasimada Online.
  18. Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Duqa Magaaladda Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullahi Aden. Soo dhaweyntaan ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee DFS, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Siyaasiyiin iyo qeybo ka mid ah Bulshada Gobolka Banaadir. Duqa Magaalada Bolnas ee dalka Sweden Md. Cabdullaahi Aadan ayaa loo soo galbiyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona halkaasi kulan kula qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyagoona ka wada hadlay Iskaashiga wada-shaqeyn iyo wax is-dhaafsiga labada Magaalo ee Bolnas iyo Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay Xubnaha Guddiga Tira-koobka, soo celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta Hantida Qaranka ee uu magacaabay,waxaana ay ka booban yihiin 8 xubnood, kuwaas oo kala ah Wasiirrada ka tirsan xukuumadda Garyaqaanka guud iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Madaale. Xubnahaan ayaa waxaa ka mid ah: 1: Abshir Cumar Haruuse wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xubin. 2; Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xubin. 3: Jibriil Cabdirashiid Xaaji Wasiir Wasaaradda Ganacsiga xubin. 4: Ismaaciil Cabdirashiid Bashiir Wasiirka Wasaaradda howlaha guud xubin 5: Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir xubin. 6: Dr. Cismaan Cilmi Guuleed Garyaqaanka Guud ee Qarankaxubin 7: Abshir Maxamed Axmed Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada xubin. 8: Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru-dowlaha Howlaha guud xubin. Xubnahaan ayaa waxaa ay kasoo shaqeyn doonaan sidii gacanta dowladda dib loogu soo celin lahaa Hantida guud ee qaran, taas oo dalka iyo dibadda ku maqan, waxaana laga sugayaa in xukuumadda ay dib ugu kusoo celiyaan warbixin, iyadoo ay jirto in ddhul iyo guryo dowladeed shacabku dagay markii dowladdu dhacday 1991. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa magaalada Bolnas ee dalka Sweden, Mudane Cabdullahi Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Cabdullahi Aadan ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo xildhibaano kamid ah baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka qayb-galay guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo agaasimeyaal iyo qeybo ka mid ah bulshada gobolka Banaadir. Intaasi kadib ayaa mas’uulkan waxaa loo galbiyay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo uu ku qaabilay dhiggiisa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Ujeedka safarka Duqa Magaalada Bolnas ayaa la xiriira howlo shaqo, waxaana inta uu joogo Muqdisho uu maamulka gobolka Banaadir kala hadli doonaa sidii la’isaga kaashan lahaa wada-shaqeynta iyo wax is-dhaafsiga labada magaallo ee Bolnas iyo Muqdisho. Sidoo kale waxaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo horumarineed oo ku aadan caasimadaha labada waddan. Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada Kenya ayaa soo xiray kulan socday muddo 4 cisho ah oo looga hadlayay qodoba ay kamid yihiin: 1- Sawirida Magaalada dhanka Satellite-ka, 2-Aasaaska Barta Xakamaynta Dhulka (GCP), 3-Soosaarka Khariidadda Magaalada Muqdisho (Topographic Mapping), 4-Horumarinta Nidaamka (GIS Web), 5-Tababarka Shaqaalaha Dowlada Hoose. Kulan kadib ayaa sidoo kale maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenada mashruucan fulinaaya kala saxiixday howlaha shaqo oo ay ka qabanayaan magaalada Muqdisho, iyada oo saxiixa heshiiskan ay goobjoog ka ahaayeen aggaasimeyaal katirsan Dowladda Hoose ee Xamar wakiila ka socday dowladda Jaban. The post Duqa magaallo ka tirsan Sweden oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegta uu ku magacaabay guddi heer wasiir ah oo sidoo kale lagu soo daray guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho. Guddigan oo ka kooban siddeed xubnood ayaa ah Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii an ansixiyeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya “Iyadoo laga duulayo qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo saareen 11-koo bishan May 2023 oo ku saabsana adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka iyo Maareynta Hantida Guud ee Qaranka ayaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Xamza Cabdi Barre ayaa maanta waxa uu magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood oo ah Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday R/W Xamza. Wareegtada ayaa sidoo kale lagu yiri “Ra’iisul wasaaruhu marka uu arkay qodobka 99-aad iyo qodobka 100-aad ee dastiirka KMG ah, isla-markaana uu arkay muhiimadda ay leedahay badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka ee ay lahayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya kahor 1991-kii iyo marka uu tixgeliyay baahida loo qabo in la magacaabo guddi ka shaqeeya howshaasi waxa uu magacaabay xubnaha sideeda ah ee soo socda”. 1-Mudane Abshir Cumar Huruuse wasiirka arrimaha dibadda xubin, 2-Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur wasiirka maaliyadda xubin, 3-Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi wasiirka ganacsiga xubin, 4-Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir wasiirka howlaha guud xubin, 5-Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) guddoomiyaha goobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho xubin, 6-Mudane Dr. Cismaan Cilmi Guuleed Garyaqaanka guud ee qaranka xubin, 7-Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) wasiiru dowladaha madaxtooyada xubin iyo 8-Mudane Xirsi Jaamac Gaani wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xubin. Sidoo kale wareegtada ayaa waxaa lagu sheegay in soo celinta hantida qaranka loo kala hormarinayo sida loogu baahanyahay in loogu shaqeeyo dadweynaha Soomaaliyeed “Soo celinta hantida qaranka waxaa loo kala hor marinayaa ayada oo la tix-gelinayo baahida loo qabo in lagu fuliyo adeegyada bulshada,” ayaa mar kale lagu yiri qoraaka. Maxaa kamid ah shaqooyinka loo xil-saaray guddiga: Waajibaadka qaran ee loo xil-saaray Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta iyo ka Talo-Bixinta Nidaaminta Hantida Qaranka ee uu maanta magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa kamid ah: 1- Tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, sida wasaaradaha, hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda iyo dowladaha hoose 2-Soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto 3- Qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay 4-Kasoo tala bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada 5-Usoo gudbinta ra’iisul wasaaraha warbixin dhammeystan ee geeddi socodka soo celinta hantida qaranka. The post R/W Xamza oo magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.