Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jidda (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo haatan ku sugan magaalada Jidda ayaa kulan la qaatay maamulaha guud ee sanduuqa horumarinta Sacuudi Carabiya, Suldaan Cabdiraxmaan Al-Marshad. Kulanka oo ahaa mid miro dhal ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin barnaamijka deyn cafinta, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray wasiirka maaliyadda Labada dowladood ayaa ku heshiiyay in dib loogu dhigo deyn cafinta, isla-markaana ay iska kaashadaan sidii horumar loogu sameyn lahaa tallaabooyinka hortebinta leh. Sida lagu caddeeyay qoraalka heshiiskan cusub ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada bixinta deynta si loo helo fursado dowlada u suuragalineysa inay ku hirgeliso qorshaheeda. “Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta” ayaa lagu yiri. Dhanka kale Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa la filayaaa inuu ka qaybgalo shir sanadeedka wasiirada dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku jirtoSoomaaliya. Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka, horumarinta arrimaha dhaqaalaha iyo in la dhageysto waddamada taageerada u baahan. Heshiiska ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa kusoo aaday, xilli muhiim ah, isla-markaana Somalia ay meel wanaagsan ka gaartay barnaamijika deyn cafinta, maadaama ay qaaday dhowr tallaabo oo muhiim ah, taas oo si weyn loogu boggaadiyay. Si kastaba, Sacuudiga aya kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada. The post Muxuu yahay heshiiska ay gaareen Soomaaliya iyo Sacuudiga? appeared first on Caasimada Online.
  2. Baby Suldhano is only two days old and will not officially be named for another five days in accordance with her parents’ customs. Yet her young life is already blighted by the hunger crisis that has ravaged Somalia and forced over a million people to flee lands left barren by drought. Source: Hiiraan Online
  3. Garowe (HOL) - Hassan Shire Abgaal, Puntland's former Finance Minister, has issued a warning to President Deni, cautioning against the postponement of the 2024 presidential election without an amendment to the state constitution. Source: Hiiraan Online
  4. Air strikes and artillery pounded Khartoum on Friday after Sudan’s warring army and Rapid Support Forces paramilitary failed to agree a ceasefire despite committing to protect civilians and allow humanitarian access. Source: Hiiraan Online
  5. Flash flooding from heavy rains killed dozens and affected 300,000 people in Ethiopia and Somalia in March 2023. The damaging flooding came after the region has experienced almost three years of extreme drought. Source: Hiiraan Online
  6. A new project aims to reopen the official border crossings between Kenya, Somalia and Ethiopia, which have been partially or fully closed in recent years due to security issues. Source: Hiiraan Online
  7. (ERGO) – Somali refugees living in the Dadaab camps in northern Kenya are facing shortages of food after supply routes were cut off by floods. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu – Senior military commanders of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), and the Somali National Army (SNA), together with local administration officials in Baraawe on Wednesday held a meeting to discuss security in the southern coastal town. Source: Hiiraan Online
  9. Turkiye, which has a deep-rooted historical connection with Somalia, has gained an indispensable place in the hearts of Somalis through bilateral relations built on mutual trust, friendship and a win-win understanding. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in tallaabo adag oo sharci ah laga qaadayo masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee ku kaca xatooyo dadweyne. Madaxweynaha oo Jimcihii khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa waxa uu dalbaday in aan lasoo daba kicin qofkii loo xiro arrimo la xiriira musuq-maasuq, xilli ay Golaha Wasiiradda ay meel-mariyeen qaraar door muhiim ah ka qaadanaya la-dagaalanka musuqa. “Qofka dowladda ka tirsan mustawe kasta ha jooge ee masuuliyadaas siday tahay u gudan waaya qaanuun ayaa degan, dowladdu waa qaanuun iyo sharci, tallaabo ayaa laga qaada sharciga waafaqsan oo wuxuu sharcigu ku xukumo ayuu helaya,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Adiga muwaadin hasoo daba kicin, tuug hadduu yahay wuxuu mudan yahay ayaa la marsiin inta ciqaabtiisu le’eg tahay laakiin ha daba cararin, waa la xiray macnaheedu waa la dilay ma ahan, waa loo yeeray oo su’aalo ayaa la weydiinaya macnaheedu in la sharaf tiray ma ahan, haddii uu sharaf laheyn adiga yuusan ku sharaf tirin, haddii sharaf leeyahayna mid ka weyn uu yeelana.” Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in caqabadaha jira ee dowladnimada Soomaaliya ka kori la’dahay ay qeyb ka tahay in nabadoonada ama madaxda qaar ay keensadaan qof aysan aqoon shaqsiyadiisa, kaliya ay boos ula rabaan inuu ku qabiil yahay keliya. “Qof macrifada iyo aqoonta u leedahay ay tahay in aad qaraabo tihiin isku qabiil tihiin oo isku jufo tihiin inta gacanta kasoo qabato ha dhihin qofkaan ha la ii meeleeyo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha sheegay inay ka go’an tahay dhaqan-gelinta qaraarka xukuumadda ee lagula dagaalamayo musuq ee Khamiistii ay meel-mariyeen Golaha Wasiiradda XFS. “Xukuumadda waa dhaqan-gelinaysa ee waa in lagu kaalmeeyo oo lagu garab istaago inuu dhaqangalo, waa dowladnimadii oo qeyba mar taajinayo, halmar ma wada taajin karno.” Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha The post Daawo: Xasan oo wacad ku maray arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  11. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweyne Erdogan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga taladana haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, oo isaga doorashada dhacaysa bari ay si adag ugu loolamayaan. Kemal Kilicdaroglu, oo ah ninka ay sida weyn ay u xifaaltamaan, ayaa jimcihii kasoo hor muuqday dad badan oo taageersanaa, oo ay garab taagnaayeen isbahaysiyo ka kala socday dhinacyada siyaasadda, oo si aan horay loo arag isugu soo baxay. Markii uu roobku ka da’ay magaalada Ankara, ayaa wuxuu wacad ku maray Kemal inuu soo celin doono “nabadda iyo dimuqraadiyadda dalka Turkiga”. Ninka uu doonayo in codbixiyeyaashiisu ay xilka ka tuuraan Kemal 20 sano ka dib ee – Recep Tayyip Erdogan – ayuu sheegay inuu Turkiga xukunkiisa uu ku dheereeday. Waxaa jira caqabado badan oo ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, sicir barar baahsan, iyo musiibadii dhacday bishii February ee labada dhulgariir. Isagoo 74 jir ah, hogaamiyaha mucaaradka, ayaa inta badan lagu tilmaamaa inuu yahay qof dabacsan. Laakiin wuxuu khudbad aad u weyn u jeediyay dadweynihii daawanayay, oo aaminsan in tani ay tahay rajadooda ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda, oo ay dib ugu soo celin karaan awoodda madaxweyne Erdogan, uu ka qaaday baarlamaanka. ISHA BBC. The post Wararkii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada Turkey appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo sanado badan wajaheysay culeys dhanka amniga ah ayaa xilligaan waxaa laga dareemaya deganaan iyo inuu soo hagaagayo amniga caasimada, taasi oo keentay in meesha ka baxdo ereyo caan ka noqday gudaha Muqdisho, kuwaasi oo ahaa “xiriir sameyso iyo kala wareeg”. Ereyadan ayaa ahaa kuwa ugu badan ee dadka gawaarida wata ay kala kulmi jireen askarta joogta bar-kontaroolada Muqdisho, hase yeeshe xilligaan waxaa bedeshay in baaritaan si dhameystiran loogu sameeyo gaadiidka ay wataan dadweynaha, ayada oo intaas kadib usii gudbi karo goobtii uu u socday, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha amaanka. Baraha kontarool ee laga soo galo magaalada macquul ma aheyn xilligii hore inaad soo gasho, gaar ahaan marka u gudubto degmooyinka Yaaqshiid, Warta-Nabadda, Madiino iyo Kaaraan. Ciidamada cusub ee loogu tala-galay xasilinta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, gaar ahaan kuwa hay’adda NISA ayaa waxay u muuqata inay wax badan ka badaleen dhaqamadaasi, ayada oo baaritaano kadib aad u gudbeyso meelaha aad u socotid. Dhamaan Kantoroolada caasimada, ciidanka nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee NISA aya waajibaadkooda gudanaya, iyaga oo baaraya gaadiidka ay wataan dadku si looga taxadaro qaraxyada iyo falalka kooxaha argagixisada. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa bilihii dambe ka yaraaday qaraxyadii iyo dambiyadii kale ee lidiga ku ahaa nabadda iyo xasilloonida, taasi oo ku timid iskaashi dhex-maray ciidamada amaanka iyo dadka shacabka oo hore dhaka-faar ugu rideen kooxaha argagixisada. Dadweynaha ayaa sidoo kale ka marag kacay in ciidanka cusub ee caasimadda ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda, taasi oo lagu diirsaday. Sidoo kale waxaa muuqata inay muddooyinkii dameb laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu kal hore ballan-qaaday inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda. The post Muqdish oo maca-salaameynaysa ‘xiriir sameyso iyo kala wareeg’ iyo arrinta bedeshay appeared first on Caasimada Online.
  13. Video shows someone damaging the front doors to a mosque in St. Paul. Source: Hiiraan Online
  14. A renewed political dispute between the federal government of Somalia and the Puntland federal member state, and a failure of the fragile reforms to boost revenue collection and fiscal transparency, could endanger Somalia's hope for full debt relief from the International Monetary Fund and other multilateral lenders by the end of the year, officials and experts warn. Source: Hiiraan Online
  15. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa Arbacadii weerar culus ku qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay hagratay dadka reer Awdal. Cabdiraxmaan Saylici ayaa xilligaas waxa uu ku eedeeyay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi inay indhaha ka qarsatay xaqiiqada ka jirta gobolka, islamarkaana uu tabashada la qabo dadka reer Awdal, xilli ay dadweynaha reer Boorama ay rabshado horleh ka dhigeen magaalada. “Aniga ayaa qirsan in reer Awdal ay wax ka maqan yihiin oo ay Somaliland hagratay anaa qirsan. Xisbiga aan madaxweyne ku-xigeenka ka ahay ee Kulmiye waa xisbiga horumarka ugu badan dalka galiya lakiin howshaa reer Awdal way ka qatan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici. Saylici ayaa waxa kale oo ka dhawaajiyay in magaalada colaadda ka taagan tahay ee Laascaanood ay heli jirtay in ka badan miisaaniyadii loogu talo-galay mid ka badan oo ay garan waayeen, “inta badan Boorama waxaa lagu haleeyay hay’addaha uun, maadama ay nabad tahay.” Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu khilaaf xooggan soo kala dhex-galay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo isagu la sheegay inuu isku soo koobay maamulka. Saylici iyo Biixi oo khilaaf huursan uu ka dhaxeeyay ayaa waxa uu sii kululaaday kadib markii ay isku qabteen cidda buuxineysa jagada wasiirka maalgashiga oo banaanatay kadib markii Aamina Cilmi Fariid ay kamid noqotaya Golaha Wakiiladda. Muuse Biixi ayaa shalay buuxiyay jagada wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha Somaliland, taasi oo imaneysa maalin un kadib hadalka kasoo yeeray madaxweyne ku-xigeenka, oo isagu ku sugan magaalada Boorama. Labada nin ayaa sidoo kale isku fahmi waayay maareynta tabashada reer Awdal ee saami-qeybsiga, taasi oo taagnay illaa xukuumaddihii kala dambeeyay ee Kulmiye, ayada oo waxba kasoo qaad uu ka dhigay Muuse Biixi soo jeedino dhowr ah oo arrintaas uu ka sameeyay Cabdiraxmaan Saylici. Saylici ayaa sanadihii dambe waxay isa-seegeen bulshada uu metelo, oo ayagu tabashooyin isbiirsaday ka qaba xukuumadda uu madaxweyne ku-xigeenka ka yahay, waxaana loo arkayay mid aan saameyn ku laheyn xukuumadda iyo waxa ka socda, kahor inta uusan Arbacadii u xaal waramin reer Awdal. Weerarka Saylici ayaa waxa uu si shaacsan banaanka usoo saaray khilaafka mudada huursana ee kala dhaxeeya Muuse Biixi, kaasi oo meel sare gaaray, ayna xukuumadda uu hoggaamiyo Biixi isku dayayso inay hoos u dhigto, xilli ay xiisadda xoogan uga furan tahay gobolka Sool, uuna dagaal ka socdo magaalada Laascaanood. Si kastaba, Qirashada Saylici ee tabashada siyaasaddeed ee muddo soo jirtay ee qabaan reer Awdal iyo gobollada Galbeed ayaa waxay imaneysa xilli ay maalmo kahor ay rabshado horleh ka dhaceen magaalada Boorama, taasi oo looga soo horjeeday dilka taliye ku-xigeenkii ciidamada badda ee xeebta gobolka Awdal. The post Xog: Arrinta ka dambeysa weerarkii uu M/Weyne Saylici ku qaaday xukuumaddiisa appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday ee ka dhanka ah musuq-maasuqa, iyada oo shalay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka. Cali Cosoble ayaa waxa uu ku tilmaamay dagaalkan ay ku dhawaaqday dowladda ee lagula dagaalamayo musuqa inuu la macno yahay ayada oo la dhaho Al-Shabaab ayaa argagixisada la dagaalameysa, “Kuwii wax musuq-maasuqaayay ayaa leh waa in musuq-maasuqa lala dagaalo.” “Shacabka wax ma musuq-maasuqo ee dowladda ayaa wax musuq-maasuqda, ayadaana leh waan la dagaalameynaa. Taasi sow la macro maaha Shabaab ayaa argagixisada la dagaalameysa. Waa dhurwaagii yiri ariga anaa ilaalinaya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble. Waxa uu sheegay in dagaalka musuqa ee ku dhawaaqday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay mashruuc laga gadayo caalamka, ee uusan aheyn mid loogu dhimrinayo shacabka la baartay, sida uu hadalka u dhigay. “Kolley cidda warkaas la maqashiinayo ma ahan shacabka ee waa kuwa loo tuugsi tagayo. Shacabkana wuxuu og yahay hal booli ah ineysan dhali karin nirig xalaal ah.” Waxa uu intaas sii raaciyay “Haddii dalka la keeno mashiinka la yiraahdo “lie detector” waxaan hubaa hal qof oo madax ah inuusan ka badbaadeyn xabsi.” Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuqa, kaasi oo loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inay ku raadjoogaan shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. The post Cosoble oo macno yaab leh u sameeyay dagaal ay ku dhawaqday DF appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafar Xasan Xaange oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa sheegay in Saciid Deni uu ka carooday waayitaanka damaciisa dowladda dhexe. Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynaha Puntland u mucaaradsan yahay dowladda federaalka ay tahay kadib markii uu waayay jagaada ra’iisul wasaaraha, oo uu hadda ku fadhiyo Mudane Xamza Cabdi Barre. “Siciid Deni wixii ka dambeeyay doorashadii Afisyooni wuxuu olole u galay kursiga ra’iisul wasaaraha. Hankaas iyo rabitaankaas waad la socotaan oo way hubgoobeen,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland uu yahay mid uu gacantiisa u sameeyay Deni, kadib markii uu waayay wixii uu rabay, sida uu hadalka u dhigay. “Maalinta uu kursigaas waayay ayuu Siciid Cabdullaahi Deni dhexda u xirtay inuu khilaaf ka dhex abuuro maamulka Puntland iyo dowladda dhexe oo ah in uusan la shaqayn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Xaange. Wasiir Xaange oo kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay Puntland ayaa waxa kale oo uu sheegay in Saciid Deni uu beesha caalamka iyo hay’addaha deyn cafinta Soomaaliya uu ka gaday in aysan dowladda dhexe wada-shaqeyn la laheyn, taasi oo uu ku wiiqayo hanaanka deyn cafinta oo maraya meel wanaagsan, sida uu sheegay. Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in madaxweynaha Puntland uu kaligii ku yahay khilaafka dowladda federaalka, islamarkaana ay reer Puntland aysan ku raacsaneyn, isaga oo tilmaamay in xiisad abuurka Deni uu ku saleysan yahay danihiisa gaarka ah uu ka dhex wayay. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay xiisad siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, iyada oo hadal kulul ay hawada isku mariyeen madaxda sare ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. The post ‘Saciid DENI waxa uu DF u mucaaradsan yahay kadib markii uu waayay…’ appeared first on Caasimada Online.
  18. The inaugural meeting of Taiwan-Somaliland Inter-Parliamentary Amity Association took place at Taiwan’s legislature on Friday. DPP legislator Lin Ching-yi (林靜儀) was appointed as the chair of the association. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa kulan xasaasi ah maanta ku yeeshay xarunta ciidanka howl-galka wada-jirka ah ee dowladdaha safka hore oo ay kamid yihiin Soomaaliya Ethiopia, Kenya iyo Djibouti Kualanka ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidanka howl-galka wada-jirka ah ee dowladaha safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, safiirka dowlada Kenya u fadhiya Soomaaliya Amb. Thomas Chepkuto iyo saraakiil katirsan ciidanka XDS iyo ciidanka Kenya. Kulanan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo wejigiisa labaad uu bilaabanayo dhawaan, kaasi oo dhinacyadan ay iskaashanayaan sidii loo wiiqi lahaa awoodda gudaha Soomaaliya ee kooxda. Kulankan ayaa waxa uu daba socda kulamo dhowr ah oo muddooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho ku yeelanayeen Soomaaliya iyo dalalka safka hore, kuwaasi oo qeyb ka ahaayeen saraakiil militari oo ka socotay dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya. Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla gorfeeyeen sida uu noqon doono howl-galka wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, oo garab siinaya kuwa xoogga dalka, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen. Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho. Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda. Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaan taliska ciidamada amniga Soomaaliya. Ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la-dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka. The post DF iyo dalalka safka hore oo kulan xasaasi ah ka yeeshay wejiga labaad ee dagaalka appeared first on Caasimada Online.