-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mike Nithavrianakis. Kulanka Ergeyga Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii dowladda UK ay qeyb uga qaadan lahayd horumarinta iyo xasalinta deegaannada ay ciidanka dowladda ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya oo kulanka kadib qoraal soo dhigay bartiisa twitterka ayaa waxa uu ku yiri “Kulan farxadeed ayuu ahaa kulan Maxamed Cabdi Waare, kaasi oo aan uga wada hadalnay muhiimadda ay leedahay ilaalinta rayidka iyo qorshaha horyeela xafiiskiisa.” Ergeyga Madaxweynaha oo dhankiisa qoraal kasoo saaray kulankaan ayaa waxa uu ka mahad-celiyay taageerada UK ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, bini’aadantinimada iyo horumarinta. “Kulankii aan la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis iyo ku-xigeenka Edward Barnett, waxa aan ka wada-hadalnay doorka ay UK ka ciyaari karto Soomaaliya ee xasilinta iyo horumarinta goobaha la xoreeyay,” ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Mudane Maxamed Cabdi Waare Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu warqadaha aqoonsiga danjirnimo ka guddoomay Mike Nithavrianakis, oo ah safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska. Amb. Mike Nithavrianakis ayaa ah diblomaasi rug caddaa ah oo xilal dhowr ah kasoo qabtay xafiiska arrimaha dibedda oo ay ugu dambeysay inuu ahaa qunsulka guud iyo agaasimaha ganacsiga iyo maal-gashiga ee qunsuliyadda UK ee Milan, Italy, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey safaaradaha iyo qunusliyadah UK ee dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan, Greece, Sacuudi Carabiya iyo Ghana. Si kastaba, Boqortooyada Ingiriiska iyo Dowladda Soomaaliya ayaa leh xiriir iskaashi oo ku dhisan dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka, iyada oo dib loo furay 2013-kii safaaradda UK ee magaalada Muqdisho. The post Maxaa looga hadlay kulan dhex-maray ergey Waare iyo safiirka UK? appeared first on Caasimada Online.
-
Bulsho waliba waxa ay leedahay af u gaar ah oo ay kaga soocan yihiin aadanaha kale. Afkaasi waa sumad ama baadisooc bulshadaas u gaar ah. Af walbaaba waxa uu xambaarsan yahay hidde soojireen ah. Hiddahaasina waa sooyaal ay ummaddaasi ku dhaadato. La arkee, in dhaqammo kale ay soo dhexgalaan. La arkee in afkoodu uu ereyo ka soo amaahdo afaf ummado kale, koodana cido kale ay wax ka qaataan. Afafka isticmaalkoodu waxa uu leeyahay dabar xidha, iyo xuduudo lagu ilaaliyo. Tusaale ahaan, waxa jira ereyo ama weedho aad facaaga keliya la wadaagi kartid. Qaar aad waalidkaa la wadaagi kartid. Qaar jinsiba uu dhiggiisa la wadaagi karo. Ereyo lammaanaha is qabaa keliya ay wadaagi karaan. Hooyooyinka waxa aan ka maqli jirey iyaga oo sheekaysanaya haddii gabadh ay dhalaan oo dhallinyaro ahi ay agtooda isa soo taagto, iyaga oo yiraahda “naa orodoo naga ag dhaqaaq, maxaad dumarka waaweyn ee gambada leh aad agtooda ka qabanaysaa!” Soomaalidu sida bulshooyinka kale bay leeyihiin af xambaarsan hiddahooda iyo anshaxooda. Dhanka kale, Soomaalidu sida ummadaha kale ayay xuduudka u weydaartaan oo “fartii ay doonaanba waa ay qoraan!” Xumaanaha aadanuhu sameeyo waynnu kala simannahay. Xumaanahaas waxaaaba dhacda in marmarka qaarkood wanaag iyo ilbaxnimo la moodo oo la gaarsiiyo – ilaa heer laguba faano. Qoraaga Soomaaliga ahi waxa uu soo tebiyaa dhacdooyinka dhabta ah iyo kuwa sheeko-faneedka ah ee laga allifo bulshada dhexdeeda. Bal aan tusaale u soo qaadanno sheekooyinka lagu magacaabo jacaylka iyo siyaabaha loo soo tebin karo. Aynu gaar usii xulanno jacayl dhallinyaro oo dhexmaraya labo isjantay, ha yeeshee aan is qabin. Hadda ka hadli maayo, ma bannaan tahay in bulshadeenna loo soo tebiyo iyo in kale. Waxa aan ka hadlayaa, waxani waa wax jira oo dhaca’e sidee loo soo tebin karaa? Buugaag Soomaali ah, oo arrintan ka hadlaya, wax baan ka akhriyey. Jacayl labo qof keli ah ku koobnaan maayo’e, bal aan sii ballaadhiyo oo idhaahdo, dhallinyaro hawadooda raacaya oo rag iyo dumarba ah. Haa hawadooda raacaya, oo magaalada ku jira, oo dhinac walba u tuuraya – waxbana aanay ka xaaraansanayn! Maya, hilibka doofaarka keliya ayaa ka xaaransan! Falalka ay dhallintaasi ku kacayaan, qoraaga Soomaaliga ah ee hibada qoraalka lihi, sidee buu ummadda ugu soo bandhigi karayaa? Bal sidee baan u tilmaami karayaa, Looyaan iyo Layla oo shaydaan ku shaqaysanayo, jeebkooduna uu qoyan yahay. Bal sawiro labadaas oo fiidkii hore is raacay. Baar wax laga fuudo sii maray. Cawaysyada qoob-ka-ciyaarka tegey, oo halkaas ku sii labo-qarxay. Dabadeed makhaayad hore uga sii casheeyey. Iyagoo oo hawadaas maraya, hotel ay qol hore uga sii qabsadeen isla tegey. Qoraaga reer Galbeedka ahi, isaga oo qalinkiisa ku raaxaysanaya buu kala dhigdhigayaa, eegmada iyo jalleecada indhahaas beladu wadato sida ay isula janqaadayaan. Waxa uu tilmaamayaa dareenka hagaya iyo diiradda meelaha la saarayo. Dhagdhagta iyo qosolka iyo neeftuurka – ayuu tilmaamayaa. Sida degdeggu ku jiro ee hu’ga iyada oo la dhibsanayo la isaga rogayo, buu kuu sawirayaa. Waxa uu ku xejinayaa faro-ka-ciyaarka iyo falaadka ka horreeya inta aan saarku soo degin. Taako-taako iyo tallaabo-tallaabo ayuu shaqadii Ibliiska kuugu dhigdhigayaa – isaga oo weliba kuu qurxinaya. Xaggiisa laga yaabee, in aanu shaqo Ibliis u arage, uu u arko in Ibliiska laftiisa la dilayo! Haa, waa ay dhici kartaa. Muddo sannad hadda laga joogo, waxa aan akhriyey, buug qoraa Soonmaaliyeed uu qoray. Waxa ku jirey, laba qof oo Soomaali ah oo markaas iyada ah hawadooda raacanaya. Sidii aan u akhrinayey, baa qoraagii waxa uu ii dhex keenayaa qolkii iyo sariirtii hurdada. Meesha aan wax ku akhrisanayo waxa jooga qoyskayga dhammaantood. Buuggii baan farahayga ka siibanaya. Mar qudha baan hareeraha eegayaa aniga oo naxsan. Naxdinta waxa ii dheer cadho aan u cadhooday qoraagii buugga. Laba erey oo aan si aad ah u dhibsaday baa ishaydu ku dhacaysaa. Mid ka mid ahi wuxuu ahaa “habeynkaas si fiican baa loo raaxaystay!” Kan kalena wuxuu ahaa “waa la dha..leeyey!” Aniga oo hoos isula hadlaya oo argagaxsan ayaan oranayaa “bal qoraagaasi waa qof Soomaali ah, oo Muslim ah!” Qoraagani waxa uu ka sheekaynayaana waa dhillaysi. Waa runtaye, waa dhillaysi. Labada qof ee aan is qabin ee gogol ku macaamila waxa dhexmaraa waa dhillaysi. Dadka uu la hadlayaana waa Soomaali. Sinada waa uu yaqaan in ay tahay wax anshaxana ku xun, aakhirona ciqaab leh. Sidee buu afkiisa u soo marin karaa “waa la raaxaystay.” Marka aad macsi ku tilmaantid “raaxaysi” miyaanay u ekaanayn in aad dhiirrigelinayso. Intaa dabadeed, waxa aan isweyddiiyey, waxa uu qoraagani ka sheekaynayaa (dhillaysigu) waa wax habeen walba Soomaalida dhexdeeda ka dhaca – oo maaha been-abuur iyo male-awaal aan jirin. Haddii uu qoraagu rabo in uu dhacdadii tilmaamo sidee buu Soomaalida ugu sheegi lahaa? Afka Soomaaligu waa af aad u balaadhan. Weliba waxa uu hodan ku yahay sarbeebaha iyo ereyada maldahan. Markiiba waxa maskaxdayda ku soo dhacday in qoraagu uu oran kari lahaa “habeynkaas, shaydaan baa ka adeegay” ama “shaydaan baa ka sayid-caleeyey!” Waxa aan hubaa in wixii uu rabeyna uu qoraagu soo gudbiyey, akhristuhuna uu 100% fahmayo, in goobtaas “laacdan iyo legdiniba ay ka dhacday.” Isla markaana uu fahmayo, in aanay xalaal ahayne, shaydaan meesha ka shaqaystay. In la sinaystay waa ay u caddaanaysaa akhristaha. Gabagebadii: Soo bandhigista falalka lammaanaha dhex mara (xalaal iyo xaaraanba) sida loo qorayo waa lagu kala aragti duwanaan karaa. Aniga marnaba lagama yaabo in aan si qayaxan (sida reer galbeedka) u soo bandhigo, cidna kuma aan dhiirrigelinayo in ay sidaas yeelaan. Ummadda aad wax u qoraysaa waxa ay xaq kuugu leedahay, wixii anshax xumo iyo denbi ay u yaqaannaan in aadan u qurxin. Halbeegga qoraallada aan qorayo aan u isticmaalo waxa weeye: – Waa in waxa aan qoro, ay akhrisankaraan (ama aan u akhriyi karaa) hooyaday, walaashay, xaaskayga, iyo carruurtaydaba. Haddii aan iyaga kala xishoodo, waa in ummadda kalena aan kala xishoodaa. Qore: Mohamoud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
-
Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay, lix kalena waa ku dhaawacmeen qarax caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho. Gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamadii lagu soo tababaray dalka Uganda ee dhawaan lagu wareejiyay amniga Muqdisho ayaa caawa qarax lagu eegtay waddo laami ah oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ahaa nooca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog. Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin weerarka khasaaraha sababay ee lala eegtay ciidamada amniga Muqdisho. Amniga Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid wanaagsan, waxaana weerarkan uu noqonayaa midkii ugu horreeyay ee khasaare lagu gaarsiiyo ciidanka Boolis Milataaro ee lagu wareejiyay amniga Muqdisho. PUNTLAND POST The post Askar ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax khasaare gaystay ayaa caawa ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamada amniga ee booliska Milateriga ee dhowaan lagu wareejiyay amniga Caasimadda. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa ka dhacay Waxda Saddexaad ee degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, wuxuuna qaraxu qabsaday gaari ay la socden ciidamada iyadoo la sheegay inay afar askar ku geeriyoodeen qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale. Askarta la qarxiyay ayaa gurmad deg deg ah loo sameeyay, waxaaan goobta qaraxa gaaray mas’uuliyiin kala duwan, ayada oo askarta dhaawaca loo qaaday isbitaallada Muqdisho. Waa khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara ciidamada Booliska Milateriga ee Xasilinta caasimadda ee Amniga magaalada Muqdisho gacanta ku haya. Ciidamada oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa waxaa mushaharkooda bixiya dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana bishii askari kasta uu qaataa $300. Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada. The post Khasaaraha qarax xooggan oo caawa ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya ‘oo qarka u saaran’ inay lumiso fursad dahabi ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa si weyn looga cabsi qabaa inuu galaafto khilaafka siyaasadeed ee dowaladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Puntland. Khilaafkan ayaa halis gelin kara rejada ah in Soomaaliya laga cafiyo deymaha adduunka ee IMF iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee caalamiga ah, dhamaadka sanadkaan 2023-ka, sida ay ka digeen saraakiisha iyo khubarada maaliyadda. Deynta Soomaaliya lagu leeyahay ayaa lagu qiyaasa in ka badan shan bilyan oo dollar, ayada oo qaan-bixiyaha ugu badan uu yahay Mareykanka oo dhiibay adduun lacageed oo dhan hal bilyan oo dollar. Waddamada u qalma inay helaan deyn cafinta ayaa waxaa shuruuda 1-aad ah inay ballan-qaadaan isbeddel dhaqaale iyo mid maaliyadeed, iyo weliba sidoo kale dhimista faqriga iyo xasiloonida siyaasadeed ee dalkaasi. Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid kamid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan adduunka, sida lagu soo saaray warbixinta hay’adda Transparency International ee sanadkii hore. Dowladda federaalka oo ka gil-gilaneysa in hanaanka daah-furnaanta dalka ee dhinaca maaliyadda uu yahay kan ugu hooseya ayaa dhawaan meel-marisay sharciyo ka dhan ah musuq-maasuqa, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa sharcinimada iyo kalsoonida hay’addaha maaliyadda dalka. “Cafinta deymaha waxay rejo weyn u tahay Soomaaliya inay dib u soo ceshato maqaamkeeda maaliyadeed ee beesha caalamka, waxayna u ogolaaneysaa dalkeenna inuu dib ugu soo laabto dhaqaalaha adduunka kadib 30 sano oo dibad joog ka ahaa,” ayuu yiri dhaqaalyahan sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay VOA. Sarkaalkan oo ka gaabsaday in la xigto magaciisa ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in haddii ay sii jiraan musuq-maasuqa iyo khilaafyada siyaasadeed ee aan loo baahneyn ay Soomaaliya lumin doonto fursad dahabi ah oo deymaha lagu leeyahay looga cafin karo. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa muddo soo waday dadaallada looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay dalka, iyada oo dowladda Xasan Sheekh ay qaaday tallaabooyin muhiim u ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan shaacisay in heer geba-gabo ah uu marayo barnaamijkan deyn cafinta, xilli uu socdo qorshaha ay dowladda ku dalbaneyso deyn horleh marka soo idlaado hanaanka deyn cafin ee socda. Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkii March ee Baydhabo isla qaatay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland. Isku soo wada duubo, arrimahaan ayaa imanaya xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, ayna ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista shanaad ee barnaamijkan, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah. The post Soomaaliya ‘oo qarka u saaran’ inay lumiso fursad dahabi ah appeared first on Caasimada Online. -
Ankara (Caasimada Online) – Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa, kadib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta. Sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee dalka Turkigu, waxaa illaa haatan la tiriyey illaa 49% oo ka mida codadkii la dhiibtay. Natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ee ka soo baxaysa sanaadiiqda la tiriyey ayaa muujinaysa in Erdogan uu ka horreeyo musharaxa mucaaradka ee la tartamaya illaa 10%. Erdogan ayaa haysta 52% halka musharaxa ugu awoodda badan mucaaradka ee Kilicdaroglu uu haysto 42%. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in natiijooyinka hordhaca ah la filayey inuu ku hoggaamiyo Erdogan, maadaama ay badankoodu ka imanayaan deegaano uu ku xoog badan yahay Erdogan. Afar ilo wareed oo ka tirsan mucaaradka Turkiga oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Kilicdaroglu uu tiro aad u yar ku horreeyo. Weli waxaa dhiman codad aad u badan, kuwaas oo go’aamin doona natiijada rasmiga ah ee cidda ku guulaysanaysa doorashada madaxtinimada. Doorashadan ayaa ah midda ugu muhimsan Turkiga taariikhdooda casriga ah, waxayna go’aan ka gaarayaan haddii Recep Tayyip Erdogan uu sii ahaanayo madaxweyna hooda ka dib 20 sano oo uu xukunka hayay. Ninka ay sida weyn u xafiiltamaan, Kemal Kilicdaroglu, ayaa ballan qaaday in uu meesha ka saari doono awoodo badan oo uu helay madaxweyne Erdogan kaddib markii uu ka badbaaday afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii. Wixii kasoo kordha wararka doorashada dalka Turkiga, kala soco Caasimada Online. The post Tirinta codadka doorashada Turkiga oo socota iyo ‘sida musharaxiintu u kala horeeyaan’ appeared first on Caasimada Online.
-
Turkey election results live news: Erdogan takes early lead
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Click here to read more about this Qaran News -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan CGuutada Gantaal ee Ilaalo Qaran oo ka qeyb-galaya wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo dagaalamayaasha Alshabaab. Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu saaro gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qarankan Soomaaleed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa u sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, waxa uuna faray in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro kooxda gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka. Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
PRESS RELEASE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Signs Twelve Agreements Totaling over US$750 Million with OIC Member Countries and Regional Partners Agreements Signed on the Third Day of the 2023 Islamic Development Bank Group (IsDB) Annual Meetings in Jeddah Access Multimedia Content JEDDAH, Kingdom of Saudi Arabia, May 13, 2023/ — The International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) (http://www.ITFC-idb.org), a member of the Islamic Development Bank Group (IsDB), has signed twelve major agreements with Algeria, Cameroon, Tajikistan, the Republic of Togo, and Uzbekistan. ITFC also signed agreements with regional partners; Afreximbank and ECOWAS Bank for Investment and Development (EBID) to support investment and development and an MoU Agreement with OCP Africa to establish an innovative financing mechanism for farmers. The agreements will provide access to financial resources in order to facilitate the development of the private sector and stimulate economic growth. They will also cater to the development of a more efficient and effective trading system that will allow for more efficient and secure imports and exports. Agreements Furthermore, a Memorandum of Understanding between ITFC and the People’s Democratic Republic of Algeria was signed by Mr. Laaziz Faid, Minister of Finance, Algeria, and Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC. This agreement aims to increase exports to OIC countries, support the Algerian Islamic Banking sector, and its extension to other OIC countries, as well as provide support for Algerian private and state-owned companies. A Murabaha Trade Financing Facility for US$15 million was signed between ITFC and the Republic of Cameroon with Compagnie Camerounaise d’Aluminium (ALUCAM) as Executing Agency. This financing is in line with the Cameroon Government’s plan to support the strategic development of the bauxite industry and will strengthen Cameroon’s industrial sector by securing ALUCAM’s supply of alumina and other raw materials to produce Aluminum. An AATB Country Program for Cameroon was signed, focusing on capacity development in trade facilitation, promotion of export value chains, Islamic finance, e-commerce, and private sector development engagements for the next three years. The agreements were signed by H.E. Alamine Ousmane Mey, Minister of Economy, Planning and Regional Development, and Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC. A Three-Year Framework agreement for US$100 million was also signed between ITFC and the Republic of Tajikistan to ensure close cooperation and coordination of efforts between the Government of Tajikistan and ITFC. The agreement was signed by H.E. Mr. Zavqizoda Zavqi Amin, Minister of Economic Development and Trade of the Republic of Tajikistan, IsDB Governor, and Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC. ITFC signed a US$250 million Framework Agreement with The Republic of Togo to pave the way for an extension of the strategic partnership to three new key sectors including energy, agriculture, and the private sectors. An agreement has also been signed as part of the AATB Country Program for Togo, which covers the country’s capacity development in trade facilitation, promotion of export value chains, Islamic finance, e-commerce, and private sector development engagements for the next three years. The two agreements were signed by Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC, and Madam Zourehatou Kassah-Traore, Minister of Public Works, the Republic of Togo. In order to develop and expand shariah-compliant banking, ITFC, and ICD signed a Memorandum of Understanding with Al Salam Bank in Algeria that will explore opportunities for cooperation. The agreement was signed by Mr. Huider Nasser, Al Salam Bank, and Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC and Acting CEO of ICD. Under the framework of a US$10 million trade finance facility, ITFC has signed a Line of Trade Financing Agreement with Agrobank, Uzbekistan to meet the trade financing needs of SMEs operating in the food and agriculture sectors. The Murabaha financing agreement was signed by Mr. Rustam Mamatkulov, Chairman of the Management Board of Agrobank, and Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC. An additional Line of Trade Financing Agreement for US$25 million Financing has been extended to Orient Finans Bank, Uzbekistan to meet the trade finance needs of private sector clients of the bank. This financing will support and promote women’s entrepreneurship and green financing as well. The agreement was signed by Tokhir Djunaydullaev, The Chairman of the Board, Orient Finans Bank, Uzbekistan, and CEO of ITFC, Eng. Hani Salem Sonbol. Furthermore, a Syndicated Murabaha Trade Financing Facility for US$ 325 million was signed between ITFC and Afreximbank to support Afreximbank’s US$4 billion UKAPFA (Ukraine Crisis Adjustment Trade Financing Programme for Africa), which seeks to assist its member countries mitigate the effect of higher commodity prices due to the conflict and to support the trade finance needs of the private sector and State-Owned entities. The agreement was signed by Prof. Benedict Oramah, President, Afreximbank, and Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC. ITFC and The ECOWAS Bank for Investment and Development, a strategic regional bank of The Corporation in West Africa, have signed a EUR25 million Murabaha Financing Facility to meet the trade finance needs of private sector clients of the bank. Dr. Mabouba Diagne, Vice-President, Finance and Administration of EBID and Eng. Hani Salem Sonbol signed the agreement. ITFC and OCP Africa signed an MoU Agreement that seeks to establish an innovative financing mechanism to provide farmer access to customized solutions and establish holistic solutions beyond just access to fertilizers to boost agricultural production yields and livelihoods for Africa’s smallholder farmers. The agreement was signed between Dr. Mohamed Anouar Jamali, CEO, of OCP Africa, and Eng. Hani Salem Sonbol, CEO of ITFC. SOURCE International Islamic Trade Finance Corporation (ITFC) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay heshay xogta Shabaab isku dayaya inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan deegaanka Sabyo oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa xogta sirdoon ee heshay NISA ayaa sheegtay in qorshaha Shabaab-kaasi uu yahay sidii ay halkaasi ugu yeeri lahaayeen ganacsatada, uguna baadaan xoolahooda, xilli uu socdo dagaal culus oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka dhowrka jiho leh waxaa saamayn wayn ku yeeshay talaabooyinka ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliye ee gabi ahaanba lagu soo xiray waddooyinkii ay hantida shacabka Soomaaliyeed uga baadi jireen. Ciidanka NISA ayaa horay waxay u bur-buriyeen dhamaan maxkamadihiii iyo xarumihii ay dadka ugu yeeri jireen Al-Shabaab, kuwaasi oo ku yaalay duleedyada Muqdisho iyo deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay dad la macaamilay kooxda, ganacsato lacago baad ah siiyay iyo kuwa doonayay inay ugu tagaan meelaha ay joogaan oo ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 23-kii bishii October ee sanadkii hore soo saartay digniino ku saabsan joojinta la macaamilka dhaqaale ee Shabaab, oo dagaal culus uga socdo qeybo kamid ah dalka Dowladda ayaa xiligaas la wadaagtay dadweynaha lambaro ay ugu tala-gashay in shacabka Soomaaliyeed kula soo wadagaan xogaha ku saabsan “haddii ay arkaan dhaqaale Shabaab loo qaadayo ama ay qaadanayaan, nooca uu doono ha ahaade.” Si kastaba, Dowladda ayaa ku guuleysatay inay xirto boqolaal akoon iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana dardar xooggan ku socda dadaalada lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda. The post NISA oo heshay qorshe ay Al-Shabaab lacag uga qaadaneyso ganacsatada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa saaka ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Qaranka iyada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud,iyadoo ay ka qeyb galeenxubno kale duwan. Shirka ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada. 1-Shirka Heerka Sare ee Golaha Dhaqalaaha Qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka. 2-Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo shir-guddoominayay shirka ayaa si qotadheer u faahfaahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka. 3-Intaas kadib Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka oo ah laanta farsamo ee Golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta Hiigsiga Qarniga ee 2060, iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka. 4-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho Hiigsiga 2060; iyaga oo meelmariyay talooyinkii ka soo baxay Wajiga 1-aad ee Geeddi-socodka Diyaarinta Hiigsiga 2060. 5-Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardargeliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka Hiigsiga, sida wadatashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga. 6-Goluhu waxa uu sidoo kale u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta Hiigsiga 2060, iyo meelmarinta talooyinka ka soo baxay Heerka Farsamo ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka. 7-Goluhu waxa uu isla meel-dhigay in Hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso. 8-Ugu dambayntii, Goluhu waxa uu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dedejinta dhammaystirka Qorshaha Maaraynta Marxaladda Dayn Cafinta ka Dambaysa (Post-HIPC Plan). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir heerka sare oo Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Qaranka, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, iyo xubnaha Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada. Shirka heerka sare ee golaha dhaqalaaha qaranka oo markii ugu horaysay qabsoomay ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh siyaasadda horumarinta dalka iyo dardargelinta barnaamijyada dib u soo kabashada dhaqaalaha qaranka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoominayay shirkaan ayaa si qotadheer u faah-faahiyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo dhammaystirka hannaanka dayn cafinta oo hadda meel fiican maraya, isaga oo golaha dhaqaalaha qaranka iyo xukuumadda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ku boorriyay in la curiyo, lana hirgeliyo hindisayaal ka qayb-qaata koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka. Intaas kadib golaha dhaqaalaha qaranka ayaa warbixinno kala duwan ka dhegaystay la-taliyayaasha dhaqaalaha qaranka oo ah laanta farsamo ee golaha, iyaga oo soo bandhigay qorshaha muddada fog ee diyaarinta hiigsiga qarniga ee 2060 iyo qorshaha lagu maaraynayo marxaladda ka dambaysa dayn cafinta iyo xoraynta dalka. Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa isku raacay in dalka uu yeesho hiigsiga 2060, iyaga oo meel-mariyay talooyinkii ka soo baxay wajiga 1-aad ee geeddi-socodka diyaarinta hiigsiga 2060, sida lagu shaaciyay war-murtiyeed ay Villa Somalia kasoo saartay shirkaan. Sidoo kale, Golaha Dhaqaalaha Qaranka ayaa faray La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka inay dardar-geliyaan wajiyada xiga ee diyaarinta iyo dhammaystirka hiigsiga, sida wada-tashiyada lala yeelanayo qaybaha kala duwan ee dadweynaha, shirarka iyo cilmi-baarista lagama-maarmaanka u ah diyaarinta hiigsiga. War-murtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in golaha usoo jeediyay xukuumadda federaalka Soomaaliya in la ansixiyo diyaarinta hiigsiga 2060 iyo meel-marinta talooyinka ka soo baxay heerka farsamo ee golaha dhaqaalaha qaranka. Golaha ayaa waxa uu sidoo kale isla meel-dhigay in hiigsiga 2060 uu noqdo dukumentiga hagi doona dhammaan qorshahayaasha horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah, dadkeeduna haystaan nolol tayadeedu sarrayso. Ugu dambayntiina waxa uu goluhu soo jeediyay in mudnaan gaar ah la siiyo dadejinta dhammaystirka qorshaha maaraynta marxaladda deyn cafinta ka dambaysa (Post-HIPC Plan). The post Xasan oo Villa Somalia ku qabtay shirka golaha dhaqaalaha qaranka, oo lagu meel-mariyay hiigsiga 2060 appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah Xoghahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbheho. Wasiirka iyo Ergeyga ayaa kulankooda kaga wadahadley horumarka ya Dowladda Federaalka Soomaaaliya ka sameyneyso dhanka sugidda amniga, dagaalka lagula jiro Khawaarijta, diyaar garowga wejiga labaad ee hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, maamul wanaagga, adeegyada bulshada, barnaamijyada xasilinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta. Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey dadaalka ay dowladda u gashey sugidda amniga magaalada Muqdisho, isagoo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed oo taageero iyo iskaashi u buuxa u muujiyay dowladda iyo ciidanka qaranka. Waxaa sidoo kale uu Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis uu Ergeyga Qaramada Midoobay faahfaahin ka siiyay qaraarkii dhowaan ka soo baxay Golaha Wasiirada ee khuseeyay maareynta maaliyadda guud ee dalka iyo dagaalka lagula jiro musuqmaasuqa. Ku-Simaha Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Kiki Gbeho ayaa dhankeeda ku bogaadisay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto inay nabad, kala dambeyn iyo horumar ku soo dabbaasho dalka, iyadoo intaa ku dartey in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo iskaashiga iyo taageerada ay Soomaaliya u fidineyso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Siciid Deni oo kulan xasaasi ah la yeeshay Isimada gobolka Mudug ayaa waxa uu raali-gelin ka bixiyay habkii u maamulay kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Mudug. Isimida ayaa dhankooda ka aqbalay raali-gelinta deni oo isagu sheegay inuu kasoo hoyday boobkii kuraasta Golaha Shacabka ee gobolka Mudug iyo tixgelin la’aantii dhaqanka beesha ee doorashadii 2022-ka, sida ay ogaatay Caasimada Online. “Boobkii kuraasta iyo xad-gudubkii dhacay ee aad sanadkii 2022-ka geysatay haddaad kasoo hooyatay waa aqbalnay hoyashadaada,” ayay Isimida uga jawaab celiyeen kasoo hoyashada Deni ee boobkii doorashada. Xogaha aan ka helayno kulankaan ayaa waxay sheegayaan intii uu socday madaxweyne Saciid Deni uu sidoo kale ka codsaday Isimada gobolka Mudug inay maamulkiisa kala shaqeeyaan hirgalinta doorashada dowladaha hoose ee gobolka Mudug, xilli gobolkaan uu kamid yahay meelaha laga saluugsan yahay qaabka uu maamulka Deni u wado doorashada qof iyo cod. Inkasta oo Isimada iyo odayaasha Mudug aySaciid Deni ka qaateen raali-galinta uu ka bixiyay hanaankii uu umaamulay doorashadii xulista Baarlamaanka ayaa haddana waxay uga digeen inuu qabto doorasho qalaalase ka dhasho, xilli uu meel sare gaaray khilaafka siyaasadeed ee maamulka Puntland. “Doorashada goleyaasha deegaanka ee aan heshiiska lagu aheyn hbaraacooda iyo natiijada ka dhalaneysa waxay khatar ku yihiin xasiloonida dalka iyo doroashada madaxweynaha waa inay wakhtigeeda ku dhacdaa.” Madaxtooyadda Maamulka Puntland ayaa weli ka hadlin kulankaan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Isimida gobolka Mudug iyo madaxweyne Saciid Deni. Si kastaba, madaxweynaha Puntland iyo Isimida Puntland ayaa hore ugu kala fogaaday boob qaawan oo uu kula kacay doorashadii xildhibaanada maamulka ku matalayay labada aqal ee BF, wuxuuna u muuqda kulankaan iyo cudur daarka uu bixiyay Deni mid uu ku raadinayo nafis siyaasadeed, xilli ay maamulka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo looga soo horjeedo damiciisa guracan. The post Saciid DENI ‘oo raali-galin ka bixiyay’ hanaankii u maamulay kuraas kamid ah BF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay xafiiska. Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu gawaaridan ku wareejiyay Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka. “Iyada oo la dardar-galinayo dadaallada dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranku waxa uu ku guuleystay inuu ku wareejiyo Wasaaradda Waxbarasahda, Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha iyo Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka toban (10) gaari oo horay gacantooda uga maqnaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska hanti-dhawrka guud ee qaranka. Tallaabadan ayaa imanaysa, xilli kal hore Hanti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud. Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ayaa waxa uu faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hay’adaha dowladda ee la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’adahaasi inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, “waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.” Hanti-dhawrka Guud oo muddooyinkii dambe ka shaqeynayay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uu dib ugu soo celiyo gacanta hay’addihii asalka u lahaa, ayaa waxa uu shaaciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.” Si kastaba, Hanti-dhowraha cusub ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo 20-kii April ee sanadkaan la wareegay xilka ayaa waxa uu sheegay in muhiimaad gaar ah uu siin doono dhameystirka howlaha qabyada ka ah XHGQ sida dhammeystirka xeerka xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo habraacyada baarista iyo korjoogteynta. The post Hanti-dhowrka guud oo ku guuleystay dib usoo celinta 10 gaari, kuna wareejiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa maanta Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ka furmay shir deg-deg ahaa oo looga hadlayey xaalada adag ee ka jirta Magaalada oo fatahaad uu ka sameeyey Wabiga Shabelle iyo sidii gurmad deg deg ah loogu heli lahaa dadka ku barakacay deegaanka Ceeljaalle duleedka degmada. shirkaan waxaa soo agaasimay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Guddiga gurmadka fatahadaha Ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle kuwaas oo is kugu jira wasiiro iyo xubno kale ,waxaana ka qeybgalay dhamaan hay’addaha gargaarka ee deeqaha bixiya wakiilo ka socday. Kulankaan oo saacado qaatay ayaa looga hadlay xaaladaha ka jira baladweyne ee fatahaada ay sababtay,sida la is kugu xiro karo ka jawaabida arimaha gurmadka deg deg ah,iyo sida ugu haboon ee dadkaas fatahada saameysay gargaar loo gaarsiin karo, xilli wali qeybo kamid ah magaalada laga barakacayo. Guddoomiyaha ha’yadda maareynta ayaa dhinaca kalegoob joog ka noqday xarig jarka xarunta gurmadka deg-deg ah ee Guddiga fatahaada Hirshaballe, oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha dowlada goboleedka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale uu ku baaqay in lala gargaaro dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo deegaan dhaca xadka gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan oo yimid kadib markii ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen goobo Shabaab-ka ay ku dhuumalaysanaysay oo dhaca Xadka Gobolka galguduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe. Deegaankaas oo lagu magacaabo Sabansableey ayay ciidamadu ku weerareen Shabaab-ka goobtaasi ku sugnayd, iyada oo halkaas uu ka dhacay dagaal Xooggan, oo ay guulo ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in jab xooggan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka, kaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale waxay sheegtay in ciidamada xoogga ay ka warheleen in xubno katirsan Khawaarijta ay isku arruursanayeen deegaanka Sabansableey, si ay u sameeyaan arbushaad, islamarkaana ay ciidamada ay ka hortageen dhagartooda. “Xoogga dalka ayaa sii baacsanaya xubnihii khawaarijta ee ku dhuumaaleysanay deegaanka oo isaga cararay halkaa,” ayaa lagu yiri warka dowladda ee dagaalkan. Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay inuu weli socdo howl-galkan isku rogay dagaalka ee ciidamadu ku qaadeen deegaanka Sabansableey, oo dhaca xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe. Dhinaca kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guul horleh ka sheegatay dagaalkan, oo ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen tiro gaadiid ah oo ay ku jiraan kuwa ciidamada ee tiknikada loo yaqaano. Majiro illo madax-banaan oo illaa hadda si rasmi ah u xaqiijin kara sheegashadan. Si kastaba, howl-galada ay ciidamada huwanta muddooyinkii dambe ka wadeen gobolka Galgaduud iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka ayaa dardar xooggan ku socday, ayada oo dhawaan la filayo inuu si rasmi u billowdo wejiga labaad ee dagaalka. The post Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray xadka… appeared first on Caasimada Online.
-
Shacabka Turkiga ayaa u dareeray goobaha codbixinta maanta oo Axad ah, iyaga oo dooranaya madaxweynaha dalkaas iyo weliba golaha baarlamaanka. Doorashadan ayaa ah, mid si weyn ay ugu loollamayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ee la tartamaya, taasoo noqotay doorashadii ugu adkayd ee uu galo muddo labaatan sano ah. Illaa 64 milyan oo shacabka Turkiga ah ayaa u diiwaangashan inay codeeyaan, taasoo ay ku jiraan illaa 3.4 milyan oo qof oo qurbe-joog Turki ah, oo ku nool dalalka debedda, kuwaas oo codadkooda ka dhiibtay safaaradaha Turkiga. Doorashadan ka dhacaysa dalka Turkiga ayaa ah, mid ay si weyn isha ugu hayaan dalalka caalamku, gaar ahaan wadamada reer galbeedka, maadaama Turkigu uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO, isla markaana ay jirto kala aragti duwanaansho la xidhiidha, siyaasadaha kala duwan ee caalamka ka socda. Saadaasha ra’yiga dadweynaha ee la xidhiidha doorashadan ayaa muujinaysa inay labada hoggaamiye aad isugu dhow yihiin. Haddii midkood uu heli waayo codad ka badan 50%, waxaa qorshaysan inay dhacdo wareeg labaad oo doorasho ah, oo qorshaysan bishan May 28-keeda. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee doorashada dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Dadweynaha Turkiga ayaa maanta u dareerey doorashada ugu muhiimsan taariikhdooda, iyaga oo dooranaya madaxweynaha iyo ku-xigeennadiisa, in ka badan 60 milyan oo ruux ayaa codaynaya. Madaxweynaha muddada dheer xilka haya Erdogan iyo Kamaal Ooglo oo ugu xooggan mucaaridka ayuu dhexmarayaa loollanka ugu adag. Madaxweye Erdoğan ayaa codkiisa dhiibtay, Doorasho adag oo taariikhi ayaa ka socota Turkiga. Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa digniin culus kasoo saaray qorshe uu sheegay in la iskaga horkeenayo beelaha, si ay u dagaalamaan maleeshiyaadka hubeysan. Qorshahan ayuu maamulka sheegay in looga dan leeyahay koradhka isku dhacyada beelaha iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, waxayna si gaar ah ugu digtay dad ay sheegtay inay ka shaqeynayaan arrintaas, islamarkaana ay ka waantooban. La-taliyaha dhanka Amniga Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Jeneraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo arrintaas ka hadlay ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in xilligaan xoogga la saaro dagaalka beelaha, iyada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. “Waayahaan shaqaaqooyinka soo laabtay ee meelo badan laga soo sheegayo in aan iraahdo walaalayaal looma baahno dagaal aan ahay midka argagixisada, maanta dagaalka keliya furan waa midka khawaariijta balse midka beelaha waa maja-xaabin,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Qoor-Qoor. Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaan waa walaalo aan meelna ku kala tageen, dhulkaan waa mid aan qaadmeyn ee hala iska daayo riix-riixa.” La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in marnaba uu maamulka Galmudug aqbali doonin isku dhacyada beelaha, islamarkaana la xiri doono dadka ka dambeeya, “deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug waxaa ka dhici karo oo keliya dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.” “In aad Dumarka kufsataan oo carruurta kala dishaan idinka qudhiina nafta is dhaafsataan wax dan ah idinkuma jiraan, waxa ay dantu idin kugu jirtaa walaaltinimada, ehelnimada iyo isa-soo jiidashada, meel weliba oo dagaal beeleed ka jira waxaa ka faa’iideysanaya oo ku dhex dhuumanaya argagixisada,” ayuu yiri. Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo wada istaago sidii wax looga qaban lahaa qorshaha laga iskaga horkeenayo beelaha, si uusan u wiiqmin dagaalka Shabaab oo dardar xooggan ku socda, “wax ka qabashada dagaal beeleedyada ha loo istaago, si loo badbaadiyo dadka waxyeellada kusoo gaarta.” Digniintan ayaa imaneysa xilli deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug ay marar kala duwan ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya maleeshiyaad Beeleed, halka dilal la xiriira aanooyin loo geystay dad u badan haween iyo dhalinyaro. The post Galmudug oo digniin culus kasoo saartay qorshe la iskaga horkeenayo beelaha appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Government forces in Mogadishu's Hodan district executed a planned operation on Sunday, leading to several significant arrests. Source: Hiiraan Online
