Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta heshiis cusub ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo qeyb ka tahay furista xuduudda, fududeynta isku socodka labada dal iyo iskaashiga amniga. Heshiiskan ayaa yimid kadib kilan heerkiisu sareeyo oo maanta ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya wasiiradda arrimaha dibadda, gaashaandhiga iyo amniga ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga hadleen qoddobada heshiiska laga gaaray oo ay ka mid yihiin furista xaduudda labada dal, fududeynta isku socodka duulimaadyada, ganacsiga iyo iskaashiga amniga. Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe oo ka hadlay heshiiskanay gaareen dowladda Kenya ayaa ku tilmaamay “mid la taaban karo, wax ku ool ah.” “Waxaan ku heshiinay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled-Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas Kaambooni iyo Kiunga,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe. Sidoo kale waxa uu sheegay in masuuliyiinta labada dowladood ay ka wada-hadleen dal-ku-galka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ay si weyn ugu dhib qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed. “Waxaa aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe Dowladda Kenya ayaa dhankeeda si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, taasi oo xirneyd muddo ku dhow 12 sanno, kadib weeraro kooxda Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalkaasi. “Laga billaabo maanta, waxaan go’aansannay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya hab dhowr waji ah loogu furi doono muddo 90 maalmood gudahood, marinka ugu horeeya waxaa lagu furaya 30 maalmood gudahood” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki. Heshiiskan ay maanta gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa imanaya, iyada oo uu muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay xiriirka labada dhinac, kaasi oo sanadihii lasoo dhaafay aad u xumaa. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan dowladdaha dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya. The post Aqriso: DF Somalia iyo Kenya oo heshiis ka gaaray arrimo muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in eedeysane Dable Boolis, Zakariye Cali Axmed Cosobow oo ku eedeysan inuu geystay dil bareer ah maanta laga soo dejiyay magaalada Muqdisho. Ninkan ayaa waxa laga soo qabtay dalka Koonfurta Sudan, waxaana diyaarad sidda eedeysanahan ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Soomaaliyeed. Garoonka ayaa waxaa xilligaas ku sugnaa ehelada Marxuumka, saraakiil ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Interpol iyo masuuliyiin kale. “Diyaarad sidda eedeysane Dable Boliis. Zakariye Cali Axmed Cosobow, oo ku eedeysan inuu 28/July/2022, Degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Kordamac ugu geystay dil bareer ah Marxuum Ex- Xidigle Boliis Cali Xasan Siyaad (Cali Tareen) oo ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo caga dhigtay Garoonka Diyaarada Caalamiga ah ee Aadan Cadde,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed. Soo qabashada eedeysanahan ayaa waxaa ka wada shaqeeyay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Booliska Caalamiga ah ee Interpol, taasi oo lagu tilmaamay inay caddeyn u tahay in cidna aanay ka dhuuman karin awoodda sharciga. “Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Xeerilaalinta Ciidamada ka eedeeyay eedeysane Zakariye Cali, Iskaashi dhex maray Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa fududeysay in eedeysanahaan laga soo qabto dalka Koofurta Sudan.” Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa 10-kii bishaan shaaciyay in uu dhawaan soo bandhigi doono eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay, kuwaasi oo ka maqan. Tallaabadan ayaa waxay qeyb ka tahay sidii cadaalad loogu qaado, sida ay qabaan shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa dhawaan soo bandhigidoona eedeysanayaal dambiyo dalka ku galay si cadaalad loogu qaado sida ay qabaan Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka u yaala.” Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilligaan waxa uu xubin buuxda ka yahay Booliska caalamka ee Interpol, taas oo qeyb libaax ka qaadatay la-dagaalanka dambiyada xaduudaha ka gudba iyo kuwa caalamiga ah. The post DEG DEG: Shaqsi baxsad ka ahaa cadaaladda oo laga soo dejiyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay furista xaduudaha ay labada dal wadaagaan, kadib shir heerkiisu uu sareeyo oo u dhaxeeyay mas’uuliyiin labada dowladood ah, kuwaas oo heer wasiirro ka kooban oo laba dowladood ah. Shirkaan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay wasiirada arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Amniga, halka dhanka Kenya ay dhankooda uga qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga iyo i, Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Kenya. Shirka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo amniga xuduudaha labada dal iyadoo lagu heshiiyay in si tartiib tartiib ah dib loogu furo xadka muddo 90 maalmood gudahood ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaato ku qabay gudbitaanka Xadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay xubnaha Ururka Maaliyadda Afrika, oo ah hay’ad bixisa xallinta kaabayaasha qaaradda, iyada oo ku biirtay Benin, Botswana iyo Congo oo xubin cusub ka noqday ururkaan. Ururka Maaliyadda Afrika oo war kasoo saaray ku biirista Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay in ku biirista xubinimada Botswana iyo Soomaaliya ay horumariso waajibaadka ururkaan. “Waxay siinaysa dhawrsanaan iyo xasaanad diblumaasiyadeed, si waafaqsan maqaamka dhinacyada badan leh ee ururka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ururka Maaliyadda Afrika (AFC). “Waxa ay awood u siinaysaa AFC inay abaabusho raasamaal caalami ah, si ay ugala shaqeyso maaliyadda gudaha si loo helo kaabayaal waara oo la taaban karo iyo horumarinta warshadaha ee dalalka xubnaha ka ah.” Waxa kale oo lagu yiri bayaanka uruka, “AFC hadda ku naaloonaysaa taageerada xubnaha saddex-meelood meel ee dalalka Afrika, oo leh wadar ahaan 40 xubnood oo madax-bannaan.” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay ku biirista ururkan ayaa waxa uu ku tilmaamay mid door muhiim ah ka qaadaneysa taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay. “Iyada oo ay Soomaaliya sii waddo dib-u-dhiska iyo koboca, xubinnimadeena Ururka Maaliyadda Afrika waxa ay door muhiim ah ka qaadan doonaa sidii loo heli lahaa taageerada dhaqaale ee loo baahan yahay si loo horumariyo qarankeena, ”ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. AFC ayaa ah hay’ad Maaliyadeed oo horumarineed, oo dhinacyo badan leh oo Afrikaan ah oo la aasaasay 16 sano kahor, waxaana sameeyay dawlado madax-bannaan oo Afrikaan ah si ay u bixiso xalal dhab ah oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha Afrika iyo jawiga shaqada ee adag. Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo la xiriira hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalkeenna, iyada oo IMF ay ka marqaati kacday in Soomaaliya ay horumar wayn ka samaysay sharuudaha barnaamijka deyn cafinta ee loo soo gaabiyo ECF oo hadda dowladdu ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad. The post Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay urur Afrikaan ah appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu maanta ubax-dhigay tallada halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taasi oo ah argagixisada kusoo duushay nolosha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed. Waxa uuna madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay dalka uga dulqaadaan Khawaarijta. “Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah inay dalkooda ka xoreystaan Khawaarijta xasuuqday dadkeenna, nolosha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdu ay muhiimadda siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo kor loo qaaday doorkooda hoggaamineed iyo shaqo-u-abuurka. “Dhalinyarada magaalada joogta ayaa umaleysa inay weli meelaha qaarkood go’aan ka gaarin, Khawaarijta magaalada ayay ku dhex nooshahay, dad Khawaarij ah oo ay yaqaanan oo magaalada ku nool ayay ogyihiin oo aysan sheegin, waa cabsanayaan ama waa qaraabadiisa darteed,” ayuu yiri madaxweynaha oo ku boorinaya dhalinyarada inay xoojiyaan dagaalka ka dhanka Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dhalinyarada ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah, “Riyada ma dhimato. Si kastaba, Sanad walba maanta oo kale ayaa waxaa la xusaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan aas-aaska ururkii gobanima doonka ee SYL, kaasi oo dhidibada loo taagay 15-kii May, 1943, oo aas-aastay dhallinyaro Soomaaliyeed. The post Xasan oo sheegay in dalka ay ka jirto dhibaato lamid ah tii ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - The Attorney General's Office in Somalia has submitted charges to the Banadir Regional Court against the AUMOTAIVTE MANAGEMENT SERVICE Company and its Somalia Office Manager. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyay shirkad ajnabi ah oo lagu eedeeyay lacag dhaqid iyo canshuur la baxsasho, sida lagu shaaciyay qoraal goordhoweyd kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha. Shirkadan oo lagu magacaaba Aumotaivte Managementa Service, ayaa waxa uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka inuu baaris ku sameeyay shirkaddan iyo maareeyaheeda xafiiska Soomaaliya, kadib markii ay soo gaartay warbixin denbi oo la xiriirta shirkadda. “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay si waafaqsan qodobka 71-aad ee XHCS eed lid ku ah shirkadda Aumotaivte Management Service iyo Maareeyaheeda Xafiiska Soomaaliya oo shirkad ajnabi ah kuna eedaysan xad-gudubka xeerka shirkadaha ee dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale waxa uu Maxkamadda gobolka Banaadir ka codsaday in lasoo muddeeyo dhageysiga dacwadooda, si loo guda-galo maxkamadaynta. War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa waxaa kale oo lagu bogaadiyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah ula soo wadaaga xafiiska warbixinada denbiyada, si tallaabo sharci ah looga qaado. Xafiiska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka digay dhamaan shirkaddaha ajaaniibta ah ee dalka ka howl-galaya een u hogaansamin xeerarka dalka. The post Maxkamadda G/Banaadir oo loo gudbiyay shirkad ajnabi ah oo loo haysto kiis xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Wasiirada arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac, Gaashaandhigga mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo amniga Maxamed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa dhigooda dalka Kenya kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya. Kulankaas ayaa looga hadlay fududaynta isku socodka bulshada labada dhinac, ganacsiga, iskaashiga amniga iyo duulimaadyada, waxaana labada dowladood ku heshiiyeen qodobo dhawr ah. “Waxaan ku heshiinay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas Kaambooni iyo Kiunga” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha mudane Doodishe. Sidoo kale labada dowladood ayaa ka wada hadlay dalkugalka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taas oo sare u qaadaysa isku socodka bulshada labada dhinac iyo dhaqaalaha, waxaana laga gaaray isafgarad buuxa. “Waxaa kale oo aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah” ayuu yiri wasiir Doodishe. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kenya oo si rasmi ah ugu heshiiyay furista Xuduuda labada dal appeared first on Puntland Post.
  9. “Waxa aan shaki kujirin in tallaabo dib loo qaaday.” WQ. Xildhibaan Axmed Wali oo ka tirsan golaha deegaanka Gabilay:- Kadib markii Dowladii dhexe ee Somalia Burburtay, Odayaashii dhaqanka ee Reer Somaliland 1991, waxay ka bad baadiyeen in Gobolada Somaliland noqdaan Xero-dhiig iyo Kawaan laisku xasuuqo. Waxay seeska u dhigeen Nabad iyo is cafin dhex martay Dadkii Waqooyiga Somalia ku noolaa, Waxay wada-jir ula soo laabteen Xoriyadii luntay ee ay Ingiriiska ka qaateen 26 June 1960. Dagaal kasta oo sokeeye ama khatar kasta oo Somaliland Gudaheeda ka dhacda, Odayaasha Dhaqanku waxay ahaayeen kuwo damiya, ilaa Aakhirkii ay ku guulaysteen nabad waarta iyo Qaranimo seeska loo dhigay oo ka hanoqaada guud ahaan gayiga Somaliland. Hadaba maanta waxay ahayd in Somaliland iyo Odayaasha Dhaqankeedu noqdaan Jaamacad laga barto Nabada iyo dib u heshiisiinta. Waxase nasiib Darro ah 32 sano kadib in Odayaal dhaqan looga soo diray Muqdisho inay dhex-dhexaadin ka galaan , xaaladaha ka taagan Gobolka sool ee Gudaha Somaliland. Waxa aan shiki kujirin in tallaabo dib loo qaaday. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay galinkii dambe ka saagootiyey Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho cutubyo ka tirsan Guutada Gantaal ee Ilaalo Qaran. Ciidankan ka ambabaxaya magaalada Muqdisho ayaa waxay ku biirayaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada. Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyay ciidankan ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo laba qorshe oo taarikhi ah. Qorshayaashan ayuu madaxweynuhu sheegay inay ku saleysan yihiin “in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso ciidamada qaranka.” Khudbada madaxweynaha oo isugu jirtay dardaaran, dhiirri-galin iyo guubaabo ayaa waxa uu ku sheegay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan inay dhammeystiraan halganka gabagabada maraya ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada. Waxa uuna faray ciidankan cusub ee ku biiraya dagaalka in ay ilaaliyaan hab-dhaqanka iyo shuruucda ciidamada si ay u xaqiijiyaan kalsoonidda iyo hiilka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay guulaha isdaba-joogga ah ee ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo cirib-tirka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada qaranka. Ugu dambayntiina waxa uu madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyaga oo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta xaalad dagaal, waxaana qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ka socdo howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah u billaaban doono wejiga labaad ee dagaalka Shabaab. The post Sawirro: Ciidankii ugu badnaa oo ku biiraya dagaalka Al-Shabaab iyo Xasan oo sagootiyay appeared first on Caasimada Online.
  11. Abdi Ali is wanted for questioning by detectives investigating the murder of another man in July 2018 but despite appeals for him to come forward, he remains on the run. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia's economic council on Sunday endorsed the Centennial Vision 2060 as the national blueprint, which provides a clear anchor for the country's development plans. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimda dalka. Lt. Gen. Okiding ayaa waxa uu dhawaan si rasmi ah ula wareegi doona xilkan, isaga oo bedelay Lt. Gen. Diomede Ndegeya oo u dhashay Burundi oo dhameystay socdaalkiisa shaqo dabayaaqadii sanadkii hore. Taliyaha cusub ee ATMIS ayaa waxa uu ku dhawaajiyay in muhiimadiisa ugu weyn ay tahay sidii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed (SSF) si habsami leh loogu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga, iyada oo la xoojinayo guulaha la gaaray. “Waxa ugu muhiimsan waa in la taageero ciidamada amniga Soomaaliya si waafaqsan howlgalka ATMIS, Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 iyo 2670,” ayuu yiri Lt. Gen. Okiding. Intaas kadib waxa uu ballan-qaaday inuu si dhow ula shaqeyn doono dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo dhaqan geliyo waajibaadka howl-galka ee ah xaqiijinta habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga. Taliyaha cusub ee ATMIS ayaa ah Nin aan ku cusbeyn Soomaaliya, isaga oo horey usoo noqday taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga intii u dhaxeysay November 2015 illaa January 2017. Lt. Gen. Okiding ayaa kahor inta aan loo magacaabin taliyaha ciidanka ATMIS waxa uu ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka dhulka ee UPDF. Si kastaba, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanad ka hor waxa uu si aqlabiyad leh u ansixiyay howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS, si ay u taageeraan Soomaalida ilaa inta ay ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka dhammaadka 2024-ka. The post Taliyaha cusub ee ATMIS oo soo gaaray Muqdisho iyo ballan-qaad uu sameeyay appeared first on Caasimada Online.
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabadda Xuska aas-aaskii Dalladda Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed waxa uu ubax-dhigay tallada Halgameyaashii SYL oo 80-sano ay ka soo wareegtay markii ay aas-aaseen dalladan xornimada u horseedday dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkeenna maanta ay haysato caqabad la mid ah tan ay ka xoreeyeen halgameyaashii SYL, taas oo ah argagixisada kusoo duushay nolasha iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed, waxa uuna Madaxweynuhu bogaadiyey dhallinyarada ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay dalka uga dulqaadaan khawaarijta. “Dhallinyaradii SYL haddii ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika, maanta waxaa dhallinyaradeenna Soomaaliyeed dul taagan xujo adag oo ah in ay dalkooda ka xoreystaan khawaarijta xasuuqday dadkeenna, noloasha iyo dowladnimadana u diiday dalkeenna”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siinayso dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kor loo qaaday doorkooda hoggoomineed iyo shaqo-u-abuurka, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay qeybta uga qaadanayaan xaqiijinta Soomaali Heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Faaduma Ismaaciil uma qorsheysneyn in ay noqoto macallimad. Faaduma waxay shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaadatay cilmiga caafimaadka, inkastoo ay qabtay dareen ah in ay raaci doonto waddadii aabaheed iyo walaalkeed oo Macalimiin ahaa, si ay u noqoto bare. Faaduma waxaa u muuqday sida ay bulshadu u qaddariso macallimiinta iyo saameynta ay macallimiintu ku leeyihiin ardayda. “Waxbariddu ma ahan shaqo fudud, mana ahan xirfad ay kaa soo galeyso daqli badan,” Faaduma ayaa sidaas tiri. “Laakiin waa shaqo sharaf leh, sababtoo ah waxaad joogta madal aad wax ku barto, kuna dhiirrigeliso jiilka dhallinyarada ah.” Si ka soo horjeeddo filashayooyinkii saaxiibbadeeda, qoyskeeda iyo shahaadadii jaamacadda ee cilmiga caafimaadka, Faaduma waxay gashay xirfadda waxbaridda, waxayna dooratay in ay ka shaqeyso dugsiga hoose ee Al-Nuur Primary School oo ku yaalla Yaaqshiid. Markii ugu horreysay, xirfaddeeda cusub ee fasalka ma aheyn mid sahlan, waxayna ku khasbaneyd in ay la timaado xal. Ka macallimad cusub ahaan, Faaduma waxay la kulantay caqabado ay kamid yihiin – maareynta fasalka iyo hubinta in arday kasta uu si wanaagsan u dhaqmo oo uu ahaado mid la socda, waxna barta. Si ay wax uga qabato howlahan adag, waxay raadsatay talada iyo taageerada saaxiibbadeeda shaqada ee khibradda badan leh. Waxay ka qeybgashay dhowr tababar oo uu soo qaban qaabiyey barnaamijka USAID ee Bar ama Baro, kuwaasoo diirradda saarayey habab kala duwan oo ku wajahan waxbaridda iyo maareynta fasalka. Go’aan qaadashadeeda, shaqo badnideeda iyo ka go’naanta ay ka go’aneyd xirfadeeda, Faaduma waxay ka gudubtay caqabadaha ay wajahaan barayaasha cusub sideeda oo kale. Waligeed kama quusan in ay gaarto yoolkeeda ah in ay u horseeddo isbeddel togan nolosha ardaydeeda, waxayna ku taagtahay in ay sii waddo hormarinta mihnadeeda waxbaridda. Faaduma waxay u aqoonsan tahay tababarkii Bar ama Baro in uu u ahaa fursad qiimo badan oo iyada iyo saaxiibbadeeda shaqada ay ka faa’ideen islamarkaana kor u qaaday xirfadahooda waxbaridda, iyo inuu ka caawiyay hab cusub oo hal-abuur leh oo ay wax ku bari karaan, kulana macaali karaan ardaydooda fasalka gudihiisa. Bar ama Baro “waa barnaamij si wanaagsan looga baahnaa dalka, wuxuuna u keenayaa isbeddel la taaban karo nolosha arday badan oo sabool ah, kuwaasoo aanan awooddin in ay helaan waxbarasho dhaqaale xumo awgeed,” Faaduma ayaa sidaas tiri. Dibadda fasalka, saameynta Faaduma ayaa laga dareemay bulshadeeda oo dhan. Waxay ku faaneysaa shaqadeeda, waxayna dhiirrigeliye iyo qof lagu daydo u noqotay dhallinyarada, gaar ahaan gabdhaha oo u arka tusaale waxa qofku gaari karo marka uu la yimaado shaqo adag iyo ka go’naansho. “Ardaydeyda iyo dhallinyarada xaafadda badanaa waxeey iigu yimaadaan taageero kasta oo ay uga baahan yihiin dhinacyada nolosha gaar ahaan waxbarashada,” Faaduma ayaa tiri sidaas. “Marka kasta oo ay ii yimaadaan way dhoola-caddeeyaan, aniguna waxaan la wadagaa aqoonteyda iyo waayo-aragnimadeyda ku saabsan sida ay u hormarin karaan waxbarashadooda.” Sida aabaheed iyo walaalkeed, maanta Faaduma waa shakhsi loo aqoonsan yahay in ay tahay mid kamid ah macallimiinta ugu kartida iyo xushmadda badan bulshadeeda. Guusha sheekadeeda waxay marqaati ka tahay awoodda ka gungaaridda yoolka, shaqo badnida iyo ka go’aanshaha in ay horseeddeyso isbeddel togan oo aad ku sameyn karto nolosha dadka kale. Iyadoo 25-jir ah, Faaduma waxay kasbatay xushmadda saaxiibadeeda shaqada, uma aysan kasban oo keliya in ay jecashahay xirfadda waxbaridda, laakiin waxay ku kasbatay ka go’naanshaheeda aan dhamaadka laheyn ee ay ugu jirto guusha ardaydeeda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Madaxwayanaha Dalka Turkiga Rajeb Dyib Erdogan ayaa sheegay Inuu diyaar u yahay inuu wareeg labaad galo, sidoo kalena waxa uu sheegay inuu ixtiraamayo codka dadwayanaha, Hogaamiyaha Mucaaradka ayaa isaguna dhinaciisa sheegay inuu diyaar u yahay inuu galo tartan labaad oo dhex mara Madaxwayane Erdogan. Doorasahda Dalka Turkiga ayaa noqonaysa Doorashdii ugu adkayd ee dhacda sanadka 2023 dunida oo dhan taasi oo si weyn loogu dheg taagayay guud ahaan Caalamka inkastoo doorashdani lagu kala baxayo wareega labaad ayaa hadana dhinaca kalena guushu ku xidhnaan doontaa cida uu raaco hogaamiyaha kaalinta saddexaad galay ee Ogan. Erdogan (AKP) 49.42% Kilicdaroglu (CHP) 44.95% Ogan (ATA Alliance) 5.20% Ince (Homeland Party) 0.43% Qaran News
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo haatan ku sugan magaalada Nairiobi ee caasimada dalka Kenya ayaa halkaas kula kulmay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Axmed Sheekh Doodishe. Kulankan oo daba socday wadahadal ay horay u yeesheen labadan mas’uul ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay kulankooda diiradda ku saareen sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Gedo, maadaama ay mar kale xiisadda dib usoo laba kacleysay. Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay sidii degmooyinka gobolka Gedo loo gaarsiin lahaa adeegyada ay bulshada u baahan tahay, si meesha looga saaro wada shaqeynta la’aanta. Waxa kale oo ay madaxdu isla soo qaaday in loo baahan yahay in si wadajir loogu diyaar garoobo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada dhowaan ay dib usoo laba kacleysay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi tageen Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo dhaq dhaqaaq ka bilaabay gobolkaasi. Jubbaland ayaa dhankeeda ka hortimid dhaq-dhaqaaqaasi, gaar ahaan in ciidamo Macawiisley ah xilligan lagu dhiso gobolka Gedo oo weli ka maqan gacanteeda. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda Gedo oo soo jiitameysay ka hor iyo kadib-ba doorashooyinkii soo dhammaaday ee 2022-kii. The post DF Somalia iyo Jubbaland oo shir kale ka yeeshay arrinta GEDO appeared first on Caasimada Online.
  18. Saddex goobood oo ah xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya oo xirnaa muddo ku dhow 12 sanno, ayaa lagu wadaa in bishan dib loo furo, sida ay sheegtay dowladda Kenya. Goobahan ayaa kala ah ; Bulahawa oo ka tirsan degmada Mandheera, Liboi- oo ka tirsan degmada Gaarisa, iyo Kiunga-Daresalam oo ka tirsan gobolka Lamu. Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah kulan la qaato Wasiirka Amniga Soomaaliya, Maxamed Sh. Doodishe si ay uga wada hadlaan qorshaha dib loogu furayo saddexda goobood ee xuduuda ah. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb geli doona wasiirka difaaca Kenya,Aadan Barre Ducaale iyo Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya, Alfred Mutua iyo dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac. Arrintan ayaa timid kadib markii toddobaadkii hore laga daahfuray magaalada Mandheera mashruuca xuduudka u dhaxeeya Kenya,Soomaaliya iyo Itoobiya. PUNTLAND POST The post Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya oo bishan dib loo furayo appeared first on Puntland Post.
  19. Doorashada Turkiga waxaa wali socota tirinta codadka sida uu sheegay guddiga doorashada, hoggmiyeyaasha u tartamaya madaxweynaha ayaa iska ag dhow ilaa iyo hadda codadka la tiriyay, madaxweyne Erdogan ayaa codad gaaraya 5% kaga horeeya hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuiga ninka lagu magacaabo Kemal Kılıçdaroğlu. Guddoomiyaha Guddigga sare ee doorashada Turkey Axmed Yener ayaa shaaciyay tiradii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynenimada ee Turkey, waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aan la furin 27 sanduuq oo ay codod ku jiraan, kuwaas ayaa waxaa la tilmaamayaa in ay yihiin kuwa dhinacyadu ay ku kala hari doonaan. Madaxweyne Erdogan oo ka sharaxan xisbiga AK Partty ayaa heysta 49.40%, halka Kemal Kılıçdaroğlu oo ka sharaxan Jamhuuriga ilaa iyo hadda uu helay codad gaarayo 44.96%. Sideed kun iyo shan iyo lixdan sanduuqa oo keliya ayaa laga furay sanduuqyada codeynta ee qurbajoogta, waxaana guuleystaha laga rabaa tirada guud 51%. Doorashada Madaxweyne Erdogan uu galayo ayaa sanadkaan ayaa ah mid shacabka Turkiga ay ku tilmaameen tii qarniga, marka laga anbo qaado in dalka Turkiga laga qaadayo ganaaxii la saaray, kadib markii ay dhacday 1923 Boqtooyadii Cusmaaniyiinta oo ay dhisantay Jamhuuriyadda Turkiga oo dhisay Mustafa Kemal Atatürk. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Mogadishu (HOL) - Somali Embassy in Sudan's capital, Khartoum, was looted by armed forces who took all the equipment from the embassy. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasikmada Online) – Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay fureyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd muddo ku dhow 12 sanno. Kenya ayaa shaaca ka qaaday in bishaan May ee 2023-ka gudaheeda la furi doono saddex goobood oo muhiim ah, kana tirsan xadka oo la xiray sanadkii 2011-kii, markaas oo ay kordheen weerarada ay xoogaga kooxda Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha waddanka Kenya. Saddexda marin ee la furayo ayaa kala ah:- Mandera/Beledxaawo, Lipoi Hargar/Dhoobley iyo Kiunga/Raaskambooni, halkaas oo muhiim u ah isku socdka labada shacab. Wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dal ay isla maanta ka shiri doono qorshaha dib u furista ee saddexdaas goobood, si ay uga wada-hadlaan arrintaasi. Kulanka ayaa waxaa ka qayb-geli doono wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kithure Kindiki, wasiirka difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wasiika arrimaha Dibadda Kenya Alfred Mutua, halka Soomaaliya uu metli doono wasiirka amniga Maxamed Sheekh Doodishe. Labada dhinac waxa ay kulankooda diirrada ku saari doonaan sidii wax looga qaban lahaa amniga, maamulka xuduudaha, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo fududeynta ganacsiga. Dhaq-dhaqaaqa xadka waxaa horay u hakiyay maamulkii hore ee madaxweyne Uhuru Kenyatta, kadib markii uu faraha ka baxay amniga xadka ay wadaagaan labada dal. Si kastaba, arrintan ayaa timid kadib markii todobaadkii hore laga daah-furay magaalada Mandheera mashruuca xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda gulufkii ugu xooganaa oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dowladdaha dariska oo ay ka mid tahay dowladda Kenya. The post Kenya oo shaacisay goorta ay fureyso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  22. Maanta waxaa ay ku beegan tahay 15-kii 1943-kii markii la aasaasay ururkii gobonimo doonka SYL, kawaas oo dhidibada loo tagay maanta oo kale 80 sano ka hor, Ururka ayaa waxaa uu ka koobnaa 13 dhallinyaro ah, kuwaas oo hadafkoodu ahaa sidii dalkeenna ay u gaarsiin lahaayeen madaxbannaani dowladnimo Soomaaliyeed. Goobjoog ayaa waxaa ay kuusoo gudbinaysaa Taariikhda dhallinyadii u istaagtay in dalkeenna uu gaaro xoriyad lagu naaloodo, waxaadna wax ka baran doontaa taariikhadooda oo kooban mid kasta oo kamid ah 13-kii xisbiga dhallinyada SYL, waxaana maanta laga joogaa 80 sano markii ay iskugu yimaadaan in ay aasaasaan xisbiga SYL. Cali Xasan Maslax(Berdura), waxaa uu ka mid ahaa 13-kii dhallinyaro ee aasaastay ururkii SYL, isagoo 80 jir ah ayuu 2002-dii Cabdi Caziz Gurbiye ugu waramay magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhallinyaro Kala Fikir ah: Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi. Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura. Dalka Sidee Buu Ahaa: Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYC oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha. Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho. Dastuurkii SYL: Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa: -In Soomaaliwayn la isu raadiyo, -Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado. -In dadka wax la baro. Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa: -Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye -Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen -Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL Geesiyaddii SYL: Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe . Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL. Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud. Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948 11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu. Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada. 11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah. SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay. Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab. Dhacdadii Dhagaxtuur: September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada . October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur. Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Xukunkii Daakhiliga: April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay. SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan. Madaxbanaani: Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu horeysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii. SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad: SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay. Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer. SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura. 76 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waxaa u buuxsantay muddo sanad ah, kadib markii dib loogu soo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya 15-kii May 2022, waxaana uu noqday shakhsiga kaliya laba jeer ku guuleysatay inuu hoggaamiyo Soomaaliya markii loo guuray nidaamka Federlka. 13-kii May 2022 maalintii hadaljeedinta mushararxiinta ayuu labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ka hor ballan qaaday haddii markale dib loogu doorto madaxweynaha Jamhuuriyadda inuu wax ka qaban doono la dagaalanka Al-shabaab dhameystirka Dastuurka dalka iyo inaan markale dib loogu soo noqon doonin Teendhada Afisyooni. Dagaalka Kooxda Al-shabaab Madaxweyanaha oo Ra’iisulwasaare u doortay Xamse Cabdi Barre oo kasoo galay Jubbaland, ayaa siwadajir ah ugu dhawaaqeen in dowladda ay qaadayso dagaal ka dhan ah Al-shabaab, xilligaas oo aysan jirin diyaar garow muuqda oo dowladdu ku jirtay, laakiin madaxweynaha ayaa bilaabay abaabulka beelaha diidan Al-shabaab. Dagaalka iyo kacdoonka lagu diidan yahay Al-shabaab ayaa ka curtay gobolka Hiiraan, kadib markii Al-shabaab ay gubeen gawaari gargaar u siday degmada Maxaas ee gobolka, kuwaas oo ka baxay magaalada Baladweyne, xilli ay ku dhinteen falkaas dad gaaraya 21 ruux, kuwaas oo isugu jira haween caruur iyo darawaladii gawaarida. Muddo sanad ah dowladda oo taageero ka helaysa ciidamada deegaanka beelaha oo la abaabulay ayaa Al-shabaab ka saaray degmooyin iyo deegaanno ay ku sugnaayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay, magaalooyinka Xarardheere, Aadan Yabaal, Masaajidka Cali Guduud, Ruunirgood , Ceeldheere iyo degmada Ceelbuur oo lagu wajahan yahay. Dowladda ayaa wajiga labaad iyo sedexaad ee dagaalka dalbatay kaalmada ciidamada dowladaha safka hore,taas oo lagu sheegay in dowladdu ay doonayso in kooxda si caalami ah loola dagaalo, waxaana qeyb ka noqon doona ciidamo ka socda dowladaha Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo kaalintooda qaadanaya. Shirka Wadatashiga Qaran Shirka Wadatashiga Qaran ayaa u muudqay inuu kaga wacnaa dowladdii ka horeysay, waxaana Muqdisho ka dhacay laba kulan oo dowladdu iyo dowlad goboleedyadu ay u dhamaayeen, waxaana laga soo saaray bayaanno kale duwan iyo qodobo ay dhinacyadu isla garteen oo lagu heshiiyay shirarkii ka dhacay magaalada Muqdisho. Shirkii sedexaad ayaa golaha Wadatashiga Qaran waxaa ay isugu tageen magaalada Baydhabo, kaas oo ay kasoo qeyb galeen madaxda maamullada, marka laga reebo dowlad goboleedka Puntland oo sheegtay in ay jiraan wax ay ku sheegtay tabashooyin ay ka qabto dowladda, heshiis lagu garay Baydhabo oo la saxiixay qeyb kama aheyn. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa safar ku tagay magaalada Garowe intii u dhaxeysay 24-kii August iyo 29-kii, xilli natiijo la’aan ay kusoo dhamaadeen kulamo uu la qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli ay jirtay in guddi loo saaray xalinta tabashooyinka Puntland oo ka kooban madaxda Hirshabeelle iyo Galmudug. Dhinaca Ammaanka Madaxweyne Xasan ayaa muddadii sanadka aheyd uu joogay xafiiska waxaa lagu amaanay in ammaanka ay wax ka qabtay, kadib markii caasimadda loo dhiibay ciidanka Police Militaire, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Uganda, waxaa ay xasiliyeen caasimadda iyaga oo hoos u dhigay dilalka qorsheysan weerrada iyo Ciyaal Weerada. Ciidankaan ayaa waxaa teegeero ku bixisay dowladda Imraadka Carabta oo dowladda Madaxweyne Xasn Shiikh la ah saaxiib aad ugu dhow, waxaana meesha ka baxay galaangalkii dowladda Qatar oo hore u taageertay Farmaajo, ciidanka Militaire ayaa ku guuleystay xasilinta caasimadda, iyaga oo wadashaqeyn la yeeshay shacabka Muqdisho Dhameystirka Dastuiurka Baarlamaanka laabadiise gole ayaa meel mariyay guddi ka kooban 5 xubnood, kuwaas oo kasoo tala bixin doono Dastuurka iyo dib u eegistiisa, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo xukuumadda ay wadajir u sheegeen in sanadkaan lasoo gabagabeynayo Dastuurka dalka, xilli uu qabyo qoraal ahaa muddo 11 sano ah tan iyo 2012. Dasturka ayaa waxaa uu u xayiran yahay qodobo ay tahay in laga heshiiyo sida Kheyraadka awood qeybsida iyo arrimaha qadyadda Somaliland iyo sida laga yeelayo ayaa kamid ah waxyaabaha hortaagan dastuurka sida ay sheegayaan qubarada daraaseeya, khilaafka dowladda iyo Puntland ayaa sidoo kale ragaadin kara socoshadiisa. Arrimaha Deyn Cafinta Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegtay in la joogo heerkii ugu dambeeyay, waxaana markale ay xukuumadda ay ku celisay in loo baahan yahay wadashaqeynta xukuumadda iyo maamullada dalka, barnaamijkaana yaa soo socday tan iyo dowladdii ka horeysay, iyadoo rajo laga qabo in sanadkaan laga gudbo. Shirka Culimaa’udiinka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo ku guuleysta isku keenista Culimada Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ra’yi duwanaa, waxaana madaxweynuhu u sheegay in looga baahan yahay in umadda Soomaaliyeed ay u cadeeyaan xukunka kooxda Al-shabaab, oo ay ku tilmaameen Khawaarij. Gabagabadii shirka culimada ayaa waxaa laga soo saaray dhismaha golaha culimaa’udiin iyo soo doorashada Muftiga guud ee Diinta looga dambeynayo, waxaana uu ahaa shir ay soo dhoweeyay bulshada Soomaaliyeed oo ku tilmaantay in ay tahay guul la gaaray, maadaama uu ahaa kulanii ugu horeeyay oo nuucaan ah oo dhacay. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta waxaa u buuxsantay muddo sanad ah, kadib markii dib loogu soo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya 15-kii May 2022, waxaana uu noqday shakhsiga kaliya laba jeer ku guuleysatay inuu hoggaamiyo Soomaaliya t markii loo guuray Nidaamka Federlka. Goobjoog News Source: goobjoog.com