-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka Maanta oo Koob-kooban. 1 . Dagaal khasaare geystay ayaa Ciidamada Somaliland & Kuwo SSC-Khaatumo ku dhexmaray deegaano kala duwan oo dhaca Bariga & Galbeedka Gobolka Sool,Khaas ahaan deeganka Dhaban-Saar oo 25 KM koonfur kaga beegan tuulo Samakaab . 2. Garoomada Diyaaradaha Puntland ayaan wax diyaaradi maanta ka degin kadib markii xalay Ciidamada Puntland iyo kuwa mucaaradka daacad u ah ku dagaallameen Garoowe khasaarena ka dhashay. 3 ugu yaraan Xoggaha la helay hal qof ayaa ku dhintay,Dhaawacyona waa jiraan shaqaaqo laba Beeleed ku dhexmartay Degaano dhaca Hawdka gobolka Togdheer iyadoo shalayna Nin dhintay. 4 Madaxweyne Biixi ayaa Safar Qarsoodiya Burco ku tegay waxana halkaa uga socda Kullamo Gaargaara.Madaxweynaha waxaa kaga sii horeeyey magaalada Burco wafti wasiiro ah oo uu hogaaminaayo wasiirka arimaha guduhu . Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa safar aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa la sheegay inuu qorsheynayo in halkaasi uga sii gudbo gobolka Sool, gaar ahaan saldhiga Goojacadde ee ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood iyo taliska ciidamada Somaliland ee Oog, xilli uu gobolkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. Xogaha aan helayno ayaa intaas kusii daraya in madaxweynaha Somaliland inta uu ku sugan yahay Burco uu ka shaqeynayo xal u helida shaqaaqo beeleed ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Togdheer. Socdaalka Muuse Biixi ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli uu saaka dagaal culus uu dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC. Ciidamada Somaliland ee saldhigooda ugu weyn uu yahay Goojacadde ayaa doonaya inay wadadda dheer ee marinka u ah ka dheereyso ciidanka SSC ee halkaas u dhowaaday, maadama uu yahay jid muhiim ah oo ay u marto sahayda iyo gurmadka, kuna xira magaalooyinka Somaliland. Sidoo kale waxaa la sheegay in dagaalkan barbar socotay duqeyn xoogan, taasi oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood. Dagaalka Somaliland iyo SSC ayaa qaatay in ka badan afar bilood, ayada oo uu ka dhashay khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, ayada oo burbur horleh uu soo gaaray magaalada, islamarkaana dadkii deganaa ay badankooda ka barakaceen magaalada. Si kastaba, Socdaalka madaxweyne Biixi ee ku wajahan magaalada Oog ee gobolka Sool oo ku dhow saldhiga Goojacadde, ayaa kusoo beegmaya xilli ay Somaliland dhawaan xuseyso gooni isu-taageeda ay ku dooddo ee maalinta 18-ka May. The post Xog: Muuse Biixi oo safar qarsoodi ah ku tegay Burco, kuna wajahan duleedka Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Puntland ayaa iska-hor-imaadi xalay ka dhacay Garoowe ku eedeyey Xukumada Xasan sheekh “Dowladda Somalia” Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa yidhi: “Ergeyga Xasan Shiikh ee Ganacsiga Khadar C/raxmaan Faroole “Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan faroole” ayaa ka danbeeyey weerarka lala beegsaday sanaadiiqda doorashada. Qaran News
-
Cutub kamid ah ciidamadii ku sugnaa deegaanka Maraaga ee Laascaanood ayaa ilo wareedyo kala duwani xaqiijiyeen inay ka soo baxeen furintii ay ku horfadhiyeen ciidanka Somaliland, iyada oo la sheegey inay doonayaan inay ka hortagaan sanaadiiqda doorashada Codeynta Puntland 25-ka bishan May. Tani ayaa ku soo beegantay xilli Siyaasiyiinta Mucaaradkaa Puntland ku baaqeen ‘In la joojiyo guud ahaan doorashada’ haddi kalena lays dili doono sida ay hadalka u dhigeen. Qaran News
-
Madaxwayne Biixi Oo Safar Qarsoodi ah Ku Tagay Burco. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka si kadis ah loogu dhex arkay magaalada Burco, isagoo ku tagay safar qarsoodi ah oo aan hore loo shaacin,Wararka qaar ayaa tibaaxaya inuu u tagay Colaada ka aloosan deegaanada Hawdka gobolka Togdheer oo u dhaxaysa labada beelood oo degaanadaasi ku diriraaya. Qaran News
-
Tirada dadka ku dhintay Beledweyne oo kordhay kadib markii…
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beledweyne (Caasimda Online) – Warbixin dheer oo ay soo saartay hay’adda arrimaha bani’aadanimada UNOCHA ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda adag ee ka taagan gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabelle. Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in fatahaadda ay sababeen roobab mahiigaan oo todobaadkii lasoo dhaafay ka da’ay Beledweye, taas oo dhalisay khasaare xoogan. UNOCHA waxa ay xaqiijisay in Beledweyne ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 22 qof, kadib waxyeelo kasoo gaartay daadadka iyo biyaha qaaday xaafado ka tirsan magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay burbureen guryo badan oo ay daganaayeen dad shacab ah, taas oo keentay inay barakacaan in ka badan 200 oo kun oo qoys. Warbixinta UNOCHA ayaa sidoo kale lagu xusay in xaafadaha iyo waddooyinka magaalada Beledweyne ay qariyeen biyo, taasi oo saameyn ku yeelatay dad lagu qiyaasay 460,470 qof, kuwaas oo ku dhawaad 219,000 ka mid ahna ay isaga carareen guryihii ay ka deganaayeen Magaalada Baladweyne. Dhanka kale waxa ay hay’addu tilmaamtay in fatahaadda sidoo kale ay baabi’isay dagalyo kala duwan ii beernaa dhul beeree ku yaalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Xaaladda Beledwene ayaa weli cakiran, waxaana hakad galay ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo isku socodka, maadaama ay biyo ay go’doomiyeen magaaladaasi. Waxaa sidoo kale xaalad adag wajahaya qoysaska haatan ka barakacay Beledweyne, kuwaas oo aan heysan hoy, wax ay cabaan iyo wax ay cunaan intaba. Fatahaaddaan ayaa soo laa laabta, waxayna sanad kastaa ay saameyn ku yeelataa nolosha qosaska Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada maamul goboleedka HirShabelle. The post Tirada dadka ku dhintay Beledweyne oo kordhay kadib markii… appeared first on Caasimada Online. -
Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya ayaa in bariga iyo galbeedka magaalada uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka nabad-diidka ah. Daryanka madaafiicda la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dagaalku geystay. Mana jirto cid ka hadashay dagaalka. Source
-
Wararka naga soo gaaraya maagalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in duleedka Bari ee magalaada iska hor imaad uu ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulkaas, xilli lasoo warinayo khasaare ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac. Ciidamada dagaalamay ayaa waxaa ay kala ahaayeen ciidanka lagu magacaabo PMPF oo ay taageerto dowladda Imaaraadka Carabta, waxaana dagaalka ay la kulmeen xilli ay galbinayeen danaadiiqda doorashada lagu murmay taas oo madaxweyne Siciid Deni iyo siyaasiyiintu isku khilaafeen. Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in sanaadiiqda dib loogu soo celiyay magaalada Garowe, waxaana wali is hor fadhiya ciidamadii israsaaseeyay, madaxweyne Deni ayaa dhowaan sheegay in wax ka bedel lagu sameynayo Dastuurka maamulka, taas oo ay ka dhilisay diidmo xoogggan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo mar kale maanta dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC. Dagaalka ayaa lagu soo warramauaa in xoogiisa uu ka socda bariga iyo galbeedka magaalada oo ay haatan isku fara saarayaan ciidamada labada dhinac. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo la sheegay in ujeedkooda inuu yahay inay la wareegay fariisimo ay soo banneeyeen ciidamo beeleed ku sugnaa duleedka magaalada Laascaanood ee xaeunta gobolka Sool. Milatariga Somaliland ee duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin adag kala kulmay ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa, kala duwan, ayada oo dhawaqa hubka laga maqlayo meelo fog fog. Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socota duqeyn xoogan, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee haatan ka taagan aagga lagu dagaalamayo ee Laascaanood. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac ee ku diriraya halkaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dagaalka uu socda, isla-markaana ay gurmadyo helaan ciidamada labada dhinac. Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta. The post Dagaal culus oo ka qarxay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Sida ay xaqiijiyeen Ilo-wargaleen ah madaxweyne Biixi, ayaa xalay Burco ku tegay safar qarsoodi ah welina wuu ku sugan yahay. Weli ma cadda sababta uu u tegay balse laba war oo kala duwan ayaa lala xidhiidhinayaa safarka madaxweynaha warka koobaad waxa uu sheegayaa in uu u tegay xalinta shaqaaqo laba beelood shalay ku dhexmartay deegaanka Cali Saahid ee gobolka Togdheer halka war kalena sheegayo in uu tegayo jiidda hore ee gobolka Sool halkaas oo uu Ciidamada millateriga Somaliland booqan doono. Source
-
Wararka naga soo gaarao magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaaceen magalaada subaxnimadii hore ee saakay, sida ay sheegayaan wararka. Sidoo kale dagaal xooggan oo dhaxeeya ciimada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ee SSC ayaa ka socda dhinaca Waqooyi ee magaalada, waxaana laga soo warinayaa in dagaalku yahay mid aad u xooggan. Dagaalka saakay ka qarxay magaalada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii tagay magaaladu ay yare daganeyd, Somaliland ayaa lasoo sheegayaa in ay soo qaaday dagaalka saakay qarxay oo ku bilowday madaafiic. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in ay kasii daresyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaaladaas, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka dadweyne ee la filayo inay ka dhacaan maamulkaasi. Xiisadda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan isku rogtay dagaal ka dhashay doorashada oo ay isku hayaan hoggaanka sare ee Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo diidan hannaanka ay xukuumadda u wajaheyso doorashooyinka qof iyo codka ah. Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Garowe iyo koontaroolka bari, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo kasoo horjeedo qabsoomida doorashooyinkaasi. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada la dagaalamay kuwa ammaanka Puntland ay ka yimaadeen dhanka Laascaanood, waxayna xalay gudaha usoo galeen Garoowe, si ay taageero ugu muujiyaan xubnaha mucaaradka oo iyaguna shirar ka wada magaaladaasi. Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada PMPF ee maamulka goboleedka Puntland, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemaya bariga magaalada Garoowe oo ah halka lagu dagaalamay. Dagaalkan ayaa kusoo aaday saacado uun kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Deni. Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland. “Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri bayaanka. Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac. The post Doorashada Puntland oo dagaal isu rogtay iyo Garoowe oo la isku faro saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Bishan 28-keeda ayaa lagu ballamay in musharraxiinta madaxtinnimada ay isla aadaan wareeg labaad, taasoo Turkiga u oggolaan doonta inuu go’aansado in Erdogan uu xukunka sii hayo mar kale, amaba in la tijaabiyo Kemal Kilicdaroglu oo isagu sheeganaya inuu dimuqraaddiyad ballaaran ku soo dabbaali doono dalkaas. Sanadihii hore, ololaha doorashada Erdogan wuxuu ahaa mid aad u adag, balse doorkan waxay dadka qaar sheegayaan in codbixiyeyaashu aysan aad u qanacsaneyn. Erdogan si uu codbixiyeyaasha usoo jiito wuxuu markan kordhiyay lacagaha gunnooyinka isagoo hoos u dhigay qiimaha korontada iyo gaaska. Codbixiyeyaasha qaar waxay aaminsan yihiin in wareeggan labaad ee doorashada ay xoojin doonto dimuqraadiyadda Turkiga iyadoo Erdogan xusuusineysa muhiimadda ay leedahay qancinta codbixiyeyaasha. Dadka qaar waxay sheegeen inaysan dhib ku qabin inay mar kale codeeyaan, halka kuwo kalena aysan ku qanacsaneyn Source
-
Hogaamiyaha Militariga Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa xilka ka qaaday ku simaha wasiirka arimaha gudaha Anan Hamed Mohammed Omar oo sidoo kale ahaa taliyaha ciidamada booliska. War qoraal ah oo uu soo saaray Gen Burhaan ayaa taliyaha guud ee booliska ugu magacaabay Khalid Hassan Muhyi al-Diin. Lama sheegin sababta xilka looga qaaday, balse Gen Burhaan ayaa horay sidan oo kale wareegtooyin xilka uga qaaday guddoomiyihii bangiga dhexe iyo laba dublamaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda. Bilaysku ayaa la sheegay inay ka hawlgeli waayeen meelaha ay dagaalada ka socdeen , oo ay ku jirto caasimadda, Khartoum, tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15kii Abriil. Taasi oo keentay in deegaanadaas ay si weyn uga dhacaan falal lidi ku ah sharciga oo ay ka mid yihiin dhac iyo boob. Source
-
Las Anod (HOL) - Heavy fighting was reported on the outskirts of Las Anod town on Tuesday morning, involving the Somaliland army and SSC-Khatuma forces. Source: Hiiraan Online
-
Shir ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland 14-kii ilaa 15-kii bisha una dhaxeeyay siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa waxaa gabagabadii laga soo saaray war-murtiyeed lagu xusay wixii looga hadlay shirka intii uu socday, kaas oo ka koobnaa 8 qodob, kuwaas oo lagu dalbanayay in la helo doorasho loo wada dhan yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka PMPF ayaa ku dhintay ilaa sagaal kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe. Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan dhexmaray ciidanka dowladda oo Garoowe ka qaaday sanaadiiqda doorashooyinka qof iyo cod iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in la joojiyo doorashooyinka. Gaadiidkii siday sanaadiiqda iyo agabka doorashooyinka oo markii dagalku qabsaday ku laabtay Garoowe ayaa maray waddo ka baxsan laamiga dheer islamarkaana gaaray goobihii loogu tala-galay sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay. Labada dhinac ee dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalkii xalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Garoowe kaas oo ku soo beegmay saacado yar kadib markii siyaasiyiinta mucaaradku ay ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod si aysan u sababin qalalaase amni. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Dooashada dalka Turkiga ayaa natiijada kasoo baxday wareegii koowaad waxaa ay muujinaysaa in dhinac walba uu heysto fursad uu ku guuleysan karo. Madaxweynaha xilka haya Recep Tayyip Erdogan oo helay %49.4 codadkii la dhiibtay, iyo Kemal Kilicdaroglu oo helay %45. codadkii la tiriyay maalinimadii shalay ilaa iyo xalay. Doorashada ayaa waxaa ay tahay mid la iskula gudbay wareegga labaad, maadaam nidaamka doorashada dalka u haddii uusan jirin murashax %50 ka badan haysta, labada murashax ee ugu codadka badan ayaa doorasho wareeg labaad ah galaya, waxaana laba musharrax ay markale dib ugu tartami doonaan 28 bishaan wareegga labaad. Sidoo kale waxaa aad loogu tartamayaa aqlabayidda xildhibaannada musharraxiinta soo baxaysa, waxaan xisbiga AK party iyo kan ay xulafada yihiin ee MHP ay ku guulaysteen 316 kursi oo ka mid ah 600 ee kursi, sida natiijada hordhaca ah ay sheegayaan ee guddiga doorashada, mucaaradka ayaa dhankooda heysta mid ku dhow AK. Dhinacyada ugu badan ee labada qolo ay ololohooda ku bixinayaan ayaa waxaa ugu weyn sare u qaadista kobaca dhaqaalaha, halka Turkigu yahay dhaqaalaha 19aad ee dunida ugu weyn. GDP-giisu waxa uu gaaraya 906 billion Doollar, Balse, dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa kobaca dhaqaalaha Turkigu ku yimid hoos u dhac. Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa dib loogu laaban doonaa 28 bisha, waxaana markale tartan adag iyo loolan uu dhexmari doonaa musharraxiita labada xisbi ee AK Partty iyo Xisbiga dhinaca cilmaaniga u janjeera ee Jamhuuriga, kaas oo harab weyn ka helaya wadamada reer Galbeedka iyodowladda Mareykanka. Erdogan wuxuu madaxweyne soo ahaa tan iyo Agoosto 2014, horena wuxuu u soo noqday ra’iisul wasaare, 2003 – 2014. Wuxuu doorashadan ku ogaaday awooddiisa inta ay gaarsiisan tahay iyo tan mucaaradka, isaga oo doonaya inuu xilka dalkaas uu ku guuleysto markii sedexaad, taas oo ah taariikh aan isaga u gaar noqonaysa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khartoum (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Militariga Sudan Lt Gen Abdel Fattah al-Burhan ayaa xilka ka qaaday ku simaha wasiirka arimaha gudaha Anan Hamed Mohammed Omar oo sidoo kale ahaa taliyaha ciidamada booliska. War qoraal ah oo uu soo saaray Gen Burhaan ayaa taliyaha guud ee booliska ugu magacaabay Khalid Hassan Muhyi al-Diin. Lama sheegin sababta xilka looga qaaday, balse Gen Burhaan ayaa horay sidan oo kale wareegtooyin xilka uga qaaday guddoomiyihii bangiga dhexe iyo laba dublamaasi oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda. Bilaysku ayaa la sheegay inay ka hawlgeli waayeen meelaha ay dagaalada ka socdeen , oo ay ku jirto caasimadda, Khartoum, tan iyo markii uu dagaalku qarxay 15kii Abriil. Tani ayaa sidoo kale keentay in deegaanadaas ay si weyn uga dhacaan falal lidi ku ah sharciga oo ay ka mid yihiin dhac iyo boob. Xaaladda Sudan ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana dalgaalka uu billowday, xilli aan laga fileyn oo dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda. Dagaallada ayaa sidoo kale ku fiday qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa muddo dheer soo waday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah. Si kastaba, waxaa haatan socda dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka, kuwaas oo ay waddo Sacuudiga, laguna wada hadashiinayo labada nin ee hoggaaminaya dagaalka. The post Hoggaamiyaha Milatariga SUDAN oo xil ka qaadis sameeyay appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, (CAJ News) – FLOODS have left 45 people dead in Ethiopia as East Africa bears the brunt of climate change. Source: Hiiraan Online
-
SENEGAL and Morocco will clash in the final of the ongoing 2023 UN-17 Africa Cup of Nations (AFCON) on Friday, May 19. Source: Hiiraan Online
