-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal dhanka cirka ah oo ay diyaaradahooda ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Warsaxaafadeedka kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkan uu ka dhacay deegaanka Libikus oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga dalka. Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu weerarkan qaaday, iyaga oo ka falcelinayay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa halkaasi. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in weerarkan lagu dilay illaa laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qayb ka ahaa xubnaha weerarka soo qaaday. Sidoo kale waxa lagu sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in aanay jirin dad rayid ah oo dhaawac ama dhimasho ay kasoo gaartay weerarkan. Waxa kale oo uu Mareykanka xusay inay ka go’an tahay inuu sii wadayo la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago weeraradooda. Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, xilli ay Soomaaliya dagaal adag kula jirto kooxda, kaasi oo lagu gaarsiiyay jab xoogan, isla-markaana lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda. Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo boqolaal ah ay ka joogaam gudaha dalka. Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, ayada oo la filayo inuu dhowaan billowdo wajiga labaad ee dagaalka adag ee Al-Shabaab looga xoreynayo dalka oo dhan. The post Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay doorashada beri oo Axad ah ka bilaabineysa dalka Turkiga. Dadweynahan oo la hadlay Dalsan TV ayaa taageero weyn u muujiyay madaxweynaha talada haya ee Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo si dhab ah u garab istaagay Soomaaliya. Mid kamid ah ragga ka hadlay doorashadaasi ayaa guul weyn u rajeeyay Erdoğan, wuxuuna sheegay in uu abaal lama ilaawaan ah u galay shacabka Soomaaliyeed. “Ummadda Soomaaliyeed ma illaawi karto Turkiga, madaxweyne Erdoğan abaalka uu u galay iyo himilada uu u hayo, sidaas darteed annaguna waan ogsoonahay, waanu garab taaganahay, ilaaheyna waxaan ka baryeynaa inuu guusha siiyo,” ayuu yiri. Sidoo kale Cabdi Xaaji Cilmi (Xaiib) oo kamid ah reer Muqdisho ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaageyso madaxweyne Erdoğan, isaga oo sheegay in guushiisa ay muhiim u tahay Soomaali weyn, maadaama uu taageeray xilli ay aad ugu baahnaayeen. “Aniga oo Soomaaliya codkeeda ku hadlayo mid iga maqan iyo mid ila joogaba waxaan leeyahay Ilaahow Erdoğan guuley, waxaan u arkaa inay guushiina dan noogu jirto. Erdoğan waa nin Islaam ah waa nin wax na taray, waa nin noo hiiliyay” ayuu yiri Cabdi Xaaji Cilmi. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxtar ayuu noogu beddalay, waxbaanu ka faa’iidnay daawo noo keenyayaa nin jiran aan u qaadnayaa arday jaamacad ka baxyaa mid halkan ka baqay oo cararay iska tegyay oo ku nasayayaa oo ku badbaadyaa,”. Sidoo kale oday kale oo kamid ah shacabka la hadlay Dalsan TV ayaa yiri “Libaax labo ma’aha shacabka Soomaaliyeed Erdoğan ayay codka siinayaan oo ay taageerayaan,”. Si kastaba, Recep Tayyip Erdoğan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga welina talada haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, oo isaga doorashada dhaceysa beri ay si adag ugu loolamayaan, waxaana kamid ah ragga ay is hayaan Kemal Kilicdaroglu. The post Daawo: Reer Muqdisho oo taageero weyn u muujiyay madaxweyne ERDOGAN appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag. Guddoomiye Cabdirashiid ayaa waxaa banaanka hore Badhan soo dhaweyn sareysa ugu sameeyey Wasiiro ka tirsan dowladda Puntland, Maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, xubno ka socday ururada siyaasada Puntland, iyo boqolaal kamid ah shacabka Magaalada. Guddoomiyaha Baarlamanka dowladda oo salaan la dhex qaaday dadweynaha farabadan ee soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey sida ay u maamuuseen weftigiisa. Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ayaa sidoo kale hoygiisa ku booqday Suldaanka guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Garaad Maxamuud Cali Shire. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo lagu soo dhaweeyay magaalada Badhan appeared first on Puntland Post.
-
Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, howlgalkaan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Fuuto degmada Kurtun, waxaana bayaanka hey’adda lagu sheegay in la dilay 44 dagaalame oo ka tirsan kooxda Shabaab Howlgalka ayaa waxaa uu dhacay 12-kii bisha, waxaana sidoo kale qeyb ka ah saaxiibada caalamiga ah ee tageera Soomalaiya, kuwaas oo howlgalkaan gacan ka geystay ay fuliyeen ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka, Hey’adda ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay fulisay howlgallo kale duwan oo lagu beegsaday xubno Shabaab ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxaa lagu faahfaahiyay howlgan ay ciidanka sirdoonka iyo saaxibada caalamiga ah Jimcihii ka sameeyeen gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cali Fuuto oo hoostaga degmada Kuntuwaarey. NISA ayaa shaaca ka qaaday inay heshay xogta xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaankaasi, si bey tiri ay u dhibaateen shacabka Soomaaliyeed. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay illaa 44 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare. “Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Deegaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka 44 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab kuwaas oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad” ayay tiri Hay’adda NISA. Sidoo kale Hay’adda ayaa intaasi ku dartay inay ciidamadu burburiyeen hub fara badan iyo godad ay xubnahaasi ka qoteen deegaanka lagu weeraray, sida ay hadalka u dhigay. “Howlgalkaan waxaa sidoo kale lagu burburiyay godod ay halkaas ka qoteen Khawaarijta, Hub iyo saanado kale oo ay ku aruursanayeen danbiilayaasha Khawaarijta” ayay tiri NISA. Waxa kale oo ay intaasi raacisay “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed deegaano badan ka xoreeyeen Khawaarijta,”. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Nabad Sugiddu ayaa howlgallo culus ka wada Muqdisho iypo gobollada u dhow, kuwaas oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab. The post NISA oo shaacisay inay howlgal ku dishay 44 ka tirsanaa AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag oo ay habeenimadii xalay ay ka dhaceen dibadbaxyo rabshado watay aya waxaa lasoo sheegayaa in saakay uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya ciidanka ka tirsan Booliiska Somaliland iyo dadka deegaanka waxaana jira khasarae ka dhashay iska hor imaadkii dhacay. Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo wariyey inay ka dhasheen rabshadihii dhacay, qaar kamid ah shacabkii banaanbaxayay ayaa sheegay inay taaageero u muujinayaan dadka deegaanka reer Laascaanood, iyaga oo xusay inay kasoo horjeedan qaabka ay Somaliland u wajahday xiisadda ka taagan magaalada. Qaar kamid dadka deegaanka Ceerigaabo ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, iyaga oo banaanbaxdooda uga soo herjeeday maamulka Somaliland, isla markaana ku qeylinayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, xilli ay mudaharaadashaashu ay wateen calanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Ciidamo ka tirsan Booliiska oo gaaray magaalada ayaa u maaro waayey bannaanbaxyada, waxaana qeybo kamid ah magaalada laga dejiyay calanka Somalilad, halka goobo ay kamid tahay faras magaalaha laga taagay Calanka Buluuga ah, waxaana wali taagan xiisadda ka dhalatay bannaanbaxyada ay shacabku ka dhigayaan. Xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli magaalada Boorama ee gobolka Togdheer maamlmihii tagay ay ka dhacayeen dibadbaxyo xooggan oo ka dhan ah maamulka Somaliland, kaas oo ka dhashay dil ka dhacay magaalada, taas uu geystay askari ka tirsanaa ciidanka Somaliland. Diidmadii ka bilaabatay magaalada Laascaanood ayaa waxaad moodaa in ay ku faaftay magaalooyin badan oo ka tirsan Somaliland, waxaana 30 sano kadib deegaannada Somalilad lagu arkayaa in shacabku ay kasoo horjeedaan maamulka Biixi uu hoggaamiyo, taas oo ay sal u tahay sida uu u wajahay xaaladda magaalada Laascaanood. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay shaqaaqo kooban oo ka dhacday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda xaalada nabadgelyo ee magaaladu degan, waxaanu mudanayaasha u sheegay inay si dhaw ula socdaan arrinta ka soo cusboonaatay Magaalada Ceerigaabo. Waxa uu bulshada Ceerigaabo ka codsaday inay nabadgelyada ilaaliyaan. Source
-
Maalinta Axadda ee 14-ka May, dalka Turkiga waxaa ka dhacaya doorasho Madaxweyne iyo mid Baarlamaan. Waxaa codaynaya dad gaaraya 60 milyan. Doorashadani waa mid xiiso iyo xammaasad badan. Waxay kusoo beegmaysaa 100 sano guuradii aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, kadib markii Dagaalkii 1aad ee Adduunka ay ku burburtay Boqortooyadi Cusmaaniyiinta oo Turkiga iyo meelo kamid ah Bariga Dhexe iyo Yurub maamuli jirtay. Madaxweynaha haatan talada haya Erdogan waxa uu ku ololeeyaa in Turkigu 100 sano jirsatay asagoo uu kaynaanka u hayo, oo dalka horumar baaxad leh gaarsiiyay intii uu hoggaaminayay. Tusaale: Dhaqaalaha oo kor u kacay (bixinta dayntii IMF, ku biirista G20, GDP kor u kacay, wax dhoofinta oo korortay) iyo mashaariic horumarineed oo waaweyn (kaabbayaalka dhaqaalaha, tiknoolojiyadda, difaaca iyo hubka iwm). Sidoo kale, doorashadani waxay kusoo beegmeysaa ayadoo Turkigu haatan wajahayo dhaqaalo xumo iyo sicir barar ay saameyn ba’an ku yeesheen dhulgariirkii February ka dhacay Turkiga, caabuqii COVID-19 iyo saameynta dagaalka Ruushka iyo Yukrayn. Doorashadani waa mid taariikhi iyo masiiri ah Waxaa lagu tilmaamay doorashada ugu muhiimsan caalamka ee sanadkaan 2023. Waayo natiijadeedu waxay saameyn doontaa dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida, gaar ahaan Ciraaq, Suuriya, Bariga Dhexe, Balkaaniska, Bartamaha Aasiya iyo Afrika. Turkigu waa xubin NATO, quwwad soo koraysa—dhaqaale iyo ciidan ahaanba. Waxa uu kaalin soo ifbaxaysa ku leeyahay qaab maamulka dunida. Sidaas darteed, Kalabar dunida ayay si dhow u daneynaya natiijada doorashadaan: laga soo billaabo Midowga Yurub, Maraykanka, Ruushka, Yukrayn, Carabta iyo Afrika. Xulafooyin Doorashadan waxaa lagu gelayaa qaab isbahaysi ah, waxaana ugu waaweyn labadaan: Isbahaysiga Qaranka/Ummadda: Waa tan Erdogan, waxayna ka koobantahay Xisbiga talada haya ee Caddaaladda iyo Hormarka, Xisbiga Qowmiga ee MHP iyo Xisbiyo yar yar sida Buyuk Birlik Party, Yeni Refah Party iyo HUDA-PAR. Isbahaysiga Dadka: Waa kan mucaaradka ee Kemal Kilijdaar-Oowlu u sharraxanyahay. Rasmi ahaan waxay ka koobantahay 6 xisbi, oo ay kamid yihiin Xisbiga Jamhuuriga CHP, kan Qowmiga ee IYI Party iyo kuwa yaryar sida GELEJEK, DEVA, SACAADET. Sidoo kale, xulafada mucaaradka waxaa taageersan Xisbiga weyn ee Kurdiga ee HDP. Bashaar Assad. 3. Siyaasadda Arrimaha Dibadda: Turkiga waa xubin xulafada NATO ee Maraykanku hoggaamiyo, muddo dheerna waxa uu ku saf ahaa dalka Reer Galbeedka. Balse Madaxweyne Erdogan waxa uu dejiyay siyaasad arrimo dibadeed,taasoo uu sheegay inay sare u qaadday magaca Turkiga ee fagaarayaasha dunida. Waxa uu xariir la yeeshay dalalka Carabta, Afrika, Aasiya iyo Latin Amerika. Waxa uu horumariyay awooddisa difaaca asagoo abuurtay warshadaha hubka soo saara, una dhoofiyay caalamka. Waxa uu shidaal ka baaray badaha Mediterranean iyo Black Sea. Waxa uu kasoo horjeestay siyaasadda Israa’iil ee Falastiin, oo uu ku sheegay mid gumeysi iyo midabtakoor ah. Waxa uu gantaallada difaaca cirka kasoo iibsaday Ruushka, taasoo ka caraysiisay Maraykanka. Waxa uu iska diiday inuu ku biiro go’doominta Reer Galbeedka ee Ruushka kadib duullaankiisa Ukrayn. Dad badan waxay u arkaan arrimahaan inay ka leexisay Turkiga siyaasadda xulafada NATO. Erdogaan waa difaacay siyaasaddiisa Arrimaha dibadda, asagoona sheegay in Turkigu dal madaxbannaan yahay meeshii uu maslaxadiisa ka arkana uu ka shaqeysanayo. Wuxuu ballanqaaday inuu siyaasaddaas kusii socon doono haddii uu doorashada ku guulaysto. Hoggaamiyaha Mucaraadka Kamaal Kilijdaar-oolu wuxuu sheegay hadduu guulaysto inuu dalka xayndaabkii Maraykanka iyo Yurub dib ugu celin doono. Source
-
Israa’iil ayaa dishay hoggaamiyihii lixaad ee ururka Islamic Jihad (PIJ) ee Falastiiniyiinta, kadib weerar cirka ah ay ka geysatay Marinka Qaza, iyadoo dagaalka u dhaxeeya uu sii kordhayo. Waxay sheegtay in Iyad al-Hassani uu hagayay hawlgallada kooxda xagjirka ah, tan iyo markii la dilay taliyihii isaga ka horreeyay Talaadadii. Weerarkii Jimcihii, oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu qof kale ku dhintay, ayaa yimid ka gadaal markii gantaallo badan laga soo tuuray Qaza, kuwaasoo qaarkood gaaray meel u dhow magaalada Qudus. Fursadaha xabbad-joojinta lagu hirgalin karo, ayaa u muuqda wax aad u yar, ka dib markii la isweydaarsaday hub. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Falastiini ah oo qeyb ka ah wada-hadallada dalka Masar ka socda, ayaa BBC-da u sheegay in mas’uuliyiinta Masar ay “fiidnimadii xalay soo bandhigeen hindise cusub oo xabbad-joojin ah, kaasoo hadda la darsay”. Masar ayaa waxay sidoo kale sugaysay jawaabta Israa’iil ayuu raaciyey sargaalka Falastiiniga ah. Ugu yaraan 33 Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza, ayaa lagu dilay halkaasi – oo kala bar ay yihiin rayid – tan iyo markii Israa’iil ay fulisay duqeymo xiriir ah oo xagga cirka ah subaxnimadii Talaadada, oo ay ku dishay saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ururka Islamic Jihad, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin. 147 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka. Hal qof oo rayid ah oo Israa’iili ah, ayaa ku dhintay shanna way ku dhaawacmeen gantaallo ay Falastiiniyiintu soo rideen isla muddadaas, sida uu sheegay adeegga gawaaridda gargaarka deg degga ah ee Magen David Adom ee Israa’iil. Source
-
Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Soomaaliya ee NISA oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay 44 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab. Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in Hawlgalkaas qorshaysan ay ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamiga ah ka fuliyeen degaanka Cali Fuuto oo ka tirsan degmada Kurtunwaarrey ee Gobolka Shabeellada hoose. Hawlgalka oo dhacay gelinkii danbe ee shalay ayaa sida wasaaradda Warfaafintu sheegtay lagu dilay 44 xubbood oo isugu jira dagaallamayaal iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-shabaab. Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Hawlgalka sidoo kale lagu burburiyay hub iyo saanad ciidan oo Al-shabaab ku urursanayeen godo ku yaalla degaankaas Cali Fuuto ee degmada Kurtunwaarrey. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya war ka soo saartay hawlgal lagu beegsaday Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Rasaas ayaa xalay laga maqlay magaalada Ceerigaabo, xili rabshado wakhti kooban socday ay dheceen, wararka qaar ayaana sheegaya in dhimasho iyo dhaawac jiraan. Wararka qaar ayaa sheegay in rabshadu ay bilaabantay kadib markii koox aan haybtooda wali la sheegin ay rasaas ku fureen baabuur ay wateen ciidamo booliis ah, oo suuqa marayay. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in rabshadu ay ka bilaabantay calan aan ka Somaliland ahayn oo dhallinyaro goob magaalada kamid ah ka taagtay, talaabadaas oo ka xanaajisay dhallinyaro kale oo u dabaal dagayay munaasibada 18 May. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen isku dhaca booliiska iyo dhallinayrada kasoo horjeeday, inkasta oo aanay wali jirin ilo madaxbannaan oo xaqiininaya. Wali Booliiska Somaliland kama hadal waxa sababay rabshadaha magaalada ka dhacay xili uu socday dabaaldaga 18 May, oo ay dhigayeen dhallinyaro isku soo baxday, mana jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah. Source
-
Waxaa heer gabagaba ah soo gaaray ololaha doorashada guud ee dalka Turkiga, madaxweyne Erdogan oo ah madaxweynaha ugu awoodda badan dalka Turkiga taladana haya, ayaa dagaal adag kula jira mucaaradka, xilli doorashada dhacaysa bari ay si adag ugu loolamayaan, dhinacyada xisbiyada Jamhuuriga iyo midka talada haya. Kemal Kilicdaroglu, oo ah ninka ay sida weyn ay u xifaaltamaan, ayaa jimcihii kasoo hor muuqday dad badan oo taageersanaa, oo ay garab taagnaayeen isbahaysiyo ka kala socday dhinacyada siyaasadda, oo si aan horay loo arag isugu soo baxay magaalooyinka ay ku xoogan yihiin xoogagga muucaaradka ah, isaga oo helaya taageero. Markii uu roobku ka da’ay magaalada Ankara, ayaa wuxuu wacad ku maray Kemal inuu soo celin doono “nabadda iyo dimuqraadiyadda dalka Turkiga, waxaana uu carabka ku dhuftay inuu hagaajin doono xiriirka kala dhexeeya wadamada reer Galbeedka iyo dowladda Mreykanka sida uu sheegay hoggaamiyaha mucaaradka xilli uu hadlay. Ninka uu doonayo in codbixiyeyaashiisu ay xilka ka tuuraan Kemal 20 sano ka dib ee – Recep Tayyip Erdogan – ayuu sheegay inuu Turkiga xukunkiisa uu ku dheereeday, maadaama uu markii sedexaad uu doonayo inuu xilka u tartamo madaxweyne Erdogan, hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ah nin siweyn ugu janjeera dhinaca Mareykanka. Waxaa jira caqabado badan oo ay ka mid yihiin dhaqaale xumo, sicir barar baahsan, iyo musiibadii dhacday bishii February ee labada dhulgariir oo ku dhuftay dalkaas, taas oo ka dhigaysa middii labaad oo ugu dhimashada tan iyo sanadkii 1999-kii, markaas oo ay geeriyoodeen 17,000 ruux, halka 23 kale ay dhaawacmeen dhulgariirkaasi Hoggaamiyaha mucaaradka Isagoo 74 jir ah , ayaa inta badan lagu tilmaamaa inuu yahay qof dabacsan marka la eego sida uu u furfuran yahay, waxaana uu hoogaamiyaa xisbiga Jamhuuriga uu hore u aasaasay Mustafa Kemal Atatürk, madaxweyhi hore ee dalkaas, xisbigaan ayaa inta badan saaxiibo iyo xulafo la ah dowladda Mareykanka. Khudbad aad u weyn u jeediyay dadweynihii daawanayay, oo aaminsan in tani ay tahay rajadooda ugu wanaagsan ee illaa iyo hadda, oo ay dib ugu soo celin karaan awoodda madaxweyne Erdogan, uu ka qaaday baarlamaanka, xilli madaxweyne Erdogan xisbigiisa haddii uu giileysto ay ka dhigan tahay in 25 sano ay ka talin karaan Turkiga. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhankiisa taageerayaasha Xisbiga AK Partty waxaa uu u sheegay in dowladda uu hoggaamiyo 20 kii sano ee lasoo dhaafay ay wax badan qabteen iyo dhinac wax soo saarka, waxaana uu u ballan qaaday in ay wanaajin doonaan xiriirka arrimaha dibadda dowladdu la leedahay. Maalinta barri oo taariikhdu ay ku beegan tahay 14-ka bisha May ayaa waxaa lagu wadaa in guud ahaa dalka ay ka dhacdo doorashada guud, shacabka dalkaa ayaa sanakaan tilmaamay doorashadii Qarniga, maadaama Turkiga uu ka baxayo ganaaxii la saraay sanadkii 1923-kii oo 100 sano oo hal qarni ah ay u buuxsantay sanadkaan 2023. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdiraxmaan C/Laahi Ismaaciil ” Saylici” ma noqon karaa ama, ma qaadi karaa jidkii William Samoei Ruto, uu ku noqday madaxweynaha Kenya ? Madaxweyna ku Xigeenka Soomaalilaan Mr. Saylici waxa uu ku xigeen ahaa tan iyo intii Xisbiga Kulmiye xilka hayay waxaanu ku xigeen u noqday laba madaxweyne, taasi oo jidka u xaadhi karta in uu noqdo Madaxweyne sidii ku xigeenkii Kenya ee Mr. Ruto oo la yimid damac iyo doonis madaxweyne kuna guulaystay. Mr. Saylici laba jeer oo uu hadlay Maalinkii Iidkii Ramadaan, iyo furitaankii carwadii shaqo abuurka Boorama waxa uu muujiyay in uu tabaayo saluug badan oo dowladeed sidaasi oo ay tahay in uu sheego dhaliisha waxa ka haboon in uu la yimaado damac iyo doonis madaxweyne, waxaanan filayaa in ay ka fiican tahay in tabasho la sheego in uu la yimaado han iyo damac doonis madaxweyne si tabashada uu sheegay waxa uga qabto una xaliyo maadaama oo uu leeyahay khibrad madaxweyne. Siyaasi Nuuradiin Diini Source
-
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa markii ugu horeysay is-af-garad ka gaadhey Xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xeer Lr. 01/2023, kaas oo ay Xukuumaddu curisay. Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyey iney Labadda dhinac kullan ay yeesheen 10th May, 2023-ka isla-garteen in Xeerkaas lagu celiyo Guddiga Doorashooyinka, si ay iyagu usoo unkaan. Xeerkan ayaa muddooyinkii u danbeeyey hadheeyey arrimaha Doorashada, iyada oo mucaaradku ay ku doodayaan inuu yahay qorshe cusub oo ay xukuumaddu ku doonayso iney ku furto aag cusub khilaaf ah, iyada oo hadda dhinacyadu isku maan-dhaafsanyihiin kala hor-meynta Labada doorasho ee Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasadda. Source
-
Xiisad colaadeed ayaa sida lagu soo warramayo ka taagan magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Iska hor-imaad hubaysan oo xalay ka dhacay Ceerigaabo ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh sida laga soo xigtay dadka degaankaas. Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada Somaliland iyo qayb kamid ah dadka degaanka oo ka horyimid in xuska 18-ka May lagu qabtay Ceerigaabo. Xiisadda ayaa weli taagan waxaana qayba kamid ah magaalada laga dejiyay calanka Somaliland iyadoo la saaray calanka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Xiisad colaadeed oo ka aloosan magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah oo miro dhal ah la qaatay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hey’adaha maaliyadda carabta, si Soomaaliya ay u gaarto deyn-cafin dhinac walbo ka dhameystiran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo madaxda kale ee Sanduuqa. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Maamulaha Guud ee Sanduuqa ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dib loogu qaabeynayo deymaha uu Soomaaliya ku leeyahay Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia oo ka mid ah Hey’adaha deynta ku leh Soomaaliya. Heshiis kaan ayaa dhigaya in dib loo dhigo muddada dib-u-bixinta deynta. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa madaxda Sanduuqa Horumarinta Saudi Arabia uga mahadceliyay doorka muuqda ee Sanduuqu ku leeyahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda oo ka qeyb galaya shirka Sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Islaamka oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Jidda, ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda hey’adaha maaliyadda carabta. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kala heshiis ku saabsan dib u qaabeynta deymaha appeared first on Puntland Post.
-
Ceerigaabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay dibad-baxyo rabshada wata ay ka dhaceen gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaasi, kuwaas oo uga sii daraya xiisadaha ka jira Somaliland. Dibad-baxayaasha oo ku qaylinayay erayo ka dhan ah Somaliland, gaar ahaa madaxweyne Biixi ayaa sheegay inay taaageero u muujinayaan reer Laascaanood, waxayna tilmaameen inay kasoo horjeedaan qaabka ay Somaliland u wajahday xiisadda ka taagan magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dibad-baxayaasha ay isku dhaceen ciidamada Somaliland, taas oo keentay in rasaas loo adeegsado, xaaladduna faraha kasii baxdo. Muuqaallo sidoo kale lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay in dibad-baxayaasho ay Calanka Soomaaliya iyo midka Khaatumo ay sureen waddooyin kamid ah Ceerigaabo. Mid ka mid ah dadka dhigayay dibad-baxyada ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidanka Somaliland, wuxuuna sheegay in nabadda faraha ka baxday, sida uu hadalka u dhigay. “Reer Sanaagow waxaan idin sheegeynaa nabad innoo xiran caawa ma jirto nin walbaa ciddii uu ahaa ayuu noqonayaa,” ayuu yiri mid kamid ah dibad-baxayaasha. Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Haddaba Muusow waxaan ku sheegeynaa waxaa la dooneysay Ceerigaabo waa ka dhaceen”. Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana bartamaha magaalada Ceerigaabo lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi. Si kastaba, horay rabshado kuwaan lamid ah waxay uga dhaceen Boorame oo todobaadkii hore laga taagay calanka Soomaaliya, waxaana kasii horreysay Laascaanood oo arrinteeda isku bedashay dagaal toos ah oo u dhexeeyo milatariga Somaliland iyo ciidamada SSC. The post Dibad-baxyo rabshada wata oo ka dhacay Ceerigaabo appeared first on Caasimada Online.
