-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Culimada Oo Ka Digtay Dembiyo Ka Dhasha debaal Degyada 18 May Khudbadii Jimcaha maanta 18 May ayey Culimadu kaga Hadleen intooda badan, Waxa ay ka digayaan in Ilaahay lagu caasiyo oo aanay Dhalinyarada dhaqanno xun samayn isna dhex gelin. Si gaar ah waxa ay culimada qaar ugu dheraadeen isku soo baxyada habeenimo, ee ka dhaca Khayriyada Hargeysa, Waxa ay culimadu ugu baaqeen inay shareecadda Islaamka Ilaaliyaan oo aanay dambi ku dhicin. Qaran News
-
Wasiirkiiì hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ka hadlay doorashada Puntland, dagaalka Laascaanood, hadaladii Madaxda federaalka & Puntland iyo xaaladda ay hadda ku jirto Puntland. Xasan Abgaal ayaa ugu horreyn dhaliilay hadal maalmo ka hor Madaxweyne Deni ka jeediyay magaalada Gaalkacyo, kaas oo uu ku xiriiriyay shaqaaqadii Garowe ka dhacday bishii February iyo dagaal ay xiligaas ciidamada Somaliland ku soo qaadeen magaalada Laascaanood. Dhanka kale Xasan Abgaal oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee Puntland ayaa xusay in aan la isku hayn doorashada goleyaasha deegaanka, balse waxa la isku hayo ay tahay qorshe uu Madaxweyne Deni ku damacsan yahay muddo kororsi iyo furista Dastuur, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka Puntland iyo Beesha Caalamka in miiska wadahadalka la keeno Madaxweyne Deni, si buu yiri looga wadahadlo labadaas qodob. Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo Puntland oo uu ku tilmaamay mid la isku hayo arrimo shakhsiyadeed, waxa kale uu ka hadlay mushaar la’aan ciidamada iyo shaqaalaha Puntland. Hoos ka daawo shirka jaraa’id The post Xasan Shire Abgaal oo dhaliilay Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
DF Somalia oo shirweyne caalami ah uga qeyb-gashay Shiinaha
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beijing (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Kullane ayaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha kaga qeyb-galay shirweynaha caalamiga ah ee ”Daraasaadka caalamka ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika,”. Shirweynahan oo ay si wada-jir ah u soo qaban qaabiyeen Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha iyo Machadka Shiinaha-Afrika ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madax iyo aqoon-yahano ka kala socda dalalka Shiinaha iyo Afrika. Furitaanka shirka, waxaa khubd dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Danjire Cawaale Kullane, isaga oo shirka ku soo bandhigay xiriirka taariikhda guud ee shiinaha iyo Afrika intaba. Danjiraha ayaa ku dheeraaday taariikhda iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha gaar ahaan arrimaha xagga dhaqanka iyo xiriirka walaaltinimo ee labada dal ka dhaxeeyo. ”Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha wuxuu bilowday qarnigii 15-aad ee Admiral Zheng Ha, soo booqday magaalada Muqdisho, waxaana markaas kadib aas-aasnay wada shaqeyn ku saleysan ganacsiga, siyaasad nabad ah iyo iskaashi udub-dhexaad illaa iyo hadda u ah xiriirka labada dal,” ayuu ku yiri safiirka khudbadda uu ka jeediyay shirka. Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Kullane ayaa soo dhoweeyay howsha wanaagsan ee Machadka Shiinaha-Afrika “China-Africa Institute” (CAI) iyo Akadeemiyada Daraasaadka Taariikhda Shiinaha Chinese Academy of History ( CAH), sida hufnaanta iyo wadajirka leh ay u maamuleen shirweynaha caalamiga ah ee daraasaadka caalamka ah ee Qowmiyadaha Shiinaha iyo Afrika. The post DF Somalia oo shirweyne caalami ah uga qeyb-gashay Shiinaha appeared first on Caasimada Online. -
Ceelbuur (Caasimada Online) – Horjooge Maxamed Xuseen Gaagaale oo madax u ah Shabaab-ka ku sugan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu muddooyinkii dambe waday qorshe uu hubka kooxda ugu wareejinayo odayaasha dhaqanka, xilli uu socdo abaabulka howl-gal lagu xoreynayo degmadasi. Horjooge Gaagaale ayaa waxa uu qorshihiisan wajahaya fashil, kadib markii ay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Ceelbuur iyo nawaaxigeed ay diideen inay hubka kala wareegaan Shabaab-ka halkaasi ku sugan, maadaama uu horjoogahan qorshihiisa qeyb ka tahay in hubkaas dib loogu soo celiyo gacanta kooxda, sida lagu yiri xog ay baahisay warbaahinta dowladda. Warbixinta dowladda ayaa waxaa lagu yiri “Degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku dhow dhow ayaa odayaasha dhaqanka waxay ka biyo diideen isku day ay horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab ay ku doonayeen hubka Al-Shabaab deegaannadaas ku haystaan beelaha loo dhiibo marka la doonnano laga qaato.” Horjooge Gaagaale ayaa kulan uu odayaasha dhaqanka qeybo kamid ah Ceelbuur kula yeeshay deegaannada Garable, Xiindheere, Xagareey iyo Ceelgaras ayaa waxay odayaasha si gaar gaar ah uga diideen in ay kala wareegaan hubka Shabaab-ka Ceelbuur horjooge Gaagaale. Horjoogahan ayaa lasoo wariyay inuu doonayo in odayaasha la ciyaaro turub ah in hubka ku wareejiyo, iyada oo xubnaha u muuqdan in aysan hadda qorshaha ugu jirin inay dagaal toos ah la galaan ciidamada huwanta ee kaabiga ku haya degmada Ceelbuur iyo hareeraheeda. Odayaasha dhaqanka ayaa go’aankooda waxay u cuskadeen in aysan xilligan diyaar u ahayn in magac hubka Shabaab u saariyaan beeshooda, sidaasi darteedna haddii uu doonayo Gaagaale wada-hadal la galo dowladda ama isaga tago deegaanka. Gaagaale oo ka biyo diidan dalabka odayaasha dhaqanka ayaa waxaa lasoo warinaya in markale isku dayayo inuu Xiin-dheere iyo Xagaleey tago oo odayaal ku kala sugan deegaanadaas ku qanciyay in hubkii Al-Shabaab ee Gaagaale gacanta ku hayay ku wareejiyo odayaasha dhaqanka ee ku abtirsada Ceelgaras. DF ayaa hore u baahisay in Shabaab-ka ku sugan Ceelbuur ay go’aankaasi qaateen kadib markii lagu go’aamiyay in hubkooda wareejiyaan kulan ay kooxda iyo odayaasha deegaanka ku yeesheen gudaha degmadaasi, inkasta oo odayaasha ay markii dambe diideen shuruuda ay ku xireen arrintaasi, oo ah in markale hubkaasi usoo laabto kooxda. Kulankaas ayaa markii hore lagu gaaray in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ku sugan Ceelbuur lagu amray inay shacabka ku dhex milmaan, halka horjoogayaasha sarena ay iskaga baxayaan deegaanka inta uusan soo gaarin duulaanka ciidamada huwanta ee iskaashanaya. Marka laga imaado warbixinta dowladda ay sii deysay, waxaa muddooyinkii dambe ay kooxdu isku aruursaneysay degmada Ceelbuur, halkaasi oo ay uga arrinsanayeen doodda ku saabsan in Ceelbuur ku dagaalamaan iyo inay ka baxaan, kaasi oo markii hore khilaaf ka dhex abuuray xubnaha kooxda. Hase yeeshe, waxaa hadda muuqata in ugu dambeyntii ay kooxdu go’aansatay inay ciidamada iskaashanaya ee duulaanka kusoo ah aysan kula dagaalamin gudaha degmada, xilli ay ciidanka dowladda dhowr jiho kaga soo socdaan Ceelbuur. Arrimaha niyad-jabiyay Al-Shabaab ee ku riixay go’aankan ayaa la sheegay inay kamid yihiin guuxa dadka deegaanka oo lasoo wariyay inay ka gaabsadeen in kooxda la fal-galaan waayahan dambe ama siiyaan ballan-qaad ah in dagaalka ay la gali doonaan. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa Ceelbuur ka talineysay tobankii sano ee udambeysay, waxayna mudadaas la kulantay degmadan taariikhiga ah dib u dhac weyn. Xilligaan waa bartilmaameedka ugu weyn wejiga labaad ee dagaalka ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso gobollada dhexe ee dalka. The post Qorshe uu horjooge sare oo Shabaab ah ka wado Ceelbuur oo fashil wajahaya – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin ayaa shaaciyay in dagaalka musuq-maasuqa ka dhanka ah ee ay bilaabeyso dowladda federaalka Soomaaliya aan loo kala eegi doonin sarkaal sare iyo mid hoose, islamarkaana uusan masuul ku baxsan doonin xilka uu ka hayo dowladda. Wasiir Xasan Macalin ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in musuq-maasuqa uu yahay caqabadda ugu weyn ee horseedi karta burburka ku yimaada horumarka dadka iyo dalka. “Qofna laguma dulminayo in uu yahay sarkaal hoose, qofna kuma baxsanayo in uu yahay sarkaal sare marka howshu joogto musuq-maasuq,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda iyo arrimaha garsoorka XFS Mudane Xasan Macalin Wasiirka ayaa waxa kale oo uu xusay in musuq-maasuqa ay u arkaan caqabad dhaqaale “oo wiiqi kara horumarka dadka iyo dalka,” sidaas darteed ay dowladda ka go’an tahay in la si dhab ah loola dagaalamo. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka qorsheynayso inay qaado tallaabooyin waaweyn oo lagula dagaalamayo musuq-maasuq, iyada oo shalay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dalka. Qaraarkan ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay maaraynta maaliyadda guud ee dalka, maaraynta dakhliga dalka, iibka iyo qandaraaska qaranka, maareynta hantida guud ee qaranka iyo maamulka iyo maaraynta shaqaalaha. Sidoo kale waa mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan xirtay saraakiil dowladeed, oo la horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciidamada booliska ay 20-kii April ee sanadkaan kasoo xireen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Saraakiishan dowladeed ayaa waxaa loo haysta musuq-maasuq, been abuur, ku takri-fal awood dowladeed, waxayna hrodhac u yihiin shabakad ballaaran oo ku eedeysan xatooyada iyo lunsashada xoolaha dadweynaha, wuxuuna xarigooda qeyb ka yahay dagaalka ay dowladda kula jirto musuq-maasuqa. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale weli ku raadjooga shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda. The post Xasan Macalin: Qofna ku baxsan maayo inuu yahay sarkaale sare haddii uu… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho Wasiiru-dowlaha amniga gudaha iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, xilli uu amniga caasimada soo hagaagayo bilihii ugu dambeeyay. Maxamed Cali Xagaa iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa waxa u kuur-galeen xaaladda suuqa weyn ee Bakaaraha, ayaga u kuur-galay amniga suuqa, iyaga oo kormeer ku maray qeybaha suuqa, oo markii hore ay canshuur ka qaadi jireen kooxda Al-Shabaab, taasi oo inta badan meesha laga saaray xilligaan. Wasiiraddan ayaa waxay kasoo dukaameysteen dukaamada kala duwan ee ganacsi ee ku yaalla suuqa Bakaaraha, iyaga oo intaas kadib usii gudbay dhanka isgoyska Balaksi, halkaasi oo ay kula kulmeen dhalinyaro waqti ku qaadanayay hoteel ku yaall halkaasi, Bulshada caasimada ayaa dowladda iyo ciidamada qeybahooda kala duwan ku bogaadiyay isbeddelka amniga ee magaalada Muqdisho, kaasi oo horseeday in xubno wasiiro ah ay kormeer ku tagaan suuqa Bakaaro, oo markii hore ay adkeyd inay tagaan halkaasi. Wasiiradan oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidanka qaranka ayaa usii jiheystay warshada weyn ee warshadaha ayaga oo socdaal ku tegay deegaanka Daaru-salaam iyo beerta deegaankaas oo boqolaal dad ah u dalxiis tageen. Amniga caasimada ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, ayada oo ciidan cusub lagu biiriyay kuwii hore ugu sugna, illaa saddex kun oo askari oo lagu soo tababaray waddanka Uganda ayaa la geeyay degmooyin ku yaalla daafaha magaalada, si ay banaanka uga ilaaliyaan caasimadda. Dadweynuhu waxay sheegayaan in ciidanka cusub ay u muuqdaan kuwo feejigan oo fahamsan waajibkooda. Daafaha magaalada Muqdisho ayaa loo xil-saaray in aanay argagixisada kasoo tallaabin. Sidoo kale ciidanka dharcadka ah ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa aad loo kordhiyay sida aan xogta ku helnay, kuwaasi oo toos u dhex galay shacabka, iyada oo masuul looga dhigay amniga qeybta loo bixiyay aagga koowaad ee caasimadda. Booliska ayaa sidoo kale muujinaya fir-fircooni intii hore ka badan. Waxaa muuqata inay laamaha amniga wada-shaqeyn fiican yeesheen, taas oo amaanka caasimadda wax badan ka bedeshay. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kal hore sheegay inay xoog badan galinayaan amaanka magaalada Muqdisho, isaga oo shacabka weydiistay inay dulqaad muujiyaan intay socda howl-gallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amaanka caasimadda. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiiro ka tirsan DF oo tegay Bakaaro xilli uu soo hagaagayo amniga Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Musharaxa xisbiga saddexaad Muharrem Ince ayaa Khamiistii isaga haray doorashada aadka la isugu dhow yahay ee madaxweynaha Turkey, taasi oo ah tallaabo lama filaan ah oo sare u qaadeysa fursadda ay mucaaradka ku guuelysan karaan wareegga koowaad. Ince, oo 59 jir ah, ayaa go’aankiisa ku dhowaaqay kadib markii lagu beegsaday olole online-ka ah oo ay ku jireen sawirro la been abuuray oo muujinaya isaga oo la kulmaya haween islamarkaana ku socda gawaari qaali ah. Musharraxan calmaaniga ah ayaa helay 30.6 boqolkiiba codadka markii uu madaxweyne Erdogan kula loolamay doorashadii 2018. Waxa uu kadib ka baxay xisbiga weyn ee mucaaradka kadibna billaabay dhaq-dhaqaaq u gaar ah, isaga oo codadka qaar ka qaatay hoggaamiyaha calmaaniyiinta Kemal Kilicdaroglu oo ah midka ugu xooggan ee la loolamaya Erdogan. PUNTLAND POST The post Isbedel lama filaan ah oo dhacay saddex maalin ka hor doorashada Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa guddi gaar ah u magacaabay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Guddigan oo madaxweyne Guudlaawe u xilsaaray gurmad deg deg ah in la gaarsiiyo qoysaska uu saameynta xooggan ku yeeshay Wabiga Shabeelle ee karkaarada ku jabsaday xaafadaha magaalada Baladweyne iyo sidii loo gacan qaban lahaa qoysaska barakacay. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Caasho Khaliif Maxamed, halka Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo ah wasiirka wasaaradda amniga gudaha maamulka looga dhigay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad. Xubnaha guddigan ayaa waxa uu madaxweyne Guudlaawe kusoo daray guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan, maadaama gobolkaas uu maro Webiga Shabeelle, uuna dhowr jeer fatahaad ka sameeyay deegaano ka tirsan. Guddigan oo u badan wasiiro ka tirsan xukuumadda dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa waxaa sidoo kale xubin ka ah guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, si gargaar loogu raadiyo xaaladda adag ee ka taagan magaalada Beledweyne kadib markii ay guryahooda isaga barakaceen dadkii deganaa. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Arbacadii kormeer u kuurgal ah ku sameeyay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne oo uu ku fatahay Wabiga Shabeelle, iyada oo madaxweynaha iyo masuuliyiin uu horkacayay ay socod ku mareen buundada nuurxawaad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada. Halkaasi oo barakac baahsan uu ka socday maalmihii dame, iyada oo wabiga uu ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha booqday deegaanka Ceeljaale oo ay kusoo barakaceen qeybo kamid ah dadkii deganaa magaalada oo ay saameeyeen fatahaadaha. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in magaalada Beledweyne ay ka jirto xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd iyada oo magaalada badankeed laga barakacay, dadka qaarna ay ku go’doonsan yihiin Xaafadaha. Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka, shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka inay si deg deg ah ugu soo gurmadaan shacabka Beledweyne oo ay saameeyeen musiibada fatahaadaha Wabiga Shabeelle. The post Guudlaawe oo qaaday tallaabo la xiriirta xaaladda adag ee ka taagan Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi degdeg ah ka yeeshay xaaladda bini’aadanimo ee dalka Sudan, iyaga oo meel mariyey qaraar lagu cambaaraynayo xaaladda xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee dalkaas laga geystay wixii ka dambeeyey bishii October 25-keedii, sannadkii 2021, xilligaas oo milaterigu uu xukunka la wareegay iyo dagaaladii dhacay wixii ka dambeeyey April 15-keedii. Qaraarkan oo ay taageereen 18 dal, halka ay ka horyimaadeen 14 dal, tirada ka aamustayna ay ahayd 15 ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka la qaaday inay ka dhasheen, dhimashada boqollaal rayid ah, iyo dhaawaca kumanaan kale, sidoo kalena waxaa sare u kacay heerka xadgudubyada jinsiga ah iyo kufsiga loo geysanayo haweenka, barakac baahsan iyo burbur loo geystay hantidii dadweynaha. Madaxa golaha xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa cambaareeyey inqilaabkii milateri ee dhacay sannadkii 2021, kaas oo ay hoggaaminayeen General Abdelfattah al-Burhan iyo taliyaha kale ee ay iska soo horjeedaan ee General Mohamed Hamdan Dagalo Volker Türk ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Sudan inay meel mariyaan xabbad-joojin gundhigeedu yahay hawlaha bini’aadantinimada, si gargaarka bini’aadanimo loo gaadhsiiyo goobaha ay colaaduhu ka socdaan isla markaana loo ilaaliyo inaan la bililiqaysan sahayda gargaarka bini’aadanimo. PUNTLAND POST The post Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay oo fadhi gaar ah ka yeeshay xaaladda Sudan appeared first on Puntland Post.
-
Kikuyus, Luos and Luhyas form the majority of staff at Kenya Medical Supplies Agency (KEMSA), a report submitted by the entity to a Parliamentary committee shows. Source: Hiiraan Online
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Dadka magaalada Beledweyne waxay maalintii shanaad dhex jiifaan biyo, fatahaad uu sameeyay wabiga Shabeelle ayaa sababtay burbur hanti iyo barakac bulsho. Kumanaan dad ah ayaa banaanka uga baxay magaalada oo biyuhu xarqiyeen. Reer Beledweyne waa umad guryo leh haddana sanad walba isla magaaladoodii barakac ku noqda. Fatahaadan ma geysan illaa iyo hadda sida la sheegay khasaare nafeed oo dadka waxay noqdeen kuwa waaya-arag ah oo waa ka baxsadeen biyaha. Laakiin hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe wuxuu xaqiijiyay in raashinkii iyo waxyaabihii aas-aasiga u ahaa nolosha bulshada in biyuhu qaadeen, dadkuna ay hadda rafaadsan yihiin. Dadku maalinkii shanaad qoraxda ayay joogaan, habeenkii afaraadna qabowga ayay ku hoydeen. Gurmad deg deg ah ayay u baahan tahay Beledweyne. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli bixin wax u qalma gurmadka looga baahan yahay Beledweyne, halka maamulka HirShabeelle isaga lagu eedeynayo in uusan keenin xal mustaqbalka ah oo wax looga qabto fatahaadaha soo noq-noqday iyo in aanay xitaa bixin wax digniin ah. Waxaa jirtay xilli hore oo la isku dayay in xal waara loo helo dhibaatadan soo noq-noqotay laakiin buuq dhaqaale ayaa hareeyay mashruucaas. Gobolka Hiiraan wuxuu sanadkaan gundhig u yahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyada oo dadka sidaas u dhiban yihiin waa adag tahay in reer Hiiraan laga helo garab dagaal xilli loo diyaar garoobayo wejiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, sidaas awgeed waxaa dowladda federaalka la gudboon ayaa la leeyahay in kaalmo xoog leh ka geysato dhibaatada hadda taagan, si ay suurta-gal u noqoto in reer Hiiraan laga helo garab dagaal. Nin gurigiisa biyo dhex jiifaan, ilmihiisana qorax maalmeedka iyo qabowga habeenkii kula dhibaatoonayaan banaanka Beledweyne, laguma hayn karo furinta dagaalka haddii aanay dowladda deg deg u qaadan masuuliyad ka baaxad weyn inta hadda muuqata ayay leeyihiin reer Hiiraanka raba in jawaab deg deg ah laga bixiyo dhibaatada taagan. Hoggaamiyaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo tegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ee wax haystaba waxa uu ka codsaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro magaalada Beledweyne. “Waa dareemi kartaa xanuunka ay leedahay hooyo cunug muluq haysata oo geed hoostiis qorax kula dhaceyso, roobna kula da’ayo oo wax ay siiso haynin haynin xanuunka ay leedahay, waxaa ugu baaqeyna cid kasta oo gacan ka geysan karta ha ka geysato ayaa leenahay,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe. “Xaaladda ka jirta Beledweyne waa xaalad adag ee gacan ha laga geysto, si gaar ahna dowladda dhexe ayaa ugu baaqeyna inay arrintaan taagan maanta ay si gooni ah iyo il gaar ah ay ku fiiriyaan.” The post DF ‘oo lumin karta taageerada reer Hiiraan ee dagaalka Al-Shabaab’ + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
The Somali National Army (SNA) killed five al-Shabaab militants and injured several others during a special operation against the extremist group in the Lower Shabelle region of southern Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si weyn u dhaliilay hadallada xanafta leh ee maalmihii dambe ay warbaahinta isku marinayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland. Cawad ayaa waxa uu sheegay in dhaqankan uusan wax tar u aheyn xaaladda maanta ay Soomaaliya ku jirto, oo u baahan wada-hadal dhab ah iyo in si wada-jir ah looga wada-shaqeeyo mustaqbalka iyo muuqaalka guud ee Soomaaliya. “Soomaaliya maanta uma baahna far isku fiiq iyo in hadallo wax kala fogaynaya hawada la isu mariyo, balse waxay u baahan tahay wada hadal dhab ah oo wax taraya iyo in danta dalka iyo dadka si wada jir iyo is fahan leh looga wada shaqeeyo mustaqbalka iyo muuqaalka guud,” ayuu yiri Cawad. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in ismaan-dhaafka ka dhex jira madaxda sare ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland laga gaaro isfahan, islamarkaana ay xilligaan tahay waqtigii wax sixidda iyo dib u qaabeynta dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Dowladda Federalka Soomaaliya waa dowladdii dalku lahaa, Puntlandna waa degaan muhiim ah oo ay tahay in tix galin weyn la siiyo. Waaxaa lama huraan ah in degdeg danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed si kal furan looga wada shaqeeyo horayna wada jir loogu socdaa is maandhaafka jirana lagu badalaa wada shaqayn iyo is fahan,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan ku midaysan nahay ayaa ka weyn waxaa yar ee lagu kala aragtida duwan yahay. Waxaa loo baahan yahay in si ka fiirsi iyo deggenaansho leh mar walba xaaladda dalka loo wajeho caadifadana meel la iska dhigo. Waxaa la joogaa waqtigii wax sixidda iyo dib u qaabaynta dalka guud ahaan.” Cawad ayaa waxa kale oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadaladda la jarjaray ee sida khaldan baraha bulshada loo wareejinayo, kuwaasi oo uu ku tilmaamay marin habaabin bulsho, xilli ay meel sare gaartay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda dowladda dhexe iyo maamulka Puntland. “Waa in aan gacmaha isqabsanaa oo nabadda iyo horumarka dalka laga wada-shaqeeyo,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo baaq guud u diray dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda. Hadalkan ayaa imanaya xilli maalmihii dambe ay warbaahinta isku marinayeen hadallo kulul madaxda dowladda federaalka iyo Puntland, kaasi oo meel sare geeyay khilaafka labada dhinac, kadib markii uu madaxweynaha Puntland uu si shaqsi ah u weeraray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dalka. The post CAWAD oo si weyn u dhaliilay madaxda DF iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
