Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe (Caasimada Online) – Xubnaha siyaasadda mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo shirweyne ku yeeshay gudaha magaalada Garoowe ayaa soo saaray go’aanno culus oo ka dhan ah doorashooyinka dadweyne ee maamulkaasi. Siyaasiyiintaan oo la magac baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si guud uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi oo haatan ah mid kacsan, waxayna sidoo kale ka horyimaadeen doorashooyinka golaha deegaanka ee la filayo inay ka dhacaan Puntland. Sidoo kale siyaasiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland. “Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri. Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen in ciidamada ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska iyo Badda loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasina ay ka digayaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in madaxweyne Saciid Deni aan lagu aamini karin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntlan, sida ay hadalka u dhigeen. Warsaxaafadeedka kasoo baxay Madasha Siyaasadda Puntland ayaa sidoo kale lagu dalbaday in la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka, si aysan u imaan khilaafaad kale. Dhanka, kale, siyaasiyiinta ku shiray Garoowe ayaa waxay ugu baaqeen dowladda federaalka Soomaaliya inay faragelinta siyaasadeed iyo hadallada xanafta leh ka dayso Puntland, iyagoo sheegay inay Puntland isaga filan tahay xalka khilaafka dhexdeeda yaal. Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe. The post Siyaasiyiinta Puntland oo ku dhowaaqay go’aan culus, soona saaray 8 qodob appeared first on Caasimada Online.
  2. Garsoore Tunisian ah ayaa Isniintii ku xukumay hoggaamiyaha mucaaradka Rached Ghannouchi, oo aad u dhaleeceeya madaxweyne Kais Saied, isagoo lagu eedeeyay kicin, sida uu sheegay qareenkiisa Monia Bouali. Ghannouchi, oo 81 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo bishii April, waxaana areenkiisu uu sheegay in eedaymaha loo haysto ay ka dhasheen hadal uu ka jeediyay aaska xubin ka tirsan xisbigiisa Ennahda sahadkii hore, kaas oo ahaa ‘in marxuumku uusan ka cabsanayn hoggaamiye ama daalim, balse uu Alle ka baqayay oo keliya.” Hoggaamiyaha xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu maleegayay falal ka dhan ah amniga qaranka, isaga iyo mucaarad kale oo xiran, kuwaas oo Saied ku eedeeyay inqilaab uu ku laalay baarlamaanka la soo doortay, islamarkaana uu dalka ku xukumayo wareegto madaxweyne. Saciid oo awooddiisa cusub ku qeexay dastuur uu ku meel mariyay afti dad yar ay u dareereen sanadkii hore, ayaa beeniyay in ficilkiisa uu ahaa afgambi, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay si Tunisia looga badbaadiyo sanado badan oo fowdo ah. Waxa uu dadka dhaliila ku tilmaama dambiilayaal, khaa’inul waddan iyo argagixisanimo, waxa uuna uga digay in garsoore kasta oo siidaaya loo qaadan doono in uu iyaga la saftay. Ghannouchi ayaa diiday inuu horyimaado garsoorayaasha kiisaskiisa, isagoo ku dooday in eedeymahaasi ay yihiin kuwo la been abuuray, maxkamadeyntiisuna ay tahay mid siyaasadeed, sida uu sheegay qareenkiisa. PUNTLAND POST The post Hogaamiyaha Mucaaradka Tunisia oo lagu xukunay hal sano oo xabsi ah appeared first on Puntland Post.
  3. The African Union Transition Mission in Somalia will withdraw 2,000 soldiers by June 30 from Somalia. And once the process is concluded, the Somali Security Forces will take over the national security. Source: Hiiraan Online
  4. Kenya and Somalia on Monday agreed to re-open three border points amid a cloud of uncertainty on whether the benefits from increased trade and movement of people will outweigh insecurity risks. Source: Hiiraan Online
  5. UNITED NATIONS (Xinhua) -- Following devastating rains in Somalia, UN humanitarians said on Monday they are launching a national flood preparedness and response plan with the authorities. Source: Hiiraan Online
  6. Beledweyne (Somalia) (AFP) – Flash flooding in central Somalia has killed 22 people and affected over 450,000, the UN's humanitarian agency OCHA said Sunday, after the Shabelle River burst its banks, forcing tens of thousands out of their homes. Source: Hiiraan Online
  7. Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa xoojisay dadaalka ay dadka Ruushka uga dhaadhicineyso inay dusiyaan sirta dalkooda, ayada oo muuqaalo qiiro leh soo dhigtay Telegram, kuwaasi oo loogu talo-galay dadka ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweyne Vladimir Putin. Muuqaalka gaaban ayaa waxa uu muujinayaa shaqaale dowladeed iyo haweeney gurigeeda ku haysata ilmo, oo u muuqda kuwa dhibaato nololeed ay haysato, isna weydiinaya haddii tani ay tahay wixii ay ku riyoonayeen. Wuxuu soo jeedinayaa in dadku ay tallaabo qaadi karaan si ay xaaladda u hagaajiyaan — ayaga oo akhbaar siinaya hay’adda sirdoonka Mareykanka — islamarkaana sii ahaanaya waddiniyiin. Muuqaalka, oo uu wehliyey qoraal, ayaa bixinaya tilmaamo ku saabsan sida ay dadka akhbaar kusoo gudbin karaan ayaga oo adeegsanaya webka qarsoodiga ah iyo agab ay CIA-du sheegtay inuu xaqiijin doono badqabkooda. “CIA-da waxay dooneysaa inay ogaato runta ku saabsan Ruushka, waaana raadineynaa dad la isku halleyn karo oo noo sheegi kara runtan,” ayey qortay hay’adda. “Xogtaada waxaa macquul ah inay ka qiimo badan tahay sida aad moodo.” CIA-da ayaa sheegtay inay rajeyneyso inay la xiriirto dadka ka tirsan sirdoonka, diblomaasiyadda, sayniska iyo taknoolajiyadda iyo qeybaha kale, ayna xiiseyneyso akhbaar nooc kasta oo ay tahay, oo ay ku jiraan siyaasadda iyo dhaqaalaha. Sarkaal ka tirsan hay’adda ayaa AFP u sheegay inay codsi sidan oo kale ah ka sameeyeen baraha kale ee bulshada, balse ay iminka diiradda saarayaan barta Telegram maadaama ay tahay halka ugu badan ee dadka Ruushka ay akhbaarta ku wadaagaan. CIA-da ayaa fileysa in bixinta hab fudud oo cad oo lagu dusin karo akhbaarta ayada oo la adeegsanayo webka sirta ah, ay ka dhaadhicin karto dadka Ruushka ee taxaddaraya inay qaadaan tallaabada xigta. “Ujeedkeenu waa inaan siinnaa marinada ugu amnisan uguna macquulsan oo ay nagula soo xiriiri karaan,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin. Sarkaalka waxa uu adkeeyey in Mareykanka aanu dooneyn inuu kiciyo kacdoon ama isbeddel maamul, balse uu filayo in qaar ka mid ah dadka Ruushka ay arkaan hab ay ku caawin karaan in dalkoodu horey u socdo. AFP, VOA The post CIA-da Mareykanka oo qaaday tallaabo yaab leh oo ku wajahan shacabka Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray baaq cusub oo la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah ee ka socda dalka. Mudane Xamza oo dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-ka May oo ku beegneyd curashadii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, ayaa waxa uu ugu baaqay dhalinyarada inay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan xoreynta dalka iyo dagaalka socda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in aas-aaskii xisbigii Leegada (SYL) uu Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madax-bannaanida ay maanta ku faanayso, “taas oo ay dhiiggooda u hureen halyeeyo Soomaaliyeed oo u istaagay in ummadda ay ka kor qaadaan heeryada gumeystihii arxanka darnaa.” “Dhallinyaradii ku midoowday ururka SYL ee sababta u noqday xaqiijinta rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in laga dulqaado heeryadii Gumeysiga waxa ay ku sifoobeen isku duubni, waddaniyad iyo weliba in ay ka fogaadeen qabyaaladda, dhallinyaradaas waxay baal-dahab uga qoran yihiin sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare. Ugu dambeyntiina waxa uu uga mahad-celiyey dhallinyarada Soomaaliyeed doorkooda ku aadan dowlad-dhiska dalka, isaga oo sii xoojiyay baaqa ah inay kaalin wax ku ool ah ay ka qaatan xoreynta dalka, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Sanad walba waxaa la xusaa maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan aas-aaska ururkii gobanima doonka ee SYL, kaasi oo dhidibada loo taagay 15-kii May, 1943, oo aas-aastay dhallinyaro Soomaaliyeed. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo wax ku ool ah, ayada oo xilligaan uu si dardar leh uga socdo gobollada dalka, uuna dhawaan si rasmi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska. The post R/Wasaare Xamza oo baaq cusub kasoo saaray dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  9. Boorama : Weriye iyo Dhalinyaro xabsiga loo taxaabay Sacadihii ugu dambeeyey. Waxa soo baxayey hadal hayn ka dhalatay in saacadihii ugu dambeyey xabsiga loo taxaabay Weriye Cali Ismaaciil Aare ( Cali Waaheen ) iyo dhalinyaro kale oo ka mida dhalinta ku nool Boorama . Xadhigan loo geystay shacabkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili xaalada gobolka Awdal aad indhaha loogu hayo, waxana magaalada Boorama ku sugan maalmihii ugu dambeyey xilsidayaasha Xukuumada Soomaaliland kaga jira gobolka Awdal oo u badan wasiiro iyo masuuliyiin kale . Xildhibaan Axmed Cali Xadi oo ka mida golaha deegaanka Boorama oo la hadlay warbaahinta waxa xukuumada Soomaaliland ugu baaqay in ay daawayso dadkii ku dhaawacmay mudaharaadyadii Boorama ka dhacay oo todobaadkii hore oo tiradoodu dhantahey Sideed . Masuuliyiinta Soomaaliland ee gobolka Awdal iyo laamaha Amaanku , Wali wax faahfaahina kama bixin xadhigan loo geystay qaar ka mida shacabka Boorama. Waxa horay jeelka hoose Boorama loogu taxaabay ku dhawaad ku todobaatan dhalinyaro ah oo lagu qabtay mudaharaadyadii dhacay todobaadkii hore . Qaran News
  10. Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka hadlay xadhiga wariye Bushaaro Baanday “Ka hadalka Somaliland lawada leeyahay iyo Sixida Maamulka oo ay warbixino iyo Qoraalo lagu toosinayo oo ay ku baahisay Bogeega Gaarka ah ee FCB ayay Xabsiga ugu jirtaa caawa. Waxan soo jeedinayaa in Bishaaro Xoriyadeeda loo celiyo” Qaran News
  11. Saxafiyada Bushaaro Baandayo ayaa lagu xidhay Degmada Wajaale, Sababta Xadhigeeda si rasmi ah looma xaqiijin. See insights and ads Create ad Qaran News
  12. Dagaal goos goos ah ayaa ka socda agagaarka Garowe diyaaradaha Garowe iyo kantaroolka bari, kaas u dhexeeya ciidamo galbinayay agabka doorashada goleyaasha deegaanka ee gobollada Bari iyo ciidamo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland. Dagaal oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah, balse weli lama oga tirada rasmiga ah ee khassaaraha. Dagaalkan ayaa yimid saacado kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ku baaqeen in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod, si bay dheheen aysan u sababin qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland ee qof iyo cod ayaa loo madlan yahay 25 ka bishan May. PUNTAND POST The post Dagaal ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Garowe appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray. Waxan uu sheegay ku guuleysiga aqlibayadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, isla markaana ay ‘aayahooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa.’ “Waxaan kusoo bixi doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii May, waxaana rajaynaynaa inaan gaarno guul taariikhi ah” ayuu ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Erdogan ayaa helay doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod. PUNTLAND POST The post Erdogan: Waxaan doorashada ka gaari doonaa guul taariikhi ah appeared first on Puntland Post.
  14. PRESS RELEASE Franck Pliya Confirmed as Speaker at Invest in African Energy Forum in Paris At the Invest in African Energy Forum in Paris, Franck Pliya, Senegal Country Director and VP of Business Development in West and Central Africa at Technip Energies, will share insights on optimizing Africa’s energy sector Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, May 15, 2023/ — The African Energy Chamber (AEC) (www.EnergyChamber.org), the voice of Africa’s energy sector, is excited to announce that Franck Pliya, Technip Energies’ Senegal Country Director and Vice President of Business Development in West and Central Africa, will speak at the Invest in African Energy Forum in Paris. The event is set to take place at the Westin Paris Vendome in France on June 1, where Pliya will have the opportunity to showcase Technip Energies’ developments in Africa and attract investments into the continent’s energy sector. With over two decades of work in general management and business development within the energy sector and related industries, Pliya’s wealth of knowledge is invaluable. Since 2017, Pliya has been leading French-based energy engineering and technology firm Technip Energies Senegal and has held the position of Vice President of Business Development in West and Central Africa since 2016. His educational background includes a degree from the Institute of Economic and Accounting Techniques of Paris, a Master’s Degree in Management from the Paris School of Business, and an Executive MBA from HEC Paris. Leveraging his extensive 20-year experience in business development, general management, and financial activities in the oil and gas industry, Pliya has played a vital role in positioning Technip Energies as a leader in Africa’s energy sector transformation. He has successfully expanded the company’s footprint and contributed to various African oil, gas, and green hydrogen projects. His expertise in leadership, strategy and profitability has been crucial to Technip Energies’ growth agenda. The company’s achievements have garnered recognition throughout the continent. Notably, it has been actively involved in significant ventures such as the Coral South FLNG project in Mozambique, led by Eni, which witnessed its first LNG export to Europe in late 2022. Additionally, Technip Energies has contributed to the Greater Tortue Ahmeyim development off the coasts of Senegal and Mauritania, led by bp, with production expected to commence this year. Furthermore, Technip Energies has been involved in Namibia, with the company signing a memorandum of understanding (MoU) with the national oil company NAMCOR for the collaboration on energy projects in the country. Technip Energies is also focused on advancing local content across the continent. In 2022, Technip Energies inked an MoU with Senegalese national oil company Petrosen, with the objective to advance the development of gas value and energy transition in Senegal, aligning with the country’s development strategy, focusing on LNG, carbon-free energy solutions and decarbonization. In addition, the agreement entails transferring knowledge in process engineering for water, oil and gas treatment, as well as onshore platforms, installations, and offshore gas field development concepts. It incorporates principles to facilitate skills transfer in line with energy transition and Technip Energies’ studies, which are closely aligned with Senegal’s gas value development goals. Over the next three years, Technip Energies will play a pivotal role in the region by leading and financing comprehensive training workshops and programs. As part of his role at the Invest in Energy Forum in Paris, Pliya will be entrusted with the responsibility of attracting African stakeholders to make use of Technip Energies’ services and leveraging existing relationships with energy industry players and stakeholders in France to secure substantial investments within Africa. “Pliya’s exceptional leadership and extensive experience in the energy sector make him an invaluable asset to Technip Energies. His instrumental role in positioning the company at the forefront of Africa’s energy transformation showcases his deep understanding of the region’s potential. As a speaker at the Invest in African Energy Forum in Paris, Pliya’s will provide perspectives on optimizing Africa’s hydrocarbon market and diversifying the energy sector. His participation will undoubtedly contribute to driving sustainable development and attracting crucial investments in the continent’s energy landscape,” states NJ Ayuk, Executive Chairman of the AEC. During the Invest in African Energy Forum in Paris, Pliya will continue to form robust partnerships with key stakeholders in the African energy industry while playing a key role in the signing of new deals and connecting European investors with African stakeholders. Taking place on June 1, 2023, the Invest in African Energy Forum in Paris (https://apo-opa.info/3KQXc64) is open to all guests and RSVP is essential. RSVP to registration@aecweek.com. Distributed by APO Group on behalf of African Energy Chamber. SOURCE African Energy Chamber Qaran News
  15. Madasha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shir mudda laba maalmood ah uga socday magaalada Garoowe. War-murtiyeedka laga soo saaray shirka siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland. Madasha ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland oo ay ku tilmaameen mid horseedi karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Madasha ayaa sidoo kale ku baaqday in la joojiyo wax ka beddelka Dastuurka Puntland islamarkaana waxay ku tilmaameen arrin laga lee yahay dano siyaasadeed oo gaar ah. Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya uga digay in aysan fara gelin arrimaha siyaasadda gudaha ee Puntland. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Puntland oo ku baaqay in la joojiyo doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
  16. At ACIBADEM, we understand that every heartbeat matters, especially when it's the heart of a child. We don't just treat heart conditions; we touch lives, change futures, and bring smiles back to families, with a proven track record of over 30 years, treatment of more than 15,000 patients, and a stellar success rate exceeding 95%. Source: Hiiraan Online
  17. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray. Waxa uu sheegay in ku guuleysiga aqlabiyadda Baarlamaanka ee xisbigiisa ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, islamarkaana ay aayahooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa. “Waxaan kusoo bixi doonnaa doorashada 28-ka May innagoo kordhinayna codadkii aan helnay 14-kii May, waxaana rajaynaynaa inaan gaarno guul taariikhi ah,” ayuu ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Waxa uu intaas sii raaciyay “Anigoo ah siyaasiga aan rabitaanka ummadda mooyaane aan wax kale aqoon, kana leexan dariiqii ummaddu ay dejisay, waxaan ixtiraamaya natiijada kasoo baxday sanduuqa codbixinta.” Erdogan ayaa helay doorashadii Axaddii in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod. Doorashada ku-celiska, oo ah tii ugu horreysay taariikhda Turkey, ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 28-ka May. Waxaa hoos u dhacay qiimaha lacagta Lira ee marka loo eego Dollar-ka iyo Euro, kadib markii maal-gashtayaasha Reer Galbeedka ay ka niyad-jabeen natiijada ayada oo ay u muuqato in Erdogan dib loo soo dooran doono. The post Erdogan: Waxaan gaari doona guul taariikhi ah doorashada wareega labaad appeared first on Caasimada Online.
  18. President Mohamud should blame himself if the public gives his anti-corruption pronouncements a cold shoulder. Mogadishu (Comment) — Today, 15/5/2023, President Hassan Sheikh Mohamud celebrated the first anniversary of his re-election. His campaign against corruption is strong on intentions but weak on how to deal with rampant corruption that caused a drop in tax revenues. President Mohamud should blame himself if the public gives his anti-corruption pronouncements a cold shoulder. In a recent town hall meeting in Mogadishu President Mohamud urged senior government officials not to be affected by accusations of nepotism. “My children and my nephews have rights as citizens” President Mohamud said apparently in response to accusations that he had appointed his daughter to senior foreign affairs advisory role. The appointment was published in the Official Gazette posted in the Auditor General’s website. President Mohamud has yet to commit himself to the public office ethos of never giving family members, siblings, in-laws, and close relatives an unfair advantage over other citizens. He allows conflict of interest to erode governance. Why should President Mohamud’s daughter have access to the Somalia Foreign Ministry files in her capacity as a Senior Foreign Adviser to the President of Somalia? The Official Bulletin published the appointment of Jihan, the President’s daughter, as a Senior Foreign Affairs Adviser. President Mohamud is following in the footsteps of President Mohamed Siyad Barre, who appointed his half-brother, Abdirahman Jama Barre, the Foreign Minister before 1980, and the Finance Minister after 1984. Conflict of interest compromises the political judgement of the President or any public official. If President Mohamud defends conflict of interest as a part of his program to fight corruption there is no doubt that the aim is to give corrupt officials a pretext to cover up their misdemeanours. President Mohamud wondered how a government official wearing a luxury watch managed to buy it for a salary 1/4 of the price of the watch? The clothes a government official wears or the car he/she drives does not give hints about possible misappropriation of public resources. If the President does not mind appointing his daughter to a higher government position in violation of the conflict of interest principle, then anti-corruption measures he declared on the Presidency Mosque will have become a lip service. The post President of Somalia and the Conflict of Interest in Public Office appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku dhawaaqay in dowladdiisa ay qaadan doonta toban kun (10,000) oo shaqaale rayid ah, kahor inta uusan dhamaan sanadkaan. Madaxweynaha oo magaalada Muqdisho uga qeyb-galay munaasabad ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha oo lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayuu ka shaaciyay in dowladdiisa ay shaqaale cusub qaadan doonto. “Dowladda mashruuc ayey waddaa oo shaqo abuurka dhallinyarada la yiraahdo, sanadka inta uusan dhammaan ayey bilaabanayaan. Dowladda 10 kun oo shaqo in ay abuurto ayaa u dagsan, Wasaaradda shaqada iyo dhallinyarada ayey la kaashaneysaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in mushkiladda ay hadda wajahayaan dhallinyarada ay tahay xirfad yari heyso, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed inay la yimaadaan xirfad, oo ay xoogga saaran. “Mushkiladda na haystaa waxa ay tahay dhallinyaradeena in badan oo ka mid ah ma shaqaaleesmi karaan, haddii shaqadii la abuuro xitaa ma shaqaaleesmi karaan, xirfadda aan baranno, oo xirfadda midda dhibka badan waa midda dadka dhisaya aan baranno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ku booriyey dhallinyarada Soomaaliyeed inay mideeyaan cududooda, codkooda iyo taladooda si ay door muhiim ah uga qaatan isbedelka dalka ee xoreynta, la-dagaalka musuq-maasuqa, hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo dhameystirka dastuurka dalka, iyaga oo soo bandhigaya siyaasad ay ku caddahay qorshaha fog ee dhallinyarada Soomaaliyeed. “Markii bulsho la hoggaaminayo heer kasta ay tahay waa siyaasad, siyaasadna la isma siiyo dhallinyaro, mana ku soo raadsaneyso mas’uuliyaddu ama xilka, sida xirfadaha kale ku soo raadsanayaan. sidaas darteed siyaasadda waa inaad doonataan, si aad u raadsataanna waa inaad abuubulan tihiin oo aad leedihiin hoggaan iyo nidaam aad ku wada shaqeysaan si aad u xaqiijisaan waxa aad rabtiin, markaas cid idin hor istaagi karto ma jirto.” Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qiyaaso in ay bulshada ka yihiin 75%, haddana waxay wajahayaan shaqo la’aan baahsan, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya aysan qaadan shaqaalo rayid shantii sano ee la soo dhaafay. The post Xasan oo shaaciyay in dowladda ‘ay qaadaneyso toban kun oo shaqaale’ appeared first on Caasimada Online.
  20. Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabsoomay shir ay soo aggaasintay Dowladda Federaalka Somalia, Machadka Tokiyo ee Horumarinta iyo Bankiga Adduunka, kaas oo looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta magaalooyinka waa weyn ee dalka, sida Muqdisho, Baydhabo, Garowe, Dhuusamareeb, Baladweyne iyo Kismaayo. Shirkan oo socon doono muda 4-cisho ah ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ka sovday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo uu ku matalayay shirka ka dhacay Natrobi. Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saari doona arrimo ay kamid yihiin Maamul wanaagga , adeegga aas, aasiga ah ee bulshada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Buundooyinka iyo Bulaacadaha, waxaana fulinta howshan mas’uuliyadeeda leh Mashruuca SURPII ( Nagaad) kaas oo wadajir ah uga socdo magaalooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Saxafiyada caanka ah ee Bushaaro Baanday, ayaa la xaqiijiyay in lagu xidhay Wajaale. Bushaaro ayaa la sheegay inay safar dhinaca dhulka ah kusoo gelaysay Somaliland si ay u booqato qoyskooda. Ciidamada Taliska Korneyl Biixi ayaa afduubay lamana garanayo meel loola kacay. Weli ma cadda sababta loo xidhay. Source