-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Millatariga dowladda Uganda ayaa qiray in ay Al-shabaab gacanta ku dhigtay askar ka tirsan Ciidankooda Nabad Ilaalinta ee ku sugan Soomaaliya. Af-hayeen u hadlay Millatariga Uganda oo lagu magacaabo, Felix Kulaigye ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab ay askar ka tirsan Ciidankooda ku qabsadeen weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Buulo Mareer. Af-hayeenka oo wax laga weydiiyay tirada askarta Ciidamada Uganda looga qabsaday weerarkii Buulo Mareer ayaa ka gaabsaday in uu xuso tiro cayiman waxaana uu sheegay in aanu rabin mala-awaal. Felix Kulaigye ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya u direen koox xaqiiqo raadin ah oo baaritaan ku samaysa dhacdadaas kadibna ay warbixinta rasmiga ah soo bandhigi doonaan. PUNTLAND POST The post Askar ka tirsan Ciidanka Uganda oo Al-shabaab ku qabsatay weerarkii Buulo Mareer appeared first on Puntland Post.
-
The Mogadishu Book Fair, an annual literary event that was launched in 2015, took place last week after a three-year break because of the COVID pandemic. The fair, meant to promote reading and Somali culture and heritage by bringing together literary creatives and young people, was held at the National Theatre of Somalia. Mohamed Sheikh Nor has more from Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta furay Kalfadhiga Seddexaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, isaga oo khudbad u jeediyay labada gole ee Baarlamaanka, waxaana uu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladaha dalka iyo doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa sheegay in lasoo maray waddo dheer, taasoo qaadatay waqti badan, waxa uuna Xildhibaannada Baaramaaka 11-aad ka dalbaday in ay la qaataan go’aannadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Qaran oo kusoo idlaaday magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyntii laga soo saaray Mar-murtiyeed. Madaxweyna khudbaddiisa waxa uu ku dul istaagay isbeddelka amniga caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in xildhibannadu ay kaalintooda qaataan soona saaraan sharciyo muhiim u ah taabogelinta amniga iyo xasiloonida caasimadda. Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyay ciidamada ammaanka. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhanka kale xusay in labada gole looga baahan yahay shaqo badan iyo ansixinta sharciyo cusub, kuwaasoo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaana uu guul ku tilmamay sharciyadii la meel mariyay Kalfadhigii labaad oo labada gole kasoo gudbay dhowr iyo toban sharci oo xukuumaddu gudbisay. Madaxweyne Xasam Shiikh Maxamuud ayaa ugu dambeyn dul istaagay hayaanka doorasho ee qof iyo cod ee lagu wado in dalka laga hirgeliyo, isaga oo tilmaamay in muhiim ay u tahay wadashaqeynta golayaasha dowladda si loo gaaro halka la hiigsanayo iyo dhaqan galinta go’aannadii kasoo baxay shirka Madasha Wadatashiga Qaran . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay sida ay uga go’an tahay horu-socodka dalka iyo ka dhabeynta. Lafta-gareen ayaa waxa uu xusay in tan iyo markii uu tallada dalka yimid madaxweyne Xasan in Golaha Wadatashiga Qaranka uu yeeshay kulamo gaaraya lix, “Markii hal sano loo qeybiyo laba bilood kasta mar ayaa la fariisanayay, waxaa meeshaas ka cad in madaxweyne Xasan iyo Golaha ay ka go’an tahay in dalkaan hore u socdo.” Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu ku tilmaamay go’aanadii kasoo baxayay kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka illaa kii u dambeeyay ee dhawaan heshiiska uu ka gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, ay yihiin kuwo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya, una hiilanayaan mustaqbalka soo socda ee dalka. “Go’aano muhiim ah oo loo baahna oo dowladnimada iyo dadka Soomaaliyeed ee shacabka u baahnaayeen maalin walba lagu gaaro, una baahan in la fuliyo, muhiimna ay u tahay dowlad dhiska Soomaaliya. Marka sida ay Madasha ku socoto iyo go’aanada dhaxal-galka ah aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay.” “Sida aaminsanahayna dadka Soomaaliyeed waa wixii ay sugayeen oo aheyd Soomaali mid ah oo wada-shaqeynaysa oo isla wada socota ay dalkeeda dhisato, sidaas darteed go’aanada la gaarayay lixdaas kalfadhi waxay ahaayeen go’aano dhaxal-gal ah oo midba kan kale ka muhiimsana, loona baahna.” Lafta-gareen ayaa waxa uu sheegay in go’aankii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka uu ahaa mid taariikhi ah oo ay maanta tahay maalintii ugu habooneyd ee la sameyn karay doorasho qof iyo cod ah, lana meel-marin lahaa qodobada kale ee war-murtiyeedkii habeen hore kusoo baxay. “Maalinba meel ayaa loo soo fadhiyay, maanta waa maalintii ay ugu habooneyd ee la sameyn karay loona dhaqaaqi karay, cid kasta oo niyada ka jecleyd iyo cid walba oo isku dayday guusheeda la gaari lahaa ayay ila tahay, iyada runtii aad ayaa ugu faraxsanahay, dadaalkeeda, fulinteeda iyo ku qancinteeda waajib na saaran weeyi dowlad, shacab iyo siyaasiyiinba.” The post Daawo: Lafta-gareen oo Xasan ku amaanay hal arin iyo ‘waxa uu ka yiri’ go’aanadii golaha appeared first on Caasimada Online.
-
Diinsoor (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ciidamada dowladda Ethiopia ee kamid ah howl-galka ATMIS ee ka howl-galla deegaanada Koonfur Galbeed iyo dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Dagaalkan oo geystay khasaaro kala duwan, ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerareen saldhiga ciidamada Ethiopia ee degmada Diinsoor, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday muddo saacad ku dhow, ayada oo si weyn loo maqlayay dhawaaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Ethiopia ay adeegsanayeen madaafiic cul-culus, kuwaasi oo si weyn looga dareemay degmada Diinsooriyo degaannada hoostaga, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Illaa hadda majiro cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, ayada oo ciidamada Ethiopia ee kamid ah howl-galka ATMIS ay dagaalka kadib sameeyeen howl-gallo baaritaano ah, wallow aan la sheegin dad ay kusoo qabteen. Degmada uu dagaalka ka dhacay ee Diinsoor ayaa la soo sheegaya in xaaladeedu degan tahay, waxaana halkaasi gacanta ku haya ciidamada Ethiopia, kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Si kastaba, Dagaalkan ayaa imanaya xilli dhawaan magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dagaalameen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS iyo dagaal-yahaano Al-Shabaab oo weerar ku qaaday, taasi oo markii dambe keentay in ciidamada Uganda ay isaga baxaan magaalada. The post Faah-faahinta dagaal xooggan oo ka dhacay DIINSOOR appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Wax badan Ka ogow sababta ka dambeysa Guusha Erdogan. Farriinta ugu culus ee aan ka qaatay doorashadii turkiga waxa weeye: Hadal dadku uma baahna ee shaqa la taaban karo oo lambarra leh bey rabaan. Erdogan sababta uu doorasha kasta 2002 – 2023 (16 jeer) ugu guulaysanayo wax yar oo ka mid ah aan kaaga sheego: 1) GDP turkiga (wax soo saarka dalka) 2002 wuxuu ahaa: $236 bilyan – hadda 2022 waa: $906 bilyan, trilyoon ayuu afka geliyey. 2) 2002 wuxuu ahaa dhaqaala 18aad adduunka ugu weyn, Hadda 2022: waa dhaqaalaha 11aad adduunka, UK, France ayuu ku xigaa. 3) Awoodda wax iibsi ee muwaadinka GDP/per capita – PPP, 2002: $10,988 Hadda 2022: $ 39,301 / nolosha dadka ka garankartaa. 4) Maal gashiga dibadda ka yimi: 1973-2002 (30 sano) $15 bilyan keliya, Hadda 2003-2022 (20 sano): $ 251 bilyan ayuu gaarey. 5) shirkadaha caalamiga ee dalka soo gala: 2002 wexey ahaayeen 5.6 kun Hadda: 2022 waa 79.6 kun shirkadood (immisaa dad ayaa ka shaqeeya bey kula tahay). 6) Wax dhoofinta : 2002 wexey ahayd: $36 bilyan, hadda 2022 wexey gaadhey: $254 bilyan. 7) Mashaariicda horumarin kama hadlin: Buundooyinka, Waddooyinka 20k oo KM oo dalka isku xira, garoomada Kan Istanbul ugu weynyahay, hubka iyo saanadda samaynteeda, deymihii sanduuqa lacagta oo bannaanka la mariyey ka dibna sanduuqa la deymiyey. Xigashada: Xafiiska Maalgashiga ee madaxtooyada turkiga. Qaran News
-
Xukumada Muuse Biixi ayaa xayiraad Saartay Account-nada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Sida ilo xogogaal ahi warbaahinta Madax banaan Qaarkeed u soo dusiyeen. Xukumada Muuse Biixi oo xayiraad Saartay Account-nada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa si adag uga horyimid war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka. War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxaa lagu cadeeyay in qaar kamid ah qodobada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen. “Sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in wax ka beddelka qoddobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu kasoo billowdaan hay’addaha u astaysan lagana tala-geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.” Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. “In iyadoo aan si qotodheer looga baaraan-degin wax ka beddelka siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hanaanka dowladnimada dalka, lagana qeyb-galin dhamaan qeybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.” Sheekh Shariif iyo madaxdaan xilalka duwan kasoo qabatay Soomaaliya ayaa waxa kale oo ay soo dhaweeyeen in dalka la gaarsiiyo hanaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, taasi oo ay aamisan yihiin inay tahay dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdood kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah, kuna dooran karaan dadka metela, taas oo xoojinaysa dowladnimada iyo dimuqraadiyadda. Ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen baarlamaanka JFS labadiisa Aqal inay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna dalka ka badbaadinayaan damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geedi socodka dowlad dhiska dalka. “In marka hore dowladdu ay mudnaan siiso dagaalka Al-Shabaab, tallaaba walba oo siyaasadeed oo culeys ku keeni kartana laga fogaado, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka Shabaab-ka laga xoreeyay,” ayey sidoo kale ku baaqeen. Waxaa bayaanka si wada-jir ah u soo saaray; Shariif Sheekh Axmed, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Xasan Cali Kheyre, Cabdiweli Shiikh Axmed, Cabdiweli Gaas, Shariif Xasan Sh. Aadan, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed. The post Shariif, Kheyre, Gaas, CC iyo madax kale oo ka horyimid heshiiskii golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
“Dagaalka ayay xoolihii umaddu ku dhamadeen, waxaana loo baahanyahay in batroolkii dhakhso loo qodo. Waa in Xood amma Bahadhamal si degdeg ah loo gu dhuftaa, si dakhli loo helo.” Waa Xildhibaan Guurti ah, Quule ayaa la yidhaahdaa. “Ciidanka waa in muqumadda iyo waxaas la ga daayo, oo milix iyo sonkor la isugu daro. Alaabtaas waxa la ga helaa ‘gubukoos’ – wuxu u jeedaa glucose.” Waa is la xildhibaanka hore uun ee batroolka qodaaya. “Wadanka dhaqaalihii baa xumaaday uun baa la is ka leeyahay, laakiin maaha sidaas. Somaliland lacagtu waa ‘kidh’ meel kasta, wax kastana debedda ayaynu ka keensanaa marka loo baahdo.” Fiiro gaar ah, ‘kidh’ waa hadal ciyaal micnihiisu yahay waxaasi wuu buuxaa. Waa Xildhibaan kale oo Guurti ah, magaciisa ma aqaan, laakiin naanystiisu waa Shaadh. “Walaalayaal, inaka ayaa nabadda ka shaqayn jirnay, dhamaanteen (hadii aynu Guurtida nahay) aynu Laascaanood wada tagno. Reer Sool waxan leeyahay qarankan idinka ayaa leh, idinka ayaa dhistay, nabadda qaata. Haa, nabadda qaata.” Waa xildhibaan kale oo Guurti ah, magaciisa ma aqaan. In uu hurdadii asxaabul Kaha foo kale ka soo kacay, oo wax dhacay iyo si xaal yahay ba aanu ka la ogayn buu u muuqdaa, keligii se ma aha. “Waar orod oo bax. Na ga bax oo reerkiinii iyo deegaankiinii tag, oo nabadda aad sheegayso ka soo fuli.” Saleebaan-gaal oo u jawaabaaya xubin golaha ka mid ah oo gobolka Sool ka soo jeeda. “Arrinta Laascaanood maxaad ka odhanaysaa?”, Wariye. Iyo, “Oo arrinta Laascaanood maxaa iga galay? Waar orod na ga tag.” Saleebaan-gaal. Hadalada kuwaas ahi ma aha wax meel gaar ah iyo qol madow la isugu sheegay. Waa hadalo si public ah golaha Guurtida loo ga sheegay, amaba saxaafadda la gu la hadlay. Waxa sidaas oo kale ah, dadka noocaas ah, caqliyadda taas ah, maxaa la gu sheegi karaa? Jiilasha soo socdaa marka ay waxaas daawadaan, maxay qiyaastii ku tilmaami doonaan? Waxay doonaan ba ha ku tilmaameen ee manta uun yaa u sheega in aanay hadlin, oo weliba duco na loo gu daro. Waar yaa Ilaahay yaqaan. Ma waxaas baa aniga i matala oo afkayga ku hadlaaya??? Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo saaary ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii xubnaha Golaha Wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho. Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ayaa taageeray heshiiskan oo dhigaya in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, sidoo kalena uu yeeshay madaxweyne iyo ku xigeen. Qoraalkiisa ayaa Farmaaho waxa uu ku sheegay inuu soo dhaweeynayo dhammaan go’aanadii kasoo baxay shirka, gaar ahaan arrimaha quseeya doorashooyinka. “Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Farmaajo. Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugayeen in codkooda kusoo doortaan madaxda ay rabaan, taas oo ah fursad kale oo muhiim ah. “Muddo dheer ayaa shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu yiri Dhanka kale madaxweyne hore Farmaajo ayaa xusay in qodobada soo baxay ay taabanayaan dastuurka, sidaas darteedna loo baahan yahay in la sameeyo wadatashi qaran, maadaama go’aanadan ay saameynayaan nidaamkii hore ee dalka ka jiray. “Sida ku cad qodobada lifaaqa Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran waxaa uu xambaarsan yahay qodobbo masiiri ah oo si toos ah u taabanaya qodobbo dastuuri ah, waxna ka beddelaya haykalka ama qaab-dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaa lagama maar-maan ah nidaam kasta oo loo guurayo in uu noqdo mid looga heshiiyo wadatashi heer qaran ah (WADAR-OGGOL)” ayuu fariinta kusoo gabagabeeyay Farmajo. Farmaajo ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee soo dhoweeya heshiiskii siyaasadeed ee ay gaaren Golaha Wadatashiga Qaranka oo dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho. Si kastaba, dad ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa rumeysan in Maxamed Farmaajo uu rabitaankiisa iyo fursad kale uu ka dhex arkay heshiiska, maadaama la sheego inuu yahay mid kamid ah madaxweynayaashii soo maray ee waddan ee haddan ugu shacbiyada badan. The post FARMAAJO oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan heshiiskii Golaha Wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Awad: ”Somalia is drifting towards authoritarianism and concentration of powers in one person.” Mogadishu (PP News Desk) — Ahmed Isse Awad, the former Foreign Minister of Somalia, has called out the unconstitutional modalities agreed by the Somali National Consultative Council to adopt a presidential system and impose only two political parties on Somalia, among other hastily publicised intentions. “With already weak state Institutions and the absence of proper check and balances, Somalia is drifting towards authoritarianism and concentration of powers in one person at Federal and State levels by the last decision of the NCC. It is dangerous and it is anti-democratic” tweeted Ahmed. With already weak state Institutions and the absence of proper check and balances, Somalia is drifting towards authoritarianism and concentration of powers in one person at Federal and State levels by the last decision of the NCC. It is dangerous and it is anti-democratic. — Ahmed Awad (@AhmedAwadSO) May 29, 2023 A key member of Puntland Political Forum and presidential candidate for Puntland 2024 elections, Awad views the proposals that Villa Somalia intends to push through the rubber stamp bicameral legislature as a politically destabilising plot with the potential to undermine the gradual state-building, bottom up approach pioneered by Puntland State of Somalia. © Puntland Post, 2023 The post Former Somalia Foreign Minister Calls Out New “Authoritarianism” of Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u difaacay heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho, kaas oo dood xoogan dhaliyay. Axmed Madoobe oo ka qayb-galay casho sharaf loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si faah faahsan uga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii maalmahaanba u socday ee ay dhowaan ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qaateen go’aan geesinimo leh, isla-markaana talada ay dib ugu soo celiyeen gacanta dadweynaha Soomaaliyeed. “War geesinimo ka badan ma garaneysaan? nimankii lagu tuhunsanayaa in iyaga ay gacanta ku heysaan oo waxay rabaan lasoo baxaan inay yiraahdaan dadweynow idinkaa talada idin kusoo celinay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa kale oo uu raaciyay “Qof kastaa oo maanta Coment-bixinayay waa kii shalay lahaa kaligii taliye ayaa meesha ka jira, Axmed Madoobe wuu iska fadhiyaa liis-buu iska soo qoran wuxuu rabuu sameynayaa, maantana wuxuu rabaa talada inuu gacanta ka bixiyo”. Madaxweyne Axmed Madoobe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dadka dhaliilaya heshiiskooda looga baayahan inay dadweynaha u caddeeyaan ciladaha uu leeyahay. “Cidda dood qabtaa bal inta ay dadweynaha si furan usoo hor istaagto ha tiraahdo ciladdaa kow, labo, saddex iyo afar ayaa ii muuqaneysa” ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tareenka uu dhaqaaqay, isla-markaana aysan jirin karin cid hor istaagi karta, sida uu ku dooday madaxweynaha maamulka Jubbaland. “Qof kastaa oo isku daya inuu hor istaago ma kari karayo hadda, sababtoo ah dadkii hadda way dhaqaaqeen tareenkiina wuu soconayaa, taladiina gacantii shacabka ayey ku wareegeysaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). The post Axmed Madoobe: Tareenka wuu soconayaa, cid hor istaagi kartana ma jirto appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne Ordagan, waxaa mar kale u suurtogashay in uu ku guuleysto, Jagada madaxweynenimada dalka Turkiga. Taas oo uu hore haaneedkeeda u hayey (20) labaatan gu’u oo gaw ah (2003-2023). Madaxweyne Ordagan, wuxuu ku guuleystay in ka badan toban doorasho oo is daba joog ah, taas oo aan hore uga dhicin sooyaalka taariikhda siyaasadda Turkiga. Tan iyo intii la aasaasay jamhuuriyadda cusub ee Turkiga, ee maanta jiritaankeedu baarka ka jaray halka qarni ee buuxa (1923-2023). Madaxweyne Ordagan, inkasta oo waqtiyadan danbe aad loo dhaliilo, isla markaana uu yeeshay col iyo cadaw badan, oo caasha isu saaray in ay ciilaan, ama mar uun ay cadaysimo ka dhigaan. Haddana, waxaan caad iyo ciiro midna ku daahneyn, in uu yahay hogaamiye leh hami waxqabad iyo himilo fog (visionary Leader). Kaas oo u horseeday dadkiisa, hodantinimo iyo horumar balaadhan, oo sabab u noqday in ay ka samatabaxaan, saboolnimadii iyo safkii dunida sadexaad, ee ay sabadeeda yuurureen sagaashanka sanadood. Siyaasaddu waa hadhkaa labadiisa gelin, oo mar waa kufiso, marna waa kibriso. Sidaa darteed, doorkan Ordagan wuxuu ku badbaaday dirqi iyo tu xun. Wuxuuna ku sigtay in ay doontiisa dejiyaan, daadadka iyo duufaanada doc walba kaga soo fatahay. Isku soo duuboo, marka aan soo ururiyo nuxurka abaarta dulucdeena, madaxweyne Ordagan, waxaa maanta la baxsaday bisaylka siyaasadeed ee bulshadiisa, basarka uu u beerlaxawsaday bah-weynta dalkiisa, baylahda iyo bartiraynta badan ee ka soo baxday ragii ay beratamayeen, iyo isaga oo aan beenayn ee fuliyey dhamaan ballamihii uu qaaday, Xilligii uu ku jirey ololihii doorashadii 2018-kii. Arrimahaasi, waa kuwa bud-dhiga u ah, waxyaalaha belaayo xijaabka uga noqday Ordagan, billaawihii lala beegsanayey. Dhacdadani waxay sida dharaarta u caddaysay, in madaxweyne Ordagan uu weli leeyahay taageerayaal dhumuc leh. Kuwaas oo dhab ka dhigay in uu yahay hogaamiye ku jiifa dhab libaax, kaas oo aanay dhigiisu dhayal, dhiniciisa dhulka u dhigi karin. Allahayoow, ummadayada ka dhig kuwo wax ku doorta aqoon iyo aragti. Balse, aan wax ku dooran anfac, aduun, eex, iyo ab iyo isir. Gun iyo gebo-gebo, guusha madaxweyne Ordagan, waxay goblan iyo guri-tir ka dhigtay, gaashaan buurtii uu ka dhaxeeyey guluf weerarku. Kuwaas oo guudka u fidhanayey, in ay goor aan fogayn ku geeraari doonaan (waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jirey, ee bal dayaay wadaadkii waa kaa sii dabayshaday). Foosha siyaasaddu waxay leedahay filan-waa, iyo fajicisooyin farabadan. Hasayeeshee, waxaa markhaati ma doon noqotay, in madaxweyne Ordagan uu faraskiisu fayga la baxay, oo uu hadda farxad iyo foodhi geeraar ku jiro. Isagoo fal-celin iyo fariin dadban ku leh, ”Baay baay Kamaaloow”, (Dalka waan aqaano, bahal iga da’a weynoo, dad cun ahi ma joogee, ma didee hargoolow, ha igu tumin durbaanada, iyo daasadaha madhan). Hambalyo madaxweyne Ordagan Hambalyo shacbi weynaha Turkiga. W/Q Maxamuud Xaashi Cabdi Source
-
Rejeb Dayyib Erdogan ayaa xilka madaxweynaha Dalka Turkiga ku guulaystay markii saddexaad ka dib markii uu helay aqlabiyadda codadkii maanta la dhiibtay. Erdogan oo laba mar oo hore ku soo guulaystay madaxweynaha Turkiga ayaa hadda doorashadan ku hoggaaminaya 52.9. Halka musharraxii la tartamayayey ee Kamaal Kilicdaroglu uu helay 47.1%. Source
-
Muxuu R/W Xamza ka yiri qorshaha lagu baabi’inayo xilkiisa?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo ku aadan heshiiskii uu qaybta ka ahaa ee ay gaareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo meesha looga saaray xilka ra’iisul wasaaraha, ayada oo Soomaaliya ay markii ugu horreysay yeelaneyso madaxweyne iyo ku xigeen. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa si weyn u taageeray qorshahan oo lagu baabi’inayo xilkiisa, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo ka Xamza ahaan. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka oo yeesho madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, sida uu hadalka u hadalka u dhigay. Xamxa ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay Mareykanka oo ah dal federaalka, sidoo kalena leh madaxweyne & madaxweyne ku xigeen, uuna ugu horreeya dhanka dimuquraadiyadda. “Qaar waxay dheheen federaalkiibaa burburay oo madaxweyne iyo ku xigeen ayaa la sameynayaa oo ra’iisul wasaare iyo waxaas waa la tuurayaa marka federaalkiibaa baaba’ay marka muu Mareykan ka baaba’o. Haddii madaxda midka ay u arkeen Soomaaliya inay ku haboon yahay qaateen muxuu yahay dambiga ay galeen?” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo uu sii raaciyay in arrintan iyo federaaliisamka aysan wax shaqo ah isku laheyn, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.. “Wax federaaliisam la yiraahdo oo shaqo ku leh waxaan maba jirto, isku shaqo maba aha” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ugu baaqay in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan. “Doodu inay noqot dood akadeemig ah oo siyaasi ah oo dadka loo sheegi karo oo la’is horfariisto ayaa fiican,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doodo xoogan ay ka dhasheen heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo lagu go’aamiyay doorasho qof iyo cod ah iyo wax ka beddal lagu sameeyay nidaamka dowliga. The post Muxuu R/W Xamza ka yiri qorshaha lagu baabi’inayo xilkiisa? appeared first on Caasimada Online. -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood. Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya. ,Isimada Dhaqanka ayaa dhankoodaMadaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii Xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka tirsan Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Isimada ka dhegaystay Aragtidooda ku aaddan Xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool. ” Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool ” ayaa lagu yiri Qoraalka Villa Somalia. Qoraalka ayaa intaas sii raaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato dagaalka Laascaanood si loo joojiyo dhiigga qulqulaya. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Isimada Dhaqanka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilsay qaar kamid ah isimada dhaqanka ee gobollada SSC oo shalay soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Madaxweynaha ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Inta uu kulanka uu socday madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa markale adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Laascaanood kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waaa ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya” ayuu yiri. Dhinaca kale Isimada SSC ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii xukuumadda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Ceyn. Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka. Dhaq-dhaqaaqan Muqdisho ku billowday ee ku aadan arrinta Laascaanood ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay istaageen dagaalladii ka socday magaaladaasi. Arrintan ayaa uga sii dari karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneysa dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan u jeedisay xukuumadda Muqdisho. The post Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Xasan iyo hoggaanka SSC? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
