Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dalbaday in Somaliland ay ka soo qeyb-gasho wadahadallada madaxda Soomaalida ee golaha wadatashiga qaranka, si ay kaalin ugu yeelato go’aanada la gaarayo. Madaxweyne Saciid Deni oo ka jawaabayey wareysi uu BBC-da siiyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisu uu sii dhamaanayo ayaa taageeray sida ay safiirku uga hadlay khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland iyo arrinta Somaliland. Safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka Larry André ayaa wareysigaas ku soo jeediyey in Somaliland ay ka soo qeyb gasho wadahadallada dowlad-dhiska ku saleysan ee madaxda Soomaalida, waxaana soo jeedintaas taageeray madaxweynaha Puntland. Saciid Dani ayaa yiri, “Waxa aan rabaa marka hore in aan soo dhoweeyo wareysi uu bixiyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ee hadda la baddalay, mar uu ka hadlayay golaha wadatashiga iyo in arrimaha taagan ee Soomaaliya in laga wada-tashado, oo uu ugu baaqay Somaliland in ay qayb ka ahaato oo ay timaado miiska.” Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Anagu waxaan leenahay haddii la rabo in laga baxo 30 sano xasilooni la’aanta jirta, waxaan ugu baaqayaa Soomaalida oo wadajirta in ay meel isugu imaato oo Somaliland ay ku jirto, oo si dhab ah loo wada-hadlo oo laga wada hadlo maxaa dalkaan dan u ah.” Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wax kasta oo lagu heshiiyo iyadoo la kala maqan yahay aysan mira dhali doonin, sida uu hadalka u dhigay. “Inta la kala maqanyahay wixii lasoo saaro waa wax aan miro dhal ahayn, mowqifka Puntland horay ayaan caddeynay dastuurka ayey ku dhigantahay, waxa aan dooneyno waa dal Soomaaliyeed oo wadajira oo heshiis ah oo dimoqoraadi ah oo federaal ku saleysan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka ayaa wareysiga uu bixiyey ku yiri, “Waxaa aad loogu baahi qabaa in Soomaaliya ay go’aan ka gaarto kala cadeynta awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, taasi waxay ku imaan kartaa in la wadahadlo, waan jeclaan lahaa in Somaliland ay soo buuxiso kursiga uga banaan golaha wadatashiga qaranka.” Mar uu ka hadlay khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe wuxuu yiri, “Puntland waa maamul si hagaagsan u dhisan oo sanado badan Soomaaliya ka jiray, door-weyn ayey Puntland ka qaadan kartaa dowlad-dhiska Soomaaliya oo waa u muhiim in lagu metelo madasha wadatashiga qaran.” Danjire Larry André wuxuu intaas ku sii daray in Puntland ay wax un tirsaneyso, balse uu ugu yaraan laba jeer ka dalbaday inay u sheegto waxa ay ka qabaan arrimaha waaweyn oo golaha wadatashiga qaran ay ka doodayaan. “Ugu yaraan laba jeer ayaan Deni weydiiyey waxa uu qabo, balse wax jawaab ah maanan ka helin, Puntland loogama maarmi karo dhismaha qaranka Soomaaliya, waa inay miiska la yimaadaan tabashada ay qabaan, taani waxay dhiira-gelinaysaa kala cadeynta awoodaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah,” ayuu yiri safiirka waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka. The post Saciid Deni oo dalbaday in Somaliland ay ka qeyb-gasho shirarka golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  2. Khartoum (Caasimada Online) – Isku dhacyo xooggan ayaa laga maqlayay caasimadda Suudaan goor dambe oo Talaadii aheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ka dib markii kooxaha millatari ee dagaallamayay in ka badan lix toddobaad ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabbad-joojinta looga golleeyahay in gargaarka loo oggolaado dadka rayidka ah. Ciidanka iyo Xoogaga Taageerada Degdega ah ee (RSF) ayaa ku heshiiyey in lagu kordhiyo heshiiska xabbad-joojinta ee todobaadka ah shan maalmood ka hor inta uusan dhicin goor dambe oo Isniin ah. Xabbad-joojintan ayaa ahayd mid dhexdhexaadin ah, waxaana si fog isha ugu haya Sucuudiga iyo Maraykanka oo sheegay in labada dhinacba ay ku xad-gudbeen, balse weli loo oggolaaday in gargaar la gaarsiiyo dad lagu qiyaasay 2 milyan oo qof. Saacado ka hor inta aan la saxiixin kordhinta xabbad-joojinta, dadka deegaanka ayaa soo sheegay dagaal xooggan oo ka dhacay dhammaan saddexda magaalo ee isku xiga ee ka kooban caasimadda weyn ee Suudaan ee ku xeeran halka ay ku kulmaan webiga Niil – Khartoum, Omdurman iyo Bahri. Iska horimaadyada ayaa goor dambe oo Talaadadii ah dib uga soo cusboonaaday duleedka magaalooyinka. VOA + Reuters. The post Dagaallo culus oo mar kale ka qarxay dalka SUDAN appeared first on Caasimada Online.
  3. Dr Mohamed Abdi Gaboose. Inader Adna urur baad rabta Inaad hadda Xisbi ka dhigto. Musharax Cirona doorashadda qudha ee Madaxweynaha ee Xeerkeedda komishanku hayo ee diyaarka yahey. Ayuu rabaa iniu kursi Madaxweyne ugu tartarmo. Kuna noqdo Madaxweynaha Muuse bedela. Xisbi dambe oo hadda lasoo aas aaso, hadaanu degaanka nahey iyo hadaanu nahey shacabka isbedel doonka ee Somaliland ma rabno. Markaan si degaanka eynu wadaagno kula hadlo. Markeynu qaranimo nimaadno xisbi kheyriyadda taagan oo Madaxtoyadda u muuqto ayaanu hadaanu degaankaga nahey waddan Somaliland inta isbedelka doonka ahina nala-wadaa oo Soomaliland 89% Shacabkeeda ah. Markaa AHN ma Heestii Saaco Cali baad noo qaadeysa ee aheyd. ALBAQRA MARKAAN MARAYO AYAAD ALIF JOOGSATA. Waad mahadsan tahey inaad han leeyahey ama damac siyaasaddeed kugu jiro. Balse maanta maalintaadi maaha. Isbedel doonka Shacabka Somaliland waxey rabaan doorasho Madaxweyne. Ma rabaan Buul hunguriga Muuse soo dhisey ee uu rabo inuu 5 sano dambe ku sii fadhiyo. Aan ku duceyne. Shacabkeena Aqoontaada u baahan inoo dawee. Qaran News
  4. Members of Puntland Political Forum meeting in Garoowe two weeks ago. Mogadishu (PP News Desk) — Two days of the Somali National Consultative Council issued a statement in which its members granted themselves sweeping powers to make changes to the constitutional order, Puntland Political Forum has issued a statement in which it categorically denounced the unconstitutional decision that has the potential to lead to the disintegration of federal institutions. “The Puntland Political Forum considers the National Consultative Council (NCC) statement dated May 27, 2023 to be dangerous, and believes it may lead to dictatorship and further destruction. This decision is hasty, and violates the constitution and decision-making procedures whereby political agreement is reached by consensus” reads the statement. The Forum emphasised the need the obligation to abide by the draft constitution and the political agreements based on consensus that provided a strong foundation for rebuilding transitional and post-transition institutions in Somalia. The Forum’s statement warned against political uncertainty into which Somalia can slip one year after the election of President Hassan Sheikh Mohamud. The Forum called on the bicameral legislature “not to endorse any political agreement” that has not come about through a broad consensus. “The Forum calls on politicians, academics, traditional elders, and the Somali people in general to work towards a peaceful and inclusive Somalia, while addressing the flaws in the Constitution at the federal and regional levels in order to maintain good governance and the unity of the Somali nation” the statement added. © Puntland Post, 2023 The post Puntland Political Forum Denounces Authoritarian Turn in Somalia appeared first on Puntland Post.
  5. Baraawe (Caasimada Online) – Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baraawe ku soo bandhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab. Raggaan ayaa lagu soo qabtay howlgal qorsheysan, iyagoo sida la sheegay maleegay qorshaha howlgallo culus oo ay ka fuli rabeen magaalada Baraawe. Magaaladaas waxaa ku sugan guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in ragga la qabtay ee ka tirsan Al-Shabaab ay ku howlanaayeen qorsheynta weerarro culus, balse laga hor tegay. Sarkaal lagu magacaabo Cumar Cabdi oo hoggaaminayey howlgalka lagu soo qabtay raggaan Shabaabka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xooraan dheer kadib ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan 3-da nin ee Shabaab-ka ah. Warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigtay muuqaal laga soo duubay seddaxda nin ee lagu soo qabtay howlgalkaas oo indhaha ka xiran. Howlgalka lagu soo qabtay raggaan ayaa saameeyey dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay magaalada Baraawe, waxayna saraakiishu sheegeen inay ku guuleysteen inay soo wada qabtaan raggii la helay xogtooda ee dhagarta maleegayey. Si gaar ah waxaa la shaaciyey in xogta soo qabashada raggaan ay ka dambeeyeen ciidanka aan muuqan ee dharcadda NISA, kuwaas oo door muhiim ah ku leh sugidda amniga magaalooyinka muhiimka ah ee dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda xoogga saareysa inay ka hor tagto weerarrada ka imaanaya Al-Shabaab, iyadoo la xoojinayo dhanka sirdoonka, waxaana mudooyinkii dambe sidaan oo kale loo fashiliyey weerarro dhowr ah. The post Daawo: Rag weerar ka qorsheeyey halka ay joogaan A/Madoobe iyo Laftagareen oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
  6. Mesagawaay (Caasimada Online) – Dagaallo qaraar ayaa ka dhacay magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud, kadib markii Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore weerar ku qaadeen ciidanka dowladda eek u sugan magaaladaas. Laba sarkaal oo dhinaca amniga ah ayaa warbaahinta u sheegay in maanta kooxda Al-Shabaab ay soo galeen magaalada, kadibna ay xerada ciidanka ka qaateen gaadiid dagaal. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa VOA u sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka horyimaadeen ciidamo kasoo gurmaday magaalada Ceeldheer, kuwaas oo dagaal xooggan la galay, waxaana ciidankaasi ay ku guulaysteen inay Al-Shabaab kala wareegaan hubkii iyo baabuurtii ay ka qaateen saldhigga Mesagawaay, sida uu sarkaalkaasi sheegay. Tobannaan askari ayaa la sheegay in dagaalkii maanta ay labada dhinac uga dhinteen. Dawladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ciidamada qaranka ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladdu ay sii ogaayeen weerarka ay damacsanaayeen Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayna qabsadeen saddex baabuur oo ay adeegsanayeen Al-Shabaab. Dawladdu waxay sheegtay saddex ka tirsan ciidamada qaranka ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Dhinaca kale, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Masagawaay iyo weerar kale oo dhabba-gal ah oo ay u gaysteen ciidamo gurmad ah oo ka yimid dhinaca Ceeldheer ay ku dileen 73 ka tirsan ciidamada dawladda. Wararka ku saabsan dhimashada labada dhinac ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin weli. Dadka degaanka ku sugan ayaa xaqiijiyey iska horimaad culus uu ka dhacay magaalada kadib weerar ay al-Shabaab soo qaadeen. Isha: VOA The post Xogta dagaalkii Masagawaay iyo sida ay wax u dhaceen appeared first on Caasimada Online.
  7. Edmonton (HOL) - The New Democratic Party's Sharif Haji clinched a historic victory on Tuesday in Alberta's provincial election, becoming the first Somali-Canadian elected to Alberta's Parliament. In a closely-watched contest, Haji outperformed fellow Somali-Canadian Sayid Ahmed, a Conservative candidate, winning the Edmonton-Decore seat with 52.5% of the votes. Source: Hiiraan Online
  8. ⁹”Hadda ayaan ogaannay in aan Soomaaliya u dirnay cunto-kariyeyaal iyo waardiyeyaal oo aan askar ka dhignay si aan lacago u helno”.”Hadda ayaan ogaannay in aan Soomaaliya u dirnay cunto-kariyeyaal iyo waardiyeyaal oo aan askar ka dhignay si aan lacago u helno” Madaxweynaha Uganda Museveni Qaran News
  9. Magaalada Berbera oo caawa mugdi ah ka dib markii Korantada laga jaray , Xili cimilada magaaladu aad u kulushahay.Magaalada Berbera oo caawa mugdi ah ka dib markii Korantada laga jaray Xili cimilada magaaladu aad u kulushahay . Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Onlilne) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Nithavrianakis. Wasiirka iyo Safiirka ayaa is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriiska. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale si diiran u soo dhaweeyay Danjire Michael oo dhawaan loo soo magacaabay hoggaaminta safaaradda UK ee Muqdisho. Dowladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera soo kabashada dowladnimada Soomaaliya. Dhinacyada ay UK ka taageerto Soomaaliya waxaa ka mid ah dhanka dhismaha ciidamada qaranka, waxayna UK mid ka mid ah saldhigyada lagu tababaro ciidamada Soomaaliya ku leedahay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay. Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta kooxda Al-Shabaab, ayaa caalamka si joogto ah uga dalbata gaageero dhanka howlgallada ah. Dowladda Ingiriiska ayaa safka hore uga jirta dowladaha Soomaaliya ka taageera dagaalka kooxda Al-Shabaab, dhismaha ciidamada qaranka iyo dhinacyada hormarka bulshada. Mr. Michael Nithavrianakis ayaa dhawaan loo soo magacaabay danjiraha cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya. Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa danjiraha ka dalbaday inuu dardar geliyo taageerada ay UK siiso Soomaaliya. The post Sawirro: DF Soomaaliya oo dalab cusub u gudbisay dowladda Britain appeared first on Caasimada Online.
  11. Cape Town - The shopkeeper accused of shooting a teen Parkwood soccer player over a lighter has made his first appearance in the Wynberg Magistrate’s Court. Source: Hiiraan Online
  12. With just one question, nurses can play a key part in uncovering and ending a horrific form of abuse affecting women and girls across the world. This is the message from campaigners who have issued a direct appeal for nurses’ help in their fight against female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
  13. Health care providers in Kenya's Dadaab refugee camp say an ongoing cholera outbreak is becoming a looming catastrophe. Doctors Without Borders has described the six-month-long cholera outbreak as the worst yet, amid an influx of new refugees from Somalia. Source: Hiiraan Online
  14. Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Axmed Firin iyo wafdi saraakiil Boliis ah oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa xafiiskiisa ku booqday taliyaha ciidanka Boliiska Federaalka ah ee dalka Itoobiya Mr Damlesh Gabremechael Woldeyes. Booqashadaan ayaa u jeedadu aheyd iskaashiga Boliiska dowladaha geeska Afrika gaar ahaan Boliiska dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti, iskaashigaan ayaa ku saabsanaandoona dhinacyada la dagaalanka Argagixisad iyo dambiyada abaabulan ee xaduudaha isaga gudba. Talaabadaan ayaa waxbadan ka taridoonta isdhafsiga xogaha iyo warbixinada Aammaanka gobolka Geeska Afrika. Maadaama, argagixisada ay ku jiraan xubno ka soo hayaamay gobolka iyo dowlado kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane, İbrahim Mete Yağlı, uguna hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi karin kaalinta ay Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin Dawlad-dhiska iyo horumarinta Dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaasna u rajeeyay shacabka iyo Dawladda Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda. Danjie İbrahim Mete Yağlı, ayaa ugu mahadceliyay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir dareenka walaaltanimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, asigoona sheegay in talaabadaasi ay ka turjumeyso xariirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Turkiga. Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjire, Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dar-dargelinta Mataaneynta Muqdisho iyo Magaalooyinka dalka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Suspects wanted in connection with the brutal murder of a young man in the city centre are believed to have fled the country. Source: Hiiraan Online
  17. Somalia's political landscape is nothing short of complex. With a delicate mix of deeply rooted clan structures and emerging democratic aspirations, crafting an appropriate electoral system is challenging. Some suggest the Proportional Representation (PR) – Closed List system, where voters select a party rather than an individual candidate. On paper, it sounds like a reasonable approach. But for Somalia, it might create more problems than solutions, resulting in a consolidation of power by the larger clans at the expense of smaller ones. Source: Hiiraan Online
  18. Baraawe (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha dekedda magaalada Baraawe. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maal-gashtaan deegaannadooda, gaar ka ahaan dadka ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale waxa uu xusay hadii dadka deegaanka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe maal-gashtaan, ayna ka shaqeeyaan amniga waxay wax badan ka tari doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka. Dhinaca kale, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo maanta gaaray magaalada Baraawe ayaa waxaa xarunta degmada loogu sameeyay kulan soo dhoweyn. Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiyaha uga mahad-celiyay booqashada uu ku yimid magaalada Baraawe, islamarkaana imaanshihiisa ay ku faraxsan yihiin Bulshada deegaanka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed gaar ahaan caasimadda ku amanay nabad jaceylka iyo sida ay u daneeynayaan horumarinta deegaankooda. Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan yihiin sidii gacan looga geeysan lahaa mashaariicda ka socota dalka, Baraawe-na ay noqoto caasimadda rasmiga ah ay ku shaqeyn doonaan maamulka Koonfur Galbeed. The post Sawirro: Dekedda BARAAWE oo la dhagax dhigay iyo qorshaha xigga appeared first on Caasimada Online.
  19. Madaxweynaha Dowladda Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Dekadda Boosaaso oo Dhismihii iyo Horumarintii lagu balaarinayay ay meel wanaagsan marayso, Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo wuxuuna Warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Dekadaha iyo Shirkadda dhismaha Dekadda gacanta ku haysa ee DP WORLD. Dekadda ayaa lagu daraya 450m, oo Jenbiga koowaad yahay 150m dhererka, Halka balaca uu yahay 30m, shaqada jenbiga koowaad ayaa Hada la qabtay 70%. Waxaa shaqada laga qabanayo Dekadda ka mid ah in dayactir lagu sameeyo 215m oo ka mid ah Dekadii hore. Sidoo kale waxaa Dekadda loo sameyn doonaa Qeybta Kunteenarada oo ah 4000 miter, qaboojiyaha Dekadda , Waddo gelid iyo Bixid ah iyo dhisme Dabaq ah oo guri saddex dabaq ah oo dhammaan hayadaha Dowladda ay kuwada shaqeyn doonaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Markii uu Xafiiska yimi bilowgiiba dib-u-eegay heshiiskii isaga ka horeeyay Dekadda Boosaaso Shirkadda P&O Ports, si loo dhaqaajiyo dhismaha Dekadda iyo horumarinteedana waxaa lagula heshiiyay Shirkadda DP World, Iyadoo Madaxweynuhu dhaggax dhigay Wejiga koowaad ee balaarinta iyo Horumarinta Dekadda 24 January 2023. Tallaabadan ayaa Hadda ah mid miro dhashay oo shaqadii Dekadda bilowmatay, ayna u socoto siwanaagsan oo ku suntan waxqabad muuqda, waana mid ay siweyn u boggaadiyeen Bulshada Gobolka Bari iyo Guud ahaan Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo warbixin laga siiyay halka uu marayo dhismaha dekedda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya, ciidanka ayaa mar haystay xukunka muddo 21 sano ah. Laakiin dib u curashada Jamhuuriyaddii saddexaad ee Soomaaliya waxaa aad looga foojigna in askartu siyaasadda ku dhex-milanto. Nidaamkii dhawaan awoodda laga wareejiyay ee madaxweyne Farmaajo ayaase u muuqday inuu dib u qaabeynayay inay ciidanku markale xeyndaabka siyaasadda kusoo laabtan. Intii uu xukunka hayay madaxweyne Farmaajo, ciidanku waxay fuliyeen weeraro siyaasadeed oo dhimasho sababay, madax maamul-goboleed ayay xukuno u boobeen, xildhibaano ayay soo noqdeen, sidoo kalena hanti xooggan ayay si musuq lagu sheegay ku heleen oo ay qaarkood dabaqyo kaga jeexdeen caasimadda. Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda hoggaaminaya Soomaaliya wuxuu dhowr jeer isaga oo mucaarad ah ku baaqay inay ciidanka ka dhex baxaan loolanka siyaasadda, oo ay diirada saaran amaanka dalka iyo dagaalka Al-Shabaab, laakiin lagama qaadan talladaas. Sanad kadib markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Xasan Sheekh ciidanku waxay maanta intooda badan joogaan furimaha dagaalka, qaarna caasimadda ayay ku guuleysteen inay ka dhigaan mid amni ah oo ka wanaagsan sidii hore. Kama hadli karaan siyaasad, muddadaasi sanadka ahna ciidanku kama geysan wax duulaan siyaasadeed ah maamul-goboleedyada iyo federaalka intaba. Inkasta oo xilliyada ay ciidanka badi siyaasadda ku milmaan ay tahay waqtiyada doorashooyinka, haddana madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in dib u habeynta ay ciidanka ku sameeyeen iyo inay siyaasadda ka saareen ay dhaxal-siisay guullo waaweyn oo dhanka amniga ah. “Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda, oo sanadka aan joognay aysan dhicin. Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-Shabaab. Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2-aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii ALLE idmo.” “Khawaarijta Al-Shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-Shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib Diini ah oo saaran qof kasta oo Muslim ah oo Soomaali ah.” The post Hal sano kadib maxaa iska beddelay ciidankii dowladda ee weerari jiray siyaasiyiinta? appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - Somali government killed at least 30 al Shabab militants in a foiled attack on a military base in central Somalia on Tuesday morning, the government said. Source: Hiiraan Online
  22. Coldoon, oo kitaab Qur’aan ah sita ayaa gaadhay degaanka Bohol ee gobolka Sool. Qaran News
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa iska fogeysay La-taliyihii horjoogaha guud ee kooxda Axmed Godane oo dhawaan ay soo bandhigtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, kadib markii usoo gacan galay. NISA ayaa waxay sheegtay in ninkan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu xilal kala duwan kasoo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen qaaddiga maxkamad beenaadka gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Al-Shabaab iyo La-taliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane. Kooxda Al-Shabaab oo markii u horeysay ka hadashay ninkaan iyo warka kasoo baxay NISA, ayaa iska fogeysay, ayada oo sheegtay in ninkaan uusan ahayn sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, balse uu ahaa nin shacab ah oo macalin ka ahaa mid kamid ah macaahidda Qur’aanka ee degmada Jilib. Kooxda ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu macalin ka ahaa machad lagu magacaabo Xuffaadul-Waxyeyn, kaasi oo Qur’aanka iyo Axaadiista lagu xifdisiiyo carruur ay da’doodu ka yartahay 15 sanadood, sida ay sheegtay. Al-Shabaab ayaa ku eedeysay NISA in ay soo qabtaan dadka shacabka ah oo isugu jira rag iyo dumar kadibna ku shaabadeeyaan inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan kooxda, “oo qaarkood ugu dambayn dil toogasho ah lagu fuliyo,” sida lagu yiri qoraal kasoo baxay kooxda oo ay iskaga fogeysay La-taliyihii Godane ee usoo gacan galay hay’adda NISA. Ma ahan markii u horreysay ee kooxda iska fogeyso shaqsiyaad ay soo bandhigto dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay dhakhtarkii dilaaga ahaa ee Dr. Fanax, kaasi oo isticmaali jiray xeelado aad u sareeya, oo uu ku geystay dilal badan. Kooxda Al-Shabaab ayaa iska fogeysay ninkaan, iyada oo sheegtay in uusan ka tirsaneyn askarta muuqata iyo kuwa qarsoon ee howl-galada u fuliya kooxda, sida ay markaas baahisay warbaahintooda. Ninkaan ayaa ahaa dhakhtar been abuur ah oo ka howl-gali jiray isbitaallada Muqdisho, sidoo kale wuxuu ahaa sarkaal ciidanka xoogga dalka ka heysta darajooyin been abuur ah, waxaana ugu dambeyntiina lagu toogtay goob fagaare ah, kadib markii ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah. The post Al-Shabaab oo iska fogeysay ‘la-taliyihii Axmed Godane’ ee ay NISA soo bandhigtay appeared first on Caasimada Online.
  24. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta. Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya. Ra’isul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami. Waxuuna u xaqiijiyey cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka in uu suuqa Soomaaliya u furan yahay, isla markaana la meel-mariyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye. Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kalluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com