Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa oo ku sugan magalada Baraawe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan soo dhoweyn ah loogu sameeyay xarunta Degmada. Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid magaalada Baraawe, isla markaana imaanshihiisa ay ku faraxsan yihiin Bulshada deegaanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhagax dhigay dekada caasimadda KGS ee Baraawe. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan caasimadda ku amaanay nabad jaceylka iyo sida ay u daneynayaan horumarinta deegaankooda, waxaana uu sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ka geysa doonto sidii gacan looga geysan lahaa mashaariicda ka socota dalka, Baraawe na ay noqoto Caasimadda rasmiga ah ay ku shaqeyn doonaan maamulka Koonfur Galbeed. Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay Waddo dhexmarta Degmada Dayniile gaar ahaan waaxda Oodweyne oo ay dhismaheeda iska kaa shanayaan Bulshada deegaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Dhagax dhigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Dayniile iyo qeybaha bulshada. Guddoomiyaha Degmada Dayniile Cabdi Shakuur Abuukar Rooble ayaa tilmaamay in dhismaha wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka degmada islamarkaana ay baahi weyn u qabaan shacabka ku dhaqan Waaxda Oodweyne ee Degmada Dayniile. Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhankiisa sheegay in dhismaha wadadaan ay qeyb ka noqon doonto howlaha isku tashiga ah ee lagu dhisaayo wadooyinka Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo dhaweeyay in bulshada ay Maamulka kala qeyb-qaataan ka shaqeynta horumarka iyo dib-u-dhiska, asigoona sheegay in shirkad kasta oo ka shaqeysa dhismaha Wadooyinka lagula xisaabtami doona tayada dhismaha islamarkaana aan la dhisi karin waddo uusan ogeyn Maamulka Gobolka Bananadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta qaabilay sii hayaha saafaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Madaxa Iskaashiga Saafaradda ee Kenya iyo Soomaaliya Mudane Erling Hess, iyaga oo ka wadahadlay arrimo dhowr ah. Masuuliyiinta ayaa intii uu kulanku socday waxay isla soo qaadeen xiriirka iskaashi ee ku aaddan kobcinta awoodda iyo xirfadda hawlwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo dardargalinta dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ee ka jira heer federaal iyo maamul goboleed. Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka is ayaa dhawaan waxa uu la saxiixay heshiis aqoon-iswaydaarsi saddex-geesood ah Hay’adaha IDI iyo AFROSAI-E kaasi oo ay taabbagalintiisa taageerayso Safaaradda Boqortooyada Norway. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka dhaqaalaha Soomaaliya. Shirkan ayaa waxa uu muhiim u yahay isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka, waxaana lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta. Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq-geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya. Mudane Xamza oo ka hadlayey sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in xukuumadda Dan-Qaran ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka in uu suuqa Soomaaliya u furan yahay, islamarkaana la meel-mariyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu si gaar ah u xusay dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kaluun, muus iyo waxyaabo kale oo muhiim ah. Waxa uuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxa ay hadda diyaar u tahay in la maalgashado, taasi oo ay xukuumadda Soomaaliya ay dhiiri-galinayso shirarka noocaan ah ee muhiim u ah isku-xirka ganacsiga Soomaaliya iyo midka Caalamka. The post Sawirro: Ganacsiga Soomaaliya oo lagu xirayo midka caalamka appeared first on Caasimada Online.
  5. Maalmaha dhamaadka bisha May, saanad kasta waxa TV yada ka soo muuqda niman jabhaddii SNM ka mid ahaa, oo dagaaladii ka qayb qaatay. Ninba wixii uu u soo joogay buu sheegaa, wax sugan iyo wax aan sugnayn na labadaba way baahiyaan. Ninka ii gu yaabka badnaa waxa uu ahaa nin la gu Magacaabo Jaamac Hawd (Cadaawe) oo Horyaal TV ay waraysi ka qaadeen. Warar si fudud loo garan karo in aanay sax ahayn oo badan buu halkaas ka sii daayay. Tusaale ahaan, waxa uu sheegay in uu baabuur kuwa yaryar ah oo qori saarnaa, ku jiiday saddex kale oo shidaalku ka dhamaaday! Waxa uu sheegay, in baabuurkaas yar ee qorigu saaranyahay, uu ku siday dhawr iyo toban nin oo mayd iyo dhaawac ba isu gu jira. Waxa uu sheegay baabuurkaas in uu isagu darawal iyo ridaha qoriga ba isu ahaa, Maxamed Kaahin oo dhaawac ah na uu ku qaaday. Ninkaasi in uu goobjoog ahaa oo wax badan u soo joogay waxa marag u ahaa sida uu u hayay magacda jabhaddii maalmahaas dagaalada ku dhimatay. Sidaas oo ay tahay, hadana wixiisa isaga ayaa gacantiisa ku qarribay oo war ka badbadin ah buu sheekadii ku dhex qasay. Eeg, hal baabuur ma jiidi karo saddex kale. Taas caruurta xataa lagama dhaadhicin karo. Sidoo kale, dhawr iyo toban qof oo mayd iyo dhaawac ba leh baabuur yar, oo weliba sagxaddii wax la gu qaadi lahaa uu qori weyni saaranyahay la gu ma qaadi karo. Xaasha. Xataa marka ay dadku fayowyihiin ee ay is cidhiidhyanayaan, baanay tiradaasi baabuur noocaas ah fuuli karin, waaba se dhaawac mid weliba iskii u damqanaayo oo ilaalin u baahanyahay iyo maydad fidsan. Been iyo ka badbadin foolxun weeye. Sidoo kale, Kaahin Burco ku ma dhaawacmin waana la ogyahay. Aadan Saleebaan iyo Axmed Mire ayay ahaayeen nimanka ku dhaawacmay. Muuse ayaa maalin uu Burco ka hadlaayay yidhi, Kaahin baa ahaa ku xigeenka hogaanka ciidanka ee Burco, oo ku na dhaawacmay, laakiin labaduba waa been aan sal iyo raad lahayn. Sidoo kale, Jaamac-cadaawe wuxu yidhi, Muuse 1985kii buu jabhadda ku soo biiray, Baligubadle iyo Qoolbuulalae ayaanu dagaalo ka dhacay hogaamiyay. Intuba waa been cad. Muuse jabhadda wuxu ku soo biiray dhamaadkii 1986kii, dagaalo meelahaas uu sheegay ka dhacay oo uu joogay na ma jirin. Muuse laftiisa oo la waraystay wax yar ka hor doorashadii 2017kii, la na weydiiyay su’aasha ah dagaal weyn oo isagu uu hogaamiyay, sida Axmed Mire, Dhegaweyn iwm, in uu jiro, waxa uu yidhi ma jiro, waana runtii oo ma jiro. Is ku soo wada duub, Jaamac warkii la ga qaadan lahaa, waxa uu ku dhex walaaqay warar aan sugnayn. Ka badbadintu waxa ay dilaysaa xataa warkaaga qaybta runta ah. Qofku in uu si miyir qabta u hadlo, wixii run ah na sheego ayaa waajib ah, laakiin runta iyo miyirku ba waa nagu yaryihiin sabab ay tahayba. Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  6. On May 25, 2023, the National Consultative Council of Somalia issued a controversial statement. It discussed preparations for implementing a “one-person, one-vote” system in Somalia, extending the terms for both regional and federal governments, and changing the government’s structure. Somalis had differing opinions about the statement. Some believed it aimed to centralize the government structure, shifting from the president and prime minister, based on the 4.5 formula, to a president and vice president. Others saw a need to change the current government structure, which had not delivered the expected results to the Somali people. The statement sparked debates among Somalis about the topics it covered. Two days later, President Hassan addressed the Parliament. Those who listened to him without first reading the statement tended to agree with him. He told the parliamentarians what they wanted to hear, presenting himself as willing to do the right thing. He explained that the decision reached by the National Consultative Council was a political agreement; it was an initial step before presenting the agreed-upon items to the Parliament for discussion. The council took these steps because Somalia has made no progress in the last 30 years. President Hassan added that radical measures were necessary to move forward, as previous governments had failed to take action. He emphasized that the statement issued by the council was not final or binding; it depended on the Parliament, which represented the Somali people. His intention was to take bold steps to start discussions. However, the Somali people would make the final decision through their representatives in Parliament. Anyone who listened to his speech would find nothing to object to. However, there were significant differences between President Hassan’s speech and the actions he took. He did not mention that not all members of the National Consultative Council agreed on the statement they wanted Parliament to discuss. For instance, President Deni of Puntland state did not attend the meeting and did not sign the statement, even though his name was included. Any political issue or change of government structure should be discussed and agreed upon by all members of the National Consultative Council. Only then should the agreement be submitted to Parliament for approval or rejection. If all stakeholders have reached a political agreement, it becomes easier for Parliament to approve it. But President Hassan followed the same path as previous presidents, which has resulted in Somalia’s current condition after over 30 years. This path does not prioritize reaching a consensus and is based on dictatorial tendencies. If one or two stakeholders disagree, then instead of allowing time and finding a way to include them in the process, other leaders decide to move forward without the involvement of the opposition. These leaders knew that these stakeholders were unwilling to compromise — because they saw fault — and would not support the leaders’ plan. The only option the leaders saw was to move forward by any means necessary, but it did not produce the expected outcomes for the Somali people. President Farmajo and President Muse Bihi took this approach, and we have seen where it led them. A recent example was when President Said Abdullahi Deni attempted to hold an election without the consensus of all nine registered parties. When he realized that six parties agreed with him, but two parties did not want to proceed with his expedited process, he decided to move forward with the election by stating that the majority agreed. Similarly, President Hassan’s advisor stated that the majority of the council agreed with the statement, and since President Deni had been invited but refused to attend, the council should not wait. It is unclear where the council agreed on the majority rule or if, by their absence, members forfeit their rights and finalize the decision. In the Puntland election, which was not agreed upon by all stakeholders, resulted in only 172,000 people voting. Three districts, including the capital, chose not to participate. Three officers have been killed and seven wounded thus far. President Hassan’s plan of proposing one person, one vote will likely end up similar to the Puntland election. If Puntland State is not on board, it is well-known that the election will not take place there. What is the purpose of holding an election that does not include Puntland State and may face opposition from others against the election process proposed by President Hassan? The best way for Somalia to move forward is for the leaders to finalize the constitution based on consensus. It was reported that the last time President Deni did not attend a meeting, the council decided to send three regional presidents to meet with him, listen to his concerns, and discuss compromise as a means to facilitate progress for the Somali people. President Hassan was on the right path then, but his recent action shows that he was not sincere, to begin with. The Somali people desire a system of one person, one vote. They may want to change the government structure and even consider extending the terms of both regional and federal governments, but only if there is political agreement among all stakeholders. Anything else will result in Somalia taking one step forward and two steps back. President Hassan should seek to bring Puntland and Somaliland to the table if Somalia genuinely desires to move forward. By: Mohamed Abdiqafat Haji Hissein Email: mohabdhus@gmail.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. The post Somalia’s Political Landscape: Struggles for consensus and moving forward appeared first on Caasimada Online.
  7. Doorashooyinkii dalka Turkiga ee xalay soo gebagaboobay waxa dunida oo dhan iyo si gaar ah innagaba ugu sugan casharro hannaanka dimuqraadiyadda, doorashooyinka, dawladnimada iyo ilbaxnimada intaba isugu jira, waana sababta ay indhaha caalamku ugu soo jeedeen, looguna tilmaamay doorashooyinka sannadkan ugu muhimsan dunida oo idil! Hannaanka doorashooyinkani u dhaceen oo ahaa kuwo isasaaran oo ka kooban Doorasho Madaxtooyo & Baarlamaan ayaa ahaa mid soojiidasho leh, waxana ay gaadhay qiyaasta tirada dadka codeeyey %88 dadkii kaadhka haystay, waana celcelis aad u sarreeya oo dalalka ugu dimuqraadisan ee guunka ah ay adag tahay in ka-qayb-qaadashada doorashadu ay heerkaa taabato. Habka fudud ee dadka sidaa u tirada badani ay codkooda u dhiibteen iyo sida saacado aad u kooban ay u soo baxeen natiijooyinku waa arrin ku timid shaqo badan oo hannaankan doorasho laga qabtay iyo horumarin lagu sameeyey. Ma aha keliya Turkiga, dalal badan oo caalamka ah, kuwo inoo dhow oo ood-wadaag aynnu nahay iyo kuwo inaga durugsan ayaynnu wax badan ka baran karnaa oo horumarka iyo dhismaha Dawladnimada iyo haayadaheeda ah, waase haddii ay inaga go’naato oo aynnu horusocodkeeda la nimaadno, sidiisana aadamuhu waa mid hore u socda ama waa mid gadaal u socda, oo dariiq kale ayaanba u furnayn. Waxyaabaha sida gaarka ah aynnu carrabka ugu dhufan karno waxaa ka mid ah in doorashadani ka soo hormartay xilligii loogu talogalay, waliba iyadoo markaas ay taagan tahay saamaynta musiibadii dhul gariir ee dadka 50ka kun kor u dhaafaya iyo adduunka kaleba lagu waayay! Marka aynnu teenna u nimaadno, ina ragna xaalkii sidaa yahay waxa aad ogaanaysaa in waxa la isku dhaafay uu dedaalka yahay, dawladnimaduna aanay wax afka laga sheegto ama waraaqo lagu qorto keliya aanay ahayn ee ay tacab iyo shaqo baaxad weyn u baaha tahay. Iskadaa in aynnu doorasho soo hor marinno e, waxa aynno awoodi la’nahay in aynnu wakhtigeedu ku qabanno, ceebna ma aha oo daalaa-dhaco waa marxalad la soo mari karo, balse ceebtu waa in marxaladdii noqon weydo wax la dhaafo oo laga gudbo, horena looga socdo! Waan hambalyaynayaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxa aanan u rejaynayaa inuu halkaa ka sii wadi doono geeddi-socodka horumar ee dalka Turkiga iyo sidoo kale waxqabad intaa ka sii badan oo shacabkiisu u aayo. W/Q Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan Source
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka fashiliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, kaas oo ay Al-Shabaab ku qaadaay deegaanka Masagawaa ee Galgaduud. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ay ka war hayeen dhaq-dhaqaaqa kooxda Al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen weerarka ay ku soo qaaday gudaha deegaankaasi. “Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay Khawaarijtii halkaas soo weerartay” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda dhexe. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaacisay in howlgalkan guuleystay ay dishay in ka badan 30 kamid ahaa xubnihii weerarka soo qaaday, sida ay hadalka u dhigtay. Waxaa kale oo ay intaasi ku sii dartay in ciidamadu ay la wareegeen saddex gaari oo ay wateen ragga duulaanka ku soo qaaday deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud. “Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyaga oo gubay mid kale” ayey tiri dowladdu. Dhankeeda dowladdu waxa ay shaacisay in weerarkan ay uga dhaawacmeen ugu yaraan illaa 3 askari, isla-markaana ay haatan xaaladoodu ka soo raynayso. Warsaxaafadeedka ayaa intaasi sii raaciyay “Waxaa socda hawlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijtii la jabiyay”. Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay howlgallo ka sameeyeen agaagaarka degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa, isla-markaana ay ku dileen 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare sare. The post DF oo shaacisay khasaaraha WEERARKII Masagawaa appeared first on Caasimada Online.
  9. MOGADISHU: A group of leading Somali politicians denounced Monday a move to overhaul the country’s electoral system and introduce universal suffrage, charging that there was a lack of broad consultation and that some of the proposals were unconstitutional. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka horyimi go’aamadii ay gaareen madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, isagoo sheegay in ay halis galiyeen Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay arkayeen oo ay ka digeen. “Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii hore waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka, Haddii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan” “Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay oo mudo haystay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah, 1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danbeeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah hadana sabab loo bedelo ma muuqato” Ififaalaha uu madaxweynuhu u dhaqmayo waan arkaynay, awalna wuu baabi’iyay xafiiska awood qaybsigga ee raysal-wasaaraha oo awoodihiisii buu qaatay, hadana si bareer ah buuba u yiri maba jiro, Waxaa jira Baarlamaan 2 Aqal ah, oo waxaa loo sameeyay oo loo adkeeynayay baarlamaankaas in 2 qof say doonaan aysan ka yeelin dalka, Anigu shirkii u danbeeyay ee aan taggay waxaa naloo keenay dastuurkii oo sidii la rabo loo bedellay, waana diidnay. Dastuurka Puntland waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo, Puntland-na qayb kama aha arimahaas, gudigii wada-xaajoodka Puntlnad iyo DFS dhawaan way hadlayaan, oo bulshada Puntland wada-tashi bay la yeelanayaan. Dawlada Puntland waxay u taagantahay midnimada.” PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo ka horyimid Heshiiskii Madasha Wada Tashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
  11. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntalnd, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii bishaan lagu gaaray gudaha xarunta Villa Soomaaliya. Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan qayb ka ahayn go’aannada soo baxay oo ay ka maqneyd xilligii la gaarayay, sababo la xiriira khilaafka kala dhexeeya dowladda. Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dalka loo wado meel qaldan, isla-markaana ay tahay sababta ay horay ugu diideen ka qayb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka. “Puntland qayb kama ahan go’aanadii soo baxay, kuwii hore waxaa uga baaqsanay oo aan u saxiixi weynay waxaan aragnay in dalka meel qaldan loo wado,” ayuu yiri Saciid Deni. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in Puntland ay u dhaqmeyso si madax bannaan, isla-markaana uu farayo Dastuurkeeda, sida uu ku dooday. “Dastuurka Puntland waxaa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu. Saciid Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa si weyn uga soo horjeestay baabi’inta xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu horay ula wareegay guud ahaan shaqadii uu lahaa xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida uu hadalka u dhigay. “Sida uu madaxweynuhu u dhaqmayay waa arkeynay wuxuu awal baabi’iyay awood qeybsigii Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo awoodihiisa uu qaatay, haddana wuxuu yiri maba jiro” ayuu mar kale ka dhawaajiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland. Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay haddii la rabo in la xaliyo xasillooni la’aanta Soomaaliya in mar hore Somaliland ay miiska timaado oo xalka wadajir loo raadiyo. The post Saciid Deni oo caddeeyay mowqifka PUNTLAND ee heshiiska golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
  12. DEGDEG: Madaxweyanaha Puntland oo si adag ugu jawaabay Dawlada Federaalka ay ee Soomaaliya. “Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii hore waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka. hadii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan. Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah. 1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danveeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah, hadana sabab loo bedelo ma muuqato, ififaalaha uu madaxweynuhu ula dhaqmayi waan arkaynay, awalna wuu baabi’iyay xafiiska awood qaybsigga oo awoodihiisii buu qaatay, hadana si bareer ah buuba u yiri maba jiri. Waxaa jira Baarlamaan 2 Aqal ah, oo waxaa loo sameeyay oo loo adkeeynayay in 2 qof say doonaan aysan ka yeelin, Anigu shirkii u danbeeyay ee aan taggay waxaa naloo keenay dastuurkii oo sidii la rabo loo bedellay, waana diidnay. Dastuurka Puntland waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta la helayo, Puntland-na qayb kama aha arimahaas, gudigii wada-xaajoodka Puntlnad iyo DFS dhawaan way hadlayaan, oo bulshada Puntland wada-tashi bay la yeelanayaan. Dawlada Puntland waxay u taagantahay midnimada” Qaran News
  13. Waaberigii hore ee maanta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud. Ciidmada dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka ayaa iska difaacay weerarka kaga yimid, Al- Shabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay warbaahinta ku hadasha afka dowladda. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidmada dowladda ay ka war qabeen weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, taas oo keentay in ay iska difaacaan weerarka dagaalamayaasha kooxda, islamarkaana lagu gaarsiiyay jab xooggan, ciidamadana ay ku raadjoogaan kooxdii weerarka ku soo qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Masagawaa. Masagawaay oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ka mid tahay deegaannada dhowaan Al-shabaab laga xoreeyay, waxaana weerarkaan uu ku soo aadayaa xilli dowladda ay sheegtay in uu soo dhammaaday u diyaar garoobidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-Shabaab oo qeyb ka yihiin ciidamada ka socda dalalka safka hore. Ciidamada dowladda oo kaashanaya ayaa Al-shabaab muddo sanad gudihiis ah kaga saaray deegaanno badan oo dhaca Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda uu hore u sheegay in ay ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro muddo laba sanno gudahood sida uu marar badan ka sheegay goobo kale duwan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dhinacyada ku dagaallamaya Suudaan ayaa ku heshiiyey in xabbad joojinta hadda lagu kordhiyo shan maalmood oo dheeraad ah, ka dib markii ay dhexdhexaadiyeen Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya. Iyadoo militariga Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee RSF, ay ballan qaadeen inay joojinayaan weerarrada cirka, madaafiicda iyo dagaallada waddooyinka, midkoodna si buuxda uguma hoggaansamin xabbad joojinta hore ee todobada maalmood aheyd. Source
  15. Dhinacyada isku haya awoodda dalka Sudan ayaa gaaraay Xabad joojin cusub, taas oo lagu kordhinayo muddo shan maalmood oo dheeraad ah, ka dib markii ay dhexdhexaadiyeen Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya, dhinacyada isku haya Suudaan. Wakiillada labada dhinac ayaa wali ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sucuudiga halkaas oo ay ka socdaan wadahadlada lagu dejinayo dagaalka dadka badan ay ku dhimanayaan ee ka socda Suudaan. Militariga Sudan iyo kooxda ka soo horjeeda ee ciidamada gurmadka dg dega ah ee RSF, ay ballan qaadeen inay joojinayaan weerarrada cirka, madaafiicda iyo dagaallada waddooyinka, midkoodna si buuxda marar badan uma hoggaansamin xabbad joojinta hore ee todobada maalmood ahayd, iyadoo ay dhaceen dagaallo culus. Dowladdaha Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa ballan qaaday in dhankooda ay taageeriyaan sidii loogu dhaqangalin lahaa heshiiska la gaaray, inkastoo lagu ballamay in ciddii jabisa meel looga soo wada jeesto sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ku dhow Xogyaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka Antony blinken. Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa dhowaan lagu eedeeyay in ay gaysteen dambiyo la xirrira dagaal, kadib markii duqeymo dhanka cirka ah lagu beegsaday Isbitaallo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaa sidoo kale jira in dhinacyadu ay ku kaceen tacadiyo ka dhan ah Haweenka da’yar. Sudan ayaa waxaa muddo laba bil ah ka jirta qalalaasaha u dhaxeeya ciidamada Milatariga dalkaas iyo xoogagga kasoo horjeeda, kuwaas oo muddo ku dagaalamayay caasimadda. Dagaalka dhinacyada iska soo horjeeda ayaa sababay in dalka Sudan ay iska barakacaan kumannaan muwaadiniin iyo Ajaanib ah si ay uga baxsadaan dagaalka ka socda halkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay kasoo aarguteen Al-Shabaab oo Jimcihii lasoo dhaafay weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada uganda ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare xoogan. ATMIS oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ciidamadeeda iyo kuwa Xoogga dalka ay ka daba-tageen xubnihii Al-Shabaab ee weerarkaas ka dambeeyay, isla-markaana ay soo laayeen, sida ay hadalka u dhigtay. “Ciidamada ATMIS iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS. Sidoo kale howlgalka ayaa intaasi kusii daray inay soo furteen hubkii ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka qaateen weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Buulo-Mareer. “Ciidamada wadajirka ah ayaa sidoo kale soo furtay hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer,” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay ATMIS. Waxaa sidoo kale taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya uu carabka ku dhuftay inuu sii wadi doono howlgallada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab. “ATMIS waxa weli ka go’an la dagaalanka argagixisada, waxayna sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya” ayaa lagu soo xiray qoraalka. Weerarkii Buulo-Mareer oo ka mid noqday kuwii khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan ciidamada ATMIS ayaa waxaa cagta lagu mariyay guud ahaan saldhigooda magaaladaas. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda horay u baahiyay in weerarkii Jimcaha ay ku dileen 137 ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe shalay tiradaasi wey kordhiyeen waxayna gaarsiiyeen in ka badan 200. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. The post ATMIS ‘oo ka aar-gudatay’ Al-Shabaab kadib weerarkii magaalada Buulo-Mareer appeared first on Caasimada Online.
  17. Ciidamada dalka Niger ayaa Isniintii sheegay inay dileen 55 xubnood oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee xidhiidhka la leh ururka Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, kadib howlgaka qaatay saaco badan oo ay ciidanka dalkaas ay sameeyeen dhinaca Waqooyiga. Hawlgalkan oo socday muddo 22 maalmood ah, ayaa la soo gebagebeeyey maalinimadii Axaddii, iyada oo la bartilmaameedsaday goobaha ay ka degan yihiin kooxaha Islaamiyiintu gobolka ku yaalla dhinaca woqooyi bari oo ay xuduud kala wadaagaan dalka Nigeria. Tirada xubnaha ay ka dileen kooxaha Islaamiyiinta, ayay ciidamada milaterigu ku faafiyeen majalad ay leeyihiin ciidamada milaterigu, kaas oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP Isniintii, dalka Niger ayaa waxaa ku sugan mintidiinta Islaamiyiinta lala xiriiro Daacish. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa culays dhinaca amniga ah ku haya dalalka Chad, Nigeria, Niger iyo Cameroon. Afartan dal ayaa heshiis ka dhan ah kooxaha Islaamiyiinta waxa ay gaadheen sannadkii 2015, kaas oo ay ku yagleeleen ciidamo heegan ah oo la dagaalama. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaa oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka. Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa laga soo warramayaa inay ka hortageen ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi, isla-markaana ay fashiliyeen. Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab inta aysan soo gelin gudaha deegaanka ay dagaal kala hortageen ciidamada, kaas oo ka dhacay bannaanka deegaanka, sidaasna waxaa ku fashilmay weerarka, sida ay ku warantay wabaahinta ku hadasha afka dowladda. Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka inta uu socday khasaare xoogleh lagu gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab, isla-markaana laga dilay dhowr xubnood oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay weerarkan wuxuu sheegay in lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Al-Cadaala ayaa sidoo kale xusay inay firxadeen raggiii duulaanka soo qaaday, wuxuuna intaas ku daray in khasaaraha iyo faahfaahinta guud ay dib ka shaacin doonaan. “Waa mahadsanyihiin Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee Saaka dhabarka ka jabiyay Khawaarijta aagga Masagawaa, faahfaahin idin farxad galisa ayaa soo socota insha allaah, alle ayaa mahadsan”. ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Si kastaba, shalay ayay ahayd markii ciidamada huwanta ay howlgallo ka sameeyeen agaagaarka degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa, isla-markaana ay ku dileen 8 ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare sare. The post Ciidamada DF oo ka hortegay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Masagawaa appeared first on Caasimada Online.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay qaar kamid ah ismimada dhaqanka SSC-Khaatumo ee maalin kahor soo gaaray magaalada Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa casho sharaf u sameeyay isimada oo ay wehlinayeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka Muqdisho ee horay u tegay Laascaanood iyo Hargeysa. Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay odayaasha uu kulmay xaaladda cakiran ee Laascaanood oo ay dhowr bilood ku dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC. Xamza ayaa hal arrin la wadaagay isimada uu la kulmay taas oo ku saabsan Laascaanood, waxaana uu tilmaamay in aa l aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada. Sidoo kale, ra’iisul Wasaaraha Soomaaloya Xamza Cabdi Barre ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada haatan taagan. Waxaa kale oo uu kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida. Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa Garaadada uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka. Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay kusoo dhoweeyay xarunta Villa Soomaaliya oo ah halka looga arrimiyo waddanka. Madaxweynaha ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho. The post Sawirro: R/W Xamza oo hal arrin la wadaagay Isimada SSC-Khaatumo appeared first on Caasimada Online.
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa magalaada caasimadda ah ee Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda iyo dhibaatada ka taagan magaalada iyo barakaca dadka Rayidka ah, kuwaas oo muddo lagu dul dagaalamayay. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida oo markale ka hanaqaada magaalada Laascaanood. Garaadada Dhaqanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. The United States and Saudi Arabia have welcomed the extension of a ceasefire deal between Sudan's warring military factions for another five days. Source: Hiiraan Online