-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer oo qiyaastii 120km dhanka koonfureed uga beegan Muqdisho. Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan uu la beegsaday dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaabm isla-markaana qayb ka ahaa kuwii weerarka kusoo qaaday saldhig ciidamada Uganda ay ku lahaayeen magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh/ Hoose. Qoraalka kasoo baxay Africom waxaa lagu sheegay in weerarkan dhanka cirka ah lagu burburiyay hub iyo agab kale oo Al-Shabaab ay ka soo qabsasdeen xerada ATMIS. Ma shaacin taliska Africom ee Mareykanka khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee Al-Shabaab kasoo gaaray weerarkaasi ee ay ka fuliyeen magaalada Buulo-Mareer. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in uusan jirin qof shacab ah oo wax ku noqday duqeyntaasi oo ay la beegsadeen xoogaga hubeysan ee Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inuu sii wadi doono taageerada uu siiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagiisa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. “Waxaan ku garab taaganahay saaxibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta Argagixisada iyo horumarinta iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, kadib weerarkii Buulo-Mareer. Weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo. Si kastaba, weerarkan waxaa si weyn u cambaareeyay QM, Mareykanka iyo dowlado kale oo waa weyn, kuwaas oo qayb ka ah dalalka taageera dowladda federaalka Soomaaliya. The post Mareykanka oo ‘duqeyn ku burburiyay’ HUBKII ay Al-Shabaab ka qaateen ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) will continue its drawdown in compliance with UN Security Council resolutions. More than 2,000 peacekeepers will pull out of the country in the next few weeks. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa hadda garoonka diyaaradaha Garowe ku duulay qaar kamid ah isimada dhaqan SSC oo u socda magaalada muqdisho. Isimadan ayaa kala ah: 1-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil 2-Garaad Abdirisaaq Garaad Soofe 3-Garaad Abdisalaan Xasan 4-Ugaas Maxamuud Ugaas Abdilahi Iyo Suldaan Mustafe Awseed oo magaalada Xamar ku sugaya. Qaran News
-
Malaayiin codbixiyeyaal ah ayaa u dareeray goobaha codbixinta dalka Turkiga taasi oo bilaabatay abaara 8:00-da Subaxnimo maanta oo Axad ah. 64.1 milyan oo shacabka Turkiga ayaa la diiwaan geliyey in ay codeeyaan, waxaana ku jira 1.92 milyan oo hore codkooda uga soo bixiyey xarumaha dooraashada ee dalka dibadiisa ah. 191,885 Sanduuqyada lagu codeeya ayaa loo kala diray goobaha cod bixinta dalka. Dadka cod bixiyeyaasha ah ayaa kala dooranayo madaxeyne Recep Tayyip Erdogan oo doonaya in dib loo doorto iyo hoggaamiyaha uga muhiimsan xisbiga mucaaradka Kemal Kilicdaroglu. Dadka ka qayb galaya doorashada ayaa ka codeynaya dibada, waxa ay codkooda dhiibteen May 24. halka doorashada maanta ka socota gudaha waddanka ay soo xirmeyso 5-ta galabnimo ee maanta. 14-bishan May ayey dhacday doorashada dalka Turkida oo lagu dooranayey Madaxweynaha iyo 600 kursiga baarlamanka ah, balse doorashada madaxtinimo ayey u baahatay in dib looga laabto madaama midna usan guuleysan labada musharax ee uga codadka badnaa oo kala ahaa Erdogan iyo Kemal. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee doorashada Turkiga appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka aragti dhiibtay qodobadii xalay kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo heshiis looga gaaray doorashooyinka soo socda oo noqonaya qof iyo cod iyo wax ka beddal lagu sameeyay nidaamka dowliga ah. Shacabka Muqdisho ayaa ku kula aragti duwaanaday go’aannada soo baxay, ayada oo qaarkood ay taageereen, halka kuwa kalena ay ka hor yimaadeen. Oday kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuu taageerayo war-murtiyeedka lasoo saaray, haddiiba laga tegayo nidaamka beelaha ee 4.5. “Waa dooran karaa, haddii 4.5 ka tanaasuleyno hal iyo cod waa dooran karnaa, waana u baahanahay. Soomaaliya hal waayay” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka Muqdisho. Wiil kale oo kamid ah dhalinyarada ku dhaqan caasimada ayaa dhankiisa ka horyimid qodobada lasoo saaray, wuxuuna sheegay in marxaladda lagu jiro aysan suuragelin karin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, isaga oo u sababeeyay amniga guud ee dalka. “Aniga ma qabo taas, sababtoo ah marxladda hadda lagu jiro marxalad looga bixi karo doorasho qof iyo cod ah ila ma’aha, waxaan rabnaa in marka hore in la helo heshiis bulsho” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Muqdisho oo isna ka hadlay go’aannada soo baxay. Sidoo kale wiil kale oo ka falceiyay heshiiska dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa shaaciyay inuu hirgeli karo go’aankan, haddii loo diyaar garoobo, wuxuuna tusaale usoo qaatay doorashadii 25-kii bishaan May ka dhacday deegaanada maamulka Puntland. ‘Puntland oo maamul goboleed ahba waa ka dhacday annaga oo federaal ah dowladdii dhexe eh beri subax ayey ka dhici kartaa haddii loo baahdo oo loo diyaar garoobo oo la helo qorshe diyaarsan” ayuu isna ku yiri doodiisa wiilkan dhalinyarada ah Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa ujeedaa Xamar amniga ka jira oo sanadkan gudihiisa la gaaray hadda waxaan joognaa amni iyo ammaano”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. The post Daawo: Sidee SHACABKA uga falceliyeen go’aanadii Golaha Wadatashiga? appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa Maanta deegaan xeebeedka Jasiira ee duleedka Magalada Muqdisho ka dirtay seddax Doonyood oo sida Shixnad Mucaawino ah taas oo ku wajahan Magaalada Baraawe ee Caasimada Maamulka KGS. Gargaarkaan ayaa waxaa ay hey’addu sheegtay in loogu talogalay dadka Soomaliyeed ay soo barakaciyeen iyo kuwa ay saameynta ku yeelatay abaarta, Hay’ adda SODMA ayaa dowladda Istugga Imaaradka Carabta kaga Mahadcelisay deeqdaan raashinka gargaarka ah. Mana ahan markii ugu horeysay ee gargaar nuucaan ah loo diro Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana xusid mudan in Hay’adda maaraynta Musiibooyinka ay wado walba ku gaarsiinayso gargaarka dadka Soomaaliyeed ee u baahan, kuwaas oo abaarta iyo dagalladu saameeyeen. Source: goobjoog.com
-
Muwaadiniinta Turkida ayaa maanta markale codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxweynanimada Wareegga labaad, waxaana ay soo dooran doonaan madaxweynaha hoggaamin doona Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo si aad ah isugu hayaan Madaxweynaha talada haya ee Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kılıçdaroğlu. Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in Codbixinta ay bilaaban doonto 08:00 xilliga Turkiga. Waxayna xirmi doontaa 17:00, waxaana la dhigay In ka badan 191,000 oo sanduuq la dhigi doona 1,094 guddiyada doorashada degmooyinka dalka, Wareegaan ayaa la filaa inuu noqdo mid aad la iskugu hayo oo lagu tartamo. Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa la saadaalinayaa in uu ka guulaysan karo hoggaamiyaha mucaarada ah Kemal, maadaama uu heysto taageerada xisbiga National Movement Party uu hoggaamiyo Sanan Ogan, kaas oo dhinac u ridi karo doorashada dalkaasi, isaga oo heysta Sinan wax ka badan 2 Million oo Codbixiyeyaal ah. Hoggaamiyaha mucaaradka ah Kemal Kılıçdaroğlu ayaa shacbiyad badan ku lumiyay, kadib markii ku dhawaaqay kala saarista Diinta iyo Dowladnimada Turkiga, taas oo keentay in taageerayaal badan oo Muslimiin ah ay saf u galaan dhinaca kale, Sinan Ogan ayaa qudhiisa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad ugu adag Islaamka. Waxaa hore usoo gabagowday doorashada Qurbajoogta Muwaadiniinta Turkida, taas oo labada xisbi ay ka heleen guulo la taaban karo, hoggaamiyaha mucaaradka ah ayaa codadkii ugu badnaa ka helay muwaadiniinta ku nool Mareykanka iyo Canada, halka xisbiga AK Party uu ku awood roon yahay muwaadiniinta Yurub iyo Asia. Doorashada wadanka Turkiga ayaa waxaa ay noqonaysaa middii ugu adkeyd uu wajaho madaxweyne Erdogan, mucaaradka ayaa doonaya isbedel in lagu sameeyo Turkiga, haka Taageerayaasha Xisbiga AK Party ay markale doonayaan in madaxweynaha uu kusoo laabto talada dalkaasi, uu xukumayay tan iyo sanadkii 2009-kii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa markii ugu horreysay weerarkii xooganaa ee Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xero ay ciidamada dalkaas ee qaybta ka ah ATMIS ay ku leeyihiin magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo khasaare culus lagu gaasiiyay. Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer. Ma shaacin khasaaraha rasmiga ee ciidamadiisa kasoo gaaray weerarkan oo qaraxyo ku billowday, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac. Madaxweynaha Uganda ayaa soo hadal qaaday, sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab. “Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni. Sidoo kale wuxuu intaas raaciyay “Howlgalada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”. Wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in tirada rasmiga ah ee laga dilay ciidanka Uganda ay u dhexeyso 50 illaa 100, sida lagu soo xigtay ilo wareedyo xilkas ah. Hase’ahaatee kooxda Al-Shabaab ayaa iyadu shaaca ka qaaday inay weerarkan ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo. Si kastaba, Uganda ayaa haatan guddi saraakiil ah oo baara weerarka usoo dirtay Somalia, si ay wax oga ogaadaan qaabka uu u dhacay weerarka iyo khasaaraha rasmiga ahba. The post Museveni oo sheegay in 800 oo Shabaab ah ay fuliyeen weerarkii Buulo-Mareer appeared first on Caasimada Online.
-
Ka dib bilo olole ay wadeen labaatameeyo xisbi siyaasadeed, afar musharrax oo madaxweyne iyo isbahaysi doorasho oo jahawareersan, codbixiyayaasha Turkiga ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, maanta oo Axadd ha, si ay udoortaan Madaxweynaha Rasmiga ah ee waddanka Turkiga. Doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah ee u dhaxaysa madaxweynaha talada haya ee Recep Tayyip Erdogan iyo hogaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu ayaa noqonaysa waqtigii ugu dambeeyay ee doorashadan oo si weyn loogu Calaaamadiyey inay tahay doorashadii ugu muhiimsanayd ee Turkiga ka dhacda taariikhda dhow. xilliga doorashada oo si rasmi ah u billowday 18-kii March, ayaa la arkayay is-beddelo badan oo kala duwan, waxaana ugu yaab badnaa Erdogan oo jahawareer ku sameeyay saadaasha ra’yi ururinta ee la filayo inuu ku dhammaan doono Kilicdaroglu, balse waxa uu si dirqi ah ku waayay inuu ku guuleysto markiisa saddexaad ee madaxtinnimada wareegga koowaad ee Doorashadan. Tan iyo codbixintii ugu horreysay ee May 14-keedii – oo ay barbar socdeen doorashooyinkii baarlamaanka ee lagu arkay xisbiga Erdogan iyo xulafadiisa oo helay 323 ka mid ah 600 oo kuraas ah – heerkii ololaha doorashada ayaa hoos loo dhigay iyadoo labada musharraxba ay ka tanaasuleen isu soo baxyo ballaaran oo horay loo arkay Source
-
Alle ha unaxariisto Haybe Axmed Yuusuf oo ku Geeriyooday shil gaadhi. Shalay ayuu marxuumku kasoo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa isagoo usoo bohol yoobay wadankiisii hooyo oo uu muddo ka maqnaa. Gaadhigiisii lagaga soo qaaday Hargeysa ayaa shil gaadhi oo naxdin badan xalay kula galay Wadada Berbera isagoo usii jeeday Magaaladiisii Burco, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiilkiisii Axmed Alle Caafimaad hasiiyee. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay geerida Alle ha u naxariisto marxuun Haybe Axmed Yuusuf “Alle ha u naxariisto Marxuum Haybe Axmed Yuusuf oo ku geeryooday shil baabuur oo uu ku galay aagga magaalada Berbera. Geeridan naxdinta leh waxa aan uga tacsiyaynayaa dhammaan qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka. Marxuumku wuxu ahaa shakhsi samadoon ah oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa. Waxa aan Ilaahay uga baryayaa Marxuumka dambidhaaf iyo naxariis waasac ah, waxaanan u weydiinaynnaa inuu ka abaaliyo wanaaggii iyo samihii uu ummaddiisa u galay. Si gaar ah, dhammaan ehelka iyo qaraabadana waxa aan Ilaahay ugu weydinayaa Sabir iyo Iimaan saadiq ah. إنا لله وإنا إليه راجعون” Source
-
Muqdisho (Caasimadam Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahan ka socday xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo xalay saq-dhexe go’aano culus laga soo saaray. Cumar Cabdirashiid ayaa si weyn uga horyimid war-murtiyeedka kasoo baxay shirka oo ku saabsanaa wax ka beddal lagu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah. Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa qoraalkiisa oo ku qornaa Egilish ku sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran uu isku beddalay nidaam kali talis oo kale, sida uu hadalka u dhigay. ”Golaha Wadatashiga Qaran ma waxa uu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay” ayuu ku yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabada ay qaadaay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ay uga sii dareyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama ay iyagu sameysteen muddo kororsi horleh, isla-markaana ay soo saareen go’aanno iskhood ah. Cumar C/rashiid ayaa hadalkiisa sii raaciyay in qaadashada go’aanadaasi ay kasii dari karto oo kaliya xaalada dalka. “Tanni waxay keliya ka dari karta sunta degaankeena ee siyaasadded” ayuu markale ku yiri qoraalka kooban ee uu soo saaray Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay 12 qodob oo xasaasi ah laga saaray shirkii ay Muqdisho ku yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Golaha ayaa baahiyey in heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya. Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List). The post Cumar Cabdirashiid oo ka horyimid heshiiskii xalay ee Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka wadatashiga Qaran, kaas oo afartii maalin ee lasoo dhaafay ka socday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana looga hadlay muddadii uu socday arrimaha amniga, doorashooyinka iyo sidoo kale fulinta heshiisyadii hore dhinacyadu u wada gaareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaanib ah oo ku sugnaa gudaha Soomaaliya, kana barbar dagaalamayay kooxda, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay magacyada qaar kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee la xiray, kuwaasi oo ay ku kala sheegtay Fu’aad Baajuuni oo kasoo jeed dalka Tanzaaniya iyo Qudaama Kenyaati oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Kenya. Horjoogayaashan la xiray ayaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ay kooxda gashay, marka laga tago labadan horjooge, waxa kale oo la xir-xiray in ka badan labaatan ajaaniib ah oo iyaguna lagu eedeeyay inay ku aragti yihiin horjoogayaasha aan magacyadooda soo sheegnay. Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka la xiray laga soo kala qabtay magaalada Bu’aale oo caasimad u ah gobolka Jubbada dhexe iyo magaalada Jilib oo ah magaalada ugu weyn oo ee xarunta u ah horjoogayaasha sar-sare ee kooxda Al-Shabaab. Raggan ajaaniibta ah ee la xiray ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen ka qeyb qaadashada dagaalka ay kooxdu ka wajeyso dowladda federaalka iyo inay doonayeen in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen. Arrimahan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay warbaahinta dowladda baahineysay inay soo badanayaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ajaaniibta ah ee ka hor imaanaya horjoogayaasha Soomaalida ah. Xubnahan ayaa lasoo wariyay in qaarkood si cad u sheegeen in aysan ka mid ahaan karin maleeshiyaadka Al-Shabaab, taas oo keentay in la khaarijyo ajaaniibta qaarkood oo awood ku dhex lahaa argagixisada, halka kuwo kale xabsiga loo taxaabay, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Tallaabadan ay qaadeen horjoogayaasha Soomaalida ah ayaa la sheegay inay keentay in ajaanib badan si dhuumaleysi ah uga baxaan Soomaaliya, ayada oo todobaadkii tagay ay aheyd, markii maleeshiyaad baxsad ka ahaa kooxda ay isku tuureen wabiga Jubba kadib markii ay ka war heleen in ay ku daba jiraan maleeshiyaad kale oo lagu amray inay soo dilaan. Si kastaba, marka laga soo tago xogtan ay baahisay dowladda, waxay muddooyinkii dambe baahineysay waxyaabaha ka dhex socda kooxda, ayada oo hore baahisay in horjoogayaasha Al-Shabaab ay dhexdooda is-ugaadhsanayaan kadib markii uu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka, ayna wajaheyso culeys dhaqaale oo baahsan. The post Xog: Al-Shabaab oo xir-xirtay horjoogayaal iyo xubno ajaanib ah + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
President Yoweri Kaguta Museveni has expressed concern over an attack by Al-Shabaab militants on Ugandan soldiers stationed in South of Mogadishu in Bulo-Mareer, Somalia in statement on social media. Source: Hiiraan Online
-
Sudan’s conflict, which is now in its second month, is raising worries among neighbours that lawlessness there will be exported in the form of illegal small arms. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay go’aan ka gaartay ardayda markii hore wax ka baran jirtay magaalada Laascaanood iyo degmooyinka hoosyimaada, kuwaasi oo saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka dhowrka billood ka socda xarunta gobolka Sool. Somaliland ayaa go’aamisay in ardaydaasi oo kor u dhaafaya 3-kun arday in lagu qiimaynayo dhibcihii imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, islamarkaana loo fududeeyo qaabka ay ku heli lahaayeen shahaadooyinkooda, si ay waxbarashadooda u sii wataan. Go’aankan ayaa lagu gaaray shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo shir-guddoomiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kadib markii golaha uu cod gacan taag ku meel-mariyay go’aankan, iyaga oo ka duulaya waajibaadka muwaadiniinta ka saaran iyo muhiimadda waxbarashada, sida lagu qoraal kasoo baxay xukuumadda Somaliland. “Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wuxuu cod gacan tag ah ku go’aamiyey in ardayda wax ka barata Laascaanood iyo degmooyinka hoos yimaada oo dhan, oo kala ah Dugsiga hoose dhexe 35,177, Dugsiga sare 5,465, oo wadartooda guud ay tahay 40,642 Arday in lagu qiimaynayo dhibcihii Imtixaankii sannadkii hore ee 2021-2022, wixii gudbay sannad dugsiyeedkaasi 2022 oo dhamaa marka loo eego Fasalada siddeedaad ee degmooyinkaa oo dhamaa 2,233 Arday iyo Fasalada 12aad oo dhamaa 1,045 Arday in loo fudaydinayo qaabka ay ku helayaan shahaadooyinkooda si ay waxbarashadooda u sii wataan.” Golaha ayaa sidoo kale waxa uu cod gacan taag ah oo aanay cidna ka aamusin, cidna aanay diidin ku ansixiyeen xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023) oo guddi ka koobnayd golaha wasiirrada iyo garyaqaanka guud shirkii kan ka horeeyey loo xilsaaray soo dhamaystirkiisa, wax-ka bedelka iyo kaabistiisa. Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha amniga Somaliland ka dhegeystay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasiirrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqadii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmartay oo Arbacadii la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32-aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray. “Gole ahaan waxaynu isku raacsannahay xaaladdii lagu maray 18-kii ay ahayd mid ugub ah oo taariikhda geli doonta oo ah in maalintaa aynu dabbaaldegaynaya iyo 16-kii oo ka horreeyey huwanta cadowga ahi ee gobolka Sool dagaallada gardarrada ah ka wadaa soo weerareen si ay u carqaladeeyaan dabbaaldegga Somaliland ee 32-aad,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay shirka golaha wasiirrada. Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aan aad ugu mahad-naqayaa oo taariikhda baal dahab ah ku leh dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwa militeriga, Asluubta, badda, Booliska, socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha Somaliland, kuwa amniga iyo nabadda ilaaliya, dhammaantood ciidamadaas iyo wasaaradahoodu waxay fuliyeen in cadowgii ina soo weeraray ay jebiyaan oo cashar u dhigaan, dalka oo dhanna dabbaaldeggii iyo isu soo bixii uu noqday amni uu far lasoo geli kari waayey cadowgii. Dhammaan shacbiga Somaliland miyi iyo magaalana waxan ku bogaadinayaa inuu qof waliba halkiisa ka muujiyey waddaninnimadisii oo uu isu xilqaamay.” Ugu dambayn waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey xeerka siyaasada isbedelka cimilada ee Qaranka, madaama isbedelka cimiladu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee haysta Somaliland qarnigan 21-aad, xukuumadduna ay dedaal badan gelisay sidii loo yarayn lahaa u nuglaanshaha cimilada, loona xoojin lahaa ilaalinta qaybaha bulshada nuqul iyo deegaanka dabiiciga ah iyo u diyaar garowga maaraynta musiibooyinka. The post SOMALILAND oo go’aan ka gaartay arrin ka dhalatay DAGAALKA Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
-
Muddo-xileedka Madaxweynaha Soomaaliya oo shan sanno laga dhigey. Qaran News
