Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa u ololayna in liiska argagixisada lagu daro Somaliland. Xildhibaannada ayaa dooddan ku salaynaya falalka bahalnimada ah ee Taliska Muuse Biixi uu ka sameeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. ” Muuse Biixi iyo maleeshiyaadkiisu hadda waa buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu noqon jiray argagixiso sida uu Laascaanoodba ka sameeyay” ayuu noo sheegay xubin Baarlaman. Xildhibaanka ayaa sidoo kale noo sheegay in ay soo jeedintaas horgeyn doonaan fadhiga Baarlamanka Puntland ee bisha June si uu go’aan gole u noqdo. Go’aannada Baarlamanka Puntland waxa inta badan saamayn xooggan ku leh xubnaha laga soo doorto degaannada SSC ee Somaliland dagaalka ka waddo. PUNTLAND POST The post XOG: Xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo u ololaynaya in liiska argagixisada lagu daro Somaliland appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka shaqada kasii dagaya ee Mareykanka u qaabilsna arrimaha Soomaaliya, Larry André Jr ayaa qormo cajiib ah ku maca-salaameeyay Soomaaliya oo muddo ka shaqeynayay. Larry ayaa qormadiisan cinwaan uga dhigay “Mahadsanid Soomaaliya” wuxuuna ku aamanay Soomaalida dib usoo kabashada iyo horumarka ay sameynayaan, isaga oo si gaar ah u bogaadiyay cidankeenna geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay u xoreeyeen bulshooyinkooda. “Dagaalka harsan, iyadoo la adeegsanayo tababaro iyo qalabayn, Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siinaayo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka si loo ballaariyo madax-bannaanida Soomaaliya lana gaarsiiyo dhammaan dhulkeeda oo dhan.” Amb. Larry ayaa sidoo kale waxa ka dhawaajiyay inuu ku rejo weyn yahay mustaqbalka Soomaaliya, uuna ixtiraam buuxda u hayo horumarka dadkeedu gaareen, isaga oo ka codsaday madaxda siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan inay dalkan horumariyaan. Hoos ka aqriso qormadiisa oo dhameystiran; Mahadsanid Soomaaliya Waxaa qoray Danjire Larry André, Jr. Diblomaasiyiinta Soomaaliya jooga – run ahaantii dunida dacaladeeda – waxa ku habboonaan lahayd inay raacaan taladii Abwaankii weynaa ee Soomaaliyeed Hadraawi u ku tiriyey gabaygii Sirta Nolosha: Hadalkana sar weedhiisa Una saaf qofkii waaya Ha ka tegin sarbeebtiisa Hana gelin sursuur oodan Hana lumin sargoyntiisa Hana liqin sangaabtiisa Ha ku saxan badheedhkiisa Runta sogordoh haw yeelin Ha suldaarin dooddiisa Sisibaa wadaaggiisa Sababee abbaartaada Hana badin su’aashiisa Sarrifkiyo tilmaantiisa Saddex erey halkii dooni Soddon yaanay kaa qaadan Siddi-qabaxi yay raacin Sare haw dhig-dhigin luuqda Gacantana ha saydh-saydhin Hana odhan wax sawliila Anigoo raacaya tusaalaha Ustaadka hadalka, ereyada aan oron lahaa waa “Mahadsanid, Soomaaliya.” Waad ku mahadsantihiin wada shaqaynta wacan. Suuqyadii faaruqsanaa ayaa dib u soo noolaaday. Dugsiyadii ayaa dib loo furay. Wadooyin maritaankooda halis ahaa ayaa hadda u banaan ganacsi, sahleyna safaradda qoysaska dib ugu midoobeen. Iskaashigeena amni wuxuu sahley bulshooyinkii dulmanaa ee baadda iyo xagjirnimada inay ku noolaadaan nabad oo ay bilaabaan inay dib u dhisaan horumarkooda. Waxaa aad ii dhiiri galisay geesinimada ay muujiyeen ciidamada iyo dukaanleyda sida ay u xoreeyeen bulshoyiinkooda. Dagaalka harsan, iyadoo la adeegsanayo tababaro iyo qalabayn, Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siinaayo dawladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka si loo ballaariyo madaxbannaanida Soomaaliya lana gaarsiiyo dhammaan dhulkeeda oo dhan. Waad ku mahadsantihiin tusaalaha wanaagsan. Intii aan safiirka ahaa, waxaan fursad u helay in aan la hadlo Soomaalida ku nool Hargeysa ilaa Kismaayo iyo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Iyadoo wada sheekeysiga qaar uu ahaa mid aad u adag, ayaa intooda badan waxa ay igu beertay in aan ku farxey sida ay Soomaalidu heer kasta oo ay tahay bulshada uga go’an tahay in ay si buuxda u soo nooleeyaan dalkooda. Waxaan ka fikiraa aabaha reer Hiiraan oo ii sheegay in wiilkiisa askariga ah uu jecel yahay Soomaaliya iyo dadkeeda iyo rabitaankiisa inuu u dhinto. Mid ka mid ah madaxda bulshada magaalada Baydhabo ayaa iiga waramay sida ay ugu dadaalayaan hay’adaha samafalka inay diiwaan geliyaan ragga, haweenka, iyo qoysaska si loogu ogolaado inay helaan gargaar aad loogu baahan yahay inta lagu guda jiray abaarta. Ardaydii yarayd ee reer Muqdisho ayaa dhoolla caddaynaysay mar ay ka sheekaynaysay wax-akhris, waxaanay ku haminaysa inay macallimad noqoto. Kuwani waa sheekooyinka dhirigelineyso dib u soo noolaynta buuxda ee Soomaaliya. Tani waa sababta Maraykanku ugu rajo wayne yahay Soomaaliya midaysan, xoog badan, oo dimuqraadi ah, sababta aan u ahaanayno saaxiib la isku halayn karo oo dhinaca amniga ah iyo samatabbixinta bini’aadantinimo ee ugu weyn. $1.3 bilyan oo gargaar ah oo ka timid Mareykanka – in ka badan 70 boqolkiiba dhammaan deeqaha bini’aadantinimada – waxay ka hortagtay macaluul waxayna joojisay gaajo. Biyo nadiif ah oo la cabbo iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah oo ay bixisey dowlada Maraykanka ayaa ka hortagay in uu dillaaco daacuunka iyo jadeecada. Si ay Soomaaliya u dhisato dal midaysan, adag, oo dimuqraadi ah, waxay u baahan tahay dhammaan dadkeeda. Waad ku mahadsantihiin rabitaankiina. Markii aan imid bishii Janaayo ee sannadkii lasoo dhaafay, waxaa jiray qaar ku hanjabay in Soomaaliya ay dib ugu laaban doonto rabshadihii iyo sharci-darrada 1990-meeyadii. Waxaa jiray kuwo kale oo rabay in Soomaaliya hore u socoto. Muuqaaladaasi waxa ay xasuusin weyn u ahaayen in guulihii aynu ka gaarno goobaha dagaalka, suuqyada iyo fasalada ay si degdeg ah u baabi’in karaan hagardaamooyin siyaasadeed oo aragti gaaban iyo dano gaar leh. Waxaan ka codsanayaa madaxda siyaasadda Soomaaliya inay sii wadaan inay dalkan horumariyaan. Waxaa ni eegaya in ka badan 100,000 oo arday oo dib ugu soo laabtay iskuullada iskaashiga ka dhexeeya wasaaradda waxbarashada iyo USAID. Waxaa ni eegaya 8,000 ee beeralayda ah ee ku xiran suuqyada oo ka faa’ideysta qalabaytan farsamooyinka waraabka beeraha ee la wanaajiyay oo ay maalgelisay dowlada Maraykanka. Waxaan markii ugu horreysay booqday Soomaaliya 2001, 22 sano kaddib, waxaan ku rajo weynahay mustaqbalka Soomaaliya, waxaana ixtiraam buuxda u hayaa hormarka dadka Soomaaliyeed gaareen. Saaxiibtinimadeyda iyo dadka Soomaaliyeed way sii jiri doontaa inta noloshayda ka dhiman. Mahadsanid, is arag dhambe Soomaaliya. Safiirka Maraykanka Larry André Larry André waxa uu ahaa Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya laga soo bilaabo Janaayo 2022 ilaa May 2023. The post Aqriso: Safiirka Mareykanka Larry André oo farriin cajiib ah uga tegay Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa soo saaray bayaan ay ku dhaliilayaan go’aanadii ka soo baxay shirkii ugu dambeeyey ee golaha wadatashiga qaranka, kuwaas oo lagu qeexay nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta iyo qodobo kale oo xasaasi ah. Ururrada Bulshada Rayidka ayaa labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya waxay uga digeen uga digeen inay ansixiyaan heshiiskaas ay gaareen madaxda golaha wadatashiag qaran. “Waxaa noo muuqata in go’aanada ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaran aysan ku dhisneyn qiimeyn, xog uruurin la sameeyey iyo la tashiyo lala sameeyey hey’adaha dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka,” ayuu yiri Tahliil Shaatax guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka. Sidoo kale guddoomiye Shaatax wuxuu sheegay in wax fursad ah aan la siin talooyinka iyo aragtiyaha ay qabaan Bulshada Rayidka. “Waxaan walwal ka muujineynaa sameynta ay madaxda dowlad goboledyada ku yeela doonaan dhaqan gelinta heshiiskaan, hadii sida uu yahay uu ku dhaqan galo,” ayaa lagu yiri bayaanka Bulshada Rayidka. Waxaa bayaankaan lagu cadeeyey in doorashooyinkii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay ay kalsooni darro weyn ku abuureen shacabka Soomaaliyeed. “Ururrada Bulshada Rayidka waxay soo dhaweynayaan in doorashooyinka dalka loo qabto sida ku qoran dastuurka oo ah qof iyo cod, sidoo kalena hor tebin la siiyo dhameystirka dastuurka qabyada ah ee dalka,” ayaa lagu yiri bayaanka. Xildhibaanada labada Aqal ee BFS ayaa loogu baaqay in aysan ku deg degin ansixinta heshiiskaan, iyadoo aan la waafajin xaaladda dalka. Sidoo kale Ururrada Bulshada Rayidka waxay ku taliyeen in marka hore la sameeyo sharci doorasho oo la isku raacsan yahay, kaas oo qeexaya sida xubnaha guddiga doorashooyinka ay ku imaanayaan. “Metelaada gobolka Banaadir iyo xoojinta qoondada haweenka waa in mudnaan la siiyo ka hor inta aan la gaarin dooda wax ka bedel lagu sameeyo nidaamka siyaasadda dalka ee baarlamaaniga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Ururrada Bulshada Rayidka Soomalaiyeed. Hoos ka daawo The post Daawo: Dhinacyada diidan heshiiska golaha wadatashiga oo kordhay – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
  4. Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Kormeer ku tagay goobaha ay ka socoto kaadh bixinta Doorashada ee Deegaanada hoos taga Gobolka Sanaag. Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Kormeer ku tagay goobaha ay ka socoto kaadh bixinta Doorashada ee Deegaanada hoos taga Gobolka Sanaag. Madaxda Xisbiga Waddani waxa ay Warbixino ka dhagaysteen qaabka ay u socoto kaadh bixintu guddoomiyeyaasha goobaha,Dhanka kale waxa bulshada ay ku booriyey in bulshadu ay qaataan kaadhka cod bixinta doorashada. Madaxda Xisbiga Waddani waxa ay Warbixino ka dhagaysteen qaabka ay u socoto kaadh bixintu guddoomiyeyaasha goobaha,Dhanka kale waxa bulshada ay ku booriyey in bulshadu ay qaataan kaadhka cod bixinta doorashad Qaran News
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay fashilisay weerar argagixiso, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa qarax is-miidaamin ah, arroornimadii hore ee maanta. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo sida la fahamsan yahay si toos ah ugu socda beesha caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in lix qof oo ka tirsan kooxaha argagaxisada oo qorsheynayay weerar is-miidaamin ah ay walxihii ay siteen ku qarxeen tuullada Sii-xawle. Sii-xawle ayaa waxay ku taalla inta u dhaxeysaa Yagoori iyo Samkaab, waxayna ka tirsan tahay gobolka Sool, ayada oo masaafo dhow u jirta magaalada Laascaanood ee ku dagaalsan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC. “Labo kamid ah raggii falkan geystay ayaa naftooda ku waayay qaraxaas oo ahaa mid deg-deg ah, iyada oo afartii kale ay u suuro-gashay inay goobta ka baxsadaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland. Sida laga fahmi karo qoraalka Somaliland qaraxan ayaa ahaa mid si ku tala-gal aheyn ku dhacay, meel aan aheyn bartilmaameedkiisi rasmiga ah, kadib markii ay ciidanka fashiliyeen isku-dayga ay damacsanayeen kooxaha argagixisada. Somaliland ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in falalkan argagaxa leh ay carqaladeeyaan xasiloonida iyo horumarka ay gaadhay, islamarkaana ay ciidamadeedu ay si joogto ah ugu taagan yihiin ilaalinta muwaadiniinta iyo xaqiijinta ammaankooda. “Waxaan ku boorineynaa beesha caalamka inay si wadajir ah ugu istaagaan la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada. Wada-shaqeynta iyo sirdoonka la wadaago ayaa muhiim u ah dadaalladayada wadajirka ah si aan uga hortagno khatarahan si wax ku ool ah.” Ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay qoraalka Somaliland inay socdaan baaritaano la xiriira dhacdadaan, ayna gadaal kala wadaagi doonto bulshada reer Somaliland iyo caalamka. The post Somaliland oo shaacisay inay fashilisay qarax is-miidaamin ah iyo ‘halka uu ku qarxay’ appeared first on Caasimada Online.
  6. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare oo lagu ansixiyay qorshe hawleedyada guddiyada Golaha Aqalka Sare. Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) iyo xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed. Xoghayaha guddiga ayaa u soo bandhigay una faahfaahiyay dhammaan qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo diyaariyeen si ay ugu hawlgalaan kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya uu furay madaxweynaha Jamhuuriyadda. Dood iyo falanqayn dheer oo xubnaha guddiga joogtadu ay ku sameeyeen qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo bandhigeen ayay ku ansixiyeen dhaqanlgalkiisa, golaha ayaa waxaa laga sugayaa meel marinta dhowr sharci oo kusoo wajahan oo kasoo gudbaya golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Las Anod (HOL) - At least two herdsmen were killed on Wednesday in a landmine explosion in the Si-hawle Valley in Sool region. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii u horreysay si adag uga hadlay sida looga fal-celiyay go’aanadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu sheegay in qof ama koox meel fadhida aan loo dabreyn dalka waxay doonayaan, balse ay soconayaan waxa ay dadka Soomaaliyeed doonayaan. “Dadka Soomaaliyeed meesha ay ku sii jeedaan ayaa garaneyn anagu, waxa ay doonayaan ayaa garaneyn. Wax hebel iyo hebel uu rabo ma soconeyso, laakiin waxa dadka Soomaaliyeed doonayaan ayaa soconaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Qof Soomaali ah oo meel fadhiya ama koox waxay doonayaan dalkaan uma dabranaanayo, waa la soconaa.” Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in lasoo gaadhay xiligii ay Soomaalida isku filnaan laheyd oo isku tashan lahaayeen, iskana xoreyn laheyd Al-Shabaab, islamarkaana aan Dastuurkeena dhameystiri laheyn. “Waa kasoo baxnay qaxooti-nimadii waa inay dhamaayo, gacan hoorsigii waa inuu dhamaado, khilaafkii waa inuu dhamaado, duleysigii Shabaabka iyo madax hoos u foorarintii waa inay dhamaato oo dowladnimadii naga bilaabata, illaa goorma sugeyna.” “Haddaa hore usoo khaldannay maantaba in aan dhinac kale usii boodno ma ahan. Wixii maanta naga halaaba dadkeena dambe ayuu ka halaabaya. Dacaayadaha iyo mashaakilku ha iska socdaan, dalkaan waxaa dhaafin kara meeshaan qof lagu dhagan yahay oo hiigsigiisu cad yahay.” Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in marjaca u dambeeya ee go’aanada Golaha Wadatashiga Qaranka uu yahay Baarlamaanka, oo isagu saxaya haddii ay dhacdo inuu wax khaldo, hase yeeshe aan cid kale loo joojineyn, sida uu hadalka u dhigay. “Cabsida badan ha la iska daayo wixii Madasha Qaranka ay soo gaadho Baarlamaanka ayay kusoo dhamaane, hadda qaldano Baarlamaanka hana saxo, marka waxa mashaakilka keenay muxuu yahay. Waxaa laga cabsanayaa un in aan dhaqaaqno.” The post Daawo Xamza: Qof iyo koox meel fadhiya waxay doonayaan dalkani uma dabranaanayo appeared first on Caasimada Online.
  9. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda ee Military Police, kuanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino loogu dhageystay Saraakiisha Amniga, iyagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada. Saraakiisha ciidanka ayaa Guddoomiyaha Gobolka la wadaagay guulaha laga gaaray howlgallada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, kaas lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo howlgallada ka dhanka ah ciyaal weerada iyo maxyaabaha Maanka dooriya oo ciidanku ay dagaal kula jiraan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga, asigoona ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay ku jiraan howlaha sugidda amniga Caasimadda magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Isimida SSC oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa waxay maanta la kulmeen guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Soomaaliyed ee SODMA. Guddoomiye Maxamuud Macallim Abdulle ayaa qaar kamid ah Isimida dhaqanka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ku soo dhoweeyay xarunta dhexe ee hay’adda. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaana looga hadlay xaalada Laascaanood. Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan u gurmashada shacabka dhibtaada ka soo gartay colaadda sii daba-dheeraaneysa ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dhankooda, Isimada dhaqanka ayaa hay’adda maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhasahy dagaalka. Odayaashan ayaa horay ula kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kuwaasi oo ay ka wada-hadleen arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho. Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisada dagaal ee xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, oo dhowr jeer ku dagaalamay halkaasi, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan. The post Sawirro: Isimida SSC oo kulamo ka wada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  11. Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni. Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka. Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran. “Ayada oo ku timid natiijada qiimeynta joogtada ah ee aan ku sameyno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saxiibadeena, laba bil kahor, Imaaraadka wuxuu ka baxay ka qayb-galka Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka dowladda ee WAM. Waxa ay sheegtay in Imaaraadka ay ka go’an tahay wada-hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. Shan toddobaad kahor, Iran waxay toddobaad gudihiis ku qabsatay laba markab oo kuwa shidaalka qaada ah oo ku sugnaa biyaha Khaliijka, meel u dhow marinka Hormuz. Markabka labaad oo lagu magacaabo Niovi ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dubai, wuxuuna kusii jeeday dekedda Fujairah ee Imaaraadka Carabta. Bayaanka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay, in warbixin uu Talaadadii qoray wargeyska Wall Street Journal, oo isaga oo soo xiganaya ilo Mareykan iyo Khaliij ah sheegay in Imaaraadka ay ka caroodeen jawaab la’aanta Mareykanka ee qabsashada maraakiibta “ay fasiraad khaldan” ka bixineyso wada-hadallada labada dal. Ciidamada Badda Mareykanka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Imaaraadka Carabta ayaan ka jawaabin codsi loo diray si ay uga falceliyaan arirntan. REUTERS, VOA The post Imaaraadka Carabta oo ka baxay isbaheysi uu kul jiray Mareykanka + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta.oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, loo dhanyahay, lagu kalsoon yahay oo hufan. Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey Shirkii 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqangeliyo heshiiska, looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, isla markaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID. Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka, Xukuumadda DanQaran-na ay ka go’an tahay dhameystirkiisa, isla markaaana tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Garowe (HOL) – Puntland regional state soldiers have staged a mutiny on Wednesday morning over unpaid salaries and allowances in Garowe, the state's administrative capital. Source: Hiiraan Online
  14. A judge has confiscated over £10,000 in cash from a drug dealer using missing children to sell Class A drugs for him. Hussain Abdulkadir appeared at Derby Crown Court earlier this week for a Proceeds of Crime Act hearing following his sentencing hearing back in January this year. Source: Hiiraan Online
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garoowe ayaa sheegaya in maanta ciidanka amaanka ee dowlad goboleedka Puntland ay is hortaag ku sameeyeen, Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ah ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh ee ganacsiga iyo maal-gashiga caalamiga ah. Khadar oo ah wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa lagu soo warramayaa in lagu celiyay garoonka diyaaradaha ee Generaal Maxamed Abshir, xilli uu ku soo wajahnaa dhanka gudaha magaalada Muqdisho. Laamaha amniga ee garoonka ayaa la sheegay inay joojiyeen la-taliyaha madaxweynaha, kana hor istaageen inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee Garoowe, taas oo buuq xoogan ka dhex dhalisay gudaha garoonka, sida ay innoo sheegeen goobjoogayaal. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarka lagu celiyay Khadar uu kasoo baxay dhanka madaxtooyada maamulka Puntland oo ay si weyn isugu hayaan arrinta doorashada. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo uu dhacdadaan kasoo saaray la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadan qash-qashaadka lagu sameeyay safarkiisa. Wiilka Faroole ayaa waxaa horay isaga saddex siyaasiyiin oo kale waaran soo qabasho ah u jaray xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, ayada oo lagu soo eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaal dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Arrinta ayaa waxaa mar dambe soo fara-geliyay waxgaradka Nugaal oo wadahadal ku dhameeyay xiisaddii taagneyd, kadibna soo saaray go’aano culus oo lagu heshiiyay. Tallaabadan ayaa uga sii dari karta xiisadda Saciid Deni kala dhexeysa mucaarada weli ku sugan Garoowe, maadaama ay ciidamo ku heystaan duleedka magaaladaasi. Si kastaba, doorashada golaha deegaanka Garoowe iyo saddex degmo oo kale ayaa dib loo dhigay, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan gobolka Nugaal ee maamulka Puntland. The post PUNTLAND oo garoonka Garoowe ku celisay ergeyga madaxweyne Xasan + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  16. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku sodhaweeyey Qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa. Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan,waxaana looga hadlay Xaalada Laascaanood,ugurmashada shacabka dhibtaada ka soo gartay colaadaas,iyo ka shaqeynta Nabadda , wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas. Isimada Dhaqanka ayaa Dhankooda, Hay’adda Maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhashay dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni. Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka. Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran. “Ayada oo ku timid natiijada qiimeynta joogtada ah ee aan ku sameyno iskaashiga amniga wax ku oolka ah ee aan la leenahay dhammaan saxiibadeena, laba bil kahor, Imaaraadka wuxuu ka baxay ka qayb-galka Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku tiri bayaan lagu baahiyey wakaaladda wararka dowladda ee WAM. Waxa ay sheegtay in Imaaraadka ay ka go’an tahay wada-hadal iyo macaamil diblomaasiyadeed si loo horumariyo amniga iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay ka go’an tahay xaqiijinta badqabka socdaalka badda si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Imaaraadka oo ka baxday isbaheysi ay ku jirtay Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la kulmay safiir ku xigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Tim Trenkle. Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wadahadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arimaha amniga, siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne. Sidoo kale waxa ay isla soo hadal-qaadeen dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Danjire Tim Trenkle oo madasha ka hadlay ayaa u ballan-qaaday hoggaamiyaha Jubbaland inay ka caawin doonaan howlgallada la filayo inay ka billowdaan gobollada Jubbooyinka oo uu ku wajahan wejiga labaad ee duulaanka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale dhankiisa u mahadceliyay safiir kuxigeenka dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, wuxuuna sheegay in taageeradooda ay muhiim u tahay dagaalka adag ee ku wajahan maleeshiyada Al-Shabaab. Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida tooska ah uga qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna duqeynmo xoogan la beegsadaa deegaanada ay ku sugan yihiin xoogaga kooxda. Wuxuu sidoo kale Mareykanka agab milatari iyo tababar siiya ciidanka Danab oo saldhigooda ugu weyn uu kuu yaalla deegaanka Balidoogle ee Shabeelaha Hoose. Si kastaba, ballan-qaadkan Mareykanka u sameeyay Jubbaland aya kusoo aadayo, xilli ay diyaar garoobeyso guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo hadda ka socda Kismaayo iyo Afmadow. The post Axmed Madoobe oo ballan-qaad culus ka helay Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
  19. Garoowe: Ciidamo ka gadoodsan mushahar la’aan oo ay ku jiraan kuwa Madaxtooyada ayey saaka u xidhan tahay waddada gasha wasaaradaha iyo madaxtooyada; iyaga dib u celinaya mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha u socda. Qaran News
  20. Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor ayaa kulan la qaatay isimmada SSC-Khaatumo oo ku sugan Muqdisho. Qaran News
  21. Puntland ayaa goordhaweyd ka hor istaagtey in uu ka duulo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe, Ergeyga Ganacsiga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Faroole oo ku sii jeedey Muqdisho. Khadar ayaa kamid ahaa afar siyaasi oo hore ay dowladdu ugu jartay waaran-sooo-qabasho, in kastoo ay kol danbe ka noqotey – ka dib markii Guddi Gobolka Nugaal ah ay go’aamo ka soo saareen xaaladda siyaasadeed ee gobolkan. Qaran News
  22. An absence of women among China’s top leadership is concerning, the United Nations said in a report, as it recommended China adopt statutory quotas and a gender parity system to quicken equal representation of women in government. The recommendations for China by the UN Committee on the Elimination of Discrimination against Women, published on Tuesday, was made alongside findings on Germany, Iceland, Sao Tome and Principe, Slovakia, Spain, Timor-Leste and Venezuela. The committee said that while China’s representation of women in political and public life has increased, it was concerned that women only represent 26.54% of deputies to the 14th National People’s Congress. It urged China to increase the number of women in all government bureaus including the judiciary and foreign service, particularly at decision making levels. “Since October 2022, there have been no women among the 24 members of the politburo of the Communist party of China for the first time in 20 years, and no women among the seven members of the standing committee of the politburo.” The committee said it was concerned about the excessive restrictions on the registration of non-governmental organisations as well as reports of intimidation and harassment against women human rights defenders Closing session of the National People’s Congress (NPC) in Beijing China’s President Xi Jinping prepares to deliver a speech during the closing session of the National People’s Congress (NPC) at the Great Hall of the People in Beijing on March 13, 2023. NOEL CELIS/Pool via REUTERS HONG KONG, May 31 (Reuters) – An absence of women among China’s top leadership is concerning, the United Nations said in a report, as it recommended China adopt statutory quotas and a gender parity system to quicken equal representation of women in government. The recommendations for China by the UN Committee on the Elimination of Discrimination against Women, published on Tuesday, was made alongside findings on Germany, Iceland, Sao Tome and Principe, Slovakia, Spain, Timor-Leste and Venezuela. The committee said that while China’s representation of women in political and public life has increased, it was concerned that women only represent 26.54% of deputies to the 14th National People’s Congress. It urged China to increase the number of women in all government bureaus including the judiciary and foreign service, particularly at decision making levels. “Since October 2022, there have been no women among the 24 members of the politburo of the Communist party of China for the first time in 20 years, and no women among the seven members of the standing committee of the politburo.” The committee said it was concerned about the excessive restrictions on the registration of non-governmental organisations as well as reports of intimidation and harassment against women human rights defenders. China’s foreign ministry did not immediately respond to a request for comment on the report. The UN also urged China to repeal the “disproportionate restrictions” on NGO registration and ensure that women human rights defenders are not subject to intimidation, harassment and reprisals for their work. Chinese President Xi Jinping’s decade as the party’s general secretary has seen the number of women in politics and elite government roles decline and gender gaps in the workforce widen, academics and activists say. Feminist voices have also been muzzled and in recent years, the government has increasingly emphasized the value of traditional roles for women as mothers and carers. Source Qaran News
  23. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaam ayaa kulan la qaatay Safiir ku-xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle, kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo shacabka Soomaaliyeed dalkuna uu ku aadayo Doorashooyin dadweyne. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo howlgallada dhowaan la filaayo in laga fuliyo deegannada maamulka Jubbaland, kaas oo qeyb ka ah howlgalka dalka lagaga saarayo Kooxda Al-shabaab. Dowlad Goboleedka Jubbalad ayaa ah halka deegaannad ugu badan Al-shbaab ay kaga sugan yihiin Soomaaliya sanad kadib markii dowladdu ay bilowday howlgallada ka dhanka ah kooxda, waxaana howlgalka xiga ka qeyb galaya ciidanka dowladaha safka hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com