Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Saudia Arabia oo amaawiir cusub ku soo rogtay xujayda sanadkan 2023 soo gudaneysa Acmaasha Xajka Sacuudiga ayaa shuruuc cusub ka soo saaray imaanshaha dalkaas waxayna dadka doonaya inay Xajka gutaan la wadaagtay waxyaabaha mamnuuca ah iyo awaamiir la rabo inay raacaan. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa sheegtay in xujeyda kaash ahaan u sita lacag ka badan SR60,000 ($16,000) amaba dahab laga doonayo inay dowladda ogeysiiyaan. “Fadlan ka fogow qaadashada lacag faro badan iyo alaab qaali ah marka aad u safreyso boqortooyada SA” ayaa lagu yidhi Farriin ay Wasaaradda Xajku soo dhigtay barteeda Twitter-ka. Xujeyda ayaa laga doonayaa inay buuxiyaan foom, iyagoo caddeynaya inay sitaan, waxyaabo ay ka mid yihiin Lacag ka badan SR60,000, Dahab qiimihiisu ka badan yahay SR60,000, allaab ganacsi oo qiimaheedu ka badan yahay SR3,000, qaadashada allaab mamnuuc ah, Inuu qofku sito baco ama alaab ka badan miisaanka la oggol yahay. Wasaaradda ayaa sheegtay in ciddii u hoggaansami weyda amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah. Sacuudiga ayaa Sanad walba taariikh iyo waqti go’an u qabata xilliga la tagayo Makkah inta Xajka lagu guda jiro, albaabada magaalada ayaa la xidhaa waxaana keliya loo oggolaadaa dadka haysta kaadhka aqoonsiga xaajiga iyo dadka cumreysanaya, si looga fogaado isbuurashada loona hubiyo bedqabka dadka gudanaya Xajka. Qaran News
  2. Doorashadii ka dhacday Puntland oo dibeda soo dhigtay tuhun muddo badan jiray Puntland doorashadii ka dhacday May 2023 waxey u horseeday guul siyaasadeed oo ay ka gaartey dimoqaraadiyeynta maamulkeeda gudaha, balse dhinaca kale waxay kala kulantay guuldaro siyaasadeed oo barbar socotey guusheeda, taas oo hoos u dhac ku keeneysa miisaanka saami-qeybsiga ay ku leedahay awooda dowladda dhexe, maxaa yeelay natiijada doorashadaas waxey iftiimisay wax indhaha Soomaalida ka qarsoonaa oo ay banaanka u soo baxisay, taas oo ahayd in Puntland ay leedahay dad tiro yar, haddana ay lahayd damac waaliya oo ay ku doonayso awooda saami qeybsiga dowladda dhexe iney ku hesho sadbursi ka badan inta ay helaan qeybaha kala duwan ee maamulada Soomaalida intooda kale, iyadoo weliba ay suurtogal tahay in maamuladaas dhamaantooda ay ka dad tiro badan yihiin. Waxaan ka mid ahaa hawlwadeenadii dowladda ee ka qeybgalay 1975 tirakoobkii lagu sameeyey dadka ku nool jamhuriyadda Soomaaliya oo qarashka ku baxay hawlgalkeeda ay bixisay Qaramada Midoobey. Waxeyna natiijada ka soo baxday tirakoobkaas ay wax badan ka bedeshey qiyaastii laga haystey dadka ku nool gobolada Waqooyi Bari oo markii hore loo yiqiinay gobolka Majeerteenya, kadibna loo qeybiyey laba gobol oo lagu kala magacaabay Nugaal iyo Bari, haddana labaxay magaca Puntland oo ah midka hadda loo yaqaan. Dadka deegaankaas ayaa naasnuujin xad-dhaafa ka heli jirey dowladihii rayidka ahayeen oo ay madaxda sare ka ahaayeen madax ka soo jeeda heybtooda Kacaankii Oktobar ka hor, kuwaas oo tuulo walba ka dhigay degmo la xuquuqa degmooyinka waaweyn sida Beledweyne. Waxaan dalka Talyaaniga waxbarasho u tegey 1983, waxaana laybareeriga jaamacadda aan kula kulmay nin Talyaaniya oo ka shaqeynayey madxafka oo awoowgiis uu ka mid ahaa gumeysigii Talyaaniga, ninkaas oo fahmey inaan Soomaali ahay, kadibna wuxuu isla markiiba ii keenay buug ka hadlaya Soomaalida oo la qoray xiligii Talyaanigu ay gumeysanayeen Soomaalida, waxaana buugaas ku xardhanaa gabdho Soomaaliyeed oo naasahoodu qaawan yihiin iyo amaan badan oo loo soo jeedinayey tolweynaha ku noolaa deegaanka Waqooyi Bari oo tirada dadkooda si beenabuura loogu buunbuuninayey buugaas, waxaana buuga ka muuqatey sida gumeystihii Talyaaniga ay uga go’nayd iney ka abaal mariyaan kalkaaliyeyaashoodii sida daacada ah ugala shaqeynayeen danahooda gumeysi, waxeyna tirada dadka dhulkaas degen ay ka dhigeen qiyaasta inuu yahay 85% tirada dadka guud ee Soomaaliya xiligaas ku noolayd. Nasiibdaro, tirakoobkii dadka Soommalida laga qaaday 1975 dowladii mileteriga waa ay ka gaabsatay iney soo bandhigto natiijadeeda, maxaa yeelay waxey kala kulantay wax ka horyimid qorshaheedii ahaa iney Soomaaliya tirada dadkeedu gaarsiisan tahay 25 milyan, taas oo ay dowladda Kacaaanka ku damacsanayd iney caalamka uga helaan yaboohsi mug leh oo ay Itobiya mucaawinada ay ka hesho caalamka ay kula tartamaan, waxaana natiijadaas ogaa oo keliya dad yar oo la socdey xog ururinta tirokoobkaas. Taas ka sokow, waxaa ugu weyneyd ceebaha la qarinayey in goboladda Waqooyi Bari laga helay wadarta dadka ku nool oo noqotay wax ka yar laba boqol oo kun, taas oo tirada dadkooda ay aad uga yareyd tirada dadka laga diiwaanka geliyey degmada afgooye oo keliya oo ay tiradoodu kor u dhaaftay saddex boqol oo kun, waxeyna xaqiiqda tirakoobkaas ay salka ku haysay tirada dadka sida runta ah ugu nool deegaankaas, taas oo marka la ogaadey cid walba gelisey dareen ka turjumaysa isku dheelitir la’aanta aan is lahayn ee ka jirta damaca ku dhisan sadbursiga saamiqeybsigeeda awooda dowladda dhexe iyo tirada ay ku leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed oo aan is waafaqsaneyn. Waxaa tuhunkaas jirey oo la qarinayey hadda banaanka soo dhigay tirada dadka codeeyey doorashadii ka dhacday deegaanadaas 25/05/2023 oo 48 sano kadib weli dhaafi waaysey tirakoobkii la qarinayey 1975 oo qiyaas ahaan ka badan weysey laba boqol oo kun oo weliba ka badbadis ay ku jirtey, taas oo hadda kadib saldhig qiyas-cabira u noqon doonta saami qeybsiga awooda iyo dhaqaalaha ay ummadda Soomaaliyeed wadaageyso mustaqbalka dhow. Inkastoo doorashada Puntland ay tahay guul siyaasadeed oo u soo hoyatey hogaamiyaha iyo shacabka maamul goboleedka Puntland oo ku tilaabsaday horumar dimoqaraadiyadeed, haddana guushaas waxaa barbar socotey iney isla dadka deegaanka ay gacmahooda ku xaqiijiyaan tiradooda dhabta ah, taas oo fadeexad ku ah beentii ahayd iney Soomaaliya ka yihiin dadka ugu tirada badan. Miisaanka siyaasadeed oo ay kala leeyihiin bulshooyinka kala degen maamulada ka jira dalka waxaa qiyas ahaan lagu cabiraa tirada ay bulshadaas ku leedahay wadarta guud ee dadweynaha ku nool dalkaas, taas oo ah cabir lagu qiyaasayo saameyntooda dhaqaale, ciidan, iyo midkooda siyaasadeed. Waxaa nasiibdaro ah in dad tiro yar oo deegaankoodu inta badan uu maran yahay haddana ay ku haminayaan dhulfidsi iyo iney helaan saami awoodeed oo ka sareeysa Soomaalida inteeda kale, iyagoo raba iney xeeladahooda dhagareysan ay ku gaaraan iney mudnaan gaara ugu helaan madax ka soo jeeda heybtooda oo ay ku yeeshaan hogaanka sare ee dalka, kadibna damacooda sedbursiga ku dhisan ay ku meelmarsadaan, waxaase riyadaas beeneeyey tirakoobka laga helay codbixinta doorashada dhacday bisha May 2023 oo Puntland u horseeday guul maamul goboleed iyo guuldaro awooda saami-qeybsiga dowladda dhexe ee Soomaaliyeed. Dr. Saciid Ciise Maxamud Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka Qaran News
  3. War-Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka Waxaa xalay lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya kaaso laga soo saaray War murtiyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka Shirkan ayaa looga arinasaday xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran iyo arrimo kale. Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyadoo uu maqnaa Madaxweyne Deni oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo madaxda sare ee DF. HOOS KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xubin rasmi ah ku yeeshay Baarlamaanka Afrika (Pan-Afrika). Baarlamaanka Pan-Afrika oo la aas-aasay 2004-tii, ayaa waxaa ku mideysan 54 dal oo midkiiba uu shan xubin oo iskugu jira labada aqal ee baarlamaanada wadan kasta u soo diro. Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo matalaya Aqalka Sare ayaa markii ugu horraysay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika oo xilkaasna si rasmi ah loogu dhaariyay. Senator Samatar ayaa markii la dhaariyay kadib warbaahinta uga warbixiyay wax yaabihii looga hadlay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika maadaama uu ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb qaatay doodihii iyo ajandayaashii looga dooday. “Meeshan waa baarlamaan cod lagu yeelan karo oo umadda Afrika na-bari kara oo in ka badan 30 sano naga maqneyd,” ayuu yiri Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. “Halkan ayaa la iskugu yimaada sanadkii laba jeer, sanadkan waxaa kow ka ahaa arrinta cimiladda iyo sidii baayacmushtarka Afrika la isagu furi lahaa oo xuduudaha loo fududeyn lahaa, arrinta Sudan ayaa sidoo kale kamid ah.” Waxa uu intaas kusii daray “Dhaqaalaha iyo Baayacmushtarka waa kala labo, waxyaabaha doodda na dhex-martay waxay aheyd wax soo saarka ha laga hadlo inta aan laga hadlin isweydaarsiga, haddii uusan wax soo saar jirin, isweydaarsi iman maayo.” The post Golaha Aqalka Sare oo markii u horeysay xubin ku yeeshay baarlamaanka Afrika appeared first on Caasimada Online.
  5. GARASHA GARAB WEYDEY MAGACA BUUG AAN SOO WADDO. BULSHADANA RABO INEY KA FAA’IIDEYSTAAN SIIBA DHALINYARADDU @Copyright (Garasha Garab Weydey) Diwaanka Qalinleyda Soomaaliyeedd. Qalinkii iyo Maskaxdii. Abdirizak Diinaari Buugan aa kaga hadlayo nolosha Bulshadeena oo la magac Baxey. (Garasha Garab Weydey) oo ka kooban ● Arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda luntey ● Dhaqanka Soomaalidii hore, gobanimadooddii ● Qoyska bulshadda Soomaaliyeed ee qurbaha Waa meerisyo aan ka qorey, intaan noola iyo waayo aragnimo aan ka dhaxley wayeelka Soomaaliyeed ama aan ka guntey hab-dhaqanka bulshadeena ama aan anigu shaqsiyan u ahaa goojoob. Waan xaab tiraya. Anoo ka duulqaya akhrista buwaan badan aan akhriyey. Si aan bulshadeena ula wadaago wax anfaca ama u noqon kara aragti xasuus iyo dhaxal irmaan aan marnaba duugoobin. Anigu qoraaladda Soomaaliddu ima kala duwana buwaag badan akhriyey oo ragbadani qoreen intooda badan waa dhinteen oo ka soo kala jeeda 5 Soomaaliyeed ey degtoba. Sidaad darteed waxaan jeclaystey, Anna in aan ku deydo ama isku dayo. Dhalinyaradda la wadaago. Waxey ka dhigtaan soyaalka Taariikh ee dadkoodu soo mareen ama maanta waayaha taagan iyo kuwii shalley. Si ey u barbardhigaan mustaqbalka fog ee bulshadda caalamku ku socoto. Qeybo ka mida waxaan ka qaatey farshaxankii Suugaanteena oo aad mooda iney tahey Taariikhda dhabta ee umadeena meel ey joogtoba soo martey. Waayo gabeyga iyo heesahu waxey tabinayeen bulsho nololeed. Sababtoo ah luuqadda. Afsoomaaligu waa qani hal abuurkiisu Cilmiga Philosophy waxaad mooda in eynu u dhalaney bulsho ahaan. Waayo Soomaaliddu waa (Oral) society hadey qori lahayeen waxey afka ka sheegaan waxeynu noqon umadda addunka lagu deydo. Waayo xikmadda nolosha iyo hal abuurkeenu ma liito. Waxase ina diley xikmadeeni makhaayad bey ku luntey. Ragii horena cid wax ka qortey iska daaye inteena wax qortey baan soo xigan. weedha ey yidhaadeen oo ah kuwa nolosheena ku saabsan. Sidaas darteed baan ku talo galey, Intaan ama akhriyey ama rag waaweyn la kulmey inaan isku soo xooriyo, itaalkeyga. Buugana magacan baan u bixiyo. Anoo bulshadeena u qeybiyey saddexda qodob aan kor ku soo sheegey. in aan midba qeyb ka qoro. Hadii alle igu simo waan soo saaraya mustabaqalka dhow. Waana saddex qodob oo mucweyn oo balaadhan. Balse waxaan rabaa in aan u ibo fura soyaalka mustaqabalka fog dhalinyaradeena. Sawirka Geldiga Muqaalkan baan u doortey, oo ah Muqaal nin Soomaaliyeed oo muujinaya dhaqankeeni. Faabreebakana rag waaweyn baan la wadaagey. Insha alaah waxaan rajeynaya in aan soo bandhigi doono. Maalinta alle qadaro. Qoraalku waa wax aan sahlaleyn u baahan inaad macaal doorato kelmadaha ku haboon tabinta ku dhisan dhaqanka iyo asluubta erey bixinta. Markaa intaanad soo saarin marwalba waxaan la wadaaga qofka aan isleeyahey waxbuu ka saxi karaa ama hore wax u qorey. Siiba ragga waaweyn. Taasina waxey keenta in aan dib u saxo meelo badan oo ku saabsan fahamka dadkeena iyo kelmadda ku haboon. Marna waxey igu kordhisa waxaan ka tagey ama qof markuu arkey godladdey oo wax igu kordhiyey. Si aan ugu daro meelo aan ama taariikh khadley ama qodobo aan ka tagey oo aan isleeyahey bulshaddu way xiiseyneysa ama waxbey tareysa mustaqabalka fog. Isku soo wadda duubo. Qoraalku waxu u bahan yahey Taxadar fara badan iyo inaad ku Dedaashey inaad qorto waxii Xaqiiq ah ee dhaqan iyo Taariikh Ama Bulshaddeena ku Saabsan. Waayo qoraalku waxu nolaadda Qofka qorey in ka badan noloshiisa Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  6. Shirkii Madasha Wada-Tashiga Qaranka oo ku soo xirmay Muqdisho ayaa laga soo saaray War-Murtiyeed faahfaahinaya Qodobadii looga hadlay Shirkaas. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey. Madasha Wada-Tashiga Qaran ayaa ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya. Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (ProportionalRepresentation – Closed List). Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loona dardargeliyo habsami u socodka dowladnimada, waxaa dalka uu qaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen. Heshiiska waxa ka maqan Puntland oo aan gebi ahaanba ka qayb gelin Shirkii Madasha Wada-Tashiga Qaranka ee ku soo xirmay Muqdisho. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madasha Wada Tashiga Qaran oo gaaray heshiis ay ka maqan tahay Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. WAA QORAAL LUXDAN EE SI FIICAN U AKHRI MUWAADIN DHAMAATIIN. SI AAN SOYAALKA TAARIIKHDA WAX UGA BARATO _______________________________________________________________________ #Ahmed_Siilaanyo si kasto loo lahaa xasuustiisa hoos u dhacdey. Hadana fagarayaal badan oo caalamiya ayuu Isla soo taagey khudbaddo dhaadheer oo qadiyadda Somaliland uu ku soo bandhigayey. Isago isticmaalayay weedho culculus oo diplomasiyadeed aan la liicin kareyn oo kalsooniyi ka muuqatey. Dhageys-tayaasha fagarayaashu ka hadleyna aad bey ugu riyaaqi jireen. Iyadoo suaalo badana laga weydiin jirey oo uu kaga jaawabi jirey si hufan oo cilmiyeysan. Waligey inta aan xasuusto maalin uu xanaaqey waxa jirtey mar uu ka hadlayay maxaddka darasaadka caalamiga ah ee IPI Markeykan. Gabadh reer buhoodle ahi, hadalka kala joogin weydey iyadoo leh. Ciidanka Somaliland haka soo baxo gobolka Sool. Markii xidhiidhiyihii madashu yidhi sug hadaba halagaga jawaabe bey aamusi weydey. Markaasu intuu xanaaqey yidhi #Rabish. Inta badan waxu ku ahaa saxaafadda balaaqi. Markuu SNM ahaa wariyayaasha BBC sifiican buu isaga celin jirey. Waxaan qabaa inuu kursi jeclaa, maamulkiisa waxii ka qaldamey dad badan oo siyaasadda faleeya waxey qabaan in aanu waxbadan kala socon. Aragtiyo kuwaas ka duwan ayaa qaba in aanu masuuliyadda isagu lahaa, markaa aan loogu garaabeyn waxba muu ogeyn. Isku soo wadda duubo waqtigiisii wuu soo qaatey, wallow uu maanta gaboobey. Siyaasaddana Ka baxey. Anigu waxaan Ka midka ahaa dadka xukumadisii ugu dhaliisha badnaa waxaan filaayaa 1000 iyo dheeraad article baan ka qorey. Hadaaneyba Ka badneyn. Balse shaqsiyadisa marnaba maan aflagadeyn jirin. Waxaanse mar walba tilmaami jirey ama sheegi jirey waxey xukumadiisu qaladdo. Qolyo reer kulmiye ah baa igu odhan jirey. Adigu waddani waad ka horeysa bal qalinka yara dhig. Qaarkoodna qabeen in aan degaan ahaan u maagayo. Waxaan xasuusta kulankii isagu kaayo horeysey isaga iyo aniga intuu xafiiska joogey waxu ahaa 10 October 2010. Sifiican buu ii qaabiley, balse iskumaanu raagin xukumadiisii oo markaa raga ku jirey dowladdnimadda ku wadda cusbaayeen oo qofka xukumadii UDUB ku jirey u heysta (GAALOYARYAR). Markaan arkey ayaan iskaga tagey shaqadii xukumadda. Isaguse maalinta imuu tusin cunsuriyad ama naceyb uu u qabey dadka xukumadaas la shaqeynayay. Markaasna waxa socotey sidii mansabyadda dowladiisa looga buuxin lahaa tageerayaashi xisbiga kulmiye oo aan xukumadiisa raga kujiraa qarsaneyn. Kulmiyahii wagaas iyo kulmiyaha maantase farqiweyn baa u dhaxeeya. Waayo xisbiga kulmiye isaga hadda isugu filan mucaaradd. Waayo rag badan oo banaanka la dhigey ayaa sidda curiga (Guuxaya) oo aan mooda iney bisad gaadayaan!!!! UUC OOH. Iyagoo tirsanaya hogaamiyaha maanta iney tacab badan galiyeen inuu kursiga yimaado. Weyse dhacdaa intaad Geed beerto inuu ka qaado. Waxase la sameeya lagama samree beerta inta dib loo baaqbaaqo ayaa dib mid kale loo abqaala. Waxaana qabaa Geedka cusub ey beeri doonaan inuu noqon doono Xisbiga Waddani. Waxaan leeyahey sidii aad waagii u fekereyseen u fekeri meyne. Soo dhowaadda qof-walba oo siyaasadda maanta xukumadda kulmiye saluugsan waxaan leeyahey xaruntii isbedelku waa WADDANI. Waayo siyaasigu mar walba waxu raadinaya (political Market) Markaa suuqa maanta macaashka siyaasadeed ee mustaqbalka ah lahi waa halkan ee (Siidhka) aad rabtaan inaad beertaan xisbiga kusoo ridda si aad uga mid noqotaan guusha mustaqabalka. Dalkana isbedel cudoon oo caafimaad qaba oo umaadu gacmaha iswadda heysato loo gaadhsiiyo. Alle caafimaadka ha u siyaadiyo. Faaladda Caawa. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa baahiyey heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey. Golaha aya wuxuu ku heshiiyay inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya. Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee Liiska Xiran (Proportional Representation – Closed List). Liisaska xisbi walba waa in aysan ka badnaan laba-laab kuraasta loo tartamayo, kana yaraanin tirada guud ee kuraasta loo tartamayo. Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS loonavdardargeliyo habsami u socodka dowladnimadeena, waxaa dalka uuvqaadanayaa nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka waxaa hal warqad ku dooranaya shacabka Soomaaliyeed ayadoo lagu salaynayo nidaamka xisbiyada badan. Degmooyinka G/Banaadir waxa ay yeelanayaan goleyaal deegaan oo ay soo dooranayaan dadka deegaanka si toos ah, waxayna dhacaysaa 30 June 2024. Doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer DXDF waa qof iyo cod oo shantii sanaba hal mar ah. Si loo mideeyo muddada doorashooyinka heer DXDF, waxay doorashooyinku ku qabsoomi doonaan sida soo socota: I. Dowladaha Hoose waxay doorashadooda dhici doontaa 30 June 2024. II. Golaha Wakiilada DXDF waxay doorashooda dhici doontaa 30 November 2024. III. Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka DXDF waxay doorashadooda dhici doontaa 30 November 2024. Hoos ka aqriso heshiiska oo faah-faahsan The post DEG DEG: Aqriso heshiiska hanaanka doorashoyinka dalka oo faah-faahsan appeared first on Caasimada Online.
  9. GARSOORAYAAL KA TIRSAN MAXKAMADDA SARE OO DACWADO UGU BAXAY GOBOLADA BARI EE DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND. 8 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa muddo 20 cisho ah u guuray, deegaanadda hoos yimaada Gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag, iyagoo bulshada ku dhaqan deegaanadaasi ugu tagaya kambalka reerka, uguna garnaqaya geedka hoostiisa. Ujeedada safarkan shaqo ayaa daaran sidii ay Maxkamadda Sare ugu fududeyn lahayd muwaadiniinta ay dacwadahoodu u soo gudbeen Maxkamadda Sare, ee ku dhaqan deegaanadda ka fog xarunta Maxkamadda Sare. 19-kii bishan ayay kooxda koowaad ee Garsoorayaashu ka amba-baxeen magaaladda Hargeysa, si ay uga soo garnaqaan dacwadaha uga soo gudbay Gobolada bari ee dalka iyo deegaannada baaxada leh ee hoos yimaada. Sidoo kale waxa maalintii shalay ka daba safray labadii kooxood ee kale si ay dhankooda uga soo garnaqaan dacwadaha diwaanka ugu jira ee ka soo gudbay deegaanadaasi. Waxa xusid mudan in Maxkamadda Sare bil kasta u baxdo gobolada, halka sannadkiina ay laba jeer u guurto gobolada bari iyo kuwa galbeed ee dalka si muwaadiniinta ku dhaqan deegaanada durugsan ee dalku ay u helaan xaqa Dastuurku u jideeyay ee Garsoorka. Maxkamadaha guurguura ayaa kaalin mug leh ka qaata fidinta adeega Garsoorka, waxaanay laf-dhabar u tahay sugidda cadaaladda, taasi oo bulshada ku abuurtay kalsooni badan. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee kasoo socday magaalada Muqdisho ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo lagu gaaray heshiis isbeddel weyn ku sameynaya hanaanka dowladeed ee dalka. War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa waxaa qodobada ku xusun waxaa ka mid ah; in heshiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaa sidoo kale ku xusan arrimaha amniga deyn caafinta, dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka Puntland. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in lagu heshiiyey in nidaamka dalka ee madaxweyne iyo ra’iisul wasaare la beddelo, lagana dhigo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in dalka laga hirgeliyo labo xisbi siyaasadeed, hal guddi doorasho qaran, iyo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda heer degmo, heer gobol iyo heer federaal, oo ay ku jirto gobolka Banaadir iyo degmooyinkiisa. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in muddo sanad ah lagu kordhiyo muddo xieedlka maamul goboleedyada, islamarkaana doorashooyinka madaxweynayaashooda la qabto November 2024. Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in sanad lagu kordhiyo muddo xileedka hay’adaha federaalka balse loo dhaafo go’aankiisa baarlamanka federaalka, oo dhowr bil ka hor guddi u saaray arrintaas. Waxaa xusid mudan in qodobada qaarkood ay u baahan yihiin in waxa laga beddelo dastuurka federaalka, taasi oo ay adag tahay. Heshiiska doorashooyinka ayaan faah-faahintiisa lagu xusin war-murtiyeedka, balse wuxuu kusoo baxay dokumenti gaar ah, kaasi oo dhowaan aan idinla soo wadaagi doonno, hadduu Eebe raali ka noqdo. Hoos ka aqriso war-murtiyeedka The post War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
  11. Ankara (Caasimada Online) – Dadka waddanka Turkiga ayaa berri markale u dareeri doona codeynta doorashada madaxweynaha Turkiga. Waa markii ugu horeysay abid oo ay dadka reer Turki galayaan doorasho madaxweyne ku-celis ah. Waxaa hadda la kala dooranaya madaxweynaha xafiiska fadhiya Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Kemal Kilicdaroglu. Ku dhawaad 64 Milyan oo qof ayaa codeynaysa berri, cod-bixinta ayaa bilaaban doonta 8-da aroornimo waxayna ku eeg tahay 5-ta galabnimo. Iibka khamriga ayaa mamnuuc ah, warbaahinta ayaa sidoo kale xadidan. Madaxweyne Erdoğan ayaa saadaal aan la fileyn kala kulmay doorashadii dhacday 14-kii May, taas oo dad badan siineysa dhiirasho ah inay soo laabasho xooggan u rajeeyan doorashada berri. Dhowr arrimood ayaa caawinaya inuu Recep Tayyip Erdoğan shanta sano ee soo aadan uu hoggaamiyo waddanka Turkiga oo uu ku adkaado doorashada ku celiska ah. Mid waa natiijadii 14-kii May: codeyntii dhacday 14-kii May waxay muujisay in Erdoğan uu weli haysto shacbiyad xooggan, maadaama lix xisbi u midowday waxaa la filayay in si fudud uga adkaan karaan, laakiin hadda dadka siyaasadiisa dhaliila waxay kusoo qancayaan in aan la garaaci karin ninkaan. Kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka ayuu xisbigiisu ku adkaaday, taas oo sahlaysa inuu midda madaxweynahana ku adkaado, maadaama madaxweyne aan haysan aqlabiyad Baarlamaan ay adag tahay inuu dalka maamulo oo sharciyo badan uu dhaqan-galiyo. Dal kasta xisbiga aqlabiyada Baarlamaanka ayaa ku haboon inuu sidoo kale haysto Madaxtooyada, si wada-shaqeyntu u hagaagto. Midda labaad waa Oğan oo maray dhinaca Erdoğan: Hoggaamiyaha ATA İttifakı Sinan Oğan oo kaalinta saddexaad ka galay doorashadii dhacday 14-kii May, ayaa soo maray dhanka Erdoğan, isaga oo sheegay in isbaheysiga mucaaradka aanay soo bandhigin wax loo qaateyn ah oo ay kaga wacan yihiin nidaamkii talinayay labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Ninkan inuu dhinaca Erdoğan maray ayaa madaxweynaha tallada haya siinaysa taageerayaal cusub iyo fursad uu ku adkaan karo berri. Reuters iyo Al-Jazeera waxay wareysteen dad badan oo Turki ah, waxay sheegeen in aanay jirin xamaasadii hore ee doorashada. “Kaliya waajibkeena ayaa gudanayna, laakiin doorashadu inay dhamaatay ayay u eeg tahay,” ayay leeyihiin dadka la wareystay. Qaxootiga ayaa mawduuc weyn ka ah doorashada berri ka dhaceysa waddanka Turkiga. Warbaahinta reer galbeedka ayaa badalay qaabkii ay laba asbuuc u odarasayeen doorashada Turkiga, waxayna hadda qorayaan inay u badan tahay in Erdoğan uu sii hoggaamin doono dalkaan xubinta ka ah NATO. Dunida Muslimka ayaa sidoo kale si weyn looga eegaya doorashada Turkiga ee dhaceysa berri, maadaama dalkaan uu dhex-taal u yahay loolanka reer Galbeedka iyo Dunida Muslimka. The post Doorashada berri ee Turkiga iyo sababaha uu ku adkaan karo ERDOGAN appeared first on Caasimada Online.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga maanta ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Shirka maanta ayaa waxaa kusoo biiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka soo laabtay Shirka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ee ku qabsoomay Sharm El Sheikh ee dalka Masar. Shirkaan ayaa waxay madaxda uga arrinsayaan arimaha amniga, dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan wajiga labaad iyo dhammeystirka deyn cafinta, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay Villa Somalia. Madaxtooyada ayaa sidoo kale shaacisay in madaxdu ay shirkaan diirada ku saari doonaan wixii ka dhaqan-galay heshiisyadii ay horey ugu gaareen shirkarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran. Fadhigii hore ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa oo ku biiray wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale. Waxaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howl-galka isku dhafka ah ee ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howl-gal mideysan oo dalka lagaga sifeynayo kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wejiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna. Si kastaba, gaba-gabada shirkaan ayaa la filayaa in madaxdu ay soo saareen war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan muddada uu socdo shirkooda. The post XAMZA oo ku biiray shirka Wadatashiga Qaranka iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  13. PRESS RELEASE Access to Capital Markets for African Cities and Subnational Governments: Capacity-Building Program to Foster Economic and Financial Development of African Cities The upcoming training in Johannesburg will specifically focus on the practical experiences of South African municipalities in accessing the capital market Access Multimedia Content JOHANNESBURG, South Africa, May 27, 2023/ — United Cities and Local Government of Africa (UCLG Africa) (https://www.UCLGA.org/), in partnership with the African Development Bank (AfDB), is organizing the second phase of its capacity-building program for Chief Financial Officers of African cities. This training will be held in Johannesburg from May 29th to June 2nd, 2023, as part of the implementation of the Africa Territorial Trade and Investment Agency (ATIA). ATIA serves as a financial vehicle aimed at enhancing the investment capacity of African cities and subnational governments through bond issuance in the financial market. Download Document 1: https://apo-opa.info/428K3uA Download Document 2: https://apo-opa.info/45vHWnj The objective of this program is to prepare African cities and territories, who are members of ATIA, for accessing finance. The first training was conducted in Abidjan, Côte d’Ivoire, from September 19th to 24th, 2022, with financial support from GiZ and the Sahel and West Africa Club of the OECD. During the training, participants received guidance from experts representing various organizations including the Regional Council for Public Savings and Financial Markets (CREPMF), Bourse Régionale des Valeurs Mobilières d’Abidjan (BRVM), Bloomfield Investment Rating Agency, HUDSON Intermediation and Management Company, the West African Development Bank (BOAD), the African Development Bank (AfDB), and United Cities and Local Governments of Africa. The upcoming training in Johannesburg will specifically focus on the practical experiences of South African municipalities in accessing the capital market. It will receive support from C40, an organization dedicated to combating climate change and representing 94 of the world’s largest cities, as well as the Development Bank of Southern Africa (DBSA), the European Investment Bank (EIB), the Urban Municipal Development Fund (UMDF), and the South African National Treasury. This capacity-building program for Chief Financial Officers of African cities and territories aims to equip participants with the necessary knowledge, skills, and tools to successfully access the financial market, enhance their investment capacity, and support the economic development of African cities and subnational governments. Furthermore, it highlights the commitment of UCLG Africa, the African Development Bank, and all partners to supporting financial initiatives, empowering African cities and territories, and fostering their economic growth. The media and press organizations are cordially invited to cover the press briefing that will be organized after the opening of the training at the Hilton Sandton Hotel in Sandown, Johannesburg, South Africa. The Communication Department of UCLG Africa is also willing to organize and facilitate appointments with experts and participants of the training, provided that interested media and press organizations submit their request to the department before the event. SOURCE United Cities and Local Governments of Africa (UCLG Africa) Qaran News
  14. Islaan Ciise, Islaan Maxamed, ayaa caawa casho sharaf sagootin ah u sameeyay Isimadda SSC ee berri u ambabaxaya Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu Insha Allah. Isimadda SSC ee berri Mogadishu aadi doona Insha Allah ayaa kala ah. Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Garaad Abdirisaaq Garaad Soofe Garaad Abdisalaan Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqad dacwo ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, taasi oo ay ku eedeeysay ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Mareykanka ayaa warqadan ku sheegay in askarta ilaalada dhaw u ah labada masuul ee Xamza iyo Lafta-gareen ay si xun ula dhaqmeen kooxda ammaanka safaaradda Mareykanka, intii lagu guda jiray munaasabaddii sagootinta ee safiirka xilka kasii degaya, taasi oo lagu qabtay 17-kii bishaan magaalada Muqdisho. Warqadda dacwada ah ee Safaaradda Mareykanka u gudbisay Wasiir Abshir Huruuse ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay ilaalada labadaasi masuul inay hub ula soo baxeen, islamarkaana u gacan qaadeen saddex xubnood oo kamid ah shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya. “Ciidamadeenu waxay ku sugnaayeen iridka goobta ay ka dhacaysay munaasabaddu, ilaalada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxay bahdileen xubno kamid ah kooxdeena ammaanka qaabilsan, ilaalada labada masuul hub ayay ula soo baxeen wayna u gacan qaadeen saddex xubnood oo kamid ah shaqaalaha Safaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka. Warqaddan eedeynta ah ee Safaaradda Mareykanka u jeedisay ilaalada Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ee ay u marisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa illaa hadda aysan kasoo bixin wax warcelin ah oo ku aadan eedeynta loo jeediyay ilaalada labadaasi masuul. “Qofka wakiil dublumaasiyadeed waa in aan lagu xad-gudbi karin… Hab-dhaqanka aan la aqbali karin ee labada kooxood ee amniga dowladda ayaa dhibaato u geystey shaqaalaheenna diblomaasiyadeed.” Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida dhow u taageero dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale kaalin muuqata ku leeyahay dagaalka lagula jirdo kooxda Al-Shabaab oo uu duqeeyo. The post Mareykanka oo dacwo ka ah ilaalada Xamza iyo Lafta-gareen + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay baaris ku waddo dugsiyada Muqdisho qaarkood, oo dhiganayeen arday laga reebay imtixaanka shahaadiga ah ee ka billowday dalka. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa ugu horeyntii waxaa lagu sheegay in ardayda maalmihii dambe ka cabanayay in laga reebay liiska ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ay yihiin kuwa aan soo marin habraacii sharciga ahaa ee sooyaalka waxbarashada. Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ardeydaan ay xogtooda ardaynimana aysan ku jirin xog kaydiyaha guud ee waxbarashada dalka. “Waxaa ay Wasaaraddu baaris ku waddaa dugsiyadii sida baalmarsan sharciga sooyaalka iyo hanaanka waxbarashada dalka ku kacay, ee ardaydan aanan xogtooda la haynin ay wax ka baranayeen.” Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in dugsigii ay ku caddaato inay mas’uul ka yihiin fal-dambiyeedkan ay la tiigsan doonto sharciga, si looga qaado tallaabo sharci ah. “Wasaaraddu waxa ay u taagan tahay ilaalinta hufnaanta habraaca waxbarashada dalka. Sidaas darteed, wasaaradda waxay ku wargalinaysaa waalidka Soomaaliyeed in ay si weyn uga feejignaadan dugsiyada aanan raacaynin habraaca iyo hanaanka sharciga ee u yaalla waxbarashada dalkal had iyo goorna ay hubiyaan sugnaanta xogta ardaynimo ee ubadkooda.” Ugu dambeyntiina waxay Wasaaradda Waxbarashada ay guul u rajeysay dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee sida habsamida u soo dhameystay waxbarashadooda 12-ka sano, ee maanta imtixaanka ugu dambeeyay dugsiga sare u fariistay. “Waxay guul weyn u rajaynaysaa wasaaraddu, dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad. Waxay wasaaraddu sidoo kale bogaadinaysaa mas’uuliyiinta, hawl-wadeenada iyo ciidamada amaanka ee maanta u taagan sidii ardaydu u heli lahaayeen jawi deggan oo habsami leh, oo ay imtixaanka shahaadiga ku galaan.” Arrintan ayaa imaneysa, iyada oo maanta ay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka uu si isku mid ah uga billowday imtixaanka qaran ee dugsiyada sare oo ay qaadesyo wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee dowladda. Imtixaankan oo ay u fariisteen in ka badan 33 kun oo arday ah ayaa waxaa daah-furay, ku simaha ra’iisul wasaaraha dalka, ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, waxaana sidoo kale wehlinayay wasiirka waxbashada Soomaaliya. The post DF oo shaacisay in baaris ku waddo dugsiyada qaarkood oo ku kacay arrin yaab leh appeared first on Caasimada Online.
  17. Mucaaradka iyo xukuumadda Puntland ayaa gaadhay heshiis, waxana lagu heshiiyay in la qabto doorashada degmooyinka hadhsan ee Garoowe ku jirto. In aan la farogelin Dastuurka iyo Doorashada madaxtooyada ee qorshaysan 8 January. Sidoo kale waxa ay isla qaateen in dagaalka Sool ay xoojiyaan. Source
  18. Guddigii loo saaray xallinta xiisaddii Garoowe ayaa ku dhawaaway go’aan ah in la qabto doorashada saddexda degmo ee Gobolka Nugaal. Waxaase go’aankaas weheliya laba qodob oo kala ah; in aan gebi ahaanba wax ka beddel lagu samayn karin Dastuurka Puntland iyo in aysan doorashada madaxweynaha dhaafi karin 8 Jan 2024. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay geed ka go’an difaaca Gobolka Sool waxaana uu ugu baaqay bulshada Gobolka Nugaal in ay si buuxda uga qayb qaataan. PUNTLAND POST The post Guddi loo xil saaray xallinta xiisadii Garoowe oo go’aanno soo saaray appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) - A confidential letter from the U.S. Embassy in Somalia to the country's Minister of Foreign Affairs, Abshir Omar Huruse, has been leaked, revealing a disturbing security incident at an Ambassador's farewell event at the Diplomat Freight Service (DFS) camp last week. Source: Hiiraan Online
  20. The Uganda military has sent a team led by the Chief of Land Forces, Lt Gen Kayanja Muhanga, to Mogadishu, Somalia, to ascertain the circumstances under which the country’s troops were attacked on a dawn raid on Friday. Source: Hiiraan Online
  21. ST. PAUL, Minn. (AP) — Gov. Tim Walz, this week, vetoed a bill that would have mandated higher pay and job security for Lyft and Uber drivers in Minnesota, saying the legislation wasn’t ready to become law. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socday Hay’adda Bunyaan oo fadhigeedu yahay Kuwait kana shaqaysa Arrimaha bulshada. Madaxweyne ku xigeenka ayaa masuuliyiinta Hay’adda uga mahadceliyey Gar-gaar ah bini’aadanimo ee ay gaadhsiiyeen gobolka Sool, isaga oo ku booriyay inay sii dar-dar geliyaan shaqada ay ka wadaan Puntland. Kulanka waxa Madaxweyne ku xigeenka ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Saraakiil Madaxtooyo. Ugu danbayn Hay’adda ayaa shahaado sharaf guddoonsiiisay Guddiga arimaha bini’aadantinimada Puntland u qaabilsan gobolka Sool iyo Mu’asasada Al-minhaaj oo gacan ka siiyay arrimaha Gar-gaarka. The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay saraakiil ka socday Hay’adda Bunyaan ee dalka Kuwait appeared first on Puntland Post.
  23. Mogadishu (HOL) - Somalia's Deputy Prime Minister, Salah Ahmed Jamac, along with Minister of Education, Farah Sheikh Abdukhadir, inaugurated the 2022/23 National Examination for secondary school students in Mogadishu on Saturday. Source: Hiiraan Online