-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - The Somali National Army (SNA) repelled an al-Shabaab attack on one of its bases in the central region on Tuesday morning. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo la filayo inuu dhowaan uu dalka si rasmi ah uga billowdo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa mar kale ujeedka dagaalkan waxaa faahfaahin ka bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha oo shalay ka hor hadlayay Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa mar kale ku celiyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka Shabaab, si dalka looga xoreeyo. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku goday in wejiga labaad ee howlgalka oo ay ka qayb-qaadan doonaan dalalka dariska ah uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab oo in ka badan 15 sanno dagaal ka wada gudaha Soomaaliya. “Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii Alle oggolaado” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qayb qaato.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay doorka culumada ee ku aadan dagaalka ay iclaamisay dowladdiisa, maadaama ay horay Fatwo uga saareen la dirirka Shabaab. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay heli karaan ay dooneen taageero, si meel looga soo wada jeesto kooxda Al-Shabaab. “Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.” ayuu yiri Xasan Sheekh. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab aysan dowladdu ka laheyn dan siyaasadeed, balse u jeedka uu yahay in shacabka laga dul-qaado kooxdaan oo weeraro saf-ballaaran ah ka fulisa dalka oo dhan iyo xitta dalalka dariska ah. “Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab.” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. The post Daawo: Muxuu yahay howl-galka cusub ee dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday? appeared first on Caasimada Online.
-
ExxonMobil will continue the search for big new oil and gas fields that can help fund alternative energy sources such as LNG and renewables, even as the threshold for committing exploration spending gets ‘ever higher,’ the US supermajor upstream exploration chief, John Ardil, has said in an interview. Source: Hiiraan Online
-
“People forced from their homes, having lost their livestock and their livelihoods, desperately in need of the support that the World Food Programme is providing to keep them alive” – this is how Michael Dunford, Regional Director for the World Food Programme (WFP) in East Africa, described the challenges in Somalia when he visited the country recently. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qalinka ku duugay xeer dhigaya in la dilo dadka isku jinsiga ah ee wax isu raadsada. Xeerkan oo hore Baarlamaanku u ansixiyeen ayaa dhaliyey buuq badan oo ka yimi dhinaca reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo ku hanjabay in ay Uganda tallaabo ka qaadi doonaan haddii sharciga la dhaqan geliyo. Waddamada reer Galbeedka ayaa ku doodadaya in sharcigani uu yahay mid ka hor imanaya xaquuqda Aadanaha. Qaran News
-
Doorasho Wakhtigeedii Laga Soo Hor Mariyey! Guddoomiye Xirsi Doorashooyinkii dalka Turkiga ee xalay soo gebagaboobay waxa dunida oo dhan iyo si gaar ah innagaba ugu sugan casharro hannaanka dimuqraadiyadda, doorashooyinka, dawladnimada iyo ilbaxnimada intaba isugu jira, waana sababta ay indhaha caalamku ugu soo jeedeen, looguna tilmaamay doorashooyinka sannadkan ugu muhimsan dunida oo idil! Hannaanka doorashooyinkani u dhaceen oo ahaa kuwo isasaaran oo ka kooban Doorasho Madaxtooyo & Baarlamaan ayaa ahaa mid soojiidasho leh, waxana ay gaadhay qiyaasta tirada dadka codeeyey %88 dadkii kaadhka haystay, waana celcelis aad u sarreeya oo dalalka ugu dimuqraadisan ee guunka ah ay adag tahay in ka-qayb-qaadashada doorashada ay heerkaa taabato. Habka fudud ee dadka sidaa u tirada badani ay codkooda u dhiibteen iyo sida saacado aad u kooban ay u soo baxeen natiijooyinku waa arrin ku timid shaqo badan oo hannaankan doorasho laga qabtay iyo horumarin lagu sameeyey. Ma aha keliya Turkiga, dalal badan oo caalamka ah, kuwo inoo dhow oo ood-wadaag aynnu nahay iyo kuwo inaga durugsan ayaynnu wax badan ka baran karnaa oo horumarka iyo dhismaha Dawladnimada iyo haayadaheeda ah, waase haddii ay inaga go’naato oo aynnu horusocodkeeda la nimaadno, sidiisana aadamuhu waa mid hore u socda ama waa mid gadaal u socda, oo dariiq kale ayaanba u furnayn. Waxyaabaha sida gaarka ah aynnu carrabka ugu dhufan karno waxaa ka mid ah in doorashadani ka soo hormartay xilligii loogu talogalay, waliba iyadoo markaas ay taagan tahay saamaynta musiibadii dhul gariir ee dadka 50ka kun kor u dhaafaya iyo adduunka kaleba lagu waayay! Marka aynnu teenna u nimaadno, ina ragna xaalkii sidaa yahay waxa aad ogaanaysaa in waxa la isku dhaafay uu dedaalka yahay, dawladnimaduna aanay wax afka laga sheegto ama waraaqo lagu qorto keliya aanay ahayn ee ay tacab iyo shaqo baaxad weyn u baaha tahay. Iskadaa in aynnu doorasho soo hor marinno e, waxa aynno awoodi la’nahay in aynnu wakhtigeedu ku qabanno, ceebna ma aha oo daalaa-dhaco waa marxalad la soo mari karo, balse ceebtu waa in marxaladdii noqon weydo wax la dhaafo oo laga gudbo, horena looga socdo! Waan hambalyaynayaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxa aanan u rejaynayaa inuu halkaa ka sii wadi doono geeddi-socodka horumar ee dalka Turkiga iyo sidoo kale waxqabad intaa ka sii badan oo shacabkiisu u aayo. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS, ayaa shaaciyay in dowladdiisa ay la kowsatay xaalad aad u murugsan oo amni iyo ciidan si weyn u kala qeybsan oo faraha kula jiray siyaasadda. “Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in durbadiiba ay dowladdiisa qaaday tallaabooyin uu ku macneeyay “dhiig-joojin” iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba. “Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda. ” “Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-Shabaab.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka shanqadhiyay in dhawaan uu bilaaban doono wejiga 2-aad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu sheegay inuu noqonayo midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab haddii ALLE oggolaado. “Khawaarijta Al-Shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-Shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qayb-qaato.” “Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-Shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.” Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynuhu sheegay in dagaalka Al-Shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara, “Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-Shabaab.” The post Xasan oo shaaciyay arrin uu hoggaankiisu la kowsaday oo ka dhaxleen dowladdii hore appeared first on Caasimada Online.
-
Dubai (Caasimada Online) – Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System). Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan. Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey. Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta inuu tallaabadii koowaad ee uu qaado ku gaadho xayndaabka meeraha Mars, taasoo dhacday bishii February ee sannadkii 2021. Hay’adda sahanka hawada sare ee dalka Imaaraadka Carabta oo la dhisay sannadkii 2014, ayaa ku socota si xawli ah, waxaana hawlgalkan cusub ee ay ku dhawaaqeen uu toban jeer ka weyn yahay, hawlgalkii ay ku tageen meeraha Mars. Dayax-gacmeedka la dirayo ayaa la filayaa inuu bisha October ee sannadka 2034 uu gaadho walxo-cireedka toddobaad ee ugu dambaysa. VOA + AP The post Imaaraadka oo hawada sare ka sameyn doono sahan cusub appeared first on Caasimada Online.
-
In Moscow: The Somali Foreign Minister Abshir Huruse and his Russian counterpart Sergey Lavrov sign a Memorandum of Understanding on bilateral relations. Mogadishu (PP Editorial) — At the height of the Cold War Somalia veered from the East to the West. In 2023 the Federal Government of Somalia engages in a shameless diplomatic double-dipping. Last week, the Foreign Minister of Somalia Abshir Jama signed an agreement with his Russian counterpart Sergey Lavrov in what some analysts have dubbed “ingratitude shown to the USA”, a country whose taxpayers fund several institutions of the federal government. Somalia voted in favour of a UN resolution again the Russian invasion of Ukraine. Somalia is a sovereign nation state. It can choose its friends, but in the domain of geopolitics not all friends can become boon to a country’s strategic goals. If a country tries to benefit from two opposing systems, it should be prepared for the metaphorical risk of simultaneously riding two horses. Does President Hassan Sheikh Mohamud prefer diplomatic double-dipping to diplomatic prudence? Lack of institutional memory can explain the Somali diplomatic escapades that leave major western donors befuddled. The Federal Government of Somalia leaders will be engaging in diplomatic grandstanding if they court attention by giving the impression that Somalia is on board with Russia over the violation of the territorial integrity of Ukraine. This is the second diplomatic failure engineered by the Somalia Foreign Ministry. Last year, the Federal Government of Somalia backed Somaliland Security Partnership between USA and the secessionist administration of Somalia. The Laascaanood war has forced the US government to rethink the partnership it had envisaged without political due diligence. The Federal Government of Somalia could have consulted retired Somali diplomats to fill the gap created by the destruction of the Somalia Foreign Ministry archives. Whoever is formulating the Somali foreign policy, it is patently clear that diplomatic double-dipping costs Somalia well-meaning friends. The Federal Government of Somalia should not be spending meagre resources on public relations stunts intended to inadvertently convey cluelessness about global politics. © Puntland Post, 2023 The post Somalia’s Foreign Policy Compromised by diplomatic double-dipping appeared first on Puntland Post.
-
President Hassan Sheikh receiving his doctoral certificate after writing a dissertation he refuses to be read or quoted from. Mogadishu (Commentary) — Only after 1990 did the phrase political minorities come to be adopted as a category for certain Somali social groups (clans). Under the current categorisation Jareer weyn is wrongly classed as a minority clan despite constituting more than 30% of populations in Lower Shabelle, Middle Shabelle, Middle Jubba, Lower Jubba. In other regions in southern Somalia Jareer Weyn members make up no less than 15% of the population. They are political minorities whose status was diabolically decided in Djibouti in 2000 where the infamous 4.5 system was unveiled. Thirty years ago Digil & Mirifle was classed as a political minority due to the man-made famine after General Aideed’s militias looted relief supplies sent to the victims of the famine. President George H. W. Bush said he was sending the Marines to ensure relief supplies reached the areas affected by the famine. There were no armed clan militias loyal to Digil & Mirifle warlords. Only after 1998 was Rahanweyn Resistance Army formed to liberate Baydhabo from Hussein Aideed’s militias. At the Djibouti reconciliation conference in 2000, Digil & Mirifle’s status was upgraded from political minority to political majority (one of the 4 clans that regard the rest of clans as second class citizens). Before 1991 the Banadiri clan members predominantly inhabited Hamarweyne, Shibbis, Shangaani and Hamarjajab, in addition to Marka, Baraawe and Kismaayo. 34 years ago a thirty year old man in Mogadishu would not have described the status of a Banadiri person as a member of a minority clan because most of Banadiri members were comparatively well-off (they owned prime real estate in Mogadishu; their areas were in central Mogadishu), to mention some of their past economic prominence. Today Hamarweyne and Shangani still bear the signs of the destruction wrought on them during the three-month long war between General Aideed and Ali Mahdi forces 31 years ago. Banadiris, like Jareer Weyn, are political minorities whose properties and areas of origin have been taken over by clan militias that claim Mogadishu to be their clan’s stronghold. The 4.5 system is a victory for the proponents of United Somali Congress legacy. In his PhD dissertation (it can be read at the library of his alma mater but cannot not be quoted for 10 years in line with his request to the dissertation committee), President Hassan Sheikh Mohamud absolves politicians of Human rights violations during 1990s but terms it inter-clan power struggles. Before 1991 Mogadishu was a multi-clan capital city. Today, it is Mogadishu Clan stronghold: school buildings were taken over by clan militias; dominant subclans turned public gardens into retail outlets. Mogadishu fairgrounds (fiera) are illegally occupied by families of the militias who captured the area. It is not ordinary clan members who made the decision to dispossess fellow citizens or occupy public properties illegally; it is political leaders who oversaw the destruction of Mogadishu after they began to consider the capital city to be their clan’s stronghold. By only looking at the present-day Mogadishu and comparing it to its pre-1991 status can one understand how political minorities came into existence as a concept. It is a concept premised on dispossession and marginalisation fellow citizens. In his 1992 essay Destruction of State and Society in Somalia: Beyond the Tribal Convention, Professor Abdi Samatar argued that USC militias had captured Mogadishu to “liberate” people from their possessions. No Somali clan thinks it is outnumbered by another clan. That makes conducting a census a Herculean, if not a Sisyphean, task. Can Mogadishu, a capital city still unable to deal with the legacy of dispossession by politically dominant clan militias, host institutions charged with collecting data or conducting census? A clan member can claim to be a political majority on the basis of where his felllow clansmen outnumber members from other clans. Since the idea of minority in Somalia is a political imposition institutionalised at so-called reconciliation conferences, it is fair to recognise any person who claims to belong to a politically majority clan as a looter who, like an armed clan militia member, insists on being entitled to deprive other citizens of private or public assets. In the Somali vernacular that type of entitlement is known as unukaa leh. The post Who are political minorities in Somalia? appeared first on Puntland Post.
-
Minnesota (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Golaha Wadatashiga Qaranka uu baahiyay War-murtiyeedka shirkii u dambeeyay ee ku yeeshay Villa Somalia, ayaa waxaa xoogeysaneyay walaaca laga qabo heshiisyada ay Madaxda Golaha ku gaareen shirkaasi. Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa si adag uga hortimid, iyaga oo ku tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen. Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed. Haddaba, Maxay tahay arrinta hoos u dhigeysa walaaca laga muujinayo heshiiskan? Aamiin Haaruun oo ah sharci yaqaan degan Minnesota ayaa waxa uu sheegay in go’aanadda kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin heshiis siyaasadeed, oo hadda iyo kow u baahan dhaqan-gelin, ee aysan aheyn qaraar kama dambeys ah oo meel-maraya. Garyaqaan Haaruun ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in heshiiskan siyaasadeed ee gaareen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uu ka dhigan yahay “isku-day hal abuur iyo talo soo jeedin”, taasi oo u baahan in laga doodo wixii wanaagsan laga qaato, wixii kalena laga tuuro. “Sharcigan dhaqan-gal ma ahan, sidaasna maha. Sharci waa wixii Baarlamaanku ansixiyo, guddiyo iyo dooda badan kadib oo hadana madaxweyne saxiixo,” ayuu yiri Garyaqaan Aamiin Haaruun. “Heshiisyadani waa isku day hal abuur iyo talo soo jeedin loo baahanyahay in laga doodo oo wixii wanaagsan laga qaato, wixii aan fiicnayna laga tuuro. heshiisyadani ugu yaraan waxay furayaan dood iyo aragtiyo wax lagu dhisi karo.” Garyaqaanka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in doodaha noocaan oo kale ah abuurayaan fursado lagu curiyo fikrado loo aayi karo iyo albaabada doodo Qaran. “Qaranka waxaa lagama maarmaan u ah in mar waliba doodo lagu jiro lagu hagaajinayo dowladnimada iyo adeegyada dadka loo hayo. Sidaas ayaa haboon in loo fahmo.” The post Khaladka laga fahmay heshiiska golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Tackling those who support clan representation in Somali politics requires a multi-pronged approach that addresses both the underlying causes of the problem and the immediate challenges posed by clan-based politics. Firstly, it is important to acknowledge the historical and cultural factors that have contributed to the prevalence of clan identity in Somali society and to work towards promoting a more inclusive and representative political system that accommodates the diversity of the population. Secondly, efforts should be made to empower civil society organizations and independent media to promote alternative narratives and challenge the dominance of clan-based politics in public discourse. Additionally, targeted interventions such as education and awareness-raising campaigns can help to build a more informed and engaged citizenry that is less susceptible to divisive and exclusionary political rhetoric. Finally, regional and international actors can play a role in supporting democratic institutions and processes in Somalia and promoting a more stable and peaceful political environment that is less reliant on clan affiliations. Those who have benefited from clan politics of 4.5 in Somalia including political elites, local & International NGO’s, Think-Tank groups, and other influential individuals who leverage clan affiliations to secure power, resources, and influence and using their misinformation and propaganda, it is important to address the underlying incentives that drive support for clan-based politics, such as the resources and access to power. This can be achieved through increased transparency and accountability in government, as well as the promotion of alternative channels for political participation and representation that are based on merit and competence, rather than clan identity. Additionally, efforts should be made to build alliances across clan lines and promote a shared sense of national identity that transcends narrow clan interests. This can be achieved through initiatives that promote inter-clan dialogue, cultural exchange, and civic education, as well as the promotion of positive narratives that highlight the benefits of cooperation and collaboration across clan lines. An important aspect of promoting democracy in Somalia is the role of competent diplomats who can effectively sell the President’s vision on the world stage. A skilled foreign minister who has the capacity and resources to enhance Somalia’s diplomatic relationships can play a critical role in advancing the country’s agenda and building positive relationships with other nations. By promoting Somalia’s economic potential, cultural heritage, and strategic importance, competent diplomats can help to attract foreign investment, foster trade partnerships, and promote cultural exchange. A skilled foreign minister can help to build alliances with other countries, enhance Somalia’s security and defense capabilities, and promote the country’s interests in regional and international organizations. Ultimately, competent diplomats who are able to effectively represent Somalia’s interests on the global stage can help to promote democracy, stability, and prosperity in the country, and enhance its standing as a respected member of the international community. The legacy that a President Hassan Sheikh can achieve for bringing people to elect their leaders through a democratic process is significant and long-lasting. By promoting free and fair elections, a President Hassan can also help to establish a culture of democratic participation and civic engagement that fosters a more responsive and accountable government. This can lead to greater transparency, increased public trust in government, and a more stable political environment that is less prone to conflict and violence. Additionally, a President Hassan Sheikh must prioritizes democratic reforms can that can help to build institutional capacity and strengthen the rule of law, laying the foundation for sustainable economic growth and development. By championing democratic principles and practices, President Hassan can also serve as a role model for other leaders and inspire citizens to take an active role in shaping the future of our country. Ultimately, if President Hassan successfully promotes democratic values and practices can leave a lasting legacy of progress, prosperity, and peace for future generations. Ismail D. Osman: Former Deputy Director of Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA) – Writes in Somalia, Horn of Africa Security and Geopolitical focusing on governance and security. You can reach him osmando@gmail.com @osmando The post Promoting democracy in Somalia: Tackling clan politics and building a sustainable future appeared first on Caasimada Online.
-
Galcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya howl-gal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay maanta ka sameeyeen deegaano ku dhow-dhow Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee dowlad-goboleedka Galmudug. Howl-galkan ayaa waxay ciidamadu ku dileen siddeed ka tirsan dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo sare. Howl-galka ayaa waxa uu dhacay xilli ay ciidamadu ku jireen roondo sida uu sheegay taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Cismaan Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta dowladda. Taliye Cismaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in labada sarkaal sare ee lasoo qabtay ay kooxda u qaabilsanayeen sirdoonka iyo canshuur uruurinta ee gobolka Galgaduud. “Ciidanka Xoogga dalka waxa ay dileen 8 ka tirsan argagixisada, waxaana gacanta ku soo dhigay laba sarkaal oo sare oo u qaabilsanaa sirdoonka iyo canshuur uruurinta kooxdan ee ku sugan gobolka Galguduud, waxaan u gudbin doonnaa maxkamadaha ay khuseyso si loo soo qabto,” ayuu yiri. Taliyaha ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka Galgaduud Cismaan Cabdullaahi ayaa waxa kale oo uu sheegay in howl-galladan ay guulo ka gaareen ciidamada, islamarkaana ay sii soconayaan inta la cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Howl-galladan ayaa imanaya kadib markii ay maalmo kahot ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay kordhiyeen howl-gallada kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. The post Al-Shabaab oo laga dilay siddeed xubnood, lagana qabtay laba sarkaal oo sare appeared first on Caasimada Online.
-
JOHANNESBURG, South Africa, May 29, 2023/ — MultiChoice Group (www.MultiChoice.com), Rapyd and General Catalyst today announced a joint venture aimed at developing an integrated payment platform for Africa. The joint venture will operate under a new company, called Moment. Moment offers expanded payment infrastructure for businesses across Africa to help them collect and make payments easier, quicker, and more affordable in any manner that their buyers or suppliers prefer. Moment will also offer additional options for consumers to spend and save money more wisely. The aim is to transform the African payments landscape by making digital payments more accessible and reliable for domestic, cross-border and global payments. “We are excited about our venture with Rapyd and General Catalyst. It will address the need for an accessible and reliable payment platform for many small businesses and millions of consumers in Africa. Investing in this venture is a logical progression for us, as we already process payments every month from 22 million households across 50 countries in Africa. Moment fulfills our strategy to expand our ecosystem, by investing in adjacent businesses that provide scalable services, underpinned by technology”, said Calvo Mawela, MultiChoice Group CEO. Moment will consolidate the $3.5B in payments that the MultiChoice Group processes annually to expand options for subscribers and make payment processes efficiently, as well as extend Africa’s most complete payment network to African and global businesses. “We are thrilled to be able to partner with MultiChoice and our network partners to provide Africa’s most complete payment platform for businesses through Moment. Africa is one of the most exciting markets in the world – with tremendous opportunities to expand the use of digital payments, drive cash payments to real-time digital payments, and to capitalise on the tremendous entrepreneurial drive of African businesses,” says Arik Shtilman, CEO of Rapyd. “Africa represents one of the most exciting investment opportunities for global investors. Over the next 20 years, most of the population growth of the world will be happening in Africa, along with increasing urbanisation. African consumers and businesses are not only moving business online, but will be the labour force for the world across the next 20 years,” adds Adam Valkin, Managing Director at General Catalyst Partners. The long-term plan is to provide the infrastructure for pan-African payments for the 44 million small businesses operating on the continent. It is also to turn the 90% of retail transactions that are currently taking place in cash, into digital payments. Moment aims to make digital transactions more accessible to the 350 million consumers that are underbanked or not banked at all. Some of Moment’s long term service offering include: Payments across 40+ countries in Africa through 200+ locally preferred payment methods to collect, disburse and manage risk. Drive adoption of PayShap, TCIB, NQR, and other real-time payment methods across all markets. Global-Africa trade for importers and exporters with virtual accounts in 40+ currencies and local payments in 130+ countries. Payment tools, deep inventory to sell and financial services for micro-entrepreneurs and SMEs. Offering consumers payments, savings and rewards. “Moment gives MultiChoice another opportunity to make a meaningful contribution to the economic development of the African continent. It will play a key role in accelerating cash-to-digital payments for all consumers and businesses and making the continent more investment ready for global players, by connecting payments from Africa to the world,” Mawela concluded. Distributed by APO Group on behalf of MultiChoice Group. Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa galabta ka qeyb galay dibadbax ay Bulshada Magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdogan. Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Xildhibaano ka tirsan DFS, Guddoomiyahaasha Degmooyinka iyo boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeediyay qudbad la xariirta doorka uu Madaxweyne Erdogan ku lee yahay dib usoo kabashada Dalka iyo xoojinta dhismaha qaranka Soomaaliyeed, asigoona sheegay in Madaxweyne Erdogan Imaashiyahiisa Muqdisho ay wax weyn ka badashay aragtidii caalamka ee ka qabeen Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto, Sulub axmed Firin iyo Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Dalka Ethiopia uga qeyb galay kulankii 5-aad oo aan caadiga aheyn ee Taliyeyaasha Boliiska Bariga Afrika. Taliyaha ayaa kulan doceed la qaatay dhiggiisa Taliyaha Boliiska Federaalka Ethiopia Damlesh Gabremechael Waldyes. Shirka ayaa looga hadlay Xaaladaha nabadgalyo darro ee ka jira Gobolka geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka Argagixisada iyo Dambiyada Abaabulan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Uganda ayaa markii u horeysay qiray in qaar kamid ah askartooda ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab kadib weerarki ay Jimcihii dagaal-yahaanada kooxda ku qaadeen saldhiggooda militari ee magaalada Buulo Mareer. Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa arrintaas u xaqiijiyay VOA, balse ma shaacin tirada askarta la qabsaday ee u gacan galay kooxda Al-Shabaab. “Waxay noqoneysa mala-awaal,” ayuu yiri mar la weydiiyay tirada ciidanka la qabsaday. Sidoo kale waxa uu sheegay inay koox u direen Soomaaliya, oo soo baarta xaaladda, kadibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan natiijada baaritaankaas. Dhinaca kale, Sarkaal Soomaali oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen ugu yaraan saddex askari, oo kamid ah kuwa Uganda, kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday saldhigooda Buulo Mareer. Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda hore u baahiyay in weerarkii Jimcaha ay ku dileen 137 ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe shalay tiradaasi wey kordhiyeen waxayna gaarsiiyeen in ka badan 200. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay. Saldhiga Buulo Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxa uu afhayeenka sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay ay ku sugnaayeen hal urur oo dhan 221 askari, islamarkaana ay Al-Shabaab buun-buunineyso tirada dhimashada. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo weerarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, wuxuuna qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer. Museveni ayaa soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab, ee weerarka ku soo qaaday saldhiga Buulo Mareer. “Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen. Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howl-gallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM,” ayuu yiri. The post Uganda oo qirtay in qaar ka mid ah askarteeda ay u gacan galeen Al-Shabaab + Tirada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fasiraad ka bixiyay heshiiskii lagu gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga iyo heshiisyadii siyaasadeed ee horeeyay ay yihiin tallaabadii koowaad ee loo qaaday dhanka safar kun KM ah, taasi oo ka dhigan in heshiisyadan ay shaqo badan u dhiman tahay. “Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ka meyro wel-welka, wa-lbahaarka iyo cabsida laga dhex tusiyay heshiisyada siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray. Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in heshiisyadaani yihiin TALLABTII KOWWAAD EE LOO QAADAY DHANKA SAFAR KUN KM AH,” ayuu yiri madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay in heshiisyadan ay u dhiman tahay tallada shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowliga ah ee metela shacabka, kuwaasi oo ugu horreeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin. Ujeeddada go’aannada Goluhu gaaray ayaa ah in tallada siyaasadeed ee dalka dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed.” “Sidaa daraaddeed, waxaan rabaa inaan kula dardaarmo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in HAYAANKA LOOGA GUURAYO FADHIIDNIMADA SIYAASADEED ee DHISMAHA DOWLAD QARAN aan laga raadin dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran ee si dhab ah u hanaqaadda.” Madaxweynaha ayaa waxa uu ka codsaday Baarlamaanka in inta uu ku gudajiro kal-fadhigiisa 3-aad siiyo mudnaanta ugu sarraysa, iskuna howlo dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka, iyaga oo ku saleynaya heshiisyada siyaasadeed ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka. “Si fursad loo siiyo muwaadin kasta oo doonaya inuu taladiisa ku kordhiyo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo sidoo kale hortabin siinta sharciyada kale ee muhiimka u ah xoojinta qeybaha kala duwan ee horumarinta dowlad dhisidda sida sharciga XAFIISKA HANTI-DHOWRAHA GUUD EE DOWLADDA.” Heshiiska cusub ee lagu gaaray shirkii u dambeeyay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxa uu wajahaya mucaaradada xooggan, ayada oo madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin miisaan culus leh ku tilmaameen mid baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen. Si kastaba, Golaha ayaa heshiiskan cusub ayaa waxaa isbeddel weyn loogu sameeyay hanaanka doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, wuxuuna dhigaya in dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee liiska xiran (Proportional Representation – Closed List). The post Xasan Sheekh oo fasiraad cajiib ah ka bixiyay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran appeared first on Caasimada Online.
