Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A federal judge rejected arguments from attorneys for Boeing that it should not have to pay for the pain and suffering of 157 victims of a March 2019 Boeing 737 Max crash because they all died on impact. Source: Hiiraan Online
  2. Human Rights Watch (HRW) has called on the Kenyan authorities to urgently investigate police abuse, after criticising them for failing to take any action for the recent deaths of protesters. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalkii ugu horreeyay la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan oo mar kale guul taariikhi ah ka gaaray doorashadii ka dhacday dalkaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiriir khadka taleefoonka ah la sameeyay madaxweyne Erdogan ayaa ku yiri ‘HAMBALYO’ sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa si gaar ah dhiggiisa Turkiga ula wadaagay farriinta hambalyada ah ee ku aadan guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoontay waddankaasi. Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal. Sidoo kale ayaa isla soo hadal qaaday ahmiyadda xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal. Kulankan ayaa kusoo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana xisbiga madaxweyne Erdogan uu ku guuleystay aftidii dhowaan ka dhacday dalka Turkiga oo ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen 48.63 % guud ahaan codadkii la dhiibtay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub, dhanka kale taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda aad ugu farxey sheegayna in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne. Soomaaliya ayaa ka mid aheyd meelaha sida weyn looga taageeray guusha uu mar kale madaxweyne Erdogan ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee dalka Turkiga. Si kistaba, Ankara ayaa si weyn u taageerta Muqdisho, waxayna si gaar ah dowladda dowladda Turkiga uga qayb qaadataa dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka. The post Xasan Sheekh oo xiriir la sameeyay Erdogan, kuna yiri…. appeared first on Caasimada Online.
  4. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamed spoke to Turkish President Recep Tayyip Erdoğan on Wednesday evening to congratulate him on his re-election. Source: Hiiraan Online
  5. Dadaab (HOL) - Doctors Without Borders/Médecins Sans Frontières (MSF), a leading international medical humanitarian organization, issued a dire warning on Wednesday, stressing the urgent need for additional funding to prevent a looming health catastrophe in Kenya's Dadaab refugee camps. Source: Hiiraan Online
  6. Security has been beefed up in and around Mandera’s Moi Stadium ahead of Thursday’s Madaraka Day celebrations. Source: Hiiraan Online
  7. Shirkadda DP-World ayaa lacago ku soo rogtey qof kasta oo geleya dekedda Boosaaso – Shaqaale ilaa booqdo, iyada oo sidoo kale lagu kordhiyey lacagaha ganacsatada wax la soo degeysa. Qaran News
  8. Somali society has long been known as one that is rich in poetry and oral tradition. However, this year’s Mogadishu Book Fair showed that Somali society is embracing the incorporation of written literature as well. Source: Hiiraan Online
  9. The Qatari entity has worked on various projects around the world to boost education for vulnerable communities. Source: Hiiraan Online
  10. Elmi Bile Mohamed, 25, believes that as long as he lives in Somalia, he will never get a job because of the stigma and discrimination against him as an albino. Source: Hiiraan Online
  11. After years of conflict and the effects of climate change, the number of displaced people has reached 3.8 million. Source: Hiiraan Online
  12. Garsoore Maraykan ah ayaa go’aamiyay in ehelada dadkii ku dhintay diyaaradii Boeing 737 Max ee ku burburtay dalka Itoobiya ay codsan karaan magdhow ku saleysan xanuunka iyo dhibka soo gaadhay kaddib dadkii ku dhintay shilka. Boeing ayaa iska difaacday in dadkii diyaaradda Ethiopian Airlines ay isla markiiba dhinteen. Diyaaradda ayaa burburtay wax yar un kadib markii ay ka duushay Addis Ababa afar sano ka hor. Xukunkii ugu dambeeyay ayaa yimid ka hor maxkamadeynta Mareykanka si loo go’aamiyo inta ay le’eg tahay qoysaska dhibanayaasha ah inay helaan. Saddex sano ka hor, Boeing ayaa qirtay mas’uuliyadda shilka iyo mid kale oo ka dhacay Indonesia. Source
  13. Moscow (Caasimada Online) – Waxaa socda dedaal lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, halkaas oo uu toddobaadkan kasoo noqday wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya. Abshir Cumar Haruuse ayaa kulan dhowr maalin qaatay kula yeeshay Moscow wasiirka mudada dheer xilka haya ee Ruushka Sergey Lavrov, oo isagu toddobaadkan socdaal uga bilowday gobolka Geeska Afrika. Waxa uu ahaa kulankii ugu heer sarreeyay ee dhexmara labada dal wixii ka dambeeyay markii uu bilowday colaada Ruushka iyo Ukraine oo sii kala fogeysay xiriirka Mareykanka iyo awooddii hore ee xilligii dagaalka qaboobaa. Shir jaraa’id oo ay labada dhinac wadajir ugu qabteen Moscow ayay ku sheegeen inay uga wada hadleen hagaajinta iyo xoojinta xiriirka labada dhinac, oo aan horumar weyn sameyn wixii ka dambeeyay markii kacaanku xiriirka u jaray Midowga Sofiyet 45 sano kahor. Wixii markaas ka horreeyay Ruushka wuxuu xiriir dhow kala dhexeeyay Soomaaliya, iyada oo loo arkayay in uu yahay dalka ugu saameynta weyn ee qeyb libaax leh ku yeeshay dhismaha ciidankii burburay ee Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu ciidamada Soomaaliya ku taageero qalab militari oo ka caawin kara dagaalka lagu la jiro kooxda Al-Shabaab. Lavrov ayaa shaaciyay qorshahaan kadib markii uu wada hadal kula yeeshay Moscow wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Mr. Haruuse. Ma uusan faahfaahin nooca iyo tirada qalabka ciidan ee ay ula diyaarka yihiin Soomaaliya. Sidoo kale ma cadda sida qalabkan ciidan u saameyn karo cunaqabeynta hubka ee saaran Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka oo gocday xiriirkii hore ee dalkiisu la lahaa Soomaaliya wixii ka horreeyay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ay ka tashadeyn u diyaargarowga shirka madaxda Ruushka iyo Afrika ee lagu wado in uu qabsoomo bisha Juulaay. Sarkaal sare oo qeyb ka ahaa wafdiga wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ee Moscow tagay ayaa BBC u xaqiijiyay in Lavrov balamahaas u fidiyay Soomaaliya inta uu socday shirka labada dhinac, iyo xitaa shirkii jaraa’id ee ay wadajirka u qabteen labada wasiir. Sarkaalka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin intaas ka dheer ka bixiyo wada hadallada labada dhinac. Reer galbeedka ayaa hadda Ruushka ku eedeeyaa inay dalal dhowr ah oo Afrika ku yaal ka joogaan askar calooshood u shaqeystayaal oo ka tirsan kooxda Wagner la yiraa. Waxaa la tuhunsan yahay inay ka howlgalaan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mali, Mozambique, Libya iyo dalal kale. Isha: BBC The post Xog: Sababta RUUSHKA u caawinayo DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  14. MADAXWAYNE XASAN SHEEKH OO DHEXDHEXAADINAYA XUKUUMADDA SOMALILAND IYO GARAADADA Sool clan Garaadada Sool clan ee tegay Muqdisho lana kulmay Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa rejo laga qabi karaa in uu ka dhalan karo xal KMG ah oo lagu joojinayo colaadda iyo dagaalka ka aloosan Laascaanood iyo in maamul gaar ah oo KMG ah uu yeesho Gobolka Sool. Sida la sheegayo Muuse Biixi ayaa wuxu hore uga dalbaday Madaxwayne Xasan Sheekh in uu dhexdhexaadiyo isaga iyo Garaadada Sool clan. Dhrxdhexaadinta oo ay Garaadada Sool ogolaadeen ayaa sabab u ah in garaadadaayaa afarta ah uu hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaacil ay Muqdisho ugu kicitimeen Muqdisho oo wadahadal kula yeesheen Madaxwayne Xasan Sheekh. Waxa la saadaalin karaa in ugu dambaysta dhexdhexaadinta Xasan Sheekh uu ka dhalan karo Xal KMG ah inta aan wax wadahadal toos ahi dhexmarin labada dhinac oo mudnaanta koobaad la siinayo colaadda iyo dagaalka ka aloosan Laascaanood iyo guud ahaan Sool. Mudnaanta labaad waxa noqon doona dhismaha maamul gaar ah uu yeesho Gobolka Sool. Hadii labadaa arin laga heshiiyo arinka mudnaanta sadexaad oo ah bilawga wadahadalada tooska ah ee dhinaca siyaasaddu waa arinka ugu adag ee xataa Sool clan dhexdiisa ay ku qaybsan yihiin tan iyo 1991kii. Marka ugu horaysa ee la bilaabi karaa waxa haboon in uu noqdo ka dib doorashada madaxtooyada Sl. Hadaba marka hore bal aynu eegno qodobda muhiimka u ah joojinta dagaalka iyo Nabadgelyada Magaalada LAASCAANOOD gudaheeda si dadkii ka barokacay ay ugu soo noqon karaa. Waxaynu og nahay xabadjoojinta ay labada dhinac mid waliba keeyahay shuruudiisa koobaad ka hor xabadjoojinta Garaadadu waxay taagan yihiin “ marka hore ciidanka Somaliland ee dul fadhiya Laascaanood waa in la qaado Oog oo degaan Isaaq ah la geeyo”. Dhinaca Xukuumadda Somaliland iyadana waxa ugu muhiimsan in gebi ahaanba marka hore ciidamada aan ka soo jeedin degaanka Sool ama aan Sool clan ahayn ay dhamaantood ka baxaan xadka Somaliland. Sidaa daraadeed talaabooyinka ugu muhiimsan xalka ay noqon karaa: – in labada talaabo ee sare isku mar la qaado taasina ay bilaw u noqoto xabbadjoojin rasmi ah oo labada dhinac ay wadajir ugu dhawaaqaan. – in laga bilaabo Guumays ilaa kontaroolka Laaska oo hadaba ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaybta 7aad ee Mahad Cambaashe oo dhamaantood ka soo jeeda Laascaanood ay sidooda uga masuul ahaadaan nabadgelyada jiidahaasi. – in maleeshiyo beeleedyada Sool clan laga dhex saaro magaalada lana dejiyo goobo loo cayimay, Bari iyo Hawdka – In nabadgelyada Laascaanood gudaheeda ciidan gaar ah loo xulo iyada oo la tixgelinayo tababarka iyo anshaxa. Arinkan laftiisa ayaan looga maarmi karin taliska qaynta 7aad oo ah ciidanka keliya ee ugu waayoaragsan, tababar rasmi ah leh, anshax ahaana ka sareeya makeeshiyo beeleedyada – In dadwaynihii ka barokacay Laascaanood ay dib ugu soo noqdaan gueyahoodii isla markaana loo fududeeyo gargaarada iyo gurmadada loo fidibayo si nolosha laasku ugu soo noqon karto caasigeedii. – Dhismaha Maamulka KMG ah ee Sool waa arin reer sool u taala iyaga oo aan kala sooc lahayn ee Sool clan uun ah HalganWatch Caligurey Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ka sameysa hawada Soomaaliya, kadib markii ay ku guuleysatay inay si buuxda ula soo wareegto maamulka hawada dalka, sanadihii 2018 iyo 2019-kii. Celcelis ahaan sanad kasta waxay dowladdu hawada dalka ka soo xareysaa lacag dhan $22 milyan, waxaana socda koror uu sameynayo kharashka dowladda ka soo gala hawada dalka. Horay waxaa hawada Soomaaliya u maamuli jirtay Qaramada Midoobay, dhaqaalaha laga helana wuxuu toos ugu dhici jiray qasnadda QM. Lacagtaas inta badan kuma soo noqonayn Soomaliya, marka laga reebo qaar ka mid ah garoomada dalka oo Qaramada Midoobey ay dhistay. Lacag cayiman oo tiradeeda la hubo lama hayo, laakiin waxaa la qiyaasayaa in ugu yaraan sannadkii hawada Soomaaliya laga heli jiray lacag $12 milyan gaaraysa oo ku dhici jirtay qasnadda Qaramada Midoobey. Bisha June ee sannadkan hey’adda duulista hawada Soomaaliya waxay qorshaynaysaa in dhaqaalaha laga helo diyaaradaha mara hawada Soomaaliya ay gaarto $29 milyan. Sidoo kale hey’addu waxay sheegtay in sanadba, sanadka ka dambeeya la hiigsanayo inuu sii kordho dhaqaalaha ka soo xarooda hawada Soomaaliya. Markii ay Soomaaliya la soo weegeysay maamulka hawada waxaa 24-kii saacba hawada Soomaaliya mari jiray diyaarado gaaraya 220, balse hadda waxaa mara ku dhawaad 500 oo diyaaradood oo kuwa degaya aysan ku jirin. Diyaaraha hawada maraya waxa ay bixiyaan lacag, iyadoo ay ku xirantahay nooca iyo tankeeda, tusaale ahaan diyaaradaha Boeng 777 iyo Airbus 350 waxaa laga qaadaa lacag dhan $395 markiiba. Lacagahaas waxay ku dhacaan bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxayna dowladdu uga faa’ideysataa adeegyadeeda, sida bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka. Sannadkii 2018 ayay Soomaaliya dib ula soo wareegtay maamulka duulista hawada. Sanad kadibna 2019-kii waxay mar kale lasoo wareegtay dhaqaalaha laga helo hawada Soomaaliya, kaas oo hadda si toos ah ugu dhaca bangiga dowladda. Sannadkan billowgiisii, kaddib markii shuruucda maamulka hawada Soomaaliya la dhammasytiray hay’adda duulisata hawada Soomaaliya waxaa loo aqoonsaday in ay noqoto Class A, halka ay markii hore ka hayd Class G. Qiimeyntaas waxay muujineysaa in hay’addu ay si heerkeedu sareeyo u maamuli karto hawada dalka, iyadoo isticmaalaysa qalab casri ah, sidoo kalena ay kordhayaan lacagaha laga qaado diyaaraha isticmaala hawada Soomaaliya, taas oo sahashay in dhaqaalaha hawada uu mar kale kordho. The post Xogta sida ay dowladda Soomaaliya malaayiin dollar uga sameyso hawada dalka appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shalay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta caasimada ee Military Police, xilli lasii adkeynayo amniga magaalada. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino looga dhageystay saraakiisha amniga. Saraakiisha ciidanka xasilinta caasimada ee Military Police ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada iyo guulaha laga gaaray howl-galada laga fuliyay degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa ku bogaadiyay ciidanka xasilinta caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga. Sidoo kale waxa yu ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula fal-galaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha sugida amniga caasimadda. Ciidamada ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ammaanka caasimadda wax weyn ka beddelay, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray caasimadda, kadib markii ay kordhiyeen baaritaanada. Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaagayo, kadib qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, ee lagu sugayo amniga caasimada iyo dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. The post Wararkii ugu dambeeyey qorshaha xasilinta Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Horudhac Xiriirka ka dhexeeya laba dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga waa mid qotodheer taariikh ahaan oo waxaa la sheegaa in uu xiriirkaani jiray ilaa iyo xilligii Cusmaaniyiinta. Burburkii Cusmaaniyiinta kaddib, waxa ay marka kale Turkigu dib u cusbooneysiiyeen xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyaga oo safaaraddooda ka furay Muqdisho sanankii 1979-kii. Burburkii ku dhacay dowladdii Soomaaliya 1991 iyo dagaaladii sokeeya ee waddanka ka dhacay ayaa sababay in albaabada la iskugu dhufto safaaraddii Turkiga ee Soomaaliya. Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkigu waxa uu marka kale dib u xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 markaas oo ay xaalad adag oo abaarihii ka jirtay gayiga Soomaaliya. Turkiga oo uu markaa Ra’isulwasaare ka ahaa Recep Tayyip Erdoğan ayaa Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda xukuumaddii markaas jirtay Ahmet Davutoğlu u soo diray Soomaaliya, wakhti yar kaddibna waxaa Soomaaliya safar aan caadi aheyn ku yimid Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo markaas dalka Turkiga ka ahaa Ra’isulwasaare. Wixii intaas ka dambeeyay xiriirka u dhexeeya labada dal sare ayuu u sii kacay. Qormadaan gaaban waxa aan ku eegi doonaa xiriirka laba dal marka laga fiiriyo dhanka bini’aadanimada & diblumaasiyadda, amniga, ganacsiga/dhaqaalaha, horumarinta iyo bulshada inta uu hoggaaminayay dalka Turkiga Madaxweynaha dib loo soo doortay 28/05/2023 Recep Tayyip Erdoğan kaas oo waddanka sii hoggaami doono shanta sano ee soo socota. Bini’aadanimada iyo diblumaasiyadda Safarkii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo markaas ahaa Ra’isulwasaaraha dalka Turkiga uu ku yimid Soomaaliya 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya la daalaa dhaceysan abaar daran oo ku habsatay dad iyo duunyo/xoolo, waa lagu timaami karaa in uu ahaa safarkii rajada kaas oo Soomaaliya u furay alaabada iyo indhaha caalamka. Turkiga ayaa ugu deeqay Soomaaliya malaayiin doolar, iyaga oo aan u soo marin hay’adaha kale ee caalamiga ah, balse iyaga ayaa yimid Soomaaliya oo si toos ah uga qayb qaatay samatabiximta walaalahood Soomaaliyeed oo markaa u baahnaa garab istaag iyo hiil walaal. Turkigu waxa ay Soomaaliya u soo daabuleen deeqo bini’aadanimo oo iskugu jirta cunto, daawo, agabyada caafimaadka, dhar/hu’, agabyada hoyga (teendhooyin), iyo deeqo kale. Deeqdaas bini’aadanimo kaddib waxaa xoogeystay jaceylka iyo niyad samida ay shacabka Soomaaliyeed u haayaan shacabka iyo dowladda Turkiga. Dhanka Soomaaliya, waloow aysan Soomaalidu HADDA laheyn tabar badan oo ay ku caawiso Turkiga haddane waxaa jirtay in markii dhulgariirkii argagaxa lahaa ee ku dhiftay dalka Turkiga horraatii sanadkaan ay shacabka Soomaaliyeed iska uruuriyeen yabooh lacageed oo ay ku garab istaagayaan markooda shacabka ay walaalaha yihiin ee Turkiga, waxa ayna gaartay lacag ay iska uruuriyeen qaddar ku dhow 5 milyan oo doolar, iyada oo Soomaalidu ka dhabeeyay murtida ku jirta heesta Soomaaliyeed ee tiraahda: Ruuxa gala abaal, Marbaa loo gudaa, Ii soo gurmoo, I soo gaadheey, Sida gacal labaa, Aan is garabsannee. Walow yaboohaas lacageed uusan gaareyn ama u dhoweyn intii ay dowladda Turkigu ugu deeqday Soomaaliya, haddane arrinkaani waxa uu tilmaan cad ka bixinayaa wanaagga iyo is jacelyka ka dhexeeya laba dal shacabkooda walaalaha ah. Turkiga weli waxa ay ka qayb qaataan xaalaha bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, waxaana Caasimadda dalka xarumo ku leh hay’adaha Turkiga ugu waaweyn ee ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta sida KIZILAY, IHH, TIKA iyo kuwo kale. Sidoo kale, waxa ay Turkigu dalkooda si joogta ah ugu qaadaan shacabka ku dhaawacma qaraxyada ka dhaca dalka, waxa ay sidoo kale kaalmo caafimaad oo dibadda ah u fidiyaan dadka qaba xanuunada aan waddanka gudihiisa waxba looga qaban karin. Dhanka diblumaasiyada, kaddib safarkii barakysnaa ee Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra’isulwasaare uu ku yimid Soomaaliya, waxaa Soomaaliya u furmay alaabada caalamka, waxaa dalka Soomaaliya safaarado ka furtay ama safiirro u soo diray dalal badan, waxaa waddanka yimid hay’ado caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta, waxaa daciifoobay firkraddii tabneyd ee laga aaminsanaa Soomaaliya ee tibaaxeysay in Soomaaliya tahay waddan dadkiisu u qeybsan yahay kuwo baahan, argagixiso, burcad badeed, maleeshiyo beeleed, ciidamo aan cidna ka amar qaadan oo aan dishibiliin iyo akhlaaq toona lagu arag, dad jaahil ah oo aqoon darro dillootay, caruur macluul u dhinta…iwm. Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra’isulwasaare Turkiga ayaa ku dhiiraday in uu naftiisa ku soo biimeeyo Soomaaliya iyada oo xaalladda amni ee dalka ay aad uga hooseeysay halka aan maanta joogno, ficilkaas dhiiranaanta iyo geesinimada laga dheehan karo ee uu dalka ku yimid Recep Tayyip Erdoğan ayaa Soomaaliya u furay indhaha caalamka. Hadda Soomaaliya waxaa yimaada madaxda waddamada caalamka iyo kuwa dariska ah, tusaale, waxaa Soomaaliya horraantii sanadka aan ku jirno yimid Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, walow maalmaha ay joogayaan madaxda caalamiga ahi waddooyinka Caasimadda la xiro si aan loo ilaaliyo badqabka madaxda loogana baaqsado ceeb ka soo gaarta dalka haddii la waxyeelleeyo marti heer caalami ah oo arrimo shaqo u jooga dalka, waxaase arrintaa waddo xirista ah dhib weyn ku qaba shacab weynaha Soomaaliyeed oo weli dagaal kula jira helidda qutul daruuriga maalin laha ah. Turkigu waxa ay Soomaaliya ka furteen safaaradda ugu weyn ee ay ku leeyihiin dal Afrikaan ah, sidoo kale waxa ay dal ku galka u fududeeyeen Soomaali badan oo isugu jira siyaasiyiin, dad caafimmad ama waxbarasho u aada dalka Turkiga, kuwo badan oo ka soo laabtay qurbaha una raadinaaya caruurtooda waddan Islaam ah misna nabad ah oo ay Diinta Islaamka ku baraan inta ay ka gaarayaan da’da kala garashada, iyo kuwo kale oo Alle maal siiyay kuwaas oo ganacsiyo yar yar, kuwo dhexe, iyo kuwo waaweynba (hoteello shan xidigood ah) ka yigleelay dalka Turkiga. Dalka Turkiga oo lagu tiriyo mid ka mid ah dalalka fara ku tiriska ah ee adeegsada awoodda jilicsan/dabasan ee afka qalaad lagu yiraahdo (soft power) ayay u suuro gashay in ay boos fiican ku yeeshaan quluubta shacab weynaha Soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya diblulaasiyadda lagu laran bini’aadanimada (humanitarian diplomacy). Sidoo kale, dowladda Turkigu waxa ay siin jirtay dowladda Soomaaliya kab dhaqaale oo ay u kaalmeystaan miisaaniyadda dowladda Soomaaliya oo inteeda badan ku tiirsan deeqaha caalamiga ah, maadaama waxsoosaarka iyo dakhliga Soomaaliya uu hadda aad u liito, mase hubo in arrinkaas weli jiro. Amniga Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen ciidamo xoog, cudud, iyo tayaba leh kuwaas oo ka tilmaamanaa ciidamaha kale ee dowlaha asaageenna ah. Hase ahaatee, burburkii Soomaaliya waxa uu aad u saameeyay Ciidamadii Xoogga Dalka oo kala noqday kuwo xaabo looga dhigay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay 30-kii sano ee la soo dhaafay, kuwa waddan iskaga huleelay, kuwo u dhintay daryeel la’aan, kuwa weli la daalaa dhacaya dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo kuwii jabhadaha, iyo kuwo da’ noqday oo daryeel iyo caafimaad u baahan, iyo in laga faa’iideysto khibraddooda xagga ciidanka ah ee gaamurtay. Tan iyo markii uu xoogeystay xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya imaashihiin Madaxweynaha Turkiga oo markaas ahaa Ra’isulwaaraha Turkiga u uku yimid Soomaaliya sanadkii 2011-ka, Turkigu waxa uu Soomaaliya u tababaray ciidamo fara badan kuwaas oo maanta qayb lixaad leh ka qaadana nabad ku soo dabbaalida gayiga Soomaaliya. Sida aan la soconno waxaa jira waddamo badan oo ciidama u tababari jiray welina u tababara Soomaaliya, laakiin waxa aan isleeyahay Turkigu waxa uu uga duwan yahay waddamadaas in uusan dan gooni ah oo taban ka laheyn Soomaaliya, waloow ay jiri karaan dano ganaci iyo kuwo istiraatijiyadeed oo xilliga fog. Billowgii tababarida ciidamada Turkigu waxaa uu ciidama la tababaraayo oo u badan dhallinyaro u qaadi jiray dalkiisa halkaas oo ay ku soo qaadan jireen tababar tayo leh oo dhammeystiran, kaddibna waxaa lagu soo celin jiran Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan Ciidamada Xogga Soomaaliyeed. Sidoo kale, Turkigu waxa uu Soomaaliya ka furay xero/saldhig ciidan oo weyn (TURKSOM) taas oo ay u dhammeeystiran yihiin dhamaan dhismooyinka, agabyada, iyo adeegyada ay u baahan yihiin ciidamada la tababarayo. Arrintaan waxa ay Soomaaliya kA caawisay in ay hesho ciidamo tababar fiican, anshax, iyo tayo leh, loona dhammeystiray agabyada ciidan ee ay u baahan yihiin. Ma filaayo in ay arrimahaani suuratageli lahaayeen haddii uusan dalka Turkiga hoggaamineyn Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Ciidamada ay Turkigu Soomaaliya u tababareen oo magacyo kala duwan leh, waxaa laga xusi karaa Gor-gor iyo Haramcad oo ah ciidamo u badan dhallinyaro geesiyaal ah oo lafdhabar u ah nabad ku soo dabbaalida dalka. Dhaqaalaha/Ganacsiga Turkigu waa xarun ganacsi taasoo ah buundo isku xira qaaraha Yurub iyo Eeshiya, waxa uuna xiriir ganacsi oo ballaaran la leeyahay waddo fara badan. Kahor sanadkii 2011-ka inta uusan dib u xoogeysan xiriirka ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu ahaa afar milyan oo doolar kaliya. Balse, imaashiyii Ra’isulwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ee Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa albaaba u furtay ganacsato fara badan oo labada dhinacba ah. Dhanka Soomaalida, waxaa u fufudaatay ganacsatada in ay helaan fursad ama dal ku gal ay ku aadi karaan dalka Turkiga bal sida ay u soo indha-indheeyaan fursada ganacsi ee halkaas ka jira. Dhanka Turkida, waxaa waddanka Soomaaliya yimid ganacsato Turki ah oo daneynaya in ay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya. Sidoo kale, labada dowladood ayaa galay heshiisyo laba dhinacle ah oo lagu xoojinaayo xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya labadan dal. Hadda oo laga joogo laba iyo toban sano markii uu dib u dib u xoogeystay xiriika labada waddan ee walaalaha ah, waxaa xajmiga ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga lagu qiyaasay in uu yahay in ku dhow 300 oo milyan oo doolar, halkii uu kahor 2011-kii ahaa 4 milyan un, taas oo laga dheehan karo sida xowliga leh ee uu u koray xiriirka ganacsi ee labada dal, waloow uusan isku dheelitirneyn xiirrika ganacsi ee labada dal. Tusaale, sandkii 2020 xajmiga ganacsiga ee labada dal waxa uu ahaa 277 milyan (dhoofin: afar milyan oo doolar, soo dhoofin 266 milyan oo doolar), halkaas oo laga fahmi karo in faa’iida ganacsi labada dal u jarjeerto dhanka Turkiga (Dr. Saadaq, 2022). Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada Soomaalida ayaa dalka Turkiga ka soo dhoofsada agabyada caafimaadka ee kala duwan, daawooyinka, dharka, cuntooyinka, bacriminta beeraha iwm, halka ganacsatada Soomaalidu Turkiga u dhoofiyaan dalka sisinta iwm. Turkigu waxa uu weli albaab ganacsi u yahay ganacsato fara badan oo Soomaali ah oo kahor inta uusan xoogeysan xiriirka labada dal ku xirnaa waddamo kale sida Imaaraatka Carabta, Hindiya, Shiinaha iwm. Horumarinta iyo bulshada Kaabayaasha dhaqaaluhu waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka dhaqaale ee uu waddan ku tallaabsado. Burkii dowladdii Soomaaliya 1911, waxaa burburay kaabayaashii dhaqaalha waddanka oo dhan sida waddooyinkii, dakadihii, garoomadii diyaaradaha, bangigii dhexe iyo kii horumarinta iwm. Turkiga oo markii hore Soomaaliya u soo galy arrimo bini’aadanimo, ayaa markii dambe go’aansaday in ay Soomaaliya ka caawiyaan dhanka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, walow la is dhihi karo waxa ay ka dhex arkeen fursad dhaqaale, haddane waxa aan meesha ka marneyn in ay arrintaa Soomaaliya wax badan ka caawisay. Mashaariicda horumarineed iyo kuwa bulsheed oo ay Tukigu Soomaaliya ka fuliyeen waxay iskugu jiraan: dhisitaanka waddooyin halbowle u ah isku socodoka gaadiidka ee Caasimadda Muqdisho, Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaraha Aadan Cabdulle, Dekada Muqdisho, iyo waddooyin kale ee isku xira Muqadishu iyo magaalooyinka u dhow (tusaale, waddada isku xirta Muqadisho iyo Af-gooye, iyo tan isku xira Caasimadda iyo Balcad oo ay dowlad Qartar maalgalisay). Waxaa iyana jirtay in dawlad Turkigu ay Soomaaliya ka furaneyso laan uu Bangiga Ziraat Bank oo mid ka mid ah bangiyada ugu waaweyn dalka Turkiga taas oo dowladda Soomaaliya ka caawin karta in loo soo mariyo deeqada caalamiga ah iwm. Dhanka arrimaha bulshada, Turkigu waxa ay Soomaaliya ka dhiseen xarumo caafimaad oo waaweyn, waxaan laga xusi karaa xuramahaas Ex Isbitaal Digfeer oo hadda loogu magac daray Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Sidoo kale, waxa ay fureen goobo waxbarasho oo dhowr sida Dugsiga Farsamada Ganata ee Buulo-tiknilo iyo iskuulada Macaarif. Waxaa kale ay dowladdu Turkigu taageero iskugu jirta agab iyo tababaro siiyaan qaar ka mid ah jaamacada dalka. Waxaa iyana xusid mudan, in Turkigu dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed siiyo deeq waxbarsho bilaash ah sanad kasta, iyada oo ay deeqahaas waxbarasha ka faa’iideysteen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo dalka Turkiga ku soo diyaariyay heerarka waxabarasho ee kala duwan (heerka koowaad, kan labaad, heerka seddexaad “PhD”), kuwo badan oo ka mid ah dhallinyaradaas waxa ay ku soo laabteen waddan kaddib markii ay soo dhammeysteen waxbarashadoodii, iyaga oo kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Dalkooda Hooyo (Soomaaliya). Waxaa iska cad oo aan cidina inkiri karin in ay adkaa laheyd in Turkigu Soomaaliya ka fuliyo dhammaan mashaariicda amni, bini’aadanimo, hormarin, iyo bulsheed ee aan qormadaan uga hadalnay haddii uusan Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan hoggaamineyn Turkiga. Talooyin Doorasha kulul oo lagu celiyay kaddbib Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa mar kale dib loo doortay, waxa uuna waddanka Turkiga sii hoggaami doonaa shanta sano ee soo socoto. Soomaaliya waxaa la gudboon: In inta uu Madaxweyne Erdoğan waddanka Madaxweynaha ka yahay looga faa’iideyso dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada kala geddisan ee dalka si ay awood buuxda ugu yeeshaan nabad ku soo dabbaalida dalka iyo in ay kala wareegaan ammaanka dalka ciidamada shisheeye ee hadda jooga (ATMIS iwm). In maadaama Soomaaliya badbaadadeedu ku jirto in ay qaado waddada horumarka ee hannaanka xisbiyada badan ay shanta sano ee soo socoto arrinkaas uga faa’iideystaan dalka Turkiga oo ah dalka dimuqdaari ah lehna taariikh fac weyn oo xagga hannaanka xisbiyada badan iyo maamulidda doorashooyinka. Waxaa jiray is af-garadyo iyo heshiisyo badan oo dhex maray labada dal dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, qaar ka mid ah heshiisyadaas waa la fuliyay qaar badanne weli lama fulin, marka in dhanka Soomaaliya, waxaa quman in ay dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada iyo af-garadyada fulay iyo kuwa aan weli fulin, si dib loogu dardargeliyo heshiisyada aan weli la fulin kuwaas oo ay faa’iido togan (amni, dhaqaale/ganacsi, horumar iyo bulsho iwm) ugu jirto Soomaaliya. In ay Soomaaliya (Guddiga Doorashadu) xiriir dhow la sameysaan Guddiga Doorashooyinka Turkiga oo ah Guddi fac weyn, lehna taariikh qoto dheer, kaas oo qabtay boqolaal doorashooyin oo kala duwan qarnigii la soo dhaafay. Taas u waddanka ka caawin karta in uu awood u yeesho qabashada heerarka doorashooyinka kale duwan iyo daadajinta iyo dhismaha dowlaha hoose ee dalka. Sidoo kale, waddanka Turkigu in uu heer sare ka gaaro arrimaha tirakoobka, doorashooyinka, amniga, aqoonsiga muwaadinka (identity), socdaalka, arrimaha qaxootiga, caafimaadka, adeeg daadejinta, iyo maaliyadda (bangiyada iwm) waxaa aasaas iyo gundhig u ah hay’adahiisa gaamuray ee ka shaqeeya bixinta kaararka aqoonsiga, marka Soomaaliya oo hadda aasaaskeeda ku jirta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaan u soo jeedin lahaa in ay xiriir dhaw la yeeshaan hay’adaha dhiggooda ah ee dalka Turkiga kuwaas oo ka shaqeeya arrimahaan aqoonsiga iyo diiwaangelinta. Waxaa jirtay in dhawaan guddi loo saaray dib u howlgelinta Somali Airlines oo muhimad weyn u leh dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub, waxaa iyana quman in guddigaasi xiriir dhow la sameeyo hay’adaha dowlaha Turkiga ee arrimahaas u dhuun doloola sida Turkish Airlines, hay’adaha duulista hawada ee Turkiga, iyo kuwa dalxiiska. In siyaasad arrimo dibadeed oo degan laga yeesho xiriirka u dhexeeya laba dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Tusaale, madaxweyne kasta oo Mareykanka loo doorto ama haka yimaado xisbiga dimuqraadiga ama kan jamhuuriga ah e, siyaasaddiisa ku aadan Israa’iil waa siyaasad jaan go’aan oo aan sinnaba si fudud isugu beddeli karin. Waxyaabaha yar oo lagu ammaani karo Madaxdii dalka Soomaaliya soo martay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa ka mid ah in mar kasta xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga uu mar kasta ahaa mid togan, walow aan filaayo in aysan jirin siyaasad arrimo dibbadeed oo qoran dhanka Soomaaliya oo gundhig u ah arrintaas. Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga waxa uu u yara eg yahay xiriir ka dhexeeya xisbul xaakimka uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan, taas oo khatar ku keeni karta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya haddii xibsiga Horumarka iyo Caddaalada ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan looga adkaado doorashooyinka Madaxweyne soo socda. Walow ay dooda kala duwani ka jiraan, haddan hannaanka ay qaatay Turkigu ee (presidential system) ayaa la leeyahay uma saamaxaayo in Madaxweyne Erdoğan uu mar kale (seddexaad) isku soo sharraxo Madaxweynaha dal weynaha Turkiga. Marka Soomaaliya waa in ay arrintaasi ku sii baraarugtaa kana fooljignaataa maadaama Turkigu howlo fara badan oo isgu jira amni, ganacsi, bini’aadanimo, horumar, iyo diblumaasiyadba ka wado Soomaaliya oo hadda iyo xilliga fogba u baahan waddan sida Turkiga ah oo u noqda saaxiib iyo walaal garab istaag laga helo marka looga baahdo. Waxaane arrintaan sii xoojina in xisbiga Horumarka iyo Caddaalada ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdoğan uu u yara eg yahay xisbi ku kor dhisan hoggaamiye Erdoğan, xisbiyada nuucaan ah ayaa la sheegaa in ay dafiicaan ama meesha ka baxaan haddii uu hoggaamiyahoodu meesha ka baxo (dhinto, gaboobo ama laga guuleyso). In Soomaaligu wax ka bartaan hay’adaha gaamuray ee dalka Turkiga, sida kuwa dhaqaalaha (bangiyada, hay’adaha maaliyadda, tirakoobka iwm), siyaasadda (arrimaha dibadda, tan gudaha), arrimaha bulshada (hay’adaha caddaaladda, caafimaadka, doorashooyinka iwm), amniga (difaaca, nabadeynta iwm). Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee rajada ka qaba in ay ummad hoggaamiyaa ayaa iyaguna hoggaamiya dalka Turkiga casriga ah ee dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka baran karaan geesinimada, dhiiranaanta, waddaniyadda, dulqaadka, sabarka, dad-isku-wadka, qiyamka, iyo lahaanshiyaha han-sare iyo aragti. Dadka Soomaaliyeed ee maalgashaday dalka Turkiga kuwaas oo ganacsiyada iyo guryaha ku leh waddanka Turkiga ama heysta dhalashada dalkaas, waxaa ay la gudboon in ay bartaan afka iyo qawaaniinta dalkaas si ay ugu noolaadaan waddankaas si habsami iyo xorriyadi ku jirto. W/Q: A. Abdulle Bare iyo cilmibaare The post Maxay SOOMAALIYA uga dhigan tahay dib u doorashada madaxweyne Erdoğan? appeared first on Caasimada Online.
  18. Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha difaaca ee Maraykanka ayaa ka digaya “sare u kac ballaadhan” oo ku yimi daandaansi ay sheegeen inuu kaga imanayo diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Shiinaha, kaas oo ka socda hawada caalamiga ah ee marin biyoodka Koonfurta Shiinaha. Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa aad isugu dhowaaday diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay iyo diyaarado dagaal oo Shiinuhu leeyahay. Laba sarkaal oo Maraykan ah oo magacooda qariyey ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay abuuri karaan falal ammaan darro oo aan lagu talo gelin. Salaasadii waxaa Maraykanku ay sii daayeen muuqaal ay ugu yeedheen “dhaqdhaqaaq gardaro ah oo aan loo baahnayn” kaas oo uu sameeyey duuliye dagaal oo Shiinaha u dhashay, falkaas ayuu kula kacay diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Maraykanka, 26-kii bishan May. Duuliyaha Shiinaha u dhashay ayaa hormaray diyaaradda Maraykanka, isaga oo u jirsaday illaa 122 meter, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Taliska ciidamada Maraykanka ee Indo-Pacific, kaas oo dusha kala socda hawlgallada milateri ee gobolka. Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha debedda ee Shiinaha ayaa Arbacadii ku eedaysay Maraykanka, inuu masuul ka ahaa dhacdadaasi, iyaga oo sheegay in diyaaraddaasi ay sahan aad u dhow ku waday Shiinaha, taasoo halis ku ah amniga qaranka iyo madaxbanaanida Shiinaha. Afhayeenka ayaa sheegtay inay tahay in Maraykanku uu joojiyo duulimaadyada noocaas ah ee halista keeni karaya. Maxkamadda caalamiga ee The Hegue ayaa xukuntay inaanu Shiinuhu lahayn tixraac taariikheed oo tilmaamaya lahaanshohooda badda Koonfurta Shiinaha, laakiin Beijing ayaa iska indho tirtay go’aankaas. Maraykanka ayaa si joogto ah, wuxuu hawlgallo uga fuliyaa, gudaha iyo hawada biyadda badda Koonfurta Shiinaha, si uu uga horyimaaddo, sheegashooyinka dhuleed ee Shiinaha, isla markaana uu u dhiirigeliyo in dalalka kale ay si xor ah uga gudbaan, iyaga oo isticmaalaya biyaha calaamiga ah, taasoo ay maraan kala badh, badeecadaha dunidu. hantidaas oo lagu qiyaaso dhawr trillion oo dollar, sannad walba. Shiinaha ayaa sheegta guud ahaan biyahaas, halka dalalka Brunei, Malaysia, Philippines, Taiwan iyo Vietnam ay sidoo kale sheegtaan jaziirado ku yaalla gudaha biyaha koonfureed ee Shiinaha. VOA The post Xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha oo kasii dartay appeared first on Caasimada Online.
  19. My husband, Ibrahim Jama, who has died aged 72, was a dedicated campaigner for international recognition of the country of his birth – Somaliland. Although a de facto sovereign state, Somaliland is still considered by most other nations – and the United Nations – to be part of Somalia. A legal officer at the Commission for Racial Equality (CRE) in the UK, Ibrahim, like many of his compatriots in the diaspora, gave over much of his time to help the campaign for recognition, including by providing legal advice and by helping to organise European Union observers for the state’s first democratic elections. Ibrahim was born in Hargeisa, in the British Protectorate of Somaliland, to Haji Jama, a veterinary assistant, and his wife, Shamis Mohamed, a shopkeeper. As the eldest boy in a family of nine he was designated by his father to receive an education, and went to Amoud secondary school in Hargeisa, where he did O-levels. He was then given financial assistance by the British Foreign Office to go to the UK to study for A-levels at Wallasey further education college in Wirral (1970-72), before going on to study law at the University of Liverpool (1972-75). We first met in Liverpool in 1974 at the local Somali club. Ibrahim returned to Somalia in 1975, and began a promising legal career in Mogadishu, working for the Ministry of Justice. However, it soon became clear that the then dictator, Mohamed Siad Barre, was surrounding himself with his own clan, and Ibrahim’s days were numbered. In 1977 he went to The Hague to do some training in international law, and I took a holiday from my teaching job in the UK so that we could meet up there. That year Ibrahim also did a few more months of training at the UN in New York, and used his diplomatic passport to break his journey home to Somalia with a visit to the UK. He and I got married, and he decided to stay. After a spell working for Liverpool city council’s housing department, in 1982 Ibrahim joined the CRE, investigating discrimination cases, supporting community relations councils with legal advice and running training programmes for employers and trade unions. He remained there until retirement in 2011, by which time he had become senior legal officer and the CRE had merged into the Equality and Human Rights Commission. Back home, events were unfolding tragically, with a civil war raging in Somalia. The north of the country was now calling itself Somaliland again and attempting to establish an independent state separate from the control of Mogadishu. Ibrahim became involved from afar in supporting many of his erstwhile school friends who had become leading lights in the reconstruction of Somaliland. He contacted MPs and MEPs, issued press releases and lobbied various NGOs and the EU to fund observers at the first elections. He also helped to produce a handbook on Somaliland electoral law. Always driving him forward was his pride in his homeland, where he believed the people had created a peaceful, enterprising, democratic country out of the ashes of civil war. He is survived by me, our three children, Miriam, Adan and Malik, three grandchildren and six siblings. … as 2023 gathers pace, we have a small favour to ask. A new year means new opportunities, and we’re hoping this year gives rise to some much-needed stability and progress. Whatever happens, the Guardian will be there, providing clarity and fearless, independent reporting from around the world, 24/7. Times are tough, and we know not everyone is in a position to pay for news. But as we’re reader-funded, we rely on the ongoing generosity of those who can afford it. This vital support means millions can continue to read reliable reporting on the events shaping our world. Will you invest in the Guardian this year? Unlike many others, we have no billionaire owner, meaning we can fearlessly chase the truth and report it with integrity. 2023 will be no different; we will work with trademark determination and passion to bring you journalism that’s always free from commercial or political interference. No one edits our editor or diverts our attention from what’s most important. With your support, we’ll continue to keep Guardian journalism open and free for everyone to read. When access to information is made equal, greater numbers of people can understand global events and their impact on people and communities. Together, we can demand better from the powerful and fight for democracy. Whether you give a little or a lot, your funding will power our reporting for the years to come.Support the Guardian from as little as £1 – it only takes a minute. If you can, please consider giving a regular amount each month or year. Thank you. Source Thè Guardian Qaran News
  20. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu dagaal ku hayo beesha iska leh xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Saciid Deni oo markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii bishaan lagu gaaray gudaha xarunta Villa Somalia, ayaa waxa uu sheegay in meeshii u sareysay uu marayo dagaalka beeshaasi uu ku hayo madaxweyne Xasan, kaasi oo gaaray inuu dhaho “ha la baabi’iyo xilkooda,” sida uu hadalka u dhigay. “Ifa-faalaha madaxweynaha tan iyo markii uu xilka yimid wey ka muuqatay sida uu ula dhaqmayo xafiiska (ra’iisul wasaaraha) awood qeybsiga ay dad gaar ah u leeyihiin, ku tagri-fal badan ayuu ku sameeyay, awoodihiisi ayuu hoos geeyay xafiiskiisa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Waxa uu intaas sii raaciyay “Hadda waxa uu si bareer ah u yiri maba jiri doono. Waxaa leeyahay madaxweynaha waxa uu ku dhaartay Dastuurka oo lagu doortay, waxaa ka rajeynayna inuu kan ku dhaqmo oo uusan ku xad-gudbin.” Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu sheegay in aysan suurta-gal aheyn in wixii hore loogu heshiiyay la beddelo, ayada oo aysan jirin sabab muuqato oo keenaysa in la beddelo. “Wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah, marka la beddelayo waa in laga wada-hadlo, haddana sabab loo bedelo ma muuqato,” ayuu yiri. Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dib-u-heshiisiin siyaasadeed dhab ah, marka loo fiiriyo sida ay hadda wax ku socdaan. “Awooddaha qanuuniga ah ee dowladda dhexe leedahay waddadii wey ka leexatay, Puntland-na wey caddeysay mowqifkeeda ayada oo raaceysa Dastuurkeeda iyo kan dowladda federaalka inay si gaar ah u dhaqmeyso inta laga helayo miyir qab iyo wax heshiis lagu yahay.” The post DENI: Xasan waxa uu dagaal ku haya xilka beel gaar ah appeared first on Caasimada Online.
  21. Aragti Siyaasadeedka Dr. Gaboose Maxay u Guulaysan Weyday. Bilawgii qarnigan 21aad waxaan xoghayn ka ahaa anigoo arday ah ururkii Sahan ka hor intii aanu ku keliyaysan Dr. Gaboose. Ururka Sahan waagaa wuxuu kulmiyey afar kooxood oo ay ka mid ahaayeen ururkii Islaamiga ahaa oo ay horkacayeen Dr. Gaboose iyo Professor Maxamed Cumar Jiir, urukii Badbaadadda Sland oo uu gudoomiye ka ahaa Maxamed Cabdi Iskeere – AHUN, koox la baxday dib-u-habayntii SNM oo aan ka xusuusto Madaxweynaha Sland ee hadda – Muuse Biixi, Maxamed Xaashi Cilmi iyo Abiib Timacad iyo koox afraad oo la baxay siyaasiyiinta madaxa banaan oo aan ka xusuusto Cali Waracade. Intan oo dhami waxay iska bahaysanayeen ururkii Udub oo uu markaa gudoomiye ka ahaa madaxweynihii wakhtigaa Cigaal AHUN. Dr. Gaboose ilaa waagaa buu han madaxnimo lahaa, khilaafkii ku yimi ururkii Sahanba wuxuu ka dhashay markuu Dr. Gaboose caddeeyey damaciisii uu rabay inuu ururka Sahan madax ka noqdo, ka dibna ay si qaawan ula dagaalameen rag ay hormood u ahaayeen Muuse Biixi iyo Abiib Timacad. Sidaa awgeed, laga soo bilaabo wakhtigaa ilaa iminka waxaan si dhaw ula socday aragti siyaasadeedka Dr. Gaboose, waxaana ii muuqday qodobo loo aanayn karo sababta ay u hanaqaadi weyday aragti siyaasadeedka digtoorka. Qodobka koowaad, aragti siyaasadeedka digtoorku waa mid aan dhab ahaan u fahmin waaqaca siyaasadeed ee ka jira Somaliland, waad la yaabi kartaa, waxaan se ku siinayaa tusaalayaal kuu iftiiminayaa arrintaa. Aragtida digtoorku marna laabta umay sii dayn inay deegaan gundhig ka dhigato, maadaama nidaamka xisbiyeed ee Sland ka jiraa aanu xambaarsanayn mabaadi ama aragtiyo, marnana muu kasban ama si dhamaystiran isumay fahmin digtoorka iyo waayeelka deegaanka uu salka ka dhigan lahaa. Dhanka kale, si fiican ugama wada guurin nidaamkan xisbiyadu deegaanka dabada gelinayaan, oo isuma dhigin nin deegaan gaar ah ka maarmay, lamana iman aragti iyo hal-abuur cusub uu bulshadda Sland si wadajir ah uga iibin karo, sidii uu yeelay Duqa Hargeysa – Cabdikarim Axmed Mooge markuu sharaxnaa. Tusaale kale, aragti siyaasadeedka digtoorku waa tii 2012kii oo la hirgeliyey inaan xisbiyadda siyaasaddu sadex keliya u xidhnaan, dimuqraadiyadda Sland geysey oo ku aastay xabaalaha Maka Durduuro, 2022kii oo dalkuba rabitaan ku shaqeeyo, sharcigiina u muuqdo mid dhan la isaga leexiyeyna urur u furtay oo u soo dimuqraadiyad doontay. Qodobka labaad, aragti siyaasadeedka digtoorku waa mid aan adkaysi iyo dulqaad lahayn. Siyaasaddu waa hawl adag oo u baahan Samir iyo shaqo joogto ah oo aan laga daalin. Ha yeeshee, aragtida digtoorku waa mid suurta oo maalinta fursad u muuqato oo keliya siyaasadda soo gasha inta kalena ka dhex baxda. Tusaale ahaan, markii u dhacay ururkii Sahan, ka dib markuu taageerayaashiisii meel ku wareejiyey, digtoorku siyaasadda kama soo muuqan, waxaan dib loo arkay markii Madaxweyne Rayaale wakhtigu ka sii dhamaanayey oo uu la yimi aragtidii uu ku dhisay ururkii Qaran, una halgamay inaan xisbiyadda siyaasaddu sadex keliya u xidhnaan. Mar kale, markii uu hadhay ururkii Ummadda, oo sidoo kale taageerayaashii wareejiyey dib buu u suuray wax ku dhaw muddo toban sanno ah, wuxuuna dib u soo toosay markii ay muuqatay fursadda furashada ururaddu, isagoo weliba bulshadda la wadaagay inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda. Aragtidda siyaasadeed markay hiigsi leedahay waa inaanay marna ka dhex bixin hawlaha siyaasadda, isla markaana waa inay mar walba qayb ka ahaataa jilayaasha siyaasadda, fursaddana waa inay ka dhex raadisaa ku jiritaanka iyo la noolaanshaha siyaasadda oo ay adkaysi u yeelataa isbedelka waayaha siyaasadda. Qodobka sadexaad, aragti siyaasaddeedka digtoorku waa mid godoonsan. Siyaasaddu kama maaranto bulsho iyo inay xidhiidh joogto ah la leedahay dadka, gaar ahaan kuwooda saamayn siyaasaddeed leh. Maadaama aragtida siyaasaddeed ee digtoorku soo toosto, keliya maalinta ay fursad aragto, inta kale bulshadda xidhiidh lama laha. Aragtidani waa aragti aan dadku qiimo la lahayn, una aragta maalinta loo baahan yahay in la isticmaali karo, laakiin inta kale aan waxba ku darsan, metelin, u doodin aadna u soo dhexgelin. Qodobka afraad, waa aragti siyaasaddeed aan fadhiyin oo meel loogu soo hagaagaa jirin. Tusaale ahaan, waa aragtida mar aaminsan in nidaam doorasheedka dalku yahay sawir iyo humaag dad gaar ahi ku shaqaystaan, dadkana been loo jilo, haddana waa isla aragtidaa mar walba urur u soo samaysata nidaamkaa aanay rumaysnayn. Waa aragtida aaminsan in xisbiyaddan deegaanadda dabada geliyey ay curyaamiyeen nidaamkii dimuqraadiyadeed ee Sland, haddana waa isla aragtida rabta inaan deegaan gaar ahi xisbi waayin oo cidla ku dhicin. Waa aragtida aan siyaasadda si dhab ah ugu wada jirin oo waayaheeda u sabrin, ama aan si dhab ah uga wada bixin. Qodobka Shanaad, aragti siyaasaddeedka digtoorku waa aragti qof ka bilaabanta oo qof ku dhamaata, inta badan ma arkaysid siyaasi weyn, ama madax-dhaqameed iyo dadka kale ee saamayn siyaasaddeed leh oo si joogto ah uga ag muuqda digtoorka. Soomaalidu waxay ku maahmaadaa nin keligii tashaday waa nin orgi rartay. Ilaa shan qodob oo kale baan xusi karaa, laakiin qormadda oo dheeraatay darteed, baan intan ku gaabsaday. Digtoorka qofnimadiisa Sharaf iyo imxtiraam baynu u haynaa, ha yeeshee xaq baynu u leenahay inaan wax ka iftiimino aragtiyaha siyaasaddeed ee raba inay metelaan masiirka nolosheena. Mukhtar Xaji Cabaydh Qaran News